Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all 304849 articles
Browse latest View live

Koobka Dhismaha Mashruuca Wabiga Abay Oo Si Meeqaam Sare Ah Loogu Soo Dhaweeyay jigjiga

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews),Axad, 10ka, December, 2017. Raisal-wasaaraha JDFI mudane hailemariam desalegn ayaa manaasabadii xuskii 12aad ee maalinta qoomiyadaha iyo shucuubta dalkeena itoobiya ee lagu xusay caasimada deegaanka canfarta ee samara ku wareejiyay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar koobka dhismaha mashruuca wabiga dib u curashada dalkeena itoobiya ee abay.

Haddaba, waxaa maanta si qurux badan loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee garaad wiil-waal madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayay kuwaas oo waday koobka dhismaha mashruuca wabiga dib u curashada dalkeena itoobiya ee Abay. waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay masuuliyiinta sare ee xukumada DDSI, shaqaalaha dawlada, masuuliyiinta maamulka magaalada jigjiga, odayaal dhaqameedka deegaanka iyo qaybaha kala duwan bulshada ku dhaqan caasimada deegaanka ee jigjiga.

Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo qolka nasashada ee garoonka diyaaradaha kula hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay dadaalka balaadhan ee dalku ugu jiro sidii loo tir tirilahaa saboolnimada islamarkaana loo gaadhilahaa wadamada dhaqaala hoodu dhex-dhexaadka yahay madaxwaynaha ayaa sheegay in mashruuca wayn ee dhismaha wabiga abay uu ka mid yahay mashaariicaha lagu gaadhayo horumar waara oo joogtaysan oo aan soo noqod lahayn madaxwaynaha ayaa tilmaan dheer ka bixiyay sida ay xukuumada iyo shacabwaynaha DDSI ugu heelan yihiin taabo galinta iyo ka midho dhalinta mashruucan abay madaxwaynaha ayaa ugu dambayntii sheegay in koobkan maanta soo gaadhay deegaanka ay xilwayn iska saarayaan mudada uu yaalo deegaanka.

Koobkan oo si qurux badan galabta loogu soo wareejiyay wadooyinka waawayn ee caasimada deegaanka ee jigjiga islamarkaana qaybaha kala duwane ee bulshada siwayn usoo dhaweeyay ayaa waxaa lagu wareejiyay mayorka maamulka magaalada jigjjga mudane ibraahin maxamuud mubaarik. Koobkan oo muddo sanad ah lagu hayn-doona DDSI ayaa waxaa la soo marindoonaa dhamaan gobolada deegaanka.

 


M.M.Qabridahar Iyo Tababar Loo Qabtay Macalimiinta Luuqada Afka Soomaaliga

$
0
0

Qabridahar(cakaaanews)Axad, 10ka December 2017. Waxaa meel fiican maraya Tababar kor loogu qaadayo garaadka aqoomeed ee macalimiinta luuqada afka soomaaliga, kana soo qaybgaleen qaar kamid ah macalimiinta degmooyinka hoosyimaada gobolka Qoraxey kaasoo si habsamileh uga socda magaalada qabridahar.

Hadaba, tababarkan ayaa warbaahinta deegaanka uga warbixiyay khabiirka sare oo katirsan waaxda Hor-Macalimiinta Iyo Hog-waxbarashada ee xafiiska waxbarashada DDSI ahna madaxa kooxda fulinaysa tababarkan mudane Maxamuud Cabdi Aamin oo sheegay in tababarkan ay fulintiisa iska kaashadeen xafiiska waxbarashada DDSI iyo Hay’ada USAID mashruuca RTI islamarkaana lasiinayo barayaasha luuqada afka soomaaliga ee fasalada 5aad ilaa 8aad kuwaasoo laga soo kala xulay dhamaan degmooyinka Gobolka Qoraxey. Wuxuuna xusay in tababarkani uu soconayo mudo 10 cisho ah. Iyadoo casharada lasiinayo barayaashana ay kusaabsan yihiin luuqada Afka-soomaaliga akhriska iyo qoraalkeedaba iyo waliba nidaamka ama shuruucda baris barasho ee looga baahanyahay macalinka luuqada.

Sidookale, Sidookale Mudane Cabdi Cabdulaahi oo ah khabiir sare oo katirsan waaxada horumarinta macalimiinta ee xafiiska waxbarashada DDSI kana mid ah xubnaha tababarka fulinaya oo isnakahadlay ayaa sheegay in tababarka iyo cashar bixinta ay sifiican uwadaan islamarkaana ay nidaamka cashar bixintu isugu jirto mid theory ah iyo practical labadaba,. Wuxuuna tilmaamay inay jiraan laylisyo kooxo kooxo iyo shaqsi shaqsi laisagudirayo kadibna lasoojeedinayo.

Dhanka kale, barayaashii kasooqaybgalay tababarkan oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin tababarkan kusaabsan luuqada afkasoomaaliga ee uu xafiiska waxabarashada DDSI u qabtay. Waxayna xuseen in sifiican casharadu ugu socdaan islamarkaana ay sifiican uga qaybqaadanayaan casharka.

Iskusoowada duuboo, tababarkan ayaa kamid ah mashruuc ay maalgalintiisa bixisay Hay’ada USAID islamarkaana kor loogu qaadayo 7 luuqadood oo kamid ah luuqadaha dalkeenan Ethiopia taasoo ay kujirto luuqada afkeena hooyo ee afka soomaaliga. Iyadoo tababarkana laga filayo kadib markuu dhamaado in uu waxwayn katiro doono dhanka nidaamka baris barasho ee udhaxeeya macaliinta luuqada afka soomaaliga iyo ardayda fasalada 5aad, 6aad, 7aad iyo 8aad.

MW CMC Iyo Odayaal Dhaqameedka Deegaanka Oo Booqday Gaadiidka Iyo Mashiinada Waawayn Ee Lagu Hirgalinayo Qorshayaasha Horumarineed

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Axad 10ka December 2017. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, waftigii balaadhnaa  ee uu hogaaminayay iyo odayaal dhaqameedka deegaanka ayaa kadib markii maamulka magaalada jigjiga ku wareejiyeen koobkii mashruuca biyoxidheenka wabiga abay waxay booqasho ku tageen gaadiidka iyo mashiinada waawayn ee lagu hirgalinayo mashiiriicaha horumarineed ee laga fulinayo deegaanka ee ay xakuumadu soo iibasay.

Hadaba gaadiidakan iyo mashiinadan waawayn ayaa isugu jiray 58 booyadood oo si casri ah loo sameeyay oo ah booyado loo isticmaali karo dhanka dabdamiska  iyo biyo dhaamisba islamarkaana la gaadhsiin doono dhamaan gobolada deegaanka si looga jawaabo baahida bulshada ee dhanka horumarinta .

Intaas kadib ayaa waxay mas’uuliyiinta iyo odayaal dhaqameedka deegaanku si wadajir ah ubooqdeen xarunta naaxinta xoolaha deegaanka halkaas oo ay ku xaraysanyihiin geel lo iyo adhiba si looga jawaabo qorshaha xukuumada ee baabaca. Ugu danbayna waxay mas’uuliyiinta iyo odayal dhaqameedka deegaanku booqdeen mashiinada waawayn ee biyaha macaaneeya kuwaasoo loogu talagalay in lagu macaaneeyo goobaha biyaha macaan laga waayay islamarkaana mashiinadan biyaha  oo tiradoodu dhantahay 10 mashiin ayaa hada shaqadooda ka bilaabi doona ceelka biyaha badan ee jarati balse biyahiisu khadhaadh yihiin, Waxaa kale oo kamid goobaha mashiindan la gayn doono ceelka lababaar ee degmada shilaabo, ceelka degmada garbo, Ceelka higlaalabiir ee degmada horshagax iyo goobo kale oo kamid ah deegaanka. Iyadoo mashiinadani yihiin mid 90 % soo saaraya biyo nadiif ah.

Grand Ethiopian Renaissance Dam Cup ArrivedJigjiga city

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews) Sunday 10th December 2017.During celebration of 12th anniversary of Ethiopian nations, nationalities day, FDRE Prime Minister H.E Haile Mariam Deselegn rewarded ESRS president HE Abdi Mohamoud Omar to Grand Ethiopian Renaissance Dam cup.

Hence, today ESRS higher officials, regional sector bureaus staff, Jigjiga city administration officials and traditional elders had warmly welcomed a large delegation led by ESRS president H.E Abdi Mohamoud Omar whose carrying Grand Ethiopian Renaissance Dam cup at Garaad wiilwaal international airport.

At Garaad Wiil-waal Airport rest Room, President Abdi Mohamoud Omar talked to the media and have reported the country’s efforts to eradicate poverty and reach middle income countries. He said the construction of grand Ethiopian renaissance dam is one of the projects which is planned to achieve sustainable development. The president expressed that the Ethio-Somali regional state and its people are committed realization and accomplishment of the construction of grand Ethiopia renaissance dam. Eventually the president stated that today ESRS is hosting grand Ethiopia renaissance dam cup and the region will take the responsibilities of the cup.

Therefore, after the cup was beautifully paraded throughout the streets of Jigjiga city; it was finally handed to Jigjiga city administration Mayor Mr. Ibrahim Mohamoud Mubarik.  The region will host Grand Ethiopian Renaissance Dam cup for a year, and the cup will travel to all zones of the region.

 

 

የታላቁ ህዳሴ ግድብ ግንባታ የገቢ ማሰባሰቢያ ዋንጫ በጅግጅጋ ከተማ ደማቅ አቀባበል ተደርጎለታል

$
0
0

ጅግጅጋ(cakaaranews)ሰኞ፤ተህሳስ1ቀን፤2010..በአፈርክልልርዕስ መዲናበሰመራከተማየተከበረውን12ኛውየቤሔር፤ቤሔረሰቦችናህዝቦችክብረበዓልላይየኢ....ጠቅላይሚንስተርአቶ/ማርየምደሳለኝየታላቁህዳሴግድብግንባታየገቢማሰባሰቢያዋንጫለኢ....ፕሬዝዳንትለክቡርአቶአብዲመሀሙድማስረከባቸውንይታወሳል።

በተጨማሪምበዛሬእለትየታላቁህዳሴግድብግንባታየገቢማሰባሰቢያዋንጫይዞትየመጡና  በኢ....ፕሬዝዳንትአቶአብዲመሀሙድኡመርየሚመራከፍተኛየመንግስትባላስልጣናትበክልሉርዕስ-መዲናበጅግጅጋከተማበጋራድዊልዋልአለማቀፍየኣየርማርፊያላይ  ደማቅአቀባበልተደርጎላቿል።በዋንጫአቀባበልሥነስርዓቱላይምየክልሉመንግስትከፍተኛአመራርአባላት፤የክልሉሴክተር/ቤቶችሰረተኞች፤የጅግጅጋከተማአስተዳደርየሥራሃላፊዎችናሰረተኞች፤የጅግጅጋየእምነትአባቶችናአገርሽማግሌዎችእንድሁምየጅግጅጋከተማነዋሪዎችተገኝቷል።

በሌላበኩልየክልሉፕሬዝዳንትአቶአብዲመሀሙድኡመርበጋራድዊልዋልኤርፖርትየእንግዳመቀቢያክፍልለሚዲያበአነጋገሩትወቅትአገራችንከደህንነትለማውጣትናዘላቂልማትለማምጣትእንድሁምሀገሪቷመካከለኛገቢካላቸውአገራትተርታለማሰለፍየሚናደርገውጥረትአንደኛናዋነኛውየታላቁህዳሴግድባችንግንባታማጠናቀቅነውብሏል።የክልሉህዝብናመንግስትለታላቁህዳሴግድብግንባታድጋፍከመቼምበላይልዩትኩረትየሚሰጥመሆኑንአክሎበክልሉየደረሰውየታላቁህዳሴግድባችንዋንጫክልሉየተጣለበትሃላፊነትበአግባቡእንደሚወጣምክቡርፕሬዝዳንቱ  ገልጿል።

በመጨረሻምዋንጨውበደመቀሆነታበጅግጅጋከተማመንገዶችከተዘዋወሬናህዝቡአቀባበልካደረገበኋላየጅግጅጋከተማአስተዳደርካንቲባአቶኢብራህምመሀሙድሙባረክተረክቧል።ዋንጫውበክልሉለአንድአመትያህልየሚቆይሲሆንበሁሉምየክልሉዞኖችናወረዳዎችንይዘዋወራል።

 

President A.M.O and Regional Traditional Elders Visited Newly Purchased Machineries andOther Development Facility Centers.

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Sunday 10th December 2017. ESRS PresidentH.E Abdi Mohamoud Omar accompanied with regional higher officials and traditional leaders visited newly purchased heavy machineries and facility centers at jigjiga city.

Accordingly, these machineries are included 58 modern water tank vehicles which can be used firefighting as well as water trucking and it will be distributed to all zones of the region in order to respond the need of the community.

In addition to this, the delegation visited livestock fattening center where currently dwelling various kinds of livestock including camel, cattle and flocks.

Eventually, the delegation and regional officials were visited10 large water purification machines designed for filtering and purifying bitter water. It is reported that these machines can produce 90% purified water. These machines will begin initially their work at Jarati Borehole which its water is bitter. Again these machines will be distributed to LababaarKebele borehole of Shilaboworada, Higlaalabir borehole of Horshagahworeda and also other areas in the region. 

 

 

Xafiiska Gaadiidka, Ganacsiga iyo Warshadaha DDSI Ayaa Bixinta iyo Qaybinta Boolooyinka Sanadkan 2010 kafuliyay MM Dhagaxbuur iyo Qabridahar

$
0
0

Qabridahar(Cakaaranews)Isniin, 11ka December 2017. Xafiiska Gaadiidka, Ganacsiga iyo Warshadaha DDSI ayaa si habsamileh Magaalada qabridahar uga wada  bixinta iyo qaybinta Boolooyinka sanadkan 2010 T.I  iyadoo bixinta boolooyinkana laga soo fuliyay MM dhagaxbuur oo lasiiyay dhamaan gaadiidka kaladuwan ee kashaqeeya.

Hadaba, mudane Cabdifataax Xirsi Carte oo ah madaxa kooxda fulinaysa bixinta adeegan boolada ahna Khabiir Sare oo katirsan Xafiiska Gaadiidka, Ganacsiga iyo Warshadaha DDSI oo u waramay warbaahinta deegaanka ayaa shegay in ay si habsamileh uga wadaan bixinta boolooyinka ee loogutalagalay gaadiidka kaladuwan ee magaalada qabridahar islamarkaana ay soo dhamaystireen bixinta boolooyinka ee gaadiidlayda magaalada dhagaxbuur. Wxuuuna intaa kudaray in sidookale ay dhawaan tagi doonaan magaalada goday si ay uga soobixiyaan boolooyinka.

Dhankakale, mudane cabdifataax ayaa tilmamay in bixinta boolooyinakani ay faaiiido uleedahay Maamul Magaalooyinka iyo deegaankaba islamarkaana uu kasooxaroonayso dakhli badani.

 

Ugudanbayna, Kusimaha Madaxa xafiiska Gaadiidka Ganacsiga Iyo Warshadaha MM Qabridahar mudane Cabdinaasir Muxumed Wali oo isna kahadlay bixinta Boolooyinkan ayaa sheegay in si quruxbadan ay usocoto bIxinta Boolooyinka 2010 T.I islamarkaana ay siwada jira ah u qabanayaan shaqada iyaga iyo xubnaha heerdeegaan kasocda. Wxuuuna tilmaamay in bixinta boolooyinakani ay faaiido uleedahay magaalada. Wuxuuna u mahadceliyay xafiiska Gaadidka, Ganacsiga iyo warshadaha DDSI kaasoo si wanaagsan magaalada Qabridahar usoo gaadhsiiyay adeegan Boolada.    

Xafiiska Waxbarashada DDSI Oo Koox Darajosiinta Dugsiyada Deegaanka Ah Udiray 4 gobol

$
0
0

Jigjiga (Cakaaranews) Isniin 11ka December 2017. Xafiiska waxbarashada DDSI ayaa koox soo xaqiijinayasa darajosiinta 3aad iyo 4aad ee dugsiyada  deegaanka  udiray gobolada faafan ,dollo, qoraxey iyo siti.

Hadaba kooxdan xaqaajinta darajosiinta dugsiyada deegaanka oo loo diray 4taas gobol een ku kuxsnay ayaa waxaa tagitaanoodii la dardaarmay wasiir kuxigeenka xafiiska waxbarashada mudane Maxamuud AxmedNuur (Heeryo) iyo agaasinka dabagalka (Inspection) ee xafiiska waxbarashada DDSI mudane Muxiyadiin Sheekh Cabdiraxmaan oo u sheegay in loo baahanyahay inay kooxdu sameeyaan dadaal iyo ukuurgal wanaagsan islamarkaana schoolaadka gobolada faafan, dollo, qoraxey iyo sitti  oo ka kooban 785 school oo isugu jira dugsiyada sare iyo hoose dhexe aad ka samayasaan darajosiinta dugsiya heerka 3aad iyo 4aad. Wuxuuna wasiir ku xigeenku ku adkeeyay kooxdan inay si wadaniyadi ku dheehantahay usameeyaan darajosiintan maadaama hadhow laga duuli doona xogatan aad ka keentaan school walba islamarkaana uu school walba ahaandoono darajada aad kusoo qiimaysaan.

Ugu danbayna waxaa dhankooda ka hadlay qaar kamid ah kooxdii loo dirayay darajosiinta dugsiyada gobolada faafan, dollo, qoraxey iyo sitti oo sheegay inay daraasaadkan ay usoo qaban doonaan sidii tabababarka iyo dardaaranka  lagu siiyay islamarkaana ay si wadaniyad ku dheehantahay usoo gudan doonaan daraasadkan.   


Tababar Lagu Kobcinayo Garaadka Aqooneed Ee Barayaasha Luuqada Afka Soomaaliga Ee Gobolka Sitti Ayaa Lagusoo Gabagabeeya Degmada Shiniile.

$
0
0

Shiniile(Cakaaranews) Isniin 11ka December 2017. Tababar uu soo agaasimay xafiiska waxbarashada DDSI oo loo hayay macalimiinta luuqada afka soomaaliga ee dhamaan  degmooyinka gobolka Sitti ujeedadiisuna ahaa sidii kor loogu qaadi lahaa garaadka aqooneed ee barayaasha luuqada afka soomaaliga ee degmooyinka gobolka Sitti ayaa lagusoo gabagabeeyay degmada shiniile ee xaraunta gobolka sitti.

Haddaba tababarkan oo socday mudo 10 ah ayaa waxaa xidhitaankiisii kawarbixiyay  khabiir ka socday xafiiska waxbarashada DDSI mudane Maxamed Cabdi Qani oo  madaxkooxeed ka ahaa tababarkan   ayaa  sheegay in tababarkan ay fulintiisa iska kaashadeen xafiiska waxbarashada DDSI, Hay’ada USAID, hay'ada RTI iyo waliba mashruuca READ TA islamarkaana lasiinayo barayaasha luuqada afka soomaaliga ee fasalada 5aad ilaa 8aad. Kuwaasoo laga soo kala xulay dhamaan degmooyinka GobolkaSitti. Wuxuuna  intaa kudaray in  tababarkani uu socday mudo 10 cisho ah islamarkaana barayaasha qaatay tababarkan looga baahanyahay inay fahan buuxa kasiiyaan ardayda ay macalimiinta utihiin. Maadaama  casharada la idinsiinayay mudada 10ka cisho ah ay ku qotomaan luuqada Afka-soomaaliga akhriska iyo qoraalkeedaba iyo waliba nidaamka ama shuruucda baris barasho ee looga baahan yahay macalinka luuqada Afka-Hooyo .

Ugu danbayna waxaa dhankooda ka hadlay qaarkamid ah barayaashii qaatay tababarka oo sheegay inay si fiican uqaateen dhamaan cashiradii tababarku ku saabsanaa  mudadii uu cashirku socday islamarkaana uga faaiidayn doonaan ardayda wax kabarata  dugsiyadii ay ka kala yimaadeen.

 

Kulan Tababar Iyo Wada Tashi Isugujira Oo Lagu Soo Bandhigayay Qaladaadka Isticmaalka Miisaaniyada Ayaa Kaqabsoomay Magaalada Jigjiga

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Talaado, 12ka December 2017. Kulan balaadhan oo isugjira tababar iyo wada tashi islamarkaana uu soo agaasimay xafiiska maaliyada iyo Horumarinta dhaqaalaha DDSI, laguna soo bandhigayay qaladaadka isticmaalka miisaaniyada iyo kudhaqanka shuruucda maamulka maaliyadeed ayaa kaqabsoomay magaalada jigjiga.

Hadaba, Kulankan oo ujeedadiisu tahay soo bandhigida Natiijooyinka ama kahladaadkaadka dhanka isticmaalka miisaaniyada iyo kudhaqanka shuruucda  maamulka maaliyada ayaa waxaa furitaankiisii kahadlay Wasiir-kuxigeenka Xafiiska Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha DDSI mudane Jamaal Faarax Warmooge oo sheegay in kulankani yahay mid lagaga wada tashanayo sii adkaynta hantidhawrka gudaha. Wuxuuna xusay in ay lagama maarmaan tahay in si wanaagsan oo sharci ah loo isticmaalo  khayraadka maaliyadeed ee aan haysano sidaasdarteedna loo baahnayahay in rubuc kasta lagwada hadlo waxyaalaha ama caqabadaha lala kulmay iyo sidii loo sixi lahaa. Wuxuuna carabka kudhuftay in cqabadaha lalakulmay lasoobandhigayo kadibna lagu dhaqaaqayo sidii loo sixilahaa.

 

Iskusoowada duuboo, kulankan oo si heersare ah uga socda xafiiska maaliayada iyo Horumarinta dhaqalaaha ayaa waxaa laga filayaa in natiijooyin wanaagsani kasobaxayaan islamarkaana ulagu sii doonoo khaladaadka Dhicikara ee isticmaalka miisaaniayda. 

Xafiiska Arrimaha Haweenka Iyo Caruurta DDSI Oo Xarunta Xakamaynta Dhibanayaasha Tacadiyada Kadhanka Ah loogaysto Kahirgaliyay Hospitaalka Karamardha.

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Sabti 4ta November 2017.Xafiiska arrimaha haweenka iyo caruurta DDSI ayaa markii ugu horaysay Cusbitaalka Kaaramardha ka hirgaliyay xarunta xakamaynta  dhibanayaasha tacadiyada kadhanka ah loo gaysto ee caruurta iyo haweenka. Iyadoo  xaruntaasna ay khibrad wadaag ugu yimaadeen masuuliyiin ay horkacayso wasiirada arrimaha haweenka iyo caruurta ee degaanka Benshanguul-gumuz

Hadaba, Wasiirka Xafiiska Arrimaha Haweenka iyo Caruurta DDSI marwo Raxma Suldaan Maxamuud Haybe oo warbaahinta lahadashay ayaa sheegtay in Booqasho kuyimaadeen xarunta xakamaynta dhibanayaasha tacadiyada kadhanka ah loogaysto ee xafiisku ka hirgaliyay Cusbitaalka Karamardha ee MMJ. Waxayna intaa kudartay in booqashadan ay wasiirada kuwahelinayeen masuuliyiin ay horkacayso wasiirada arrimaha haweenka iyo Caruurta benshangul-Gumuz marwo  marwo Buzinesh alkadir si ay khibrad wadaag uga qaataan xaruntan islamarkaana ay deegaankooda uga hirgaliyaan. Waxayna indho indhaynayaan sida ay ushaqayso xarunto iyo waliba sida ay udhisantahay.

Dhankakale, wasiirada oo faahfaahin kabixisay  xaruntan ayaa sheegtay in xaruntani ay leedahay shaqaalo ugaar ah islamarkaana ay yaalaan  adeegyadii cabashada lagu soogudbisan lahaa. Waxayna carabka kudhufatay in xaruntan ay yaalaan teleefanada linka ah (hot-line) islamarkaana ay dhibanayaashu soogaraacayaan numberka 8344 meelkasta oo ay joogaan. kadibna booliska iyo hayadaha nabadgalyadu si dagdaga ah ugu soo gaadhi dhibanayaash.

Ugudanbayna, masuuliyiintan iskudhafka ah ayaa siwada jir ah u booqday xarumaha kaladuwan ee haweenka iyo caruurta ee lagu baadho kiisaskooda kaladuwan.

 

 

Tababar Loo Qabtay Macalimiinta Cusub Ee Kuliyadaha TVET ka Lagu Meeleeyay

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Sabti, 4ta November 2017. Xafiiska tababarada xirfadaha iyo farsamada gacanta DDSI ayaa kuliyadaha xirfadaha iyo farsamooyinka gacanta ee deegaanka ku meelayay macalimiin cusub. kuwaasoo ah dhalinyarta u dhalatay deegaanka ee kasooqalinjabisay jaamacadaha dalkeena islamarkaana u bilaabay Tababar lagu kobcinayo garaadkooda aqoomeed.

Hadaba, Wasiirka Xafiiska Tababarada, Xirfadaha Iyo Farsamada Gacanta DDST mudane Naasir Xasan ayaa sheegay in tababarkan ujeedadiisutahay mid kor loogu qaadayo garaadka aqoomed ee macalimiinta cusub ee loogu talagalay kuliyadaha xirfadaha iyo farsamooyinka gacanta ee deegaanka. wuxuuna xusay wasiirku in xukuumadu ay xooga saartay barashada xirfadha farsamooyinka islamarkaanay ay horay u tidhi in kuliyadaha tababarada xirfadaha loo qaatay dhiig joojinta degdega ah. Wuxuuna tilmaamay in macalimiintan ay masuuliyad wayn saarantahay islamarkaana looga baahanyahay in bulshada gobolada ay kadhigaan kuwo xirfadayaal ah. Iyadoo macalimiintana badankoodu ay yihiin kuwo looqaatay kuliyadaha cusub ee laga dhisay gobolada deegaanka.

Wuxuuna kula dar daarmay wasiirku in macalimiintani ay noqdaan kuwo waajibaadkooda kasoobaxa kadib  markii uu tababarku u dhamaado ee ay tagaan goobaha lagu kala qoray

 

Iskusoowada duuboo, barashada xirfadaha kaladuwan  iyo farsamoyinka gacanta ayaa ah mid ay xukuumada DDSI xooga saartay si loo tirtiro shaqo la’aanta loogana baxo saboolnimada oo wadanku uga mid noqdo wadamada dhaqaalahoodu dhexdhexaadka yahay.

ESRS Bureau of Women & Child Affairs Established GBV One-Stop Center

$
0
0

Jigjiga (Cakaaranews) Saturday 4th November 2017. ESRS Bureau of women & child affairs at first time established gender based violence (GBV) one stop center at Karamara Hospital of Jigjiga city. This center offers medical, psycho-social counseling and legal services to survivors of gender based violence and child abuse which is mostly women and children.

ESRS Women & child affairs bureau head Ms. Rahma Mahamoud Haybe told to the media that the center will play a significant role for responding victims of gender based violence (GBV). She added that the bureau will use the center to provide awareness rising on harms of GBV, eradicating female genital mutilations, early marriage and also child abuse.  In addition to this, the center have special employees who provides all necessary services that the GBV survivors needed, and also hot-line telephone which survivors can call every time they require to get an emergency service. 

“We have so far set up a Hot-line; the toll free number is 8344 and callers will be able to speak to a social worker to access the existing services in the center”said Ms. Rahma.

Furthermore, Beneshangul Gumes region women & child affairs bureau head Ms. Buzinesh Alkadir accompanied with other officials have visited this newly established GBV one stop center on this morning for experience sharing.

Finally, ESRS Women & child affairs bureau head Ms. Rahma Mahamoud stated that Karamara GBV one stop center will ensure human rights, advancement of gender equality and women’s right. She mentioned that UNICEF supported establishing and functionalizing of this one stop center.

 

 

የኢትዮጵያ ሶማሌ ክልላዊ መንግስት የሴቶችና ህፃናት ጉዳይ ቢሮ የ GBV One-Stop ማዕከል አቋቁሟል

$
0
0

ጅግጅጋ(Cakaaranews)እሀድ: ጥቅም 26/2010ዓ.ም.የኢትዮጵያ  ሶማሌ  ክልላዊመንግስት  የሴቶችናህፃናትጉዳይቢሮ  ለመጀመሪያ ጊዜ የክልሉ ጾታነክጥቃትማዕከልበጂግጅጋከተማበካራማራሆስፒታል ማቋቋሙን ተከትሎ ማዕከሉ ስለሚሰጠው አገልግሎት ልምድ ለመቅሰም ከቤንሻንጉል ጉሙዝ ክልል የሴቶችናህፃናትጉዳይቢሮ ሃላፊ ወ/ሮ ብዙነሽአልካዲር  የሚመራ ከፍተኛ  አመራሮች ጎበኙ።

በሌላ በኩል የኢትዮጵያ  ሶማሌ  ክልል የሴቶችናህፃናትጉዳይ  ቢሮ ኃላፊ  ወ/ሮ ራህማ ሱልጣንመሀሙድለክልሉ ሚዲያ እንደገለጹትማዕከሉ በፆታዊጥቃትለተጎዱምላሽለመስጠትትልቅሚናእንደሚጫወትገልፀዋልበመቀጠልም  የጂአይቪ ማዕከሉ  ሴት ልጆቻችን ለሚደርሱጥቃቶች እንደ ቅድመ-ወሊድ፤ ካለእድሜ-ጋብቻ፤የህፃናትመጎሳቆል እና የመሳሰሉት ችግሮችማጥፋትግንዛቤንለማሳደግቢሮኣቸው እንደሚጠቀምበት ለልምድ-ልውውጥ የመጡ የቤንሻንጉል ልዕኳን ቡዱን አብራርታለችከዚህበተጨማሪምማዕከሉ ጥቃት ለደረሰባቸው ሴቶችና ህጻናትየሚያስፈልጉትንሁሉንምአስፈላጊአገልግሎቶችየሚያቀርቡልዩሰራተኞችንእንዲሁምአስፈላጊውንየድንገተኛጊዜአገልግሎትለማግኘትየሚያስፈልጋቸውንየስልክመስመሮችም እንዳሉትና ጥቃት ለደረሰባቸው ሴቶችና ህጻናት ለአስቸኳይ  የጥሪቁጥሩ 8344 ደውለውአገልግሎትሰጪ ባላሙያዎችና የፀጥታ አካላትንማግኘት እንደሚቻልም አክሎበታል።

ከዚህምበተጨማሪቤንሻንጉልጉሙዝክልልሴቶችናሕጻናት ጉዳይቢሮኃላፊወ/ሮ ብዙነሽአልካዲር ማዕከሉ አዲስ እንደሆነበትና ወደ ክልላቸው ሲመለሱ እንዲህ አይነት ማዕከል እንደሚያቋቋሙና ከኢትዮጵያ  ሶማሌ  ክልል የሴቶችና ህፃናት መብት  አስከባሪ ማዕከል ትልቅ ልምድ እንዳገኛቸውም አረጋግጧል።

በመጨረሻምበኢትዮጵያ  ሶማሌ  ክልል  የሴቶችእናሕፃናትጉዳይኃላፊየሚመራ ጥምር ልዕኳን ቡዱኑ በክልሉ የሚገኙ የሴቶችና ህፃናት መብት ማስከበሪያ ማዕካላት በመጎበኘት፤በመስኪ-ምልከታ ወቅትም በክልሉ የሚገኙየሰብአዊመብትየጾታእኩልነትናየሴቶችመብትንማጎልበቻ መዕከላቱ አበረታች መሆናቸውና በሥራዎቹ ላይም  የህፃናት አድን ድርጅት ትልቅ(UNICEf) ሚና እንዳለቸውም ተጠቆሟል።

 

Ogaysiis: Soomaalida Lagasoo Tarxiilay Wadanka Sucuudiga

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Axad 5ta November 2017. Waxaa la ogaysiinayaa dhamaan dadka soomaalida ah ee lagasoo tarxiilay wadanka sucuudiga ee ku sugan dhamaan gobolada , Degmooyinka iyo maamul magaalooyinka deegaanka inay iskasoo diiwaan galiyaan wakaalada xidhiidhka arrimaha qurba-joogta DDSI mudo 7 bari ah gudahood.

FG: dhamaan maamulada gobolada, Degmooyinka iyo MM  deegaanka waxaa lagu wargalinayaan  inay arrintaas la socdaan  fudaydiyaana islamarkaana ay kaalinta ugu wayn ka qaataan.

Ugu danbayn waxaa looga digayaa dadka soomaalida ah ee sucuudiga lagasoo tarxiilay inay mudada diwaangalinta ilaaliyaan oo ay wakhtiga loo qabtay iskusoo diwaangaliyaan.  


Wasiirka Adeega Shacabka iyo Horumarinta Cududa Shaqaalaha Oo Kawrbixiyay Heerka Uu Marayo Hirgalinta Barnaamijka JEG

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)5ta,November 2017. Wasiirka Adeega Shacabka iyo Horumarinta Cududa Shaqaalaha DDSI mudane Axmed Koore oo warbaahinta deegaanka u waramay ayaa sheegay in uu meel fiican marayo barnaamijka Qiimaynta iyo darajo siinta shaqada iyo shaqaalaha ee loo yaqaano JEG. Iyadoo barnaamijkanina 90% uu ka hirgalay hay’adaha dawliga ah ee heer deegaan islamarkaana uu xafiisku ku gudajiro sanadkan 2010 T.I sidii looga hirgalin lahaa dhamaan degmooyinka iyo maamul magaalooyinka deegaanka.

Hadaba, wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in barnaamijkani yahay barnaamij aad muhiim ugu ah dhanka shaqada iyo shaqaalaha wax-wayna kataraya tayaynta adeeg bixinta iyo qanaca bulshada deegaanka. iyadoo barnaaijkani uu yahay mid is waafajinaya nooca shaqada iyo cilmiga uu bartay qofku (job-description) waxauuna carabka kudhufaty in sidookale barnaamijku uu si wayn u eegayo dhinaca aragtida shaqaalaha iyo waiba khibrada shaqo ee uu leeyahay.

Iskusoowada duuboo, xafiiska adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha ayaa sanadihii ugu danbeeyay ku hawlan dhinaca tayaynta iyo tirada cududa shaqaalaha DDSI, iyo waliba xoojinta dhanka isgaadhsiinta casriga ah ee ICT.

የኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል መንግስት የሲቪል ሴርቪስና ሰው ኃይል ልማት ቢሮ የሥራ ሚዛና እቅዱ በጥሩ ደረጃ ላይ እንደሚገኝ ገለፀዋል።

$
0
0

ጅግጅጋ(cakaaranews)ሰኞ፤ ጥቅምት 27/2010ዓ.ም. የኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል መንግስት ሲቪል ሴርቪስና የሰው ኃይል ልማት ቢሮ ኃላፊ አቶ አህመድ ኮሬ በክልሉ ሰክተር መ/ቤቶች ላይ ሲተገብር የቆየውን የሥራ ሚዛና( JEG) መርሃግብር ከ90% ባላይ እንዳጠናቀቀና በዘንድሮ በ2010ዓ.ም. በሁሉም የክልሉ ወረዳዎችና በከተማ አስተዳደሮቹ የሚገኙ የመንግስት መስሪያቤቶች ተግባራዊ እንደሚያደርጉም ጠቆሟል ።

የሥራ ሚዘና ፖሮግራሙ ለሥራና ለሰረተኞችም ወሰኝ ከመሆኑ ባሻገር ለአገልገሎች አሰጣጥ ጥራትና ለክልሉ ህዝብ እርካታም ትልቅ ሚና ይጫወታል ብሏል ቢሮ ኃላፊው።በተያያዜም በሥራ ሚዛና  መርሃ ግብሩ ላይ የሰተኛው አመለካከት፤የስራ ልምድ፤የሥራ አይነትና ለስራው የሚየስፈልገው ሙያ አይነቶችን የሚትኮር ፖሮግራም ነው ብሏል ኦቶ አህመድ ኮሬ።

በተጨማሪም የኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል የሲቪል ሴርቪስና ሰው ኃይል ልማት ቢሮ ከቅርብዓመታትውስጥየክልሉ መንግስት መ/ቤቶች ለህዝብ ስለሚሰጡ አገልግሎት ጥራትን ለማሳደግ፤ የሰራተኞችንየአቅምግንባታና ሁሉም  የመንግስት ሥራዎችየተሻሻለ  ቴክኖሎጂ(ICT)  የተደገፉ ናቸው ብሏል

Xukuumada DDSI Oo Deeq Gaadhsiisay Bulshada ka soo barakacday deegaanka Oromada

$
0
0

Raaso(cakaaranews)isniin, 6da November , 2017. Xukuumada DDSI ayaa deeq raashinka noocyadiisa kala duwan, dawooyin iyo agabka maacuunta ah gaadhsiisay shacabka  soomalida ah   ee laga soo barakiciyay deegaana oromada   kuwaasi oo ay xukumada DDSI dib u dajin uga samaysayay degmada Raaso.

Deeqdan ay xukuumada DDSI gaadhsiisay shacabka soo barakacay ayaa waxaa u qaybiyay oo ku wareejiyay shacabka masuuliyiin ay ka mid yihiin maareeye ku xigeenka wakaalada jidadka DDSI mudane Cabdilaahi Maxamed Cabdi, maareeyaha kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI mudane Cabdirashiid Sheekh Cumar, masuuliyiinta gobolka Afdheer  iyo masuuliyiinta degmada raasho.

Waxayna warbaahinta deegaanku u kuurgashay hab-nololeedka bulshada soo barakacday ee deeqdan la gaadhsiiyay waxayna waraysiyo la yeelatay qaarka mid ah bulshada soo barakacday kuwaasi oo si mug leh ugu mahad celiyay xukuumada DDSI ee taamyeeshay noloshoodii haddii ay tahay hoyga, gogasha, raashin iyo dhamaanba baahiyaha noloshooda, waxayna si qoto dheer uga warbixiyeen dhibaatooyinkii ka soo gaadhay gudaha deegaanka oromada.

Shacabkan ayaa sidoo kale sheegay in muddo badan dhexdeganaayeen oromada oo aanay maraba islahayn dhibaato ayaa idiinka iman maadaamo oo ay dalkoodii itoobiya dhexdagan yihiin. Ugu dambayntiina waxay aad iyo aad ugu mahad naqeen xukuumada DDSI sida meeqaamka sare ee ay markasta ugarab taagantahay  uguna fidinayso deeqaha aan kala go`alahayn.

 

 

 

Kulan Lagaga Hadlayay Dar-dargalinta Qorshayaasha Horumarka Oo ka dhacay Hoodaale.

$
0
0

Hoodaale,(cakaaranews),isniin, 6da November, 2017. Waxaa ka dhacay hoolka shirarka ee tuulada hoodaale ee degmada dhagaxbuur ee gobolka jarar kulan balaadhan oo  lagaga hadlay sidii loo sii dar-dargalin lahaa qorshayaasha horumarka  gaar ahaan hirgalinta qorshaha isku filnaan-shaheena waan soo ceshan karaan ee  beer, biyo, caafimaad  iyo cilmi kaasi oo ah qorshala lagu tir-tirayo saboolnimada iyo shaqo la’aanta

Kulankaasi ayaa waxaa hogaaminayay masuuliyiinta gobolka jarar oo uu ka mid yahay Gudoomiyaha gobolka jarar mudane Cabdi Cali Mataan iyo gudoomiyaha degmada dhagaxbuur marwo Aniisa Mukhtaar Xasan waxaana loo qaybtay qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan tuulada hoodaale ee degmada dhagaxbuur.

waxaana, furitaankii kulankaasi ka hadlay gudoomiyaha gobolka jarar mudane Cabdi Cali Mataan oo si qoto dheer uga warbixiyay ahmiyada iyo ujeedooyinka kulankaasi wuxuuna sheegay in xukuumada DDSI dadaal xoogan ugu jirto sidii loo taaba galin lahaa qorshayaasha horumarka ee lagaga jawaabayo baahiyaha bulshada gudoomiyaha ayaa sheegay in qaybaha kala duwan ee bulshada looga baahan yahay in ay fahan dheer u yeeshaan ahmiyada qorshayaashaasi islamarkaana kaalin mug leh ka qaataan hirgalintooda gudoomiyaha ayaa si gaar ah uga warbixiyay qorshaha isku filnaan shaheena waan soo ceshankarnaa ee biyo, beer, caafimaad iyo cilmi kaasi oo ah mid lagu tir tirayo saboolnimada.

Dhankooda qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan tuulada hoodaale ayaa siwayn u soo dhaweeyay istaraatajiyadaha iyo qorshayaasha u dajisan xukuumada DDSI ee lagu horumarinayo bulshada deegaanka waxayna sheegeen in ay kaalin mug leh ka qaadanayaan hirgalinta qorshayaashsi  

Kulan Balaadhan Oo Lagaga Hadlayo Arimaha Ilaalinta Deegaanka Oo Ka Fumray Jigjiga.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews),talaado, 7da November, 2017. Waxaa maanta ka furmay magaalada jigjiga gaar ahaan madasha shirarka  kaali ee xarunta madaxtooyada DDSI  kulan  balaadhan oo lagaga hadlayo ilaalinta deegaanka gaar ahaan xakamaynta iyo ka hortaga xaalufinta dhirta, tir tirida xayn-daabka  seeraha sharcidarnada ah iyo guud ahaanba  dar-dargalinta  qorshayaasha horumarka deegaanka.

Kulankan oo ah kii ugu horeeyay ee  taariikhda deegaanka  abid ay  ka soo qaybgalaan hogaaminta tuulooyinka DDSI   ayaa waxaa hogaaminayay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo afhayeenka golaha xildhibaanada  DDSI ahna gudoomiyaha XDSHSI mudana Maxamedrashiid Isaaq, waxaana ka soo  qaybgalay, masuuliyiinta xafiisyada heer deegaan, hogaaminta gobolada DDSI, maamul magaalooyinka, degmooyinka iyo  tuulooyinka DDSI.

waxaan, furitaankii kulankan ka hadlay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo sharax dheerka bixiyay ajandayaasha  kulankan madaxwaynaha ayaa sheegay in ujeedada kulankani tahay sidii  loo hirgalin lahaa istaraatajiyadaha iyo qorshayaasha  kor loogu qaadayo ilaalinta deegaanka gaar ahaan qorshayaasha lagu xakamaynayo xaalufinta dhirta, nabaad guurka carada,  xayn-daabka seeraha sharcidarnada ah iyo sidii loo dar-dargalin laha guud ahaanba qorshayaasha horumarka deegaanka madaxwaynaha ayaa sheegay in mudada uu  kulankani socdo  ay hogaaminta deegaanka heerar-kooda kala duwan si mug leh u gorfayndoonaan taabagalinta qorshayaashaasi.

dhankooda qaarka mid ah hogaaminta deegaanka gaar ahaan gudoomiyayaasha tuulooyinka DDSI  oo ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay in ay tahay muhiim ilaalinta deegaanku  kuwaasoo  balan qaaday in ay sidii loogu talagalay u hirgalinayaan qorshayaasha lagu xakamaynayo xaafulinta dhirta  iyo xayn-daabka seeraha sharcidarada ah kulankan ayaa maal-mahan soo socda ka sii socondoona madasha shirarka kaali ee xarunta madaxtooyada DDSI.

 

 

Viewing all 304849 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>