Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all 304849 articles
Browse latest View live

MMJ Ayaa Kulan Wadatashi Ah Oo Lagusoo Dhawaynayo Dadkii Oromada Ahaa Ee Kabarakacay Magaalada Jigjiga la yeeshay Hay’daha Nabadgalyada.

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Isniin 4ta December 2017. Waxaa madasha shirarka ee qaryaan dhoodaan ka qabsoomay kulan wadatashi ah oo ay kasoo qaybgaleen maamulada xaafadaha mmj iyo hay’adaha amniga ee mmj islamarkaana ujeedadiisu ahayd sidii si nabadgalyo ah loogusoo dhawayn lahaa dadkii oromada ahaa ee ka barakacay magaalada jigjiga.

Hadaba kulankan wada tashiga ah ayaa waxaa ugu horyn ka hadlay maayarka magaalada jigjiga mudane Ibraahim Maxamuud Mubaarak oo sheegay inuu kulan yahay mid lagaga tashanayo looguna diyaargaroobayo sidii si nabadgalyo ah loogusoo dhawayn lahaa dadkii oromada ahaa ee ka barakacay magaalada jigjiga islamarkaana shaqsi walba lagu wareejin doono wixii hanta ahaa ee ay ka tageen taas oo ay ciidanka boolisku ilaalinayeen mudadii ay ka maqnaayeen.

Ugu danbayna waxaa dhankooda ka hadlay qaar kamid ah maamulada xaafdaha mmj iyo saraakiisha hay’adaha amniga ee mmj oo sheegay inay si nabadgalyo ah usoo dhawayn doonaan islamarkaana lagu wareejin doono guryahoodii iyo hantidii ay ku lahaayeen magaalada jigjiga.


የኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል ፕሬዝዳንት ክቡር አቶ አብዲ መሀሙድ ከኦሮሚያ ክልል ወደ ሶማሌ የተመለሱ ተፈናቃዮች በጅግጅጋ ከተማ ተቀብሎ አነጋገሩ

$
0
0

ጅግጅጋ(cakaaranews)ሰኞ ህዳር 25 ቀን 2010ዓ.ም.የኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል ፕሬዝዳንት ክቡር አቶ አብዲ መሀሙድ ኡመር በኢትዮጵያሶማሌናኦሮሚያክልሎችግጭትሳቢያየተፈናቀሉዜጎች ወደነበሩበትለመመለስየሚያስችልህዝባዊኮንፈረስ ዛሬ በጅግጅጋ ከተማ በቀርያንዶዳን አደራሽ በማካሄድበክልሉ የተመለሱና በክልሉ የሚኖሩየኦሮሞብሄርተወላጆችንአነጋግረዋል፡፡በህዝባዊኮንፈረንሱላይየክልሉፕሬዝዳንትናአመራሮችንጨምሮ የሌላ ብሔረሰቦች ተወላጆች፤የሀይማኖት አባቶችናየኦሮሚያክልልተወላጆችተገኝተዋል፡፡

በተጨማሪም የክልሉ ፕሬዝዳንት ክቡር አቶ አብዲ መሀሙድ የኮንፈረሱን ዋና አለማ በክልሉ ሲኖሩበት የነበሩ የኦሮሞ ብሔርሰብ ተወላጆች ወደ ቄያቸው የሚመለሲበት ሆነታ ለመፍጠርና እንድሁም በክልሉ ሰላም ወዳድ ህዝብና በክልሉ ፀጥታ አካላት ሲጠብቅለት የነበረውን ንብረት፤ቤቶቻቸውና ንግድ ሥራዎቻቸው ለማስረከብና የኦሮሚያ ተወላጆች በጅግጅጋ አከባቢ ተሰማርቶ የነበሩት ስራዎች በቋሚነትና የሰላም ዋስትና ባለው መልኩ የሚጀመሩበት ሆነታ ከኦሮሚያ የተመለሱ፤ከክልሉ አገር ሽማግሌዎችና እንደሁም በክልሉ የሚኖሩ ከሌሎች ቤሔረሰቦች ጋር ለመወያየትና በጅግጅጋ ከተማ ካንቲባ የተቋቋመለት ንዑሳን ኮሚቴዎች ጋር ተፈናቃይ ወገኖቻችን የሚመለስበት ሆነታ ለማመቻቸት ነው ብሏል።የሁለቱ ክልሎች ከፍተኛ አመራሮች ከፈዴራል መንግስት ጋር ባደረጉት ውሳኔ መሰረት የክልሉመንግስትናህዝብ በቅድሚያ የተፋናቀሉትእህትናወንድምህዝቦችያለምንምቅድመሁኔታእንደሚመለሱ ፕሬዝዳንቱ ቃል ገብቷል፡፡

በተመሳሳይም በቅርብጊዜበሁለቱክልሎችወሰንአካባቢበተፈጠረውግጭት በጅግጅጋ አከባቢ እንጅ በሌሎች ዞኖችከፍተኛቁጥርያለው ኦሮሞ ተወላጆች ሳይፈናቀሉ እንደሚኖሩና ሁሉም የክልሉ ሴክተር መ/ቤቶች የፕሬዝዳንቱ ጽ/ቤትም ጨምሮ እንደሚሰሩና አንድም ሰረተኛ እንዳልተፈናቀለም ፕሬዝዳንቱ አስረድቷል፡፡

በቤላ በኩል በጅግጅጋ ከተማ አከባቢ የሚኖሩ የተለያዩ የማህበረሰብ ክፍሎችና በካንቲባ ጽ/ቤት ለተፈናቃይ ወንድማሞቻችን ቅበላና መልስ ማቋቋም የተቋቋመለት ንዑሳን ኮሚቴዎች ከኦሮሚያ ክልል የሚመለሱ ወገኖቻችን ከፍተኛ ሃላፊነትና መቻቻል በተሞላበት እንድቀበሉና ወደ ሥራቸውን እንደያስገቡ ፕሬዝዳንት አብዲ መሀሙድ አሳስቧል።

በህዝባዊኮንፈረሱላይየተሳተፉ ከኦሮሚያ ክልል የተመለሱናበጅግጅጋከተማ  የሚገኙየኦሮሞብሄርተወላጆችበተፈጠረውግጭት ሳቢያ ወደ ኦሮሚያ በተፈናቀሉ ጊዜ ቤት ንብረታቸውን ከአደጋየጠበቁ የክልሉ ህዝብና መንግስትን በተላይጎረቤቶቻቸውናአብሮአደግየኢትዮጵያሶማሌክልልተወላጆች የላቀ ምስገና አቀርቧል፡፡በተጨማሪም ተመላሽ ተፈናቃዮቹ የሶማሌና የኦሮሞ ህዝቦች ወንድማማችነትና የዘለቀ በደም መተሳሰራቸውን በመጠቀስ፤በአሮሚያ ክልል የሚገኙ ተፈናቃይ ወንድማማቾቻው ወደ ቄያቸው እንድመለሱበትና በኢትዮጵያሶማሌ ህዝብና በክልሉ መንግስትም መልካም አቀባበል እንደሚደረግላቸውና ያልተነካ ቤት ንብረታቸውን እንድቀበሉ ጥሪ አስተላልፏ

 

 

M.M.Dhagaxbuur Iyo Tababar Loo Qabtay Macalimiinta Luuqada Afka Soomaaliga

$
0
0

Dhagaxbuur(cakaaranews)Talaado, 5ta December 2017. Tababar uu soo agaasimay xafiiska waxbarashada DDSI islamarkaana ujeedadiisu tahay kobcinta garaadka aqoomeed ee macaliinta luuqada afka soomaaliga, kana soo qaybgaleen qaar kamid ah macalimiinta degmooyinka hoosyimaada gobolka jarar iyo Gobolka Nogob ayaa si rasmi ah uga bilawday magaalada dhagaxbuur ee xarunta Gobolka Jarar.

Hadaba, tababarkan ayaa waxaa shabakada wararka ee cakaaranews uga warbixiyay Iskuduwaha meelaynta macaliminta ee waaxda Hor-Macalimiinta Iyo Hog-waxbarashada ee xafiiska waxbarashada DDSI ahna madaxa kooxda fulinaysa tababarkan mudane Sakariye Xasan Aadan oo sheegay in tababarkan ay fulinttisa iska kaashadeen xafiiska waxbarashada DDSI, Hay’ada USAID, hay'ada RTI iyo waliba mashruuca READ TA islamarkaana lasiinayo barayaasha luuqada afka soomaaliga ee fasalada 5aad ilaa 8aad. Kuwaasoo laga soo kala xulay dhamaan degmooyinka Gobolka Jarar, Gobolka Nogob iyo MM Dhagaxbuur. Wuxuuna xusay in tababarkani uu soconayo mudo 10 cisho ah. Iyadoo casharada lasiinayo barayaasha ay kuqotomaan luuqada Afka-soomaaliga akhriska iyo qoraalkeedaba iyo waliba nidaamka ama shuruucda baris barasho ee looga baahan yahay macalinka luuqada Afka-Hooyo.

Sidookale, Muxumed Maxamed oo kamid ah macalimiinta casharka bixinaysa oo isnakahadlay ayaa sheegay in tababarka iyo cashar bixinta ay sifiican u wadaan islamarkaana ay nidaamka cashar bixintu isugu jirto mid theory ah iyo practical labadaba,. Wuxuuna tilmaamay inay jiraan laylisyo kooxo-kooxo iyo shaqsi-shaqsi la isugu dirayo kadibna lasoo jeedinayo.

Dhanka kale, barayaashii kasooqaybgalay tababarkan oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin tababarkan kusaabsan luuqada afkasoomaaliga ee uu xafiiska waxabarashada DDSI u qabtay. Waxayna xuseen in sifiican casharadu ugu socdaan islamarkaana ay sifiican uga qaybqaadanayaan casharka.

 

Iskusoowada duuboo, tababarkan ayaa waxaa laga filayaa kadib markuu dhamaado in uu waxwayn kataro dhanka nidaamka baris barasho ee udhaxeeya macaliinta luuqada afka soomaaliaga iyo ardayda fasalada 5aad 6aad 7aad iyo 8aad islamarkaana uu kor uqadayo.

Tababar Kusaabsanaa Barnaamijka Darajosiinta Dugsiyada Deegaanka Oo Lasoo Gabagabeeyay.

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Talaado 5ta December 2017. Tababar loo qabtay maamulayaasha, kormeerayaasha, khabiirada xafiiska waxbarashada mmj iyo qaarkamid ah khabiirada xafiiska waxbarashada DDSI islamarkaana ujeedadiisu ahayd  sidii dhamaan dugsiyada kuyaala deegaanka looga hirgalinlahaa barnaamijka darajosiinta dugsiyada  ayaa lagusoo gabagabeeyay hoolka shirarka ee xafiiska waxbarashada DDSI.

Hadaba xidhitaankii tababarkan ayaa waxaa ka hadlay wasiir kuxigeenka Xafiiska waxbarashada DDSI mudane Maxamuud Axmednuur (Heeryo) oo sheegay in tababarkan mudada idiin socday uu ahaa mid la idinku barayay hirgalinta barnaamijka darajosiinta dugsiyada deegaanka islamarkaana looga gol leeyahay in dhamaan dugsiyada deegaanka la gaadhsiiyo heerka qaangaadhka oo ah darajada 3aad iyo 4aad si kor loogu qaado tayada waxbarashada ee deegaanka. Wuxuuna wasiir kuxigeenku intaa kudaray in sida aad ka fahanteen mudada uu tababarkan socday u hirgalisaan barnaamijkan darajosiinta dugsiyada deegaanka.

Dhankiisa waxaa isana ka hadlay agaasinka Dabagalka (Inspection) ee Xafiiska waxbarashada  mudane Muxiyadiin Sheekh Cabdiraxmaan oo kula dardaarmay tababar qaatayaashan inay uhirgaliyaan barnaamijka darajosiinta dugiyada sidii loo baray mudadii uu tababarku socday. Wuxuuna agaasinku intaa ku daray in jiraan kooxo loo dirayo gobolada Faafan, dollo, Siti iyo qoraxey islamarkaana soo samaynaya barnaamijka darajosiinta dugsiyada iyo dabagalka waxbarashada guud, dugsiyadaas oo kakooban 785 dugsiyada sare iyo kuwa hoose dhexeba taasoo  uqorshaysnaa xafiiska inuu fuliyo wajiga 1aad ee sanadkan.

Ugu danbayna waxaa dhankooda ka hadlay qaarkamid ah tababar qaatayaasha oo sheegay inay mudadii uu tababarku socday waxbadan ka faaiideen islamarkaana fahmeen sida ay u hirgaliyo barnaamijka darajosiinta dugsiyada deegaanka islamarkaana sidii loogu talagalay ugu shaqayndoonaan.

Kulan Wacyigalin Ah Oo Ku Saabsan Hanaanka Anshaxa Iyo Milgaha Qaranka Ayaa Ka Dhacay Jigjiga.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews), talaado, 5ta, December, 2017. Waxaa maanta ka qabsoomay hoolka shirarka ee dugsiga sare ee maamulka magaalada jigjiga kulan wacyigalin ah oo lagaga hadlayay hanaanka anshaxa iyo milgaha qaranka  oo uu soo diyaariyay xafiiska waxbarashada DDSI.

Kulankaasi oo ay ujeedadiisu ahayd dar-dargalinta guud ahaanba  geedi socodka baris-barasho  ee dugsiyada maamulka magaalada jigjiga gaar ahaan anshaxa iyo milgaha qaranka ayaa   loo qabtay maamulayaasha dugsiyada, macalimiinta iyo waalidiinta ardayda wax-ka barata dugsiyada maamulka magaalada jigjiga,  waxaana  kala soo qaybgalay masuuliyiinta xafiiska waxbarashada DDSI.

Waxaana furitaankii kulankaasi ka hadlay wasiirku xigeenka waxbarashada DDSI mudane Maxamuud Axmed Nuur(Heeryo)  oo ka warbixiyay ahmiyada iyo ujeedooyinka uu leeyahay kulankan wacyigalinta ah isaga oo sharax  dheer bixiyay dadaalka balaadhan ee loogu jiro ka midho dhalinta istaraatajiyadaha iyo siyaasada waxbarashada wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in tiro ka badan 1 millyan oo arday ah waxka bartaan dugsiyada deegaanka islamarkaana maamulayaasha, macalimiinta iyo waalidiinta ardayda looga baahan yahay iskaashiga  soo saarida arday ku gaashaaman anshax iyo aqoon wasiir ku xigeenka ayaa tilmaamay in wasaarada waxbarashada heer faderaal ay samaysay daraasaad ku saabsan anshaxa iyo milgaha qaranka oo ah soo saarida arday leh anshax iyo aqoon  wasiir ku xigeenka ayaa ku booriyay maamulayaasha, macalimiinta iyo waalidiinta ardayda dugsiyada maamulka magaalada jigjiga in ay  dar-dargaliyaan kaalin mug wayna ka qaadaan dadaalka loogu jiro ka midho dhalinta qorshayaasha waxbarashada gaar ahaan soo saarida arday leh ansha iyo aqoon fuhan.

Dhankooda qaarka mid ah waalidiintii, maamulayaasha iyo macalimiinta dugsiyada maamulka magaalada jigjiga oo ka hadlay kulankaasi ayaa  soo dhaweeyay kulankan wacyigalinta ah waxayna sheegeen  in ay ka soo baxayaan islamarkaana xooga saarayaan sidii ay u soo saarilahaayaan arday leh anshax iyo aqoon  si looga midho dhaliyo hayaanka geedi socodka tayaynta waxbarashada

 

 

MW CMC Oo U kicitimay Dhanka Ismaamulka Magaalada Dire Dawa

$
0
0

Dire Dawa (Cakaaranews) Arbaco 6da December 2017. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa saaka xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga uga kicitimay dhanka ismaamulka magaalada dire dawa, isagoo Halkaas utagay kulan muhiim ah oo ku saabsan soo afjarida khilaafka xuduuda ee labada shacab ee soomaalida iyo oromada. Madaxwaynaha ayaana wakhti xaadirkan ku sugan ismaamulka magaalada dire dawa.

 

ESRS President A.M.O Went to Dire dawa City

$
0
0

Diredawa (Cakaaranews) Wednesday 6th December 2017. Today President of ESRS H.E AbdiMohamoud Omar went to Diredawa city, to participate meeting that will held place coming days. The meeting will be discussed issues towards ending the border conflict between Oromo and Somali people.

Currently, the president stays in Diredawa city.

Tababar Kor Loogu Qaadayo Garaadka Aqooneed Ee Barayaasha Luuqada Afka Soomaaliga Ayaa Ka Furmay Magaalada Jigjiga

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Arbaco 6da December 2017. Tababar uu soo diyaaryay xafiiska waxbarashada DDSI oo loo qabtay macalimiinta luuqada afka soomaaliga ee degmooyinka gobolka Faafan ujeedadiisuna ahaa sidii kor loogu qaadi lahaa garaadka aqooneed ee barayaasha afka soomaaliga degmooyinka gobolka Faafan ayaa ka qabsoomay xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga.

Hadaba tababarkan oo uu furintaankiisii ka hadlay wasiir kuxigeenka xafiiska waxbarashada DDSI mudane Maxamuud Axmednuur ayaa  sheegay in tababarkan ay fulintiisa iska kaashadeen xafiiska waxbarashada DDSI, Hay’ada USAID, hay'ada RTI iyo waliba mashruuca READ TA islamarkaana lasiinayo barayaasha luuqada afka soomaaliga ee fasalada 5aad ilaa 8aad. Kuwaasoo laga soo kala xulay dhamaan degmooyinka Gobolka faafan. Wuxuuna Wasiir kuxigeenku a intaa kudaray in  tababarkani uu soconayo mudo 10 cisho ah. Iyadoo casharada lasiinayo barayaasha ay kuqotomaan luuqada Afka-soomaaliga akhriska iyo qoraalkeedaba iyo waliba nidaamka ama shuruucda baris barasho ee looga baahan yahay macalinka luuqada Afka-Hooyo .

Sidoo kale wasiir kuxigeenka ayaa barayaasha tababarka qaadanayay kula dardaarmay inay mudada uu cashirku socdo ay si fiican ooga faaidaystaan wakhtigana ilaaliyaan si fahan buuxa looga siiyo casharadan kor loogu qaadayo luuqada afka hooyo ee soomaaliga.

Ugu danbayna waxaa dhankooda ka hadlay qaarkamid ah barayaashii qaadanayay tababarka oo sheegay inay si fiican qaadan  doonaan mudada uu cashirku socdo islamarkaana uga faaiidayn doonaan ardayda wax kabarata  dugsiyadii ay ka kala yimaadeen .

 


Kulan Wacyigalin Ah Oo Ku’aadan Dadka Baahida Gaarka Ah Qaba Oo Ka Qabsoomay Magalada Jigjiga

$
0
0

Jigjiga (cakaaranews)Arbaco, 6da December 2017. Waxaa xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga kaqabsoomay kulan Wacyigalin ah oo kuwajahan dadka baahida gaarka ah qaba islamarkaana ay kasoo qaybgaleen macalimiinta dugsiyada ay waxkabartaan caruurta naafada ah, maamulayaasha dugsiyada iyo waliba xubno kale. iyadoo kulankana ujeedadiisu ahayd sidii dadka naafada ahi unoqon lahaayeen dad hal abuur leh oo soosaara arday naafo ah oo kadhisan dhanka aqoonta, si caruurta naafada ahi ugu dhiiradaan oo ay wax u bartaan.

Hadaba, kulankan oo uu soo agaasimay Geedisocodka Waxbarashada Isku Dhafka Ah Iyo Taageerada Gaarka ah (Special NeedEE Xafiska waxbarashada DDSI ayaa waxaa ugu horayn kahadlay Wasiir-kuxigeenka Xafiiska Waxbarashada DDSI mudane Maxamuud Axmed Nuur (Heeryo) oo sheegay in kulankani yahay mid wacyigaln ah oo ku aadan sidii kor loogu qaaadi lahaa dhanka tayada waxbarashada ee caruurta naafada ah ee dhigata dugsiyada iyo in lafuliyo baahidooda gaarka ah ee ay qabaan. Si caruurta naafad ahi u noqdaan caruur tayo leh oo waxbaratay islamarkaana kadhsian dhanwalba. Wuxuuna tilmaamay oo uu macalimiinta ugu baaqay in sifiican ufiliyaan ilaalinta xaquuqda caruurta baahida gaarka ah qabta iyadoo oo ugu baaqay waalidkasta oo ilmo naafo ah dhalay in uu geeyo dugsiyada waxbarashada ee leh baahiyaha gaarka ah ee kuyaala magaalada jgjiga.

Dhanka kale, Gadh-Wadeenka G/S Waxbarashada Isku Dhafka Ah Iyo Taageerada Gaarka ah (Special Need) mudane Faysal Cabdi Nuur oo isna dhankiisa kahadlay kulankan ayaa sheegay in geedisocodkani uu yahay mid u taagan taakulaynta dhanka waxbarashada ee ay u baahanyihiin dhamaan dadka naafada ah haday caruur tahay iyo haday dadwaawayn yihiinba. Wuxuuna intaa kudaray in kulankani uu yahay wacyigalin islamarkaana lagu kala qaadanayo xogaha ku’aadan dadka naafada ah iyo sidii loogu wacyigalin lahaa in ay waxbartaan islamarkaana loo sugi lahaa xaquuqahooda ku aadan dhanka waxbarashada. Wuxuuna si gaar ah ula dardaarmay in macalimiinta waxbarta caruurta naafada ah ay baahidooda gaarka ah siiya

 

Ugudanbayna, Dhankooda kaqaybgalayaashi kasooqaybgashay kulankan wacyigalinta ah oo u badnaa dad naafo ah oo isugu jira macalimiin iyo xubno kale oo kaladuwan ayaa sheegay in aad ugu faraxsan yihiin kulankan loo qabtay islamarkaana ay sii gaadhsiinayaan dadka kale. iyaguna ay sifiican  u fulinayaan ilaalinta xaquuqda dadka naafada ah.

MW CMC Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Ka Dagay Xarunta Deegaanka Canfarta Ee Samara

$
0
0

Samara (Cakaaranews) Khamiis 7da December 2017. Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo uu weheliyo madaxwayne kuxigeenka DDSI ahna wasiirka xafiiska horumarinta magaalooyinka iyo dhismaha  mudane Cabdixakiin Cigaal Cumar ayaa kadib markuu udhamaaday kulankii ay ku jogaan ismaamulka magaalada dire dawa uga duulay dhinaca xarunta dalka ee magaalada addis ababa, islamarkaana xarunta dalka  ugasii gudbay dhanka caasimada deegaanka canfarta ee samara oo ay halkaas kaga qaybgali doonaan munaasabada xuska 12aad ee 29ka Hidhaar ee maalinta shucuubta  iyo qoomniyadaha dalkeena itoobiya oo maalinta bari ah ka qabsoomi doona  xarunta dawlad deegaanka canfarta ee magaalada samara.

Waxayna madaxwaynaha iyo waftiga uu hogaaminayo wakhti xaadirkan ku sugan yihiin magaalada samara ee xarunta deegaanka canfarta.

Xafiiska Waxbarashada DDSI Oo Tababar U Qabtay Barayaasha Ku Jira Kuliyada Macalimiinta Dr cabdimajiid.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews), khamiis, 7da December, 2017. Xafiiska waxbarashada DDSI.  oo ka duulaya taaba galinta tayaynta waxbarashada deegaanka ayaa dadaal xoogan ugu jira sidii looga midho dhalinlahaa guud ahaanba qorshayaasha lagu tayaynayo waxbarashada deegaanka iyo  dalk.

haddaba, xafiiska waxbarashada DDSI  ayaa maanta tababar u furay  barayaasha  waxka barta kuliyada  macalimiinta Dr cabdijamiid xuseen ee DDSI tababarkaasi oo ay ujeedadiisu tahay sidii kor loogu qaadilahaa tayada aqooneed macalimiinta  islamarkaana fahan buuxa laga siin lahaa  hanaanka geedi socodka lagaga midho dhalin karo tayada aqoonta macalimiinta 

Waxaana furitaankii tababarkan ka hadlay wasiir ku xigeenka waxbarashada DDSI mudane Maxamuud Axmed Nuur (Heeryo) oo sheegay in ujeedada tababarkani tahay sidii macalimiinta wax ka barta  kuliyada macalimiinta dr cabdimajiid xuseen fahan buuxa looga siinllahaa kaalinta ay ku leeyihiin hirgalinta dadaalka loogu jiro tayaynta waxbarashada deegaanka iyo la jaan-qaadka nidaamka barisbarasho ee lagaga midho dhalinayo qorshayaasha u dajisan sectorka waxbarashad wasiir ku xigeenka ayaa ku booriyay  barayaashan tababarka loo furay in ay fahan buuxa ka qaataan cashirada lagu bixinayo tababarkan si looga midho dhaliyo ujeedooyinka laga leeyahay.

Dhankiisa gadhwadeenka geedi socodka  shatibixinta cusboonaysiinta xirfada barayaasha iyo hogaaminta waxbarashada xafiiska waxbarashada DDSI mudane mukhtaar ibraahin  muxumed  ayaa ka warbixiyay ahmiyada iyo ujeedooyinka tababarkan isaga oo sheegay in muhiimada tababarkani tahay sidii ay macalimiintu  waxka barta kuliyada macalimiintu ugu guulo gaadhilahaayeen aqoonta ay ka bartaan kuliyada islamarkaana natiijo mug leh uga keenikaraan imtixaanka xaqiijinta tayada waxbarashada ee loo yaqaano COC  taasi oo marka ay qalinjabiyaan ka dib laga qaado ardayda kuliyadaha deegaanka ka soo qalinjabisa wuxuuna ku booriyay in ay ka midho dhaliyaan tababarkan loo qabtay macalimiinta.

በኢ.ሶ.ክ.መ.ፕሬዝዳንት በክቡር አቶ አብዲ ሞሀሙድ የሚመራ ከፍተኛ ልዑካን ቡዱን ወደ አፈር ክልል ርዕስ-መዲና ሰመራ ከተማ ገቡ

$
0
0

ሰመራ(Cakaaranews)ሀሙስ፤ ህዳር 28 ቀን/2010ዓ.ም. በኢ.ሶ.ክ.መ.ፕሬዝዳንት በክቡር አቶ አብዲ ሞሀሙድ  ኡመር የሚመራ የክልሉ ም/ፕሬዝዳንትና የከተማ ልማትና ኮንስተረክሽን ቢሮ አቶ አብዱልሀኪም ኢጋል ኡመርን ጨምሮ ከፍተኛየኢ...መንግስትባላስልጣናትልዑካንቡዱን በድሬ ደዋ አስተዳደር የነበራቸውን የጋራ መግባባት ኮንፈረንስ ካጠናቀቁ በኃላ ጉዞኣቸው ወደ አዲስ አበባ በማድረግ ከአዲስ አበባ  ወደ አፈር ክልል አደርጎ ለ12ኛ ጊዜ በነጌ እለት በአፈር ክልል የሚከበራውን የቤሔር፤ቤሐረሰቦችና ህዝቦች ቤሔራዊ በዓል ለማካፈል ወደ ሰመራ ከተማ ገብቷል።

 በአሁኑ ወቅትም ፕሬዝዳንትና ከፍተኛ የመንግስት ባላስልጣናት ልዑካን ቡዱኑ በሰመራ ከተማ ይገኛሉ

 

 

Xuska 12Aad Ee Maalinta Qoomiyadaha Iyo Shucuubta Itoobiya Oo Si Heer Qaran Ah Loogu Xusay Samara

$
0
0

Samara,(cakaaranews), jumce, 8da December, 2017. Waxaa maanta si balaadhan oo  heer qaran ah  loogu xusay  magaalada samara ee caasimada deegaanka canfarta  munaasabada  xuska  12 jirsaday ee  29ka hidaar oo ah  maalintii midaysay  qoomiyadaha iyo  shucuubta  dalkeena itoobiya.

Munaasabadan oo ah mid ku wayn qalbiyada iyo quluubta shacabwaynaha dalka itoobiya ayaa   waxaana ka soo qaybgalay masuuliyiinta ugu saraysa JDFI oo ay ka mid yihiin Raysulwasaaraha JDFI mudane Hailemariam Desalegn, afhayeenka golaha fadareeshinka JDFI mudane Yalaw Abatu, madaxwayne yaasha dawlad deegaanada dalka oo uu ka mid yahay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, madaxwayne yaasha wadamada aan dariska nahay oo ay ka mid yihiin madaxwaynaha jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geele, madaxwaynaha Dalka  suudaan Cumar Xasan Albashiir, Raysil-wasaare ku xigeenka  dalka soomaliya Mahdi Axmed guuleed, danjirayaasha u fadhiya caalamka dalkeena itoobiya,  wakiilo ka socday dhamaan wadamad aan dariska nahay kooxaha dhaqanka dawlad deegaanada dalka iyo marti sharaf kale oo heer caalamiya.

Munaasabadan oo ahayd mid si qurux badan loo soo agaasimay islamarkaana ku qabsoontay jawi aad u qurux badan ayaa waxaa ugu horayntii ka hadlay Raysul wasaaraha JDFI mudane Hailemariam Desalegn oo  ugu horayntii munaasabadan qiimaha badan ugu hambalyeeyay dhamaanba qoomiyadaha iyo shucuubta dalkeena itoobiya Raysulwasaraha  ayaa ka warbixiyay ahmiyada ay leedahay munaasabadan qaaliga ah ee 29ka hidaar  oo ah buu yidhi  maalinta taariikhiya oo lagu xasuusanayo soonaalkii taariikheed ee u dalka soomaray laguna asteeyo jihooyinka horumarineed nabadgalyo ee uu dalku hiigsanayo sidoo kalena tahay maalintii  xaqiijisay xuquuqaha qoomiyadaha, iskaashiga walaalnimada iyo  wadanoolaanshaha qoomiyadaha iyo shucuubta dalkeena itoobiya  raysul wasaaraha hadalkiisa siiwata ayaa tilmaamay in ay tahay munaasabadani maalin ahmiyada wayn ugu fadhida muwaadiniinta dalka itoobiya islamarkaana xambaarsan hadaf mihiim ah. sidoo kalena ay tahay maalinta dhashay dastuurka JDFI  dibna loogu xasuusta taariikhdii madoobayd ee uu dalku soo maray. Raysil wasaaraha ayaa sheegay in JDFI xooga saarayso xakamaynta iyo ka hortaga waxyaabaha caqabadku noqon kara geediga horumarka Dalkeena itoobiya iyo ka midho dhalinta qorshayaasha lagu tir tirayo saboolnimada laguna gaadhayo horumar waara oo joogtaysan.

Waxaa kale oo ka hadlay munaasabadan afhayeenka golaha fadareeshinka JDFI mudane yalow abatu   oo ka warbixiayya ahmiyad ay leedahay munaasabada xuska Maalinta qoomiyadaha iyo shucuubta dalka itoobiya oo  sheegeen in ay tahay maalinta xaqiijisay  sinaanshaha qoomiyadaha iyo shucuubta itoobiya iyo hirgalinta hawlaha  horumarkan  maanta dalku haysto afhayeenka ayaa sheegay in loo baahan yahay in la sii xoojiyo tixgalinta dastuurka dalka adkaynta nidaamka faderalisamka iyo wada isqadarinta wadanoolaanshaha qoomiyadaha iyo shucuubta dalkeena itoobiya

dhankooda madaxwaynaha dalka jabuuti mudane ismaaciil cumar geele madaxwaynaha dalka suudaan cumar xasan albashiir iyo raysilwasaare ku xigeenka dalka soomaliya mudane mahdi axmed guuleed oo ka  ka hadlay munaasabadan ayaa qoomiyadaha iyo shucuubta dalkeena itoobiya ugu hambalyeeyay xuska munaasabadan 12aad ee 29ka hidaar waxayna sheegeen in munaasabada xuska maalinta qoomiyadaha dalka itoobiya tahay mida xaqiijisay xuquuqaha qoomiyadaha iyo  horumarka muga wayn ee  dalka maanta gaadhay waxayna  sheegeen in ay wadamada dariska maanta la qaybsanayaan farxadan qoomiyadaha iyo shucuubta dalka itoobiya islamarkaana sii xoojinayaan xidhiidhka walaalnimo wadashaqayneed  iskaashi iyo daris wanaaga ka dhexeeya itoobiya iyo wadamada ay hogaamiyayaashan  ka socdaan  

kooxaha hidaha iyo shaqamada ee  qoomiyadaha iyo  shucuubta dalkeena itoobiya ayaa waxay qoomiyada kastaaba ku soo bandhigtay munaasabadan ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka ee ay qoomiyad kastaaba gaarka u leedahay taasi oo ay siwayn uga dhexmuuqdeen kooxda hidaha iyo dhaqanka ee dawlada deegaanka soomalida itoobiya.

Gabagabadii munaasabadan xuska maalinta qoomiyadaha iyo shucuubta dalkeena itoobiya ayaa  waxa hadiyada iyo abaalmarino la gudoonsiiyay masuuliyiinta iyo marti sharaftii ka soo qaybgashay munaasabadan. iyada oo ay xusid mudan tahay in madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamud Cumar uu ka mid ahaa masuuliyiinta sida sharafta iyo maamuusta mudan loogu  karaamada munaasabadan isamarkaana uu raysil wasaaraha dalku  ku  gudoonsiiyay koobka wabiga dib u curashada dalkeena ee ABAY. 

 

Xuska Sanadguurada 12aad Ee 29ka Hidhaar Oo Laga Xusay Xarunta Deegaanka Ee Jigjiga

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Jumce 8da December 2017. Waxaa magaalada samara ee caasimada deegaanka canfarta si balaadhan loogu xusay xuska sanadguurada 12aad ee 29ka hidhaar iyadoo sidoo kalana xarunta deegaanka ee mgalaada jigjiga si heer sare ah looga xusay xuska sanadguurada 12aad ee 29ka Hidhaar oo ah maalinta qoomiyadaha iyo shucuubta dalkeena itoobiya.

Hadaba xuska sanadguurada 12aad ee 29ka Hidhaar ee lagu xusayay xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga oo ay kasoo qaybgaleen mas’uuliyiinn sare oo heer deegaan ah oo ay ugu horayso madaxwayne kuxigeenka DDSI ahna wasiirka xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah marwo Sucaad Axmed Faarax, Wasiirka Xafiiska maamulka DDSI mudane Cabdimahad Maxamed Cabaase, Wasiirka xafiiska ganacsiga gaadiidka iyo warshadaha DDSI ahna madaxa arrimaha xisbiga ee xarunta dhexe mudane Khadar Cabdi Ismaaciil, Shaqaalaha xafiisyada heer deegaan, Odayaal dhaqameedka deegaanka , Dhalinyarta qaybaha kaladuwan ee bulshada iyo  marti sharaf kale ayaa waxaa furitaankiisii ka hadlay madaxwayne kuxigeenka DDSI ahna wasiirka xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah marwo Sucaad Axmed Faarax oo ugu horayn u hambalyaysay dhamaan qoomiyadaha iyo shucuubaha dalka gaar ahaan shacabka DDSI islamarkaana sheegtay in 29ka hidhaar tahay maalin qaali ah oo ay isugu yimaadaan dhamaan qoomiyadaha iyo shucuubta dalkeena itoobiya. Waxayna madaxwayne kuxigeenku intaa ku dartay in manta ay tahay maalin ku timid halgankii lasoo maray. Sidoo kale madaxwayne kuxigeenka ayaa xusay in qoomiyada soomaalidu  tahay qoomiyada ugu horaysa ee adkaynaysa nidaamka federalismka ah islamarkaana ay difaacayaan cid walba oo cadaw ku ah nidaamka federalismka iyadoo intaa kudartay in ciidanka gaarka ah ee deegaanku yahay ciidan utaagan nabadgalyada dalka islamarkaana ay yihiin kuwa ay jiritaankoodu  nabad ugu hurdaan dhamaan qoomiyadaha dalka.

Dhankiisa waxaa isana xuskan sanadguurada 12aad ee 29ka hidhaar ka hadlay maayarka magaalada jigjiga mudane Ibraahim Maxamuud Mubaarak oo sheegay in maanta tahay maalin ku wayn dhamaan qoomiyadaha dalkeena islamarkaana tahay maalin cadaynaysa sinaanta iyo cadaalada ka jira dalkeena itoobiya.

Ugu danbayna waxaa dhankooda ka hadlay odayaal dhaqameedka deegaanka oo si faahfaahsan ugu hadalay sooyaalkii taariikheed ee uu dalka iyo deegaankuba soomaray islamarkaana tilmaamay in 29ka hidhaar tahay maalin qaali ah oo tilmaamaysa in dhamaan qoomiyadaha dalku siman yihiin.

MW CMC Oo Ka Hadlay Xuska 12aad ee Maalinta Qoomiyadaha Iyo Shucuubta Itoobiya.

$
0
0

Samara(Cakaaranews) Jumce 8da December 2017.  Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ka hadlay maanta munaasabada xuska 12aad ee maalinta qoomiyadaha iyo shucuubta dalkeena itoobiya oo si meeqaam sare leh loogu xusay caasimada deegaanka canfarta ee samara ayaa ka warbixiyay ahmiyada uu leeyahay koobka wabiga dib u curashada dalkeena itoobiya oo manta raisal-wasaaraha JDFI mudane Hailemariam Desalegn ku wareejiyay madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar.

HaddabaMadaxwaynaha DDSI ayaa ka warbixiyay ahmiyada uu leeyahay koobka wabiga dib u curashada dalkeena itoobiya ee abay . Wuxuuna madaxwaynuhu intaa kudaray  in ay ka deegaan ahaan ku faraxsan yihiin koobkan maanta lagu wareejiyay islamarkaana xilwayn iska saarayaan guulo wax ka’ool ahna ka keeni doonaan  koobkan la gudoonsiiyay maanta .

Ugu danbayna madaxwaynaha ayaa sheegay in mashruuca wabiga dib u curashada dalkeenu yahay mid isku xidhaya hadafka qoomiyadaha iyo shucuubta dalkeena itoobiya oo ah sida guulo waawayn looga keenilahaa geedi socodka horumarka dib u curashada dalkeena, adkaynta nidaamka federaalisamka iyo tixgalinta dastuurka JDFI.


12ኛው የቤሔር፤ቤሔረሰቦችና ህዝቦች በዓል ቀን በአገር አቃፍ ደረጃ በሰመራ ከተማ ተከብሯል

$
0
0

ሰመራ(Cakaaranews)አርቢ ህዳር 29/2010. 12ኛው የአትዮጵያ ቤሔር፤ቤሔረሰቦችና ህዝቦች በዓል ቀን በአገር አቃፍ ደረጃ በአፈር ክልል ርዕስመዲና በሰመራ ከተማ በደመቀ ሆኔታ  ተከብሯል።

በኢትዮጵያ ህዝቦች ቀልቢ አንድነትና ክብር የሚቸረው 12ኛው የአትዮጵያ ቤሔር፤ቤሔረሰቦችና ህዝቦች ክብረ በዓል 29 ቀን በአገር አቃፍ ደረጃ በአፈር ክልል  በሰመራ ተከብሯል። በክብረ በዓሉ ላይ ከፍተኛ የኢ.ፈ.ዴ.ሪ.መንግስት ባላስልጣናት የኢ.ፈ.ዴ.ሪ.ጠቅላይ ሚንስተር አቶ ኃ/ማርየም ደሳለኝ፤ የክልሎች ርዕሳን መስተዳደሮች ክቡር አቶ አብዲ መሀሙድ ኡመርን  ጨምሮየኢ.ፈ.ዴ.ሪ.የፈዴሬሽን ም/ቤት አፈጉባኤ አቶ ያለው አባተ ተገኝቷል።በተጨማሪም የጎረቤት አገራት መሪዎች እንደ የሱዳን ፕሬዝዳንት ኡመር ሀሰን አልበሺር፤የጀቡቲ ፕሬዝዳንት እስማኢል ኡመር ጌሌና የሶማሊያ ም/ጠቅላይ ሚንስተር ማህዲ አህመድ ጉሌድ እና ሌሎች የአለማቀፍ ክቡር እንግዶችም በበዓሉ ታድሟል።

 በበዓሉ ላይ የተገኙት ጠቅላይ ሚኒስትር ሃይለማርያም የሃገሪቱ ህዝቦች መተሳሰብና መከባበር ትልቁ ብሄራዊ ሃብት መሆኑን ተናግረዋል። ዕለቱ ሃገሪቱን ከመበታተን አደጋ የታደገና ለኢትዮጵያውያን ልዩ ትርጉም ያለው ህገ መንግስት የፀደቀበት መሆኑን ገልጸዋል።ዕለቱ በህዝቦች መፈቃቀድ ላይ የተመሰረተ አንድ የኢኮኖሚና የፖለቲካ ማህበረሰብ ለመፍጠር ጉዞ የተጀመረበት መሆኑን ያነሱት ጠቅላይ ሚኒስትሩ፥ የሃገሪቱ ህዝቦች የስልጣን ባለቤትነት የተረጋገጠበት መሆኑንም ገልጸዋል።በዓሉ የጋራ መግባባትና ዕኩልነት የህዝቦች መለያ እንዲሆን ቃል ቢገባም፥ አንዳንድ አክራሪ፣ ጠብባና ትምክህተኛ ሃይሎች ይህን የህዝቦች መለያ ለማጠልሸት መንቀሳቀሳቸውን አንስተዋል።በተጨማሪም መንግስትም በፅኑ መሰረት ላይ የቆመውን የህዝቦችን አንድነትና እኩልነት ለመናድ የሚንቀሳቀሱ አክራሪ ሃይሎችን እንቅስቃሴ ለመግታት እየሰራ ነው ብለዋል።አሁን ላይ የህዝቦችን ተጠቃሚነት ለማረጋገጥና ፍትሃዊ የሃብት ክፍፍል እንዲኖር እየተሰራ ነው ያሉት ጠቅላይ ሚኒስት።መንግስትም በማህበራዊ መስክ በተለይም የወጣቱን ተጠቃሚነት ከማረጋገጥ አንጻር ያለውን እድል አሟጦ ለመጠቀም እንደሚሰራ አስረድተዋል።

የኢ.ፈ.ዴ.ሪ. የፈዴሬሽን ምክርቤት አፈጉባኤ አቶ ያለው አባተ የቤሔር፤ቤሔረሰቦችና ህዝቦች በዓል ቀን የኢትዮጵያህዝቦች  እኩልነት፣ ፍቅርና አንድነትም የኢትዮጵያ ህዝቦች መለያ ናት ብሏል።በመቀጠሊም   በዓሉ ኢትዮጵያ ህዝቦች የሀገራቸውን የህዳሴ ለውጥ ያረጋገጡበት ቀን  መሆኑን አስረድቷል ።የቤሔር፤ቤሔረሰቦችና ህዝቦች በሔራዊ ቃልኪዳን የሆነው ህገመንግስታችንና የፌደራሊዝም ሥርዓታችን በፍቅርና አንድነት አጠናቅሮ እንድቀጥሉም  አፈጉባኤ ያለው አባተ አሳስቧል።

 በበዓሉ ላይ በክብር እንግድነት የተገኙት የሱዳኑ ፕሬዚዳንት ኦመር ሀሰን አልበሽር፥ ዕለቱ የሁለቱን ሃገራት ህዝቦች ግንኙነት የምናድስበት ነው በማለት ንግግር አድርገዋል።የኢትዮጵያ ህዳሴ የሱዳን ህዳሴ ነው ያሉት ፕሬዚዳንቱ፥ ከዚህ አንጻርም ለኢኮኖሚ ውህደት የሚረዱ ትልልቅ ፕሮጀክቶችን በጋራ እንሰራለን ብለዋል።የጂቡቲው ፕሬዚዳንት እስማኤል ኦማር ጌሌህ በበኩላቸው የእንኳን አደረሳችሁ መልዕክት አስተላልፈው፥ ዕለቱ የኢትዮጵያ ህዝቦችን አንድነትና ብዝሃነት አመላካች መሆኑን ጠቁመዋል።የሶማሊያው ምክትል ጠቅላይ ሚኒስትር  ማህዲ አህመድ ጉሌድ ንግግር ያደረጉ ሲሆን፥ የበዓሉ መከበር በኢትዮጵያ ህዝቦች መካከል ያለውን ሰላም፣ አንድነትና መቻቻል ማሳያ መሆኑን ነው የተናገሩት።የኢፌዴሪ ህገ መንግስትም ህዝቦች በአንድነት ልዩነቶቻቸውን እንዲፈቱ ያስቻለና የቡድንና የግለሰብ መብቶችን ያስከበረ መሆኑንም ገልጸዋል።

በበዓሉ ሥነ-ስርዓት መገባደደያ ላይ የክልሎች ርዕሳንመስተዳደሮችና በበዓሉ የተጋበዙ የምስራቅ አፍሪካ መሪዎችና ሎሌች ክቡር እንግዶች በጠቅላይ ሚንስተሩ የተለያዩ ሽልማቶች ተበርኪቶላቿል።በተጨማሪም የኢትየጵያ ሶማሌ ክልል ፕሬዝዳንት ክቡር አቶ አብዲ መሀሙድ  ኡመር ከሽልማቱ ባለፈ የህዳሴ ግድብ ተዘዋዋሪ ዋንጫ ተረክቧል።

 

 

የኢ.ሶ.ክ.መ.ፕሬዝዳንት አቶ አብዲ መሀሙድ በ12ኛው ቤሔር፤ቤሔረሰቦችና ህዝቦች ክብረ በዓል ላይ የህዳሴ ግድብ ዋንጫ ተረክቦ ወሳኝ ንግግር አደረጉ

$
0
0

ሰመራ(cakaaranews)አርቢ ህዳር 29/2010 የኢ.ሶ.ክ.መ.ፕሬዝዳንት በቤሔራዊ ደረጃ በአፈር ክልል ርዕስ-መዲና በሰመራ ከተማ  በደማቅ ሆኔታ የተካሄደው  12ኛው የኢትዮጵያ ቤሔር፤ቤሔረሰቦችና ህዝቦች ክብረ በዓል ላይ ከኢ.ፈ.ዴ.ሪ.ጠቅላይ ሚንስትር ክቡር አቶ ኃይሌማርየም ደሳለኝ የተላቁ ህዳሴ ግድብ  ዋንጫ ተረክቦ ወሳኝ ንግግር አደርጓል።

የኢ.ሶ.ክ.መ.ፕሬዝዳንት ክቡር አቶ አብዲ መሀሙድ ኡመር የታላቁ ህዳሴ ግድባችን ተዘዋዋሪ ዋንጫ መረካባቸውን ደስተኛ መሆናቸውና ክልሉ የተጣለበት ሃላፊነት በአግባቡ እንደሚወጡና ከፍተኛ ገቢ እንደሚያስገኝም ገልጿል።

በመጨረሻም  ታላቁ የኢትዮጵያ ህዳሴ ግድብ ዋንጫ አገሪቷ ከሃይል ማመንጨት የሚታገኘው ኦኮኖሚያዊ ፋይዳ ባሻገር የኢትዮጵያ ቤሔር፤ቤሔረሰቦችና ህዝቦች አንድነትና መቻቻል ያጠናክራል ነው ያሉት ፕሬዝዳንቱ።በተጨማሪም ህገ-መንግስታችን እና የፈዴራሊዝም ስርዓቱ ያረጋገጠው የህዝቦች አንድነትና እኩልነትን ለማጠናከርና ማስተሳሰርን የጎላ ጥቅም እንዳለውም ጠቆሟል።

 

 

Kulan Khibrad Wadaag Ah Oo Kaqabsoomay Xafiiska Waxbarashada DDSI

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Sabti 9ka December 2017. Kulan uu soo agaasimay geedisocodka Horumarinta dugsiyada ee xafiiska waxbarashada DDSI kaasoo kusaabsan khibrad wadaag kuqotama fulinta iyo kamidho dhalinta qorshayaasha horumarinta dugsiyada islamarkaana ay kasooqaybgaleen wasiir kuxigeenka xafiiska waxbarashada DDSI, Agaasinka waaxda Hor-Dugsiyada, Maamulayaasha iyo waliba kormeerayaasha dugsiyada ee 6da Maamul magaalo iyo 4 degmo ayaa kaqabsoomay hoolka shirarka ee xafiiska waxbarshada DDSI.

Hadaba, Kulankan ayaa waxaa ugu horayn kahadlay Wasiir kuxigeenka xafiiska waxbarashada DDSI mudane Maxamuud Axmed Nuur (Heeryo) oo sheegay in xafiisku siwayn ugu hawlanyahay kor uqaaadista iyo tayaynta waxbarashada islamarkaana uwado dadaalo kaladuwan oo kuaadan sidii loo tayaynlahaa waxbarahsada loogana midho dhalinlahaa qorshayaasha horumarintadugsiyada ee dhamaan deegaanka. wuxuuna intaas kudaray in kulankani yahay mid diirada lagu saarayo qorshayaasha horumarinta dugsiyada islamarkaana maamulayaasha iyo kormeerayasha dugsiyadu khibrad kukala qaadanayaan kadib markii dugsiyadu soo bandhagaan qorshayaashoodii horumarinta dugsiyada iyo sidii ay ufuliyeen.

Sidookale, Gadh-Wadeenka G/S Horumarinta Dugsiyada ee Xafiiska waxbarashada DDSI mudane Xuseen Maxamuud Daahir oo isna kulankan kahadlaya ayaa sheegay in kulankan ujeedadiisu tahay khibrad iswaydaarsi islamarkaana dugsiyada magaaloyinka iyo qaar kaamid ah degmooyinku ay iskuwaydaarsanayaan fulinta iyo natiijada wanaagsan ay kakeeneen qorshayaash horumarinta dugsiyada. Wuxuuna tilmaamay in dusiyada liita ama dugsiyada cusubi ay khibrad kaqaataan dugsiyada sida wanaagsn uga midho dhaliyay qorshaha horumarinta dugsiyada si kor loogu qaado natiijada ardayda.

 

Iskusoo wada duuboo,  xafiiska waxbarashada DDSI ayaa bilihii udanbeeyay wada dardar galin xoogan oo kuwajahan guud ahaan waxbarashada iyo sidii kor loogu qaadi lahaa tayada waxbarshada Deegaanka.

Tababar Kor Loogu Qaadayo Barayaasha Luuqada Afka Soomaaliga Ee Gobolka Afdheer Ayaa Ka Qabsoomay Degmada Jarati

$
0
0

Jarati(Cakaaranews) Sabti 9ka December 2017. Tababar uu soo diyaaryay xafiiska waxbarashada DDSI oo loo qabtay macalimiinta luuqada afka soomaaliga ee degmooyinka gobolka afdheer ujeedadiisuna ahaa sidii kor loogu qaadi lahaa garaadka aqooneed ee barayaasha afka soomaaliga degmooyinka gobolka liibaan ayaa ka qabsoomay degmada Jarati ee  gobolka afdheer.

Hadaba tababarkan oo uu furintaankiisii ka hadlay gudoomiyaha kuxigeenka gobolka afdheer mudane Cabdi Ibraahim Maxamed   oo sheegay in tababarkan yahay mid muhiim ah islamarkaana loo baahanyahay inaad ka faaiidaysataan mudada cashirku socdo wakhtigana ilaalisaan.

Dhankiisa waxaa isana faahfaahin dheer ka bixiyay tababarkan madax kooxeedka tababarada macalimiinta ee waaxda  Horumarinta Macalimiinta iyo Hogaaminta waxbarashada mudane Cabdiwali Axmed Yaasiin   ayaa  sheegay in tababarkan ay fulintiisa iska kaashadeen xafiiska waxbarashada DDSI, Hay’ada USAID, hay'ada RTI iyo waliba mashruuca READ TA islamarkaana lasiinayo barayaasha luuqada afka soomaaliga ee fasalada 5aad ilaa 8aad. Kuwaasoo laga soo kala xulay dhamaan degmooyinka Gobolka afdheer. Wuxuuna  intaa kudaray in  tababarkani uu soconayo mudo 10 cisho ah. Iyadoo casharada lasiinayo barayaasha ay ku qotomaan luuqada Afka-soomaaliga akhriska iyo qoraalkeedaba iyo waliba nidaamka ama shuruucda baris barasho ee looga baahan yahay macalinka luuqada Afka-Hooyo .

Ugu danbayna waxaa dhankooda ka hadlay qaarkamid ah barayaashii qaadanayay tababarka oo sheegay inay si fiican qaadan  doonaan mudada uu cashirku socdo islamarkaana uga faaiidayn doonaan ardayda wax kabarata  dugsiyadii ay ka kala yimaadeen.

MM. Dhagaxbuur Iyo kulan Wacyigalin Ah Oo Kusaabsan Hanaanka Anshaxa Iyo Milgaha Qaranka Oo Ka Qabsoomay

$
0
0

Dhagaxbuur(cakaaranews)Axad, 10ka December 2017. Kulan balaadhan oo uu soo agaasimay geedisocodka waxbarashada anshaxa iyo milgaha qaranka ee xafiiska waxbarashada DDSI islamarkaana ujeedadiisu tahay wacyigalin kusaabsan anshaxa iyo milgaha qaranka loona qabtay Gudiga waalidiinta, maamulayaasha dugsiyada kaladuwan iyo waliba qaar kamid ah barayaasha wax kadhiga dugsiyada kaladuwan ee magaalada ayaa kaqabsoomay hoolka shirarka ee isla magaalada dhagaxbuur.

Hadaba, kulankan wacyigalinta ah  ayaa waxaa furitaankiisii ugu horayn kahadlay Gadhwadeenka Geedisocodka Waxbarashada Anshaxa iyo Milgaha Qaranka Ee Xafiiska Waxbarashada DDSI marwo Farxiya Cabdulaahi Khaliif oo sheegatay in kulankani yahay mid wacyigalin ah oo ku’aadan barashada iyo hirgalinta cilmiga milgaha qaranka iyo anshaxa. Kaasoo looga baahanyahay dhamaan ardayada dugsiyada kaladuwan inay noqdaan kuwa u dhuun duleela. Si ay unoqdaan arday anshax leh islamarkaana ku dhiiran waxbarashada. Marwada oo hadalkeeda sii wadata ayaa tilmaantay in dhamaan ardayda deegaankeena looga baahanayahay inay kubarbaaraan anshax wanaagsan islamarkaana waalidiinta iyo macalimiinta looga baahanayahay inay doorkooda kaga aadan kaqaataan. Waxayna carabka kuadkaysay in waalidiinta iyo macalimiintuba xooga saaraan  hirgalinta waxbarahsda anshaxa iyo milgaha qaranka.

Sidookale, mudane Siciid Cabdi Ismaaciil  oo ah macalin wax kadhiga kuliyada macalimiinta ee Dr Cabdimajiid Xuseen ayaa isna kulankan wacyigalinta ah kasoojeediyay mawduucyo kaladuwan oo laxidhiidha  Hirgalinta cilmiga barashada milgaha qaranka iyo anshaxa. Iyo waliba muhiimada wayn uu ueeyahay dhanka baris barasho ee udhaxeeya ardayda iyo macalimiinta. Wuxuuna tilmaamay in barashadiisa iyo hirgalintiisa ay doorway kuleeyihiin waalidiinta iyo macalimiinta dugsiyadu.

 

Iskusoowda duuboo, wacyigalintan anshaxa iyo milgaha qaranka ayaa larabaa in siwayn loo gaadhsiiyo dhamaan waalidiinta, macalimiinta iyo ardayda deegaanka si loo helo arday anshax wanaagsan oo natiijo fiican ka keenta waxbarashada.

Viewing all 304849 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>