Samara,(cakaaranews), jumce, 8da December, 2017. Waxaa maanta si balaadhan oo heer qaran ah loogu xusay magaalada samara ee caasimada deegaanka canfarta munaasabada xuska 12 jirsaday ee 29ka hidaar oo ah maalintii midaysay qoomiyadaha iyo shucuubta dalkeena itoobiya.
Munaasabadan oo ah mid ku wayn qalbiyada iyo quluubta shacabwaynaha dalka itoobiya ayaa waxaana ka soo qaybgalay masuuliyiinta ugu saraysa JDFI oo ay ka mid yihiin Raysulwasaaraha JDFI mudane Hailemariam Desalegn, afhayeenka golaha fadareeshinka JDFI mudane Yalaw Abatu, madaxwayne yaasha dawlad deegaanada dalka oo uu ka mid yahay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, madaxwayne yaasha wadamada aan dariska nahay oo ay ka mid yihiin madaxwaynaha jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geele, madaxwaynaha Dalka suudaan Cumar Xasan Albashiir, Raysil-wasaare ku xigeenka dalka soomaliya Mahdi Axmed guuleed, danjirayaasha u fadhiya caalamka dalkeena itoobiya, wakiilo ka socday dhamaan wadamad aan dariska nahay kooxaha dhaqanka dawlad deegaanada dalka iyo marti sharaf kale oo heer caalamiya.
Munaasabadan oo ahayd mid si qurux badan loo soo agaasimay islamarkaana ku qabsoontay jawi aad u qurux badan ayaa waxaa ugu horayntii ka hadlay Raysul wasaaraha JDFI mudane Hailemariam Desalegn oo ugu horayntii munaasabadan qiimaha badan ugu hambalyeeyay dhamaanba qoomiyadaha iyo shucuubta dalkeena itoobiya Raysulwasaraha ayaa ka warbixiyay ahmiyada ay leedahay munaasabadan qaaliga ah ee 29ka hidaar oo ah buu yidhi maalinta taariikhiya oo lagu xasuusanayo soonaalkii taariikheed ee u dalka soomaray laguna asteeyo jihooyinka horumarineed nabadgalyo ee uu dalku hiigsanayo sidoo kalena tahay maalintii xaqiijisay xuquuqaha qoomiyadaha, iskaashiga walaalnimada iyo wadanoolaanshaha qoomiyadaha iyo shucuubta dalkeena itoobiya raysul wasaaraha hadalkiisa siiwata ayaa tilmaamay in ay tahay munaasabadani maalin ahmiyada wayn ugu fadhida muwaadiniinta dalka itoobiya islamarkaana xambaarsan hadaf mihiim ah. sidoo kalena ay tahay maalinta dhashay dastuurka JDFI dibna loogu xasuusta taariikhdii madoobayd ee uu dalku soo maray. Raysil wasaaraha ayaa sheegay in JDFI xooga saarayso xakamaynta iyo ka hortaga waxyaabaha caqabadku noqon kara geediga horumarka Dalkeena itoobiya iyo ka midho dhalinta qorshayaasha lagu tir tirayo saboolnimada laguna gaadhayo horumar waara oo joogtaysan.
Waxaa kale oo ka hadlay munaasabadan afhayeenka golaha fadareeshinka JDFI mudane yalow abatu oo ka warbixiayya ahmiyad ay leedahay munaasabada xuska Maalinta qoomiyadaha iyo shucuubta dalka itoobiya oo sheegeen in ay tahay maalinta xaqiijisay sinaanshaha qoomiyadaha iyo shucuubta itoobiya iyo hirgalinta hawlaha horumarkan maanta dalku haysto afhayeenka ayaa sheegay in loo baahan yahay in la sii xoojiyo tixgalinta dastuurka dalka adkaynta nidaamka faderalisamka iyo wada isqadarinta wadanoolaanshaha qoomiyadaha iyo shucuubta dalkeena itoobiya
dhankooda madaxwaynaha dalka jabuuti mudane ismaaciil cumar geele madaxwaynaha dalka suudaan cumar xasan albashiir iyo raysilwasaare ku xigeenka dalka soomaliya mudane mahdi axmed guuleed oo ka ka hadlay munaasabadan ayaa qoomiyadaha iyo shucuubta dalkeena itoobiya ugu hambalyeeyay xuska munaasabadan 12aad ee 29ka hidaar waxayna sheegeen in munaasabada xuska maalinta qoomiyadaha dalka itoobiya tahay mida xaqiijisay xuquuqaha qoomiyadaha iyo horumarka muga wayn ee dalka maanta gaadhay waxayna sheegeen in ay wadamada dariska maanta la qaybsanayaan farxadan qoomiyadaha iyo shucuubta dalka itoobiya islamarkaana sii xoojinayaan xidhiidhka walaalnimo wadashaqayneed iskaashi iyo daris wanaaga ka dhexeeya itoobiya iyo wadamada ay hogaamiyayaashan ka socdaan
kooxaha hidaha iyo shaqamada ee qoomiyadaha iyo shucuubta dalkeena itoobiya ayaa waxay qoomiyada kastaaba ku soo bandhigtay munaasabadan ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka ee ay qoomiyad kastaaba gaarka u leedahay taasi oo ay siwayn uga dhexmuuqdeen kooxda hidaha iyo dhaqanka ee dawlada deegaanka soomalida itoobiya.
Gabagabadii munaasabadan xuska maalinta qoomiyadaha iyo shucuubta dalkeena itoobiya ayaa waxa hadiyada iyo abaalmarino la gudoonsiiyay masuuliyiinta iyo marti sharaftii ka soo qaybgashay munaasabadan. iyada oo ay xusid mudan tahay in madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamud Cumar uu ka mid ahaa masuuliyiinta sida sharafta iyo maamuusta mudan loogu karaamada munaasabadan isamarkaana uu raysil wasaaraha dalku ku gudoonsiiyay koobka wabiga dib u curashada dalkeena ee ABAY.