Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all 304849 articles
Browse latest View live

Meeting on Strengthening Advancement of Regional Development Plan Started At Jigjiga City.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews) Tuesday, November 2017. Today, strengthening regional strategic plan implementations and environmental protection meeting was started at Jigjiga City. Different levels of ESRS administration was participated this meeting.

At the first time of the regional history, Kebele level administration was participated this meeting.

During the opening of this meeting, ESRS President H.E Abdi Mohamoud Omar addressed agendas and purpose of the meeting. He said the main purpose of this meeting is to strengthen the advancement developmental strategic plan of the region especially prevention and protection of the environment for   deforestation and prevention of illegal rangeland conservancies. Also the president told that on this meeting will be discussed enhancing implementation of overall regional development plans. 

On the other hand, parts of Kebele administrators expressed their thought towards ensuring prevention of deforestation and they said “it’s very important to protect the environment for deforestation and to end illegal rangeland conservancies that some part of the community is constructing”. They promised that they together will implement the strategic plan towards this issue.     

 Therefore, this meeting will continue to the following days at Kaali Conference hall in Jigjiga City.


Gudiga Madasha Wadatashiga Dadwaynaha Itoobiya Ee Horumarinta Nabada Iyo Dimuqraadiyada Oo Soo Gaadhay Xarunta Deegaanka

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Talaado 7da November 2017. Gudiga madasha wadatashiga dadwaynaha itoobiya ee horumarinta nabada iyo dimuqraadiyada (public consultative forum of ethiopia on peace development and democracy) oo uu hogaaminayo mudane  Getahun Hussein ( eng.) ayaa soo gaadhay xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga. Waxaana si diiran halkaas ugu soo dhaweeyay hogaaminta  odayaal dhaqameedka deegaanka soomaalida.

Hadaba gudigan oo hoostaga madaxwaynihii hore ee JDFI mudane Girma Wolde Georgs oo ujeedada socdaalkoodu ahaa  sidii nabad waarta looga dhalin lahaa khilaafaadka xuduuda labada deegaan ee soomaalida iyo oromada ayaa soo dhawayn kadib waxay  gudigu xafiiskiisa kulan kula qaateen madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar  iyo odayaal dhaqameedka deegaanka. Waxaana si guud looga wada hadlay sidii xal waara oo kamadanbays ah looga gaadhi lahaa khilaafaadka  xuduudaha labada deegaan ee soomaalida iyo oromada iyagoo gudigu sheegay in laqaban doono kulan wayne nabadeed oo balaadhan oo ay udhan yihiin ergooyinka labada deegaan oo kakoobnaan doona 400 oo xubnood  iyo hogaaminta sare ee  dawlada federalka ah.

Ugu danbayna kulankan ayaa kusoo dhamaaday nabad waarta oo kadhex dhalata shacabka labada deegaan iyadoo si gaar ah ay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo odayaal dhaqameedka deegaanku ay hoosta uga xariiqeen rabitaanka muga leh ee uu shacabku soomaalidu uqabo nabad waarta oo kadhex dhalato shacabka labada deegaan ee sooyaalka dheer wadaaga.  

በአከባቢ ጥበቃና በአረንጓ ልማት ዙሪያ የሚመክርበት የጋራ ጉባኤ በጅግጅጋ ከተማ ተጀምሯል

$
0
0

ጅግጅጋ(cakaaranews)ማክሰኞ ጥቅምት 28/2010ዓ.ም. በአከባቢ ጥበቃ፤ በአረንጓ ልማት ሥራዎችና እንድሁም በደን ጭፍጭፋ፤በአፈር ማንሸራሸር ፤ በህግ-ወጥ ፓርኮች ችግሮችን የሚቀረፍበትና በአጠቃላይ የተፈጥሮ ሀብት ልማት እቅዶች ለማሳካት የሚመክሪበት የጋራ ጉባኤ በጅግጅጋ ከተማ በካሊ አደራሽ ተጀመሯል።

ይህ ጉባኤ በኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል ታሪክ ለመጀመሪያ ጊዜ የክልሉ የቀበሌዎች፤ወረዳዎች፤የዞኖች፤የከተማ መስተዳደሮችና የክልሉ ሰክተር መ/ቤቶች ሃላፊዎችና የካቢኔ አባላቱ በጋራ የተሳተፉበት ጉባኤ ሲሆን መድረኩ የመሩት የክልሉ ፕሬዝዳንት ክቡር አቶ አብዲ መሀሙድ ኡመር፤ የክልሉ ም/ት አፈ-ጉባኤና የኢ.ሶ.ህ.ዴ.ፓ.ልቃ-መንበር አቶ መሀመድረሺድ እሳቅ  ናቸው።

በመድረኩ መክፈቻ ላይ የተናገሩት የክልሉ ፕሬዝዳንት ክቡር አቶ አብድ መሀሙድ ኡመር የምክክር መድረኩ  አጀንዳዎችን ካቀረቡ በኃላ ፤የጉባኤው ዋና አላማ በአከባቢ ጥበቃ፤ በአረንጓ ልማት ሥራዎችና እንድሁም በደን ጭፍጭፋ፤በአፈር ማንሸራሸር ፤ በህግ-ወጥ ፓርኮች ችግሮች ላይ የሚትኮር ነው ብሏል።በተጨማሪም የክልሉ ከፍተኛ አመራሮች በአጠቃላይ የክልሉ ተፈጥሮ ሀብት ልማት ስተራቴጅዎችና እቅዶች በጥልቅ እንደሚገመገሙና ገንቢ የልማት ሃሳቦችን እንደሚያቀርቡም ፕሬዝዳንቱ ጠቆሟል።

የክልሉ ቀበሌ አመራሮች በበኩላቸው የአከባቢ ጥበቃና የአረንጓ ልማት ሥራዎች ወሳኝ መሆናቸውና የደን ጭፍጭፋ፤የአፈር ማንሸራሸር ፤የህግ-ወጥ ፓርኮች ችግሮችን የሚወግድበት ስተራቴጅዎች፤ፖሊሲዎችና እቅዶችን በአግባቡ እንደሚያሳኩና ባሉበት ቀበሌዎች ላይ ተግባራዊ  እንደሚያደርጉም ተናግሯል።በመጨረሻም ጉባኤው ለቀጣይ ቀናት ይካሄዳል። 

Peace Development & Democracy Public Consultative Forum Committee Arrived Jigjiga City

$
0
0

Jigjiga (Cakaaranews) Tuesday, 7th November 2017. National peace, development & democracy public consultative forum committee had arrived today ESRS capital city of Jigjiga. Moreover, on their arrival, the regional state leaders and traditional elders have warmly welcomed the committee.

The committee’s visitation in the region aimed to create durable solution on the border conflict between Oromo and Somali regions. After that, ESRS president HE Abdi Mohamoud Omar and regional traditional leaders organized meeting for taking discussion to the committee. During the meeting, the committee scheduled peace and conflict resolution conference, which delegations of the two regions (Somali and Oromo) will participate. The delegations will be contained 400 members including federal government higher officials.  

Finally, ESRS president and traditional elders on the occasion acknowledged the efforts of the federal government creating sustainable peace and end conflict between the two regions. Again, they mentioned that Somali community are eager to end the conflict and create durable peace and stability between Somali and Oromo people.

Tababar Kor Loogu Qaadayay Garaadka Aqooneed Ee Wariyeyaasha Gobolada Iyo Camera Maanada Oo Lasoo Gabagabeeyay

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Axad 12ka November 2017. Tababar kor loogu qadayay garaadka aqooneed ee wariyayaasha gobolada deegaanka iyo camera maanada  islamarkaana lagu barayay nidaamka tabinta wararka iyo qaabka loo diyaariyo ayaa lagusoo gabagabeeyay hoolka shirarka ee wakaalada warbaahinta deegaanka.

Hadaba xidhitaankii tababarkan ayaa waxaa ka hadlay maareeyaha wakaalada warbaahinta deegaanka mudane farxaan maxamuud Axmed oo u sheegay tababar qaatyaasha in tababarkan mudada 3 cisho ah usocday uu ahaa mid kor loogu qaadayay garaadka aqooneed ee wariyayaasha iyo camera maanada gobolada islamarkaana loo baahan yahay Inay ku shaqeeyaan cashirada loo hayay mudada 3 cisho ah wuxuuna maareeyuhu intaa ku daray in tababarkan uu ahaa mid muhiim ah oo hagi doona wariyeyaasha iyo camera maanada gobolada .

Dhanka kale waxaa isana dhankiisa ka hadlay tafatiraha wakaalada warbaahinta deegaanka mudane Cabdi Cumar oo kula dardaarmay tababar qaatayaasha inay fahmaan qaabka tabinta wararka iyo inay waliba inay xafidaan qalabka shaqada maadaama shaqada warbaahintu oogu muhiimsantahay qalabka lagu shaqaynayo.

Ugu danbayna waxaa dhankooda ka hadlay qaar kamid ah tababar qaatayaasha oo sheegay inuu tababarkan uscoday mudo 3 maalmood ah islamarkaana ay waxbadan ka faaiideen kuna shaqayn doonaan fahanka ay tababarkan ka heleen.

የኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል መገናኛ ብዙሃን ድርጅት ለክልሉ ዞኖች የሚሰሩ ጋዜጠኞችና የቀረጻ ባላሙያዎችን የአቅም ግንባታ ሥልጠና ሰጥቷል።

$
0
0

ጅግጅጋ(Cakaaranews)እሁድ ህዳር 4 ቀን፤2010ዓ.ም. የኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል መንግስት መገናኛ ብዙሃን ድርጅት ለክልሉ ዞኖችና ወረዳች የሚሰሩ ጋዜጠኞችና የካመራ ቀረጻ ባላሙያዎች በልማታዊ የሚዲያ አዘጋገብ፤በወቅታዊ አገራዊ ጉዳዮች ዙሪያ ለ3ቀናት ያህል ሲሰጥ የነበረውን የሙያ ሥነ-ምግባር አቅም ግንባታ ሥልጠና በዛሬ እለት በድርጅቱ የሥልጠናና አቅም ግንባታ አደራሽ አገባድዷል።

በመዝግያ ሥነ-ስርዓቱ ላይ ተገኝቶ ንግግር ያደረጉት የኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል መንግስት የመገናኛ ብዙሃን አጀንሲ ዋና ሥራ አስኪያ አቶ ፈርሃን መሀሙድ አህመድ  “ለ3ቀናት ያህል በወቅታዊ አገራዊና ክልላዊ ጉዳዮች፤በቀውስ ጊዜ የሚዲያ አሀጋገብና በአጠቃላይ አገራችን በሚትከተለው የልማታዊ ሚዲያ  ሥነ-ምግባር ዙሪያ በንቃት ሲከታተሉ የነበረው የአቅም ግንባታ ስልጠና ትምህርት አላማን ወደ ከመጡበት ዞኖችና ወረዳዎች ሲመለሱ ተግባር ላይ እንድያደርጉ ጥሪያቸው አቀርቧል።

በተጨማሪም የክልሉ መገናኛ ብዙሃን አጀንሲ የዜናና ፖሮግራሞች ክፍል ዋና አርታኢ አቶ አብዲ ኡመር በበኩሉ ሰልጣኞችሁ የተማሩት ትምህርት ወደ ታችኛው ማህበረሰብ ሲወርዱ የሙያው ሥር-ምግባር እንድከተሉና አክሎም ለካመራ ቀረጻና ኤድትንግ ባላሙያዎች የሚዲያ ዋና አንቀሳቃሽ የሆነውን የሚዲያ መሳሪያዎችን በባላቤትነት ስሜት እንድጠበቁ አሳስቧል።

በሌላ በኩል የመገናኛ ብዙሃን ድርጅት ሰልጣኛቹ የሚዲያ ሥነ-ምግባር ትምህርቱ ለሥራቸውና ክህሎታቸውም በጣም ወሳኝ እንደነበረና ከዚህ የቀሰሙት የሚዲያ ትምህርትና  ሥነ-ምግባርም ተግባራዊ እንደሚያደርጉ ከማረጋገጣቸው ባሻገር ለመገናኛ ብዙሃን አጀንሲ አሰልጣኞችና አመራሮችም አመስግኗል።

 


Xaf-Arrimaha Haweenka Iyo Caruurta Oo Deeqo Kaladuwan Gaadhsiiyay Senterka Qoloji

$
0
0

Qoloji (cakaaranews)Isniin, 13ka Novemebr 2017. Wafti iskudhaf ah oo ay hogaaminayso Wasiirada Xafiiska Arrimaha Haweenka iyo Caruurta DDSI  marwo Raxma Suldaan Maxamuud Haybe ayaa deeqo kala duwan gaadhsiiyay bulshada soomaalida ah ee kasoo barakacday deegaanka oromada ee xukuumadu dajisay senterka qoloji.

Hadaba, Wasiirada Xafiiska Arrimaha Haweenka iyo Caruurta DDSI marwo Raxma Suldaan Maxamuud Haybe oo ka warbixisay deeqahan ay gaadhsiiyeen senterka qoloji ayaa sheegtay in deeqahani ay isugujireen Agab sharafeed(dignity kit) oo dhan 2000 iyo 51 kaartoon oo iskugu jira Dawo iyo qalab kale oo ah agabka caafimaadka hooyada ee loo isticmaalo Dhalmada hooyada afka qalaadna lagu magacaabo (Emergency reproductive healthy kits). Waxayna wasiiradu intaa kudartay in xafiisku agabkan uu kahelay hay’ada UNFPA islamarkaana uu si habsami leh xafiisku u gaadhsiiyay bulshada soomaalida ah ee kasoo barakacday deegaanak oromada gaar ahaan bulshada ladajiyay senterka qoloji1  iyo quliji2. Waxayna tilmaantay in agabkan taakulaynta ah loogu talagalay:-

Haweenka naafada ah, dumarka laga dhintay ama lafuray, gabdhaha aan waalidkood la’noolayn, dumarka masuulka ka ah qoyska, gabdhaha da’doodu ay ka yartahay 18 jir.

 

Ugudanbayna, qaarkamid ah bulshada barakacayaasha ah oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin qalabkan kaladuwan ee taakulaynta ah ee lasoogaadhsiiyay islamrkaana ay u mahadcelinayaan xafiiska arrimaha haweenka iyo hay’adaha ay bahwadaagta yihiin.

Wasiirka Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha DDSI Oo Ka Warbixiyay Xidhmooyinka Horumarinta Dhalinyarada DDSI.

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Isniin 13ka November 2017. lataliyaha madaxwaynaha ee dhanka saxaafada ahna Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha DDSI mudane Maxamed Bile Xasan (Miig)  ayaa ka warbixiyay jihooyinka iyo istaraatajiyadaha lagu horumarinayo dhalinyarada DDSI laguna xaqiijinayo isbedalka horumarinta dhalinyarada xili uu la dardaarmayay gudiga isku dhafka ah ee  hogaaminta arrimaha dhalinyarada DDSI .

wasiirka ayaa sheegay in sanadihii ugu dambeeyay xukuumada DDSI xooga saartay sidii looga midho dhalin lahaa xidhmaha horumarinta dhalinyarada wasiirka ayaa intaa kudaray  in ay dhalinyarada deegaan ku yihiin laf-dhabarta bulshada deegaanka islamarkaana door muhiim ah ku leeyihiin taaba galinta xaqiinta hirgalinta qorshayaasha horumarineed ee lagu tir tirayo saboolnimada iyo shaqo la aanta islamarkaana lagu gaadhayo wadamada dhaqaalahoodu meel dhexaadka yahay.

Dhinaca kale waxa uu sheegay wasirku in sanadka xooga la saarayo hirgalinta qorshaha cusub ee xidhmaha horumarinta dhalinyarada oo ah qorshe dalka iyo deegaanku qaateen si loo dar dargaliyo hirgalinta xidhmaha horumarinta dhalinyarada wasiirka ayaa sheegay in si taasi loo suurta galiyo la aas aasay gudiga iskudhafka ah ee  hogaaminta hirgalinta arimaha dhalinyarada gaar ahaan xidhmaha horumarinta dhalinyarada gudigaasi oo isugu jira heer deegaan, heer gobol, degmo ilaa heer tuulo kuwaasi oo ay ujeedada loo aas aasay tahay hirgalinta xidhmaha horumarinta dhalinyarada oo ah nidaam cusub.

Ugu dambayntii waxa uu wasiirku ku booriyay gudiga hogaaminta arimaha dhalinyarada ee gobolada, degmooyinka iyo tuulooyinka DDSI in ay xooga saaraan taaba galinta iyo meel marinta qorshahan cusub ee xidhmaha horumarinta dhalinyarada si looga midho dhaliyo yoolasha lagu tir tirayo saboolnimada.


Kulan Wada Tashi Ah Oo Kadhacay Magaalada Fiiq

$
0
0

Fiiq(cakaaranews)Isniin, 13ka November 2017. Kadib markuu dhamaaday Shirwaynahii 10aad ee wadatshiga xukuumada iyo shacabwayanaha DDSI ee lagaga wada arrinsanayay nabadgalyada, horumarka iyo maamulka suuban ayaa iyadna dhankooda xubnihii iyo waxgaradkii kasooqaybgalay kulanwaynahan ee kasocday gobolka erer ayaa sidookale iyaguna kulan balaadhan oo wada tashi ah la yeesheen qaybaha kaladuwan ee bulshada ee kudhaqan degmada fiiq ee xarunta gobolka erer.

kulankan wadatashiga ah oo ujeedadiisu ahayd sii gudbinta macluumaadka, xogaha iyo waliba awaamiiraha ay kala qaateen xukuumada DDSI iyo waliba shacabwaynaha deegaanka, taasoo kuqotanta horumarka nabadgalyada iyo maamulka suuban. iyadoo ay kulankana kasooqaybgaleen sacabka qaybahiisa kaladuwan ee kudhaqan degmada fiiq iyo waliba maamulka gobolk erer iyo degmada fiiq.

Hadaba, kulankan wadatashiga ah ayaa waxaa khudbado muhiima ah kasoojeedayay xubnihii kaqaybgalay kulanwaynaha xukuumada iyo shacabka. Islamarkaana bulshada qaybaheeda kaladuwan ee kudhaqan xarunta gobolka erer ee magaalada fiiq u soobandhigay qorshayaasha horummarineed ee deegaanka, qorshayaasha nabadgalyada iyo waliba maamulka suuban. Iyagoo midmmid uga hadlay tubaha iyo xeeladaha loo adeeg sanayo tirtirida saboolnimada iyo sidii loo afjari lahaa shaxaadka islamarkaana looga midho dhalin lahaa qorshaha sanadkan 2010 ee lagu magacdaray Biyo, Baad, Beer, Cilmi iyo Caafimaad (BBC)

dhankakale, kulankan ayaa iyana waxaa hadalo dhaxalgal ah kasoojeediyay qaar kamid ah masuuiyiinta maamulka gobolka Erer oo sheegay in wadatashigu uu qayb kayahay horumarka balaadhan ee dhinacyo badanaha ee deegaankeenu gaadhay ka slamarkaana uusan horumar iman-lahayn hadii aan laisku duubnayn. waxayna bulshada kula dardaarmeen in loo guntado tirtirida saboolnimada qofkasatna uu isagu iska bilaabo.

 

Iskusoowada duuboo, kulanka wadatshiga ah ayaa ahaa mid ay uriyaaqen bulshadii kasoqaybgasay islamarkaana ay kadhiibteen fikiradooda iyo talobixinadooda ku’aadan adakaynta nabadgalyada iyo ladagaalanka fikirada cidhiidhyoon ee sida alqushaah iwm iyo waliba kamidho dhalinta qorshayaasha horumarineed ee BBC.

የኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል መንግስት የወጣቶችና ስፖርት ቢሮ ኃላፊ በወጣቶች ልማት ፓኬጆች ዙሪያ ለሚዲያ ማብራሪያ ሰጥቷል

$
0
0

ጅግጅጋ(Cakaaranews)ሰኞ፤ህዳር 5 ቀን፤2010ዓ.ም.የኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል መንግስት የወጣቶችና ስፖርት ቢሮ ኃላፊና የክልሉ ፕሬዝዳንት የሚዲያና ኮሙኒኬሽን አማካሪ አቶ መሀመድ ቢሌ ሀሰን (ሚግ) የክልሉ የወጣቶች ልማታዊ ስተራቴጅዎችና አቅጣጫዎች እንድሁም በተገኘው የወጠቶች ለውጥ ሥራዎች ተጠቃሚነታቸው እንድያረጋገጡ  ለወጣቶች ልማት ፓኬጆች ጥምር ኮሚቴ አባላት ማብራሪያ ሰጥቷል።

አያይዞም ቢሮ ኃላፊው  ከቅርብ አመታት ወዲህ የክልሉ መንግስት በወጣቶች  ልማት ፓኬጆች ወጤታማነትና ተጠቃሚነትን ለማረጋገጥ ከፍተኛ ትኩረት  እንደተሰጠም አመልክቷል።በተጨማሪም ወጣቶቹ የክልሉ ህዝብ የጀርባ አጥንት መሆናቸውና የክልሉ ልማታዊ እቅዶችን ከዳር ለማድረስ፤ደህነትና የወጣቶች ሥራ አጥነትን ለማጥፋትና አገራችን መካከለኛ ገቢ ከላቸው አገራት ተርታ ለማሰለፍም የወጣቶች ሚና ከፍተኛ መሆኑን ገልፀዋል።   

 በሌላ በኩል በፈዴራልና በክልል ደረጃ የተነደፈው የወጣቶች ልማት ፓኬጆችን ለማሳካት በዘንድሮ አመትም የክልሉ መንግስት ከፍተኛ ትኩረት በመስጠት ላይ እንደሚገኝና  የክልሉ ወጣቶችና ስፖርት ቢሮም  አዲሱ የወጣቶች ለውጥ መርሃግብርን  በዞን፤በወረዳ፤በቀበሌና መንደር ደረጃም የታለሙት እቅዶችን እውን ለማድረግ የተለያዩ የወጣቶች ልማት ፓኬጆች ጥምር ኮሚቴዎች ማቋቋሙን ሃላፊው ጠቆሟል ።

በመጨረሻም በዞን፤በወረዳና በቀበሌ ደረጃ የተቋቋሙ የወጣቶች ልማት ፓኬጆች ጥምር ኮሚቴ አባላት ደህነትና ሥራ አጥነትን ለማጥፋት የታቀደው የወጣቶች ልማት ፓኬጆች ተግባራዊ እንድያደርጉና የበኩላቸው ድርሻ እንድወጡ ጥርያቸውን አቅርቧል አቶ መሀመድ ቢሌ።

 

Wasiirku Xigeenka Waxbarashada DDSI Oo Kulan La Yeeshay Hay’adaha Bah-wadaagta ku Ah Waxbarashada.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews), talaado, 14ka, November, 2017. Wasiirku xigeenka waxbarashada DDSI mudane Maxamuud Axmed Nuur ayaa xafiiskiisa kulan kula yeeshay masuuliyiin ka socday hay’adaha dawliga ah iyo kuwa aan dawliga ahayn ee ay bah-wadaagta yahiin xafiiska waxbarashada DDSI gaar ahaan kuwa sida gaarka ah uga shaqeeya adeegyada waxbarashada DDSI.

Wasiirku xigeenka ayaa sheegay in ujeedada kulankani tahay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga wada shaqayneed ee ay leeyihiin xafiiska waxbarashada DDSI iyo bah-wadaagtiisu taasi oo diirada lagu saarayo xoojinta tayada adeegyada waxbarashada isaga oo soo bandhigay wasiir ku xigeenku  qorshayaasha awooda la saarayo sanadka 2010TI ee looga baahan yahay bah-wadaagta waxbarashadu in ay ka soo baxaan kaalintooda.

sheegay wasiir ku xigeenku in sanadka cusub ee 2010TI  uu xafiiska waxbarashada DDSI xooga saarayo sidii oo  xaqiijin lahaa  taamyeelida tayada waxbarashada iyada oo xooga la saarayo waxyaabaha gashiga u ah tayada waxbarashada sida in la daboolo baahida dugsiyada, tan macalimiinta, daboolida baahida ardayda qabta baahida gaar ka ah ee ay ka mid tahay quudinta ardayda iyo helidaanka aaladaha casriga ah, waxaa kale oo aan xooga saaraynaa ayuu yidhi  wasiir ku xigeenku kor u qaaditaanka ka qaybgalka waxbarashada  dumarka  iyo tayaynta indaamka baris barasho ee dugsiyada deegaanka si looga guul gaadho xaqiijinta tayada waxbarashada deegaanka

Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in dadaalka iskaashiga muga leh ee ay leeyihiin  xafiiska waxbarashada bah-wadaagta waxbarshada,macalimiinta deegaanka iyo gudiyada waalidiintu tahay tan keentay in guulo waawayn laga gaadho natijooyinka tayaynta waxbarashada deegaanka loona baahan yahay in la sii xoojiyo dadaaladaasi.

Dhankooda masuuliyiinta ka socotay hay’adaha bah-wadaagta la ah xafiiska waxbarashada DDSI soo jeediyay qorshayaasha ay ku dar-dargalinayaan tayada adeegyada waxbarashad DDSI si looga midho dhaliyo siyaasada caafimaadka deegaanka iyo dalkaba. 

Dhismaha Guryo wadareedka Garabcase Oo Meel Fiican Maraya

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Talaado 14ka November 2017. Xukuumada DDSI oo dadaal oogu jirta siday bulshada iyo shaqaalaha deegaanka ooga haqabtiri lahayd dhanka guryaha ayaa waxay aasaastay wakaalada horumarinta guriyaynta ddsi oo mudadii ay shaqaynaysay wakaaludu fulisay mashaariico badan oo guryo kala duwan ah Islamarkaana dabooshay baahiyo badan oo ka jiray dhanka guryaha

Hadaba dhismaha guryo wadareedka ay wakaalada horumarinta guriyaynta DDSI kawado  garabcase oo meel fiican maraya ayaa waxaa warbaahinta deegaanka ooga waramay maareeyaha wakaalada horumarinta guriyaynta DDSI marwo Ramxa Riyaale oo sheegtay in dhismahan guryo wadareedka garabcase ay ka koobanyihiin 89 gibi oo loo dhisayo si casri ah islamarkaana ay dhismahan guryo wadareedkan oo ay shaqadiisu socoto 20 maalmood ay meel fiican marayaan kana faaiidaysanayaa in ka badan 5000 oo qof oo udhashay deegaanka, waxayna maareeyuhu intaa ku dartay in muwaadiniintan udhashay deegaanka ee ka faaiidaysanaya dhismaha mashruucan ay isugu jiraan injineero, kuuliyaal, dablayaal, meherado iyo dad kale oo badan oo ka faaiidaysta fursadaha shaqo ee mashruucan balaadhan ee dhismaha guryo wadareedka garabcase,

Maareeyaha ayaa sidoo kale xusay in dhismahan loo dhisayo si tayaysan oo casri ah islamarkaana ay wakaaladu marwalba ku dadaalayso sidii dhismaha mashruucan uu u noqon lahaa mid tayadiisu sarayso

Dhanka kale waxaa iyana dhankooda ka hadlay injineerada gacanta ku haya dhismahan oo sheegay in dhismaha guryo wadareedkan ay usocdaan sidii loogu talagalay islamarkaana loo dhisayo si tayaysan oo casri ah. Iyagoo intaa ku daray inay wakhti dhaw dhamaystiridoonaan.

Sikastaba ha ahaatee mashruucan dhismahan guryo wadareedka garabcase ayaa waxay wakaaladu uga faaiidaysay inay dhisaan mas’uuliyiintii hore ee deegaanka, ugaasyo, suldaamo iyo odayaal kale oo kamid ah adayaal dhaqameedka deegaanka, waxayna sheegeen in dhismaha guryahan ay dhisayaan uu meel fiican marayo islamarkaana ooga mahad celiyeen xukuumada fursadan balaadhan ay siiyeen odayaasha deegaanka iyo 5000 oo udhashay shacabka deegaanka.

Ugu danbayna waxaa dhankooda ka hadlay qaar kaimd ah kaa faaiidaystayaasha dhismahan guryo wadareedka garabcase oo sheegay inay aad oogu faraxsanyihiin fursada shaqo ee ay ka heleen dhismahan, waxayna intaa ku dareen inay ka faaiidaysan doonaan fursadaha shaqo eek ala duwan ee ay xukuumadu kawado guuda ahaanba deegaanka.

Daahfurka Wajiga 2aad Ee Mashruuca SIPED Oo Kadhacay Magaalada jigjiga

$
0
0

Jigjiga (cakaaranews)Talaado, 14ka November 2017. Kulan lagu daahfurayay wajiga 2aad ee mashruuca SIPED islamarkaana ay kasooqaybaleen masuuliyiinta xafiisyada heer deegaan ee  Biyaha, Maaliyada, Arrimaha Haweenka, Nabadgalyada, iyo waliba masuuliyiinta gobolada iyo degmooyinka uu kahawlagali doono mashruucu ayaa ka furmay magaalda jigjiga.

Wajiga 2aad ee mashruucan SIPED ayaa si wayn uga shaqayn doona arimaha Nabadgalyada, Xalinta khilaafaadka qoomiyadaha wadda-daga iyo waliba maaraynta khayraadka dabiiciga ah ee Biyaha iyo Dhulka.

Hadaba, daahfurkii mashruucan ayaa waxaa ugu horayn kahadlay Wasiirka Xafiiska Horumarinta Khayraadka biyaha DDSI ahna Madaxa Xarunta Dhaxe ee XDSHSI  marwo Fartuun Cabdi Mahdi oo sheegtay in wajiga 2aad ee mashruuca SIPED uu yahay mashruuc ay si wada jir ah u fulinayaan wasaarada arrimaha fadraaalka iyo horumarinta reerguuraaga dalka,   USAID iyo waliba hay'ada BACT islamarkaana ay gacanta kuhayn doonto hay'ada arrimaha fedaraalka ee dalka. Waxayna xustay marwadu in mashruucan ay dabagalkiisa leeyihiin hay’adaha cadaalada ee deeganada uu kahawlagalo mashruucu.

Dhankakale, intii uu shirkani socday ayaa waxaa lagu soo bandhigayay islamarkaana lagu falanqeeyay faaiidooyinka iyo dhinacyada uu xooga saridoono iyadoo kaqaybgalyaashuna soo bandhigayeen su'aalo iyo fikiro kuqotama wajiga 2aad ee mashruucan SIPED.

 

Iskusoowada duuboo, wajiga 2aad ee mashruucan SIPED ayaa waxa uu kahawlagli doonaa 3da degmo ee kala ah dheka-softu, gursum iyo ma’ayso. 

Xafiiska Waxbarashada DDSI Oo Kulan Layeeshay Madax-xafiiseedyada Waxbarashada

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Arbaco,15ka Novemebr 2017. Shir balaadhan oo uu soo agaasimay xafiiska waxbarshada DDSI islamarkaana ay kasooqaybgaleen dhamaan madax xafiiseedyada waxabarashada degmooyinka iyo maamul magaalooyinka iyo waliba agaasimayaasha ayaa kaqabsoomay hoolka shirarka ee xafiiska waxbarashada DDSI.

Hadaba, shirkan oo uu shir gudoon ka ahaa Wasiir-kuxigeenka Xafiiska Waxbarashada DDSI mudane Maxamuud Axmed Nur (Heeryo) ayaa waxa uu halkaas kasoojeediyay khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa. Wuxuuna sheegay in shirkan ujeedadiisu tahay dardargalinta waxabarashada deegaanka islamarkaana lagaga wada arrinsanayo jihooyinka iyo qorshayaasha sanadkan 2010 T.I u yaala xafiiska. Wuxuuna intaa kudaray in shirkan ay fadhiyaan dhamaan madax xafiiseedada waxbarashada ee degmooyinka iyo maamul magaalooyinka deegaanka iyo waliba dhamaan gadhwadeenada Geedisocodyada xafiiska waxbarashada DDSI laguna kala qaadanayo  arrimo waxkuool ah oo ku adan sidii xooga loosaari lahaa tayada waxabarashada deegaanka dhinac kastaba hanoqotee.

Wasiir-kuxieenka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in shirkan sidookale lagagawada hadlayo sidii loo joogtayn lahaa dhinaca soo gudbinta warbixinada ee dhanka waxbarashada, iyo waliba sidii degmooyinka looga dhaqan galin lahaa barnaamijka ciidanka horumarinta looguna dhaqmi lahaa maadaama oo uu ka waxbarasho ahaan faaiido balaadhan inoo leeyahay. Wuxuuna carabka ku adkeeyay wasiir-kuxigeenku in dhamaan degmooyinka aan lahayn O-Class ay hirgaliyaan, sidookalana ay degmooyinku xooga saaraan waxabarashada baahida gaar ka ah ee (special need education)

Sidookale, wuxuu kahadlay wasiir-kuxigeenku dhanka macalimiinta deegaanka iyo in qorshe looqaatay ka dal ahaan in la daboolo baahiyahooda sida guryaynta, wuxuuna tilmaamay guryayntooda iyo dhulkii loogu talagalay sida ay degmooyinku u hirgaliyeen kuwa dhameeyay iyo kuwa aan dhamaynin.

Dhinaca kale, shirkan ayaa waxaa lagu soo bandhigay cashiro kusaabsan nidaamka ciidanka horumarka iyo waliba cashiro laxidhiidha tayaynta waxabarshada deegaanka.

 

Iskusoowada duuboo, shirkan ayaa intii uu socday agaasimayaasha xafiisku soo bandhigeen fariimahooda ku’aadan xafiisyada waxabarashada degmooyinka iyo maamul magaalooyinka ka waaxdooda ahaan, waxaana lagu kala qaatay xogaha iyo warbixinadii ay ukala baahnaayeen. 

MMJ Oo Hadhimo sharafeed usameeyay Maamul Magaalooyinka Kale Ee Deegaanka

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Khamiis 16ka November 2017. Hadhimo Sharafeed uu si heer sare ah usoo agaasimay maamulka magaalada jigjiga islamarkaana ay kasoo qayb galeen mas’uuliyiinta maamul magaalooyinka deegaanka iyo marti sharaf kale ayaa ka qabsoomtay nogob hotel.

Hadaba hadhima sharafeedkan uu soo agaasimay mmj ee loo sameeyay 5 maamul magaalin ee kale ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay maayarka mmj mudane Ibraahim Maxamuud Mubaarak oo sheegay inay hadhimo sharafeedkan loogu talagalay 5 maamul magaalooyin ee mudada ku sugnaa xarunta deegaanka islamarkaana ay hadhimo sharafeedan isku baran doonaan madaxafiiseedyada maamul  magaalooyinka deegaanka iyo marti sharafta kale ee kasoo qaybgalay hadhima sharafeedan.

Dhanka kale waxaa iyana dhankooda ka hadlay qar kamid ah mas’uuliyiinta maamul magaalooyinka deegaanka oo ugu horayn umaha celiyay mas’uulyiinta mmj sida quruxda badan ee ay u casuumeen waxayna intaa ku dareen inay hadhimo sharafeedan ku barteen mas’uuliyiinta kabaneega mm deegaanka oo aysan hada ka hor fursadan isku helin inay isugu yimaadeen.  


Tababar Ku Saabsan Tayada Waxbarashada Dugsiyada deegaanka Oo Ka furmay Jigjiga.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews), khamiis, 16ka November, 2017. Waxaa ka furmay magaalada jigjiga gaar ahaan madasha  shirarka ee nogob huteel tababar uu soo diyaariyay xafiiska waxbarashada DDSI oo ku saabsan daraasaad ku salaysan tayada waxbarashada dugsiyada deegaanka kaasi oo loo qabtay maamulayaasha iyo macalimiinta dugsiyada 6da maamul magaalo iyo 12 degmo oo ka mid ah degmooyinka deegaanka.

Waxaana furitaankii tababarkan ka hadlay waiir ku xigeenka waxbarashada DDSI mudane Maxamuud Axmed Nuur oo si qoto dheer uga warbixiyay ahmiyada iyo ujeedooyinka tababarkan wuxuuna sheegay in uu yahay hirgalinta wareegii 5aad ee tababarka noocan oo kale ah. kaasi oo ku salaysan  daraasaad kor loogu qaadayo tayada waxbarashada dugsiyada deegaanka. wasiir-kuxigeenka ayaa tilmaamay in si gaar ah diirada loogu saarayo maadooyinka xisaabta, fiisigiska, afsoomaliga iyo cilmiga deegaanka wuxuuna wasiir ku xigeenku ku booriyay xubnahan tababarka loo furay in ay mudada uu socdo tababarku ka faa’iidaystaan cashirada lagu bixinayo si looga midho dhaliyo ujeedada tababarka.

Tababakran ayaa socon doona muddo 5 maalmood ah waxaana cashiradiisa bixinaya khabiiro ka socda xafiiska waxbarashada DDSI. 

Kulan Tababar Iyo Wada-tashi Isugujira Oo Ku’aadan Nidaamka Maamulka Maaliyadeed Oo kaqabsoomay Jigjiga

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Khamiis, 16ka November 2017. Kulan ujeedadiisu tahay kor uqaadista nidaamka maamulka maaliyadeed iyo waliba sidii looga wada tashan lahaa ilaalinta iyo kudhaqanka shuruucda iyo maamulka maaliyadaha islamarkaana uu soo agaasimay xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI ayaa si habsamileh uga qabsoomay hoolka shirarka ee Qaryaan Dhoodaan.

Kulankan isugujira tababarka iyo wada tashiga nidaamka maaulka maaliyadeed  ayaa waxaa kasooqaybgalay gudoomiyeyaasha Gobolada, madax xafiiseedyada degmooyinka iyo maamul magaaloyinka iyo waliba kaashyeeradooda.

Hadaba, kulankan ayaa waxaa furitaankiisii ugu horayn kahadlay Wasiirka Xafiiska Maaliyada Iyo Horumarinta Dhaqaalaha DDSI mudane Axmed Cabdi Maxamed oo sheegay in kolankani yahay mid isugu jira tababar iyo wada tashi kaasoo kusaabsan kor uqaadida nidaamka maamulka maaliyadeed ee degmooyinka iyo maamul magaalooyinka deeganka islamarkaana diirada lagu saarayo barnaamijka Public Financial Management(PFM), Barnaamijka Kusalaysan Natiijada ee loo yaqano ‘’Program For Result (P4R)’’ iyo waliba Barnaamijka Kor U Qaadida Adeegyad Aas-aasiga ah ee (PBS).

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in sidookale kulankan lagaga wada tashanayo dhanka shuruucda maaliyadeed iyo waliba nidaamka maamul ee maaliyadaha degmooyinka iyo maamul magaalooyinkeena.

Iskusoowada duuboo, kulankan ayaa waxaa laga filayaa in natiijo waxkuool ah ay kasoobaxdo kadib markii kasooqaybgalyaashu ay kulaabtaan goobahoodi shaqo. 

Training and Consultation Workshop towards Financial Administration System Started at Jigjiga

$
0
0

Jigjiga (cakaaranews).Thursday, November 16th, 2017. The bureau of finance and economic development organized training and consultation workshop towards increasing financial administration system. This workshop was aimed to improve financial administration system and effectuation of related rules and regulations. The meeting was held on at Qaryan Dhodan conference hall where woredas finance & economic development heads, zonal and woredas administrators participated.

Hence, at the launching of the workshop, ESRS finance and economic development bureau head Mr. Ahmed Abdi Mohamed said to the participants that this workshop session is about improving financial administration system including public financial management (PFM), program for result and also public based services improvement (PBS) in the region, he added that this meeting will be discussed and consulted with the performers at zonal & woredas level.

Therefore, at the end of this meeting an effective result and implementation is expected from the participants after they return back to their workplaces.

የፋይናንስ አስተዳደር ስርዓትን የሚዘረጋበት ስልጠናና ምክክር መድረክ በጅጅጋ ተጀምሯል

$
0
0

ጅግጅጋ(Cakaaranews)ኅዳር 7/ 2010ዓ.ም.የኢ.ሶ.ክ.መ. የገንዘብና ኢኮኖሚ ልማት ቢሮ የሂሳብ አያያዝ ስርዓት ለማስፋፋትና ለማማከር በፋይናንስ አስተዳደር ስርዓት ዙሪያአሰራርን የሚያሳለጥ ስልጠና አዘጋጅቷል

 

 ይህ የአቅም ግንባታ ስልጠና የተዘጋጀው የክልሉ የፋይናንስ አስተዳደር ሥርዓት፤ተዛማጅ ደንቦችና መመሪያዎችን የተሻለ ክህሎት ለመፍጠር ሲሆን በመድረኩ ላይም  የዞኖችና ወረዳዎች ፋይናንስ እና ኢኮኖሚ ልማት ጽ/ቤት ኃላፊዎችእና የወረዳ አስተዳዳሪዎችም በቀርያ ዶዳን መሰብሰቢያ አዳራሽ ተሳትፏል።

በተጨማሪም የኢ.ሶ.ክ.መ. የፋይናንስ እና ኢኮኖሚ ልማት ቢሮ ሃላፊ አቶ አህመድ አብዲ መሀመድ በበኩላቸው የስልጠናው አላማ የፋይናንስ አስተዳደር ስርዓት ማሻሻያ
((PFM)እና ህዝብ መሰረት የፋይናንስ አገልግሎት ፕሮግራምን(PBS) በክልሉ እና በወረዳ ደረጃ ከሚገኙ አካላትጋር ውይይት ለማድረግ ነው ብሏል።


በመጨረሻም ሰልጣኞቹ  ወደ
ሥራ ቦታዎቻቸው ከተመለሱ በኋላ ከዚህ ስልጠና የቀሰሙት ልምድን በውጤታማ መልኩ ትግባራዊ እንደሚያደርጉ ይጠበቃል ብሏል ሃላፊው። 

Kulan Loogu Diyaargaroobayo Tirikoobka 2010TI Ee Ayaa Ka Qabsoomay Magaalada Jigjiga

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Jumce 17ka November 2017. Kulan balaadhan oo ay kasoo qaybgaleen maamulada gobolada, iyo degmooyinka deegaanka oo ay ujeedadiisu ahayd udiyaar garawga tirikoobka 2010 TI islamarkaana bilaami doona bisha yeketiit ee sanadan 2010 TI ayaa ka qabsoomay madasha shirarka ee qaryaan dhoodaan.

Hadaba kulankan ayaa waxaa furitaankiisii ka hadlay madaxwayne kuxigeenka DDSI ahna wasiirka xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah marwo Sucaad Axmed Faarax oo sheegtay inuu kulan ujeedadiisu yahay sidaynu oogu diyaargaroobi lahayn tirikoobka 2010 TI oo xiligii la samayn lahaa deegaanku ku dhufatay abaar ba’an islamarkaana aysan bulshadu ku sugnayn goobahoodii. waxaynu madaxwayne kuxigeenku intaa ku dartay in shaqaalaha samayn doona tirikoobka lagasoo kala xulidoona xafiisyada horumarinta sida xafiiska waxbarashada oo lagasoo xuli doono 50% xirfadlayaasha shaqaalaha xafiiska horumarinta beeraha oo 25% ah iyo shaqaalaha xafiiska caafimaadka oo kaga qayb qaadan doona 25%.

Dhanka kale waxaa isana dhankiisa ka hadalay mas’uulka komishanka tirikoobka dalka laantiisa jigjiga mudane  Nuguse Shimelis oo faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay nidaamka uu udhici doono tirikoobka isagoo sheegay inay hada loo baahan yahay oo kali ah sooxulidii xubnaha samayn lahaa tirikoobkan.

Sidoo kale maamuladan ayaa loosoo jeediyay tababar fariin ah oo uu soo diyaariyay xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah laantiisa damaanaqadka cuntada iyada oo uu ku saabsanaa sidii fahan buuxa looga siinlahaa barnaamijka shabakada badbaadada cuntada wajigiisa 4aad waxaana  kawarbixiyay agaasinka damaanaqaadka cuntada ee xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah mudane Lubi Axmed Kaariye oo sheegay in maamulka degmooyinka looga baahanyahay inay ilaaliyaan nidaamka lacag bixinta loo siiyo kafaaiidaystayasha barnaamijka PSNP oo ka hawlgala 46 degmo oo deegaanka ah islamarkaana wakhtigoodii lagu siiyo  iyo waliba nidaamka raashinka loo siiyo kafaaiidaystayaasha . wuxuuna intaa kudaray in sidoo kale la ilaaliyo qaabka loosoo xulayo bulshada kafaaiidaystayaasha ah.

dhanka kale waxaa isana ka hadlay iskuxidhaha barnaamijka PSNP ee xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah mudane axmednuur cabdi oo isana kawarbixiyay kulankan  maamulada ayaa kula dardaarmay in la xoojiyo qiimaynta iyo dabagalka shaqooyinka  ku dhamaan goobaha uu ka hawlgalo  barnaamijku si uu uhirgalo qorshaha barnaamijka bulshada uga faaiidaystaan.

Viewing all 304849 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>