Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all 304849 articles
Browse latest View live

MW CMC Oo Kusoo laabtay Xarunta DDSI Ee magaalada Jiggjiga

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews)Talaado 28ka November 2017. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa dib ugu soo laabtay xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga, kadib markay u soo dhamaadeen Shirarkii wada tashiga ahaa ee lagaga hadlayay xaalada guud ee  xuduudaha  dalku la leeyahay  wadamada dariska ah iyo kuwa gudihiisa ahba taasoo madaxwaynuhu ugu maqnaa xarunta dalka ee addisababa. iyadoo wakhti xaadirkana uu ku sugan yahay xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga.


Jawaab-celin kusocota Wasiirka Wasaarada Xidhiidhka Arimaha Dawlada Ee JDFI mudane Negeri Lencho Iyo Dacwo

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Talaado 28ka November 2017. Negeri Lencho waxaad tahay wasiir federal ah oo matalaya dhamaan qoomiyadaha dalka oo dhan islamarkaana barlamaanka federalka ah kahor dhaartay inaad shacabka ugu shaqayn doonto si been iyo cadiifad kamadaxbanaan tahay balse markaan xaqiiqda u nimaadno warbixinada aad soosaarto ee kahadla iskudhaca labada deegaan ee soomaalida iyo oromada waa mid xaqiiqda kafog, waana mid kusalaysan cadiifad shaqsiyadeed oo aan kaduulaynin daraasaad dhab ah oo xaalada katurjumaysa. Wararka qaarna aad ku arkayso waxaan jirin oo aad sheegayso iyo waxjira oo aad qarinayso. Tusaale ahaan: warbixintii ugu danbaysay ee aad soosaartay waxaad qarisay in booliska soomaalidu uu qaar kamid ah dadkii layidhi waa danbiile inuu kuwareejiyay booliska federalka.

Sida cid kasta ay ogtahayna magaalada awaday waa oromiya dhexdeeda meel  xuduud ahna kuma taalo waxaana lagu xasuuqay dad Soomaali ah oo mudo dheer daganaa balse waxaad ku tilmaantay meel iskudhac uu kadhacay taasoo xaqiiqada kafog waxaad uga jeedana aan la fahmin. Marka waxaan kuleenahay hadaanahay shacabka DDSI, shacabka oromada iyo shacabka soomaaliduba waa dadkaagii. Mararka qaarkood ee aad wax  tixraacayso hadaladaada waxaa kamuuqday qaab-dhismeed lagu wareerayo. Ugu danbayna hadalada aad kuhadlayso waa inay noqdaan mid nabadgalyo iyo xasilooni keenaysa iskuna soo jiidaysa shacabka walaalaha ah. Sidoo kale, warbixintaada waxaa kujiray inuu Baale dagaal kadhacay taasoo muujinaysa inaysan xogtaadu ahayn mid xaqiiqda kusalaysan.

Ugu danbayn shacabka dawlada deegaanka soomaalida itoobiya inuu yahay shacab itoobiyaanimadiisa kufaanaya islamarkaana yahay mid kafaaiidaysanaya xuquuqaha dastuuriga ah ee uu leeyahay itoobiyaanimadana naf iyo maalba usoo huray oo uu cadaw kasta oo federalismka iyo dastuurkeena lagu hantay halgankii naf iyo maalba loo soo huray uu kadifaaci balan buu kuqaaday.

                                                       

                                                                                       Bye shacabwaynaha DDSI    

የኢትዮጵያ ሶማሊ ክልል መንግስት ፕሬዝዳንት ክቡር አቶ አብዲ መሀሙድ ወደ ክልሉ መዲና የሆነችው ጅግጅጋ ከተማ ተመልሷል

$
0
0

ጅግጅጋ(Cakaaranews)ማክሰኞ ህዳር 19 ቀን፤2010ዓ.ም.የኢ.ሶ.ክ.መ. ፕሬዝዳንት ክቡር አቶ አብዲ መሀሙድ ኡመር ባሳለፍናቸው ቀናት በሀገሪችን ርዕሰ-መዲና በአዲስ አበባ በጎረቤት አገራት ድንበር አከባቢዎችና በክልሎች ወሰን አስተዳደር ጉዳዮች ዙሪያ ሲወያይበት የነበረውን ጉባኤ አጠናቅቆ   ወደ ክልሉ ርዕሰ መዲና ተመልሷል።ፕሬዝዳንቱ በአሁኑ ወቅትም በጅግጅጋ ከተማ ይገኛሉ።

ለኢ.ፈ.ዴ.ሪ የመንግስት ኮሙነኬሽን ጉዳዮች ጽ/ቤት ኃላፊ ሚንስተር ነገሪ ሌንጮ የተሰጠው ግብረ-መልስና ኪስ

$
0
0

ጅግጅጋ(Cakaaranews)ማክሰኞ፤ህዳር 19 ቀን 2010ዓ.ም. ነገሪሌንጮየሃገሪቱንብሄር ብሄረሰቦችንና ህዝቦችንበሙሉየምትወክልየፌዴራልሚኒስትርሲትሆን እንዲሁም በኢ.ፈ.ዴ.ሪ የህዝብ ተወካዮች ም/ቤት ፊት ለፊት የተሰጠህን ሰልጠንና ሃላፊነት ከሀሰተኝነትና ከሲሜታዊነት ገለልተኛ በሆነ መንገድ እንደሚትሰራ ለህዝቡ ቃለ-መሀላ ፈፅመሃልነገርግን ወደ እውነታ ስንመጣ በሁለቱ ክልሎች በኢትዮጵያ ሶማሌ ክልልና በኦሮሚያመካከልበተፈጠረውግጭትየምታወጣቸው ሪፖርቶች ከእውነት የራቁ፣ ግላዊ ሲሜቶችህን የሚታንፀባረቁና  ተጨባጭጥናቶችመሰረትያለደረጉናቸው፡፡ በአንዳንድ ዘገባዎች ደግሞ የሚታየው የሌለዉን ነገርስታቀርቡእና ያለዉን ነገር ሲትደብቁ፡፡ ለምሳሌ ያህል በመጨረሻው ያወጣሀው ሪፖርት የኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል ፖሊስ የተወሰኑት ወንጀለኞች ናቸው የተባሉትን ሰዎች ለፌደራልፖሊስ መስጠቱንደብቀሃል፡፡

እንደሚታወቀው  አወዳይ ከተማ በኦሮሚያ ክልል ትገኛለች፤ በአዋሰኝ አከባቢም አትገኝም ለረጅም አመታት የኖሩት ሶማሌ ህዝብም ተጨፍጭፏበታል። ነገር ግን አንተ ግጭት እንደተፈጠረበት አከባቢ መሆኗን ነው የገለጽከው፣ ይህ ደግሞ ፍጹም ከእውነት የራቀና አላማኪን የማይረዳ ነው። ስለዚህ እኛ የኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል ህዝብ የኦሮሚያ ህዝብና የኢትዮጵያ ሶማሌ ህዝብም የአንተው ህዝቦችህ ናቸው እንልሃለን። አንዳንዴ ዋቢ በሚታደርግበት ግዜያት ከንግግሮችህ የሚታዩት መዋቅራዊ ውዝግብ ያላቸው ናቸው።በተያያዜም የሚትናገረው ንግግሮች ሰላምና ጸጥታ የሚያመጡና ወንድማማች ህዝቦችን የሚያቀራረቡ መሆን አለባቸው። በተመሳሳይም ያቀረብከው ሪፖርት በባሌ ግጭት እንደተፈጠረ አካተሃል፤ይህ ደግሞ የአንተ መረጃ እውነትን መሰረት ያደረጉ ኣለመሆናቸውን ያሳያል።

በመጨረሻም የኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል መንግስት ህዝብ በአትዮጵያዊነታቸው የሚኮሩ ህዝብ መሆኑና ለህይወታቸውና ሀብታቸውን ለከፈሉት  ህገ-መንግስታዊ መብቶቻቸው እየተጠቀመ ያለው ህዝብ እንደሆኑና እንድሁም ለህይወት መስዋትነትና ሀብት በመክፈል ለተገኘው ህገ-መንግስታችንና ለፈዴራለዝም ሥርዓታችን ለመደፍረስ የሚመኮሩ ማንኛውም ጠላትን እንደሚከላከሉ ቃል የገባ ህዝብ ናቸው።

                                                                                                                                                                 ከመላው የኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል መንግስት ህዝብ!   

 

Xafiiska Caafimaadka DDSI Oo Tababar U Furay Shaqaalihii Dhawaan Lagu Shaqaaleeyay Nidaamka Bakhtiyaa Nasiibka ah.

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews) Talaado 28ka November 2017. Dhawaan ayay ahayd markii ay xukuumada DDSI 4kun oo arday ah oo ka soo qalinjabisay jaamacadaha dalka iyo kuliyadaha deegaanka ku shaqaalaysiisay nidaamka gacantaada isku meelee oo ah in ardaygu si bakhtiyaa nasiib ah gacantooda ugu qaataan warqad ay ku qorontahay booska shaqada iyo goobta shaqadiisu noqonayso.

Haddaba, ardaydaasi waxaa ka mid ahaa 1000 arday oo gacantooda isugu shaqaalaysiiyay sectarka caafimaadka ee degmooyinka deegaanka waxaana maanta tababar u furay xafiiska caafimaadka DDSI tababarkaasi ayaa waxay ujeedadiisu tahay sidii shaqaalahan cusub kor loogu qaadilahaa garoodkooda aqooneed ee dhinaca istaraatajiyadaha iyo siyaasadaha caafimaada gaar ahaan nidaamka adeega bixinta caafimaadka. Waxaana, furitaankii tababarkaasi ugu horayntii ka hadlay wasiirka caafimaadka DDSI mudane xasan ismaaciil cali oo sharax dheerka ka bixiyay jihooyinka iyo istaraatajiyadaha ku salaysan adeegyada caafimaadka, sidii looga midho dhalin lahaa iyo dadaalka xoogan ee ay xukuumada DDSI ugu jirto taaba galinta adeegyada caafimaadka wasiirka ayaa shaqaalahan cusub tilmaan dheer ka siiyay doorka ay ku leeyihiin taaba galinta adeegyada caafimaadka islamarkaana ay yihiin cudud shaqaalo oo xawaare galinaysa xaqiijinta tayada adeegyada caafimaadka la gaadhsiiyano bulshada deegaanka

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata  ayaa ku booriyay shaqaalahan cusub ee xirfadlayaasha caafimaadka ee nidaamka bakhtiyaanasiibka ah gacantooda isugu meeleeyay degmooyinka deegaanka in ay ka soo midho dhaliyaan xilka iyo waajibaadka loo igmaday islamarkaana ay bulshada deegaanka gaadhsiiyaan adeeg bixin caafimaad tayaleh oo ku sifaysan naxariis, qadarin, anshaxa wanaag, cad-cadaan iyo xilkasnimo.

 

Iskusoowada duuboo, Tababarkan maanta loo furay shaqaalaha cusub ee dhinaca caafimaadka ayaa waxa uu socondoonaa muddo laba maal-mood ah waxaana cashiro ku tacaluqa siyaasadaha caafimaadka ka bixinaya khabiiro ka socda xafiiska caafimaadka DDSI.

MW CMC Oo Soo Dhaweeyay Wafti Balaadhan Oo Uu Horkacayo Safiirka Wadanka Neither-land u Fadhiya Dalkeenan Ethiopia

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Arbaco, 29ka November 2017. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ay waheliyaan masuuliyiin heer deegaan ah ayaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Garaad WiilWaal kusoo dhaweeyay Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo safiirka wadanka Neitherland ufadhiya xarunta dalkeenan Ethiopia ee magaalada Adhisababa Ambassador Ben-tivan lousderk oo ay waheliso xoghaya guud ee laanqayrta cas ee Ethiopia marwo Ferehiwot Warqu iyo masuuiyiin kale..

Soo dhawayn kadibna, Waftigan oo ay waheliyaan masuuliyiin heerdeegaan ah ayaa xadhiga kasoo kajaray biyo-xidheenka laga hirgaliyay tuulada Harre oo caasimada deegaanka ujirta 35 km, dhismaheedana ay fulisay Hay’ada Laanqayrta Cas ee Ethiopia taasoo kaashanaysa xafiiska Horumarinta khayraadka Biyaha DDSI islamarkaana ay maalgalisay hay’ada Laanqayrta Cas ee wadanka Neither land.

Hadaba, xadhig kajarka kadib ayaa waxaa warbaahinta lahadlay safiirka xarunta dalka Ethiopia  ee magaalada adhisababa u fadhiya dalkaasi Neither land mudane Ben-tivan lousderk oo sheegay in dawlada neither land iyo dawlada Ethiopia uu kadhaxeeyo xidhiidh adag oo dhinacyo badan ah islamarkaana mashaariicaha biyuhu ay yihiin arrimo muhiim ah oo ay ubaahan yihiin bulshada kudhaqan deegaanka soomaalida Ethiopia. Wuxuuna u mahadceliyay sida fiican ee ay dhismaha mashruuca  bulshadu ugala qayb-qaadatay hay’adaha iska kaashaday fulinta mashruucan.

Sidookale, xoghayaha guud ee laanqayrta cas ee dalka Ethiopia marwo ferehiwot warqu oo iyadna ka hadashay xadhig kajarka biyo xidheenkan ayaa sheegtay in kadib markii isbadalka cimiladu ay keentay abaaro kadibna ay saamaysay dadka iyo duunyadaba ay doorteen samaynta biyo xidheenkan. Iyagoo kaashanaya xafiiska Hor- Khay- biyaha DDSI, islamarkaana maalgalinta kahelay hay’ada Laanqayrta Cass ee wadanka Neither land.  

Dhankakale, wasiir kuxigeenka xafiiska kahortaga iyo u diyaargarawga masiibooyinka DDSI mudane Anwar Cali oo isna kahadlay biyo xidheenkan ayaa sheegay in dhaamkani waxwayn katari doono baahiyaha bulshada xoolo dhaqatada ah ee dhanka biyaha kuwaasoo kudhaqan tuulada Harre. Wuxuuna xusay in uu aad ugu mahadcelinayo hay’adahan  iska kaashaday iyo waliba xafiiska biyaha DDSI.

Iskusoowada duuboo, biyo xidheenkan ayaa ah mid ay kafaa’iidaynsanayaan bulsho dhan 1380 qoys iyo waliba xoolo tiradoodu kabadan tahay 37000 oo neef, waxaana kubaxay lacag dhan 13.5 milion birr.

 

 

Kulan lagu Soo Bandhigayay Qorshaha Sanadka 2010 Ee Loogu Talagalay Deegaanada Taageerada Gaarka Aha La Siiyo Oo Ka Furmay Jigjiga.

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Arbaco 29ka November 2017. Waxaa ka furmay maanta madasha shirarka kaali2 ee xarunta madaxtooyada DDSI kulan balaadhan oo lagu soo bandhigayay qorshaya sanadka 2010TI ee wasaarada arimaha faderaalka iyo horumarinta bulshada xoolo dhaqatada JDFI ugu talagashay deegaanka soomalida itoobiya islamarkaana dib loogu eegayay fulinta qorshihii 2009TI. Waxaana furitaankii kulankan ka soo qaybgalay masuuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo uu ugu horeeyay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, masuuliyiin ka socday heer faderaal oo ay ka mid yihiin wasiirka wasaarada arrimaha faderaalka iyo horumarinta xoolo dhaqatada ah ee JDFI mduane kabadhe Jaane, iyo safiirka dalkeena itoobiya u fadhiya dalka maraykanka mudane kaase Tekle Burhaan.

Waxaana ugu horayntii ka hadlay kulankan madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo sheegay in ujeedada kulankani tahay soo bandhiga qorshaha ay wasaarada arimaha faderaalka iyo horumarinta bulshada xoolo dhaqatada JDFI ugu talagashay deegaanka somalida itoobiya islamarkaana layskula eegilahaa jihooyinka iyo istaraatajiyadaha uu qorshahani diirada saarayo madaxwaynaha ayaa ka warbixiyay waxqabadka iyo guulaha muga wayn deegaanka soomalida itoobiya ka soo hooyay taabagalinta qorshihii sanadkii hore ee 2009TI.iyo taageerada balaadhan ee ay wasaarada arimaha faderaalka iyo horumarinta bulshada xoolo dhaqatada ah u fudiso deegaanka

Wasiirka wasaarada arimaha faderaalka iyo horumarinta xoolo dhaqatada JDFI mudane kabadhe jaane oo ka hadlay kulanka ayaa si guud uga warbixiyay ahmiya iyo ujeedooyinka kulankan taasi oo ay muhiimadiisu tahay mid lagu eegno sanadkan 2010 qorshayaasha udajisan wasaarada arrimaha fadaraalka iyo horumarinta bulshada xooladhaqatada ee ay ku taageerayso degaanada tageerada gaarka ah lasiiyo iyo warbixintii waxqabadkii 2009 waxyaabihii ku dayashada mudnaa dhinicii adkaa iyo dhankii jilicda sanaa iyada oo halbeegna laga dhigano waxyaabaha loobahan yahay in aan sanadkan 2010 muhiimada saarno oo aan ku dadaalno in aan isla eegno. Wasiirka ayaa sheegay in ahayd in xili hore la qobto kulankan balse uu dib u dhac ku yimiday madama rubicii kobaad dhamaday oo rubicii 2aad bilaabmay waxaanan ku eegaynaa ayuu yidhi wasiirku ilaa laga soo bilaabo diyaar garowgii qorshaha macal qiimayntiinii warbixinta rubucan Wasiirka ayaa sheegay in wasaarada arimaha faderaalka iyo horumarinta bulshada xoolo dhaqatada JDFI xooga saarayso sidii bulshada looga faa'iidayn lahaa hawlaha horumarka waara ee dib udajinti gaar ahaan qorshaha dib u dajinta cusub.

Sidoo kale waxaa isana si qoto dheer ugu hadlay kulankan safiirka dalkeena itoobiya ufadhiya wadanka maraykanka mudane Kaase Tekle Burhan  oo sheegay in  deegaanka soomaalida itoobiya uu yahay,mid si xawli ah  usoo kobcaya,hadii laqoro ama aan kasheekayno taariikhda deegaanka soomaalida halkay kasoo bilaabatay iyo halka uu maanta marayo deegaanku aad ayey ubalaadhan. Wuxuun intaa kudaray in Xiliyadii hore deegaankani  ahaa mid isagu isku kooban, lakiin hada deegaanku wuxuu door muhiim ah kaqaadanayaa horumarka guud ee dalkeena waana in codka deegaankan dhagaha lasiiyo. Sidookale waxaa deegaanka laga wadaa hawlo muhiim ah Oo wax looga qabanayo xaalada nabadgalyada,horumarinta aas-aasiga ah iyo xadka wadamada aan jaarka nahay.horumarka deegaanka oo muddo gaaban kuyimid ayaa hadana waxaa garab socda caqabado farabadan oo ay kamid yihiin saboolnimada iyo dib udhaca oo ubaahan dadaal badan in lagaliyo. sida aan anigu aaminsahay DDSI waa deegaan kaqayb qaadanaya hawlaha Dhisida nidaamyada dimuqraadiyadeed,kuwa federaalisamka iyo kuwa dhisida midnimada umadaha itoobiya.iskayeel yeelna igama ahan ee waa arrimo aan si dhab u aaminsanahay in deegaanku uu wado oo xaqiiqda kusalaysan. arrimaha aan soo sheegayna waxay salka kuhayaan hogaaminta maamulka suuban ee deegaanka kahanaqaaday. Safiirka oo hadalkiisii sii wata ayaa xusay in deegaankan masuuliyiin kaladuwan ay soo mareen mid walbana meel buu kujoogsaday lakiin hogaaminta maanta deegaanka ka arrimisaa waa kuwo usoo samray dhibaatooyinkii ba'naa.waxaana la idiinka baahanyahay inaad horay usocotaan,islamarkaana aad udul qaadataan carqaladaha kaladuwan ee idinkahor imanaya. marka maanta labo ujeedo ayaan idiinku imid mida 1aad waa inaan iskiin baro islamarkaana iskukiin xidho mudane kebedhe jaane mida 2aadna waa inaan idin macasalaameeyo oo an jaaw idin dhaho.jaaliyada soomaalida itoobiya ee wadanka aan shaqada utagayo joogana shaqo wanaag ayaan kadhex abuuri doonaa,hada kahorna hormarka wadanka door libaax bay jaaliyadu kasoo qaateen sida taageerada mashruuca dibucurashada itoobiya. waxaana aaminsanahay inay ila garab jooogsan doonaan hawlaha dhisida muuqaalka wanaagsan ee dalkeena.

Ugu dambayntii waxaa la soo jeediyay warbixinta waxqabadka taageerada wasaarada arimaha faderaalka iyo horumarinta bulshada xoolo dhaqatada JDFI ay siiso deegaanada ay taageerada gaarka ah siiso warbixintaasi oo ahayd mid aad u dheer oo dhinacyo badan taabanaysa ayaa waxay ku sar-gonayd guulaha laga gaadhay horumarinta bulshada xoolo dhaqatada ah gaar ahaan dhinaca dib u dajinta buslhada xoolo dhaqatada ah taasi oo ay qorshaysayd sanadkii hore in ay wasaaradu dajiso qaysas dhan 6917 islamarkaana lagu guulaystay in la dajiyey 6825 sidoo kale waxay warbixintu sheegaysay in ay wasaarada u qorshaynayd in ay dadka ka guuray xarumaha dib udajinta ku sooceliyo bulsho gaadhaysa 1774 qoys laguna guulaystay in lagu soo celiyo 1774 qoys.Waxaana xusid mudan oo ay warbixintu sheegay in dhamaan qoysaskan ladajiyey loo dhamaystiray dhamaan hormarinta aas-aasiaga ah ee sida waxbarashada,caafimaadka,biyaha iyo arrimaha bulshadaba sidoo kalena shaqooyin wanagaagsan la qabtay tahay tayaynta nidaamyada xooladhaqatada casriga ah sida biyaha,calafka xoolaha,caafimaadka xoolaha iyo suuq gaynta xoolaha.

 



 

President Abdi Mohamoud Omar welcomed delegation lead by Netherland’s Ambassador of Ethiopia

$
0
0

Jigjiga (cakaaranews) Wednesday, 29th November 2017. At Garaad Wiilwaal International Airport, ESRS President H.E Abdi Mohamoud Omar accompanied with regional higher officials had welcomed higher delegation led by Netherland’s Ambassador Mr. Ben-tivan Lousderk with Ethiopian Red Cross general secretary Ms. Ferehiwot Warqu.

After welcoming occasion, the regional officials and the delegation were together launched the newly constructed water dam at Harre kebele near Jigjiga city which funded by Netherland’s Red Cross and constructed by Ethiopian Red Cross organization collaborating with ESRS Bureau of water resource development.

On the other hand, Netherlands’ Ambassador told to the media that Netherland have good and long relation which based on mutual interest with Ethiopia government. He added construction of water projects have significant results regarding responding community needs. Again he acknowledged the role of the community for the participation of the construction of this project.

Speaking on the occasion, Ethiopian Red Cross general secretary Ms. Ferehiwot Warqu said “Due to the droughts resulted from climate change, had affected people and also livestock; accordingly we have suggested to construct this water dam by collaborating with ESRS Bureau of water resource development”.

Eventually, disaster preparedness and prevention bureau deputy head Mr. Anwar Ali said that this water dam will have importance for decreasing water need of the pastoral community live in Harre Kebele. He also thanked to the organizations which collaborated for the construction of this water project. However, this water dam will be benefited to more than 1,380 households and 37,000 livestock. And construction of this water dam was expended Birr 13.5 Million.

 


የ2010 ባጀት አመት በልዩ ድጋፍ የሚሹ ክልሎች እቅድ አፈጻጸም የሚገመገምበት የጋራ ምክክር መድረክ በጅግጅጋ ከተማ ተካሄዷል

$
0
0

ጅግጅጋ(Cakaaranews)ሀሙስ ህዳር 22/2010.የኢ.ፈ.ዴ.ሪ.የፈዴራለና አርቢቶአደር ልማት ጉዳዮች ሚንስተር የልዩ ድጋፍ የሚሹ ክልሎች የ2009ዓ.ም.እቅድ አፈጻጸም ሪፖርት የሚግመግመበትና የ2010እቅድ  የሚመከርበት መድረክ በጅግጅጋ ከተማ በካሊ2 አደራሽ ተካሄዷል።በመድረኩ ላይም የፈዴራልና አርቢቶደሮች ልማት ጉዳዮች ሚንስተሪ ሚንስተር አቶ ከበደ ጫነ፤በአሜሪካ የኢትዮጵያ ባለሙስልጣን አምባሳደር ካሳ ተክለብርሃን፤የሚንተር መ/ቤቱ ሚንስተር ዴታና ሌሎች የሥራ ሃላፊዎችና የክልሉ መንግስት ከፍተኛ የሥራ ሃላፊዎች የክልሉ ፕሬዝዳንት አቶ አብዲ መሀሙድን  ጨምሮ ተገኝቷል።

በመድረኩ መክፈችያ ላይ ንግግር የደረጉት የክልሉ ፕዳንት ክቡር አቶ አብዲ መሀሙድ ኡመር ክልሉ በ2009ዓመት ያከናወናቸው ሰፊ  የልማት ሥራዎች በማቅረብና የፈዴራልና አርቢቶደሮች ልማት ጉዳዮች ሚንስተሪ ለክልሉ አርቢቶአደር ማህበሰብ ላደረጉት ልዩ ድጋፍ የላቀ ምስጋና በማቅረብ፤የመድረኩ ዋና አላማ የ2009 እቅድ አፈጻጸም ሪፖርት ደካማና ጠንካራ ጎኖችን ለመገምገምና የ2010ባጄት አመት እቅድ፤ስተራቴጅዎችና አቅጣጫዎችን በጋራ ለመመካከር እንደሆነ ተናግሯል ፕሬዝዳንቱ።

በሌላ በኩል የፈዴራልና አርቢአደር ልማት ጉዳዮች ሚንስተሪ ሚንስተር አቶ ከበደ ጫነ በበኩሉ የመድረኩ አስፈላጊነት በ2009ዓ.ም.ክልሉ መንግስትና ሚንስተር መስሪያቤቱ በክልሉ በጋራ ያከናወኑት የአርቢቶአደር ለማት ሥራዎች በጋራ በመግምገም ክፍተቶችን፤ጠንካራ ጎኖችና ምርጥ ተመክሮችን ለመየትና የ2010 ባጀት አመት የልዩ እቅዶቻችን ለመጣጣምና አቅጣጫዎች ለማስቀመጥ ወሳኝ ነው ብሏል።ተጨማሪም መድረኩ በተለያዩ ምክንያቶች የዘገየ እንደሆነና የ2010 አንደኛ ሩቡ አመት የተከናወኑ ስራዎች በሪፖርቱ እንደተካተተና ሚንስተር መ/ቤቱና ክልሉ መንግስት በዘንዲሮ አመት በአርቢቶአደር ልማት እቅዱ በዋነኝነት በአዳዲስ የመንደር መሰባሰብ ስራዎችና በመስኖ እርሻዎች ዙሪያ ትኩረት እንደሚሰጡ ገልጿል ሚንስተሩ።

በተመሳሳይም በኢትዮጵያ የአሜሪካ አምባሳደር ካሳ ተክለ ብርሃን በበኩላቸው የኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል ፈጣን ልማት በርካታ ውጣ ውረዶች ያሳለፈና የመጸዋት የተከፈለበት እንደሆና የክልሉ ልማት ስራዎች ታሪክ ቢጻፍ የማያቁና ሰፊ እንደሆነም ተናግሯል።የክልሉ ዘርፈ ብዙ የልማት ስራዎቹ አበረታች መሆናቸውም ገልጿል አምባሳደር ከሳ።በመቀጠሊም ድሮ ክልሉ የራሱን ስራ ብቻ የሚትኮር ክልል እንደነበረና አሁን ግን የሀገሪቷ ዘርፈ ብዙ የልማት ስራዎች በሰፊው እየተሳተፈ ያለውና ድምጹን ጆሮ መስጠት ያለበት ክልል ነው ብሏል። በክልሉ በርካታ የጸጥታ የመስረተ ልማት፤የጎረቤት አጋራት ድንበር ጥበቃ ስራዎች እየሰራ ያለው ክልል መሆኑንም ጠቅሷል አምባሳደሩ።በአጭር ጊዜ የተገኘው የክልሉ አመርቂ የልማት ስራዎች ጎንለጎን የሚሄዱት ደህነትና ኋላቀርነት እንቅፋቶች ለማጥፋትም በርካታ የአስተዳደር ጥረቶች እንደሚጠይቅና  ደግሞ ማስመሰል ሳይሆን ከልቤና የምር ያመንኩት ብሏል አምባሳደር ካሳ ተክለብሃን።ይህ ደግሞ በክልሉ እየተመራ ያለውና በመልካም አስተዳደር የተላበሱ አመራሮች የተገኙ መልካም ሥራዎች ናቸው ብሏል።በክልሉ ብዙ አመራሮች እየተለዋወጡና ሁሉም የክልሉ ልማት ስራዎች በስኬት ሳያጠናቀቁ በሆነ ቦታ ላይ ማስቆማቸው በመጠቀስ፤የአሁኑ የአመራር ግን በርካታ የልማት እንቅፋቶችና አስከፊ ችግሮችን ችላ ሳይሉ የቻሉና የታገሱ አመራር መሆናቸው አክሎ ለወደ ፊትም ጠንኪሮ መቀጠል እንዳለባቸውም አሳስቧል።ወደ ክልሉ የመጠሁበት ዋና ዋና አላማ አንደኛው አዲሱ ሚንስተር አቶ ከበደ ጫነ ለማስተዋወቅና ከክልሉ ባላድርሻ አካላት ጋር ለማስተሳሰር ሲሆን ሁለተኛው ወደ አዲሱ ስራያ ስለሚሄድ “ቻው” ብዬ ለመሄድ ነው። በአሜሪካ የሚገኙ የኢት-ሶማሌ ኮሙኒቲ በአገራችን ልማት ትልቅ ድጋፍ ያደረጉና በተላይም በህዳሴ ግድባችን ለሚደረጊለት ድጋፍ ከፍተኛ ሚና የተጫወቱ በመሆናቸውና ከኔ ጋርም የበለጠ እንደሚያጠናከሩ እምነት አለኝ ሲሉ ተናግሯል።

በመጨረሻም በክልሉ በ2009ዓ.ም. የከፊል አርቢቶ አደር አከባቢዎችና የመንደር ማሰባሰብ ስራዎች ሪፖርት በፈዴራልና አርቢቶአደር ልማት ሚንስተሪ ሚንተር ዴታ ቀርቧል።በዚህ ረገድ የፈዴራልና አርቢቶአደር ልማት ሚንስተር በ2009 በክልሉ 6917እማ/አባወራዎች በመንደር እንድሰባሰብ ተቅዶ 6825 እማ/አባወራዎች በመንደር እንድሰባሰብ ተችሏል፤በተመሳሳይም በላፎ አመት በተከሰተው ኢሊኖ ምክንያት ከመንደራቸው ያራቁ 1774 እማ/አባወራዎች ወደ መንደራቸው ለመመለስ ታቅዶ ሙሉ በሙሉ ተሳክቷል።እንድሁም በመንደር የተሰባሰቡ እማ/አባወራዎች ሁሉም የመስረተልማት ስራዎች እንደ የትምህርት አገልግሎት፤የጤና አገልግሎት፤የዉሃ አገልግሎትና የማህበራዊ ጉዳዮች እንደተሞላለትና እንድሁም ዘመናዊ የእንስሳት እርባታ፤ዘመናዊ የእንስሳት መኖ አመራረትና የመስኖ እርሻ ስራዎችም መከናወናቸውን በሪፖርቱ ተመልክቷል።

MW CMC Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wafti Balaadhan Oo Heer Caalamiya.

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Khamiis 30ka November 2017. waxaa maanta si meeqaam sare ah loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee garaad wiil-waal international Airport ee caasimada DDSI.wafti heer caalamiya oo ka kala socdo wadamada Australia iyo new Zealand kuwaasi oo isugu jiray maalgashadayaal heer caalamiya iyo maalgashadayaal qurba joogta u dhalatay deegaanka ah.

Waftigan oo ay garoonka ku soo dhaweeyeen mas’uuliyiin ay ka mid yihiin madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka Xafiiska horumarinta beeraha iyo  khayraadka dabiiciga ah marwo Sucaad Ahmed Faarax ayaa waxaa soo dhawayn ka dib xafiiskiisa ku qaabilay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ay wehelinayaan golaha kaabineega DDSI

Hadaba madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo kulankan furay ayaa ugu horayntii u mahad celiyay waftigan maalqabeenada heer caalamiya ee u socda in ay deegaanka maalgashadaan. Madaxwaynaha ayaa sharax dheer ka siiyay waftigan xaaladaha guud ee deegaanka iyo isbadaladii uu soo maray sidoo kale waxa uu madaxwaynaha DDSI ugu warbixiyay waftigan khayraadka guud ee uu deegaanka hodanka ku yahay iyo fursadaha maalgashi ee uu deegaanku leeyhaay madaxwaynaha ayaa u sheegay waftigan in ay xukuumada DDSI si diiran ugu soo dhawaynayaan deegaanka qofkasta oo maalgashi ka samaysanaya.

Ugu Danbayna waxay waftigan booqdeen jaamacada jigjiga oo uu warbixin kooban ku siiyay madaxwayne ku xigeenka jaamacada jigjiga mudane Ilyaas Cumar isaga oo uga warbixiyay geedi socdka jaamacada waaxaha ay ka kooban tahay culuunta ay bixiso iyo tirada ardayda wax kabarata jaamacada jigjiga. Meelaha kale ee ay booqdeen waftigani maanta waxaa ka mid ahaa cusbitaalka wayn ee jigjiga (meles referral hospital) waxayna u kuur galeen hanaanka shaqo ee cusbitaalka iyada oo ay warbixino ka siinayeen xaaladaha guud ee cisbitaalka mas’uuliyiinta iyo hawlwadeenada cusbitaalka.

 

Munaasabada Xuska Sanad-guurada 1492 aad Ee Kasoo Wareegtay Dhalashadii Rasuulkeena Nabi Muxamed N.N.K.H

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Khamiis, 30ka Novemebr 2017. Munaasabad ku’aadan xuska sanadguurada 1492aad ee kasoowareegtay dhalashadii Rasuulkeenii suubanaa ee Nabi Muxamed N.N.K.H islamarkaana ay kasooqaybgaleen Culimo Awdiinka, qaar kamid ah masuuliyiinta deegaanka masuuliyiinta MMJ iyo waliba bulshada qaybaheeda kaladuwan ee kudhaqan MMJ ayaa si heer sare ah uga qabsoontay xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga.

Munaasabadan lagu xusayay rasuulkeenii Nabi muxamed N.N.K.H ayaa waxaa ugu horayn kahadlay gudoomiye kuxigeenka Golaha Sare ee Arrimaha Islaamka DDSI Mudane Sheekh Muxumed Cumar Dhaqane oo si qoto dheer uga warbixiyay taariikhda macaan ee rasuulkeeni Nabi muxamed N.N.K.H . wuxuuna sheegay sheekhu in munaasabadani ay tahay mid lagu soo bandhigayo jacaylka baaxad leh ee aan u hayno Rasuulkeenii suubanaa ee Nabi muxamed N.N.K.H. waxuuna tilmamay in ay maanata tahay maalin lamuujinayo jacaylka nabigeena si uu ilaahay inoogu dhaweeyo islamarkaana maalinta qiyaamaha inoogu shafeeca qaado.

Dhankakale, maayorka MMJ Mudane Ibraahim Mahad Mubaarak oo isna munaasabadan kahadlay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay soo gaadhitaanka aan soogaadhnay sanadguurada 1492 aad ee kasoowareegatay dhalashadii nabi muxamed N.N.K.H. wuxuuna intaa kudaray in maanta ay tahay maalin mudan in la xuso islamarkaana labadiyo xuska nabigeena suuban N.N.K.H.

Munaasabadan ayaa intii ay socotay waxaa lagu soobandhigay muxaadaroooyin iyo qasiidooyin lagu amaanayo suubanaheenii Nabi Maxuxamed N.N.K.H Taasoo ay bulshadii kasooqaybgashay aad ugu riyaaqeen.

Sidookale, Magaalada goday ee xarunta gobolka shabeele ayaa iyana waxaa kadhcday munaasabad balaadhan oo lagu xusayay dhalashadii Nabi Muxamed N.N.K.H. Taasoo ay kasooqaybgaleen culimo-awdiinka maamulka iyo bulshada qaybaheeda kaladuwan ee kudhaqan magaalada Goday. Iyadoo munaasabadana lagu soo bandhigayay muxaadarooyin iyo qasiidooyin kahadlaya taariikhdii macaanayd ee Nabi Muxamed N.N.K.H.

 

Iskusoowada duuboo, Munaasabadan ayaa ah mid laxuso sanadwalba 12ka bisha rabiicul awal taaso lagu wayneeyo jacaylka Nabigeena N.N.K.H islamarkaana lagu soobandhigo taariikh nololeedkiisii Qiimaha Badnaa ee suubanaheena Nabi Muxamed N.N.K.H.

የኢ.ሶ.ክ.መ.ፕሬዝዳንት ክቡር አቶ አብዲ መሀሙድ የውጭ ባለሀብቶች ልዑካን ቡዱን በጽ/ቤቻው ተቀብሎ አነጋገሩ

$
0
0

ጅግጅጋ(Cakaaranews)ሀሙስ ህዳር 22/2010. የኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል መንግስት ከፍተኛ ባላስልጣናት  የአውስተረሊያ ባላሀብቶችና በኑዩዚላንድ የሚኖሩ የክልሉ ተወላጅ ዲያስፖራ አባላት ልዑካን ቡዱን  በጅግጅጋ የጋራድ ዊልዋል አለማቀፍ ኣየር ማርፊያ ደማቅ አቀባበል አደርጎላቿል

የክልሉ ም/ፕሬዝዳንትና የግብርናና ተፈጥሮ ሀብት ቢሮ ሃላፊ ወ/ሮ ሱኣድ አህመድን ጨምሮ የክልሉ ከፍተኛ ባላስልጣናት ልዑካን ቡዱኑ ደማቅ አቀባበል ካደረጉላቸው በኋላ  የክልሉ ፕሬዝዳንት ክቡር አቶ አብዲ መሀሙድ ኡመር ከክልሉ ካቢኔ አባላት ጋር በመሆን ልዑካን ቡዱኑ በጽ/ቤታቸው ተቀብሎ አነጋገሩ።

በውይይቱ መፍችያ ላይም የክልሉ ፕሬዝዳንት ክቡር አቶ አብዲ መሀሙድ  ክልሉን ኢንቬስት ለማድረግ የመጡ የውጭ ባላሀብቶች የላቀ ምስጋና በማቅረብ፤ክልሉ ለኢንቬስትመንት ምቹ መሆኑና  የክልሉ ጸጋ የተፈጥሮ ሀብትና የክልሉ አጠቃላይ ሆነታ የሚዳሰስ ሪፓርት አቀርቧል።በተጨማሪም በክልሉ የሚገኙ ኢቬስትመንት እድሎች መዋእለነዋያቸው የሚያፈሰሱ የወጭ ባላሀብቶች የክልሉ መንግስት አስፈላጊ ግብዓት ሁሉ እንደሚያሟላቸውና ክልሉ ለማንኛውም ባላሀብት ክፍት መሆኑን ፕሬዝዳንቱ ገልጿል።

በሌላ በኩል ልዑካን ቡዱኑ ጅግጅጋ ዩኒቬርሲቲ በጎበኙበት ወቅት የጅግጅጋ ዩኒቬርሲቲ የአዳሚና ምርምር ም/ፕሬዝዳንት ክቡር አቶ ኢልያስ ኡመር የዩኒቬርሲቲ የመማር ማስተማር ህደትና በዩኒቬርሲቲ ስለሚማሩ ተማሪዎች ብዛትና ዩኒቬርሲቲው አገልግሎት ከሚሰጡ ዲፓርትመንቶች የሚዳሰስ አጭር ርፖርት አቀርቧል።በተጨማሪም ልዑካን ቡዱኑ የጅግጅጋ መለስ ዜናዊ ሪፊራል ሆስፒታል በጎበኙበት ወቅትም ሆስፒታሉ ለህብረተሰቡ ስለሚሰጠው አገልግሎትና በሆስፒታሉ ስለሚገኙ ዘመናዊ መሳሪያዎች አጠቃቀም ዙሪያም የሆስፒታሉ የሥራ ሃላፊዎች አስፈላጊው መረጃ ሰጥቷል።

President Abdi Mohamoud Omar Received International Delegation in His Office

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Thursday  30th November 2017. Today, ESRS officials have warmly welcomed an international delegation at Garaad Wiil-Waal international airport of Jigjiga city. The delegation contained Ethio-Somali Diaspora and international investors who from Australia and New Zealand.

After welcoming, President H.E Abdi Mohamoud Omar received the delegation in his office. Firstly the president thanked the international delegation who’s aimed to invest the region. In addition to this the president deeply explained the general situation of the region, developmental changes encountered, natural resources bestowed, and also investment opportunities that exist in the region. Moreover, the president told to the delegation that the regional state is sincerely welcoming everyone who is ready to invest the region. 

Finally, the delegation accompanied with regional higher officials visited Jigjiga University. During their visitation, university’s vice president Mr. Ilyas Omar reported the overall progress of the university, such as academic faculties and number of university’s students. Furthermore, the delegation visited Jigjiga University, Meles referral Hospital. They observed service delivery process and performances of the hospital besides that they appreciated the progress work of the hospital           

 

 

Munaasabada xuska 30aad ee maalinka AIDS ka Aduunka oo Kadhacday magaalada Jigjiga

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews) Jumce, 1da December 2017. Munaasabad uu soo agaasimay xafiiska kahortaga iyo xakamaynta HIV–AIDS ka DDSI islamarkaana ku’aadan xuska 30aad ee maalinka AIDS ka aduunka oo sanad walba laxuso  1da bisha December ayaa si rasmi ah uga dhacday xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga.

Munaasabadan oo halkudhag looga dhigay ‘’Si Wada Jir Ah Aan Uga Wada Hortagno Cudurka HIV AIDS’’ ayaa waxaa diirada lagu saarayay wacyigalinta iyo waliba in dhamaan dadku ay iskood ah isag baadhan cudurka si ay u ogaadaan caafimaadkooda.

Hadaba, munaasabadan ayaa waxaa warbaahinta uga waramay Gadh-wadeenka Geedi-Socodka  kahortaga iyo xakamaynta cudurka AIDS Ka mudane Nadiir Maxamed Cabdi oosheegay in maanta ay tahay maalinka AIDS ka aduunka ee 1-December islamarkaana lagu xusayo dhiig baadhis laga samaynayo goobaha ay bulshadu isugu timaado. Iyadoo dadkuna si iskood ah oo  rabitaankooda ah ay iskubaadhayaan. Wuxuuna intaa kudaray agaasinku in munaasabadan laga xusayo caalamka, dalkeena iyo waliba deegaankeena. Wuxuuna kula dardaarmay dhamaan bulshada deeganka in ay iskaabaadhaan xarumaha iyo gaabaha caafiaamdka si ay u ogaadaan caafimaadkooda.

 

Iskusoo wada duuboo, cudurkan AIDS ka ayaa ah cudur dilaa ah islamarkaana aan dawo lahayn iyadoo cudurkana ay sababaan ama uu shaqsiga ugu iman karo xaalada badan oo kaladuwan oo ay ugu horayso galmada xaaranta ah.

X.D.SH.S.I Iyo Xukuumada Deegaanka Oo Go’aamiyay Fulinta Go’aankii Raisal-wasaaraha

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Sabti 2da December 2017. Golaha dhexe, gudiga fulinta ee XDSHSI iyo golaha kabineega ee dawlada deegaanka soomaalida oo ay weheliyaan odayaal dhaqameedka deegaanka ayaa soo dhaweeyay fulinta go’aankii kasoo baxay shirkii duhurnimadii maalintii isniinta kadhacay xafiiska raisal-wasaaraha ee magaalada addis ababa ee ahaa in dib goobahoodii loogu celiyo dadkii kasoo kala barakacay labada deegaan ee soomaalida iyo oromada.

Hadaba XDSHSI iyo xukuumada DDSI oo ay weheliyaan hogaaminta odayaal dhaqameedka deegaanka ayaa shir ay yeesheen waxay hoosta kaga xariiqeen inay dib-ucelinta barakacayaashu tahay qodob dastuuri ah oo uu dadka reer itoobiya usiman yahay meel kasta oo itoobiya kamid ah inuu kunoolaan karo islamarkaana ay soo dhawaynayaan go’aanka raisal-wasaaraha dalka mudane Hailemariam Desalegn  oo ay dawlada deegaanka soomaalida itoobiya ay iyadu nabadaynta ugu horaynayaan oo ay bilaabayaan dib-ucelinta dadkii soomaalida ahaa ee kasoo barakacay deegaanka oromada islamarkaana ay si buuxda damaanada nabadgalyadooda uqaadayaan dadkii oromada ahaa ee kabarakacay deegaanka soomaalida ee dib loogu soo celin doono goobihii ay deegaanka soomaalida kaga noolaayeen.

Ugudanbayn, waxay xisbiga, xukuumada iyo shacabwaynaha deegaankuba ay ugu baaqayaan dadkii oromada ahaa ee kabarakacay deegaanka soomaalida gaar ahaan dadkii ganacsatada ahaa inay dib ugu soo laabtaan goobahoodii.Iyadoo uu shacabka soomaalidu uu si diiran oo walaalnimo leh ugusoo dhawayndoono.


የኢ.ሶ. ህ.ዴ.ፓ ከፍተኛ አመራርና የክልሉ ካቢኔ አባላት የተፈናቃዮች መልሶ ማቋቋም ውሰነ አሳልፏል

$
0
0

ጅግጅጋ(Cakaaranews)ቅደሜ፤ህዳር 23 ቀን 2010.የኢትዮጵያ ሶማሊ ህዝብ ዴሞክራሲ ፓርቲ ከፍተኛ አመራሩና የክልሉ ካቢኔ አባላት የክልሉ ፕሬዝዳንት ክቡር አቶ አብዲ መሀሙድ ኡመርና የኢ.ሶ. ህ.ዴ.ፓ ሊቃመንበር አቶ መሀመድ ረሺድ ኢሳቅን ጨምሮ ከኢትዮጵያ ሶማሌና ከኦሮሚያ ክልሎች የተፈናቀሉ ወገኖች ወደ ቄያቸው የሚመለሱ ዉሳነ አሳልፏል። 

የኢትዮጵያ ሶማሊ ህዝብ ዴሞክራሲ ፓርቲ ከፍተኛ አመራርና የክልሉ ካቢኔ አባላት ዛሬ ባካሄዱት ስብሰባ ከኦሮሚያ ክልል የተፈናቀሉ የሶማሌ ወገኖች በራሱ በክልሉ መንግስት ወደ ቄያቸው የማስመለስ ሥራ ከወዲሁ እንደሚጀመርና ከሶማሌ ክልል የተፈናቀሉ ኦሮሞ ወንድማሞች በተላይ በጅግጅጋና በሌሌች አከባቢዎች በተለያዩ ንግድ ሥራዎች ተሰማርቶ የነበሩ የኦሮሞ ወንድማሞች ወደ ክልሉ የሚመለሱበት ስራ እንደሚሰራና ኦሮሞ ወገኖቹ ወደ ክልሉ በሚመጡበት ጊዜ ደማቅ የወንድማሚነት አቀባበል እንደሚደረግለቸው ክልሉ አስታውቋል።ይህ ደግሞ ሁሉም የኢትዮጵያ ዜጎች በአገራቸው በፈለጉት አከባቢ  ለመኖር እኩል ህገመስግስታዊ መብት ስለላቸው ነው ብሏል የክልሉ መንግስት።

መጨረሻም የክልሉ ህዝብ፤የክልሉ መሪ ድርጅት ኢ.ሶ. ህ.ዴ.ፓና የክልሉ መንግስትምከክልሉ የተፈናቀሉ ኦሮሞ ወንድመቻችን በተላይ በተለያዩ ንግድ ሥራዎች ላይ ተሰማርቶ የነበሩ የኦሮሞ ወገኖች  ወደ ቄያቸው እንድመለሱ ጥሪ አቀርቧል ።

Kulan Ay Wada Yeesheen Golaha Sare Ee Arrimaha Islaamka DDSI iyo Hay’ada IMDA Oo kaqabsoomay MMJ

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Sabti, 2da December 2017. Waxaa xarunta deegaanka ee mgaalada jigjiga ka qabsoomay kulan ay wada yeesheen Golaha Sare ee Arrimaha Islaamka DDSI iyo  Hay’ada Horumarinta Arrimaha Islaamka ee magaceeda loo soogaabiyo (IMDA). kulan kaasoo lagaga wada hadlayay arrimo laxidhiidha sii xoojinta xidhiidhka ka dhaxeeya Golaha arrimaha islaamka DDSI iyo hay’ada Hor- Arrimaha Islaamka. Iyadoo hay’aduna ay gudoonsiisay Golaha sare 60 mooto oo nooca looyaqaano BOXER ka .

Hadaba, kulan ayaa waxaa ugu horayn kahadlay Gudoomiyaha Golaha Sarre ee Arrimaha Islaamka DDSI mudane Sheekh Cabdiraxmaan Xasan oo sheegay in kulanakani yahay mid lagaga wada hadlayo sii xoojinta wada shaqaynta kadhaxaysa GSAI iyo hay’ada IMDA. Taasoo ay kawada shaqeeyaan arrimo badan oo ay kamid yihiin kaalmada Agoonta, caawimaada danyarta iyo waliba arrimaha caafimaadka.

Dhankakale, kulankan ayaa waxaa isna kahadlay Gudoomiyaha hay’ada horumarinta arrimaha islaamka ahna xubin gudi fulin ah oo katirsan golaha sare arrimaha islaamka heer federal mudane Shekh ismaaciil cabdala  oo sheegay in kulankani uu san ahayn markii ugu horaysay ee ay wad kulmaan hayada iyo goluhu islamarkaan ay marar badan wada kulmeen golaha iyo hayadu. Kanina uuyahay kualan lagag wada hadlayo wada shaqaynta kadhaxaysa islamarkaana lagu sii xoojinayo xidhiidhka ka dhaxeeya hay’da Hor-arrimaha islaamka iyo Golaha sare ee arrimaha islaamka DDSI.

kulanka kadib ayaa waxaa ay hayadu gudoonsiisay golaha sare ee arrimaha islaamka DDSI mootooyin tiradoodu dhantahay 60 mooto islamarkaana uu gudoomay gudoomiyaha Golaha arrimaha islaamka mudane sheikh cabdiraxmaan xasan. Wuxuuna sheegay in mootooyinkani ay waxwayn katarayaan dhanka shaqooyinka golaha islamarkaana uu aad ugu mahadcelinayo hay’ada IMDA. Wuxuuna intaas kudaray in mootooyinkan ay ugu adeegayaan bulshada  oo ay sii gaadhsiinayaan degmooyinka iyo tulooyinka ay kashaqeeyaan hay’ada horumarinta arrimaha islaamka.

Iskusoowada duuboo, kulankan ayaan ahayn markii ugu horaysay ee ay wada yeeshaan Golaha iyo Hay'adu walaw oo ay hayada horumarinta arrimaha islaamku ay ka shaqayso 9 degmo oo katirsan gobolka faafan.

Munaasabad lagu maamuusayay sanadguuradii 37aad ee Aas-aaskii xisbiga axmaarada ayaa ka qabsoomay xarunta deegaanka

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Axad 3da December 2017. Waxaa xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga si heer sare looga maamuusay  sanadguuradii 37aad ee xisbiga dhaqdhaqaaqa dimuqraadiyada qoomiyada axmaarada oo la aas-aasay sanadii 1973.

Hadaba munaasabadan lagu maamuusayay sanadguurada 37aad ee xisbiga dhaqdhaqaaqa dimuqraadiyada qoomiyada axmaarada oo ay kasoo qaybgaleen mas’uuliyiinta ugu saraysa XDSHSI oo ay ugu horeeyaan gudoomiyaha XDSHSI ahna afhayeenka golaha xildhibaanada mudane Maxamedrashiid Isaaq, gudoomiye kuxigeenka XDSHSI ahna madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, golaha kabaneega deegaanka, mas’uuliyiin ka socday  xisbiga dhaqdhaqaaqa dimuqraadiyada qoomiyada axmaarada oo ay kamid ahaayeen Wasiiru dawlaha daraasaadka cilmi baadhista iyo daraasaadka siyaasadaha dawlada ee xasiiska raisal-wasaaraha JDFI ahna xubin Gole dhexe ah oo katirsan xisbiga Dh.D.Q.A./ANDM Mudane allebal Dase iyo Madaxa arrimaha siyaasada iyo xidhiidhka dibada ee deegaanka amxaarada ee Xarunta dhexe ee xisbiga Dh.D.Q.A./ANDM ee magaalada addis ababa  mudane Mandhafrew Tefwraw,  taageerayasha xisbiga ANDM, ee dagan mm jigjiga iyo ardayda waxkabarata jaamacada jigjiga.

Waxaana ugu horayn munaasabadan furitaankeedii ka hadlay afhayeenka golaha xildhibaanada ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamedrashiid Isaaq oo ugu horayn u hambalyeeyay xisbiga dhaqdhaqaaqa dimuqraadiyada qoomiyada axmaarada isalmarkaana sheegay inuu xisbigu qayb wayn  kasoo qaatay halgankii lagu keenay horumarka dimuqraadiyadeed ee ka hirgalay guud ahaanba dalkeena itoobiya  oo ay ku naaloonayaa dhamaan qoomiyadaha dalkeena, isagoo xusay ka dhiidhitaankii  aad ka dhiidhidaan xaaldihii qalafsanaa ee uu dalkeena soomarayna waxay dhashay inaan manta ku naaloono nabadaa aad aragtaan.  waxuuna gudoomiyuhu intaa kudaray in XDSHSI yahay mid uu dareensanyahay  halganka uu xisbigu soomaray isagoo si qotodheer usoo jeediyay halgankii sooyaalkii taariikheed ee uu soomaray xisbiga axmaaradu  iyo inuu XDSHSI  garab taaganyahay xisbiga dhaqdhaqaaqa dimuqraadiyada qoomiyada axmaarada islamarkaana  sii xoojin doonaan wadashaqaynta iyo xidhiidhka ka dhaxeeya labada xisbi.

Sidoo kale waxaa munaasabadan ka hadlay gudoomiye kuxigeenka XDSHSI ahna madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ugu horayn u hambalyeeyay xisbiga dhaqdhaqaaqa dimuqraadiyada qoomiyada axmaarada islamarkaana sheegay inuu xisbigu kaalin wayn kulahaa halgankii khadhaadhaa  ee lagula jiray kaligii taliskii dhargiga keenayna horumarka iyo nabadgalayada ka hirgalay guud ahaanba dalka . Wuxuuna madaxwaynuhu intaa kudaray in taageerayaasha xisbiga  Dh.D.Q.A  ay kusugan yihiin dhamaan 93 degmo iyo 6da ismaamul magaalo ee uu ka koobanyahay deegaanku islamarkaana uu XDSHSI uu xidhiidh wada shaqayn ah lalahaa xisbiga aaa’’ ilaa iyo xiligii halganka islamarkaana uu siduu afhayeenku horay usheegayba sii xoojin doonaan wada shaqaynta xidhiidhka labada xisbi .

Dhankooda waxaa iyana qudbad soo jeediyay mas’uuliyiintii ka socday xisbiga Dh.D.Q.A. oo soo jeedin kadinbna kula dardaarmay inay taageerayaashu deegaanka kala shaqeeyaan horumarka xaliga ah ee uu deegaanku wado, waxayna intaa ku dareen inuu xisbiga Dh.D.Q.A ay sii xoojin doonaan wada shaqaynta xidhiidhka labada xisbi.

 

Ugudanbayna, waxaa fikirkoodii ka hadlay qaar kamid ah taageerayaasha xisbiga dhaqdhaqaaqa dimuqraadiyada qoomiyada axmaarada iyadoo halkaas lagaga jawaabay dhamaan su’aalihii ay soo dhigeen sidaasna lagusoo gabagabeeyay munaasbadii sanadguurada 37aad ee xisbiga dhaqdhaqaaqa dimuqraadiyada qoomiyada axmaarada .

MM Dhagaxbuur iyo Tartanka Kubada Cagta Oo Loo Qabtay Kooxaha Darajada 2aad ‘’0B’’

$
0
0

Dhagaxbuur(cakaaranews)Isniin 4ta December 2017. Tartanka kubada cagta oo ay ku loo lamayaan kooxaha darajada 2aad ee MM Dhagaxbuur islamarkaana ay si wada jir ah u soo agaasimeen Xafiiska ciyaaraha iyo dhalinyarada MM dhagaxbuur oo kaashanaya Shirkada jaadka ee samsam interprise ayaa si habsami leh uga socda garoonka kubada cagta ee Magaalada Dhagaxbuur.

Hadaba, tartankan oo ay maalgalisay samsam interprise ayaa waxaa shabakada wararka cakaaranews uga warbixiyay Madaxa Xafiiska Ciyaaraha iyo Dhalinyarada MM Dhagaxbuur mudane Cawaale Cabdi Dhicis  oo sheegay in ciyaarahan ay ku loo lamayaan kooxaha loo yaqaano ‘’0B’’ ama darajada 2aad kuwaasoo kadhisan magaalada dhagaxbuur. Wuxuuna intaa kudaray in kooxaha tartankan loo qabtay ay ahaayeen 16 kooxood kuwaasoo ay isu soo hadheen 8 kooxood 8na ay hadhay.  Masuulka oo hadlkiisa sii wata ayaa sheegay in tartankan koobka ay kataageertay shirkada samsam islamarkaana loogu talagalay in dhalinyarta lagu dhiiri galiyo.

Sidookale madax xafiiseedka ayaa tilmaamay in ciyaaruhu ay si wanaagsan u socdaan  islamarkaana ay isu soo hadheen 8da kooxood ee kala ah iftin, far & sul, Jarar, dayax, fc bahda cakaara, ilays, dheeman iyo kooxda Horyaal. Iyadoo lafilayo in 7aadka danbe loo gudbi doono wareega 4ta.

 

Ugudanabyna madax xafiiseedka ayaa aad ugu mahadceliyay shirkada samsam taasoo tartankan kagaysatay taageero maaliyadeed iyo waliba MM Dhagaxbuur oo iyana dadaal kagaysatay.Wuxuuna kula dardaarmay hay’adaha dawlada iyo kuwa aan dawliga ahynba in laga qaybqaato ciyaaraha iyo dhiiri galinta Dhalinyarada Magaalada. 

MW CMC Oo Kulan Soo Dhawayn Ah La Qaatay Shacabkii Oromada Ahaa Ee ku Soo Noqday Deegaanka.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews),Isniin,4ta December, 2017. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa kulan  baaladhan kula  qaatay madasha shirarka ee qaryaan dhoodaan ee caasimada deegaanka  shacabkii oromada ahaa ee horey uga barakacay deegaanka soomalida  oo dib ugu soo laabtay deegaanka iyo kuwii horey u sii joogay,  qaarka mid ah qoomiyadaha kale ku nool caasimada deegaanka ee jigjiga iyo gudiyadooda.

Haddaba, waxa  kulankaasi ka hadlay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo sheegay  in ujeedada kulankan  tahay sidii looga wada hadlilahaa  soo dhawaynta  shacabkii  oromada ahaa ee ka barakacay deegaanka  oo ay xukuumada DDSI iyo hogaaminta odayaal dhaqameedka deegaanka horey  baaq ugu  direen dhamaan shacabkii oromada ahaa ee ka barakacay deegaanka soomaalida in ay ku soo noqdaan   islamarkaana   lagu wareejinayo hantidii, guryihii, ganacsigoodii iyo waliba shaqooyinkii ay hayn jireen, kuwaasi  oo loo sii ilaalin jiray  oo gudiyo loo xilsaaray ee maamulka mgaalada jigjiga si rasmiya ugu  wareejinayaan , madaxwaynaha ayaa sheegay in ay xukuumada faderaalka iyo labada deegaanba ee soomalida iyo oromada hogaamintoodu uga wada  hadleen sidii dib loogu soo celinlahaa labada shacab deegaanada ay ka barakaceen taasi oo ay xukuumada DDSI bilowday soo celinta dadkii shacabka  oromada ahaa  ee ka barakacay deegaanka soomalida itoobiya . madaxwaynaha ayaa tilmaamay in dadka barakacay ee oromadu aysan kawada barakicin   deegaanka balse ay sidoodii u daganaayeen gobolada kale ee deegaanka  sidoo kalena aya jiraan  shaqaale u dhashay deegaanka oromada oo ka  shaqeeya xafiisyada dawlada deegaanka soomalida itoobiya oo aan ka tagin siina wata shaqooyinkooda, madaxwaynaha ayaa  ku booriyay qaybaha kala duwan ee bulshada iyo gudiyada loo xilsaaray dadka barakacay ee ku  soo noqonaya deegaanka in xilwayn iska   saaraan  soo dhawaynta  dadkii shacabka  ah ee ku soo noqonaya deegaanka  gaar ahaan caasimada deegaanka ee jigjiga.

Dhinaca kale qaarka mid ah shacabkii oromada ahaa ee horey uga barakacay deegaanka soomalida itoobiya ee ku soo laabtay caasimada deegaanka ee jigjiga oo ka hadlay kulankaasi ayaa siwayn ugu mahad naqay xukuumada DDSI iyo shacabka deegaanka waxayna, ka warbixiyeen sida quruxda badan ee loogu soo dhaweeyay deegaanka islamarkaana loogu wareejiyay hantidii ay ka barakaceen oo sidii ay kaga tageen loogu sii xifdiyay waxayna ugu baaqeen shacabka kale ee aan wali soo noqon in ay ku soo noqdaan deegaanka soomalida itoobiya  oo lagu soo dhawayndoona hantidoodiina sidii ay kaga tageen u tahay  waxayna ka warbixiyeen mudada dheer ee ay  deegaanka soomalida itoobiya  ku noolaayeen iyo sida nabadgalyada ah ee ay ugu noolaan jireen iyo waliba sida ayna u kala maarayn   labada shacab ee deegaanka soomalida  iyo oromadu islamarkaana  yihiin shacab  walaalo ah oo  daris ah.

Viewing all 304849 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>