Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all 304849 articles
Browse latest View live

Tababar kusaabsan Daryeelka Caruurta

$
0
0

Jigjiga( Cakaaranews ) Isniin 14ka March 2016, Tababar ay fulintiisa iska kaashadeen Xafiiska Arimaha Haweenka iyo Caruurta DDSI iyo Wasaarada Arimaha Haweenka iyo Caruurta JDFI islamarkaana ujeedadiisu ahayd sidii loo adkaynlahaa daryeelka caruurta iyo waliba sidii loo ilaalinlahaa Xaquuqda caruurta ee ku aadan dhanka waxbarashada iyo adeegyada kale ee aasaasiga ah  ayaa kadhacay hoolka shirarka ee Xafiiska Arimaha Haweenka DDSI.

Tabababarkan ayaa waxaa kasoo qaybgalay Hooyooyinka, iyo sidookale qaarkamida Ururada Haweenka ee kadhisan DDSI waxaana furitaankiisii kahadalay Wasiir kuxigeenka Xafiiska Arimaha Haweenka iyo Caruurta DDSI mudane Cabdifataax Axmed Gamaadiid oo sheegay in tababarkani yahay mid muhiima islamarkaana ujeedadiisu tahay xanaanada iyo daryeelka caruurta oo ah sidii dhamaan caruurta deegaanku mid waalid leh iyo mid aan lahaynba ay uheli lahaayeen waxbarasho iskumida, nabadgalyo iyo waliba in ay xaquuqdoodu iskumid ahaato.

Ugudanabyna waxa uu wasiir kuxigeenku hadalkiisii ku gabagabeeyay in kulankani uu san tababar kaliya ahayn balse uu yahay wadatashi iyo khibrad wadaag ay soobandhigi doonaan khabiirada tababarka bixinaya ee kayimid Xarunta Dalka ee JDFI oo ah kuwo soo arkay dhamaan dalka deegaanadiisa ee ugu fiican dhanka daryeelka caruurta.

Dhankooda waxaa iyana ka warbixiyay tababartayaashii oo sheegay in casharada ay qaadanayaan ay faaiido badan kaheleen islamarkaana ay barteen qodobada tastuurka ee kahadlaya xuquuqda iyo daryeelka caruurta.


MW CMC Iyo Kulankii Waftiga Somaliland

$
0
0

Jigjiga ( Cakaaranews ) Talaado, 15ka march 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa saaka hoolka shirarka ee xafiiskiisa kulan kula yeeshay wafti balaadhan oo uu hogaaminayo wasiirka wasaarada  arimaha gudaha ee somaliland mudane  Cali Maxamed  Warancade .

Hadaba madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo waftiga Somaliland ee uu hogaaminayo mudane Warancade ayaa kawada hadlay sii xoojinta arimaha amniga labada dhinac gaar ahaan sii adkaynta amniga xuduuda balaadhan ee u dhaxaysa labada dhinac iyo waliba kor uqaadida xidhiidhka arimaha siyaasada.

Wada hadal balaadhan kadibna waxaa si kago’naanshiiyo leh la iskula qaatay in hal dhinac looga soo wada jeedsado wax alla iyo wixii caqabad ku ah xaalada nabadgelyo ee shacabwaynaha labada dhinac ay kunaaloonayaan, iyo wixii dhibaato ku ah horumarka iyo xasiloonida ay maanta shacabku hadhsanayaan.

Kadibna, waxay waftiga Somaliland kormeer indha-indhayn ah oo khibrad kaqaadasho kusoo mareen hoolka sida caalamiga ah loo dhisay ee KALI oo kuyaala xarunta madaxtooyada DDSI iyagoo waftigu ladhacay qaabka loo dhisay iyo waliba wakhtiga lagu dhisay yaridiisa.

Ugudanbayna, waxaa waftiga loo sii qaatay guryaha martida ee qaryaan dhoodaan.

 

Maraykanka Oo Duqeeyay Argagixisada Al-qushaash Iyo Natiijooyinkii Kasoobaxay

$
0
0

Jigjiga( cakaaranews )Arbaco 16ka March 2016. Sida lawada ogsoonyahay taliskii dawladii shuuciga ahayd ee soomaaliya iyo tii dhergiga ee itoobiya waxay sabab u ahaayeen inay colaad dhex-dhigaan qoomiyadaha walaalaha ah ee dagan soomaaliya iyo itoobiya taas oo ay ka danbaysay fikirkii madhalayska ahaa ee soomaali wayn. Waxayna abuureen colaad loo yaqaano soomaali-xabashi.

Hadaba isbadalkii ka dhacay dalka itoobiya 1991dii ayaa waxaa ka dhashay dawlad dimuqraadi ah oo ay hogaaminayso EPRDF iyadoo mudo yar kadib ay burburtay dawladii shuuciga ahayd ee soomaaliya. Shacabwaynihii soomaaliyana waxay u kala qaxeen meelo badan oo caalamka kamid ah sida wadamada suudaan, masar, itoobiya, Kiinya, wadamada carabta, iyo waliba wadamada reer galbeedka.

Hadaba su’aashu waxay tahay dadkii soomaalida ahaa ee qaxay yey taakulayn kaheleen? Waxaa xaqiiqa ah in dawladaha reer-galbeedka sida yurub iyo maraynkanka ay caawiyeen dadkii u qaxay ee soomaalida ahaa iyaga oo aan u eegaynin jinsi, diin iyo midab toona oo ay dajiyeen guryana siiyeen islamarkaana  ay u aqoonsadeen muwaadiniin iyaga la siman oo ay siiyeen passportigii dhalashada bini’aadanimo darteed balse aysan kahelin habayaraatee wax taakulayn ah wadamadii kubahoobay Midawga Jaamacada Carabta oo ay soomaaliya xubin ka ahayd, iskadaa in dhalasho lasiiyee soomaalidii u qaxday carabaha waa lasoo tarxiilaa qaarna ilaa hada xabsiyada ayay ku jiraan waxna looma qabanin kuwa hada joogana wakiil ayay ku joogaan ama gabadh. Wax asxaan ah oo islaanimo ah oo ay u sameeyeena ilaa hada majirto. Inta hada joogtana goormaa lagu qaban iyo dhuumasho ayay ku joogaan. Waxaa dhacda in 40 sano dadkii kunoolaa lasoo tarxiilo marka uu aabahood dhinto oo la dhaho wakiil malihid meesha reer galbeedku ay halsano gudahood ku siiyaan dadkii u qaxay dhalashada. Dadkaasina ay xor u yihiin dhaqankooda oo ay waliba diintooda kufaafin karaan.

Markaan eegno dhanka Africa, waxaa ugu wanaagsanaa dalka itoobiya dhanka soo dhawaynta qaxootiga kasoo qaxay soomaaliya. Soomaalidii ku soo qaxday itoobiya lama sheegi karo wax cabasho qaba ama dhib gaadhay. Waxayna itoobiya u noqotay wadankoodii labaad haday qaxooti ku yihiin iyo haday ehelkooda lajoogaan labadaba. Waxayna noqdeen qaxootigii caalamka ugu sharafta badnaa ee loogu ixtiraamka badan yahay. Ilaa hadana taariikhda laguma hayo gabadh qaxooti ah oo lagu kufsaday itoobiya ama cabasho marka laga tago iskudhac yar oo dhexdooda ah.

Dhanka kale ciidamada Amisom-Ethiopia waxay noqdeen ciidamada ugu sharafta badan lagumana sheegin ilaa hada dhac, kufsi iyo boob midnaba. Dagaalka ay galeena wuxuu ahaa mid ay bartilmaamsadeen ururka argagixisada ah ee Alqushaash oo hadii ay masaajid dhexdii kaga soo ridaan aan wax jawaab ah lasiinaynin xurmo ay xurmaynayaan diinta islaamka darted. laakiin qaar kamid ah ciidamada kale ee afrikaanka ah hadii bastoolad lagaga soo rido masaaji waxay ugu jawaabayeen ‘Suu’.

Hadaba ciidamada qaranka itoobiya waxay naftooda, dhiigooda iyo maalkoodaba u hureen inay soomaaliya ka xoreeyaan aragagixisada al-qushaash ilaa iyo hadana way u hurayaan. Shacabka  soomaaliyana waxay u bixiyeen ciidamada itoobiya hiil-Alle.

Hadaan u soo noqono nuxurka iyo ujeedada hadalka, ciidamada maraykanka ayaa 9kii bisha March ee sanadkan waxay duqayn iyo dagaal cilmiyaysan oo aan horay loo arag ku qaadeen ubucda ururka alqushaash gaar ahaan xero tababar oo kutaala degmada dheeriyaw.

 Sidoo kale waxay degmada aw-dheegle 8dii march ciidanka marykanku ka fuliyeen qorshe aan inaba caadi ahayn oo dhabarka kajabiyay ururada argagixisada ah sida al-qushaash iyo ISIS oo is-bahaystay. Halkaas oo shacabkii goob-jooga ahaa ay sheegayaan in ciidamada maraykanku ay ku guulaysteen mission impossible iyadoo shacabka dagan dheeriyaw iyo aw-dheegle ay khaati bilaah ka taagnaayeen dhibaatada ay alqushaash ku haysay. Tusaale ahaan waxay dileen 4 nin oo 90 jiro ah iyagoo ku eedaynaya kufsi gabdho 15 jir ah balse xaqiiqadu ahayd inay odayaashu dhaheen war dadka dhibaatada ka daaya.

 Si kastaba ha ahaatee, waxay mas’uuliyiinta al-qushaash kufsadeen gabdho yaryar oo u xidhnaa islamarkaana ay dil ku xukumeen kadib markay diideen inay guursadaan oo ay dhaheen murtidiin baad tihiin.

Hadaba shacab waynaha soomaaliya ayaa dhibaatadaa lasoo daristay darted ilaahay baryay oo hal mar wada yidhi ‘‘ilaahaw naga soo gaadh oo naga qabo’’. Ilaahayna durba wuu kajawaabay codsiga shacabkii dhibaataysnaa. Wuxuuna u soo diray ciidanka maraykanka oo dagaal cilmiyaysan kaga takhalusay aragagixisadii alqushaash halkaas oo gabdhihii xukunaa ay ku badbaadeen oo xiliigii ay argagixisadu kuwaday inay dilaan gabdhaha ay ciidamada maraykanku ka badbaadiyeen, argagixisadiina hallkaa lagu baabi’iyey.

Ugudanbayna waxay arintani hiil, taageero, taakulayn iyo badhi-gantaal u tahay shacabka soomaaliya, shacabka Geeska-Africa, iyo gaar ahaan deegaanka soomaalida itoobiya. Waxayna si gaar ah hiil ugu tahay ciidamada difaaca qaranka itoobiya oo lagu tilmaamo inay yihiin geesiyiinta caalamka kuwaasoo markasta ku mashquulsan ladagaalanka iyo cidhibtirka argagixisada.

                  U gaar ah Xarunta Dhexe ee XDSHSI

Tababar kusaabsan Caadooyinnka Xunxun

$
0
0

Fiiq(cakaaranews) Arbaco 16ka March 2016, Tababar ujeedadiisu tahay Dabargoynta  Caadooyinka xun xun oo looqabtay Hooyooyinka Degmada Fiiq islamarkaana ay cashaarda bixinayaan khabiiro u xeel dheer ayaa si habsami leh uga bilawday isla Dagmadaas .

Tababarkan oo uu soo agaasimay Xafiska Arimaha Haweenka Caruurta  Degmada Fiiq ayaa waxaa lagu baranayaa casharo ku saabsan ladagaalanka iyo waliba sidii loo dabargoyn lahaa caadoyinka xun xun sida gudniinka fircawniga ah iyo wiixiilahalmaala.

Hadaba furintaankii tababarkan ayaa waxaa ugu horayn ka hadalay Gudoomiyaha Degmada Fiiq mudane Cabdiqaadir Maxamed Xasan oo sheegay in dabargoynta caadooyinka xunxun ay lagamamaarmaantahay islamarkaana larabo in Hooyooyinku dhankooda kala dagaalamaan maadaama oo saamaynta ugu wayn uu kuleeyahay dumarka  islamarkaana ay qaybta ugu balaadhan ee ladagaalanka caadooyinka xunxun ay ka qaadan karaan hadii ay tahay  gabdhaha lagudayo iyo hadii tahay kuwa gudaya gabdhaha labadaba. Sidookale waxaa kahdlay tababarkan kusimaha Xafiiska Arrimaha haweenka iyo Caruurta Degmada Fiiq Marwo Boosteeye Ismaaciil oo sheegtay in tababarkan ay kasoo qaybgaleen qaarkamida  hooyooyinka islamarkaana ujeedadiisu tahay ladagaalan caadooyinka xunxun. Sidookalan iyadoo kula dardaarantay inay sii adkeeyaan ladagaalanka dhaqamada xun xun islamarkaana ay sifiican uga faaiidaystaan casharada.

Ugudanabayna waxaa dhankooda kahadlay kasooqaybgalaaashii tabaabrkan oo ay kamid ahaayeen hoyooyinkii iyo dhalinyaradii qaadanayay oo sheegay in ay aad ugufarxsanyihiin tababarkan ay qaadanayaan islamarkaana ay casharo muhiima kabaranayan iyagoo balan qaaday in ay dhankooda si firfircawn uga faaiidaysn doonaan iyo waliba inay gaadhsiinayaan bulshadii ay ka kala yimaadeen.

Shirkii Diridhaba Kasocday Oo Lasoo Gabagabeeyay

$
0
0

Diridhaba ( Cakaaranews ) Arbaco, 16ka march 2016. Waxaa maanta magaalada diridhaba lagu soo gabagabeeyay shir mudo 3 maalmood ah socdey oo lagaga wada hadlayay nabadgelyo kuwada-noolaanshaha diimaha, kahortaga iyo ladagaalanka argagixisada iyo xag-jirnimada oo lidi ku ah hanaanada horumarka, nabadgalyada iyo maamulka suuban ee shacabweynaha dalku kunaaloonayaan.

Shirkan oo ahaa shir heer qaran ah oo ay hogaaminayeen wasiiru dawlaha wasaarada arimaha federalka iyo horumarinta xoolo-dhaqatada ee JDFI mudane Awol Wogris, directorka guud ee wasaarada mudane xaaji Cali iyo kuxigeenka xafiiska nabadgelyada, maamulka iyo cadaalada DDSI mudane Shugri Badal ayaa waxaa ka soo qaybgalay dhamaan mas’uuliyiinta dhinacyada nabadgalyada, maamulada, xisbiyada iyo mas’uuliyiinta arimaha diimaha ee dawlad deegaanada soomaalida, canfarta, hararida, gobolada oromiya ee dhanka bari iyo ismaamulka diridhaba.

Hadaba shirkan ayaa kadib soo jeedintii warbixinada iyo talo bixintoodi aragti mideysan oo kadhan ah cadowga gabaad ka dhiganaya diimaha iyo in si wadajir ah loola dagaalamo laysla qaatey

Sidoo kale waxaa aragti wadajir ah lays kula qaatey in la sii xoojiyo nabadgalyo kuwadanoolaanshaha diimaha kaladuwan ee shucuubaha dalka iyo in la sii taabo galiyo horumarkan laxaadka leh ee guud ahaan dalka kahanaqaaday.

Dhanka kale kasoo qaybgalayaashii shirkan ayaa si wadajir ah u balan qaaday in maalin iyo habeen ay u soo jeedayaaan la dagaalanka argagixisada iyo xagjirnimada iyagoo wacyigalin balaadhana u samayn doona qaybaha hadhay bulshada.

Kulan Lagaga Hadlayay Waxqabadka Mashruuca Wash-Program

$
0
0

Jigjiga( cakaaranews ) Arbaco 16ka March 2016, Kulan lagaga wada hadlayay waxqabadkii mashruuca wash-Program islamarkaana ay kasoo qaybgaleen masuuliyiinta Xafiisyada  ay bahwadaagta yihiin Xafiiska Biyaha Macdanta iyo Tamarta DDSI iyo waliba xubno kasocday Deeq-bixiyayaasha oo ah Bangiga aduunka laantiisa Adhisababa ayaa ka dhacay isla xafiiska Byaha.

Kulankan ayaa waxaa kasoo qaybgalay masuuliyiinta Xafiiska Waxbarashada, Xafiiska Caafimaadka, Xafiiska Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqalaha DDSI iyo Deeq bixiyayasha bangiga aduunka iyada oo lagaga wadahadlayo bilihii ugu danbeeyay ee waxqabadka mashruuca Wash-Program.

Hadaba Kulankan ayaa waxaa ugu hoarayn kahadlay wasiiirka Xafiiska Biyaha Macdanta iyo Tamarta DDSI marwo Fartuun Cabdi Mahdi oo sheegtay in kulankan uu yahay mid uu soo qabanqaabiayay xafiiska biyaha Macdanta iyo Tamarta DDSI islamarkaana ay isagu wada yimaadeen xafiisyada fuliya iyo deeqbixiyayaasha bangiga aduunka iyadoo lagagawada arrinsanayo waxqabadkii masruuca sadexdii bilood ee ugu danbaysay, islamarkaana lagu eegayo waxqabadka mashruca dhankiisii fiicnaa iyo dhankiisi liitay labadaba. Ugudanabayna jahooyin horumarineed la islaqaadanayo laguna saxayo hadii dhaliilo jiraan.

Sidookale waxaa kulankan kahadlay madaxwayne kuxigeenka ahna wasiirka waxabarashada DDSI mudane Mawliid Haayir Xasan oo sheegay in kulankani uu yahay mid caadi ah islamarkaana lagu eegayo adeegyada lagu fuliyo mashruucan Wash-Progam  ee ay ugu horeeyaan adeega helida Biyo Nadiif ah, Faayo-dhawrka IWM sidookale waxa uu madaxwayne kuxigeenku tilmaamay in ka xafiiska waxbarasho ahaan ay ka soo galayaan helida biyihi iyo faayo dhawrkii goobaha waxabarashada sida iskuulada.

Mm Dhagaxbuur Oo Qaybiyey Makiinadaha Raashinka

$
0
0

Dhagaxbuur ( Cakaaranews ) Arbaco, 16ka march 2016. mayorka magaalada dhagaxbuur mudane muxumed xasan suufi oo uu weheliyo gudoomiyaha gobolka jarar mudane Cabdi Cali Mataan ayaa maanta makiinadaha badarka shiida u qaybiyey 2 iskaashato oo kala ah: iskaashatada halgan iyo iskaashatada wadani oo ah agoontii ay waalidiintood ubbodu laysay iyadoo iskaashata walba la amaahiyey lacag dhan 30kun oo bir si ay ugu bilaabaan shaqada. Waxayna iskaashata walba kakooban tahay 5 xubnood.

Sidoo kale, maamulka magaalada dhagaxbuur ayaa 7 harqaan u qaybin doona dadka danyarta ah si shaqo abuur loogu sameeyo iyadoo la isugu xidhayo iskaashatooyin.

Dhanka kale, gudoomiyaha gobolka jarar mudane Cabdi Cali Mataan ayaa shabakada Cakaara usheegay inay yaalaan 18 makiinadaha raashinka shiida ah iyo 90 harqaan oo maalmaha fooda inagu soo haya loo qaybin doono dadka danyarta ah ee kunool degmooyinka gobolka.

Arintan ayaana waxay qayb katahay qorshayaasha ay xukuumadu uqaadatay  hiigsada ladagaalanka saboolnimada iyo kamid noqoshada wadamada dhaqaalahoodu dhex-dhexaadka yahay.

Arsenal Oo Marti Ku Ah Garoonka Barcelona

$
0
0

Jigjiga (Cakaaranews) arbaco 16 march 2016 Kooxda arsenal  oo kamid ah kooxaha horyaalka England ayaa caawa la ciyaari doonta  naadiga halista ah ee Barcelona.gunners ayaa kulanka caawa ciyaaraysa lugta labaad ee wareega 16ka champions league iyagoo ku marti ah camp nou islamarkaana u baahan inay dhaliyaan laba gool si ay u helaan fursad ay dhanka kale ugu rogaan guuldaradii 2-0 ee kusoo gaartay Emirates stadium lugtii hore.

 

 


Agab loogu Deeqay Dugsiga-Hoose Dhexe Ee Centerka Dhagaxle

$
0
0

Jigjiga (Cakaaranews ) Khamiis 17 March 2016, Xafiiska waxbarashada DDSI oo agab isugujira kuraas iyo miisas oogu deeqay Dugsiga Hoose Dhexe ee Centerka Dhagaxle ee hoosyimaada Degmada Gursum.

Hadaba Gadh/G/S/ T Qorsheynta Maaliyada Dabagalka iyo Abaabulka Khayraadka Hay’adaha mudane Faysal Cabdinuur Maxamed oo u waramay shabakada wararka ee cakaaranews ayaa sheegay in dugsiyadan agabka loogu deeqay ay yihiin iskuulaadka modelka ah ee  kajira dagmada Gursum,wuxuuna agaasinku intaa kudaray in agabkan loogu talagalay iskuulaadka leh quudinta (school feeding) taasoo dhiiri galin u samaysa ardayda dugsiga wax kabarata khaasatan gabdhaha.

Ugu danbayna  waxa uu  masuulku hadalkiisii ku gabagabeeayay in agabkani uu san ahayn kii ugu horeey ee uu xafiisku gaadhsiiyo degmadaas. Waxa uuna gaadhsiiyay agabyo hore sidooklae waxa uu xafiisku gaadhsiiyay dugsiyada sanadkan bilawgiisii iyo waliba dugsiyada cusub ee deegaanka.

Wacdarihii Champions Bayern Munich iyo kooxihii ugudbey wareega 8aad

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) khamiis 17 march 2016 Kooxda Bayern Munich ayaa xalay garoonka Allainz Arena kadhigtay guul isbadal taariikheed ka abuurtay horyaalka kooxaha Yurub ee Champions Leaque-ga kadib markii ay soo laabasho cajiib ah ugu soo baxday wareega sideedaad ee Champions Leaque-ga. Kooxda uu macalinka u yahay Pep Guardiola ayaa u muuqatay in ay ka hadhay Champions Leaque-ga lakiin intii lagu jiray daqiiqo kooban oo ciyaarta lagu daray ayaa Thomas Muller soo nooleeyay rajada Bayern Munich ee Champions Leaque-ga.

Kooxda Juventus ayaa 2:0 ciyaarta ku hogaaminaysay qaybtii hore iyo in badan oo qaybtii ka mid ahayd iyada oo ay Paul Pogba iyo Juan Cuadradoay goolasha hore dhaliyeen. Laakiin RobertLewandowski iyo Thomas Muller ayaa bixiyay jawaabta ay Bayern Munich ku soo laabtaywaxaana amaan wayn barbaraha ku lahaa Muller oo gool qurux badan oo madax ahaa dhaliyaydaqiiqadii 91 aad ee dhamaadkii kulankan taas ookeentay in ciyaarta lagu daro 30 daqiiqo oo dheeri

ah.

Hadaba waqtigii dheeriga ahaa Thiago oo ciyaarta badalku soo galay iyo Kingsley Coman ayaa Bayern Munich u dhaliyay laba gool oo deg deg ah taas oociyaarta ka dhigtay 4:2 ay Bayern Munich kaga guulaysatey Juventus oo u muuqatay inay ugudubto wareega Sideeda ee Champions Leaque-ga

 Sidoo kale waxaa xalay la soo gabagabeeyay wareega 16 kakooxood ee Champions Leaque-ga waxaana kooxihii hore u soo baxay xalay ku soo biiray kooxaha Barcelona iyo Bayern Munich oo ka soo talaabsaday kooxaha Arsenal iyo Juventus sida ayu kala horeyaan. Hadda waxaa la og yahaydhamaan sideeda kooxood ee Chapions Leaque-ga ku tartami doona waxaana isku soo hadhaykooxaha kala ah Atlentico Madrid, Bayern Munchen, Barcelona, Benfica, Manchester City, Paris Saint-Germain, Real Madrid iyo Wolfsburg.

 

 

Xadhig-Kajarka Mashaariicdii Degmada Fiiq

$
0
0

Fiiq( cakaaranews )Khamiis 17ka March 2016, Maamulka Degmada Fiiq oo uu horkacayo Gudoomiyaha Degmada Fiiq mudane Cabdiqadir Xasan Maxamed ayaa xadhiga kajaray qaar kamida mashaariicdii kasocotay degmada oo ay kamid yihiin 2 iskuul iyo 1 (hal) Rug-Caafimaad oo lagadhisay tuulooyinka ama qabaleeyada kala ah Aloosane iyo Tukaale.

Hadaba xadhig kajarkan ayaa waxaa shabakada cakaaranews ugwaramay Gudoomiyaha Degmada Fiiq mudane Cabdiqadir Xasan Maxamed oo sheegay in  dhamaan mashaariicdii dhismayaasha ee sanad miisaaniyeedka 2008 T.I ay soo gabagabeeyeen iyadoo biyo xidheenadiina ay maraayaan meel gabo gabo ah. Sidookale wuxuu xusay in mashaariicahan ay u dhamaadeen sidii uu qorshuhu ahaa.

Ugu danbayna Gudoomiyaha ayaa shaqooyinka qabsoomay uga mahadceliayay shacabka degmada oo runtii kaalin laxaad leh kaqaatay dhamanba mashaariicahaas dhamaaday.

 

MW CMC Oo Diridhaba Kadagay

$
0
0

Diridhaba( Cakaaranews ) Khamiis, 17ka march 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa galabta ka ambabaxay xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga isagoo kadagay gagida diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada diridhaba.

Hadaba madaxwaynaha ayaa halkaa kaga qaybgali doona shir heer qaran ah oo kusaabsan ladagaalanka argagixisada iyo sii xoojinta nabadgelyo kuwada noolaanshaha diimaha shucuubaha kaladuwan ee dalka oo loo qabanayo dawlad deegaanada soomaalida, canfarta, hararida, ismaamulka diridhaba iyo gobolada bariga hararge ee oromiya oo kadhici doona magaalada diridhaba.

 

Beesha Gurre Oo Canbaaraysay Horumar-Diidka Korodhka Deegaanka

$
0
0

Jigjiga( Cakaaranews ) Jumce 18ka March 2016, Kulan ay yeesheen beel-waynta Gurre oo uu hogaaminayo ugaaska beesha gurre islamarkaana ujeedadiisu ahayd canbaaraynta horumar-diidka korodhka deegaanka iyo waliba taageeraha go’aankii baarlamaanka DDSI ayaa ka qabsoomay xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga.

Hadaba kulankan beesha oo ay kasoo qaybgaleen Salaadiinta, Odayaasha, Aqoonyahanada beesha ayaa waxaa ugu horayn kahadlay ugaaska beesha Gurre Ugaas Maxamed Ugaas-Guure ugaas-Guuleed kana mid ah salaadiinta DDSI oo sheegay in kulankani yahay mid lagaga hadlayo danaha iyo aayaha beesha Gurre ee dagta sadexda degmo ee kala ah Guro-boqosa, Guro-dhaamoole, iyo Qarsaadhuule,oo awal hore kamid ahaan jiray Gobolka Afdheer balse hada kalafadhigii baarlaamka DDSI lagu ansixay inay kamid noqdaan Gobolka Liibaan iyadoo xukumada iyo XDSHSI ay isla qaateen xalna u arkeen in sadexdaa degmo aysan kamid ahaan karin gobolka afdheer sababtuna tahay fogaanshaha xarunta gobalka, dhanka jidadka iyo gaadhsiinta adeegyada horumarineed.

Sidookale waxa uu ugaasku hadalkiisa kusii daray in ay beesha-Gurre ay kamid tahay beelaha dega degaanka somaalida itoobiya. Goobaha ay daganyihiina ay yihiin kuwo nabagalyadoodu taamtahay horumarkuna uu ka hanqaaday islamrkaana ay ka jiraan adeegyadii aas asiga ahaa iyo waliba adeegyadii kaabayaasha dhaqaale isagoo ugaasku uga mahdceliyay xukumada DDSI ee uu hogaaminayo madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar balanqaadka iyo dadaalka uu ugu jiro horumarka gaar ahaan jidka laamiga ah ee dhawaan lagasamayndoono wadada isku xidha Goro-dhaamoole ilaa jarati. Sidookale wuxuu uguuska carabka ku adkeeyay aadna u canbaareeyay isagoo ku hadlaya codka beesha Gurre dadka hadalada borobogaandada ah ay kasoo yeedhay ee jooga Kenya inaysan matalin beesha gurre islamrkaana  aysan aqoonin meel ay sedaxda degmo ay ku yaalaan danta beesha gurana aysan ku xidhnayn qurbo-joog balse ay ku xidhantahay qaran-joogta.  Waxaana  si buuxda u tageeraynaa go’aanka ay xukuumada iyo baarlamaanka DDSI ku ansixiyeen in sadexda degmo ay kamid noqdaan Gobalka liibaan. Maadaama oo ay dan utahay shacabwaynaha ku dhaqan sadexdaas degmo.

Wuxuuna ugaasku isagoo hadalkiisii siiwata yidhi in ay dadkaas la sheegay ee meelahaa kahadlay ay yihiin fadhi kudirir aan deegaanka waligood arag, islamarkaana dadkii sumcada lahaa ee wadanka kiinya joogay ee beesha Gurre matali kara ay taageersanyihiin go’aanka xukuumada. Waxa uuna uguusku hadaladiisii kudaray in dadka wanaagsan ee taageerada iyo hormarka deegaanka ka qaybqaata ee kiinya jooga ay yihiin dad aad ufarabadan oo beesha ah tusaale ahaana loo soo qaadan karo  Xaaji Ismaaciil iyo sheikh Nuux  oo ah dadkii kaqayqaatay dhisida masaajidada iyo dugsiyada degmooyinkaas beeshu degaan.

Ugudanbayna wuxuu ugaasku carbka ku adkeeyay in odayga lagu magaacbo Khaliif Cadaawe, uu yahay oday da’ah oo wax uu ka ogyahayna jirin xaalada deegaanka islamrkaana ku tilmaamay propogaandiste warbaahinta dhaxmarinaya wax aan sal iyo raadlahayn, waxbana aysan ka ogayn dadkii matalayay beesha Gurre ee daganaa wadanka kiinya oo uu soo kaxaystay caruur yarayar oo aan matalikarin beesha.

Dhanka kale waxaa isna Madashan kahadlay Cabdiqaadir Rashiid Ducaale oo kamid ah aqoonyahanada beesha Gurre isagoo sheegay inay jiraan dad meelaha qurbaha hadal maalayacni ah oo aan waxba kajirin lataagan, islamrkaana dano gaar ah leh oo aan deegaanka waligood imanin gurina kulahayn aqoonina dagmooyinkaas meel ay kuyaalaan ,namana matalaan dadka beesha matala waa kuwo danta beesha yaqaana. Sidookale waxa uu xusay in ka aqoonyahano ahaan  ay aad u taageersanyihiin go’aankii uu ansixiayay baarlamaanka DDSI. Dhankakale wuxuu canbaarayn kulul usoojeediyay isagoo kuhadlaya magaca beesha-Gurre  dadka fadhi kudirika ah ee la sheegay inay melahaas ka hadleen. Isagoo waliba diiday in uu magac dhabo ninkaas kuna tlmaamay hadaladiisa kuwo qof waalani yidhi.

Gabagabadii kulankan ayaa waxaa isna kahadlay Maxamed Shaqlane Jaamac oo ku hadalaya magaca dhalinyarada sedexda degmo ee ay dagaan beesha gurre isagoo sheegay in dadka kasoo jeeda beesha gure ee isugu jira ganacsatada odayaasha iyo dhaliyarata jooga Kenya ay yihiin kuwa ka dharagsan horumarka deegaanka islamarkaana tageersan go’aankii barlamaanku ansixiyay iyada oo uu goaankaasii uu dan u ahaa bulshada dagan sadexda degmo. Wuxuuna  intaa kusii daray in ninka la sheegayo uusan jiko xitaa ku lahayn sadexda degmo islamarkaana uu soo aruursaday ciyaal yaryar oo aan beesha matali Karin.

Sikasataba ha ahaatee waxaa xusid mudan in  kulankii maanta  beesha gurre ay siwada jir ah uga soo horjeedsadeen islamarkaana canbaarayn kulul u soo jeediyeen nin lasheegay inuu soo galiyay warbaahinta  hadalo xaqiiqda ka fog oo propogaando ah, isagoo iska dhigayay in uu matalayo beesha Gurre. 

 

 

 

Degmada Fiiq Oo Xawaarado Qaybisey

$
0
0

Fiiq ( Cakaaranews ) Sabti, 19ka march 2016. Maamulka degmada fiiq oo uu ugu horeeyo gudoomiyaha degmada mudane Cabdiqaadir  Xasan Maxamed ayaa makiinadaha raashinka shiida uqaybiyay qabeelayada hilaac iyo saliida iyadoo guryihii ay kushaqayn lahaayeena loo dhisay mashiinadana loo rakibay.

Hadaba makiinadahan badarka shiida ayaa loo qaybiyay dadka danyarta ah ee dagan qabaleeyadaas oo nidaamka iskaashatooyinka la isugu xidhay.

Arintan ayaana waxay kamid tahay qorshayaasha ay xukuumadu saboolnimada kaga saarayso shacabka iyo tusaalaynta shaqo abuurka loo sameeyo dadku inay waxsoosaar layimaadaan.

Dhanka kale, bulshada kudhaqan qabaleeyadaas guud ahaan ayaa bogaadiyay makiinadahan ay xukuumadu soo gaadhsiisay iyagoo sheegay inay baahi wayn u qabeen iyo inay si wayn uga gudoomeen makiinadahaasi.

MW CMC Oo Kusoo Laabtay Xarunta DDSI

$
0
0

Jigjiga( Cakaaranews ) Sabti 19ka March 2016,Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamud Cumar ayaa saaka kasoo duulay xarunta ismaamulka Diridhaba ee magaalada diridhaba isagoo kasoo dagay garoonka caalamiga ah ee garaad wiilwaal international Air-port.

Hadaba Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar ayaa wakhti xaadirkan kusugan caasimada DDSI ee magaalada Jigjiga.


Jawaabaha Su’aalihii ISKUDAY Qaybtii 4aad

$
0
0

Jigjiga (Cakaaranews)  Sabti 19ka March 2016, Waxaan akhristayaasha sharaftaleh wargalinaynaa in ay akhristaan jawaabaha su’aalihii  kabaxay barnaamijka ISKUDAY Qaybtii 4aad ee shabakada cakaaranews habeenkii Arbacada ahaa ee 9kii bishan March 2016.

F.G waxaan u mahadcelinaynaa dhaman akhristayashii iskudayay islamarkaana kajawaabay su’aalaha qaarkood, maadaama shuruudaha shilimaadku ahaa in laga wada jawaabo dhamaan su;aalaha, iyo qofka uga hor jawaaba, waxaan u rajaynaynaa inay kajawaabi doonaan su aalaha barnaamijyada danbe.maadaama oo ayjiraan dad ka jawaabay su’aalaha 80%.

FG: Aad ayaan uga xunahay in lagu guulaysan waayo 2 badii barnaamij ee ugu-danbeeyay waxaana urajaynaynaa akhristayaasha kutaxan barnaamijka su’aalaha ee ISKUDAY Nasiibwacan iyo waliba inay ku guulaysan doonaan Barnaamijka xiga.

 Jawaabaha Su’aalihiina waa sidan :-

1. Wabiyada deegaanka mara waa (4)afar kuwaasoo kala ah Shabeele, Dhaawa, Weeb iyo Ganaale 

2. Degmada ugu iskuulaadka badan deegaanka waa degmada Awbare degmada ugu dugsiga-sare badana waa isla degmada Awbare.

3. Doorashadii 1994tii T.I waxay  deegaanka ka dhacday 37 degmo waxaana kasoo baxay  110 xildhibaan

4. Socdaalkii UBBO quusis ee MW CMC kusoo maray deegaanka waxuu soomaray gobolada kala ah Faafan,  Jarar, Nogob, Doollo iyo Qoraxey

5. Dagaalkii xunayn tirade islaamku wuxuu ahaa 12000 Gaaladuna waxay ahaayeen 4000.

6. Dagaalkii ugu horeeyay ee uu galay Khaalid Binu-Waliid waa Dagaalkii Ma’atu

7. Ninkii quraanka ilaahay kucaayay waxa uu ahaa gaalkii la odhanjiray waliid binu maqiira

8. Tirada qoomiyadaha wada degan deegaanka koonfurta itoopiya (Dhabuub) waa 56 qoomiyadood

9. Ciyaaryahanka ugu gool badnaa tartankii ugudanbeeyay ee kubada cagta gobalada iyo 4ta mm waxa uu ahaa ciyaaryahanka lagu magaacobo kaafi xasan

10.. Buurta ugu-dheer Dalkeena Ethiopia waxay kutaala deegaanka Amxara waxaana lagu magacaaba Raas-dhashin dheerarka joogeeduna waa 4,550 Mitter upove the sea level.

Hadaba waxaan macaamiisha  sharaftaleh ee akhrista Shabakada Cakaaranews islamrakaana kutaxan barnaamijkan ISKUDAY ay jawaabahooda, fikradooda iyo Talo-bixinadooda, noogu soo diri-karaan ciwaanadan:-- www.facebook.com/cakaaranewsface ama E-mailkan cakaarainfo@gmail.com.

Isku Aadkii Wareega 8aad Ee Champions League

$
0
0

Jigjiga (Cakaaranews) Sabti 19ka march 2016 waxaa goordhow magaalada Nyon ee dalka Switzerland lagu qabtay isku aadka wareega 8da ee Champions League iyadoo ay ka soo baxeen kulamo xiiso leh, kulamada ugu adag ee wareegaan waxaa ka mid ah marka ay isku dhaceen kooxaha reer Spain ee Barcelona iyo Atletico Madrid, halka PSG ay mar kale wajihi doonto koox Ingariis ah Manchester City.

 

Kooxda ugu guulaha badan koobkaan ee Real Madrid ayaa iyadana heshay kulan ay dad badan

u arkaan inuu sahlan yahay iyagoo ku soo aadankoox aan qibrad badan u laheyn koobkaan oo

markii ugu horeysay abid soo gaartay wareega sideeda waa kooxda Jarmalka ee Wolfsburg, halka kooxda kale ee Jarmalka ee Bayern Munich ay wajaheyso kooxdii la wada doonayay ee reer Portugal ee Benifica.

Barcelona ayaa u baahnaan doonta inay ka gudbaan kooxda mayalka adag ee macalin Diego Simeone ee Atletico Madrid si ay u gaaraanwareega 8da waxaana lugta hore oo la ciyaarayo 5ta ama 6da April lagu hormarayaa garoonka Camp Nou ee kooxda Blaugrana.Kulankoodii ugu danbeeyay ee Champions Leaguewaxa uu ahaa wareega 8da xilli ciyaareedkii 2013-14 markaasoo Atletico Madrid ay reebtaykooxda Barcelona.

.

PSG oo koobkaan ka reebtay Chelsea ayaa fursad uheli doonta inay koox kale oo Ingariis ah reebto madaama ay ku soo aadeen koox Man City oomarkii ugu horeysay wareegaan ciyaareysa, laakiin City ma awoodi doontaa inay u aargudo kooxdii Ingariiska ee dhibanaha u soo noqotay PSG. Labada kooxood ayaa hal ujeedo leh inay markoodii ugu horeysay abid gaaraan semi-finalka.

Lugta hore ee wareega 8da waxaa la ciyaaridoonaa 5ta iyo 6da April halka lugta labaad la

ciyaari doono kooxda 12.

Degmada Feerfeer iyo Mashaariicaha ka socda

$
0
0

Feer-feer( cakaaranews ) Sabti 19ka March 2016 Waxaa meel fiican maraya shaqooyinkii dhismaha mashaariicda biyo-xidheenada ee laga waday tuulooyinka  hoos yimaada Degmada Feer-feer ee katirsan Gobalka Shabeele.

Hadaba Gudoomiyaha Degmada Feer-feer mudane Maxamed Khadar Faarax oo u waramay shabakada wararka ee cakaaranews ayaa sheegay in ay sifiican u socoto dhismaha mashaariicda Biyo-xidheenada islamarkaana ay kasocdaan tuulooyinka kala ah Ashraaf, Cidhiidhiga iyo waliba garoonka. Wuxuuna sheegay gudoomiyuhu in waxtar wayn kaqaadan doonaan biyo xidheenadani baahida  bulshada ee dhanka biyaha. Sidookale waxa uu xusay in biyo xidheenada kasocda qabalaha cidhiidhiga iyo Garoonka ay dhamaadeen 90% meesha biyo xidheenka kasocda Tuulada Ashraaf uu meel wanaagsan marayo  wakhti dhawna uu dhamaystirmi doono hadii alle idmo.

Ugudanbayna wuxuu gudoomiyuhu hadalkiisii ku soo gabagabeeyay in dhismaha masharricdani ay leeyihiin gudiyo iskudhaf ah iyo waliba dabagal islamarkaana  uu markasta kormeer kusameeyo maamulka degmadu iyada oo ay  bulshaduna siifiican uga qayb qaataan dhisamaha mashaariicdan biyo xidheenada ah.

Sidookale Madaxa xafiiska maaliyada iyo hormarinta dhaqaalaha Marwo Ruqiya Shekh Ismaaciil Cumar ayaa sheegtay in ay Degmada feerfeer kasocoto sadex biyo-xidheen islamarkaana ay kasocdaan sadex goobaad oo kaladuwan kuna haboon biyo xidheenada. Sidookale waxay xustay marwadu in iyana shaqaalihii lasoo shaqaalaysiiyay ay soo gaadheen degmada sifiicana ay u wadaan shaqooyinkii horumarineed ee ay ku kala qoraayeen.

Degmada Beercaano iyo Mashaariicaha ka fulay

$
0
0

Beercaano( cakaaranews )Sabti 19ka March 2016, Waxaa si rasmi ah loo soo gabagabeeyay islamarkaana bixinaya adeegii looga baahnaa mashaariico kaladuwan oo ay kamidyihiin kanaalka-waraabka, Iskuulaad, Ceel-Biyood iyo waliba Rug-caafimaad (Health-Post) kuwaaso kasocday Degmada Beercaano ee katirsan Gobalka Shabeele.

Hadaba Gudoomiyaha degmada beercaano mudane Axmed Cllaahi Xuseen oo u waramay shabakada cakaaranews ayaa sheegay in mashaariico badan  oo bulshada waxtar uleh ay dhamaystirmeen islamarkaana ay fulinayaan adeegyadii loogu talagalay. Wuxuuna gudoomiyuhu intaa kudaray in mashaariicdani kala yihiin kanaal-waraab ah oo dheerarkiisu yahay 350 mitter lagana fuliyay qabalaha Laab islamarkaana wakhti xaadirkan ay ka faaiidaysanayaan bulshadiii dajinta ee laga dhigay xoolodhaqato-beeraleeyda oo ka kooban 350 qoys. Sidookale waxa uu xusay in la dhamaystiray iskuul lagu dhisay mashruuca horumarinta bulshada xoolodhaqatada ah ee  PCDP  iyo sidookale Health-post laga dhisay qabalaha qorax.

Sidookale gudoomiyha oo hadalkiisii siiwata ayaa sheegay in 3 ceel-gacmeed laga qoday degmada beercaano , iyo waliba buundo aad muhiim u ah oo laga sameeyay qabalaha gabre-xaradho isla markaana lagu fuliyay mashruuca PCDP iyada oo ay bulshada aad u soo dhaweeyeen, fa'iido balaadhan u leh.

Ugudanabayna wauxuu tilmaamay in mashaariicahani ay sanadkan 2008 ay dhamaadeen islamrkaana  ay bulshada beercaano ay aad usoo dhawaynayso aadna ugu faraxsanyihiin.

MW CMC Iyo Xafladii Haroorays

$
0
0

jigjiga( Cakaaranews )Axad 20ka March 2016, Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ay weheliyaan masuuliyiin kamid ah hogaaminta sare ee xukuumada  ayaa saaka ka qaybgalay Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo loogu dabaaldagayay degmada cusub ee waqooyiga jigjiga xarunteeduna tahay Haroorays  taasoo kamid ah 25 kii degmo, 2dii MM iyo 2dii Gobol ee dhawaan baarlamaanka DDSI uu ku  ansixiyay kalafadhigiisii ugu danbeeyay.

Xafladan ayaa waxaa kasoo qaybgalay dhamaan bulshada qaybaheeda kaladuwan sida dhalinyarada, odayaasha, cuqaasha, waxgaradka, culimo-awdiinka, hooyooyinka iyo waliba qaar kamida kooxaha fanka iyo suugaanta DDSI   iyada oo shacabwaynihii kaqaybqaadanayay dabaaldaga xafladan degmada cusub iyo gaadiidkuba ay buux dhaafiyeen wadada laamiga ah ee haroorays.

Hadaba Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo si diiran loogu soo dhaweeyay xaflada dabaaldaga degmada cusub ayaa khudbad muhiim ah oo taabanaysa dhinacyo badan kajeediyay goobtaas isagoo ugu horayn shacabka deegaanka guud ahaan ugu hanbalyeey degmooyinka, Maamul-magaalooyinka iyo gobolada cusub ee u soo kordhay deegaanka gaar ahaana shacabka degmada waqooyiga jigjiga ee Haroorays. Madaxwaynaha ayaa shacabka degmada u tilmaamay sidii ay degmada cusub u maal-gashan lahaayeen, nabadgalyadeedana u ilaashan lahaayeen iyo waliba maadaama oo ay haroorays ku caan tahay dhanka beeraha in shacabka degmadu uu xooga saaro dhanka maalgashiga waxsoosaarka beeraha.

Sidoo kale, madaxwaynaha DDSI ayaa xusay dadaalada ay ku yimaadeen ansixint degmooyinkan, maamul magaalooyinkan iyo waliba goboladan cusub oo ahayd mid ay XSHDSI iyo xukuumada DDSI ay udub dhaxaad u yihiin iyo mid kutimid ciidamada difaaca qaranka, ciidanka gaarka ah ee DDSI, ciidanka federal-boliska ah iyo waliba shacabka deegaanka oo la’aantii aan waxba suurtagalin oo dhamaantood naftooda, maalkooda iyo maskaxdoodaba uhuray sal-udhigii nabadgelyada deegaanka. Waxaa  intaa dheer oo uu madaxwaynuhu kubooriyay shacabwaynaha deegaanka in ladagaalanka ururada argagixisada ah hal dhinac looga soo wada jeedsado.

Dhanka kale waxaa xaflada dabaaldaga kahadlay suldaamo,ugaasyo iyo cuqaal iyadoo kooxaha fanka iyo suugaantuna ay soo bandhigeen heeso iyo dhaantooyin katurjumaya taariikhda degmada cusub ee haroorays.

Si kastaba ha ahaatee, madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa dhagax dhigay dugsi sare oo loo dhisayo degmada.

Ugudanbayna, waxaa xaflada lagu soo xidhay qado sharaf loo sameeyay dhamaan ka qaybgalayaasha xafladii lagu maamusayay degmada cusub.

Viewing all 304849 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>