Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all 304849 articles
Browse latest View live

Shir Heer Qaran Ah Oo Kafurmay Xarunta Deegaanka

$
0
0

Jigjiga( Cakaaranews ) Arbaco, 30ka march 2016. Waxaa saaka hoolka shirarka ee qaryaan dhoodaan ee xarunta deegaanka kafurmay shirkii qiimaynta waxqabadka komishinka anshaxa iyo ladagaalanka musuqa heer qaran oo sida caadada ah sanad walba laba jeer laqabto.

Hadaba shirkan ayaa waxaa kasoo qaybgalay kuxigeenka komishinka anshaxa iyo ladagaalanka musuqa ee JDFI mudane Wadhu Adhu, madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, dhamaan komishineerada komishinka anshaxa iyo ladagaalanka musuqa 9ka dawlad deegaan iyo 2da ismaamul ee Jamhuuriyada Dimoqraadiga federaalka itoobiya ay kakooban tahay.

Waxaana furitaankii shirka kahadlay komishineer kuxigeenka komishinka anshaxa iyo ladagaalanka musuqa JDFI mudane Wadhu Adho oo kawarbixiyay dhibaatooyinkii musuqu kulahaa dalka iyo sida loo yareeyay isagoo kadibna madasha kusoo dhaweeyay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar.

Hadaba, Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar ayaa kawaramay xaaladihii musuqa ee deegaanka kasoo jiray 20kii sano ee lasoo dhaafay iyo isbadalka lataaban karo 5ta sano ee dhinac walba isagoo madaxwaynuhu aad ubogaadiyay in shirarka heer qaran lagu qabto deegaanka. Taasoo tusaale cad u noqonaysa isbadalka xawliga ah ee horumarka, nabadgelyada iyo maamulka suuban ee deegaanka kahanaqaaday oo ay udub dhaxaad u tahay kamadhnaanshaha iyo dib u curashada musuqa.

Ugudanbayna, shirkan oo socon doona mudo 4 maalmood ah ayaa lafilayaa inuu kusoo gabagaboobo guulo wax ku ool ah oo bar-bar socda hirgalinta qorshayaasha horumarineed ee dalkeenu kaga mid noqonayo wadamada uu dhaqaalahoodu dhex-dhexaadka yahay


Imtixaanka Xaqiijinta Tayada Ardayga.

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) arbaca, 30ka March,  2016 Waxaa maanta ka bilowday kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI imtixaanka xaqiijinta tayad ardayga  ee loo yaqaano COC kaasi oo ay u fadhiisteen imtixaankan  500 oo  arday kuwaasi oo  hore u soo dhamaystay waxbarashada level 2ga ee kuliyadaha  deegaanka gaar ahaan cilmiga ganacsiga iyo dhaqaalaha (business and finance)

Waxaana imtixaankan soo diyaariyay xarunta   Xaqiijinta Tayada Xirfadlayaasha DDSI (COC) waana mid loogu  talagalay in lagu xaqiijiyo  tayada ardayga iyo waliba hubinta ardayga aqoontii iyo cilmigii uu bartay heerka uu gaadhsiisan yahay fahanka xirfada aqooneed ee ardayga. 

 

Imtixaankan ayaa ah mid sanad kasta laga qaado ardayda waxka soo baratay kuliyadaha kala duwan ee deegaanka waana mid lagu xoojinayo tayada aqoonta ardayga.

Ogaysiis muhiim ah jaaliyada north America.

$
0
0

Minneapolis(cakaaranews) khamiis, 31, march, 2016, Waxaa la ogaysiinayaa jaaliyada somalida itoobiya   ee ku dhaqan cariga America in uu jiro Shir  muhiim ah oo lagu tageerayo  guulaha is dabajooga ah  ee XDSHSI uu soo hooyay  shacabka DDSI  mudadii uu  xilka hayay sidoo kale waxaa lagu taageerayaa ansaxinta degmooyinka, maamul magaalooyinka iyo gobolada uu dhawaan ansaxiyay golaha xildhibaanada DDSI iyo waliba sanad guurada 18aad ee XDSHSI.

Shirkan oo ka dhinidoona  Minnesota  Bisha April 9/2016, saacadu waa 5:00 galabnimo ilaa 1:00 AM  goobta uu ka dhacayaana waa fooqa 1500 park PL BIVD Minneapolis, MN, 55416, wixii faah-faahina waxaad kala xidhiidhaa gudoomiyaha gudiga qaban qaabada shirka mudane Suldaan Maxamed Bade telka 612,4074487, ama Axmed Takhal 6124837208.

Tababar looqabtay Kormeerayaasha waxbarashada

$
0
0

Jigjiga( cakaaranews )Khamiis 31 March 2016, Tababar ay fulintiisa iska kaashadeen xafiiska waxbarashada DDSI iyo haayada RTI/USAID islamarkaana loohayay kormeerayaasha dugsiyada kuyaalada 68da Degmo iyo afarta maamul magaalo ayaa lagu soo gabagabeeyay Hoolka shirarka ee Ilyaas Hutel.

Hadaba tababarkan ayaa waxaa shabakada wararka ee cakaaranews uga waramay Gadhwadeenka G/S Horumarinta macalimiinta iyo Hogaaminta waxbarashada ee  xafiiska Waxbarashada DDSI mudane Farxaan Cabdi Makhtal oo sheegay in tababarkan lasiiyay kormeerayaasha uu ahaa mid aad muhiim ugu ah. Wuxuuna kula dardaarmay kormeerayaasha inay cilmiga ay barteen ay si daacadnimo ah ugu adeegaan goobaha iyo dugsiyadii ay kukalaqoraayeen. Wuxuuna masuulku tilmaamay in iyaga kormeerayaasha ah laftirkoodana uu jiro kormeer sii kormeeraya. Islamarkaana aysan marnaba sinayn sinaana doonin qofkii shaqadiisa sidaacadnimo ah uga soobaxa iyo midka aan kasoobixin shaqadiisa.

.

Sidookale  wuxuu xusay masuulku intababarkan ay bixinayeen khabiiro u xeeldheer islamrkaana ay rajaynayaan in faaiido wax ku ool ahi ay kasoo bixi doonta dhanka tayada shaqada kormeerayaasha.

ugudanbayna dhankooda waxaa kahadlay kormeerayaashii tabaabrka qaadanaysay oo sheegay in ay faiideesteen casharo muhiima islamarkaana ay uga faaiidaynayaan bulshada ku dhaqan goobihii iyo dugsiyadii ay kakalayimaadeen.

Degmada Cusub Ee Higlooleey Iyo Daahfurkeedii

$
0
0

Higlooleey( cakaaranews )Khamiis  31ka March 2016, Wafti uu horkacayo Afhayeenka Golaha Baarlmaanka DDSI ahna Gudoomiyaha XDSHSI Mudane Maxamed-rashid Isaaq ayaa kaqaybgalay daahfurkii iyo dhagxdhigii mashaariicaha degmada cusub ee higlooleey ee katirsan Gobalka Qoraxay.

Hadaba, waftigan uu hogaaminayay afhayeenku ayaa waxaa socdaalka kuwahelinayey xubno sar sare oo ay kamid ahaayeen madaxwayne Kuxigeenka Maxkamada Guud mudane Axmed Maxamed Shugri, wasiirka caafimaadka DDSI mudane Cabdifataax Siciid, wasiir kuxigeenka Horumarinta magaalooyinka iyo Warshadaha DDSI Mudane Asad Cumar iyo waliba masuuliyiin kale.

Sidaasdarteed degmadan cusub ee Higlooleey  oo loosamayay xaflad heer sare ah ayaa waxaa ugu horayn lagu furay aayadaha quraanka kariimka ah kadibna waxaa qudbad dhinacyo badan taabanaysa kasoojeediyay  Afhayeenka Golaha Baarlamaanka DDSI ahna Gudoomiyaha XDSHSI Mudane Maxamed-rashid Isaaq, oo sheegay in kasooqaybgalka degmadan cusub ee Higlooleey  uu aad ugu faraxsanayahay isagoo aadna ugu mahadceliyay sida quruxda badan ee farxadu ku dheehantahay ee ay bulshada ree Higlooleey ay u soo dhawaysay. Sidookale afhayeenka  ayaa tilmaamay hormarka balaadhan ee deegaanka ka hanaqaaday shantii sano ee udanabaysay iyo waliba sida uu xawliga ugu socdo horumarka DDSI.

afhayeenka oo hadalkiisii siiwata ayaa xusay in degmadani ay kutaalo meel aad u fiican oo dalsan ah islamarkaana ku haboon wax soosaarka. Ugudanabayna wuxuu masuulku ku booriyay bulshda  Higlooleey inay degmada cusub ay maalgashadaan.

Sikastaba ha ahaatee, Afhayeenka Golaha Baarlmaanka DDSI ahna Gudoomiyaha XDSHSI Mudane Maxamed-rashid Isaaq, iyo madaxwayne kuxigeenka maxkamada guud DDSI mudane axmed maxamed shugri ayaa siwada jir ah u dhagax dhigay dhismaha Mashaariic  Horumarineed oo ay kamid yhiin iskuulo iyo caafimaad.

Ugudanabayntii waxaa iyaguna dhinacooda kahadlay kaqaybgalayaashii xaflada  oo ay kamid ahaayeen cuqaasha , waxgaradka, haweenka iyo dhalinyada  oo ka hadlay dareenkooda ku aadan xaflada degmada cusub iyo waliba dhagax dhiga mashaariicaha cusub ee lasamaynayo iyagoo xusay inay hormarinayaan degmadooda islamarkaana ay maalgashanayaan.

.

Gud-Kuxigeenka Degmada Cadaadle Oo Kawarbixiyay Mashaariicaha Dhamaaday

$
0
0

Cadaadle( cakaaranews ) Khamiis 31ka March 2016, Gudoomiye kuxigeenka degmada cadaadle Mudane Saleebaan Cali Bile ayaa ka warbixiyay in ay dhamaystirmeen mashaaricaha ay kamidka yihiin rugo-caafimaad. Baraago-Biyo iyo waliba iskuulo oo dhamaantood laga dhisay Tuulooyinka hoosyimaada Degmada Cadaadle.

Hadaba gudoomiyaha oo u waramay shabakada cakaaranews ayaa sheegay in ladhamaystiray  rug caafimaad oo laga dhisay qabale hoosaadka Cudhi. Sidookale waxa uu xusay gudoomye ku xigeenku in ladhamaystiray 2 iskuul oo laga kaladhisay  qabalaha higlo iyo 2 kalaas oo lagu daray qabalaha boole- xagare.

Dhanka kale waxa uu masuulku tilmaamay in ladhamaystiray 2bo baraago oo laga kaladhisay tuulooyinka kala ah Burcodheer iyo Malkasalax  

Ugudanabayna gudoomiye kuxigeenka ayaa sheegay in mashaariicahani ay dhamaystirmeen sanadkan  2008 T.i islamarkaana kamaamul ahaan ay lawareegeen intooda badana ay adeegii loogu talagalay bixinayaan.

Mashruuca PCDP Ee Degmada Mustaxiil

$
0
0

Mustaxiil( cakaaranews )Jumce 1da April 2016, Masruuca horumarinta xoolodhaqatada ee marka magaciisa lasoo gaabiyo loo yaqaano PCDP ayaa ah  mid ka hawlgala 54 Degmo  Oo deegaanka ah. Sidaasdarteed Degmada Mustaxiil Oo kamid ah 54ta degmo ee uu mashruucu kahawlgalo ayaa sanadkan 2008 T.I uu kafuliyay mashaariico kaladuwan.

Hadaba, Iskuduwaha mashruuca horumarinta bulshada xoolo dhaqatada (PCDP) ee degmada mustaxiil mudane Maxamed Abdirashid macalin oo uwaramay shabakada wararka ee cakaaranews ayaa sheegay in mshruucu sanadkan uu fuliyay Shan mashruc oo kala ah Dugsi- Hoose Dhexe oo laga dhisay qabalaha Qaboobe iyo sidookale kale qabalaha koobane oo laga sameeyay biyo galin islamarkaana ay bulshadu kafaa iidaysato.

Dhanka kale wuxuu iskuduwuhu sheegay in dugsi hoose dhexe  lagadhisay qabalaha dundumoqaris,  iyo waliba qabalaha furug oo laga dhisay 2bo mashruuc oo kala ah ceel-biyood iyo caafimadka xoolaha.

Ugudanabayna wuxuu masulku tilmaamay in mashaariicahaaas aan korka kusoo sheegnay uu fuliyayay mashruuca PCDP islamarkaana sidii loobaahnaa eesharciga waafaqsanayd loo dhisay maamulkuna degmaduna uu  ula-wareega.

Tababar Loo Qabtay Umuliso Dhaqameedada

$
0
0

Dhanaan( cakaaranews )Jumce 1da April 2016,Tababar ujeedadiisu ahayd casriyaynta iyo waliba isku xidhka bulshada, xarumaaha caafimaadka iyo umuliso-dhaqameedada  ayaa  si habsami leh looga bilaabay Degmada Dhanaan ee Gobalka Shabeele.

Hadaba tababarkan oo looqabtay umulisoyin tiradoodu dhantahay 11 umiliso islamarkaana ka kala yimid qabaleeyada hoos yimaada Degmada Dhanaan ayaa Waxaa furitaankiisii kahadlay Kusimaha Gudomiyaha Degmada ahna Madaxa Xafiiska Caafimaadka mudane Maxamed Aadan oo sheegay in tababarkani uu yahay mid kor loogu qaadayo xirfada aqoomeed ee u- mulisooyinka islamarkaana uu yahay mid larabo in fahan buuxa lagasiiyo umulisooyinka dhinaca iskuxidhka hooyada uurka leh iyo xarumaha caafimaadka.

Dhanka kale wuxuu xusay masuulku in larabo in umulisooyinku ay noqonayaan kuwo mushaar qaata kadib marka aqoonta casriga ah ee caafimaadka fahanbuuxa kaqaataan islamrkaana ay kashaqaynayaan xarumaha iyo rugaha caafimaadka.

Sidookale waxaa tababarkan ka hadlay Madaxa Arimaha Xisbiga Degmada Dhanaan mudane  Xassan Bashiir oo sheegay in tabarabarkan ay ujeedadisu tahay isku xidhka bulshada iyo xaruumaha iyo ruugaha caafimaadka degmada iyo waliba in aqoonta Umulisooyinka ee ku aadan xirfadooda kor loogu qaado, lana cidhib-tiro in ay hooyo ku u musho banaan ama guri islamarkaana  ay hoyooyinka uurka leh ku u mulaan xarumaha caafimaadka si looga hor-tago dhiig-baxa xiliga umusha.

Ugudanabayna waxaa dhinacooda kahadlay umulisooyinkii tababarka qaadanayay oo sheegay in ay aad usoo dhawayanayaan casharadan ay barteen islamarkaana ay aqoonbadan korodhsadeen iyagoo tilmaamay in ay raacayaan kuna dhaqmayaan casharadii ay barteen.


Waaxda Damaanad Qaadka Cuntada Oo Degmooyinka U Dirtay Kooxo

$
0
0

Jjgjiga (Cakaaranews ) Arbaco, 9ka march 2016, Xafiiska beeraha iyo horumarinta khayraadka dabiiciga ah geedisocodkiisa Damaanad-qaadka cuntada ayaa 3 kooxood u kala diray 28 degmo oo uu kashaqeeyo mashruuca  shabakada wax-soosaarka  cuntada (PSNP)

Hadaba  kooxahan u baxaya degmooyinka ayaa waxaa shabakada cakaaranews uga waramay Gadhwadeenka Geedi-socodka Damaanad-qaadka Cuntada mudane Lubi Axmed Kaariye isagoo sheegay in kooxahan loo dirayo 28 degmo oo uu kahawl-galo mashruucu si ay uga soo bixiyaan tababar ay ujeedadiisu tahay  sahlida isticmaalka qaadashada lacagaha iyo raashinka bulshada kafaaiidaysata mashruuca (Beneficiaries).

Waxa uu agaasinku intaa kudaray in kooxahan shaqadoodu ay tahay inay ka soo hirgaliyaan 28 degmo softewerka loo yaqaano Payrol Attendence Sheet (PAS) kaasoo sahlaya bixinta raashinka, islamarkaana tababarkan lasiinayo xirfadlayaasha hawl-wadeenada ah ee mashruuca (PSNP)

Ugu danbayna waxa uu agaasinku kula dardaarmay kooxaha inay tababarkan si fiican oo wadaninimo leh usoo bixiyaan si fiicana u fahansiiyaan xirfadlayaasha hawl-wadeenada ah ee qaadanaya cashirka, waxa uuna agaasinku hadalkiisa ku gabagabeeyay in tababarkan uu aad mihiim u yahay maadaama mashruucu uu marayo wajigii 4aad.

GO’AANKA SHIRKADA KAAH

$
0
0

Adhisababa ( Cakaaranews ) Arbaco, 9ka march 2016. Waxay xukuumada DDSI iyo XDSHSI soo dhawaynayaan uguna mahadcelinayaan go’aanka uu gaadhay maamulka sare ee xawaalada KAAH ee lacagta khidmada ah lagaga dhaafayo lacagaha ay qurbajoogta deegaanka kasoo jeeda kusoo dirayaan accountyada iskuulka iyo health centerka degmooyinka cusub looga furay xawaalada.

Hadaba, maamulka sare ee xaawalada KAAH ayaa dhankooda sheegay inaysan marnaba kahadhaynin kaalinta kaga aadan horumarinta deegaanka iyagoo lacagaha taageerada ah ee lagu soo dirayo accountyada health centerka iyo dugsiyada degmooyinka cusub kadhigay zero commision’’  

ISKUDAY Qaybtii 4,aad

$
0
0

Jigjiga( cakaaranews ) Arbaco 9ka March 2016, Fadlan adigoo kaashanaya, korodhsanayana aqoonta aad u leedahay guud ahaan dalkeena itoobiya gaar ahaana deegaankeena ISKUDAY inaad kajawaabto su’aalahan hoos kuqoran. Kadibna kuguulayso abaal marin.

Hadaba, wakhtiga loo cayimay kajawaabida su’aalahan waa 7maalmood oo kabilaabanaysa maanta oo Ay taariikhdu tahay 9ka March. Kuna eg 16ka March2016 Waxaadna  kadib cidii kuguulaysatay iyo jawaabihiiba aad kalasocotaan www.cakaaranews.com habeenka Axada ah ee 19ka March 2016

NB. Abaal-marinta waxaa kuguulaysan:

·          Qofka kajawaaba dhamaan su’aalaha.

·          Cidii kajawaabta wakhtiga lacayimay kahor ayaa mudnaanta leh

Su’aaluhuna waa sidan:

  1.  Sheeg tirada iyo magacyada Wabiyada Deegaanka mara ?
  2.  Sheeg demagada deegaanka ugu iskuulaadka badan  iyo degmada deegaanka ugu dugsi sare badan ?
  3.  Doorashadii 1994 tii T.I. dhamaadkeedi ee ka dhacday deegaanka imisa dagmo ayay ka dhacday? Imisa xildhibaan ayaana laga soo doortay?
  4.  Socdaalkii UBBO-Quusis ee Mw CMC kusoo maray deegaanka imisa gobal ayuu ku soo maray? Kuwayse kala ahaayeen?
  5.  Dagaalkii xunayn imisa ayay ahaayeen tirade asxaabta iyo tirada gaaladu labadaba?
  6.  Sheeg dagaalkii ugu horeeyay ee uu galay asxaabigii loogu magacdaray seeftii ilaahay ee Khaalid Binu –Waliid?
  7.  Sheeg ninkii gaalka ahaa ee wakhtigii Nabiga N.N.K.H ilaahhay quraanka ku sheegay inuu diradiraa waliba Garac ah yahay?
  8.  Sheeg tirada qoomiyadaha ee wada-dagan deegaanka Dhabuub ama deegaanka koonfureed (SNNPR)?
  9.  Sheeg ciyaaryahankkii ugu goolasha badnaa tartankii ugu danbeeay ee kubada cagta ee looqabtay sagaalka gobal iyo Afarta Maamul Magaalo?
  10.  Sheeg magaca buurta ugu dheer itoobiya, deegaanka ay ku taalo iyo waliba inta ay kasarayso sinaanta bada  (Above the Sea Level)

F.G. fadlan akhristayaashu maskaxada ha kuhayaan in ay jawaabahooda kusoodiraan  message ahaan barta aan facebook kuleenahay ee www.facebook.com/cakaaranewsface ama E-mailkan cakaarainfo@gmail.com . Hadaba fadlan yaysan jawaabuhu idin kanoqonin  mid lawada arkayo kadib marka barnaamijka iskuday aad ku aragtaan pageka facebooga ee Halagu soodiro ciwaanada korkaku xusan. Aad ayaan ugu- mahadcelinaynaa macaamiisha tirada badan ee kuxidhan Barnaamijkan ISKUDY.

 

 

 

 

Qaarkamida Shaqaalaha Xafiisyada Heer-Deegaaan Oo loo Soo Xidhay Tababar

$
0
0

Jigjiga( Cakaaranews ) Arbaco 9,ka March 2016, Tabaabar u socday mudo 2 maalmood shaqaale kabadan 260, xubnood oo ka kalayimid Hay’adaha Dawliga ah ee heer Deegaan islamarkaana ujeedadiisu ahayd kobcinta aqoonta shaqaalaha ee dhanka Barnaamijyada Dib-uhabaynta Shaqo (Public Service Reform Progrms) ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI.

Hadaba xidhitaankii Tababarkan ayaa waxaa hadalo muhiima kasoojeediyay Wasiirka Adeega Shacabka iyo Kobcinta Maamulka DDSI marwo Maajida Maxamed Maxamud oo si faahfaasan uga hadashay faa'iidooyinkii tababarka iyo casharadii ay kubaranayeen ee ay kamid ka ahaayeen barnaamijyada dib uhabaynta shaqo iyo maamulka suuban. Sidookale waxa ay wasiiradu kula dardaarantahay shaqalihii tababarka qaatay inay xafiisyadii ay kayimaadeen ka saxaan kuwa dhaliisha kaleh dhanka barnaamijyada sida barnaamijka Axdiga-Muwaadimiinta oo ah mid larabo in xafiiskasta ay kamuuqato ku shaqayntiisa, waxaakale oo ay tilmaantay in xafiisyada uu kawada hirgalay barnaamijku ay siiwadaan dadaalkooda.

Sikataba ha’ahaatee waxaa iyana dhankooda kawaramay shaqaalihii tababarka qaatay oo sheegay in ay casharo muhiima barteen  oo kusaabsan  hirgalinta barnaamijyada dib uhabaynta shaqo islamrkaana u mahad celiyay macalimiintii bixinaysay casharada, sidookale waxay sheegeen in ay waxyaabaha ka dhiman xafiisyadooda ee dhanka barnaamijyada Dib-uhabaynta shaqo sida axdiga muwaadimiinta ay ka hirgalinayan hay’adihii ay ka kala yimaaden.

RW kuxigeenka Dalka, MW CMC iyo Canfarta

$
0
0

Samara ( Cakaaranews ) Khamiis, 10ka march 2016, wafti balaadhan oo uu horkacayo raisal wasaare kuxigeenka JDFI mudane Dhamaqe Mokenin oo ay weheliyaan wasiirka arimaha Federalka iyo Horumarinta xoola dhaqatada mudane Kassa Tekleberhan, madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo hogaaminta dawlada deegaanka binishangul, gambella iyo marti sharaf kale ayaa saaka kasoo ambabaxay xarunta dalka ee adhisababa iyagoo kadagay gagida diyaaradaha ee xarunta deegaanka canfarta ee samara.

Kadib waxaa toos loogu dhaqaaqay kormeer indha-indhayn ah oo lagu soo maray biyo-xidheenka wayn ee kuyaala magaalada Loogiya, goobaha dib udajinta lagu sameeyay, warshada ugu wayn waxsoosaarka sonkorta ee Tandhaaho oo ah heer caalami, dhulka masnada beeraha ee wabiga awash kugarab yaala oo ay kabaxeen waxsoosaarka quwaax qasabka warshada loo beeray, cawska calafka xoolaha iyadoo kadibna lagu soo laabtay xarunta deegaanka canfarta ee samara.

Nasasho qado yar ah kadibna, waxaa lagalay shirkii qiimaynta waxqabadka 6dii bilood ee lasoo dhaafay ee kililada taageerada gaarka ah lasiiyo oo kala ah: deegaankeena, canfarta, gambella iyo binishangul.

  

Deegaanka Canfarta Iyo Qiimayntii Kililada

$
0
0

Samara ( Cakaaranews ) jamce, 11ka march 2016. Waxaa saaka si rasmi ah uga furmay xarunta deegaanka canfarta ee samara gaar ahaan hoolka shirarka Agdha and Resort Huteel shirkii qiimaynta waxqabadka kililada taageerada gaarka ah lasiiyo 6dii bilood ee lasoo dhaafay.

Hadaba shirkan oo uu hogaaminayay raisal wasaare kuxigeenka JDFI mudane Dhamaqe Mokenin, wasiirka wasaarada arimaha federalka iyo horumarinta xoolo-dhaqatada mudane Kassa Tekleberhan oo saaka si rasmi ah u furmay ayaa galinkii hore ee maanta dhagaystay warbixinada 3 dawlad deegaan oo kala ah: deegaanka canfarta, deegaanka soomaalida iyo deegaanka Gambella iyadoo galinka danbe ee maanta ladhagaysan doono warbixinta deegaanka Binishangul. waxaana ilaa iyo haatan dhanka waxqabadka ugu horeeya deegaanka soomaalida itoobiya.

Ugudanbayna, shirkan qiimaynta waxqabadkii 6da bilood ee kililada taageerada gaarka ah ay dawlada dhexe siiso ayaa lafilayaa inay kasoo bixi doonaan guulo wax ku ool ah oo taabagala.

Kulan lagu Qiimaynayay Tayaynta Adeega Caafimaadka Oo La Soo Gabagabeeyay.

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) jimce 11ka, March,  2016 Kulan lagu  qiimayay  waxqabadka  lixdii bilood ee  dhinaca adeega caafimaadka oo uu soo diyaariyay xafiiska caafimaadka loona hayay   hay'adaha bah-wadaagta ay  yihiin xafiiska caafimaadka DDSI  ayaa lagu soo gabagabeeyay caasimada deegaanka ee Jigjiga.

Kulankan oo muddo laba maalmood ah socday  ayaa waxa ay ujeedadiisu  ahayd in la qiimeeyo wax qabadka hay'adaha bah-wadaagta la ah xafiiska caafimaadka DDSI ee 6dii bilood ee la soodhaafay, gaar ahaan wax ka qabadka xaaladaha caafimaadka deg-dega ah (Health and nutrition emergency response projects) iyo in la isla meel dhigo fahan midaysana laga qaado hirgalinta jihooyinka  qorshaha caafimaadka 5ta sano  (Health Sector Transformation Plan).

Kulankaa oo ay hogaaminayeen masuuliyiinka socday xafiiska caafimaadka ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta hayada ay ka mid yihiin  SCI, IRC, MC, MSF-HOLAND,  MSF-Spain, SOS, ICAP,  Kuwa UN ta ah sida; WHO, UNICEF, iyo waliba  OWDA, PC, ACPA.

Isku dugaha guud ee mashruuca hoos u dhiga dhimashada hooyada iyo dhalaanka ee xafiiska caafimaadka DDSI mudane Shaafici Daahir Muuse oo ka hadlay soo xidhitaankii kulankaasi ayaa sheegay in kulankani intii uu socday ay hay’adahani soo bandhigeen warbixinta waxqabadka  dhinaca adeeg bixinta caafimaadka ee ay hay’adahani fuliyaan gaar ahaan waxqabadkii 6 bilood ee aan soo dhaafnay. Sidoo kale waxa uu sheegay masuulku in jihooyin midaysan laga qaatay fulinta  qorshaha caafimaadka ee shanta sano.

 

 


RW Kuxigeenka Dalka Oo Kahadlay Horumarka Deegaanka Soomaalida

$
0
0

Samara ( Cakaaranews ) jamce, 11ka march 2016. Waxaa caawa xarunta dawlada deegaanka canfarta ee samara lagu soo gabagabeeyay shirkii qiimaynta waxqabadka 6da bilood ee boordhiga dawlad deegaanada taageerada horumarka gaarka ah lasiiyo oo uu gudoomiye kayahay rasial wasaare kuxigeenka JDFI mudane Dhamaqe Mokenin.

Hadaba gabagabadii qiimaynta warbixinada deegaanada kadib ayuu raisal wasaare kuxigeenku usoo dhigay guriga su’aal ah ‘‘maxaa sabab u ah baad u malaynaysaan horumarka laxaadka leh ee uu gaadhay deegaanka soomaalidu?

RW kuxigeenka ayaa islamarkiiba kujawaabay, siday ila tahay‘‘ waa hogaaminta oo kago’naansho leh iyo shacabka deegaanka oo iskaashanaya, iyo waliba hogaaminta oo diyaar u ah inay kafaaiidaystaan taageerada gaarka ah ee xukuumada dhexe iyadoo warbixinta deegaanku soo jeediyay ay tahay mid aan indhahanaga kusoo aragnay iyo mid aan muuqaal toos ah kudaawanay labadaba’’

Mudane Dhamaqe Mokenin raisal wasaare kuxigeenka JDFI ayaa intaa raaciyey in DDSI laga baran karo geesinimada ay kuwajaheen horumarka, nabadgelyada, maamulka suuban iyo xidhiidhka dadwaynaha. Wuxuuna sheegay in hogaaminta deegaanku ay kusifoobeen dabeecada risk takernimada ah ee kamidho dhalinta hogaaminta u ah lafdhabarta. RW kuxigeenka ayaa carabka kudhuftay in deegaanka soomaalida laga baran karo:

*      isbadalka uu kakeenay dhanka biyaha oo ay mudnaanta 1aad, 2aad iyo 3aadba siiyeen gaar ahaan ceelasha dhaadheer iyo biyo-xidheenada ay qorshaysteen sanadkan ee fulintoodii lagu jiro oo ah buu yidhi raisal wasaare kuxigeenku, ‘‘mid aan indhahanaga kusoo aragnay.’’

Waxaa kale oo uu raisal wasaare kuxigeenku kunuux-nuuxsaday in deegaanka soomaalida laga baran karo:

*      Inay si han-wayn wax u qorshaystaan wakhti gaaban oo ay kudhiiradaan fulinta qorshahooda mudo kooban gudaheed islamarkaana ay natiijo buuxda oo lataaban karo kakeenaan

Mudane Dhamaqe Mokenin ayaa amaanay nidaamka ay xukuumada deegaanku uwajahday biyaha iyo qaababkay uhirgalisay fulintooda oo ay kadanbaysay aas aasida shirkadaha kaladuwan ee ay kamidka yihiin: shirkada dhismaha hawlaha biyaha, shirkada qodida ceelasha, shirkada jidadka iyo shirkada booliska oo dhamaantood fuliyey mashaariico waa wayn khaasatan shirkada dhismaha, iibka iyo adeegyada gaarka ah ee booliska oo lagu xasuusto fulintii mashruuca buundada waangay iyo waliba quarantineka xoolaha oo ay kala wareegtay shirkad mudo waday kadibna mudo 6 bilood ah kusoo gabagabaysay .

Waxaan iyana waxqabadkan kamaqnayn oo amaan mudan ayuu yidhi kuxigeenka raisal wasaaruhu, ‘‘ ciidanka booliska gaarka ah oo kadib markay nabadgelyadii meel saareen uguntaday dhanka horumarka iyagoo suuragaliyay towerada telefanada deegaanka iyagoo lakaashanaya shirkada isgaadhsiinta dalka oo waliba meel-mariyey dhanka isugudubka dhismaha jidadka.

Sidoo kale, wuxuu RW kuxigeenka uriyaaqay isbadalka uu deegaanku kakeenay dhanka waxbarashada oo 4ta milyan iyo 40ka kun ee buug ee ladaabacay ay daboolayso saamiyadii nidaamka baris-barasho sida: saamiga ardayga iyo buuga, saamiga macalinka iyo ardayga IWM. Waxaa intaa dheer, oo uu aad u amaanay mudane dhamaqe guulaha deegaanka soomaalidu kasoo hoyiyey dhanka caafimaadka gaar ahaan kooxda wareegta ee qaliinka indhaha. Arintan oo runtii noqotay mid ay guriga iyo raisal wasaare kuxigeenkuba si wayn u ladhaceen, iyo waliba iskudaygii waynaa ee ay xukuumadu deegaanku kasamaysay kajawaabida abaarta ay saamaynta cimiladu keentay. Wuxuuna hadalkiisii kusoo xidhay isagoo amaanay shacabka deegaanka oo leh dabeecad horumarineed iyo xukuumada deegaanka oo iskaashaday inay guulahani kuyimaadeen sidaa darteed in deegaanka soomaalidu yahay deegaan kudayasho mudan oo ay deegaanada kale waxkabartaan.

Dhanka kalana, wasiirka wasaarada arimaha federalka iyo horumarinta reer miyiga mudane Kassa Tekleberhan ayaa usheegay deegaanada kale inay si ficil ah utagaan deegaanka soomaalida si ay wax uga soo bartaan dhinacyada kaladuwan ee waxqabadka horumarka iyo waliba systemka dhamaystiran ee ay ilaa heer tuulo xukuumadu soomaalidu abuurtay oo ah runtii kuwo kudayasho mudan.

Waxaa intaa dheer, Ergooyinka kililada oo tixraacaya su’aasha iyo jawaabta uu israaciyey raisal wasaare kuxigeenka ayaa codsaday in laqoro taariikhda isbadalka horumarineed ee uu deegaanka soomaalidu mudo gaaban kusoo hoyiyey guulaha laxaadka leh iyagoo dhamaantood kamarag kacay.

Ugudanbayna, madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa sheegay in imaanshaha deegaanka canfarta uu waxtar iyo khibrad kalaqaadasho badan leeyahay gaar ahaan warshada sonkorta. Wuxuuna u mahadceliyay madaxwaynaha deegaanka canfarta mudane siyum awal oo mudadii gaabnayd ee uu xilka qabtay dadaal badan muujiyey. Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar ayaa intaa raaiyey in isbadalka horumarineed ee deegaanku uu ugu horayn ilaahay keenay, marka xigana  uu kuyimid xukuumada deegaanka, shacabka iyo dawlada federaalka ah oo iskaashaday. Wuxuuna kubooriyey boardga in taageerada gaarka ah ee horumarka ee ay xukuumada dhexe siiso deegaanadan lasii xoojiyo.

Qurba-Joogtii Oo Kalahadhay

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Sabti 12ka March 2016, Degmooyinkii cusbaa ee  ay kamidka yihiin Qadhaadhumo, Boqolmaayo, Galxamur, Dharwanaajiye, God-God, Qooxle, Lehel-yucub, Kudunbuur, Gablalu, iyo Eleele ayaa ah kuwo  ilaa hada bilaa tol ah oo  habayaraate wax tol ah oo dibada ujooga uusan jirin waana kuwo daawaha kusocda oo loo qarafayn doono.

MW CMC Iyo Wakhti Xaadirkann

$
0
0

Jigjiga( Cakaaranews ) Sabti 12ka 2016, Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxmuud cumar ayaa saaka kasoo duulay magaalada Samaara ee xarunta deegaanka Canfarta Kadib qiimayntii waxqabadka 6da bilood ee kilalada Boordhiga taageerada horumarka gaarka ah lasiiyo ee uu gudoomiyaha kayahay Raysal Wasaare kuxigeenka Mudane Dhamaqe Mokenan taas  oo uu deegaanku guulo wax ku’ool ah oo lataaban karo kasoo hooyiyay isagoo ujahaystay dhanka xarunta dalka ee Adhisababa kadibna uga sii gudbay xarunta deegaanka.

Hadaba Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxmud Cumar ayaa wakhti xaadirkan ku sugan xarunta deegaanka ee magaalaa Jigjiga.

Xaflada Sagoontinta Safiirka Shan-Wadan Oo African ah

$
0
0

Jigjiga( cakaaranews ) Sabti 12ka March 2016, Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay islamrakaana ujeedadeedu ahayd sagoontinta mudane Mustafe Deeq Cabdisalaan oo ah safiirka dalka JDFI  u fadhiyi doona wadamada kala ah Zimbabwi, Zambia, Mozambique, Angola, iyo mauritius.

Xafladan ayaa waxaa kasoo qaybgalay  Madaxwayne kuxigeenka ahna wasiirka Xafiiska Beeraha iyo Horumarinta Khayraadka Dabiiciga ah Marwo Sucaad Axmed Faarax, Kabinetka-deegaanka maareeyayaasha wakaaladaha  iyo waliba Agaasinada Xafiisyada iyo Wakaaldaha DDSI, sidookale waxaa xaflada iyaguna si adag uga qaybqaatay kooxaha fanka iyo suugaanta DDSI oo soo bandhigay heeso guubaabo ah islamarkaana katurjumaya Horumarka uu deegaanku gaadhay dhankasta.

Hadaba xafladan ayaa waxaa ugu horayn kahadlay Madaxwayne kuxigeenka ahna wasiirka Xafiiska Beeraha iyo Horumarinta Khayraadka Dabiiciga ah Marwo Sucaad Axmed Faarax oo sheegtay in ay aad ugu faraxsantahay xafladan qaaliga ah ee loo sameeyay safiirka da’da yar ee waxbaratay islamarkaana deegaanka udhashay mudane Mustafe Deeq Cabdisalaan, . Sidookale waxa ay xustay in ay horumarka deegaanku uu gaadhay heer-sare islamarkaana lagu garanayo aqoonyahamiinta dadyar ee deegaanka u soobaxaya maalinba maalinta kadanbaysa. Ugudanbayana waxa uu madaxwayne kuxigeenku hadalkeedii ku gabagabaysay sifarxadleh aan u wada sgootino safiirkeena iyadoo sidookalena u ducaysay safiirka in uu noqdo mid xilkiisa iyo waajibaadkiisa kasoobaxa.

Sidookale waxaa isna hadalo muhiima kasoojeediyay xaflada Safiirka Shanta wadan ee Simbaawi, Saambiya, musaambik, Angola iyo Mauritius mudane Mustafe Deeq Cabdisalaan oo sheegay in uu aad ugu faraxsanayahay xafladan qaaliga ah ee lagu sagoontinayo, waxa uuna xusay safiirku in ay kagontahay in uu kasoobaxo xilka iyo waajibaadkiisa loo idmaday islamarkaana uu noqon doono mid bulshada DDSI ay ku faraxdo. Sidookale waxa uu safiirku aad ugu mahadceliyay Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, isagoo tilmaamay in uu yahay aabaha horumarka islamarkaana fursadan qaaliga ah  ee safiirka shanwadan uu isagu sababay inay timaado.

Ugudnabayna madaxwayne kuxigeenka ahna wasiirka Beeraha iyo Horumarinta Khayraadka Dabiiciga ah Marwo Sucaad Axmed Faarax iyo waliba wasiir kuxigeenka Xafiiska Maamulka DDSI mudane Deeq Cabdulaahi Buraale ayaa siwada jir ah u gudoonsiiyay hadyad loogu talagalay safiirka shanta wadan mudane Mustaf Deeq Cabdisalaan.

Adhisababa & Munaasabadii Xuska Sanadguurada 18aad Ee Aas-aaskii XDSHSI

$
0
0

Adhisbaba( Cakaaranews ) Axad 13 March 2016, Munasabad kusaabsan sanadguuradii Kasoowareegtay aas aaskii XDSHSI islamarkaana si meeqaamsare leh loo soo agaasimay ayaa ka dhacday Xarunta dalka ee magaalada Adhisababa taasoo ay kasooqaybgaleen masuuliyiin sare oo ay kamid yihiin madaxwayne kuxigeenka ahana madaxa Xarunta Dhexe ee XDSHSI mudane Cabdicasiis Maxamed Cabdi, Golaha XDSHSI ee kadhisan magaalada adhis ababa, Taageerayaasha XDSHSI iyo waliba marti sharaf kale .

Hadaba, Munsabadan ayaa waxaa Ugu horayn kahadlay Madaxwayne kuxigeenka ahna madaxa Xarunta Dhexe ee XDSHSI mudane Cabdi Casiis Maxamed Cabdi oo halkaas kasoojeediyay qudbad dhinacyo badan taabanaysa isagoo sheegay in uu aad ugu faraxsanayahay munaasabada xuska sanadguurada 18,aad ee XDSHSI 28 magabiit, waxa uuna si qodo dheer uga qisooday sooyaalkii taariikeed ee XDSHSI iyo sidookale dhibaatooyinkii soomaray deegaanka, waxa uuna Mw kuxigeenku tilmaamay in waxqabadka iyo guulaha uu soo hooyiyay XDSHSI aan lasoo koobikarin, islamarkaana qofkasta oo jooga wadanka iyo qof kamaqanba uu makhraati kayahay in deegaanku uu yahay mid nabadgalyo ah kadib markii laga cidhib tiray nabaddiidkii ka dhaqdhaqaaqi jiray sida UBBO iyo Al-itaxaad. Ugudanabayna waxa uu tilmaamay in Hormarka deegaanku uu ku socda si xawli ah iyada oo uu xisbigu guulo wax-ku-ool ah  ka keenay adeegyada aas aasiga ah iyo waliba adeegyada kaabayaasha dhaqaale ee lagu hormarinayo dadka iyodeegaankaba.

Sidookale waxaa kahadalay munaasabadan Madaxa Arimaha XDSHSI aa magaalada adhisababa mudane deeq sheikh Cabdi iyo waliba madaxa Arimaha Syaasada ee Magalada Adhisababa marwo muxubo Cali Dhaweed oo iyaguna si faahfaasan ugahadalay xuska sanadguurada XDSHSI iyagoo sheegay in xuska 28 magaabit ay u tahay maalin qaali ah bulshada DDSI  u dhalatay  iyagoo sheegay in aysan marna iloobi doonin waxqabadka XDSHSI ee dhankasta guulaha ka keenay islamrkaana dhankooda ay muujinayaan dadaal balaadhan iyagoo xusay inay kamidho dhalinayaan qorshayasha horumarineed iyo kan nabadgalyo ee deegaanka iyo dalkaba uyaala ee GTP2 qorshaha iyo kobac isbadalka dhaqaalaha wajigiisa labaad.

Sikastaba ha ahaatee waxaa iyana xusid mudan in maalinkii shalay ay Munaasabadan mida lamida ah ay kadhacaday magaalada Diredhaba taasoo si heer sare ah loogu xusay iyada oo ay kasooqaybgaleen masuuliyiin sare oo uu kamid yahay madaxwayne kuxigeenka ahana wasiirka hormarinta magaalooyinka iyo warshadaha DDSI Mudane Cabdixakiin Cigaal iyo waliba wasiiro heerdeegan ah.

Viewing all 304849 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>