Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all 304849 articles
Browse latest View live

Mashaariicaha Degmada Qalaafe Oo Meel Fiican Maraya

$
0
0

Qalaafe (Cakaaranews) Axad 20ka March 2016 Mashaariicaha biyo xidheenada lagawado santarada fafta booya iyo deeqa ee hoos yimaada degmada qalaafe ee gobolka shabeele ayaa dhamaaday qaarna gabogabo marayaan .

Hadaba gudoomiyaha degmada qalaafe mudane axmed cabdi xuseen oo u waramay warbaahinta Degaanka ayaa sheegay  in dhamaan mashaariicihii 2008 TI loo qabtay degmada qalaafe ay hirgaliyeen Iyadoo badankood dhamaaday qaarna ay gaba gabo ku dhawyihiin wuxuuna gudoomiyuhu intaa Kudaray in hafardhaamka santarka fafta booya uu dhamaaday halka hafardhamka santarka deeqa  uu marayo  80% .

Wuxuuna  gudoomiyuhu hadalkiisi kusoo gaba gabeeyay in dhamaan mashaaricuhu ay meel fiican marayaan inta dhimana ladhamayn doona.


Xaflada Xuska Dib u curashada XDSHSI

$
0
0

Jigjiga ( Cakaaranews ) Axad, 20ka march 2016. Waxaa caawa hoolka shirarka ee qaryaan dhoodaan kadhacay xaflad lagu maamuusayay dib u curashada XDSHSI ee 8dii sano ee u danbaysay  oo ahayd xiligii uu xisbigu kutalaabsaday nabadgelyadan, horumarkan iyo maamulkan suuban ee maanta deegaanku kunaaloonayo.

Hadaba xafladan lagu xusayay dib u curashada XDSHSI oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay waliba wehelisay casho-sharaf ayaa waxaa kasoo qaybgalay mas’uuliyiinta ugu saraysa xukuumada oo uu ugu horeeyo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, madaxwayne kuxigeenada, golaha wasiirada, gadhwadeenada xafiisyada kaladuwan ee heer deegaan, kooxaha fanka iyo suugaanta deegaanka iyo marti sharaf kale.

Xafladan ayaa waxaa ugu horayn furay kooxaha fanka ee deegaanka oo masraxa kaqaaday heeso katurjumaya waxqabadkii XDSHSI ee 8dii sano ee u danbaysay.

Waxaana furitaankii xaflada kahadlay Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo kawar bixiyey sooyaalkii taariikheed ee uu deegaanku soo maray isagoo gaar ahaan xusay dhibaatadii iyo hagar-daamooyinkii shacabka soo haystay oo ay sababayeen ururadii nabadiidka, fikiradii cidhiidhyanaa iyo is qab-qabsigii xukuumadihii talada soo hayay xiliyadaas. Kuwaasoo laf dhuun gashay kunoqday horumarka. Nolosha Shacabka deegaankana khal-khal, daganaansho la’aan iyo jahawareer kuriday. Balse, wixii kadanbeeyay 2000TI oo maanta laga joogo 8sano inay tahay in hoosta laga xariiqo waxqabadyada laxaadka leh ee dhanka nabadgelyada, horumarka iyo maamulka suuban ee ay xukuumada dalka, tadeegaanka, XDSHSI, ciidanka difaaca qaranka, ciidanka gaarka ah ee DDSI iyo shacabka deegaanka oo iskaashanaya ay dhaliyeen. Taas oo kuqotonta danaynta iyo kadamqashada baahida shacabka. Waxaana tusaale u ah waxqabadyada horumarinta nolosha aas aasiga ah ee bulshada oo ay xukuumada maanta ka arimisa deegaanku kusalaysay qorshayaasheeda waxqabad. khaasatan kajawaabida baahida adeegyada aas aasiga ah oo ay ugu horeeyaan biyaha iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaale oo ay ugu horeeyaan wadooyinku.

Dhanka kalana, madaxwaynaha ayaa tilmaamay higsiga sidii looga bixi lahaa saboolnimada loogana mid noqon lahaa wadamada uu dhaqaalahoodu dhex-dhexaadka yahay. Taas oo ay xukuumadu udiyaarisay qorshayaashii lagu fulin lahaa oo ay kamid tahay in shaqo abuur loo sameeyo bulshada iyadoo iskaashatooyin la isugu xidhayo islamarkaana daymo lasiinayo, biyo-xidheenada waa wayn ee laga hirgalinayo toga faafan oo qayb laxaad leh kaqaadan doona dhanka kor uqaadida waxsoosaarka beeraha IWM.

Man United Oo Garaacdey Man City

$
0
0

Jigjiga (Cakaaranews) Axad 20ka March Kooxda man united ayaa dishay rajadii hanashada horyaalka ee dariskooda manchester city kadib markii ay 1-0  afka ciida oogu dareen  kulankii ka dhacay Etihad stadium iyagoo uga maha celinaya da yarka marcus rashford kazoo noqday ciyaar yahankii ugu yaraa ee gool kan dhaliya manchester derby.

Halka kooxda man city ay hareeyeen dhaawacyo kulankaan iyadoo isterling iyo hart dhaawacyo ay ku baxeen,man united ayaa iyana sii kordhisay fursadeeda kaalinta afraad ee champions league iyadoo haatan la dhibco ah kooxda  kaalinta 5aad ee west ham oo ay wadagaan 50 dhibcood iyagoo hal dhibic ka danbeeya Man City oo afraad ku jirta.

Hadaba kooxda man united ayaa qaybtii hore ee ciyaarta soo bandhigtay ciyaar wanaag iyo hogaan ay u qalmeen halka ay man city ay marar qaar weeraro halis ah qaadaysay hadana difaacooda ayaa ahaa mid kala dhantaalan gaar ahaan iyadoo ay ka maqnaayen Vincent company Nicolas Otamendi. Fursado uu helay jesus navas kadib Manchester united ayaa ciyaartii lawareegtay iyaga ayaana hogaanka uqabtay daqiiqadii 16aad,juan mata ayaa kubad kazoo qaatay dhexda waxaana boos wayn siiyay toure iyo fernandinho,xidiga reer spain ayaa weerar qaaday waxa uuna kubada udhigay rashford kasoo si aan inaba caadi ahayn uga tagay demichlis ka hor inta uusan kubada dhinac marinin joe hart oo kusoo baxay tasoo ciyaarata ka dhigtay 1-0 gushiina ay ku raacday kooxda man united.

 

 

 

MW CMC Iyo Xafladii Degmada Cusub Ee Shabeeleey

$
0
0

jigjiga( Cakaaranews )Isniin 21ka March 2016, Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ay weheliyaan masuuliyiin kamid ah hogaaminta sare ee xukuumada  ayaa saaka ka qaybgalay Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo loogu dabaaldagayay degmada cusub ee koonfurta jigjiga xarunteeduna tahay Shabeeleey taasoo kamid ah 25 kii degmo, 2dii MM iyo 2dii Gobol ee dhawaan baarlamaanka DDSI uu ku  ansixiyay kalafadhigiisii ugu danbeeyay.

Xafladan ayaa waxaa kasoo qaybgalay dhamaan bulshada qaybaheeda kaladuwan sida dhalinyarada, odayaasha, cuqaasha, waxgaradka, culimo-awdiinka, hooyooyinka iyo waliba qaar kamida kooxaha fanka iyo suugaanta DDSI.

Hadaba Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo si diiran loogu soo dhaweeyay xaflada dabaaldaga degmada cusub ayaa khudbad muhiim ah oo taabanaysa dhinacyo badan kajeediyay goobtaas isagoo ugu horayn shacabka deegaanka guud ahaan ugu hanbalyeey degmooyinka, Maamul-magaalooyinka iyo gobolada cusub ee u soo kordhay deegaanka gaar ahaana shacabka degmada koonfurta jigjiga ee Shabeeleey. waxuuna siqodo dheer uga hadlay ahmiyada ay uleeyihiin deegaanka ansixinta 25ka degmo,2 maamul magaalo iyo 2da gobol ee cusub isagoo sheegay in ay kaqayb qaadanayaan horumarka deegaanka ee sida xawliga ah ku socda. Iyada oo ansixinta degmooyinkan ay xukuumada kaduulayso baahida shacabka  islamarkaana lagu salaynayay si bulshada kafog goobaha adeeg-bixinta loo dhaweeyo goobihii ay adeeg kahelilahaayeen iyo waliba magaalaynta goobaha miyiga ah.

Sidoo kale, madaxwaynaha DDSI ayaa xusay dadaalada ay ku yimaadeen ansixint degmooyinkan, maamul magaalooyinkan iyo waliba goboladan cusub oo ahayd mid ay XSHDSI iyo xukuumada DDSI ay udub dhaxaad u yihiin iyo mid kutimid ciidamada difaaca qaranka, ciidanka gaarka ah ee DDSI, ciidanka federal-boliska ah iyo waliba shacabka deegaanka oo la’aantii aan waxba suurtagalin oo dhamaantood naftooda, maalkooda iyo maskaxdoodaba uhuray sal-udhigii nabadgelyada deegaanka. Waxaa  intaa dheer oo uu madaxwaynuhu kubooriyay shacabwaynaha deegaanka in ladagaalanka ururada argagixisada ah hal dhinac looga soo wada jeedsado.

Dhinaca kale madaxwaynaha ayaa tilmaamay  in degmadan cusubi ku caankutahay wax soosaarka beeraha islamarkaana shacabka ree shabeeleey qaran-joog iyo qurba-joogba ay soo maalgashadan dhanka magaalaynta iyo waliba dhanka waxsoosaarka.

Sidookale waxaa xaflada iyana dhinacooda kahadlay  suldaamo,ugaasyo iyo cuqaal iyadoo kooxaha fanka iyo suugaantuna ay soo bandhigeen heeso iyo dhaantooyin katurjumaya taariikhda degmada cusub ee shabeeleey.

Si kastaba ha ahaatee, madaxwaynuha ayaa waxuu dhagax dhigay dugsi sare oo loo dhisayo degmada shabeeleey

Ugudanbayna,madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo masuuliyiintii wahelinaysay ayaa soo indho indheeyay bandhig lagu soo bandhigayay khayraadka ay caanka ku tahay degmada koonfurta-jigjiga ee shabeeleey

Gudiga Boordhiga Caafimaadka Ee Degmda Feerfeer

$
0
0

Feerfeer ( cakaaranews ) Isniin 21 March 2016, Gudoomiyaha Degmada Feer-feer mudane Maxamed Khadar Faarax oo chairman ka ah gudiga boordhiga caafimaadka degmada ayaa saaka shirr lagalay gudiga Boordhiga Caafimaadka. Shirkaasoo ka dhacay Health Centerka isla degmada.

Hadaba  Gudoomiyaha Degmada Feer-feer mudane Maxamed Khadar Faarax  oo u waramaya shabakada wararka ee cakaaranews ayaa sheegay in Shirkani uu ahaa mid bill kasta uu layeesho gudiga boordhiga caafimaadka degmada islamarkaana  ujeedadiisu ahayd sidii loo dardar galin lahaa dhinaca shaqooyinka waxqabaka caafimaadka gaar ahaan hooyada uurka leh caruurta.

Sidookale gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in intii uu shirku socday laga wada hadlay dhanka shaqo galista xirfadlayaasha caafimaadka iyo waliba dhinaca adeeg bixinta. Ugudanabayna waxa uu sheegay gudoomiyuhu in la islaqaatay xalka dhaliilo yaryar oo jiray islamarkaana uu amaan u soo jeediyay qaarkamida xubnaha boordhiga caafimaadka  oo shaqowanaag sameeyay.

Gudoomiyaha Birqod Oo Kawarbixiyay Dhismaha Mashaariicda

$
0
0

Birqod( Cakaaranews )Isniin 21 March 2016, Qorshayaasha horumarineed ee u yaala DDSI ayaa ah kuwa ay lafdhabar u yihiin dhanka dhismayaasha mashaariicaha kaladuwan ee laga wado dhamaan degmooyinka iyo maamul magaalooyinka DDSI iyadoo mudnaan gaara ay xukuumadu siiysay dhanka mashaariicda biyo-uruurinta maadaama oo ay biyuhu ugu muhiimsanyihiin nolosha aadamaha. waxaana dhamaan degmooyinka deegaanka laga wadaa  dhismaha biyo xidheeno taasoo laga filayo in bulshada deegaanka ay waxtar balaadhan u yeelan doonaan dhanka waxsoosaarka beeraha.

Hadaba Gudoomiyaha Degmada Birqod mudane Xasan Bille Ibraahim oo u waramay shabakada cakaaranews ayaa sheegay in mashaariicaha degmada birqod ay qaar kamid ahi dhamaystirmeen meesha kuwa hadhayna ay meel fiican marayaan isagoo tilmaamay inay meel gabgabo ah marayaan mashruuca dhismaha ee biyo xidheenka wayn ee laga wado Centerka Hiinleey kaasoo loo sameeyay si heersare iyadoo cadadka biyaha uu qaadi doono uu dhanyahay 1000,000 oo mitir-kuyuub islamarkaana bulshada degmada faa’iido baladhan u yeelan doona maadaama oo looga faa iidaysan doono dhanka waraabka beeraha iyo waliba waraabka duunyada intaba.

Sidookale wuxuu gudoomiyuhu tilmaamay in rug caafimaad (Health-post) iyana laga sameeyay qabalaha Sanka-dhane islamrkaana uu meel gabogabo ah marayo 95%. Waxaakale oo uu xusay in isla qablaha sankadhane uu ka socdo biyo-xidheen kale oo ay fulinayso wakaalada dhismaha iibka iyo adeegyada gaar ah ee poliska oo isna dhismihiisu sifiican u socdo.

Degmada Qalaafe Oo Dajin Wada

$
0
0

Qalaafo(cakaaranews) Talaado 22ka march 2016 Xukuumada DDSI ayaa dadaal balaadhan ugu jirta siday ay bulshadu ugu foorarsan lahaayeen dhulka marka si taas u hiragasho ayay xukuumadu degmooyin badan u samaysay dibu dajin taniyo xiligii la bilaabay ilaa manta in bulshada xoolo dhaqatada ah loo badalo xoolo dhaqato beeraleey.

Sidoo kale degmada qalaafe ee gobolka shabeele ayaa wada dibu dajin si ay bulshadu u noqoto kuwa Dhulka wax kasoo saarta, hadaba gudoomiyaha degmada qalaafe mudane Axmed cabdi xuseen oo u Waramay shabakada wararka ee cakaaranews ayaa sheegay inay dibu dajin usameyeen in kabadan 527 Qoys,iyagoo kaashanaya xafiiska beeraha iyo horumarinta khayraadka dabiiciga ah.

Wuxuuna gudoomiyuhu hadalkiisi kusii daray in goobaha dibu dajinta loo sameeyay kala yihiin Dakhal,kunaaso,burdhedi,caashataag, iyo luuq dheere,ugu danbayna waxa uu gudoomiyuhu hadalkiisi Kusoo gabagabeeyay inay maamulka degmadu mudadii ugu danbaysay ku howlanyihiin sidii bulshada loogu baraarujin lahaa waxsoo saarka dhulka.

 

 

 

Gudiga Mashaariicda Degmada Dhanaan Oo La Wareegay Mashaariicihii

$
0
0

Dhanaan( cakaaranews )22ka March 2016, dhismaha Mashaariico cusub oo isugujira dhismo -iskuulo cusub, biyo-xidheeno iyo waliba dayactir ladayactiray barkado-biyo  kuwaaso shaqadoodu kasocotay Degmada dhanaan ayaa lasoo gabagabeeyay islamarkaana ay lawareegeen gudigii mashaariicda degmada Dhanaan.

Hadaba Kusimaha Gudomiyaha Degmada Dhanaan mudane Maxamed Aadan Daahir iyo Madaxa Arimaha Xisbiga Degmada mudane Xaasan Bashir oo u waramay shabakada cakaaranews ayaa sheegay in ay dhamaystirmeen mashaariicaha kala ah 4 iskuul oo ay 2bo kamid ahi dhismo cusub yihiin laganadhisay tuulooyinka kala ah Kali iyo Shiniile. meesha 2da kalana ay ahaayeen balaadhin iskuul oo lagu daray iskuulka kuyaala qabalaha Cowleey iyo sidookale dugsiga Gamaadiid ee kuyaala magaalada dhanaan.

Dhanka kale  waxay masuuliyiintu xuseen in ladayctiray barkad-biyo oo kutaala tuulada Cawleey iyo waliba dayctirka xafiisyadii hore ee SERP ee kuyaala magaalada.

Sidookale waxay sheegeen in iyana la dhamaystiray dhismaha Rug-Caafimaad oo laga hirgaliyay qabalaha Lammu iyo waliba dhismaha biyo-xidheen laga dhisay Laagta Ooman ee ay bulshda dhanaan kunaanaysaan hadhcad ayay timaadaa iyada oo socota oo oodaheedii wadata.

Ugudanbayna Waxay masuuliyintu tilmaameen in dhamaan mashaariicahan laga dhisay degmada ay si sharci ah ulawareegeen gudigii mashaariicda degmadu, iyagoo kala wareegay shirkadihii iyo iskaashatooyinkii qaatay dhismaha qandaraaskooda.

 


Mw Cmc Oo Dhagax Dhigay Dhismaha Mashaariicaha Kala Duwan ee Degmada Cusub ee Bilcin-buur.

$
0
0

Bilic-buur(cakaaranews) talaado,22, march, 2016, Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo   madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ay wehelinayeen masuuliyiin ay ka mid yihiin wasiirka ganacsiga iyo gaadiidka DDSI mudane Khadar Cabdi Ismaaciil, wasiirka xafiiska waraabka iyo horumarinta dooxooyinka mudane Suldaan khayr maareeyaha kuliyada macalimiinta DDSI mudane maxamuud axmed nuur, maareeye ku xigeenka ahna ku simaha maareeyaha wakaalada qurba joogta DDSI mudane cabdi khaliif (dhoonbe) wasiir ku xigeenka  xafiiska xidhiidhka arimaha dawlada dhaqanka iyo dalxiiska DDSI mudane baashe cabdi ismaaciil   iyo masuuliyiin kale  ayaa ka qaybgalay maanta xaflada loogu dabaal dagayo daah furka degmada cusub ee bilcin-buur ee gobolka jarar  taasi oo ka mid ah 25kii degmo ,2mm iyo 2 gobol ee  uu dhawaan  ansaxiyay golaha  baarlamaanka DDSI

Madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar  ayaa Furitaankii xafladan khudbad dheer oo ku salaysan ahmiyada ay leedahay in ay bilicbuur degmo noqoto iyo istaraatajiyadaha horumarineed ee ay bulshada u  leedahay sheegay .  Wuxuuna ka warbixiyay madaxwaynuhu taariikhdii iyo isbadaladii siyaasadeed nabadgalyo ee uu deegaanku soo maray iyo heerka uu maanta taagan yahay. Dhanka kale waxa uu sheegay madaxwaynuhu dhibaatooyinkii iyo naburadii ay gaadhsiiyeen nabad diidku deegaanka meelaha sida wayn ay u waxyeeyeena ay ka mid ahayd degman bilcin-buur

Wuxuuna ku booriyay madaxwaynuhu qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmadan bilcin-buur meelkasta oo ay joogaan in ay ka qayb-qaataan dhismaha degmadan bilcinbuur.

Qaybaha kala duwan ee bulshada sida odayaasha,haweenka dhalinyarada iyo waxgaradka kale oo ku dhaqan degmada bilcinbuur ayaa ka warbixiyay dareenkooda farxadeed ee ku aadan  degmada cusub ee bilcinbuu.waxayna hoosta ka xariiqeen in ay ka qayb-qaadanayaan dhismaha horumarined ee degmadan bilcinbuur

Gabagabadii xafladan ayaa waxa uu madaxwaynuhu dhagax dhigay dhismayaasha mashaariicaha kala duwan ee degmada bilcin-buur.

Madaxwaynaha iyo waftigan ayaa goor habeenimo ah ku soo dheelmaday xarunta gobolka jarar ee magaalada dhagaxbuur halkaasi oo ay caawa  u hoydeen.

 

 

Iimeey-barri Iyo Wax Soosaarka Beeraha iyo Mashaariicaha

$
0
0

Iimeeybari( cakaaranews ) Arbaco 23ka March 2016, Degmada iimay bari oo caan ku ah waxsoosaarka beeraha kana mid ah degmooyinka uu maro wabiga shabeelle islamarkaana  ah degmo kamida degmooyinka Gobolka Shabeele ayaa waxaa meel fiican maraya dhismaha mashaariicaha ay fulinayso dagmadu.

Hadaba Kusimaha Gudoomiyaha Degmada Imeey-bari mudane Ibraahim Axmed Saalax oo u waramay shabakada cakaaranews ayaa sheegay in mashaariicihii degmadu ay meel fiican marayaan meesha qaarkamida mashaariicaha ay dhamaystirmeen.

Sidookale wuxuu xusay gudoomiyuhu in ay socdaan labo dhismo oo Biyo xidheeno ah islamarkaana ay ka kala socdaan qabalaha Gudhis  iyo qabalaha kuusgeel. Wuxuuna tilmaamay gudoomiyuhu in labadan biyo xidheen ay gabo gabo yihiin.

Ugudanbayna waxuu sheegay in degmadu ay aad ugu faa iidaysato dhanka  waxsoosaarka beeraha wakhtikastana  kormeero indho indhayn ah ay kusoomaraan beeraha iyo tuulooyinka dajinta.

Dhanka kale, Kusimha madaxa Xafiiska Beeraha iyo Horumarinta khayraadka dabiiciga ah mudane cabdiraxmaan baaruud sahal ayaa isna dhinaciisa kawarbixiyay waxsoosaarka beeraha yo dajinta bulshada xoolodhaqatada ah si ay u noqdaan xoolo dhaqato beeralay isagoo sheegay in bulshada ladajiyay degmada ilaa iyo intii la bilabay dib u dajinta 2003 -2008 T.i ay kabadanyihiin 18,000  oo qoys kuwaasoo kafaa iidaysta dhul ku haboon beerashada islamarkaana ay u socdaan kanaaladii biyaha. Waxuuna tilmaamay masuulku in  ay dalagyada ugu faraha badan ee ay beertaan ay yihiin galayda,  masagada, sinsinta iyo waliba khudaarta qaybaheeda kaladuwan. Sida basasha, yaanyada, canbaha, muuska iwm.

Mw Cmc Oo Socdaal Dheer Ku Maray Mashaariico Waawayn.

$
0
0

Qabridahar (cakaaranews) Arbaca, 23, March , 2016, Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ay wehelinayaan gudoomiyaha XDSHSI ahna afhayeenka golaha xildhibaanada DDSI mudane Maxamedrashiid Isaaq Ibraahin, madaxwayne ku xigeenka ahna wasiirka horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha DDSI mudane Cabdixakiin Cigaal Cumar, wasiirka waraabka iyo horumarinta dooxooyinka DDSI mudane Suldaan Khayr, masuuliyiin sare oo heer deegaan ah iyo gudoomiyayaasha gobolada Jarar iyo Qoraxay ayaa maanta socdaal dheer ku maray mashaariicaha horumarka waara ee laga hirgalinayo gobolada jarar iyo qoraxay.

Haddaba  Ujeedada socdaalka waftigan ayaa ahayd in ay  dabagal lagu sameeyaan  geedi socodyada shaqo  ee mashaariicaha waawayn oo iskugu jirra kuwa ay degmooyinku fulinayaan iyo mashaariicaha horumarka waara ee SDG.

Waftigan oo habeenkii xalay ahaa u hoyday  magaalada dhagaxbuur ayaa waxay maanta booqdeen mashruuca biyo xidheenka laga hirgaliyay tuulada hoodaale ee degmada dhagaxbuur , Mashruuca biyo xidheenka degmada birqod  kuwaasi oo ah mashaariicaha biyo xidheenada ay fulinayaan degmooyinku

sidoo kale waftigani waxay  booqdeen mashaariicaha horumarka waare oo kala ah mashruuca  Baka, Goomaar, Wijiwaaji iyo Maraacaato kuwaasi oo ku kala yaala gobolada Jarar iyo Qoraxay waana mashaariicaha  biyo xidheenada waawayn ee looga faa’iidaynayo bulshada gaar ahaan dhinaca wax soo saarka beeraha.

Madaxwaynaha iyo waftigan ku wehelinayay socdaalka ayaa waxay mashruuc kasta oo ay booqdaan kaga dhagaysanayeen warbixinta shaqo ee mashruuca enjineerada iyo hawlwadaanada gacanta ku haya fulinta mashaariicahaasi

Dhanka kale madaxwaynaha DDSI iyo waftigan ayaa magaalooyinka iyo  tuulooyin ay mareen si  sidiiran shacabku  ugu soo dhawaynayeen. waxaana xusid mudan in  madaxwaynaha DDSI munada Cabdi Maxamuud Cumar uu goobkasta oo uu shacabka kula kulmo ku boorinayay in ay illahay baryaan oo ay  roobtoon akhristaan maadaamo oo lagu jiro xili ay roob la aani ka jirto deegaanka gaar ahaan goobaha ay waftigani marayeen.

 

Ugu danbayntii waftigan ayaa galabnimadii maanta ku soo dheelmaday magaalada qabrihadar ee xarunta gobolka qoraxay halkaasi oo ay caawo u hoyanayaan. 

Maamulka Degmada Mustaxiil Oo Kulan Layeeshay Shacabka Degmada Mustaxiil

$
0
0

Mustaxiil( cakaaranews )Arbaco 23ka March 2016, Maamulka Degmada Mustaxiil oo shir layeeshay shacabka ku dhaqan degmada kaasoo lagaga wada arinsanayay dhinaca horumarka, nabadgalyada iyo maamulka suuban islamarkaana ay kaga warbixinayeen waxqabadkooda ayaa kadhacay xarunta degmada mustaxiil ee magaalada mustaxiil.

Hadaba shirkan oo uu ugu horayn ka hadlay kusimaha Gudoomiyaha Degmada Mustaxiil ahna Madaxa Xafiiska Caafimaadka mudane Cabdiraxmaan Muxumed Daahir ayaa sheegay in shirkan ujeedadiisu tahay in bulshada looga warbixiyo dhinacyada horumarka guud ahaan deegaanka gaar ahaana degmada iyo waliba in ay muhiimtahay in nabadgalyada lagu ilaalin karo oo kaliya shacabka iyo dawlada oo iskaashanaya.

Dhanka kale waxaa isna kahadlay kusimaha Madaxa Xafiiska Arimaha Xisbiga  ahna madaxa Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha Degmada Mustaxiil mudane  Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji oo kawarbixiyay mashaariicaha u qabsoomay sanad miisaaniyadeedkan 2008 T.i  isagoo sheegay inay u qabsoomeen dhismaha mashruuca Iskuul lagadhisay qabalaha dudumoqaris oo uu fulinayay mashruuca horumarinta bulshada xoolodhaqatada ah ee (PCDP) iyo sidookale  mashruuca dhismaha biyo xidheenka laga fulinayo qabalaha xabaala -cadaw oo gabogabo ah.

Ugu danbayna waxay masuuliyiinta iyo shacabkuba carabka ku celceliyeen in ay aad u soo dhawaynayaan horumarkan balaadhan ee deegaanka guud ahaan, gaar ahaana 25ka degmo, 2bada MM iyo 2bada Gobol ee cusub islamarkaana ay aad ugu faraxsanyihiin xafladaha dabaaldaga iyo dhagaxdhiga uu dhagax dhigayo Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar.

ISKUDAY Qaybtii 5aad

$
0
0

Jigjiga( cakaaranews ) Arbaco 23ka March 2016, Fadlan adigoo kaashanaya, korodhsanayana aqoonta aad u leedahay guud ahaan dalkeena itoobiya gaar ahaana deegaankeena ISKUDAY inaad kajawaabto su’aalahan hoos kuqoran. Kadibna kuguulayso abaal marin.

Hadaba, wakhtiga loo cayimay kajawaabida su’aalahan waa 3maalmood oo ka bilaabanaysa caawa oo Ay taariikhdu tahay 23ka March. Kuna eg 26ka March 2016 Waxaadna  kadib cidii kuguulaysatay iyo jawaabihiiba aad kalasocotaan www.cakaaranews.com habeenka Arbacada ah ee 30ka March 2016.

 

NB. Abaal-marinta waxaa kuguulaysan:

  •  Qofka kajawaaba dhamaan su’aalaha.
  •  Cidii kajawaabta wakhtiga lacayimay kahor ayaa mudnaanta leh

 

Su’aaluhuna waa sidan:

 1.      Imisa boodhan (dugsiyada-agoonta) ayaa deegaanka ku yaala,xagayse ku kala yaalaan?

 2.      Sheeg taariikhdii iyo maalinkii la ansixiyay 25ka degmo, 2da MM iyo 2da Gobol?

 3.      Sheeg  Gobalkii ku guulaystay ciyaarta kubada laliska tartankii ugu danbeeyay ee 9ka Gobol iyo 4ta MM  ?

 4.      Sheeg magaca nabi-ibraahim (CS) aabihii iyo waliba magacii saxda ahaa ee Nabi-Nuux ?

 5.      Waxaad sheegtaa nabigii uu nabiyulaahi muuse adhiga u raaci jiray iyo waliba inta sano ee uu uraacayay?

 6.     Sheeg deeganada dalka ee uu maro wabiga Abaay iyo waliba   awooda enerji/quwada-koronto ee uu soo saaridoono marka uu shaqada bilaabo?

 

F.G. fadlan akhristayaashu maskaxada ha kuhayaan in ay jawaabahooda kusoodiraan  message ahaan barta aan facebook kuleenahay ee www.facebook.com/cakaaranewsface ama E-mailkan cakaarainfo@gmail.comHadaba fadlan yaysan jawaabuhu idin kanoqonin  mid lawada arkayo kadib marka barnaamijka iskuday aad ku aragtaan pageka facebooga ee Halagu soodiro ciwaanada korkaku xusan. Aad ayaan ugu- mahadcelinaynaa macaamiisha tirada badan ee kuxidhan Barnaamijkan ISKUDY.

Socdaalkii Roob-doon iyo Dhagaxdhiga Mashaariicaha Degmooyinka Cusub.

$
0
0

Qabridahar(cakaaranews) khamiis, 23,march, 2016, Waftigii uu hogaaminayay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo  ku guda jiray socdaalka loo bixiyay Roob-doon ayaa saaka aroortii hore ka bilaabay booqasho indho-indhayn ah  mashaariicaha waawayne ee ka socda maamulka magaalada qabridahar. Gaar ahaan garoonka wayn ee diyaaradaha M.M  qabridahar oo gabagabo maraya iyo cusbitaalka mm qabridahar oo dhismayaashiisa dib u habayn lagu sameeyay .

Markii ay waftigani ka anbabaxeen mm qabridahar ayaa waxay booqdeen mashruuca biyo xidheenka laga hirgaliyay tuulada dalaad ee degmada qabridahar kaasi oo la soo gabagabeeyay dhismihiisa. Sidoo kale waftigan ayaa maanta galinkii hore ka qaybgalay xaflada daahfurka iyo dhagaxdhiga mashaariicaha degmada cusub ee laas-dhankayre oo ka mid ah degmooyinka cusub ee  ku soo beeray degmooyinka deegaanka gaar ahaan  Gobolka qoraxay. Halkaasi oo uu madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar khudbadii daah-furka degmadan cusub ka soo jeediyay ka dibna dhagax dhigay mashaariicaha kala duwan ee degmada laas-dhankayre

Waftigan ayaa maanta duhurnimadii u anbabaxay dhanka iyo degmada cusub ee Eleela oo ka mid ah  25kii degmo ee uu dhawaan ansaxiyay golaha baarlamaanka DDSI kana mid ah degmooyinka ku soo biiray gobolka shabeele.

Waxaana waftigan siwayn loogu soo dhaweeyay masaafo dheerna ay dadwaynuhu kaga horyimaadaan degmada cusub ee eleela, xafladii loogu dabaal dagayey degmadan cusub  oo ay iskugu yimaadeen dadwayne aad u tiro badan islamarkaana goobta ay xafladani ka dhacaysay ahayd mid aad loo sii qurxiyay.

Waxaana furitaankii xafladaasi ka soo jeediyay khudbad dheeli tiran madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar wuxuuna ugu horayntii madaxwaynuhu ugu banbalyeeyay dadwaynaha ku dhaqan degmada cusub ee eleela xafladan lagu daah-furayo degmadan cusub iyo dhagaxdhigan mashaariicaha kala duwan ee degmadan.wuxuuna tilmaamay madaxwaynuhu in ay degmadani ahaan jirtay meelaha ka qalalsanyad helitaanka adeegyada aas aasiga ah ee horumarka islamarkaana ahayd meelaha uu naafeeyay nabad diidkii wakhtiyo hore ka dhaq dhaqaaqi jiray deegaanka. Wuxuuna sheegay madaxwaynuhu in ay tahay meel ku haboon in degmo laga dhigo taasi oo ay hadda u bilaabmidoonto helitaanka helitaanka adeegyada aas aasiga ah ee  horumarka

Wuxuuna madaxwaynuhu ku booriyay bulshada ku dhaqan degmadan cusub ee elleela in ay ka qayb-qaataan hirgalinta hawlaha horumarineed ee hadda ka bilowday degmadan islamarkaana ay xooga saaraan dhinaca wax soo saarka beeraha. Waxaa kale oo uu madaxwaynuhu carabka ku adkeeyay dhibaatooyinka iyo aafooyinka argagixisanimada iyo in dareen dheer ay bulshadu ka lahaato, si gaar ahna isha loogu qabto meelaha bacarimin karta aragtida argagixisanimada. Wuxuuna madaxwaynuhu u sheegay bulshada in ay roob-doon akhritaan.

Ugu danbayntiina waxa uu madaxwaynuhu dhagaxdhigay dhismayaasha kala duwan ee mashaariicaha degmada cusub ee elleela.

Dhankooda qaybaha kala duwan ee bulshada degmada elleela oo ka hadlay xafladaasi ayaa ka warbixiyay sida ay ugu faraxsan yihiin dhamaanba 25kii degmo 2dii maamul magaalo iyo 2dii gobol ee dhawaan uu ansaxiyay golaha baarlamaanku kuwaasi oo tilmaamay in ay siwayn uga qayb-qaadanayaan dhismaha hawlaha horumarka ee degmadan cusub.

 

Waftigan ayaa caawo xili habeenimo ah ku soo noqday xarunta gobolka qoraxay ee magaalada qabridahar halkaasi oo ay caawa u hoyden.  

Degmada Cusub Ee Ceel-Ogaadeen Oo Xadhiga Lagajaray

$
0
0

Ceel-Ogaadeen( Cakaaranews )Jumce 25ka March 2016, Gudoomiyaha Gobalka Qoraxay mudane Yuusuf Aadan Yuusuf oo ay wahelinayaan masuuliyiin heer-gobola iyo kuwo heer maamul magaalo ah ayaa ka qaybgalay xaflad loogu dabaaldagayo islamarkaana xadhiga lagagajarayo degmada cusub ee ceel-Ogaadeen taasoo kamid ah 25 kii degmo, 2dii MM iyo 2dii Gobol ee dhawaan baarlamaanka DDSI uu ku  ansixiyay kalafadhigiisii ugu danbeeyay.

Xafladan ayaa sidookale  waxaa kasoo qaybgalay dhamaan bulshada qaybaheeda kaladuwan sida dhalinyarada, odayaasha, cuqaasha, waxgaradka, culimo-awdiinka iyo hooyooyinka.

Hadaba Gudoomiyaha Gobolka Qoraxay mudane Yuusuf Aadan Yuusuf oo si diiran loogu soo dhaweeyay xaflada dabaaldaga degmada cusub ayaa khudbad muhiim ah kajeediyay goobtaas isagoo ugu horayn shacabka deegaanka guud ahaan ugu hanbalyeey qaar ahaana uhabalyeey shacabka reer qoraxay iyo waliba shacabka degmada cusub ee ceel-ogaadeen isagoo sheegay masuulku in kalafadhigii ugudanbeeyay ee baarlamaanka DDSI ay ansixiyeen 25 degmo,2 maamul magaalo iyo 2bo gobol ee cusub islamarkaana 25kii dego ee la ansixiayay ay kamid tahay degmadan ceel-ogaadeen ee ay manta xafladeeda joogaan.

Dhinaca kale wuxuu xusay gudoomiyuhu in degmadan ceel-ogaadeen ay tahay degmo ku fiican dhanka wax soosaarka beeraha islamarkaana ku booriyay dhamaan shacabka degmada ceel-ogaadeen inay maalgashadan degmadooda cusub hadii aytahay waxsoosaar beero iyo hadii aytahay magaalaynta degmada labadaba inay guntiga niisha iskaga dhigaan.

Ugudanabayna qaarkamida bulshadii ka qaybgashay oo ay ugu horeeyaan suldaamo, ugaasyo, Hooyooyin  iyo cuqaal ayaa aad usoo dhaweeyay xaflada degmada cusub ee ceel-ogaadeen iyagoo sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin degmada cusub ee loo ansixiayay islamrkaana ay u mahadcelinayaan dhamaan masuuliyiinta DDSI ee uu ugu horeeyo Madaxwaynaha DDSI Mudane  Cabdi Maxamuud Cumar, Baarlamaanka DDSI iyo waliba  XDSHSI.

.


Tababar Kusaabsan Mashruuca WASH Program

$
0
0

Donod( cakaaranews )Jumce 25ka March 2016, Tababar ay soo agaasimeen Xafiiska Caafimaadka iyo Xafiiska Waxbarashada Degmada Donod islamarkaana ujeedadiisu ahayd in fahanbuuxa laga siiyo bulshada ku dhaqan Degmada Donod  Mashruuca (WASH Progrom)

Tababarkan ayaa waxaa kasoo qaybgalay xubno tiradoodu kabadan tahay 400 oo kakala yimid dhamaan tuulooyinka iyo qabaleeyada degmada danod. Waxaana lagu barayay casharada ay kamidka yihiin ilaalinta nadaafada, faayodhawrka iyo waliba cabida biyo nadiif ah

Hadaba tababarkan ayaa furitaankiisii waxaa ugu horayn kahadlay Gudoomiyaha Degmada Marwo Cadeeya Cabdulaahi Xirsi oo sheegtay in tababrkani uu yahay mid la rabo in looga faaiideeyo bulshada ku nool degmada donod.waxayna kuladardaarantay kaqaybgalayaasha in inta uu tababarku socdo ay casharada sifiican uga faa iidaystaan islamarkaana cilmigii ay barteen ay gaadhsiiyaan bulshadii ay ka kala yimaadeen.

Ugudanabayna waxaa dhankooda kawaramay kaqaybgalayaashii tababarka oo sheegay in casharo aad faa’iido uleh ay baranayaan iyagoo balan qaaday in ay gaadhsiinayaan bulshadii ay kakalyimaadeen.

 

 

 

Mw Cmc Oo Dhagax-dhigay Dhismayaasha mashaariicaha degmada cusub ee kudunbuur.

$
0
0

Kudun-buur(Cakaaranews) jimce,25ka march, 2016, Waftigii uu hogaaminayay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ay ku wehelinayeen masuuliyiin sare oo uu ka mid yahay  madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka  horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha DDSI mudane Cabdixakiin Cigaal Cumar ayaa ka qaybgalay xaflada loogu dabaaldagayo daahfurka degmada cusub ee kudun-buur iyo dhagax dhiga mashaariicaha kala duwan ee degmadan cusub.

Waftigan ayaa markii uu gaadhay   xarunta degmadan kudunbuur waxa ay  qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmadan si balaadhan ay  ugu soo dhaweeyeen waftigan  caleemo qoyan iyo    calamaan ay kulayeen  taasi oo ay ku muujinayeen dareenkooda  farxadeed ee dabaal daga degmadan cusub iyo soo dhawaynta waftigan.  

Waxaana furitaankii xafladan ka hadlay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ugu horayntii ugu mahad celiyay bulshadan sida diiran ee loo soo dhaweeyay waftigan iyo sida quruxda badan ee loo diyaariyay goobta ay xafladu ka dhacaysay.

Madaxwaynaha  ayaa ka warbixiyay dadaalada ay xukuumada DDSI ugu jirto sidii shacabka deegaanka looga saarilahaa saboolnimada loona gaadhsiinlahaa wadamada uu dhaqaalahoodu meel dhexeedka yahay. Sidoo kale waxa uu madaxwaynuhu sharax dheerka bixiyay soonyaalkii taariikheed ee uu deegaanku soo maray  gaar ahaan dhinacyada siyaasada, nabadgalyada,horumarka iyo maamulka suuban. Madaxwaynaha ayaa si qoto dheer uga waramay aas aaskii iyo isbadalkii  XDHSI iyo sifooyinka uu kaga duwan yahay XDSHSI xisbiyadii hore u soo maray deegaanka

 

Gabagabadii xafladan ayaa waxa uu madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar dhagax dhigay dhismayaasha mashaariicaha kala duwan ee degmadan cusub ee kudun-buur oo ka mid ah 25tii degmo,2dii maamul magaalo iyo labadii gobol ee uu dhawaan ansaxiyay golaha baarlamaanka DDSI waxayna ku taalaa gobolka qoraxay.

Mw cmc Oo Ku Soo Noqday Xarunta Deegaanka ee jigjiga.

$
0
0

Jigjiga (cakaaranews) sabti, 26, march, 2016, Waftigii uu hogaaminayay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ay  ku  wehelinayeen masuuliyiin sare oo ay ka mid yihiin  gudoomiyaha XDSHSI mudane ahna afhayeenka golaha xildhibaanada DDSI madane Maxamedrashiid Isaaq Ibraahin iyo madaxwayne ku xigeenka ahna wasiirka xafiiska horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha DDSI mudane Cabdixakiin Cigaal Cumar ayaa dib ugu soo noqday xarunta deegaanka ee jigjiga.

Waftigan  ayaa maalmihii ugu danbeeyay socdaalo shaqo ku marayay gobolada jarar qoraxay iyo shabeele socdaalkaasi oo loo bixiyay socdaalka roob-doon ayaa waxay ujeedadiisu ahayd in dabagal lagu sameeyo geedi socodyada shaqo ee mashaariicaha waawayne ee ka socda goboladaasi iyo in ay waftigani soo dhagaxdhigaan Dhismayaasha mashaariicaha horumarka aas aasiga ah ee degmooyinka cusub.

Boqolmaayo Iyo Waftigii Heer Deegaan

$
0
0

Boqolmaayo( cakaaranews )sabti 26ka March 2016, Wafti Heer deegaan ah oo kaqayb Galay xaflada dabaaldaga degmada cusub ee Boqolmaayo ee Gobalka liibaan ayaa dhagax dhigay mashaariic Hormarineed.

Hadaba, Waftigan ayaa waxaa Hogaaminayey Wasiirka Xafiiska Kahortaga iyo Udiyaargarowga Masiibooyinka DDSI  mudane Maxamed Daahir, ayaa waxaana socdaalka kuwahelinayey xubno sar sare oo ay kamid ahaayeen wasiirka xafiiska xidhiidhka arrimaha Dawlada Dhaqanka iyo Dalxiiska ee DDSI  Eng.idiris ismaaciil cabdi, wasiirka xuduudaha DDSI,Gudoomiyaha Gobalka liibaan iyo Hogaamin kale.

Sidaasdarteed degmadan cusub ee boqolmaayo oo loosamayay xafald heersare ah ayaa waxaa ugu horayn lagufuray aayadaha quraanka kariimka ah kadibna waxaa qudbad dhinacyo badan taabanaysa kasoojeediyay  Wasiirka Xafiiska Kahortaga iyo U diyaargarow Masiibooyinka DDSI  mudane Maxamed Daahir, oo sheegay in kasooqaybgalka degmadan cusub ee boqolmaayo uu aad ugu faraxsanayahay isagoo aadna ugu mahadceliyay sida quruxda badan ee farxadu ku dheehantahay ee ay bulshada ree boqolmaayo u soo dhawaysay. Sidookale wasiirka ayaa tilmaamay hormarka balaadhan ee deegaanka ka hanaqaaday shantii sano ee udanabaysay iyo waliba sida uu xawliga ugu socdo horumarka DDSI.

Wasiirka oo hadalkiisii siiwata ayaa xusay in degmadani ay kutaalo meel aad u fiican oo dalsan ah islamarkaana ku haboon wax soosaarka. Ugudanabayna wuxuu masuulku ku booriyay bulshda  boqolmaayo inay degmada cusub ay maalgashadaan.

Dhanka kale, wasiirka xafiiska kahortaga iyo u diyaargarow masiibooyinka DDSI mudane Maxamed Daahir  iyo Wasiirka Xafiiska Xidhiidhka Arrimaha Dawlada Dhaqanka iyo Dalxiiska ee DDSI  Eng.idiris ismaaciil cabdi ayaa dhagax dhigay dhismaha Mashaariic  Horumarineed oo ay kamid yhiin iskuulo iyo caafimaad.

Ugudanabayntii waxaa iyaguna dhinacooda kahadlay Gudoomiyaha Gobalka liibaan, cuqaasha , waxgaradka, haweenka iyo dhalinyada  oo ka hadlay dareenkooda ku aadan xaflada degmada cusub iyo waliba dhagax dhiga mashaariicaha cusub ee lasamaynayo.

 

Wadada isku xidha Feerfeer iyo Tuulada Abaaleey

$
0
0

Feerfeer( Cakaaranews )Sabti 26ka March 2016, Geedka Garanwaaga looyaqano oo ah geed aan anfac iyo faa’iido midna u lahayn dadka iyo duunyada labadaba islamarkaana dhibaato ba’an ku haya daaqa iyo dhirta kale ee kasoobaxda dhulka, kuna faafay wadooyinkii iyo jidadkii ay bulshadu maraysay. Si loo dabargooyo geedkan cadawga ah ayaa maamulka degmada feerfeer, shaqaalaha iyo waliba shacabka ku dhaqan degmada ay siwada jir ah saaka u bilaabeen gurida geedkan iyagoo  ka bilaabay wadada wayn ee isku xidha qabalaha abaaleey iyo degmada Feerfeer.

Hadaba Gudoomiyaha Degmada Feerfeer mudane Maxamed Khadar Faarax  oo u waramay shabakada wararka ee cakaaranews ayaa sheegay in saaka subaxii ay bilaabeen shaqo balaadhan oo lagu qardaynayo ama lagu gurayo  geedka Garanwaaga oo qaatay wadooyinkii iyo meelihii dooga iyo dhirtuba kasoobaxaysay. Waxa uuna gudoomiyuhu xusay in ay gacmo wada jir wax ku gooyaan isalamarkaana ay saaka gureen geedkii garanwaaga ahaa ee qariyay wadada isku xidha magaalada feerfeer iyo centerka abaaleey taasoo lagu qabtay kaqaybgalka bulshada.

Sidookale waxa uu gudoomiyuhu xusay in shaqadan lagu dabar jarayo geedka garanwaagu aysan ahayn tii ugu horaysay  ee ay si wada jir ah  u qabtaan bulshada iyo maamulka dagmadu islamarkaana ay hada ka hor siwada jir ah uga gureen magaalada iyo waliba qayba kamida qabaleeyada.

Ugudanabayna wuxuu u mahadceliyay sida wanaagsan ee muwaadinimada leh ee ay uga qayb qaateen bulshada qaybaheeda kaladuwan ee degan degmada feerfeer, shaqaalaha, maamulka degmada feerfeer iyo waliba qaar kamida ciidanka degmada jooga.

Viewing all 304849 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>