Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all 304849 articles
Browse latest View live

Tababar Kusaabsan Mashruuca WASH Program

$
0
0

Donod( cakaaranews )Jumce 25ka March 2016, Tababar ay soo agaasimeen Xafiiska Caafimaadka iyo Xafiiska Waxbarashada Degmada Donod islamarkaana ujeedadiisu ahayd in fahanbuuxa laga siiyo bulshada ku dhaqan Degmada Donod  Mashruuca (WASH Progrom)

Tababarkan ayaa waxaa kasoo qaybgalay xubno tiradoodu kabadan tahay 400 oo kakala yimid dhamaan tuulooyinka iyo qabaleeyada degmada danod. Waxaana lagu barayay casharada ay kamidka yihiin ilaalinta nadaafada, faayodhawrka iyo waliba cabida biyo nadiif ah

Hadaba tababarkan ayaa furitaankiisii waxaa ugu horayn kahadlay Gudoomiyaha Degmada Marwo Cadeeya Cabdulaahi Xirsi oo sheegtay in tababrkani uu yahay mid la rabo in looga faaiideeyo bulshada ku nool degmada donod.waxayna kuladardaarantay kaqaybgalayaasha in inta uu tababarku socdo ay casharada sifiican uga faa iidaystaan islamarkaana cilmigii ay barteen ay gaadhsiiyaan bulshadii ay ka kala yimaadeen.

Ugudanabayna waxaa dhankooda kawaramay kaqaybgalayaashii tababarka oo sheegay in casharo aad faa’iido uleh ay baranayaan iyagoo balan qaaday in ay gaadhsiinayaan bulshadii ay kakalyimaadeen.

 

 

 


Mw Cmc Oo Dhagax-dhigay Dhismayaasha mashaariicaha degmada cusub ee kudunbuur.

$
0
0

Kudun-buur(Cakaaranews) jimce,25ka march, 2016, Waftigii uu hogaaminayay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ay ku wehelinayeen masuuliyiin sare oo uu ka mid yahay  madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka  horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha DDSI mudane Cabdixakiin Cigaal Cumar ayaa ka qaybgalay xaflada loogu dabaaldagayo daahfurka degmada cusub ee kudun-buur iyo dhagax dhiga mashaariicaha kala duwan ee degmadan cusub.

Waftigan ayaa markii uu gaadhay   xarunta degmadan kudunbuur waxa ay  qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmadan si balaadhan ay  ugu soo dhaweeyeen waftigan  caleemo qoyan iyo    calamaan ay kulayeen  taasi oo ay ku muujinayeen dareenkooda  farxadeed ee dabaal daga degmadan cusub iyo soo dhawaynta waftigan.  

Waxaana furitaankii xafladan ka hadlay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ugu horayntii ugu mahad celiyay bulshadan sida diiran ee loo soo dhaweeyay waftigan iyo sida quruxda badan ee loo diyaariyay goobta ay xafladu ka dhacaysay.

Madaxwaynaha  ayaa ka warbixiyay dadaalada ay xukuumada DDSI ugu jirto sidii shacabka deegaanka looga saarilahaa saboolnimada loona gaadhsiinlahaa wadamada uu dhaqaalahoodu meel dhexeedka yahay. Sidoo kale waxa uu madaxwaynuhu sharax dheerka bixiyay soonyaalkii taariikheed ee uu deegaanku soo maray  gaar ahaan dhinacyada siyaasada, nabadgalyada,horumarka iyo maamulka suuban. Madaxwaynaha ayaa si qoto dheer uga waramay aas aaskii iyo isbadalkii  XDHSI iyo sifooyinka uu kaga duwan yahay XDSHSI xisbiyadii hore u soo maray deegaanka

 

Gabagabadii xafladan ayaa waxa uu madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar dhagax dhigay dhismayaasha mashaariicaha kala duwan ee degmadan cusub ee kudun-buur oo ka mid ah 25tii degmo,2dii maamul magaalo iyo labadii gobol ee uu dhawaan ansaxiyay golaha baarlamaanka DDSI waxayna ku taalaa gobolka qoraxay.

Mw cmc Oo Ku Soo Noqday Xarunta Deegaanka ee jigjiga.

$
0
0

Jigjiga (cakaaranews) sabti, 26, march, 2016, Waftigii uu hogaaminayay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ay  ku  wehelinayeen masuuliyiin sare oo ay ka mid yihiin  gudoomiyaha XDSHSI mudane ahna afhayeenka golaha xildhibaanada DDSI madane Maxamedrashiid Isaaq Ibraahin iyo madaxwayne ku xigeenka ahna wasiirka xafiiska horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha DDSI mudane Cabdixakiin Cigaal Cumar ayaa dib ugu soo noqday xarunta deegaanka ee jigjiga.

Waftigan  ayaa maalmihii ugu danbeeyay socdaalo shaqo ku marayay gobolada jarar qoraxay iyo shabeele socdaalkaasi oo loo bixiyay socdaalka roob-doon ayaa waxay ujeedadiisu ahayd in dabagal lagu sameeyo geedi socodyada shaqo ee mashaariicaha waawayne ee ka socda goboladaasi iyo in ay waftigani soo dhagaxdhigaan Dhismayaasha mashaariicaha horumarka aas aasiga ah ee degmooyinka cusub.

Boqolmaayo Iyo Waftigii Heer Deegaan

$
0
0

Boqolmaayo( cakaaranews )sabti 26ka March 2016, Wafti Heer deegaan ah oo kaqayb Galay xaflada dabaaldaga degmada cusub ee Boqolmaayo ee Gobalka liibaan ayaa dhagax dhigay mashaariic Hormarineed.

Hadaba, Waftigan ayaa waxaa Hogaaminayey Wasiirka Xafiiska Kahortaga iyo Udiyaargarowga Masiibooyinka DDSI  mudane Maxamed Daahir, ayaa waxaana socdaalka kuwahelinayey xubno sar sare oo ay kamid ahaayeen wasiirka xafiiska xidhiidhka arrimaha Dawlada Dhaqanka iyo Dalxiiska ee DDSI  Eng.idiris ismaaciil cabdi, wasiirka xuduudaha DDSI,Gudoomiyaha Gobalka liibaan iyo Hogaamin kale.

Sidaasdarteed degmadan cusub ee boqolmaayo oo loosamayay xafald heersare ah ayaa waxaa ugu horayn lagufuray aayadaha quraanka kariimka ah kadibna waxaa qudbad dhinacyo badan taabanaysa kasoojeediyay  Wasiirka Xafiiska Kahortaga iyo U diyaargarow Masiibooyinka DDSI  mudane Maxamed Daahir, oo sheegay in kasooqaybgalka degmadan cusub ee boqolmaayo uu aad ugu faraxsanayahay isagoo aadna ugu mahadceliyay sida quruxda badan ee farxadu ku dheehantahay ee ay bulshada ree boqolmaayo u soo dhawaysay. Sidookale wasiirka ayaa tilmaamay hormarka balaadhan ee deegaanka ka hanaqaaday shantii sano ee udanabaysay iyo waliba sida uu xawliga ugu socdo horumarka DDSI.

Wasiirka oo hadalkiisii siiwata ayaa xusay in degmadani ay kutaalo meel aad u fiican oo dalsan ah islamarkaana ku haboon wax soosaarka. Ugudanabayna wuxuu masuulku ku booriyay bulshda  boqolmaayo inay degmada cusub ay maalgashadaan.

Dhanka kale, wasiirka xafiiska kahortaga iyo u diyaargarow masiibooyinka DDSI mudane Maxamed Daahir  iyo Wasiirka Xafiiska Xidhiidhka Arrimaha Dawlada Dhaqanka iyo Dalxiiska ee DDSI  Eng.idiris ismaaciil cabdi ayaa dhagax dhigay dhismaha Mashaariic  Horumarineed oo ay kamid yhiin iskuulo iyo caafimaad.

Ugudanabayntii waxaa iyaguna dhinacooda kahadlay Gudoomiyaha Gobalka liibaan, cuqaasha , waxgaradka, haweenka iyo dhalinyada  oo ka hadlay dareenkooda ku aadan xaflada degmada cusub iyo waliba dhagax dhiga mashaariicaha cusub ee lasamaynayo.

 

Wadada isku xidha Feerfeer iyo Tuulada Abaaleey

$
0
0

Feerfeer( Cakaaranews )Sabti 26ka March 2016, Geedka Garanwaaga looyaqano oo ah geed aan anfac iyo faa’iido midna u lahayn dadka iyo duunyada labadaba islamarkaana dhibaato ba’an ku haya daaqa iyo dhirta kale ee kasoobaxda dhulka, kuna faafay wadooyinkii iyo jidadkii ay bulshadu maraysay. Si loo dabargooyo geedkan cadawga ah ayaa maamulka degmada feerfeer, shaqaalaha iyo waliba shacabka ku dhaqan degmada ay siwada jir ah saaka u bilaabeen gurida geedkan iyagoo  ka bilaabay wadada wayn ee isku xidha qabalaha abaaleey iyo degmada Feerfeer.

Hadaba Gudoomiyaha Degmada Feerfeer mudane Maxamed Khadar Faarax  oo u waramay shabakada wararka ee cakaaranews ayaa sheegay in saaka subaxii ay bilaabeen shaqo balaadhan oo lagu qardaynayo ama lagu gurayo  geedka Garanwaaga oo qaatay wadooyinkii iyo meelihii dooga iyo dhirtuba kasoobaxaysay. Waxa uuna gudoomiyuhu xusay in ay gacmo wada jir wax ku gooyaan isalamarkaana ay saaka gureen geedkii garanwaaga ahaa ee qariyay wadada isku xidha magaalada feerfeer iyo centerka abaaleey taasoo lagu qabtay kaqaybgalka bulshada.

Sidookale waxa uu gudoomiyuhu xusay in shaqadan lagu dabar jarayo geedka garanwaagu aysan ahayn tii ugu horaysay  ee ay si wada jir ah  u qabtaan bulshada iyo maamulka dagmadu islamarkaana ay hada ka hor siwada jir ah uga gureen magaalada iyo waliba qayba kamida qabaleeyada.

Ugudanabayna wuxuu u mahadceliyay sida wanaagsan ee muwaadinimada leh ee ay uga qayb qaateen bulshada qaybaheeda kaladuwan ee degan degmada feerfeer, shaqaalaha, maamulka degmada feerfeer iyo waliba qaar kamida ciidanka degmada jooga.

Xaflada Dhagaxdhiga Mashaariicaha Degmada Cusub ee Galxamur.

$
0
0

Galxamur(cakaaranews) Sabti, 26ka March,  2016, Wafti uu hogaaminayay wasiirka   xeer ilaalinta guud iyo cadaalada  DDSI mudane Cabdijamaal Axmed Qolonbi oo ay wehelinayaan masuuliyiin uu ka mid yahay gudoomiyaha gobolka Doolo mudane Maxamuud Cali  ayaa ka qaybgalay xaflada loogu dabaal-dagayo daah-furka degmada cusub ee galxamur ee gobolka Doolo.

Waftigan oo  si meeqaam sare ah loogu soo dhaweeyay degmada cusub ee galxamur ayaa xafladaasi kula hadlay qaybaha kala duwan ee bulshada ka soo qaybgashay dabaaldaga xafladan lagu daah furayo degmadan cusub.

Waxaana ugu horayntii ka hadlay xafladaasi wasiirka  xeer ilaalinta guud iyo cadaalada DDSI mudane Cabdijamaal Axmed Qolonbi oo ugu hanbalyeeyay xaflada dabaaldaga degmadan qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmadan cusub ee galxamur. Wuxuuna sheegay in ay xukuumada DDSI dadaal xoogan ugu jirto sidii ay shacabka deegaanka uga saarilahayd saboolnimada. Wuxuuna tilmaamay masuulku in degmooyinkan cusubna yihiin kuwo qayb wayn ka qaadanaya hirgalinta hawlaha horumarka. Isaga oo ku booriyay bulshada in ay ka qay-qaataan hirgalinta hawlaha horumarka degmadan cusub ee garxamur.  

Waxaa kale oo ka hadlay xafladaas  qaarkamida bulshadii ka qaybgashay oo ay ugu horeeyaan suldaamada, ugaasyada,  cuqaal iyo haweenka kuwaasi oo aad  usoo dhaweeyay xaflada degmada cusub ee galxamur  iyagoo sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin degmada cusub ee loo ansixiayay islamrkaana ay u mahad celinayaan dhamaan masuuliyiinta DDSI ee uu ugu horeeyo Madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar, XDSHSI, iyo hogala  Baarlamaanka DDSI  

Shir Balaadhan Oo Looqabtay Dhalinyarada Degmada Feerfeer

$
0
0

 

Feerfeer( cakaaranews )Axad 27ka March 2016, Shir ay ujeedadiisu tahay dardargalinta iyo sii xoojinta nabadgalyada iyo horumarka islamarkaana ay kasoo qaybgaleen dhalinyarada degmada feerfeer ayaa saaka ka qabsoomay xarunta degmada feerfeer ee magaalada feerfeer.

Hadaba shirkan ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay Madaxa Arimaha Xisbiga Degmada Feerfeer mudane Maxamuud Maxamed Cabdi oo sheegay in dhalinyaradu ay doorka ugu muhiimsan ku leeyihiin taabagalka horumarka iyo nabadgalyada ka hanaqaaday guud ahaan deegaanka gaar ahaana degmada feerfeer. Waxa uuna xusay masuulku in dhalinyartu ay sii xoojiyaan nabadgalyada iyo waliba kaqaybgalka horumarka kasocda degmada islamarkaana hal abuur iyo waxsoosaar ay la yimaadaan.

Dhanka kale waxaa isna kahadalay shirkan Madaxa Xafiiska Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Degmada Feerfeer Cabdikhadar Shaafici oo sheegay in dhalinyardu ay yihiin jiilkii badali lahaa hogaaminta islamarkaana ay ku dadaalaan dhanka waxbarashada iyo waliba sportiga qaybihiisa kaladuwan si ay guulo uga soo hooyiyaan tartamada degaanka iyo dalkaba kadhacaya ee dhanka sportiga islamarkaana xafiisku uu lagarab taaganyahay taageero buuxa.

Ugudanabayna waxaa iyaguna dhinacooda kahadlay dhalinyaradii kasoo qaybgashay oo sheegay inay aad ugu faraxsanyiin shirkan uu maamulka iyo xafiiska dhalinyaradu u qabtay waxayna sheegeen in ay u soo jeediyeen codsiyo iyo waliba mahadcelin sida ay ula garab taaganyihiin waxyaabihii ay u baahnaayeen sida haday tahay goobihii mada daalada iyo waliba dhisida iskaashatooyinkii waxsoosaarka. ugudanabayna waxay balan qaadeen inay kashaqaynayaan nabadagalayada iyo horumarka labadaba.

 

 

 

Tuulada Badiilacad Oo Waxsoosaar Balaadhan Sameeyay

$
0
0

Goday( cakaaranews ) Axad 27ka March 2016, Mudo laga joogo 5sano oo kaliya ayaa ahayd wakhtigii ay xukuumada DDSI ee uu majaraha u hayo XDSHSI ay qaadatay nidaamkii lagu horumarinayay xoolodhaqatada deegaanka ee ahaa in xoolodhaqatada loo badalo xoolo dhaqato beeraleey (pastoralist to Agro-Pastoralists).Tuulada Badiilacad ee hoostagta maamulka Degmada Goday ayaa kamid ah goobihii ugu horeeyay ee dajinta Xoolo dhaqato-beeraleeyda islamarkaana bulshadii ladajiyay ay waxsoosaar balaadhan samaeeyeen.

Hadaba Gudoomiyaha Degmada Goday Mudane Xasan Cali Cabdi oo uwaramay shabakada wararka ee cakaaranews ayaa sheegay in bulshada dajinta loo sameeyay ee dagan qabalaha Badiilacad ay isku filaansho gaadheen una gudbeen (cash crop production) islamarana wax-soosaarka beera-hooda ay u suuq-geeyaan magalada Goday, dhanaan iyo goobakale.

Sidokale wuxuu gudoomiyuhu xusay in taageero aan kala go’o lahayn ay lagarab taaganyihiin hadii aytahay dhanka matorada, shidaalka iyo hadii ay tahay adeeg-bixinta adeedyada aasaasiga ah ee waxabarashada, caafimaadaka, biyaha  iyo waliaba nidaamka maamulka suuban

ugudanbayna waxa uu tilmaamay in bulshadu ay aad ugu diirsadeen dajinta loo sameeyay islamarkaana ay aad ugu mahadcelinayaan illaahay iyo XDSHSI.


Xalfada Gobolka Nogob Ee Xaruntiisu Tahay Degmada Ceelwayne

$
0
0

Ceelwayne(Cakaaranews) isniin 28 march 2016 Xalfad si heer sare loosoo agaasimay oo lagu daah furayay gobolka cusub ee xaruntiisu tahay ceelwayne ayaa manta ka qabsoomtay xarunta gobolka nogob ee degamada ceelwayne.

Xalfadan oy kasoo qayb galeen  masuuliyiin ka socday heer degaan oo uu harkacayay wasiirka maaliyada horumarinta dhaqaalaha iyo maareeyaha wakaalada jidadka marwo faadumo cabdulaahi dakhal qaybaha kaladuwan ee bulshada sida odayaasha dhaliyarada haweenka iyo marti sharaf kale oo kaladuwan.

Hadaba xalfadan ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay Wasiirka Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha mudane Axmed Cabdi Maxamed isagoo sheegay in gobolkan ee cusub ee nogob uu yahay guul usoo hoyatay dhamaan shacabwaynaha DDSI khasaatan dhamaan degmooyika hoosyimaada gobolka nogob ee xarantiisu tahay ceelwayne,isagoo wasiirku hadalkiisi kusiidaray in shacabka ku dhaqan ceelwayne ay ka qayb qaataan horumarka kasocda degaanka waxa uuna masuulku u hambalyeeya shacabka ku dhaqan degmada ceelwayne ee xarunta gobolka nogob.

Sidoo kale waxa iyana dhankooda ka hadlay qaar kamid ah odayaasha iyagoo sheegay inay soo dhaweeyeen gobolkan cusub ee xaruntiisu tahay degmada ceelwayne ee dhawaan lagu ansixiyay kala fadhigii ugu danbeeyay ee barlamaanka waxayna odayaashu intaa ku dareen inay aad ugu faraxsanyihiin axsixinta 2da gobol 2da mm iyo 25ka degmo iyagoo sheegay inay tani tahay mid aan waligeed horay u dhicin balse ay ku timaaday dadaalka XDSHSI uu oogu jiro shacabka DDSI siduu uu ku gaadhi lahaa horumar waara.

Tababar kusaabsan Sharciga Suuq-gaynta Xoolaha DDSI

$
0
0

Jigjiga( cakaaranews )Isniin 28ka March 2016, Tababar uu soo agaasimay Xafiiska Xoolaha iyo Horumarinta Reer-guuraaga DDSI Geedi Socodkiisa Suuqgaynta Xoolaha islamarkaana ujeedadiisu ahayd sii xoojinta iyo sharciyaynta nidaamka suuqgaynta xoolaha iyo sidii looga wada tashan lahaa ladagaalanka ganacsiga xoolaha sharcidarada ah ayaa kadhacay hoolka shirarka ee Xafiiska Beeraha iyo Horumarinta Khayraadka Dabiiciga ah.

Tababarkan ayaa waxaa kasooqayb galay 84 xubnood oo ka kalayimid 20 degmo oo xuduudaha deegaanka kuyaala iyagoo ku baranayay casharo laxidhiidha shuruucda ganacsiga xoolaha iyo waliba sidii loola dagaalami lahaa hal dhinacna looga soo wada jeedsanlahaa.

Hadaba tababarkan ayaa waxaa ugu horayn  furitaankiisii kahadlay wasiir kuxigeenka  Xafiiska Xoolaha iyo Horumarinta Reermiyiga Mudane Cali Cumar Axmed oo sheegay in tababarkani uu yahay mid lagu baranayo casharo muhiim ah islamarkaana hirgalintiisa faa iido balaadhan u leh deegaanka. Sidookale wuxuu xusay masuulku in kaqayb galayaashu ay sifiican uga faa iidaystaan islamarkaana ay ilaaliyaan saacadaha waxbarashada casharada ay barteen ay ka dhaqan galiyaan goobihii ay ka kala yimaadeen.

Sidookale waxaa isna dhinaciisa kahadlay Gadhwadeenka Geedi Socodka Suuq-gaynta Xoolaha mudane Mustafe Maxamed Xuseen oo sheegay in tababarkan uusan ku koobnayn tababar oo kaliya balse ay  garab socoto wada tashi iyo fikir iswaydaarsi. Waxuuna masuulku intaa kudaray in tababarkani uu qayb ka yahay qorshayaasha u yaala geedi socodka ee ku qotoma ladagaalanka ganacsiga xoolaha ee sharci darada ah iyo waliba in dhamaan deegaanka ganacsatada xoolaha ka ganacsata ay fahan buuxa ka qaataan gaar ahaana degmooyinka xuduudaha ku yaaala ay sifiican uga hirgasho ladagaalanka sharcidarada ganacsiga xoolaha.

Ugudanabayna kaqaybgalayaashii tabaabrkan ayaa iyaguna xusay in ay aad ugu faraxsanyihiin islamarkaana ay qaadanayaan casharo muhiima oo ku aadan shuruucda suuqgaynta xoolaha iyo waliba sidii loola dagaalami lahaa sharcidarada ganacsiga xoolaha waxayna tilmaameen dhinacooda inay hirgalinayaan ladagaalanka sharcidarada ganacsiga xoolaha.

Goteborg iyo dabaal daga Sanad guurada 18aad ee XDSHSI.

$
0
0

Goteborg, (cakaaranews) isniin, 28da, March, 2016 Waxaa Munaasabad Siwayn Loo Soo Maamuusay Loo Qurxiyay Ka Dhacday Magaalada Göteborg Dalka Sweden. Waxaana  Munaasabadan Oo Loogu  Dabaal Dagayay  sanad guuradii 18aad ee ka soo wareegtay aas aaskii  XDSHSI

Munaasabadan oo  Maalmihii Ugu Danbeeyay Si Balaadhan   Loogu Sii Diyaar Garoobayay taasi oo ay Jahliyadda DDSI Magaalada Göteborg Ay Ku Muujinayeen Jacaylka Maalintan Ay U Qabaan Ayaa Jawi Aad U Qurux Badan Uga Qabsoontay Hoolka Shirarka Jaaliyadda Göteborg

Munaasabadaasi Ayaa Waxaa Ka Soo Qaybgalay Masuuliyiin Sare Ka Tirsan Safaarada Dalka Sweden Uu Ka Mid Yahay Qunsulka Mudane Dr. Hussein Ahmed Omer Iyo Mas’uuliyiin Kale Jaaliyadda Magaalada Göteborg Uu Kamid Yahay Gudoomiyaha Jaaliyadda DDSi Ee Magaalada Göteborg Mudane Abdiaziz Serar Hashi Iyo Marti Sharif Kala Jaaliyadda DDSI Ee Norway Ka Socotay

Ugu Horayntii Waxaa Munaasabadan Lagu Furay Heesta Calanka DDSI Waxaana Khubadii Furitaanka Ka Soo Jeediyay Qunsulka Mudane Dr. Hussein Ahmed Omer Wuxuuna Ugu Horayntii Ugu Hanbalyeeyay Shacabka Deegaanku Meel Kasta Oo Ay Joogaan Dalka Iyo Dibadaba Xuska Mudaanabadan Qaaliga Ah.Wuxuuna Qunsulka Ka Warbixiyay Dadaalada Xoogan Loogu Jiro Guul Ka Gaadhista Ka Midho Dhalinta Qorshihii Growth And Transformation Plan  (GTP2)  Isbadalka Koboca  Dhaqaalaha Ee 5 Sano Ee Uu Dalka Iyo Deegaankuba Kaga Mid  Noqonayaan Wadamada Uu Dhaqaalahoodu Dhex Dhexaadka Yahay.

Waxaa Kaloo Halkaasi Kahadlay Gudoomiyaha Jaaliyadda DDSI Ee Magaalada
Göteborg Sweden Mudane cabdicasiis  Seeraar Xaashi Wuxuuna Ugu Horayntii Ugu Hambalyeeyay Shacabka Deegaanku Meel Kasta Oo Ay Joogaan Dalka Iyo Dibadaba Xuska Mudaanabadan Qaaliga Ah. 18 Guuradii Ka Soo Wareegtay Aas Aaska XDSHSI

Wuxuuna Gudoomiyuhu   Si Qoto Dheer Uga Warbixiyay Guud Ahaanba Guulaha Uu Xisbigu Sanadihii Ugu Danbeeyay Ka Soo Hooyay Dhinacyada Nabadgalyada Horumarka Iyo Maamulka Suuba Iyada Oo Si Dhabka Looga Guul Gaadhay Adeegyada Aas Aasiga Ah Ee Baahiyaha Shacabkeena Sida Helitaanka Biyaha Nadiifta Ah, Adeega Caafimaadka, Waxbarashada Beeraha Dib U Dajinta Jidadka Iyo Kor U Qaadida Guud Ahaanba Koboca Dhaqaalaha DDSI  Iyo Waliba Hiigsiga Gaadhsiinta Shacabka Deegaanka Horumar Waaro Oo Aan Soo Noqod Lahayn.

 Waxaa Kaloo Halkaasi Ka Hadlay Khadka Telefoonka Kaga Qeybgalay madaxwayne ku xigeenka ahna  Madaxa Xarunta Dhexe Ee XDSHSI Mudane Cabdicasiis  Maxamed cabdi  Oo Uu Mahad Celiyay Dhamaan Jaaliyadda DDSI Ee Magaalada Göteborg Sweden Sida Sharafta Leh Ay U Soo Agaasimeen Xaflada Qiimaha Badan Ee Lagu Xusayo Sanadguuradii Ka Soo Wareegtay Aas Aaska XDSHSI 18aad Mudane Cabdicasiis Ayaa Ka Warbixiyay Taariikhdii Uu Xisbigu Soo Maray Iyo Guulaha Uu Gaaray XDSHSI

madaxwayne ku xigeenka  Ayaa Uga Mahad Celiyay Ka Soo Qeybgalayaasha Shirka Wuxuu Hambalyo U Diray Dhamaan Xubnaha XDSHSi Iyo Taageerayaasha Xisbiga Dalka Iyo Dibada Shirkaasi Ayaa Wuxuu Ku Dhamaaday Farxad Iyo Guul

 

 

Degmada Mustaxiil Iyo Dajinta Xoolo Dhaqato-Beeralayada

$
0
0

Mustaxiil( Cakaaranews )Talaado 29ka March 2016, Walaw oo ay degmada mustaxiil kamid tahay degmooyinka uu maro wabiga shabeele islamarkaana ay ka hirgashay dajinta xoolo dhaqato beeralaydu ayaa hadana waxaa si habsami leh uga socota dajinta qoysakii,  diyaarinta dhul beeraadkii iyo waliba kanaaladii biyaha ahaa ee waraabka beeraha cusub.

Gudoomiyaha Degmada Mustaxiil Mudane Daahir Cismaan Sagal oo u waramay shabakada wararka ee cakaaranews ayaa sheegay in dhanka dajinta bulshada ay degmado qaaday talaabooyin muhiima oo ku dayasho mudan maadaama oo uu qorshihii dajinta degmadu ahaa 280 qoys in ladajiyo sanadkan 2008 islamarkaana ay ku guulaysteen in sanadkan ay dajiyaan qoysas tiradoodu kor u dhaafayso 709 qoys iyad oo qoysaskaasna lakaladajiyay 11ka  qabalee eek ala ah Godcaro, Faguug, Sadexbaar, Kobane, Mirdhis, Qaboobe, Eyoole, iyo waliba qabalaha Faruq.

Dhanka kale waxa uu masuulku xusay in iyana ay jiraan mashaariico sanadkan dhamaaday kuwaasoo kala ah Ceel-gacmeedyo laga kala fuliyay centerada dudumo qaris iyo sadexbaar

Ugudanabayna waxuu tilmaamay Gudoomiyuhu in ay bulshadu aad u fahantahay faa’iidooyinka xoolo dhaqato beeralayda kadib markii kuwii ugu horeeyay ee ladajiyay ay aragtay bulshadu sida ay uga faa iideen wax-soosaarkoodii, ayay bulshada inteedii kalana ay kudayanaysaa.

Xaflada Gota Biki

$
0
0

 

 

 

Gota biki (Cakaaranews) Talaado 29ka March 2016 Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay kasoo qayb galeen masuuliyiin heer deegaan ah oo uu hor kacayay madaxa arimaha siyaasada XDSHSI mudane cumar maxamuud cabdi,  mayarka maamulka Magaalada dire dawa mudane ibraahim cismaan faarax, wasiirka xafiiska dhalinyarta iyo ciyaaraha ddsi mudane maxamed bile, maamulka gobolka siti, ayaa si heer sare ah uga qabsoomtay  degmada cusub ee goota biki ee gobolka siti.

Hadaba xafladan oo ay kasoo qayb galeen bulshada qaybaheeda kala duwan sida odayaasha, haweenka, Dhalinyarta, iyo marti sharaf kale ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay madaxa xarunta dhexe xdshsi    Mudane cumar oo sheegay in degmadani ay kamid tahay 25kii degmo 2dii gobol iyo 2dii mm ee Dhawaan lagu ansixiyay kalafadhigii ugu danbeeyay barlaamanka waxa uuna masuulku u hambal yeeyay Shacabka ku dhaqan degmada cusub ee gota biki isagoo ku dhiiriyay inay horumariyaan degmada garab Joogsadaana xukuumada ddsi .

Ugu danbayna waxa uu masuulka iyo masuuliyiinta kale ee wehelinayayba ay si wada jir ah u dhagax dhigeen mashaariico horumarineed oo kala duwan

Sidoo kale waxa iyana dareenkooda ka hadlay qaar ka mid ah bulshada degamada iyagoo sheegay inay Aad ugu faraxsanyihiin degmada cusub ee gota biki soona dhaweyeen dhamaan 25kii degmo 2dii gobol Iyo 2dii mm ee dhawaan lagu ansixiyay kalafadhigii ugu danbeeyay barlaamanka waxayna balan qaadeen inay xdshsi ay horay u garabjogeen hadana garabtaagnaan doonaan.

 

 

 

La dagaalanka Caadoyinka Xun xun.

$
0
0

Ceelkari(Cakaaranews) talaado, 29ka March, 2016 waxaa lagu soo gabagabeeyay  magaalada Ceelkari ee xarunta degmada ceelkari  gobolka afdheer tababar ay ujeedadiisu ahayd  la dagaalanka iyo dabar goynta  caadooyinka  xun-xun.

Tababarkaa oo uu soo agaasimay xafiiska arimaha haweenka iyo caruurta ee degmada ceelkari ayaa waxa loo  qabtay  323 qof oo ka socday 15 qabalee oo ka mid ah degmada ceelkari kuwaasi oo iskugu jiray   dhalinyaro, haween culimo awdiin iyo waxgarad iyada oo ay  soo xidhitaankii tababarkaasi ay ka  soo qayb-galay masuuliinka socday maamulka gobolka, iyo masuuliyiinta degmada ceelkari.

Tababarkaasi oo socday mudo todobaad ah,  ayaa waxa  xidhitaankiisii  ka hadashay    Madaxa xafiiska  arimaha haweenka iyo caruurta ee degmada ceelkari  marwo Suufiya Xaaji oo sharax dheerka bixisay dhibaatooyinka ay leeyihiin caadooyinka xun-xun ee soo jiraanka ah gaar ahaan dhibaatooyinka ay ku hayaan haweenka  sida gudniinka fircooniga ah iyo guurka deg deg ah. Waxayna ka warbixisay jihooyinka iyo  qorshayaasha u dajisan xukuumada DDSI ee  lagu cidhibtirayo caadooyinka xun xun iyada oo ku boorisay ka qaybqaatayaashii tababarkan in ay sidii loogu talagalay u fuliyaan  cilmigii ay ku barteen mudadii uu tababarku socday.

Buur-cukur Iyo Qoysas Ka Qalinjabiyay 16ka Xidhmood Ee Fidinta Caafimaadka

$
0
0

Buurcukur( cakaaranews )Talaado 29ka March 2016 Qoysas tiradoodu kabadan tahay 200 oo qoys islamakaana baranayay mudo 4 bilood ah 16ka Xidhmood ee Fidinta Caafimaadka qoyska, tababarkuna uu uga socday Centarka Buurcukur ee hoostaga Degmada Feerfeer ayaa maanta xafladii qalin-jabintoodu ay ka dhacday isla centerka Buur-cukur.

Hadaba xafladan ayaa waxaa kasoo qaybgalay Gudoomiyaha degmada Feerfeer mudane Maxamed Khadar Faarax, madaxa Xafiiska Caafimadka degmada Feerfeer Cawaale axmed mursal, madaxa Xafiska Arimaha Haweenkadegmada Feerfeer Canab Cabdi Samad oo dhamaantood sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin kasoo qaybgalka xafladan qalinjabinta ah iyagoo u hanbeelyeey qoysaskii ka qalinjabiyay islamrkana kula dardaarmay inay cilmigii ay barteen ay gaadhsiiyaan qoysaskii kale ee aan fursadan helin

Dhanka kale gudoomiyaha degmada Feerfeer mudane Maxamed Khadar Faarax ayaa qalinjabiyaashii gudoonsiiyay shahaado cadaynaysa waxbarashadoodii iyo mudadii ay baranayeen

Ugudanbayana waxaa dhinacooda kahadlay qaarkamida hooyooyinkii qalinjabiyay oo sheegay inay aad ugufaraxsanyihiin qalinjabinta ay ka qalinjabiyeen 16ka xidhmood ee fidnta caafimaaka waxayna tilmaameen inay sii gaadhsiinayaan qoysaska aan fursadan helin.


MW CMC Oo Furay Shirkii Golaha Amaanka

$
0
0

Jigjiga( Cakaaranews ) Arbaco, 30ka march 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa saaka furay shirkii golaha amaanka ee deegaanka oo kaqabsoomay hoolka shirarka ee xarunta madaxtooyada.

Shirkan ayaa waxaa kasoo qaybgalay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, dhamaan hay’adaha amniga ee deegaanka oo uu ugu horeeyo wasiirka xafiiska nabadgelyada, maamulka iyo cadaalada mudane Yaasiin Cabdi Waris, gudoomiyeyaasha gobolada deegaanka, talisyada kifladoorada ciidamada difaaca qaranka koonfur bari iyo wafti balaadhan oo Somaliland kasocotay oo uu hogaaminayo wasiir kuxigeenka wasaarada arimaha dibada somaliland mudane Maxamed Yuusuf Diiriye.

Hadaba, madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo si rasmi ah u furay shirkaas ayaa ugu horayn soo dhaweeyay dhamaan mas’uuliyiinta kasoo qaybgalay shirka gaar ahaana waftigii kasocotay Somaliland isagoo kahadlay dhanka abaarta ay keentay isbadalka cimilada ee roob la’aanta oo saamaysay meelo badan oo dunida ah oo ay kamid yihiin deegaankeena iyo somalilandba. Wuxuuna madaxwaynuhu sheegay inay jiraan 10 gaadhi oo calafka xoolaha deegaankeena kasoo go’ay sida oo ah deeq loo diyaariyay xoolaha xuduuda labada dhinac kunool iyo waliba xoolaha Somaliland labadaba si aysan abaartu u waxyeelaynin.

Sidoo kale, madaxwaynaha ayaa sheegay in shirka oo sii socon doona lagu lafa-guri doono ajandayaashii dhanka sii xoojinta xaalada nabadgelyada xuduudaha iyo kor uqaadida xidhiidhka labada dhinac.

Si kastaba ha ahaatee, shirkan golaha amaanka ee kafurmay xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga ayaa lafilayaa inay kasoo bixi doonaan guulo wax ku ool ah oo sii xoojiya nabadgelyada iyo horumarka shacabka labada dhinac.  

Degmada Baareey Iyo Mashaariicaha Dhamaaday

$
0
0

Baareey( Cakaaranews )Arbaco 30ka March 2016, Waxaa si habsami leh looga dhamaystiray degmada baareey ee gobalka afdheer Mashaariic dhismo oo ay kamidyihiin biyo xidheen wayn, Ceelal, iskuulo, iyo waliba Rugo Caafimaad islamarkaana laga kaladhisay qabaleeyada hoosyimaada Degamada.

Hadaba Gudoomiyaha Degmada Baareey mudane Axmed-daahir Cabdi Amaan oo u waramay shabakada wararka ee cakaaranews ayaa sheegay in sanad miisaaniyadeedkan 2008 laga dhamaystiray Degmada Baareey mashaariicaha ay kamid ka yihiin  biyo xidheen wayn oo laga dhisay tuulada Guuleed iyo 2 ceel biyood oo laga kala sameeyay Tuulooyinka kuyaala xuduudaha ee kala ah Ceel-Dhuub  iyo SIrsire.

Sidookale waxa uu gudoomiyuhu xusay in ladhamaystiray Rug caafimaadka Xoolaha (Animal Health Post) islamarkaana laga dhisay qabalaha  Faruq iyo sadex iskuul oo laga dhisay qabaleeyada kala ah Dhancadii, Ceel-xare, qabalaha Daruur Masala-aduun iyo waliba qabalaha waydaal oo isagana laga dhisay Rug caafimaadka dadka ah (Human Health post)

Waxuuna masuulku hadalkiisii ku gabagabeeyay in mashaaricahan lagu dhisay miisaaniyada dagmada iyo waliba mashruuca Hormarinta Xoolodhaqatada ee PCDP.

 

War deg-deg ah: Magacaabis Cusub

$
0
0

Jigjiga( Cakaaranews ) Arbaco, 30ka march 2016. Waxaa saaka Xafiiska Kahortaga  iyo Xakamaynta AIDSka DDSI loo magacaabay marwo xildhibaan Kaamil Axmed Nuur  oo ah muwaadin u dhalatay deegaanka ahna gabadh heerka aqoonteedu tahay Master baratay cilmiga maaraynta. Lehna karti, khibrad dheer oo shaqo iyo bisayl siyaasadeed iyo mid hogaamineedba.

 

Jawaabaha Su'aalahii Iskuday Qaybtii 5aad

$
0
0

Jigjiga ( Cakaaranews ) Arbaco 30ka March  2016 Waxaan akhristayaasha sharaftaleh wargalinaynaa in ay akhristaan jawaabaha su’aalihii  kabaxay barnaamijka ISKUDAYQaybta 5aad ee shabakada cakaaranews habeenkii Arbacada ahaa ee 23ka March 2016.

F.G waxaan u mahadcelinaynaa dhaman akhristayashii iskudayay islamarkaana kajawaabay su’aalaha qaarkood, maadaama shuruudaha shilimaadku ahaa in laga wada jawaabo dhamaan su;aalaha, iyo qofka uga hor jawaaba, waxaan u rajaynaynaa inay kajawaabi doonaan su aalaha barnaamijyada danbe.

Hadaba yaa ku Guulaysatay Shilimaadkii ISKUDAY Qaybteedii 5aad, Talaw yuu noqon Doonaa ?

A) Waxaa ku guulaystay shilimaadka  muwaadinka magiciisa la yidhaahdo:

1 .mahamed ahmed mahamud faceboog ku so jawaabay 1:35 AM aroor nimo jamce ah march 25  2016

Waxaa iyana xusid mudan oo iskuday 99% ah sameeyay muwaadiniinta kala ah dulane omar,daahir mahad,xarbi maxamed xarbi,barkhad said,

F.G Hadaba waxaan wargalinaynaa muwaadinka ku guulaystay in uu telefon Numberkiisa  noogu soo diro isagoo noogu soo diraya ciwaanada hoose oo ah kuwii ay jawaabaha kusoodireen..

Jawaabaha Suaaluhuna sidan ayay sax ku yihiin:-

  1.  Waxaa deegaanka kuyaala  4 boodhan ookla ah 1 boodhinka jigjiga 2 boodhinka fiiq 3 boodhinka shaygoosh 4 boodhinka gashaamo
  2.  waxaa la'ansixiyay daegmoyinka iyo gobolada mm cusub taariikhdu markay ahayd sabti 27/2/2016 
  3.  Waxaa kuguulaystay gobolka Qoraxay
  4.  Magacii nabi ibrahim aabihii wuxuu ahaa ASAAR magaca saxda ah ee nabi nuuxna waa CABDI QAFAAR.
  5.  Nabigii uu nabiyulahi muuse adhiga uraaci jiray waa:NABI SHUCAYB WUXUUNA URACAYAY 10 SANO
  6.  Deeganada uumaro wabiga- abaay waa:-BINASHANGUL,  Amhara,iyo TIGREY wuxuuna soosari doonaa quwad koronto oodhan 6KUN OO MEGA WAT (6000MW)

Hadaba waxaan macaamiisha  sharaftaleh ee akhrista Shabakada Cakaaranews inay barnaamijkan ISKUDAY kalasocdaan habeenkasta oo arbaco ah islamarkaana ay jawaabahooda iyo talobixinadooda noogu soodirikaraan ciwaanadan:-- www.facebook.com/cakaaranewsface ama E-mailkan cakaarainfo@gmail.com

Ciidanka Gaarka ah Ee DDSI Ee Ka Hawlgala Nawaaxiga Degmada Feerfeer

$
0
0

Tuulada Abaaleey( cakaaranews )Arbaco 30ka March 2016, Rijimantiga 33 aad ee ciidanka booliska gaar ka ah ee Liyu-Police islamarkaana kahawlgala nawaaxiga Degmada Feerfeer  ayaa beerr ay ka beereen qabalaha Abaaleey ka soo guray Qarre ama Xab-xab tiradiisu kabadantahay700 midh islamarkaana u qaybiyay bulshadii halkaas joogtay kuna dhiiri galiyay bulshadii looqaybinayay in dhulka oo labeerto ay faa iidadaas leedahay.

Hadaba taliyaha ciidamada-Gaarka ah qaybta degan nawaaxiga Feerfeer Shalaaqe Cabdulaahi Aadan oo u waramay shabakada cakaranews ayaa sheegay in beertan ay ciidanku kubeereen dalagyo kaladuwan oo ay kamid yihiin Galayda, Canbaha Yaanyada Mooska iyo waliba qaraha, islamrkaana dhulka ay ka beereena uu dhanyahay 20 higtar.

Wuxuuna shalaaquhu xusay in maanta ay ciidanku soo gureen qarre bislaaday oo tiradiisu kabadantahay 700 midh islamarkaana bulshadii aagaas daganayd ay u qaybiyeen iyagoo sidookalana ku dhiirigaliyay bulshada  in dhulka labeerto ay qaybkatahay Horumarka iyo cidhib tirka gaajada.

Dhanka kale waxaa isna u riyaaqay wax soosaarka ciidamada sida gaar ka ah utababaran ee Liyu-police Gudoomiyaha degmada Feerfeer Mudane Maxamed Khadar Faarax oo sheegay in halyeeyada liyuugu ay mudan yihiin in loo mahadceliyo markasta maadaama oo ay Horumarka  qaybihiisa kalduwan ka shaqaynayaan islamarkaana ay shacabka lagarab taaganyihiin Hiil iyo Hoo labadaba, kadib markii ay soo afjareen ururadii Nabad diidka ahaa ee UBBO iyo Al-Itixaad iyo waliba Alqushaash oo ay cashar lama-iloobana ay u dhigeen.

Wuxuuna gudoomiyuhu intaa kudaray in guulaha ay markasta soo hooyinayaan ay tahay ducada shacabka DDSI ay u ducaynayaan ciidamada gaar ka ah ee Liyu-Police.

Viewing all 304849 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>