Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all 304849 articles
Browse latest View live

Tababar Gaaban Oo Loo Qabtay Shaqaalaha Xafiiska Waxbarashada DDSI

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Isniin 8da May 2017. Tababar ay si wada jir ah usoo agaasimeen Wasaarada waxbarashada JDFI iyo xafiiska waxbarashada DDSI geedisocodkiisa shati-bixinta iyo dib u cusboonaysiinta xirfada barayaasha islamarkaana ujeedadiisu tahay fahanka habraacyada nidaamka shatibixinta, nidaamka loomiisaamo natiijada imtaxaanka, loona qabtay dhamaan shaqaalaha xafiiska waxbarashada DDSI ayaa kaqabsoomay hoolka shirarka ee isla xafiiska.

Hadaba, tababarkan ayaa waxaa ugu horayn furay Wasiirka Xafiiska Waxbarashada DDSI mudane Ibraahim Aadan Mahad oo sheegay in tababarkani yahay mid larabo in fahan buuxa laga siiyo dhamaan shaqaalaha nidaamyada iyo habraacyada shati bixinta kadib marka lamiisaamayo natijada imtaxaanka ee laga qaado macalimiinta, maamulayaasha, iyo waliba kormeerayasha ka hawlgala dugsiyada deegaanka. Wuxuuna intaa kudaray in casharada ay bixinayaan khabiiro ka socda wasaarada waxbarashada JDFI. Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa dhamaan shaqaalaha kula dadaarmay in tababarkan gaaban ay shaqaalauhu si fiican uga faaiidaystaan casharada.

Dhanka kale, Gadhwadeenka Geedisocodka Shatibixinta iyo Dib U cusboonaysiinta  Xirfada Barayaasha iyo Hogaaminta Waxbarashada mudane Mukhtaar Ibraahim Muxumed oo isna tababarkan kahadlay aya sheegay in tababarkan lagu qaadanayo casharo muhiim u ah dhamaan shaqaalaha. Wuxuna xusay in larabo in fahan buuxa aan kawada qaadano heerarka darajooyinka laga qiimeeyo barayaasha, maamulayaasha, iyo kormeerayaasha iyo waliba nidaamka kaydinta galka waxqabadka shaqsi ee looyaqaano (Portfolio)

Iskusoowada duuboo tababakan oo ahaa mid ay udhanaayeen shaqaalaha xafiiska waxbrashadu ayaa lafilayaa in soogabagaboobo bari hadu Allah yidhaahdo..


MW CMC Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Gaadhay Magaalada Baabili

$
0
0

Baabili(Cakaaranews) Isniin, 8da May 2017. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa gaadhay magaalada baabili ee deegaanka oromiya. Ujeedada socdaalka waftigan uu hogaaminayo madaxwaynaha DDSI ayaa qayb ka ahayd sidii loo dhaadhicinlahaa hirgalinta heshiiska hore looga gaadhay khilaafkii xuduuda u dhaxaysa labada shacab ee dawlada deegaanka somaalida iyo dawlad deegaanka oromiya

Hadaba wwaftigan uu hogaaminayo madaxwaynaha DDSI ayaa kulan balaadhan la qaateen mas’uuliyiin ka socotay deegaanka oromiya oo uu hogaaminayo hogaanka nabadgalyada deegaanka oromiya Dambalaash iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada baabili iyo nawaaxigeeda. Waxaana ugu horayntii kulankaasi ka hadlay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo sheegay in ujeedada kulankani yahay sidii looga hirgalinlahaa qaybaha kala duwan ee bulshadana fahan buuxa looga siinlahaa adkaynta heshiiskii ay dhawaan gaadheen labada dawlad deegaan. Wuxuuna madaxwaynaha DDSI  tilmaamay in labada shacab ay yihiin kuwo walaalo ah oo aan marnaba kala maarmikarin sidaasi darteedna tahay in la sii xoojiyo nabad kuwada nool laanshaha labada shacab 

Dhankiisa waxaa ka hadlay kulankaasi hogaanka nabadgalyada ee deegaanka oromiya oo wakiil ka ah madaxwaynaha deegaanka oromiya mudane Dambalash kaas oo sheegay in ay maanta tahay maalin taariikhiya oo la hirgaliyay dhaadhicinta heshiiskii ay gaadheen labada deegaan shacabka labada deegaana yahay kuwo walaalo ah islamarkaana loo baahanyahay in si walaaltinmo ah loo wada noolaado lana xoojiyo heshiiskii nabadeed ee dhexmaray labada deegaan.

Sidoo kale  Qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada baabili iyo nawaaxigeeda ayaa iyana si diiran u soo dhaweeyay masuuliyiintan maanta soo gaadhay iyo heshiiska ay gaadheen labada deegaan waxayna balan qaadeen in ay sidii loogu talagalay u hirgalinayaan heshiiska dhaxalgalka ah ee dhexmaray labada deegaan.

 

Shirwaynihii 8aad Ee Wadatashiga Iyo Xog-Iswaydaarsiga Xukuumada Iyo Shacabwaynaha DDSI Oo Si Rasmiya U Furmay.

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Talaado 9ka May 2017. Waxaa maanta si qurux badan uga furmay madasha shirarka kaali ee xarunta madaxtooyada DDSI shirwaynihii 8aad ee wadatashiga iyo xog-iswaydaarsiga shacabwaynaha iyo xukuumada DDSI kaasi oo ah shir sanadii labajeer ka qabsooma deegaanka.

Hadaba Shirkan oo ay kasoo qaybgaleen mas'uuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo uu ka mid yahay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, golaha wasiirada DDSI , hagoomintii hore ee deegaanka soo maray oo ay ugu horeeyay madaxwaynayaashii hore ee deegaanka, odayaal dhaqameedka deegaanka, ergooyink ka badan 2,500 oo qof oo ka kala socda dhamaan gobolada DDSI, Maamul magaalooyinka iyo degmooyinka kuwaasi oo isugu jira odayaasha , haweenka, dhalinyarada iyo marti sharaf kale .

Waxaana Shirwaynahan wadatashiga iyo xog-iswaydaarsiga xukuumada iyo shacabka DDSI ugu horayn si rasmiya saaka u furay  madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ugu horayntii ugu mahad naqay ergooyinkan ka soo qaybgalay shirkan, Wuxuuna madaxwaynhu soo bandhigay ujeedooyinka iyo qodobada lagaga tashanayo shirkan oo uu sheegay in tahay sidii looga samata bixilahaa loogana gaashaaman lahaa xaaladaha abaarta iyo saboolnimada, sidii loo gaadhilahaa isku filnaansho qof ahaan qoys ahaan iyo deegaan ahaanba iyda oo laga waayo aragnimo qaadanayo xaaladaha abaarta ee saamaynta xooga leh u gaystay qaarka mid ah degmooyinka DDSI.

Sidoo kale madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa xusay inuu kulankan  yahay sidii siwada jir ah loo gorfayn lahaa jihooyinka, istaraatajiyadaha iyo qorshayaasha horumarineed ee DDSI ee 7dii sanadood ee ugu danbaysay islamarkaana  la tashiga iyo ka qaybgalinta bulshada hawlaha horumarka, nabadgalyada iyo maamulka suuban, ay yihiin kuwo si toos ah u la halmaala xuquuqaha dimuqoraadiyadeed ee sida cad loogu qeexay dastuurka dalka, ta deegaanka iyo waliba barnaamijyada siyaasadeed ee XDSHSI iyo in shacabka la tuso in ay yihiin mulkiilayaasha, hirgaliyayaasha, ka faa’iidaystayaasha hawlaha horumarka nabadgalyada iyo maamulka suuban. Isagoo cadeeyay  in xooga la saaro wax soo saarka beeraha.

Wuxuuna Madaxwaynahu  si qoto dheer uga warbixiyay soonyaalkii taariikheed ee uu soo maray deegaanku gaar ahaan dhinacyada nabadgalyada oo uu ka warbixiyay heerka ay gaadhsiinayd, dhibaatooyinkii iyo hagardaamooyinkii lagu hayn jiray shacabka deegaanka iyo jihooyinkii, istaraatajiyadihii ay sanadihii ugu danbeeyay dajisatay xukuumada DDSI ee lagaga soo gudbay dhibaatooyinkii ka jiray deegaanka sidoo kale waxa uu sheegay madaxwaynuhu in shirkani mudda socdo lagaga tashan doono sidii loo sii xoojin lahaa qorshayaasha horumarka, nabadgalayda maamulka suuban, la dagaalanka aragtiyada xun xun sida xagjirnimada, argagixisad iyo dulsaarnimada.

Dhinaca kale waxaa furitaankii shirkan qayb ka ahaa kooxaha fanka iyo suugaanta DDSI oo ku soo bandhiyay dhaantooyin,heeso geeraaro iyo mujaajulooyin ku qotoma ujeedooyinka shirkan . shirkan oo sii socondoona maalmaha soo socda waxaad kala socondoontaan cakaaranews.

Ku Xigeenka Guud Ee hay’ada UNICEF Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay jigjiga.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews), Arbaca, 10ka May, 2017. Waxaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay garoonka caalamiga ah ee garaad wiil-waal ee magaalada jigjiga masuuliyiin sare oo uu hogaaminayo ku xigeenka guud ee hay’ada UNICEF mudane Dr Cumar Cabdi  oo ay wehelinayaan masuuliyiinta ugu saraysa hay’ada UNICEF dalkeena itoobiya.

Waxaana ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha masuuliyiin sare oo ay ka mid yihiin la taliyaha madaxwayne DDSI ee dhinaca bini-aadanimada iyo xidhiidhka hay’adaha ahna wasiir ku xigeenka xafiiska ka hortaga iyo u diyaar-garowga masiibooyinka DDSI mudane Anwar Cali, wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Xasan ismaaciil cali, wasiirka waxbarashada DDSI mudane Ibraahin Aadan Mahad, wasiir ku xigeenka maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI mudane jamaal faarax warmooge, wasiir ku xigeenka ka hortaga iyo u diyaargarowga masiibooyinka DDSI mudane Yaasiin Cumar  iyo masuuliyiin kale.

Masuuliyiintan sare ee ka socda hay’ada UNICEF ayaa waxa ay ujeedada socdaalkoodu tahay in ay u kuurgalaan xaaladaha abaarta ee saameeyay qaarka mid ah degmooyinka deegaanka iyo in ay sii xoojiyaan taageerada ay gaadhsiinayaan bulshada abaaruhu saameeyeen. Waxayna inta ay joogaan kulamo la yeelandoonaan masuuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI.

 

 

Shirwaynihii 8aad Ee Xog iswaydaarsiga Xukuumada Iyo Shacabka DDSI Oo Maalintii 2aad Galay

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Arbaco 10ka May 2017. Waxaa maalintii labaad galay Shirwaynihii 8aad ee xog iswaydaarsiga xukuumada iyo shacabka DDSI oo maalintii shalay ahayd si rasmi ah ooga furmay hoolka shirarka ee kaali islamarkaana uu madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar uu si kooban usoo jeediyay waxqabadkii iyo sooyaalkii xukuumada ee 7dii sano ee danbaysay.

Dhanka kale waxaa iyana dhankooda ka hadlay ms’uuliyiintii soo maray xukuumada deegaanka oo ay ugu horeeyaan madaxwayneyaashii hore ee deegaanka iyagoo si waaqici ah ucadeeyay xaaladii adkayd ee soo wajahday xiligoodii islamarkaana ay bogaadiyeen xaalada uu maanta deegaanku taagan yahay.

Sidoo kale waxaa galinkii hore maanta si wadajir loo booqday 200 ee booyadood ee ay dhawaan xukuumadu usoo iibisay inay ka jawaabaan xaalada bulshada deegaanka, Iyadoo madaxwaynaha DDSI iyo ergaduba aad oogu riyaaqeen islamarkaana uu madaxwaynuhu tijaabo kusameeyay tayada booyadahan oo mid aad usaraysa.

Ugu danbayna waxaa galinkii danbe maanta bilaabmay in laga dodo qodobadii uu madaxaynuhu shalay soo dhigay guriga islamarkaana uu gurigu kooxkoox ooga  doodi doono  qodobadaas lasoo dhigay.

 

 

Kulan Lagu Daah-Furayay Hirgalinta Mashruuca iskaashiga Cilmibaadhista Oo ka Furmay Jigjiga

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews),khamiis, 11ka May , 2017. Waxaa ka furmay magaalada jigjiga gaar ahaan hoolka shirarka ee machadka cilmibaadhista DDSI kulan balaadhan oo lagu daah-furayay dhaqangalinta mashruuca iskaashiga cilmibaadhista DDSI oo ay hirgalintiisa iska kaashadeen machadka cilmibaadhista DDSI iyo jaamacada jigjiga.

Waxaana furitaankii kulankaasi  ka soo qayb-galay masuuliyiin  ka kala socday jaamacada jigjiga iyo machadka cilmibaadhista DDSI oo ay ka mid yihiin madaxwaynaha jaamacada jigjiga mudane Cabdicasiis Ibaahin iyo maareeyaha guud ee machadka cilmibaadhista DDSI mudane Guuleed Aw Cali Kaahin iyo khabiirada dhinaca cilmibaadhista ee jaamacad jigjiga iyo machadka cilmibaadhista DDSI oo ah kuwa  samaynaya daraasaadka  mashruucan.

Waxaana ugu horayntii furitaankii kulankaasi ka hadlay maareeyaha guud ee machadka cilmibaadhista DDSI mudane Guuleed aw Cali Kaahin oo ka warbixiyay ahmiyada iyo faa'iidooyinka uu leeyahay mashruucan maanta  la  daah-furayo.  wuxuna sheegay in uu yahay mashruuca ay hirgalintiisa  iska kaashadeen machadka cilimaadhista DDSI iyo jaamacada jigjiga, maareeyaha ayaa sharax dheerka bixiyay sida loo hirgalinayo mashruucan iskaashiga cilmibaadhista ee daraasaadka lagu samaynayo nidaamka  looga gaashaamanayo abaarta soo noq-noqta ee ay keento  isbadalka cimilada islamarkaana lagu hirgalinayo sida ay bulshadu uga faa'iidaysan lahaayeen khayraadka xooladooda sida:- naaxinta xoolaha  iyo tayada hilibkooda. maareeyaha ayaa  intaasi ku daray in uu mashruucani kaalin wayn ka qaadanayo hirgalinta qorshayaasha horumarka deegaanka.

madaxwaynaha jaamacada jigjiga mudane Cabdicasiis Ibraahin oo furitaankii kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay jaamacada jigjiga dadaal xoogan ugu  jirta ka qayb-qaadashada kor u qaaditaanka koboca dhaqaalaha deegaanka iyo hirgalinta adeegyada horumarineed ee la gaadhsiinayo bulshada deegaanka wuxuuna sheegay  in mashruucan  maanta la daah-furayaa ka mid yahay qorshyaasha kor loogu qaadayo nolosha bulshada xoolo dhaqatada ah.  madaxwaynaha jaamacada jijiga  ayaa intaasi ku daray in khabiiradan ka socda jaamacada jigjiga iyo machadka cilmibaadhsita DDSI ay daraasaadka soo samaynayaan 8 gobol oo ka mid ah gobolada deegaanka  kuna soo samayndoonaa xoolaha iyo dhirta deegaanka, wuxuuna kula dar-daarmay khabiiradan in ay sidii loogu talagalay u soo hirgaliyaan mashruucan si looga midho dhaliyo ujeedadiisa.

Shirwaynihii 8aad Ee Xog-iswaydaarsiga Xukuumada Iyo Shacabka DDSI Oo maalintii 3aad galay

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Khamiis 11ka May 2017.Waxaa maalintii 3aad galay shirwaynihii 8aad ee xog-iswaydaarsiga xukuumada iyo shacabka DDSI oo maalimihii udanbeeyayba kasocday hoolka shirarka madaxtooyada ee kaali.

Hadaba shirwaynahan oo uu hogaaminayay Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayay maanta ergada oo isugu xidhnaa koox koox soo jeediyeen jawaabihii suaalahii loosoo dhigay inay kadoodaan oo kala ahaa. 1 sideen ooga hortagi karnaa saamaynta isbadalka cimilada. 2 sideen kujabin karnaa fikirka mashaqaystanimadka. 3 sideen ooga hortagi karnaa xagjirnimada. 4 sidee loosii xoojinkaraa nidaamka dawladnimo. 5 sideen ooga hortagi karnaa cadawga koobaad aynu leenahay ee saboolnimadka.

Waxayna ergada oo dhamaan ka jaawabay su'aalahaas soo jeediyeen in saamynata isbadalka cimiladu ooga gaashaaman karno inaan samaysano waxsoosaar beero iyo waliba kayd inoo yaala, Waxayna ergadu xuseen in fikirka mashaqaystanimadku yahay mid aad uxun islamarkaana loo baahan yahay in bulshada la baraarujiyo shaqa abuurna loo sameeyo, Sidoo kale waxay ergadu sheegeen in fikirka xagjinimadka uu yahay mid xayawaanimo ah islamarkaana loo baahan yahay in ay shacabka iyo xukuumada oo gacmaha ishaysta si wadajir ah oola halgamaan fikirka xagjirnimadka. Iyagoo intaa kudaray in nidaamka dawladnimo lagusii xoojin karo tageerida XDSHSI oo ah xisbi kajawaaba baahida bulshada. Sidoo kale  waxay ergadu soo jeediyeen in cadawgeena koobaad ee saboolnimada ooga hortagi karno in lasameeyo waxsoosaar heer caalam ah islamarkaana bulshada deegaanka lagu baraarujiyo waxsoosaarka beeraha iyo ku foorarsiga dhulka.

Ugudanbayna Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa hadalkooban  kabixiyay soojeedintii ergadu ay soo jeediyeen isagoo madaxwaynuhu sheegay in dhamaan kooxaha kaladuwan ee ergadu sidii loogu talagalay ooga jawaabeen 5tii su aalood ee ay maalmihii ugu danbeeyay kadoodayeen, Wuxuuna madaxwaynuhu intaa kudaray in kooxaha ergada oo si kaladuwan usoojeediyay jawaabaha su aalaha loosoo dhigay balse ay dhamaantood iskumid kayihiin ujeedada guud ee  loobaahnaa in looga jawaabo su aalahaas.

Sikastaba ha ahaatee shirwaynaha 8aad ee xog-iswaydaarsiga xukuumada iyo shacabka DDSI ayaa halkaa kasii socondoona.

Degmada Goorobaqasa Oo Lagu Soo Gabagabeeyay Adeegii Daawaynta iyo Qaliinka Indhaha

$
0
0

Gorabaqaqsa(cakaaranews)Jumce 12ka May 2017. Waxaa Xarunta caafimaadka ee dagmada Goorabaqasa ee Gobolka Liibaan lagu soo gabagabeeyay daawayntii iyo qalintaankii indhaha ee baryahanba kasocotay degmadaas islamarkaana looga faaiidaynayay bulshada kudhaqan degmooyinka guradhaamoole, goorobaqasa iyo nawaaxigeeda iyadoo 915 xubnood loo fidiyay daawooyin, qalitaan iyo waliba muraayadaha indhaha islamarkaana xubno kabadan 200 oo xubnood oo indhola’aan ahaa aragoodi u soonoqday

Hadaba, agaasinka kahortaga indho la’aanta ee xafiiska caafimaadka DDSI mudane Axmed Bade Ducaale oo kahadlay xidhitaankii daawayntan iyo qalitaanka indhaha ayaa sheegay in sifiican oo heer sare ah ay oo gabagabooday islamarkaana looga faaiideeyay xubno kor udhaafaya 915 xubnood kuwaasoo loo sameeyay daawayn, qalitaan iyo waliba qaar lasiiyay muraayadaha indhaha.

Dhankooda maamulka degmada oo kahadlay daawayntan iyo qalitaankan indhaha ee loosameeyay bulshada ayaa sheegay in sifiican oo hagar la’aan ah loo fuliyay nidaamkii daawaynta iyo qalitaanka indhaha. Waxayna xuseen in dad farabadan oo indo la’aan ahaa ay manta indhahooda wax ku arayaan. Waxayna mahad celin u soo jeediyeen xukuumada DDSI  ee samaysay kooxdan daawaynta indhaha ee wareegta.

Ugudanbayna, qaar kamid ah bulshadii la daaweeyay ama qalitaanka indhaha loo sameeyay oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in aysan maraba soo koobi karain farxadooda maanta maadaama oo ay dib u heleen aragoodii indhaha oo aysan sanado badan haysanin.  

 


Maareeyaha Guud Ee Machadka Cilmibaadhista DDSI Oo Ka Warbixiyay Qorshayaal Kor Loogu Qaadayo Tayada Xoolaha.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews),jumce, 12ka May, 2017. Maareeyaha guud ee machadka cilmibaadhista DDSI mudane Guuleed Aw Cali Kaahin oo xafiiskiisa ugu waramayay warbaahinta  deegaanka ayaa ka warbixiyay taaba galinta istaraatajiyadaha iyo qorshayaasha horumarineed  kuwa  wakhtiga dhaw, dhexe iyo dheer u dajisan machadka cilmibaadhista DDSI taasi oo hadda lagu hawlan yahay ayuu yidhi maareeyuhu hirgalinta soo bandhiga  cilmibaadhis iyo daraasaadyo  ku salaysan horumarinta khayraadka xoolaha iyo beeraha deegaanka.

Maareeyaha ayaa ka warbixiyay qorshe uu hirgalintiisa fulinayo machadka cilmibaadhista DDSI oo ah   hagaha farsamooyinka naaxinta ee nidaamka quudinta dheeriga ah ee xoolaha deegaanka, si ay xoolaha deegaanku u noqdaan kuwa   si fiican  ay uga faa’iidaystaan  bulshada xoolo dhaqatadu  khayraadkood gaar ahaan dhinaca suuqgaynta caalamka iyo dalkaba islamarkaana  ay xooluhu u noqdaan kuwa u adkaysta xaaladaha abaarta. Maareeyaha oo sii wata hadalkiisa ayaa sheegay habka  xoolo dhaqatada looga dhigo kuwo soo saari kara xoolo tayadooda iyo miisaankoodu  yahay kuwa ugu fiican suuqyada caalamka  si bulshada deegaanka looga faa’iideeyo nidaamyada casriga ah ee naaxinta quudinta dheeriga ah ee  xoolaha  ayaa  machadka cilmibaadhista DDSI uu dadaal xoogan ugu jiraa hirgalinta gaadhsiinta bulshada xoolo dhaqatada  farsamooyinkaasi casriga ah kaasi  oo mudda yar  xoolaha lagaga dhigayo kuwa tayadooda iyo miisaankooduba  aad u sareeyaan.

Ugu danbayntii  maareeyaha ayaa tilmaan dheerka bixiyay in machadka cilmibaadhista DDSI  xooga saarayo soo saarida, fulinta qorshyaal iyo daraasaadyo  cusub  ku salaysan horumarinta ka faa'iidaysiga  khayraadka xoolaha iyo beeraha  kuna salaysan  istaraatajiyadaha u dajisan xukuumada DDSI ee lagaga gaashaamanayo abaaraha korna loogu qaadayo koboca dhaqaalaha deegaanka.

 

 

Shir Khibrad Wadaag Ah Oo Ku Saabsan Xuska 20ka Ginboot

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Sabti 13ka May 2017. Sida lawada ogyahay Bisha sagaalaad 20keeda tirsiga dalkeena ayaa ah maalin kuwayn dhamaan shacabwaynaha dalka itoobiya islamarkaana qiimo iyo qaayo gaar ah uleh dhamaan qoomiyadaha dalkeena iyadoo guud ahaana deegaanada dalku iyo 2 ismaamulba ay diyaargarawyo kaladuwan ugu jiraan. Waxaana maanta kadhacay hoolka shirarka  video conferencega ee xafiiska adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha DDSI shir muuqaal arag ah oo kusaabsan diyaargarawga maalinka fooda inagu soohaysa ee 20ka ginboot kaasoo ay kasooqayb galeen masuuliyiinta heer deegaan, gudoomiyayaasha gobolada iyo waliba dhigooda deegaanada dalka iyo masuuliyiin heer federal ah.

Hadaba, shirkan oo ahaa mid lagu wada shirayay aalada muuqaal araga fog ee video conference ayaa ah mid heer dal iyo deegaanaduba ay kaga wada arrinsanayeen xuska munaasabada 20ka Ginboot. Oo ah maalinkii afka dhulka loodaray kaligii taliskii dhiig miiradka ahaa ee Dhergiga. Islamarkaana ay tahay maalikii lahelay systemka dawladnimo ee ay u dhanyihiin dhamaan shucuubaha iyo qoomiyadaha dalku.

Sikastaba ha ahaatee, shirkan ayaa ahaa  khibrad wadaag ku qotoma xuska 20ka ginboot iyo waliba dood cilmiyeedyo ka hadlaya Horumarka, Nabadgalyada, iyo Maamulka suuban ee ay haystaan dhamaan shacabwaynaha dalka ioobiya ee ku kala nool 9ka dawlad deegaan iyo 2 ismaamul magaalo.

Shirwaynihii 8aad Ee Xog iswaydaarsiga Xukuumada Iyo Shacabka DDSI Oo Maalintii 5aad Galay

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Sabti, 13ka May 2017. Waxaa maalintii 5aad galay shirwaynihii 8aad ee xog-iswaydaarsiga xukuumada iyo shacabka DDSI oo maalimihii udanbeeyayba kasocday hoolka shirarka madaxtooyada ee kaali.

Hadaba shirwaynahan oo uu hogaaminayo Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa wuxuu madaxwaynuhu si kooban usoo jeediyay qorshaha waxqabadka xukuumada ee ku aadan sanada 2010TI oo ku salaysan sidii loosii xoojin lahaa kaabayaasha horumarineed ee baahida aasaasiga ah oo ay ugu horeeyaan Biyaha, Beeraha Caafimaadka, Waxbarashada, Jidadka iyo qaybaha kale ee horumarineed. Wuxuuna madaxwaynuhu intaa kudaray in qorshahaas aan kor kusoo sheegnay sidii loogu talagalay loo fulin doono sanada 2010TI.

Soojeedin kadibana waxaa guriga lasoo dhigay filimaan daaawasho ah oo ka turjumayay xaalada soo yaalkii taariikheed ee 9kii sano ee udanbaysay, Iyadoo la isbarbar dhigayay xaaladii nabadeed iyo midii horumarineed ee kajirtay deegaanka islmarkaana tusaale lagusoo qaatay muuqaalo daawasho ah siday ahaan jireen 9 sano kahor iyo siday maanta yihiin magaalooyinka waawayn ee Jigjiga, Dhagaxbuur, Qabridahar iyo Godey, Iyadoo muuqaaladaasi kala turjumayeen horumar iyo horumar la aan. Sidoo kale waxaa muuqaalada daawashada ah kujiray mashaariicaha horumarineed ee ay xukuumadu sanadadii ugu danbaysay ka fulisay guud ahaan deegaanka.

Dhanka kale waxaa iyana fikirkooda ka hadlay qaar kamid ah odayaasha iyo dhalinyarta oo soo dhigay hadalo kamarakacaya xaaladii adkayd ee uu deegaanku ku suganaa 9 sano kahor iyo xaalada horumarineed ee uu maanta ku sugan yahay oo run ahaantii kaaf iyo kala dheeri ah. Waxayna intaa kudareen fikiro ay ku kordhinayeen qorshaha waxqabadka xukuumada 2010TI ee uu madaxwaynuhu soo jeediyay.

Ugu danbayna waxaa abaalmarino lasiiyay xubno kamid ah ciidanka gaarka ah ee liyuu policeka DDSI iyo xubno kamid ah odayaasha deegaanka, Kuwaasoo kaalin libaax ka qaatay aasaaskii ciidanka gaarka ah ee deegaanka.   

Shirwaynihii Wadatashiga iyo Xog-iswaydaarsiga Shacabka Iyo Xukuumada DDSI Oo La soo gabagabeeyay.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews)Axad, 14ka, May, 2017. Waxaa maanta si rasmiya loogu soo gabagabeeyay madasha shirarka kaali ee xarunta madaxtooyada DDSI shirwaynihii 8aad ee wadatashiga iyo xog-iswaydaarsiga xukuumada iyo shacabwaynaha DDSI kaasi oo mudo shan maalmood  ah socday.

waxaana soo xidhitaankii shirwaynahan ka hadlay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ugu horayntii u mahad naqay ergooyinka iyo odayaasha dhaqanka  deegaanka sida meeqaam ka sare ee ay uga qayb-qaateen mudadii uu shirku socday. Madaxwaynaha ayaa sheegay in ay xogtii, fikiradii iyo talooyinkii ka soo baxay ergooyinka  iyo  odayaasha deegaanka ee ka soo qaybgalay shirwayanaha wadatashiga iyo xog-iswaydaarsiga xukuumada iyo shacabka DDSI ay  noqonayaan kuwa gashi u noqonaya xaqiijinta  hirgalinta qorshayaasha horumarineed  nabadgalyo iyo maamulka suuban ee deegaanka. Madaxwaynaha DDSI ayaa sheegay in ay xukuumada DDSI iyo shacabka Deegaanku sii xoojinayaan wax soo saarka beeraha taasi oo ah tubta kaliya ee lagaga baxayo saboolnimada laguna gaadhayo wadamada dhaqaalahoodu meel dhexaadka yahay.

dhankooda  ergooyinkii iyo odayaal dhaqameedka deegaanka ayaa soo saaray warmurtiyeed ay ka soo saareen  shirwaynihii wadatashiga iyo xog iswaydaarsiga xukuumada iyo shacabka  kaasi oo ku salaysnaa dhibaatooyinkii sanadihii hore soo daashaday shacabka deegaanka gaar ahaan dhinacyada nabadgalyada dhibaatooyinkii  uraradii nabaddiidka ahaa ee ka dhaq-dhaqaaqijiray deegaanka ay ku hayn jireen shacabka deegaanka  sida  dhicii, dilkii, kufsigii iyo xasuuq wadareedyadii ay UBBO iyo alitixaad ku hayn jireen shacabka deegaanka   iyo  maamul xumadii ka jirtay degaanka ee aan awoodayn  in ay  shacabka deegaanka ka ridaan  nabaddiidka dhiiga ka jaqayay.

sidoo kale warmurtiyeedkan ayaa tibaaxayay  guulaha dhinacyada badan ee sanadihii ugu danbeeyay ay xukuumada DDSI  haatan ka arimisa  ka gaadhay dhinacyada nabadgalyada horumarka, maamul wanaaga, xidhiidhka dadwaynaha dalka iyo dibadaba  iyo waliba  sii joogtaynta guulahaasi,  ergooyinka iyo odayaasha dhaqameedka  deegaanku waxay si mug leh ugu mahad celiyeen  hogaaminta xukuumada DDSI oo uu ugu  horeeyo madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar, hogaaminta JDFI oo u ugu horeeyo  Raysal-wasaaraha JDFI mudane Hailemariam Desalegn  iyo qaarka mid ah dawlad deegaanada dalka sida balaadhan ee ay uga qayb-qaateen ka samatabixinta xaaladaha abaarta  shacabka deegaanka ee abaaruhu saameeyeen 

Ugu danbayntii waxay balan qaadeen ergooyinka iyo odayaal dhaqameedka deegaanku in ay sii xoojinayaan kuna fara adaygayaan hawlaha nabadgalyada, horumarka iyo maamulka suuban ee ka hirgalay deegaanka gabagabadiina waxay ergooyinka iyo odayaal dhaqameedka DDSI abaalmarin sharafeed gudoonsiiyay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud cumar 

Jidka Wayn Ee Qoraxey Ee MM Jigjiga Oo Gabagabo Maraya

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Isniin 15ka May 2017. Waxaa gabagabo maraya jidka wayn ee bartamaha magaalada jigjiga ee kaasi oo hada la dhigayo laamigii ugu danbeeyay waana jid afar haad ah oo dherarkiisu yahay 3.5 KM kaasi oo ay dhismihiisa Gacanta kuhayaan wakaalada dhismaha iibka iyo adeega gaarka ah ee policeka DDSI.

Hadaba Maareeyaha wakaalada dhismaha iibka iyo adeega gaarka ah ee policeka DDSI mudane Axmad Maki Cabdulaahi goobta shaqata ka socoday joogay ayaa u sheegay shabakada wararka ee cakaaranews in jidkan uu hadda samayntiisu meel gabagaba ah marayo mudayar gudaheedna lagu soo gabagabayndoona. Islamarkaana uu Jidkan  siwayn uga qayb-qaadanayo bilicda caasimada DDSI ee jigjga. Wuxuuna maareeyuhu intaa kudaray in jidkan shaqadiisu socoto maalin iyo habeenba.

Golaha Kaabineega DDSI Oo Kulan Yeesha.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews), isniin, 15ka May, 2017. Kulan ay yesheen Golaha Kabineega DDSI oo uu hogaaminayay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayna kasoo qaybgaleen  dhamaan golaha kaabineega DDSI ayaa ka dhacay hoolka shirarka ee xafiiska madaxwaynaha DDSI

Haddaba, madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar ayaa golaha kaabineega DDSI soo hordhigay ajendayaal dhawr ah oo ay ka mid ahaayeen ka wada hadalka sidii loo hirgalin lahaa wax soo saarka beeraha ee mashaariicaha waawayn ee kala ah, mashruuca waraabka beeraha baka, goomaar, wijiwaaji iyo maraacaato, kuwaasi oo dhamaantood dhawaan uu xadhiga ka jaray madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo in xarunta gawraca xoolaha/ sariimada magaalada jigjiga laga Raro goobtii ay ahaan jirtay ee magaalada dhexdeeda ahayd lana geeyo goob ka baxsan magaalada jigjiga.

Ugu danbayna Golaha kaabineega ayaa si qoto-dheer u falanqeeyay qodobada ajendayaasha kulankan ee kor kuxusan ugana dooday falnqayn iyo dood. Dood kadibna waxay golaha kaabineegu codbuuxa ku ansixiyay hirgalinta iyo meel-marinta dhamaan ajandayaasha kulankan.kulankan ayaana kusoo dhaamaaday meelmarinta ajandayaashaas iyo jawi fiican

 

Shahaado Sharaf Lagu Abaalmariyay Maamulaha Dugsiga Wiil-Waal

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Isniin 15ka May 2017. Shir balaadhan oo ay kasooqaybgaleen wasiirka xafiiska waxbarashada DDSI, wasiirkuxigeenka xafiiska waxbarashada DDSI, agaasimayaasha xafiiska waxbarashada DDSI, maamulayaasha iyo kormeerayaasha dugsiyada maamulka magaalada jigjiga islamarkaana lagu abaalmarinayay maamulaha iyo hawlwadeenada dugsiga wiilwaal ee maamulka magaalada jigjiga ayaa si rasmi ah uga qabsoomay hoolka shirarka ee xafiiska waxbarashada DDSI.

Hadaba, Shirkan ayaa waxaa ugu horayn furay wasiirka xafiiska waxbarashada DDSI mudane Ibraahim Aadan Mahad oo sheegay in shirkan ujeedadiisu tahay abaalmarin lagu abaalmarinayo maamulaha dugsiga wiilwaal ee maamulka magaalada jigjiga kadib markii maamulka dugsigu uu isbadal horumarineed oo balaadhan kamuujiyay geedisocodka baris barasho, iyadoo qiimayno, kormeero iyo dabagal balaadhan lagu sameeyay dhamaan dugsiyada maamulka magaalada jigjiga,

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in kormeeradan ay kamid ahaayeen gudigii golaha xildhibaanada heer federal ee qiimaynayay dugsiyada Islamarkaana sida xafiiska si lamid ah ay aad ugu riyaaqeen nidaamka ama habka maaraynta xogta maamulka suuban, ciidanka horumarka, iskuxidhka waalidiinta iyo dugsiga, aradyada iyo waliba  tayada waxbarashada ee dugsiga wiil-waal.

Dhinacakale maamulayaashii iyo kormeerayaashii shirkan kasooo qaybgalay ayaa iyaguna soo jeediyay in khibrad wayn ay kaqaadanayaan dugsiga wiilwaal ee maamulka magaalada jigjiga. Waxayna xuseen in ay aad ugu mahadcelinayaan sida wanaagsan ee masuuliyiinta waxbarashada dardargalinta hawlaha waxbarashada sida kormeerada, qiimaynada, iyo waliba kawarhaynta dugsiyada maamulka magaalada jigjiga ee kagonaanshaha leh iyo meemarinta.

Kadib iswaydaarsiga xogahaas ayaa wasiirka xafiiska waxbarashada DDSI mudane Ibraahim Aadan Mahad iyo Wasiir kuxigeenka xafiiska waxbarashada DDSI mudane Maxamuud Axmed Nuur (Heeryo ) ayaa abaalmarintii gudoonsiiyay maamulaha dugsiga wiilwaal ee MMJ.

Ugudanbayna wasiirka aya shirka soo gabagabeeyay oo sheegay in abaalmarintani ay tahay mid  marka koobaad dhiirigalin u ah maamulka dugsiga wiilwaal marka labaadna dhiirigalin ama motivation u ah maamulada dugsiyada kale ee maamulka magaalada jigjga iyo dhamaan dugsiyada deegaanka.


Tababar Ku Saabsan Daryeelka Caruurta Oo Kadhacay Degmada Marsin

$
0
0

Marsin(cakaaranews)Talaado 16ka, May 2017. Tababar ujeedadiisu tahay kobcinta awooda shaqalaha mashruuca daryeelka caruurta ee xaalada degdega ah islamarkaana ay kasooqaybgaeen shaqalaaha mashruuca daryeelka caruurta ee degmooyinka marsin, gaashaamo iyo donod ayaa kabilowday degmada marsin.

Hadaba, tababarkan ayaa waxaa furitaankisii kahadlay Gadh/W G/Socodka Daryeelka Caruurta ee Xafiiska Arrimaha Haweenka iyo Caruurta DDSI Mursal Maxamed Askar oo sheegay in tababarkani uu ayahay mid ay iskakaashadeen xafiiska arrimaha haweenka iyo caruurta DDSI iyo waliba hay’ada UNICEF. Wuxuuna intaa kudaray in Casharada tababarkan lagu bixinayay ay kamid ahaayeen daryeelka caruurta xiliga emergencyga , maaraynta iyo xalinta kiisaska caruurta, tacadiyada kadhanka ah ee loo gaysto jinsiga ama genderka ee loo soogaabiyo GBV, faayo dhawrka iyo nadaafada.

Sidookale, mudane Cumar Axmed Xasan oo kamid ah macalimiinta tababarka bixinaysay ahna khabiir katirsan xafiiska arrimaha haweenka iyo caruurta DDSI oo isna kahadlay tababarkan ayaa sheegay in tabaarkan sidookale kaqaybgalayaasha lagu barayay casharo laxidhiidha wacyigalinta bulshada ee dhinacyada daryeelka caruurta, cidhib tirka gudniinka fircawniga ah iyo guurka degdega ah.

Ugudanbayna shaqaalihii kasooqaybgalay tababarkan ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin tababarkan islamarkaana ay si fiican uga faaiidaysanayaan.

Wasirka Xafiiska Waraabka iyo Horumarinta Dooxooyinka DDSI Oo Sheegay In Guulo Laga Soo Hooyiyay Barnaamijka Dajinta.

$
0
0

jigjiga(cakaaranews)Talaado 16ka, May 2017. Wasiirka xafiiska waraabka iyo Horumarinta Dooxooyinka DDSI mudane Suldaan Maxamed Xasan (khayre) oo xafiiskiisa ugu waramay warbaahinta deegaanka  ayaa sheegay in guulo waawayn oo dhaxal gal ah laga soo hooyiyay guud ahaanba barnaamijdka dajinta sanadihii ugu danbeeyay gaar ahaana sanadkan aan ku jiro ee 2009TI. wasiirka ayaa sheegay in sanadkan la dajiyay gobolada laga wado dajinta bulsho   dhan 12,000 taasi oo ah qorshihii u yaalay xafiiska sanadkan islamarkaana loogu guulaystay sidii loogu talagalay, wuxuuna sheegay in dhinaca kale lagu guulaystay adeegyadii aas aasiga ahaa ee bulshada la dajinayo la gaadhsiinayay sida adeegyada caafimaadka, waxbarashada iyo biyaha nadiifta ah si ay u noqdaan qaysas dagan oo wax soo saar leh.

Dhinaca kale waxa uu wasiirku sharax dheer ka bixiyay mashaariicaha horumarka waara (SDG) gaar ahaan mashaariicaha waraabka ee Baka, Goomaar, wijiwaaji iyo Maraacaato kuwaasi oo dhawaan uu xadhiga ka jaray Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, waiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in dhamaan mashaariicahaasi lagu guulaystay loo hirgaliyo sidii loogu talagalay balse hadda lagu guda jiro sidii bulshada looga faa’iidayn lahaa mashaariicahaasi taasi oo ah in dhulbeereedkii ay waraabin lahaayeen mashaariicahani la hirgaliyo si ay bulshada ugu soo saaraan wax soo saarka beeraha oo ah tubaha lagaga baxayo saboolnimada laguna gaadhayo wadamada uu dhaqaalahoodu meel dhexaadka yahay.

Ugudanbayntii, wasiirka ayaa tilmaamay in waxsoosaarku uu yahay qorshayaasha waawayn ee uu dalku xooga saarayo islamarkaana bulshadu ay kunoqonayaan kuwa iskufilaansho gaadha. Wuxuuna kula dardaarmay dhamaan bulshada deegaanka in laga faa’iidaysto biyaha cirka iyo kuwa wabiyada iyo waliba mashariicahan biyo-xidheenada ee waraabka ee Baka, Goomaar, Wiji-waaji iyo Maraacato.   

Maamulka Degmada Awbare Oo 4,000 kun Oo Geedaha Khudaarta ah U Qaybiyay Beeralayda Degmada Awbare

$
0
0

Awbare(cakaaranews)Talaado, 16ka, May 2017. Mas’uuliyiinta maamulka degmada awbare ee gobolka faafan ayaa geedaha dhirta ee khudaarta ah oo tiradoodu dhantahay 4,000 oo geed u qaybiyay beeralayda ku nool tuulooyinka hoosyimaada degmada awbare.

Hadaba, Geedahan  khudaarta ah oo ah kuwo lagu bacarimiyay goobta dhirbeerista maamulka degmada awbare  ayaa waxaa warbaahinta deegaanka uga waramay Gudoomiyaha Degmada Awbare mudane Maxamed Cabdi Faarax oo sheegay in geedahan maanta loo qaybinayo beeralayda degmada awbare ay isugu jiraan khudaarta noocyadeeda kala duwan sida Canbaha, Saytuunka, Liinta iyo Bunka kuwaasi oo ah kuwo la soo bacarimiyay oo hadda u baahan oo kaliya in laga faa’iidaysto wuxuuna gudoomiyuhu ku booriyay bulshadan loo qaybiyay geedahan khudaarta ah in ay sidii loogu talagalay uga faa’iidaystaan una daryeelaan sidii loogu talagalay. Gudoomiyaha ayaa intaasi ku daray in tani ay qayb-ka tahay dadaalada ka faa’iidaysiga wax soo saarka beeraha islamarkaana ay xukuumada Dawalada Deegaanka Soomaalida itoobiya ay xooga saartay.

Dhankooda qaybaha kala duwan ee bulshada la gaadhsiiyay geedahan khudaarta ah ayaa si fiican u soo dhaweeyay uguna mahad naqay maamulka degamada iyo xukuumada soo gaadhsiisay waxayna sheegeen in ay sidii loogu talagalay uga faa’iidaysanayaan dhirtan una daryeelayaan.

 

Xaflad Lagu Sagootiyay Kooxdii Caafimaadka Ee U Gurmatay Deegaanka Buuhoodle.

$
0
0

Buuhoodle,(cakaaranews),Arbaca, 17ka, May, 2017. Dadaalka balaadhan ee ay xukumada DDSI u gashay ka jawaabida xaaladaha abaarta iyo xakamayn cudurka shuban biyoodka ee ay keentay xaaladaha abaaru ayaan ku koobnayn oo kaliya deegaanka soomalida itoobiya balse kaalin miisaan culus ka gaysatay wax ka qabadka xaaladaha abaarta iyo xakamaynta cudurka shuban biyoodka qaarka mid ah bulshada ku dhaqan deegaanada  wadamada aan dariska nahay.

Waxaaa ka mid ahaa deegaanka ay xukuumada DDSI si adag ugu gurmaday bulshada ku dhaqan deegaanka   buuhoodle ee dalka soomaliya ee aan dariska nahay oo xanuunka shuban biyoodku  si ba’an u haleelay. waxayna  xukuumada dawlada  Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa u  dirtay koox caafimaad, dawooyinka qalabka adeegyada caafimaadka iyo deeqo raashin ah.

deegaankaasi buuhoodle waxa uu la ildarnaa ka hor intii ayna gaadhin kooxda caafimaadku  abaar iyo cudurka shuban biyoodka taasi oo aan loo hayn awood lagu xakamayn karo xaaladaha abaarta iyo cudurka shubun biyoodka  islamarkaana ay xiligaasi dadka badan 500 oo qof ay cusbitaalka magaalada buuhoodle la jiifeen xanuunka shuban  biyoodka ah.  kooxdan caafimaadka oo isugu jiray dhakhaatiirta iyo xirfadlayaasha caafimaadka  ayaa ka dib markii ay ka hawlgaleen deegaanka buuhoodle waxay ka soo hooyeen guulo ay ku diirsadeen bulshada reer buuhoodle, xaaladii cakirnaydna ee dhinaca xanuunka shubanka  biyoodka ah  ku soo celiyay mid caadiyo waxayna kooxdan caafimaadka ee DDSI ka hawlgaleen deegaanka buuhoodle muddo bil ah.

haddaba, ka dib markii ay kooxdan caafimaadku soo gudatay waajibaadkoodu guulo waawayna ka soo hooyay xakamaynta iyo tir tirida xanuunka shuban biyoodka ayaa waxaa xaflad sagootin iyo mahad naq   ah u qabtay bulshada reer buuhoodle ee ay ka mid yihiin odayaal  dhaqameedka deegaanka buuhoodle, gudiga caafimaadka ee deegaanka buuhoodle iyo bulshada reer buuhoodle waxayna xafladaasi ujeedadiidu ahayd mid loogu mahad naqayo guud ahaanba dalkeena itoobiya gaar ahaana DDSI laguna soo sagootinayo  kooxdan caafimaadka  ee xiligii  murugadu haysatay bulshada reer buuhoodle uga soo gurmatay waxayna qaybaha kala duwan ee bulshada reer buuhoodle oo ka hadlay xafladaasi si mug leh ugu mahad celiyeen  guud ahaan, dalkeena itoobiya,  DDSI gaar ahaan  madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar

waxaana gabagabadii xafladan  shahaadooyin sharaf la gudoonsiiyay dhamaan kooxdii caafimaadka ee la soo sagootinayay.

MW CMC Oo Furaha Guri Casriya Gudoonsiiyay Cabdulaahi Xasan Oo Kamid Ahaa Madaxwayneyashii hore ee DDSI

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Khamiis, 18ka May 2017. Madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa maanta ku wareejiyay furaha guri casriya mudane Cabdulaahi Xasan oo ka mid ahaa madaxwayneyaashii hore ee deegaanka soomaray.

Hadaba Munaasabadii lagu wareejinayay furaha guryahan casriga ah oo ay goobjoog ka ahaa yeen madaxwayne yaashii hore ee deegaanka soomaray ayaa waxaa ka hadlay Madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo sheegay in maanta lagu wareejinayo furaha guryahan casriga ah mudane Cabdulaahi Xasan oo ka mid ah madaxwayne yaashii hore ee deegaanka soomaray islamarkaana ay mudan tahay in la xurmooyo lana qadariyo , Wuxuuna madaxwaynaha DDSI intaa kudaray  in madaxwayneyaashii hore ee deegaanka soomaray la siiyay guryo noocan ah .

Sidoo kale mudane Cabdilaahi Xasan oo ka mid ah madaxwayneyaashii hore ee deegaanka soomaray ayaa siwayn ugu mahad naqay madaxwaynaha DDSI iyo guud ahaan xukuumada DDSI wuxuuna sheegay in ay maanta farxad u tahay maadaamo oo ay meelwada joogaan madaxwayneyaashii hore ee deegaanka soomaray kana qayb-qaadanayaan hawlaha horumarka taasina waxa uu sigaar ah ugu mahad celiyay Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo suurgagaliyay arintan dhaxalgalka ah.

Gurigan casriga ah ee lagu wareejiyay mudane cabdilaahi xasan ayaa waxaa dhismihiisa hirgalisay wakaalada horumarinta guriyaha DDSI waxaana laga hirgaliyay xaafada dulqabow ee maamulka magaalada jigjiga.

 

 

 

 

 

 

Viewing all 304849 articles
Browse latest View live