Jigjiga,(cakaaranews),Isiin, 12ka June, 2017.Waxaa lagu soo gabagabeeyay magaalada jigjiga gaar ahaan hoolka shirarka ee kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI tababar uu soo diyaariyay xafiiska caafimaadka DDSI oo loo hayay madax xafiiseedyada xafiisyada caafimaadka degmooyinka iyo maamul magaalooyinka DDSI iyo masuuliyiinta xarumaha caafimaadka degmooyinka iyo maamul magaalooyinka DDSI.
Tababarkan oo ujeedadiisu ahayd mid ku salaysan nidaamka hogaaminta iyo maaraynta adeega caafimaadka ayaa waxaa soo xidhitaankiisii ka hadlay wasiirka caafimaadka DDSI mudane xasan ismaaciil cali oo si qoto dheer uga warbixiyay doorka ay hogaaninta dhexe ee caafimaadku ku leeyihiin ka midho dhalinta siyaasadaha caafimaadka wasiirka ayaa sheegay in si looga dhabeeye hananshada fidinta adeegyada caafimaadka oo tayaysan ay lagama maarmaan tahay in la helo hogaamin caafimaad oo ka go’aansho, karti maamul suuban iyo maarayn haboon leh. wasiirka ayaa intaasi ku daray in tababarkan loo soo xidhay hogaaminta dhexe ee caafimaadka uu yahay wajigii 1aad islamarkaana ay ka go’antahay xafiska caafimaadka DDSI in uu ka hirgaliyo degmooyinka iyo tuulooyinka DDSI isaga oo ku booriyay hogaamintan qaatay tababarkan in ay ka midho dhaliyaan ujeedooyinkii laga leeyahay tababarkan.
Gadhwadeenka geedi socodka qorshaynta iyo dabagalka xafiiska caafimaadka DDSI mduane Maxamed Ayaanle oo ayaa warbaahinta deegaanka faah-faahin dheeriya ka siiyay ahmiyada iyo ujeedooyinka tababarkan isaga oo sheegay in uu socday mudo 3maalmood ah islamarkaana mudadaasi uu socday hogaaminta dhexe ee caafimaadka la siinayay cashiro ku taxaluqa nidaamka loo hogaamiya adeegyada caafimaaka iyo maaraynt adeegyada caafimaadka oo tayo leh.