Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all 304849 articles
Browse latest View live

Shirwaynihii Wadatashiga iyo Xog-iswaydaarsiga Shacabka Iyo Xukuumada DDSI Oo La soo gabagabeeyay.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews)Axad, 14ka, May, 2017. Waxaa maanta si rasmiya loogu soo gabagabeeyay madasha shirarka kaali ee xarunta madaxtooyada DDSI shirwaynihii 8aad ee wadatashiga iyo xog-iswaydaarsiga xukuumada iyo shacabwaynaha DDSI kaasi oo mudo shan maalmood  ah socday.

waxaana soo xidhitaankii shirwaynahan ka hadlay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ugu horayntii u mahad naqay ergooyinka iyo odayaasha dhaqanka  deegaanka sida meeqaam ka sare ee ay uga qayb-qaateen mudadii uu shirku socday. Madaxwaynaha ayaa sheegay in ay xogtii, fikiradii iyo talooyinkii ka soo baxay ergooyinka  iyo  odayaasha deegaanka ee ka soo qaybgalay shirwayanaha wadatashiga iyo xog-iswaydaarsiga xukuumada iyo shacabka DDSI ay  noqonayaan kuwa gashi u noqonaya xaqiijinta  hirgalinta qorshayaasha horumarineed  nabadgalyo iyo maamulka suuban ee deegaanka. Madaxwaynaha DDSI ayaa sheegay in ay xukuumada DDSI iyo shacabka Deegaanku sii xoojinayaan wax soo saarka beeraha taasi oo ah tubta kaliya ee lagaga baxayo saboolnimada laguna gaadhayo wadamada dhaqaalahoodu meel dhexaadka yahay.

dhankooda  ergooyinkii iyo odayaal dhaqameedka deegaanka ayaa soo saaray warmurtiyeed ay ka soo saareen  shirwaynihii wadatashiga iyo xog iswaydaarsiga xukuumada iyo shacabka  kaasi oo ku salaysnaa dhibaatooyinkii sanadihii hore soo daashaday shacabka deegaanka gaar ahaan dhinacyada nabadgalyada dhibaatooyinkii  uraradii nabaddiidka ahaa ee ka dhaq-dhaqaaqijiray deegaanka ay ku hayn jireen shacabka deegaanka  sida  dhicii, dilkii, kufsigii iyo xasuuq wadareedyadii ay UBBO iyo alitixaad ku hayn jireen shacabka deegaanka   iyo  maamul xumadii ka jirtay degaanka ee aan awoodayn  in ay  shacabka deegaanka ka ridaan  nabaddiidka dhiiga ka jaqayay.

sidoo kale warmurtiyeedkan ayaa tibaaxayay  guulaha dhinacyada badan ee sanadihii ugu danbeeyay ay xukuumada DDSI  haatan ka arimisa  ka gaadhay dhinacyada nabadgalyada horumarka, maamul wanaaga, xidhiidhka dadwaynaha dalka iyo dibadaba  iyo waliba  sii joogtaynta guulahaasi,  ergooyinka iyo odayaasha dhaqameedka  deegaanku waxay si mug leh ugu mahad celiyeen  hogaaminta xukuumada DDSI oo uu ugu  horeeyo madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar, hogaaminta JDFI oo u ugu horeeyo  Raysal-wasaaraha JDFI mudane Hailemariam Desalegn  iyo qaarka mid ah dawlad deegaanada dalka sida balaadhan ee ay uga qayb-qaateen ka samatabixinta xaaladaha abaarta  shacabka deegaanka ee abaaruhu saameeyeen 

Ugu danbayntii waxay balan qaadeen ergooyinka iyo odayaal dhaqameedka deegaanku in ay sii xoojinayaan kuna fara adaygayaan hawlaha nabadgalyada, horumarka iyo maamulka suuban ee ka hirgalay deegaanka gabagabadiina waxay ergooyinka iyo odayaal dhaqameedka DDSI abaalmarin sharafeed gudoonsiiyay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud cumar 


Jidka Wayn Ee Qoraxey Ee MM Jigjiga Oo Gabagabo Maraya

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Isniin 15ka May 2017. Waxaa gabagabo maraya jidka wayn ee bartamaha magaalada jigjiga ee kaasi oo hada la dhigayo laamigii ugu danbeeyay waana jid afar haad ah oo dherarkiisu yahay 3.5 KM kaasi oo ay dhismihiisa Gacanta kuhayaan wakaalada dhismaha iibka iyo adeega gaarka ah ee policeka DDSI.

Hadaba Maareeyaha wakaalada dhismaha iibka iyo adeega gaarka ah ee policeka DDSI mudane Axmad Maki Cabdulaahi goobta shaqata ka socoday joogay ayaa u sheegay shabakada wararka ee cakaaranews in jidkan uu hadda samayntiisu meel gabagaba ah marayo mudayar gudaheedna lagu soo gabagabayndoona. Islamarkaana uu Jidkan  siwayn uga qayb-qaadanayo bilicda caasimada DDSI ee jigjga. Wuxuuna maareeyuhu intaa kudaray in jidkan shaqadiisu socoto maalin iyo habeenba.

Golaha Kaabineega DDSI Oo Kulan Yeesha.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews), isniin, 15ka May, 2017. Kulan ay yesheen Golaha Kabineega DDSI oo uu hogaaminayay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayna kasoo qaybgaleen  dhamaan golaha kaabineega DDSI ayaa ka dhacay hoolka shirarka ee xafiiska madaxwaynaha DDSI

Haddaba, madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar ayaa golaha kaabineega DDSI soo hordhigay ajendayaal dhawr ah oo ay ka mid ahaayeen ka wada hadalka sidii loo hirgalin lahaa wax soo saarka beeraha ee mashaariicaha waawayn ee kala ah, mashruuca waraabka beeraha baka, goomaar, wijiwaaji iyo maraacaato, kuwaasi oo dhamaantood dhawaan uu xadhiga ka jaray madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo in xarunta gawraca xoolaha/ sariimada magaalada jigjiga laga Raro goobtii ay ahaan jirtay ee magaalada dhexdeeda ahayd lana geeyo goob ka baxsan magaalada jigjiga.

Ugu danbayna Golaha kaabineega ayaa si qoto-dheer u falanqeeyay qodobada ajendayaasha kulankan ee kor kuxusan ugana dooday falnqayn iyo dood. Dood kadibna waxay golaha kaabineegu codbuuxa ku ansixiyay hirgalinta iyo meel-marinta dhamaan ajandayaasha kulankan.kulankan ayaana kusoo dhaamaaday meelmarinta ajandayaashaas iyo jawi fiican

 

Shahaado Sharaf Lagu Abaalmariyay Maamulaha Dugsiga Wiil-Waal

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Isniin 15ka May 2017. Shir balaadhan oo ay kasooqaybgaleen wasiirka xafiiska waxbarashada DDSI, wasiirkuxigeenka xafiiska waxbarashada DDSI, agaasimayaasha xafiiska waxbarashada DDSI, maamulayaasha iyo kormeerayaasha dugsiyada maamulka magaalada jigjiga islamarkaana lagu abaalmarinayay maamulaha iyo hawlwadeenada dugsiga wiilwaal ee maamulka magaalada jigjiga ayaa si rasmi ah uga qabsoomay hoolka shirarka ee xafiiska waxbarashada DDSI.

Hadaba, Shirkan ayaa waxaa ugu horayn furay wasiirka xafiiska waxbarashada DDSI mudane Ibraahim Aadan Mahad oo sheegay in shirkan ujeedadiisu tahay abaalmarin lagu abaalmarinayo maamulaha dugsiga wiilwaal ee maamulka magaalada jigjiga kadib markii maamulka dugsigu uu isbadal horumarineed oo balaadhan kamuujiyay geedisocodka baris barasho, iyadoo qiimayno, kormeero iyo dabagal balaadhan lagu sameeyay dhamaan dugsiyada maamulka magaalada jigjiga,

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in kormeeradan ay kamid ahaayeen gudigii golaha xildhibaanada heer federal ee qiimaynayay dugsiyada Islamarkaana sida xafiiska si lamid ah ay aad ugu riyaaqeen nidaamka ama habka maaraynta xogta maamulka suuban, ciidanka horumarka, iskuxidhka waalidiinta iyo dugsiga, aradyada iyo waliba  tayada waxbarashada ee dugsiga wiil-waal.

Dhinacakale maamulayaashii iyo kormeerayaashii shirkan kasooo qaybgalay ayaa iyaguna soo jeediyay in khibrad wayn ay kaqaadanayaan dugsiga wiilwaal ee maamulka magaalada jigjiga. Waxayna xuseen in ay aad ugu mahadcelinayaan sida wanaagsan ee masuuliyiinta waxbarashada dardargalinta hawlaha waxbarashada sida kormeerada, qiimaynada, iyo waliba kawarhaynta dugsiyada maamulka magaalada jigjiga ee kagonaanshaha leh iyo meemarinta.

Kadib iswaydaarsiga xogahaas ayaa wasiirka xafiiska waxbarashada DDSI mudane Ibraahim Aadan Mahad iyo Wasiir kuxigeenka xafiiska waxbarashada DDSI mudane Maxamuud Axmed Nuur (Heeryo ) ayaa abaalmarintii gudoonsiiyay maamulaha dugsiga wiilwaal ee MMJ.

Ugudanbayna wasiirka aya shirka soo gabagabeeyay oo sheegay in abaalmarintani ay tahay mid  marka koobaad dhiirigalin u ah maamulka dugsiga wiilwaal marka labaadna dhiirigalin ama motivation u ah maamulada dugsiyada kale ee maamulka magaalada jigjga iyo dhamaan dugsiyada deegaanka.

Tababar Ku Saabsan Daryeelka Caruurta Oo Kadhacay Degmada Marsin

$
0
0

Marsin(cakaaranews)Talaado 16ka, May 2017. Tababar ujeedadiisu tahay kobcinta awooda shaqalaha mashruuca daryeelka caruurta ee xaalada degdega ah islamarkaana ay kasooqaybgaeen shaqalaaha mashruuca daryeelka caruurta ee degmooyinka marsin, gaashaamo iyo donod ayaa kabilowday degmada marsin.

Hadaba, tababarkan ayaa waxaa furitaankisii kahadlay Gadh/W G/Socodka Daryeelka Caruurta ee Xafiiska Arrimaha Haweenka iyo Caruurta DDSI Mursal Maxamed Askar oo sheegay in tababarkani uu ayahay mid ay iskakaashadeen xafiiska arrimaha haweenka iyo caruurta DDSI iyo waliba hay’ada UNICEF. Wuxuuna intaa kudaray in Casharada tababarkan lagu bixinayay ay kamid ahaayeen daryeelka caruurta xiliga emergencyga , maaraynta iyo xalinta kiisaska caruurta, tacadiyada kadhanka ah ee loo gaysto jinsiga ama genderka ee loo soogaabiyo GBV, faayo dhawrka iyo nadaafada.

Sidookale, mudane Cumar Axmed Xasan oo kamid ah macalimiinta tababarka bixinaysay ahna khabiir katirsan xafiiska arrimaha haweenka iyo caruurta DDSI oo isna kahadlay tababarkan ayaa sheegay in tabaarkan sidookale kaqaybgalayaasha lagu barayay casharo laxidhiidha wacyigalinta bulshada ee dhinacyada daryeelka caruurta, cidhib tirka gudniinka fircawniga ah iyo guurka degdega ah.

Ugudanbayna shaqaalihii kasooqaybgalay tababarkan ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin tababarkan islamarkaana ay si fiican uga faaiidaysanayaan.

Wasirka Xafiiska Waraabka iyo Horumarinta Dooxooyinka DDSI Oo Sheegay In Guulo Laga Soo Hooyiyay Barnaamijka Dajinta.

$
0
0

jigjiga(cakaaranews)Talaado 16ka, May 2017. Wasiirka xafiiska waraabka iyo Horumarinta Dooxooyinka DDSI mudane Suldaan Maxamed Xasan (khayre) oo xafiiskiisa ugu waramay warbaahinta deegaanka  ayaa sheegay in guulo waawayn oo dhaxal gal ah laga soo hooyiyay guud ahaanba barnaamijdka dajinta sanadihii ugu danbeeyay gaar ahaana sanadkan aan ku jiro ee 2009TI. wasiirka ayaa sheegay in sanadkan la dajiyay gobolada laga wado dajinta bulsho   dhan 12,000 taasi oo ah qorshihii u yaalay xafiiska sanadkan islamarkaana loogu guulaystay sidii loogu talagalay, wuxuuna sheegay in dhinaca kale lagu guulaystay adeegyadii aas aasiga ahaa ee bulshada la dajinayo la gaadhsiinayay sida adeegyada caafimaadka, waxbarashada iyo biyaha nadiifta ah si ay u noqdaan qaysas dagan oo wax soo saar leh.

Dhinaca kale waxa uu wasiirku sharax dheer ka bixiyay mashaariicaha horumarka waara (SDG) gaar ahaan mashaariicaha waraabka ee Baka, Goomaar, wijiwaaji iyo Maraacaato kuwaasi oo dhawaan uu xadhiga ka jaray Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, waiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in dhamaan mashaariicahaasi lagu guulaystay loo hirgaliyo sidii loogu talagalay balse hadda lagu guda jiro sidii bulshada looga faa’iidayn lahaa mashaariicahaasi taasi oo ah in dhulbeereedkii ay waraabin lahaayeen mashaariicahani la hirgaliyo si ay bulshada ugu soo saaraan wax soo saarka beeraha oo ah tubaha lagaga baxayo saboolnimada laguna gaadhayo wadamada uu dhaqaalahoodu meel dhexaadka yahay.

Ugudanbayntii, wasiirka ayaa tilmaamay in waxsoosaarku uu yahay qorshayaasha waawayn ee uu dalku xooga saarayo islamarkaana bulshadu ay kunoqonayaan kuwa iskufilaansho gaadha. Wuxuuna kula dardaarmay dhamaan bulshada deegaanka in laga faa’iidaysto biyaha cirka iyo kuwa wabiyada iyo waliba mashariicahan biyo-xidheenada ee waraabka ee Baka, Goomaar, Wiji-waaji iyo Maraacato.   

Maamulka Degmada Awbare Oo 4,000 kun Oo Geedaha Khudaarta ah U Qaybiyay Beeralayda Degmada Awbare

$
0
0

Awbare(cakaaranews)Talaado, 16ka, May 2017. Mas’uuliyiinta maamulka degmada awbare ee gobolka faafan ayaa geedaha dhirta ee khudaarta ah oo tiradoodu dhantahay 4,000 oo geed u qaybiyay beeralayda ku nool tuulooyinka hoosyimaada degmada awbare.

Hadaba, Geedahan  khudaarta ah oo ah kuwo lagu bacarimiyay goobta dhirbeerista maamulka degmada awbare  ayaa waxaa warbaahinta deegaanka uga waramay Gudoomiyaha Degmada Awbare mudane Maxamed Cabdi Faarax oo sheegay in geedahan maanta loo qaybinayo beeralayda degmada awbare ay isugu jiraan khudaarta noocyadeeda kala duwan sida Canbaha, Saytuunka, Liinta iyo Bunka kuwaasi oo ah kuwo la soo bacarimiyay oo hadda u baahan oo kaliya in laga faa’iidaysto wuxuuna gudoomiyuhu ku booriyay bulshadan loo qaybiyay geedahan khudaarta ah in ay sidii loogu talagalay uga faa’iidaystaan una daryeelaan sidii loogu talagalay. Gudoomiyaha ayaa intaasi ku daray in tani ay qayb-ka tahay dadaalada ka faa’iidaysiga wax soo saarka beeraha islamarkaana ay xukuumada Dawalada Deegaanka Soomaalida itoobiya ay xooga saartay.

Dhankooda qaybaha kala duwan ee bulshada la gaadhsiiyay geedahan khudaarta ah ayaa si fiican u soo dhaweeyay uguna mahad naqay maamulka degamada iyo xukuumada soo gaadhsiisay waxayna sheegeen in ay sidii loogu talagalay uga faa’iidaysanayaan dhirtan una daryeelayaan.

 

Xaflad Lagu Sagootiyay Kooxdii Caafimaadka Ee U Gurmatay Deegaanka Buuhoodle.

$
0
0

Buuhoodle,(cakaaranews),Arbaca, 17ka, May, 2017. Dadaalka balaadhan ee ay xukumada DDSI u gashay ka jawaabida xaaladaha abaarta iyo xakamayn cudurka shuban biyoodka ee ay keentay xaaladaha abaaru ayaan ku koobnayn oo kaliya deegaanka soomalida itoobiya balse kaalin miisaan culus ka gaysatay wax ka qabadka xaaladaha abaarta iyo xakamaynta cudurka shuban biyoodka qaarka mid ah bulshada ku dhaqan deegaanada  wadamada aan dariska nahay.

Waxaaa ka mid ahaa deegaanka ay xukuumada DDSI si adag ugu gurmaday bulshada ku dhaqan deegaanka   buuhoodle ee dalka soomaliya ee aan dariska nahay oo xanuunka shuban biyoodku  si ba’an u haleelay. waxayna  xukuumada dawlada  Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa u  dirtay koox caafimaad, dawooyinka qalabka adeegyada caafimaadka iyo deeqo raashin ah.

deegaankaasi buuhoodle waxa uu la ildarnaa ka hor intii ayna gaadhin kooxda caafimaadku  abaar iyo cudurka shuban biyoodka taasi oo aan loo hayn awood lagu xakamayn karo xaaladaha abaarta iyo cudurka shubun biyoodka  islamarkaana ay xiligaasi dadka badan 500 oo qof ay cusbitaalka magaalada buuhoodle la jiifeen xanuunka shuban  biyoodka ah.  kooxdan caafimaadka oo isugu jiray dhakhaatiirta iyo xirfadlayaasha caafimaadka  ayaa ka dib markii ay ka hawlgaleen deegaanka buuhoodle waxay ka soo hooyeen guulo ay ku diirsadeen bulshada reer buuhoodle, xaaladii cakirnaydna ee dhinaca xanuunka shubanka  biyoodka ah  ku soo celiyay mid caadiyo waxayna kooxdan caafimaadka ee DDSI ka hawlgaleen deegaanka buuhoodle muddo bil ah.

haddaba, ka dib markii ay kooxdan caafimaadku soo gudatay waajibaadkoodu guulo waawayna ka soo hooyay xakamaynta iyo tir tirida xanuunka shuban biyoodka ayaa waxaa xaflad sagootin iyo mahad naq   ah u qabtay bulshada reer buuhoodle ee ay ka mid yihiin odayaal  dhaqameedka deegaanka buuhoodle, gudiga caafimaadka ee deegaanka buuhoodle iyo bulshada reer buuhoodle waxayna xafladaasi ujeedadiidu ahayd mid loogu mahad naqayo guud ahaanba dalkeena itoobiya gaar ahaana DDSI laguna soo sagootinayo  kooxdan caafimaadka  ee xiligii  murugadu haysatay bulshada reer buuhoodle uga soo gurmatay waxayna qaybaha kala duwan ee bulshada reer buuhoodle oo ka hadlay xafladaasi si mug leh ugu mahad celiyeen  guud ahaan, dalkeena itoobiya,  DDSI gaar ahaan  madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar

waxaana gabagabadii xafladan  shahaadooyin sharaf la gudoonsiiyay dhamaan kooxdii caafimaadka ee la soo sagootinayay.


MW CMC Oo Furaha Guri Casriya Gudoonsiiyay Cabdulaahi Xasan Oo Kamid Ahaa Madaxwayneyashii hore ee DDSI

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Khamiis, 18ka May 2017. Madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa maanta ku wareejiyay furaha guri casriya mudane Cabdulaahi Xasan oo ka mid ahaa madaxwayneyaashii hore ee deegaanka soomaray.

Hadaba Munaasabadii lagu wareejinayay furaha guryahan casriga ah oo ay goobjoog ka ahaa yeen madaxwayne yaashii hore ee deegaanka soomaray ayaa waxaa ka hadlay Madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo sheegay in maanta lagu wareejinayo furaha guryahan casriga ah mudane Cabdulaahi Xasan oo ka mid ah madaxwayne yaashii hore ee deegaanka soomaray islamarkaana ay mudan tahay in la xurmooyo lana qadariyo , Wuxuuna madaxwaynaha DDSI intaa kudaray  in madaxwayneyaashii hore ee deegaanka soomaray la siiyay guryo noocan ah .

Sidoo kale mudane Cabdilaahi Xasan oo ka mid ah madaxwayneyaashii hore ee deegaanka soomaray ayaa siwayn ugu mahad naqay madaxwaynaha DDSI iyo guud ahaan xukuumada DDSI wuxuuna sheegay in ay maanta farxad u tahay maadaamo oo ay meelwada joogaan madaxwayneyaashii hore ee deegaanka soomaray kana qayb-qaadanayaan hawlaha horumarka taasina waxa uu sigaar ah ugu mahad celiyay Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo suurgagaliyay arintan dhaxalgalka ah.

Gurigan casriga ah ee lagu wareejiyay mudane cabdilaahi xasan ayaa waxaa dhismihiisa hirgalisay wakaalada horumarinta guriyaha DDSI waxaana laga hirgaliyay xaafada dulqabow ee maamulka magaalada jigjiga.

 

 

 

 

 

 

Mw Ku Xigeenka DDSI Oo Xadhiga Ka Jaray Kaalin Shidaal Casriya.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews), Jumce, 19ka, may, 2017. Waxaa maanta xadhiga laga jaray kaalin shidaal casriya oo ay ku baxday aduun lacageed oo dhan 28 milyan oo bir taasi oo uu  muwaadin dhalinyaro ka hirgaliyay   Caasimada deegaanka ee jigjiga.

Xafladii kaalintan shidaalka ah xadhiga lagaga jarayay oo ahayd mid si qurux badan loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin sare oo heer deegaan ah oo uu ka mid yahay madaxwayne ku xigenka DDSI  ahna wasiirka horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha DDSI mudane Cabdixakiin Cigaal Cumar, odayaasha  dhaqanka deegaanka,  masuuliyiinta ugu saraysa shirkada total dalkeena itoobiya oo uu ka mid yahay maareeyaha guud ee shirkada total dakeena itoobiya mudane Lassina Toure, kooxaha fanka iyo suugaanta DDSI iyo marti sharaf kale.

Kaalintan  shidaalka ah oo ah tii ugu horaysay ee noocan oo kale ah   laga hirgaliyo dalkeena itoobiya ayaa waxaa xafladii xadhig ka jarka  ugu horayntii ka hadlay madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha DDSI mudane Cabdikaxiin Cigaal Cumar oo ugu horayntii u mahad celiyay mulkiilaha hirgaliyay kaalinta shidaalka ee laga dhisay caasimada DDSI wuxuuna sheegay madaxwayne ku xigeenku in sanadihii ugu danbeeyay si xawliga isku soo tarayso ganacsatada DDSI ee maalgashiga balaadhan ka samaysanaya deegaanka madaxwayne ku xigeenka ayaa ka warbixiyay ahmiyada ay kaalintani u leedahay bilicda magaalada jigjiga iyo adeeg bixinta dhinaca shidaalka ee deegaanka.

Dhankiisa  waxaa ka hadlay xafladan  maareeyaha guud ee Shirkada total dalkeena itoobiya  mudane Lassina Toure oo ugu horayntii u mahad celiyay u mahad celiyay hogaaminta xukuuamda DDSI ee suurtagaliyay horumarka balaadhan ee sida xawliga ah uga hirgalay DDSI isaga oo sheegay in kaalinta maanta xadhiga laga jarayaa tahay kaalintii ugu horaysay ee nooceedan oo kale ah ee laga hirgaliyo dalka  itoobiya  islamarkaana laga hirgaliyay caasimada DDSI maareeyaha ayaa u mahad celiyay mulkiilaha  kaalinta shidaalka dadaalka balaadhan ee uu ku jirgaliyay kaalinta casriga ah.

Sidoo kale waxaa ka hadlay furitaankii xafladan  mulkiilaha kaalinta ee shidaalka ee total mudane Sacad Xaaji Maxamed Ismaaciil oo ugu horayntii u mahad celiyay hogaaminta sare ee xukuumada DDSI oo ugu horeeyo madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar oo kaalin mug leh ka gaystay ayuu yidhi hirgalinta kaalintan shidaalka isaga oo ka warbixiyay jaran jarooyinkii ay soo martay hirgalinta kaalintan shidaalku isaga oo sheegay in ay ku baxday aduun lacageed oo dhan 28 millyan oo bir.

Waxaa kale oo ka hadlay xafladan Garaad Kulmiye Garaad Maxamuud Garaad Dool oo sharax dheerka bixiyay ahmiyada ay leedahay kaalintan shidaalka isaga oo sheegay in ay qayb ka tahay  qorshayaasha horumarineed ee laga hirgaliyay deegaanka gaar ahaan caasimada deegaanka ee jigjiga. Garaad ka oo ka hadlayay afka odayaasha deegaanka ayaa u mahad celiyay mulkiilaha hirgaliyay kaalinta shidaalka oo ah tii ugu horaysay ee noocon oo kale ah oo laga jirgaliyo dalkeena itoobiya

 

Ugu danbayntii waxaa xadhiga uga jaray kaalintan shidaalka ee total madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha DDSI mudane cabdixakiin cigaal cumar iyo maareeyaha guud ee shirkada total ee dalkeena itoobiya mudane lassina toure.

MW CMC Ambabaxay Xarunta Dalka Ee Addisababa.

$
0
0

Addisababa (Cakaaranews) Sabti 20ka May 2017. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa dhanka xarunta deegaanak uga ambabaxay dhanka xarunta dalka ee magaalada addisababa, Isagoo hawlo shaqo, Shirar iyo hawlo muhiim ah utagay xarunta dalka ee magaalada addisababa. madaxwaynaha ayaana wakhti xaadirkan kusugan xarunta dalka .

Kulan Lagaga Arrinsanayay Diyaarinta Qorshaha Hawlaha Caafimaadka ee 2010

$
0
0

Jigjiga (cakaaranews) Sabti 20ka May 2017.Kulan kusaabsan diyaarinta qorshaha hawlaha caafimaadka islamarkaana lagu aasaasayay kooxo cusub oo ah kooxaha taageerada iyo dabagallka hawlaha caafimaadka, kana sooqaybgaleen Vocal personada 8 gobol oo deegaanka kamid ah iyo hawlwadeeno kale ayaa kadhacay xarunta deegaanka ee magaalada  jigjiga.

Hadaba, kulankan oo ahaa mid lagu diyaarinayp qorshayaasha caafimaadka islamarkaana socday mudo sadex cisho ah ayaa waxaa xidhitaankiisii kahadlay  wasiirka xafiiska caafimaamadka DDSI mudane Xasan Ismaaciil oo xidhitaankii kulankan kahadlay ayaa sheegay in kulankani ahaa mid  lagu lafa gurayayay qorshaha 2010 TI ee inagu soo aadan islamarkaan lagu aasaasayay kooxaha taageerada iyo dabagalka caafimaadka.

Wuxuuna wasiirku kuladardaarmay hawlwadeenada iyo kooxahaba in qorshaha 2010 ee caafimaadku uu noqda mid kusalaysan siyaasada caafimaadka ee dalka islamarkaana ku qotama baahada deegaanka ee dhinaca caafimaadka.

Ugudanbayna kaqaybgalayaashii kulankan oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in kulankani ahaa mid aadmuhiim u ah aadna ay ugfaraxsanyihiin. Waxayna tilmaameen in ladhisay kooxaha taageerada iyo dabagalka caafimaadka.

 

 

Tartan Aqoomeed Loo Hayay Ardayda Dugsiyada ee MMJ Oo Lasoo Gabagabeeyay

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Axad 21ka May 2017.Tartan  balaadhan oo uu soo agaasimay xafiiska waxbarashada iyo kobcinta awooda Maamulka magaalada Jigjiga islamarkaana ay kasooqaybgaleen ardayda dugsiyada oo laga soo kala xulay 29 dugsi oo isugujira dugsiyada dawliga ah iyo kuwa aan dawliga ahayn, socdayna mudo bil ah ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada jigjiga.

Tartankan  oo ah mid ay ardaydu  ku taratamaysay 6 maado oo kala ah physics, chemistry, biology, milgaha qaranka (Civic), luuqada afka Hooyo, iyo xisaabta ayaa lagu abaalmariyay dugsiyadii iyo ardaydii kaalimaha hore galay.

Hadaba, tartankan ayaa waxaa warbaahinta deegaanka uga waramay madaxa xafiiska waxbarashada iyo kobcinta awooda Maamulka Magaalada Jigjiga mudane Cabdinaasir Cadhays oo sheegay in tartankani yahay mid uu xafiisku qabto sanadwalba xiligan oo kale islamarkaana ay u jeedadiisu tahay in ardayda dhaxdeedu isbarato kuna kala bartaan aqoon iyo cilmi, wuxuuna tilmamay in ay abaal marin la siiyay dugsiyadii iyo ardadii ku guulaystay tartankan islamarkaana kaalimaha hore galay.

Uguanbayna dhankooda ardaydii kuguulaysatay tartankan oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin taratakan looqabtay. Waxayna xuseen in taratnku ahaa mid si heer sare ah loo soo diyaariyay aqoon iyo cilmi badana ay ka heleen.

 

 

Tababar Ku Saabsan Daraasaadka Xili Roobaadka Gu’ga Oo Ka Furmay Jigjiga.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews), Axad, 21ka,May, 2017.  Waxaa ka furmay caasimada deegaanka ee  jigjiga gaar ahaan madasha shirarka ee huteelka xamda tababar ku saabsan sidii loo daraasadayn lahaa xili roobaadka gu’ga islamarkaana loo ogaan  lahaa  baahida bulshada deegaanka ee xoolo dhaqatada iyo xoolo dhaqato beeralayd.

Tababarkan oo uu soo agaasimay xafiiska ka hortaga iyo u diyaar garowga masiibooyinka DDSI ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta ugu saraysa xafiiska ka hortaga iyo u diyaar-garowga masiibooyinka oo ay ka mid yihiin wasiirka xafiiska ka hortaga iyo u diyaar garowga masiibooyinka DDSI mudane Xuseen Maxamed Xasan, wasiirka xigeenka xafiiska ka hortaga iyo u diyaargarowga masiibooyinka DDSI ahna la taliyaha madaxwaynaha dhinaca bini-aadanimda iyo xidhiidhka ha’yadaha mudane Anwar Cali, wasiir ku xigeenka ka hortaga iyo u diyaar-garowga masiibooyinka DDSI mudane Yaasiin Cumar, xubno ka  socday xafiisyada heer deegaan ee ay baw-wadaagta yihiin xafiiska  ka hortaga iyo u diyaargarowga masiibooyinka DDSI iyo xubo ka socday dhamaan hayada, ka hawlgala deegaanka gaar ahaan kuwa ay bah-wadaagta yihiin xafiiska ka hortaga iyo u diyaar-garowga masibooyinka DDSI.

Waxaana furitaankii tababarkan ka hadlay wasiirka xafiiska ka hortaga iyo u diyaargarowga masiibooyinka DDSI mudane Xuseen Maxamed Xasan  oo ka warbixiyay ahmiyada iyo ujeedooyinka tababarkan  isaga oo  sheegay in  ujeedada ugu wayn tababarkani tahay maadaama oo  hadda lagu jiro xili-roobaadkii gu’ga sidii loo soo daraasadan lahaa xaalad Roobaadka gu'ga loona ogaan lahaa baahida bulshada deegaanka ee xoolo dhaqatada iyo kuwa xoolo dhaqato beeralayda ah gaar ahaan kuwa ay abaaruhu saameeyeen wasiirka ayaa intaasi ku daray in hadda xukuumada DDSI xooga saarayso sidii looga gaashaaman lahaa xaaladaha abaarta daraasaadkana wax wayn ka qabandoona qorshayaasha lagaga gaashaamanayo abaarta ugu danbayntii waxa uu wasiirku u booriyay tababartayaashan in mudada uu tababarku socdo fahan buuxa ka qaataan cashirada la dhigayo si looga midho dhaliyo ujeedooyinka tababarkan.

Tababarkan oo socondoona mudo laba maalmood ah ayaa marka uu dhamaado waxay  tababartayaasha  oo ah kooxo isku dhafka oo ka kala socday qaarka mid ah xafiisyada heer deegaan iyo hay’adaha ka hawlgala deegaanku u bixidoonaan gobolada deegaanka si ay u soo sameeyaan daraasaadkan.

Huteel Cusub Oo Laga Hirgaliyay MM tog-wajaale Ayaa xadhiga laga jaray.

$
0
0

Tog-wajaale,(Cakaaranews)Axad, 21ka, May, 2017. Waxaa maanta xadhiga laga jaray huteel cusub  oo   laga hirgaliyay maamulka magaalada tog-wajaale kaasi oo loo bixiyay meder huteel  ayna  ku  baxday aduun lacageed oo dhan   18 millyan oo birr ayaa waxa  maalgashaday muwaadin dhalinyaro.

Haddaba, Xafladii  xadhiga lagaga jarayay huteelkan cusub  oo ahayd mid si qurux badan loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin  heer deegaan ah oo ay ka mid yihiin  wasiirka maalgalinta DDSI mudane Cabdinaasir Maxamed, maareeye ku xigeenka machadka cilmibaadhista DDSI mudane cabdiraxmaan caagane, masuuliyiinta maamulka  gobolka faafan oo uu ka mid yahay ku simaha  gudoomiyaha gobolka faafan mudane Axmednuur Siyaad Cabdi, masuuliyiinta maamulka magaalada tog-wajaale oo uu ka mid yahay maayorka maamulka magaalada tog-wajaale mudane maxamuud cabdi muxumed qaarka mid ah odayaal dhaqameedka heer deegaan iyo kuwa maamulka magaalada tog-wajaale. .

Waxaana xafladii xadhiga lagaga jarayay huteelkan ugu horayntii ka hadlay wasiirka maalgalinta DDSI mudane Cabdinaasir maxamed     oo  u mahad celiyay mulkiilaha hirgaliyay huteelkan cusub ee laga dhisay maamulka magaalada tog-wajaale wuxuuna sheegay wasiirku  in sanadihii ugu danbeeyay si xawliga isku soo tarayso ganacsatada DDSI ee maalgashiga balaadhan ka samaysanaya deegaanka taasi oo salka ku haysa dadaalka muga leh ee ay xukuumada DDSI u gashay sidii loo dhiiragalin lahaa  loona garab istaagilahaa ganacsatada DDSI  islamarkaana suurtagalisay ayuu yidhi wasiirku barnaamijyo iyo qorshayaal  hufan oo ganacsatada u sahlaya  in ay si fudud u maalgashadaan deegaanka   wasiirka ayaa  tilmaamay ahmiyada balaadhan ee u huteelkani u leeyahay bilicda magaalada tog-wajaale iyo adeegyada dhinaca huteelada ee maamulka magaalada togwajaale isaga oo ku booriyay ganacsatada kale oo maamulka magaalada tog wajaale iyo kuwa deegaankuba in ay ku daydaan mulkiilahan huteelka.

Waxaa kale oo ka hadlay xafladan xadhiga lagaga jaray huteelkan ku simaha   gudoomiyaha gobolka faafan mudane Axmednuur ciyaad cabdi iyo qaarka mid ah odayaal dhaqameedka DDSI iyo kuwa maamulka magaalada tog-wajaale kuwaasi  sheegay in guulaha balaadhan ee ay xukuumada DDSI sanadihii ugu danbaysay soo haysay tahay tan keentay in hantiilayaasha DDSI ku dhiiradaan sidii ay maalgashi balaadhan uga samaysan lahaayeen deegaan waxayna tilmaameen   ahmiyada uu huteelkani u leeyahay magaalada tog wakaale oo ah xarun ganacsi islamarkaana loo baahay yahay in kor looqaado adeega dhinaca huteelada iyaga oo mahad celiyay mulkiilaha huteelkan hirgaliyay ay ku tilmaameen  in uu yahay  muwaadin dhalinyaro ah oo ku dayasha mudane

Sidoo kale waxaa ka hadlay furitaankii xafladan mulkiilaha huteelkan cusub mudane Mustafe Cabdilaahi   oo ugu horayntii u mahad celiyay hogaaminta sare ee xukuumada DDSI oo ugu horeeyo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo suurta galiyay ayuu yidhi in aan ku dhiirano hirgalinta maalgashigi huteelkan wuxuuna sheegay hirgalintiisa huteelkan in ay  ku baxday aduun lacageed oo dhan 18 millyan oo bir wuxuuna ka kooban yahay ayuu yidhi 54 Qal oo jiif ah hoolkii shirarka iyo qaybta sharaabka/cafateeriyada kaasi oo  shaqo abuur u sameeyay ayuu yidhi mulkiiluhu 35 qof oo muwaadiniin ah.

 

Waxaana siwada jir ah xadhiga uga jaray huteelkan wasiirka maalgalinta DDSI mudane Cabdinaasir maxamed iyo maayorka maamulka magaalada tog-wajaale mudane maxamuud cabdi muxumed.


Shirkii Qiimaynta 6da Bilood Ee Mashruuca PSNP Oo Ka Fumay Magaalada Jigjiga

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Isniin 22ka May 2017. Shir balaadhan oo uu soo agaasimay Xafiiska Horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah waaxdiisa damaanaad qaadka cuntada islamarkaana ay kasooqaybgaleen madax-xafiiseedyada maaliyada, beeraha, xisaabadada PSNP iyo dhamaan TA yada 46 degmo oo deegaanka ah ayaa ka bilowday hoolka shirarka ee kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI.

Hadaba, shirkan ayaa waxaa furay islamarkaana khudbad muhiim ah kasoojeediyay kusimaha wasiirka Xafiiska Horumarinta Beeraha iyo Khayraadka Dabiiciga ah  ahna Agaasinka Geedisocodka Damaanad Qaadka Cuntada ee isla Xafiiska mudane Lubi Axmed Kaariye oo sheegay in shirkani yahay shirkii lix  biloodlaha ahaa ee dib u eegsita iyo qiimaynta waxqabadka mashruuca PSNP iyo waliba qorshayaashii ladhigtay 6da bilood iyo siday u qabsoomeen. Wuxuuna intaa kudaray in shirkani uu yahay mid lagu eegayo warbixinta waxqabadka degmo kasta oo shirkan fadhida islamarkaana lagu saxayo dhaliilaha la arko inta uu socdo shirku.

Kusimaha wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in shirkani uu noqon doono mid lagu kalaqaato khibrado islamarkaana ay degmooyinka dhaxdoodu ay khibrad ku kala qaataan dhankooda adag.

Sikastaba ha ahaatee, shirkan lix biloodlaha ah ee qiimaynta ah ayaa ku bilawday jawi wanaagsan oo farxadi ku dheehan tahay.

 

 

Dufcadii 1aad Oo Ka Qalinjabisay Kuliyada Caafimaadka Ee Qabridahar

$
0
0

Qabridahar(Cakaaranews)Isniin, 22ka May 2017. Waxaa ka qalinjabiyay kuliyada caafimaadka ee magaalada qabridahar dufcadii 1aad oo ay tiradoodu dhan tahay 57 arday oo ay 27 hablo yihiin kuwaasi oo ku qalinjabiyay heerka dilomada muddo 3sanno ah bartayna waaxaha kaladuwn ee culuunta caafimaadka.

waxaana ka soo qaybgalay qalinjabinta xafladan  masuuliyiin heer deegaan ah oo ay ka mid yihiin wasiirka xafiiska tababarada xirfadaha iyo farsamada DDSI mudane Naasir Ahmed, Wasiirka xafiiska arrimaha haweenka iyo caruurta DDSI marwo Raxma Maxamuud Haybe, masuuliyiinta gobolka qoraxey iyo kuwa mm qabridahar.

Hadaba qalinjabinta munaasabadan ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay wasiirka xafiiska tababarada xirfadaha iyo farsamada DDSI mudane Naasir Ahmed oo sheegay inuu aad oogu faraxsanyahay qalinjabinta ardaydan 57 ah ee baratay culuumta caafimaadka islamarkaana ay tani kamid tahay guulaha ay xukuumadu ka gaadhay qaybaha waxbarashada. Wuxuuna wasiirku kula dardaarmay ardaydan ka qalinjabisay kuliyada caafimaadka ee mm qabridahar inay bulshada oogu adeegaan sidii loogu talagalay islamarkaana bulshada ka caawiyaan adeega dhanka caafimaaka.

Ugu Danbayna waxaa dhankooda ka hadlay qaar kamid ardadii qalinjabiyaasha ahaa oo sheegay inay aad oogu faraxsanyihiin qalinjabintan ay maanta ka qalinjabiyeen kuliyada caafimaadka ee mmq islamarkaana ay bulshada ugu adeegii doonaan sidii loogu talagalay kana caawin doonaan adeeyada caafimeed ee ay soo barteen.

Xubnaha Madasha Wadatashiga Golayaasha Heerar-kooda Kala Duwan Oo Tababar Loo Soo Xidhay.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews), Isniin, 22ka May, 2017. Waxaa tababar muddo 3 maalmood ah socday loo soo gabagabeeyay xubnaha madasha wadatashiga golayaasha heerarkooda kala duwan oo ah, xubnaha afhayeenada golayaasha xildhibaanada degmooyinka deegaanka iyo ku xigeenada afhayeenka golaha xildhibaanada degmooyinka deegaanka, maamulada magaalooyinka DDSI iyo waliba xubnaha gudiyada joogtada ah ee golayaasha degmooyinka deegaanka.

Tababarkaasi oo uu soo diyaariyay xafiiska golaah xildhibaanada DDSI  ayaa waxaa soo xidhitaankiisii ka hadlay madaxa xafiiska golaha xildhibaanada DDSI mudane Ibraahin Maxamed oo ka warbixiyay ahmiyada uu lahaa tababarkan kaasi oo sheegay in uu ahaa mid xooga lagu saarayay sii adkaynta hanaanka hawlaha shaqo ee  xildhibaanada degmooyinka deegaanada, xoojinta shaqooyinka ugu muhiimsan iyo mabaadida shaqo ee golaha xildhibaanada degmooyinka deegaanka iyo maamulada magaalooyinka DDSI  wuxuuna masuulku ku booriyay xubnahan madasha wadatashiga golayaasha heerarkooda kala duwan  in ay ka midho dhaliyaan cashiradii la siinayay mudadii uu tababarku socday.

 

Mudada uu socday tababarkani waxaa la barayay xubnahan cashiro ay ka mid yihiin doorka golaha xildhibaanada degmooyinka iyo maamul magaalooyinku ku leeyihiin hirgalinta maamulka suuban iyo rifoomyada, doorka ay golaha xildhibaanada degmooyinku ku leeyihiin geedi socodka diyaarinta, ansixinta iyo dabagalka miisaaniyada iyo hanaanka duubista iyo diyaarinta  hadal qoraaleedyada  golaha baarlamaanka degmooyinka iyo maamul magaalooyinka. Waxaana bixinayay cashiradan khabiiro ka kala socay xafiiska golaha xildhibaanada DDSI ,xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI  iyo xafiiska  adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha DDSI.

Tababar Ku Saabsan Hirgalinta Wajigii 4aad Ee Nidaamka Qiimaynta iyo Darajasiinta Shaqada Oo Ka Furmay Jigjiga

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews),talaado, 23ka May, 2017. Tababar uu soo diyaariyay xafiiska adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha DDSI oo ay ujeedadiisu tahay sidii loo hirgalin lahaa nidaamka qiimaynta iyo daraja siinta shaqada (Job evaluation and grading)    iyo tabaha cabirka halbeega shaqada oo ah wajigii 4aad ayaa ka furmay caasimada DDSI ee jigjiga  kaasi oo loo  qaybtay  xubnaha madax xafiiseedyada xafiisyada adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha  ee dhamaan degmooyinka deegaanka iyo maamulada magaalooyinka  DDSI.

Waxaana Furitaankii tababarkan ka  hadashay wasiirka adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha DDSI marwo Maajida Maxamed Maxamuud  oo ka warbixisay  ujeedooyinka tababarkan iyo istaraatajiyadaha laga leeyahay taasi oo ah ayay tidhi in si cad loo qeexo cid kastaana garato kaalinta uu shaqaaluhu ku leeyahay hirgelinta waajibaadyada shaqada iyo natiijooyinka laga sugayo shaqaalaha  wasiirka ayaa sheegtay in nidaamka qiimaynta iyo darajasiinta shaqada wajigiisii 1aad laga hirgaliyay xafiiska adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha DDSI halka  2aad iyo kii 3aad  laga hirgaliyay xafiisyada heer deegaan taasi oo guulo waawayn laga soo hooyay halka wajigiisa 4aadna la doonayo in laga hirgaliyo gobolada, maamulada magaalooyinka iyo degmooyinka DDSI ujeedada tababarkana tahay sidii fahan buuxa looga siinlahaa xubnahan fulinta iyo hirgalinta nidaamkan waxayna wasiirku ku boorisay xubnahan ka soo qaybgalay tababarkan in looga baahan yahay in ay kaalin tooda ka qaataan hirgalinta nidaamkani darajo siinta shaqada si loo dar-dar galiyo shaqooyinka haay’adaha dawlada layskuguna dheeli tiro shaqada iyo darajasiinta shaqada.

 

Nidaamka qiimaynta iyo darajo siinta shaqada oo laga hirgaliyay xafiisyda heer deegaan  ayaa ah  nidaam  kor u qaaday  tayada deegyada  shaqada xafiisyada dawlada  islamarkaana  xoojinaya  diyaarinta qorshaha cududa shaqo lagu hirgalinayo  wuxuuna si cad u qeexayaa  Hanaanka shaqaalaynta, dalacsiinta, bedelka iyo darajasiinta shaqada.

MW CMC Oo Hambalyo U Diray Dr Tedros Adhanom.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews), talaado, 23ka may 2017.  Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa hambalyo kal iyo laab ah u diray Dr Tedros  Adhanom  guusha taariikhiga ah  ee uu ku  guulaystay jagada  agaasimaha  guud ( director general)  ee hay’ada caafimaadka aduunka (WHO) taasi  oo ka dhigaysa masuulkii ugu horeeyay ee  ka soo jeeda qaarada Africa  ee ku guulaysta jagadan.

haddaba, Madaxwaynaha DDSI mudane  cabdi maxamuud cumar ayaa u Rajaynaya  in xilkan iyo masuuliyadan  loo Idmaday Dr tedros adhanom  uu  guulo wax ku ool ah ka soo hoyn-doono isbadal muuqdana ka keenidoono dhinaca caafimaadka wadamada caalamka gaar ahaan wadamada soo koraya. madaxwaynaha ayaa  intaasi ku daray in ayna ahayn oo kaliya guul u soo hoyatay Dr tedros ee ay tahay guul u soo hoyatay dalkeena itoobiya iyo guud ahaan qaarada Africa.

Viewing all 304849 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>