Afdam(Cakaaranews) Axad 7da May 2017. Maamulka gobolka Galbeedka Hararge ee deegaanka oromiya ayaa deeq raashin ah oo 1000 kintaal oo galay ah soo gaadhsiiyay gobolka siti ee deegaankeena.
Hadaba deeqdan raashinka ah ee deegaanka walaalaheen ah soo gaadhsiiyeen deegaankeena ayaa waxay ka qabsoomtay senterka diracle ee degmada afdam waxaana kasoo qaybgalay munaasabada lagaga gudoomayay deeqdan raashinka ah mas’uuliinta ugu saraysa gobolka siti oo uu ugu horeeyo gudoomiyaha gobolka siti mudane CabdiWali Maxamed Faarax, qaarkamid ah Mas’uuliyiinta degmooyinka gobolka siti iyo odayaasha, Isagoo gudoomiyuhu sheegay inay aad oogu farxasanyihiin deeqdan raashinka ah ee ay soo gaadhsiiyeen maamulka galbeedka hararge ee oromiya ee deegaanka dariskeen ah ee walaaladeen ah, Wuxuuna gudoomiyuhu umahad celiyay maamulkan soo gaadhsiiyay deeqdan raashinka ah islamarkaana deeqdan tahay mid loogu talagalay shacabkii ay abaartu saamaysay sanadii hore ee ku dhaqan gobolka siti si kal iyo lab ahna ooga gudoomeen.
Dhanka kale waxaa isana dhankiisa ka hadlay gudoomiyaha gobolka galbeedka hararge mudne Kafa oo sheegay inay deeqdan oogu talagaleen shacabka gobolka siti ee ay abaartu saamaysay sanadii hore, Wuxuuna gudoomiyuhu xusay in deeqdan ay tahay mid isusoo dhawaynaysa labaada shacab ee walaalaha ah ee deegaanka oromiya iyo deegaanka somaalida, Isagoo gudoomiyuhu xusay in shacabka labada deegaan ay yihiin dad walaala ah islamarkaana Kushitic isla ah dhaqana wadaaga.
Ugu danbayna waxaa dareenkooda ka hadlay odayaasha gobolka siti oo sheegay inay aad oogu faraxsanyihiin deeqdan raashinka ah ee ay soo gaadhsiiyeen walaalahooda maamulka galbeedka hararge ee deegaanka oromiya islamarkaana ay si kala iyo lab ah ooga gudoomeen deeqdan raashinka ah.