Gure-dhaamoole(Cakaaranews) Sabti, 6da May 2017. Waxaa Kafurmay Xarunta Caafimaadka Ee Dagmada Gora-dhaamoole Daawayntii Iyo Qaliinkii Indhaha bilaashka ahaa Oo Ay Kafaa,iidaysanayaan Dagmooyinka Gore-dhaamoole Iyo Gora-baqaqsa
Hadaba Waxaa Furitaankii adeegan qaliinka iyo daawaynta indhaha Kahadlay Gudomiyaha Dagmada Gore-dhaamoole Mudane Cabdi Maxamed Aadan oo sheegay in maanta uu degmada gore-dhaamoole ka bilowday adeegii qaliinka iyo daawaynta indhaha kaas oo ay kaafaaiidaysanayaan Dagmooyinka Gore-dhaamoole Iyo Gora-baqaqsa islamarkaana uu adeegani yahay mid bulshada muhiim ah u ah, Wuxuuna gudoomiyuhu umahad celiyay xukuumada oo marwalba shacabkeeda la garabtaan siday ooga jawaabi lahaayeen baahidooda gaarka ah.
Dhanka kale waxaa isana dhankiisa ka hadlay .Agaasinka Kahortaga Indhola,aanta Ee Xafiiska Caafimaadka DDSI Mudane Axmed bade Ducaale oo sheegay inuu adeegu bilaabmay maanta islamarkaana uu lamarayo jeegarayntii hore lagula kala ogaanayay sida uu qof walba wax uqabo iyo heerka uu shaqsi walba gaadhsiisan yahay xanuunkiisa, wuxuuna intaa kudaray inuu adeegu halkaakasii socon doono.
Ugu danbayna waxaa iyana dhankooda kahadlay b ulshadii Ka Faaiidaysanaysay Adeegani Bilaashka Ah Ayaa Bogaadisay Hawlahan Mutawacnimada ah ee uu Soo gaadhsiiyay XDSHSI Sidii Loogu talagalayna ay ooga faaiidaysanayaan Bulshadu.