Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all 304849 articles
Browse latest View live

Tababar Ku Saabsan Nidaamka Hogaamineed Ee Adeegyada caafimaadka.

$
0
0

Jijiga (CN),jimce, 12ka February, 2016 Waxaa ka furmay huteelka xamda ee magaalada jigjiga tababar ku saabsan nidaamka hogaaminta caafimaadka iyo maamulka suuban. Tababarkaasi oo uu soo diyaariyay xafiiska caafimaadka DDSI ayaa waxaa loo qabtay hogaaminta dhexe ee caafimaadka oo ay ka mid yihiin gadhwadeenada geedi socodyada iyo  xidhiidhiyayaasha xafiiska caafimaadka DDSI, maareeyayaasha cusbitaalada DDSI xidhiidhiyayaasha caafimaadka gobolada DDSI, iyo  xubno ka socday  xafiisyada ay xafiiskan caafimaadka bahwadaagta yihiin sida xafiiska ka hortaga iyo xakamaynta  HIV Adiska iyo wakaalada dawooyinka iyo dabagalka  caafimaadka.

waxayna tababarkan ujeedadiisu ahayd sidii ay hogaaminta caafimaadku  fahan buuxa uga qaadan  lahaayeen nidaamka hogaamineed ee adeeg bixinta caafimaadka, hanaanka   kobcinta  awooda fulineed ee hogaaminta caafimaadka  iyo waliba nidaamka maamulka suuban .

Waxaana furitaankii tababarkaasi ka hadlay   wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Cabdifataax Siciid Maxamed oo ka warbixiyay ahmiyada uu tababarkani u leeyahay hirgalinta adeegyada caafimaadka  iyo ka midho dhalinta qorshyaasha caafimaadka wuxuuna kula dar daarmay hogaamintan in mudada uu socto tababarkani ay fahan buuxa ka qaataan.

Tababarkan oo socondoona mudo 4 maalmood ah ayaa waxa la filayaa in ay ka soo baxaan qorshayaal lagu xawaare galinayo bixinta adeegyada caafimaadka oo tayaysan.


Masuuliyiinta Maaliyadaha Iyo Dakhliga Oo Shir Uga Bilawday Magaalada Adama

$
0
0

Adama(CN) Sabti 13 February 2016, Shir wada tashi ah oo u dhaxeeya Wakaaladaha Dakhliga iyo  waliba Xafiisyada Maaliyada iyo Hormarinta Dhaqaalaha Deegaanada Dalka islamarkana lagaga wada tashanayay dhinaca maamulka miisaaniyada, sii xoojinta nidaamka wada shaqayneed iyo ku dhaqanka shuruucda Maaliyadeed iyo waliba tan dakhli xaraynta ayaa si habsami leh uga bilawday magaalada Adama ee Deegaanka Oromiya.

Shirkan wada tashiga ah ayaa waxaa deegaanka uga qaybgalay Koox uu hogaaminayo Wasiirka Maaliyada & Hormarinta Dhaqaalaha DDSI Mudane Axmed Cabdi Maxamed islamarkaana kawarbixiyay ujeedooyinka shirkan isagoo sheegay in shirkan u jeedadiisu tahay sidii kor loogu qaadi lahaa habka uruurinta dakhliga islamarkaana dakhliga soo xarooda si taxadar leh oo nidaamsan loogu isticmaali lahaa iyadoo kor looqaadayo nidaamka maamulka maaliyadeed. Sidookale waxa uu masuulku tilmaamay in shirkan lagaga wada tashanayo habsani u isticmaalka miisaaniyada.  

Ugudanbayna wuxuu Wasiirku sheegay in shir kani mudada uu socdo la isla meel dhigayo tubihii iyo sidii loo heli lahaa kharashka loo baahanyahay  in lagu qabto shaqooyinka u yaala qorshaha wajiga labaad ee  GTP2 iyo waliba sidii lagu samayn lahaa dadaal wada jir ah.

 

DDSI Oo Deegaanka Canfarta Ugu Deeqday 6500,00 oo kiintaal Oo Calafka Xoolaha ah

$
0
0

Jigjiga(CN) Sabti 13 February  2016, Dawlada Deegaanka Soomalida Itoobiya oo ugu  deeqay Deegaanka Canfarta calafka xoolaha oo kabadan 6500 oo kiintaal kadib markii ay soo food saartay abaar ay keentay isbadalka cimiladu, islamarkaana  gaadhsiiyay bulshadii Deegaanka Canfarta.

Deeqdan calafka xoolaha ah ayaa waxaa isku soo dubariday  gaadhsiiyayna deegaanka canfarta Xafiiska Kahortaga iyo U diyaargarowga  Masiibooyinka iyo Xafiiska Xoolaha iyo Hormarinta Reermiyaga DDSI. 

Hadaba waxaa shabakada cakaaranews ugawarbixiyay deeqdan lagaadhsiiyay Wasiirka Xafiiska Kahortaga Iyo U diyaar garawga  Masiibooyinka DDSI mudane Maxamed Daahir Ismaacii oo sheegay in kadib markii uu deegaanku ka haqabtiray gobalka siti abaartii aykeentay isbadalka cimiladu oo gaadhsiiyay calaf xoole oo aad u badan kadib ayuu deegaanku uguntaday sidii uu ugaadhsiinlahaa deegaanka walaalohood ah ee canfarta  islamarkaana gaadhsiiyay calaf xoole oo kabadan 6500, oo kiintaal.

waxuuna masuulku intaa kudaray in ay deeqdan gudoonsiiyeen  masuuliyiintii dhigooda ahaa ee deegaanka canfarta islamarkaana ay si qiiro leh ugu mahadceliyeen deegaanka iyagoo aad ugu duceeyay bulshada iyo masuuliyiinta deegaanka caawimada soo gaadhsiiyay ee walaalahooda.


Sidookale wasiirka Xoolaha iyo Hormarinta Reermiyiga mudane Cabdinuur Calow Axmed oo isna sheegay in ay tahay mid ilaahay lagu mahadiyo maadaama deeganku maanta uu ku deeqayo calaf xoole oo kabadan 6500,oo kiintal islamarkaana ay tahay iyana in loo mahad celiyo beeralayda deegaanka ee inatay iskaashadeen wax soosaar balaadhan sameeyay.  

 

 

 

Mw Kuxigeenka Oo Kaqaybgalay Qalinjabinta Arday Kaqalinjabisay ECSU

$
0
0

Adhisababa(CN) Sabti 13 Feberuary 2016, Wasiirro ay hogaaminayso madaxwaynwne ku xigeenka ahna Wasiirka Beeraha & Hormarinta Khayraadka Dabiiciga ah Marwo Sucaad Axmed Faarax ayaa kaqaybgalay qalinjabinta ardayda u dhalatay deegaanka soomaalida ee ka qalinjabisay Jaamacada Ethiopian Civil Service (ECSU)

Ardaydan kaqalinjabisay jaamaacada  oo tiradoodu  kabadnayd 20 arday islamarkaana baratay  culuumta hormarinta dhaqaalaha, maaraynta iyo hormarinta magaalooyinka ayaa 15 kamid ahi waxay ahaayeen heerka Masterta meesha 5 ardayna ay ka ahyeen Degree,  oo ay waliba  7 kamid ahi gabdho ahaayeen.

Hadaba Madaxwaynwne ku-xigeenka ahna Wasiirka Beeraha & Hormarinta Khayraadka Dabiiciga ah Marwo Sucaad Axmed Faarax ayaa sheegtay in ay aad ugu faraxsanatahay kaqaybgalka ay kaqaybgashay iyo qalinjabinta ardaydan u dhalatay deegaanka islamrkaana ay aad ugu hanbalyaynayso dadaalkoodi ay ku soo dadaalayeen wax barashada mudada dheer, iyadoo waliba urajaysay aradayda inay heli midhihii dadaalkooda hadii alle yidhaahdo.   

Sidookalana waiirka Xafiiska Arimmaha Haweenka & Caruurta Marwo Raxma Maxamud Haybe oo kamid ahayd wasiirradii ka qaybgalay qalinjabintan ardayda ayaa sheegtay in ay aad ugu faraxsantahay ardaydan udhalatay DDSI ee qalinjabisay gaar ahaan gabdhaha Degree ga ku qalinjabiyay maadaama oo uu Xafiiska Arimaha Haweenku ka kafaala qaaday deeqda waxbarashada 7 Gabdhood oo kamida qalin jabiya yaasha. Waxayna intaa ku dartay wasiiradau inay cilmigan ay barteen sidaacada ugu adeegaan bulshada.

Qalab Casriya Oo Loogu Talagalay Calafka Xoolaha

$
0
0

Jijiga (CN),Axad, 14ka February, 2016, Si loo kobciyo yoolasha iyo istaraatajiyadaha horumarineed ee dhinaca wax soo saarka iyo khayraadka  beeraha waxaa lagama maarmaan noqotay in la helo waxyaabaha sahlaya tabaha casriga ah ee hirgalinta qorshayaasha horumarineed dhinaca beeraha.

Haddaba xafiiska  horumarinta beeraha iyo  khayraadka dabiiciga ah ee DDSI oo ka duulaya taaba galinta horumar waara iyo tayaynta qalabyada casriga ah ee wax soo saarka beeraya ayaa soo iibiyay BALER  oo ah qalab casriya oo loogu tala galay  xidh-xidha Calafka kala duwan ee xoolaha kaasi oo siwayn uga qayb qaadanaya wax ka qabadka cunayaraanta soo food saartay xoolaha ku dhaqan gobolada ay abaartu  cimilada isbadashay keentay ay   saameeyeen.

Waxaana nooga warbixiyay ahmiyada uu leeyahay mishiinada  casriga ah wasiir ku xigeenka xafiiska Horumarinta  Beeraha iyo  Khayraadka Dabiiciga ah ee DDSI mudane Guuleed Aw Cali Kaahi wuxuuna sheegay faa’iidooyinka ay leedahay istaraatajiyadaha fidineed ee dhinaca wax soo saarka beeraha iyo ka faa’iidaysiga khayraadka dabiiciga ah ee uu deegaanka hodonka ku yahay.

 

Waxaana ka mid ahaa wasiir ku xigeenka hadalkiisa” Xafiiska Horumarinta Beerah iyo Kheyradka Dabiciga ee DDSI oo fulinaya qorshaha soo saarista Calafka xoolaha iyaado la tageerayo Iskashatooyinka ku hawlan beerashada dhulka, ayaa ku guleystey in Mashruuca galbeedka Godey ee degmada Beercano in laga beero dhul dhan 700 hektar oo isugu jira Iskashatooyiin iyo shaqsiyad maalgaliye ah haddaba si loo sii xoojiya wax soo saarka beeraa oo casriyaysan ayaa waxa uu xafiisku  soo Ibiiyey BALER  oo ah qalab xidh-xidha Calafka kala duwan. Kaasi oo  Calafka u xidh-xidhi doona Afar gees dharaar  (626 cm), balac  (279 cm) iyo joog dhan (178 cm). Taas oo  suura galin doonta in Calafka ay soo saraan iskashatooyinku in ay si  haboon loo gaadhsiiyo deegaanka gaar ahaan goobaha  ay abaaruhu saameeyeen ee deegaankeena iyo deegaanada dariska sida deegaanka canfarta oo deeqdii ugu horaysay ee calafka xoolaha ah hadda ay xukuumada DDSI gaadhiisay.  

Xuskii Afraad Ee Ciidanka Qaranka Itoobiya

$
0
0

Huurso( Cakaaranews) Axad 14 Feb 2016, Xuskii Ciidanka Qaranka Difaaca Dalka oo sanad walba laga xuso dalka meelo kaladuwan (6) Lixda bisha Yakatiit ayaa sidookale lagu xusay xarunta labaad ee tababarada Ciidanka Difaaaca ee Centarka Huurso ee Dagmada Erar.  

Xuskan ayaa waxaa kasoo qaybgalay qaybo kamida saraakiisha ciidanka difaaca qaranka, dhaamaan kabaneega maamulka Degmada Erar oo u horeeyo gudoomiyaha degmada erer mudane muxumed maxamud cismaan, madaxa wakaalada Dakhliga Degmada Erer mudane xasan ismaaciil, bulshada qaybaheeda kaladuwan iyo waliba Qaarkamida Maamulka Dagmooyinka Oromiya sida Degmada Meta.

Hadaba ugu horayn waxaa Furitaankii xuskan kahadlay Gudoomiyaha Dagmada Erar mudane Muxumed Maxamuud Cismaan oo sheegay in xuskani uu yahay mid mihiim u ah dhamaan dalkeena odhan ciidanka qarankuna yahay cudud xoogleh oon ku faano iyagoo nabadgalyada dalkeena sugay una gudbay inay caawiyaan wadamada dariskeena ah ee dhibaataysan,

Sidookale waxaa kahadalay Gudoomiyaha Dagmada Meta mudane Cukaash oo isna amaan balaashan usoo jeediyay ciidanka qaranka dalkeena inay yihiin lafdhabarta Dalkeena Itoopiya.

Ugu danbayna  waxaa xidhitaankii shirka ka hadalay kusimaha taliyaha xerada tababarada ciidanka qaranka ee huurso mudane korneel Yatabaarak oo si qota dheer uga hadlay munaasabada aadna u dhiirigalay ciidanka inay dadaalkoda halkaa kasiiwadaan sidoo kale waxa iyana maanta ka qalinjabiyay xerada tababarada ciidanka qaranka ee huurso dufcadii 25 ee ciidanaka qaranka oo ka qaybqaatay munasabada, iyadadoo gabagadii xuska lagu bixiyay darajooyin kala duwan oo ka koobnaa shaalaqe ilaa alifle.

Jawaabaha Su’aalihii ISKUDAY

$
0
0

Jigjiga (Cakaaranews) Axad 14 Feb 2016 Waxaan akhristayaasha sharaftaleh wargalinaynaa in ay akhristaan jawaabaha su’aalihii  kabaxay barnaamijka ISKUDAY ee shabakada cakaaranews habeenkii Arbacada ahayd ee 10kii Bishan February 2016.

Waxaan Mahad celin usoo jeedinaynaa dhamaan akhristayaasha sharaftaleh ee shabakada cakaaranews.com waxaana la socodsiinaynaa in aan diyaar u nahay inaan markasta qaadanayno talo bixinada fiican ee ay noo soojeediyaan akhristayaashu.

F.G waxaan sigaara ugu mahadcelinaynaa dhaman akhristayashii iskudayay islamarkaana kajawaabay su’aalaha qaarkood, maadaama shuruudaha shilimaadku ahaa in laga wada jawaabo dhamaan su;aalaha, waxaan urajaynaynaa inay kajawaabi doonaan su aalaha barnaamijyada danbe

Waana sidan Jawaabuhu:-

1 xiligii uu deegaanku 52 da dagmo ahaa 713 qabalee/tuulo ayuu ahaa, maantana waa 1224 qabalee tuulo/center

2.Gobalka Labo jeer oo isku xigta koobka kubada cagta ku guulaysatay waa Gobalka Afdheer, magaca feedhyahanka uga tartama heer dal waa Maxamed Yuusuf Nuur magaca oradyahankuna waa Khadar Bashiir Yuusuf

3. Waxaa labadalay heesta calanka iyo astaanta taariikhdu markay ahayd 2001 da bishii labaad ilaa tii sadexaad

4. Shirwaynihii koobaad  ee ciidanka gaar ka ah waxuu kadhacay Magaalada Jigjiga Waxuuna ahaa kii darajada lagu gu doonsiinayay ciidanka gaarka ah.

5. socdaalkii ugu dheeraa ee MW CMC waa Socdaalkii Nolol iyo Rajo Rumays gobaladu lamarayna waa Nogob,jarar qoraxay, shabeele afdheer iyo liibaan

6. Asxaabigii dhimashadiisha carshiigu gariiray waxa uu ahaa Sacad Binu Mucaad

Hadaba waxaan macaamiisha  sharaftaleh ee akhrista Shabakada Cakaaranews inay barnaamijkan SKUDAY kalasocdaan habeenkasta oo arbaco ah islamarkaana ay jawaabahooda iyo talobixinadooda noogu soodirikaraan ciwaanadan:-- www.facebook.com/cakaaranewsface ama E-mailkan cakaarainfo@gmail.com.

MW CMC Iyo Munaasabada Soo Dhawaynta Xubnaha Maamulka Cusub Ee Dib U curashada X.D.SH.S.I. Adhisababa

$
0
0

Adhisababa(Cakaaranews) Isniin, 15ka February 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo uu weheliyo Mw kuxigeenka ahna madaxa xarunta dhexe ee X.D.SH.S.I  mudane Cabdicasiis Maxamed Cabdi ayaa galabta kaqaybgalay munaasabad lagu soo dhawaynayay xubnaha maamulka cusub ee dib u curashada X.D.SH.S.I uu umagacaabay fadhigiisa xarunta dalka ee Adhisababa.

Munaasabadan oo ay ujeedadeedu ahayd mid lagu soo dhawaynayay xubnaha maamulka cusub ee dib u curashada xisbiga iyo isbarashada dadwaynaha ayaa waxaa kasoo qaybgalay mas’uuliyiinta ugu saraysa xukuumada oo uu ugu horeeyo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, mw kuxigeenka ahna madaxa xarunta dhexe ee X.D.SH.S.I mudane Cabdicasiis Maxamed Cabdi, xildhibaanada deegaanka umatala dalka, ganacsatada, ardayda jaamacadaha kaladuwan ee xarunta dalka waxkabarata, dhalinyarada, xubnaha xisbiga, unug hoosaadyada, kooxaha fanka iyo marti sharaf kaladuwan.

Hadaba madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo furitaankii munaasabadan kahadlay ayaa sheegay in kulankani yahay kii 2, aad ee xarunta dalka lagula kulmo xubnaha xisbiga isagoo bogaadiyay isbadalka heer korodhka tirada xubnaha ugana mahadceliyay X.D.SH.S.I guud ahaan waxqabadkiisa gaar ahaana waxqabadka muuqda ee xarunta dalka.  Wuxuuna madaxwaynuhu kubooriyay heerarka kaladuwan ee bulshada inay si fiican usoo dhaweeyaan ulana shaqeeyaan xubnaha maamulka cusub ee xisbigu usoo magacaabay isagoo xubnaha kacodsaday inay masraxa soo istaagaan si ay dadwaynaha isu bartaan.

Sidoo kale, Xubnaha maamulka cusub ee dib u curashada XDSHSI laantiisa xarunta dalka ee adhisababa oo munaasabadan kahadlay ayaa isbarasho kadib, bulshada u balanqaaday inay ugu shaqaynayaan si kago’naansho leh. Xubnaha maamulkan cusub oo kakooban 4 xubnood ayaa kala ah sidan:

  1.  Mudane Deeq Sheekh Cabdi-gudoomiyaha xarunta dhexe ee X.D.SH.S.I laantiisa Adhisababa
  2.  Marwo Muxubo Cali-madaxa arimaha siyaasada
  3.  Mudane Shugri Macalin Xuseen-madaxa xidhiidhka dadwaynaha iyo ardayda jaamacadaha
  4.  Mudane Cabdi Muuse Carte-madaxa Ururka Horumarinta Soomaalida Itoobiya

Ugudanbayna, bulshada deegaanka ee xarunta dalka kunool ayaa dhankooda balanqaaday inay usoo dhawaynayaan ulana shaqaynayaan maamulka cusub ee xisbigoodu usoo doortay si heer sare ah oo ay wadaniyad, daacadnimo iyo xilkasnimo kudheehan tahay.


Gudiyada Joogtada ah ee Golaha Xildhibaanada DDSI Oo Kor-meeraya mashaariicaha horumarineed.

$
0
0

Gursum(Cakaaranews) Isniin, 15ka February 2016. Gudiyada joogtada ah ee golaha xildhibaanada DDSI ayaa waxa uu  halbeega cabirkoodu  yahay    dabagalka nidaamka fulineed ee  hay’adaha dawlada, kormeerka,  dabagalka iyo hubinta  tabaha fulineed ee meelmarinta mashaariicaha horumarineed, xaqiijinta waxa lagu qabtay miisaaniyadihii qoondaysnaa iyo waliba xaqiijinta in ay bulshadu heshay adeegyada horumarineed ee aas aasiga ah.

Hadaba gudiyada joogtada ah ee golaha xildhibaanada DDSI oo gudanaya waajibaadkaasi ayaa waxa Gudooyimayaasha gudiyada joogtada ah ee golaha xildhibaanada DDSI oo ay hogaaminayso afhayeen ku xigeenka golaha xildhibaanada DDSI  marwo Fardawsa Maxamed  Muxumed ayaa  kor meer  dabagalka  iyo hubinta  mashaariicaha ku marayaan degmooyinka gobolada  Faafan iyo Sitti.

Gudoomiyayaashan gudiga joogtada ah  ee ay hogaaminayso afhayeen ku xigeenka golaha xildhibaanada DDSI ayaa waxay kor meerkan ku soo mareen degmooyinka Qabribayax, Awbare, tuli-guuleed iyo degmada Gursum oo ah qaarka mid ah degmooyinka gobolka Faafan. Waxayna u kuurgalayeen  nidaamka loo hirgaliyay mashaariicihii horumarineed ee ay fulintoodu qorshaysnayd sanadkan 2008TI. Waxayna soo kor-meerayeen   mashruuc kasta oo laga hirgalinayo degmooyinkaasi    heerka uu marayo. Ka dibna waxay kulamo la qaateen masuuliyiinta maamulada degmooyinkaasi. Si ay iskaga warbixiyaan geedi socodyada shaqo ee mashaariicaha.

Afhayeen ku xigeenka golaha xildhibaanada DDSI marwo Fardawsa Maxamed Muxumed oo maanta iyaga oo ku sugan degmada gursum la hadlaysay warbaahinta DDSI ayaa sheegtay in  kor meerkan ay ku jiraan yahay   sidii ay u xaqiijin lahaayeen wixii loo qabtay bulshada. Waxayna tilmaantay afhayeen ku xigeenku in ay kormeerkan shaqo ku soo arkeen waxqabad balaadhan oo loo qabtay bulshada iyo bulshada oo si buuxda uga qaybqaadanaysa hirgalinta qorshayaasha horumarineed.

Waxaa kale oo jiray koox ka mid ah gudoomiyayaashan gudiyada joogtada ah  oo kormeerkan ku maraya degmooyinka gobolka Siti.  Kuwaasi oo ay maanta la xidhiidhay shabakada wararka ee cakaaranews ayaa sheegay in ay soo karmeereen, hubiyeen mashaariicaha horumarineed ee laga hirgaliyay sanadkan degmooyinka Shiniile, Hadhagaale, Erer iyo afdam oo ah degmooyinka gobolka siti.  

Mw Cmc Oo Ku Soo Laabtay Xarrunta.

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) talaado, 16ka, February, 2016, Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ay wehelinayaa afhayeenk golaha xildhinaanada DDSI ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamedrashiid Isaaq iyo masuuliyiin heer deegaan ah oo  saaka ka soo kicitimay xarunta  dalka ee Addis ababa ayaa maanta duhurnimadii ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee garaad wiil waal Airport ee xarunta deegaanka. 

Masuuliyiin Booqtay Dhismaha Kuliyada Farsamada iyo Xirfadaha fiiq.

$
0
0

Fiiq(Cakaaranews) talaado, 16ka, February, 2016, Masuuliyiin ay hogaaminayaan gudoomiye ku xigeenka gobolka Nogob mudan Dayib Axmed Nuur iyo gudoomiyaha degmad Fiiq  mudane  Cabdiqaadir Maxamed  Xasan ayaa booqday heerka ay marayaan dhismayaasha  kuliyada farsamada iyo xirfadaah ee magaalada fiiq.

Waxayna ahayd ahmiyada booqashada masuuliyiintu  in ay soo kormeeraan heerka ay marayso dhismaha kuliyada farsamada iyo xirfadaha ee magaalada fiiq kuwaasi oo u guurgalay heerka ay marayso geedi socodka shaqo ee dhismaah kuliyadu.

Gudoomiye ku xigeenka gobolka Nogob mudane Dayib Axmed Nuur iyo gudoomiye degmada fiiq mudane Cabdiqaadir Maxamed Xasan oo ku lahadlayay goobtaasi dhismaha  kuliyada  warbaahinta deegaanka ayaa ka warbixiyay ahmiyada ay kuliyadani u leedahay guud ahaanba bulshada  gobolka waxayna ka warbixiyeen fursadaha balaadhan ee ay bulshadu ka helidoonto kuliyadan taasi oo ay tilmaameen in ay dhimaheedu hada bilow fiican marayo una socoto shaqadu  sidii loogu talagalay.

Odayaasha iyo waxgaradka magaalada fiiq oo ku wehelinayay booqashadan masuuliyiinta ayaa sheegay  in ay kuliyadani tahay guulaha lama ilaawaanka ah ee ay xukuumada DDSI u qabatay bulshada ku dhaqan guud ahaanba gobolka nogob gaar ahaana kuwa magaalada fiiq waxayna sheegeen in ay kaalin mug leh ka qaadanayso kobcinta iyo kor u qaadida tayada aqoonta iyo abuuritaanka ilaha shaqo maadaamo oo ay soo saaridoonto xirfadlayaal iyo aqoon yahay badan.

Injineerada iyo hawlwadeenada gacanta ku haya  dhismaha mashruuca kuliyadan ayaa sheegay in ay  wakhti kooban ku soo gabagabayn doonaan dhismayaasha kuliyadan si ay u bixiyo adeegii loogu talagalay .waxayna ka mid tahay kuliyadani kuliyadihii uu dhawaan dhagax dhigay madaxwayanaha DDSI mudane Cabdi Maxamuuc Cumar. 

Dabargoynta Caadooyinka XunXun

$
0
0

Lagahida (cakaaranews) Talaado 16ka Feb 2016, Tababar ujeedadiisu Dabargoynta  Caadooyinka xun xun oo looqabtay Hooyooyinka Degmada Lagahida islamarkaana socday mudo sadex cisho ah ayaa lagusoo gabagabeeyay isla Dagmadaas .

Tababarkan oo uu soo agaasimay Xafiska Arimaha Haweenka Caruurta iyo Dhalinyarada Degmada Lagahida ayaa waxaa lagubaranayay casharo ku saabsan ladagalanka iyo waliba sidii loo dabargoyn lahaa caadoyinka xun xun sida gudniinka fircawniga ah.

Hadaba xidhitaankii tababarkan ayaa waxaa ugu horayn ka hadalay Gudoomiyaha Degmada Lagahida mudane Cabdikariim Axmed Maxamuud oo sheegay in dabargoynta caadooyinka xunxun ay lagamamarmaantahay islamarkaana larabo in Hooyooyinku dhankooda kaladagaalamaan sida gabdhaha lagudayo maadaama oo aysan diinteenuogalayn.

ISKUDAY Qaybta 2aad

$
0
0

Jigjiga ( cakaaranews ) Arbaco, 17ka february 2016, Fadlan adigoo kaashanaya, korodhsanayana aqoonta aad u leedahay guud ahaan dalkeena itoobiya gaar ahaana deegaankeena ISKUDAY inaad kajawaabto su’aalahan hoos kuqoran. Kadibna kuguulayso abaal marin.

Hadaba, wakhtiga loo cayimay kajawaabida su’aalahan waa 72 saacadood oo kabilaabanaya 7:00 pm ee 17ka bishan February. Waxaadna 72 saac kadib cidii kuguulaysatay kalasocotaan www.cakaaranews.com

NB. Abaal-marinta waxaa kuguulaysan:

  •  Qofka kajawaaba dhamaan su’aalaha.
  •  Cidii kajawaabta wakhtiga lacayimay kahor ayaa mudnaanta leh

Su’aaluhuna waa sidan:

1. Waxaad sheegtaan goobtii uu deegaankeenu kaga mid noqday Dalkeena Itoopiya iyo Dagmada ay ka tirsantahay?

2. Waxaad sheegtaa deegaanka 4aad ee dalkeena itoopiya ugu tirade badan iyo waliba qoomiyada 3aad ee ugu tirada badan Dalkeena Itoopiya?

3. Waxaad sheegtaa tirada  socdaalada uu  MW CMC uu ku soomaray Deeganaka,iyo magacyadooda?

4.Waxaad sheegtaa 2da kooxood ee kubada cagta deegaankeena uga tartama Liiga  heer qaran? Iyo dagmadii qaaday koobkii kubada cagta 2008 EC ee Dagmooyinka Gobalka Shabeele?

5. Sheeg Afartii Nabi (CS) ee isdhalay iyo say isu dhaleen?

Hadaba Waxaan marlabaad akhristayaasha wargalinaynaa in ay jawaabtooda noogu soo diri karaan message ahaan barta aan facebook kuleenahay ee www.facebook.com/cakaaranewsface ama E-mailkan cakaarainfo@gmail.com.

F.G. Fadlan jawaabtaadu yaysan ka danbaynin wakhtig loo cayimay oo ku eg 20 Feberury  2016  habenka Axada ah 7:00 PM fiidnimo

Kalasoco Shabakada Cakaaranews.com  Barnaamijkan ISKUDAY habeen kasta oo Arbaco ah

 Kajawaabayaasha & Akhristayaasha labadaba aad ayaan ugu mahadcelinaynaa

                           Jawaabo saxan ayaan idiin rajaynaynaa

Kormeerka Maalgashiga Beeraha Shabeele

$
0
0

Goday ( cakaaranews ) Arbaco 17ka Feb 2016 Masuuliyiin iskugu jira heer deegaan iyo heer gobol  oo ay Hogaaminayaan Maareeyaha Wakaalada Maalgalinta DDSI mudane Cabdinaasir Maxamed iyo Gudoomiyaha Gobolka Shabeele Mudan farxaan cabdi Maajuun  ayaa kor-meer shaqo oo dhanka Maalgashiga Beeraha ah ku  maraya Degmooyinka Gobalka Shabeele.

Kormeerkan ayaa Ujeedadiisu tahay inay soo indho indheeyaan heerka mashaariicaha gaar ahaan kuwa ay hirgalinayaan maalgashadayaashu kuwa hadda la bilaabay kuwa meel dhexe maraya iyo kuwa si fiican u hirgalay iyo waliba dhamaan hirgalinta mashaariicaha horumarineed ee dhinaca wax soo saarka Dalaga.

hadaba  kormeerkan ayaa lagu marayay degmooyinka Goday, Beercaano iyo Degmada Cadaadley oo ay ka faa’iidaysanayaan, dadkana uga faa iidaynayaan maalgashadayaal u dhashay DDSI. Waxaana shabakada cakaara uga waramay masuuliyiinta kormerka samaynayay ee uu ugu horeeyo Wasiirka Maalgalinta Madane Cabdinaasir Maxamed oo sheegay inay meel fiican marayaan dhanka maalgashiga waxsoosaarka beeraha iyadoo indhahooda ay ku arkeen beero badan oo isagujira dalaga noocyadiisa kalduwan sida noocyada khudaarta iyo masagada. Sidookale waxa uu masuulku ugu baaqay in  bulshada udhaatay deegaanaka ee qurbaha kunool iyo kuwa kunool labada inay kafaa iidaystaan dhulkoodan ilaahay barakeeyay ee  hodanka ah.

Hooyoyin Kaqalinjabiyay 16ka Xidhmood Ee Caafimaadka

$
0
0

Lagahida ( cakaaranews ) Arbaco 17ka Feb 2016 Inkabadan 70 hooyooyin ah oo mudo 4 bilood ah baranhayey 16 ka xidhmood ee fidinta caafimaadka qoyska  ayaa ku qalinjabiyey tuulada Busaa oo katirsan Degmada Lagahida ee Gobalka Nogob.

Tababarkan oo  uu soo agaasimay Xafiiska Caafimaadka Degmada Laghida ayaa waxaa hooyooyinkii qaadanayay tababarka lagu barayay casharo ku saabsan fidinta caafimaadka qoyska islamarkaana munaasabadii qalinjbintooda lagu gudoonsiiyay  shahaado cadaynaysa barashada 16ka Xidhmood ee fidinta caafimaadka.

Hadaba munaasabadan qalinjabinta Hooyooyinka ayaa waxaa ugu horayn kahadlay  Gudoomiyaha Degmada Lagahida Mudane Cabdikariim Axmed Maxamuud.iyo Madaxa Xafiska Caafimaadka Degmadaasi oo sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin islamarkaana dardaaran siiyay hooyooyinkii qalinjabiayay kale waxayna. Ugudanbayna waxaa lagudoonsiiayay shahaadoyin cadaynhaya waxbarashadii ay mudada baranhayeen.

 


Diyaar Garowgii Martigalinta Xuska 6aad Ee todobaadka dhaqanka dalka oo la soo gabagabeeyay.

$
0
0

Jijiga( Cakaaranews ) Arbaca 17ka, February, 2016,  Wasiir ku xigeenka  dhaqanka iyo dalxiiska DDSI  mudane Baashe Cabdi Ismaaciil  ayaa maanta shir jaraayid ugu qabtay xafiiskiisa  warbaahinta deegaanka iyo tan dalkaba.waxayna ahayd ujeedada shirkaasi jaraayid in uu ka warbixiyo xuska 6aad ee todobaadka dhaqanka  ee qoomiyadaah iyo shucuubta dalkeena itoobiya  oo bishan aan ku jiro ee Yekatiit  15 keeda 2008TI  lagu xusayo caasimda deegaanka ee jigjiga.

Wuxuuna sheegay wasiir ku xigeenku in guud ahaanba si meeqaam sare ah loo soo gabagabeeyay u diyaar garowgii xuska todobaadka dhaqanka qoomiyadaha iyo shucuubta itoobiya ee lagu xusayo caasimada deegaanka ee  jijiga taasi oo uu tilmaamay in bilihii ugu danbeeyay lagu jiray diyaarinta nidaamkii loo martigalin lahaa qoomiyadaha iyo shucuubaha dalkeena itoobiya, diyaariyay goobihii lagu soo bandhigilahaa  agabka dhaqanka ee uu deegaankeenu leeyahay, diyaariyayna goobihii ay  booqan lahaayeen qoomiyadaha iyo shucuubta dalkeenu iyo  diyaarinta  goobihii la dajinlahaa martida taasi oo uu sheegay wasiirku in ay qoomiyad walba soo bandhigidoonto dhaqankeeda todobaadka uu socto xuskani.

Wariyayaasha ka socday warbaahinta kala duwan ayaa su’aalo badan oo ku salaysan xuskan waydiiyay wasiir ku xigeenka kuwaasi oo uu sharax dheerka bixiyay. xuskan 6aad ee ay martigalinayso xukuumada DDSI ayaa qoomiyadaha iyo shucuubaha  kala duwan ee dalku ay ku soo bandhigayaan dhaqamadooda kala duwan taasi oo keenaysa isdhaxgalka wada noolaanshaha qoomiyadaha iyo shucuubta dadyowga dalkeena itoobiya iyo waliba  sii xoojinta qaranimadooda.

Tababar loqabtay Shaqaalaha Mashruuca PSNP.

$
0
0

Jigjiga( cakaaranews ) Khamiis 18 Feb 2016, Tababar ku saabsanaa warqada cadaynta raashinka (perol attendance sheet) oo la siinayay shaqaalaha mashruuca Dabaanad qaadka Cuntada (PSNP) ayaa saaka ka dhacay hoolka shirarka ee Xafiiska Beeraha iyo Hormarinta khayraadka Dabiiciga ah.

Tababarkan oo ay kasoo qayb galaeen dhamaan shaqaalaha Mashruuca Dabaanad qaadka Cuntada (PSNP) ee heer deegaan ayaa waxaa ugu horayn ka hadalay Wasiir ku xigeenka Xafiiska Beeraha iyo Horumarinta Khayraadka Dabiiciga ah mudane Guuleed Aw-Cali Kaahin isagoo wasiir ku xigeenku ku adkeeyay shaqaalaha inay si fiican uga faa idaystaan tababarka ilaaliyaana wakhtiga inta uu socdo tababarka, islamarkaana dardaaran dheer usoo jeediyay shaqaalaha tababarka qaadanayay, sidookale waxa uu masuulku tilmaamay faa’iidooyinka mashruuca iyo sida loogaga faa iideeyo bulshada danyarta ah ee Deegaanka.

Sidoo kale waxaa isana ka hadlay tababarka  agaasinka Mashruuca Dabaanad qaadka Cuntada (PSNP) mudane lubi axmed kaariye isagoo ku booriyay shaqaalaha inay si fiican u bartaan cashirka maadaama oo larabo in ay tababaro kan lamid ah kasoo bixiyaan dhamaan 31 ka degmo ee mashruucu ka hawlgalo islamarkaana la siiin doono dhamaan khabiirada ka shaqeeya mashruuca ee kusan dagmooyinkaas. Waxa kale oo uu agaasinku intaa ku daray in tababarkan uu mihiim yahay madaamo mashruucu marayo wajigii 4aad.

Tababar Loo Furay Xirfadlayaal Caafimaad.

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) khamiis, 18ka February, 2016, Xafiiska caafimaadka DDSI ayaa tababar u qabtay xirfadlayaal caafimaadka oo ka kala socday 5 cusbitaal iyo  16 xarun caafimaad oo ku yaala 6 Gobol oo ka mid ah gobolada deegaanka.  waxaynta ujeedadada tababarkani tahay  sidii kor loogu qaadilahaa xirfada aqoneed ee xirfadlayaashan caafimaadka iyo sidii fahan buuxa looga siin lahaa ka hortaga, baadhitaanka iyo daawaynta cudurka loo yaqaano Kalazar.

Waxaana furitaankii tababarkaasi ka hadlay wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Cabdifataax Siciid Maxamed  Oo ka warbixiyay ahmiyada uu tababarkaasi leeyahay. wuxuuna sheegay in siyaasada caafimaadka ee DDSI iyo tan dalkuba ku salaysan tahay ka hortaga cudurada sidaasi darteedna   xirfadlayaasha looga baahan yahay in ay kaalintooda ku aadan hirgalinta qorshayaashaasi ka soo baxaan islamarkaana ay bulshada siiyaan adeeg hufan oo tayaysan. Wuxuuna ku booriyay wasiirku xirfadlayaashan in ay mudada uu socto tababarkani fahan buuxa ka qaataan cashirada ay qaadanayaan.

Dhankiisa gadhwadeenka geedi socodka  kor u qaadida caafimaadka, ka hortaa cudurada iyo fayo dhawrka ee xafiiska caafimaadka DDSI mudane Caydaruus Axmed  ayaa tilmaan dheerka ka bixiyay istaraaatajiyadaha fidineed ee dhinaca adeegyada caafimaadka gaar ahaan jihooyinka looga hortaga cudurada faafa. Sidoo kalena waxa uu sheegay gadhwadeenku in  ahmiyada tababarkani tahay sidii ay xirfadlayaashan ka yimid xarumaha caafimaadku iyo cusbitaaladu   fahan buuxa uga yeelan lahdaayeen ka hortaga iyo daawaynta cudurka Kalazar.  

Tababarkan ayaa socontoona mudo 4 maalmood ah waxaana cashiro ka bixinaya khabiiro ka socday xafiiska caafimaadka DDSI.   

 

Ururka Haweenka Jahliyada DDSI ee Birmingham Oo Doortay Gudoomiye Cusub.

$
0
0

Birmingham (Cakaaranews), khamiis, 18ka, February, 2016,  Shir ka dhacay caasimada 2aad ee wadanka UK ee Birmingham ayaa waxaa lagu doortay gudoomiyaha cusub ee  ururka haweenka jahliyada DDSI ee magaalada Birmingham. Waxaana shirkaasi soo diyaariyay hogaaminta sare ee jahliyada DDSI ee  Birmingham, gaar ahaan Guddiga Doorashada Ee Xubnaha Gudiga Fulinta Jaaliyadda DDSI,  Ee Magaalada Birmingham.

Waxaana shirkaasi ka soo qaybgalay masuuliyiinta iyo qaybaha kala duwan ee  jahliyada DDSI ee Birmingham iyo marti sharaf kale oo ka socoday jahliyada DDSI ee wadamada kale. Waxaana  ugu horayntii shirkaasi  Ka Hadlay Guddoomiyaha Gudiga Fulinta  Doorashada, mudane Eng  Cabdicasiis  Cabaade  Oo Ku Booriyay Jaaliyadda Inay Si Hufan U Dhiibtaan Codkooda islamarkaana  Sharaxaad dheerka  Ka Bixiyay Xeerar nidaameedka  iyo shuruudaha  Doorashada.

Doorashaan oo ay ku tartamayeen 2 haween ah ayaa  si toos ah loo gudagalay codbixinta doorashada, , Waxaana Codeyntii  Kaddib Ay Guddiga Fulinta Doorashada Ku Dhawaaqeen Natiijada Cod-Bixinta, Iyadoo ay  Sheegay In ay cob buuxa ku guulaysatay doorashadan ururka haweenka jaaliyada DDSI ee Birmingham in ay gudoomiye ka noqoto marwo Farxiya Cabdiqaadir. Taasi oo mudo xileed keedu yahay muda 2 sano ah waana markii labaad ee la doorto marwo farxiya cabdiqaadir maadaamo oo ay labadii sano ee hore muujisay dadaal dheer oo dhinaca waxqabadka jahliyada ah ayay mutaysatay in marlabaad loogu ciliyo lana doorto.

Doorashadan ka dib ayaa masuuliyiin iyo waxgarad badani ka hadleen shirkaasi. waxaana ka mid ahaa masuuliyiintii ka hadashay Gudoomiyaha Jaaliyadda DDSI Ee Magaalada Birmingham Ee UK Mudane Bile Maxamed Siyaad iyo gudoomiye ku xigeen ka Ururka Haweenka Jaaliyadda DDSi Ee  Birmingham Marwo Ayaan Xasan  kuwaasi  Hambalyo U Diray Dhamaan Jaaliyadda DDSI Ee Birmingham  Gaar Ahaan Gudoomiyaha Cusub Marwo Farxiya Cabdi Qaadir waxayna sheegeen in ay jaahliyadu garabtaagan tahay gudoomiyahan cusub iyadana looga baahan yahay in ay xilkan saaran si wadaniyad leh ugudato waajibaadkiisa.

Dhankooda waxgaradkii iyo  odayaashii ka hadlay shirkaasi waxaa ka mid ahaa Sheekh Maxamed Dhayib, Ugaas Cabdi Naasir iyo Shekh Cabdiraxmaan Xaaji Siraaj oo ugu horayntii u mahad celiyay gudiga doorashada ee suurta galiyay dhicitaanka doorashadan iyo nidaamkii wanaagsanaa ee ay u maamuleen. Waxayna u hanbalyeeyeen gudoomiyaha cusub marwo farxiya cabdiqaadir taasi oo ay u sheegeen in ay jahliyada si balaadhan u garabtaagan tahay soona dhawaynayso gudoomiyahan cusub.

Gudoomiyaha jahliyada DDSI Ee wadanka Swizarland  Marwo Ardo Cumar oo ahaa marti sharaftii ka soo qaybgashay shirkaasi ayaa u Hambalyaysay  Gudoomiyaha Cusub Waxayna  ka warbixisay xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya jahliyadaha DDSI ee ay sida wada jirka ah ugaga qayb-qaadanayaan hawlaha horumarka iyo nabadgalayda DDSI.

Ugaas Xasan ayaa isaguna ahaa masuuliyiintii ka hadashay shirkaasi wuxuuna ugu horaynii hanbalyo u diray gudoomiyaha cusub ee la doortay iyo gudiga doorashada ee sida fiican u daadihinayay absami u dhicidii doorashadan.

 

Ugu danbayntii waxaa halkaasi ka hadashay  Guddoomiyaha Cusub Ee Ururka Haweenka Jaaliyadda DDSI Ee Birmingham,  Marwo Farxiya Cabdiqaadir  oo u mahad celiyay dhamaanba jahliyada DDSI ee Birmingham iyo martisharafka kale ee ka soo qaybgashay shirkan waxayna  Ballan-Qaaday Xilka Loo Egmaday In ay Ka Soo Bixi Doono Siina Laba Jibaari Doono Dadaal Iyo Dardar galinta iyada oo  Carabka Ku Adkeeysay Iney Howlaha Shaqo Ee Dhamaan Xubnaha Jaaliyadda Si Wada Jir Ah U Wada Shaqeyn Doonaan.

Tababarkii Macalimiinta Luuqada Afka Hooyo

$
0
0

Jigjiga ( cakaaranews ) Jumce 19 Feb 2016 Tababarkii Kor u qaadida luuqada Afka Hooyo oo loo hayay dhamaan macalimiinta luuqada Afka-Soomaaliga DDSI islamarkaana ka socday Xarumaha Sagaalka Gobal ayaa la soo gabagabeeyay.

Tababarkan oo socday mudo 22 maalmooda ayaa waxaa shabakada cakaaranews uga warbixiyay Gadh/W GS Hormarinta Macalimiinta & Hogaaminta Waxbarashada Mudane Farxaan Cabdi Makhtal oo sheegay in tababarkan ay kafaa iidaysteen macalimiin tiradoodu kabadantahay 4811 oo ah macalimiinta luuqada Afka-Soomaaliga, sidookale waxa uu masuulku sheegay in tababarkan fulintiisa ay iska kaashadeen Xafiiska Waxbarashada DDSI, haayadaha caalamiga ah ee kala ah USAID RTI, SCI iyo waliba wasaarada waxbarashada JDFI islamarkaana si isku mid ah uu uga bilawday xarumaha sagaalka gobal looguna soo Gabgabeeay.

Sidookale waxa uu sheegay agaasinku in tababarkani uusan ahayn markii uguhoraysay islamarkaana xafiisku dadaal balaadhan ugujiro dhanka kobcinta aqoonta macalimiinta xirfadkastaba, waxa uuna tilmaamay in hal bil lagajooga tababarkii dhanka luuqada engiriiska  ee lagu kobcinayay macalimiinta luuqada ingiriiska. Ugu danbayna waxa uu macalimiinta usoo jeediyay amaan isagoo kula dar daarmay dhamaan macalimiinta DDSI in ay sii labo jibaaraan dadaalkooda islamarkaana si daacada oo wadaniyadi ku dheehantahay uga soobaxaan waajibaadkooda shaqo.

Viewing all 304849 articles
Browse latest View live