Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all 304849 articles
Browse latest View live

Lix Milyan Oo kiintaal Oo Deeq Calafka Xoolaha ah

$
0
0

Jigjiga(CN) jamce, 5ta February 2016, Mashruuc ujeedadiisu tahay iibinta iyo rarista lix milyan oo kiintaal oo calafka xoolaha ah islamarkaana iskudubaridkiisa uu masuul kayahay Xafiiska Xoolaha iyo Horumarinta Reer miyiga DDSI ayaa loogu deeqay bulshada xooladhaqatada ah ee kunool Gobolka sitti.

Calafkan xoolaha iyo raridiisa  ayay kubaxday maaliyad dhan 30 milyan oo birr maadaama ay gobolka  soo food saartay abaar ay keentay isbadalka saamaynta cimilada aduunka. waxaana loo qaybinayaa goobaha ay abaartu saamaysay ee ka katirsan gobolkaasi iyadoo tirada xoolaha nool ee gobolka sitti lagu qiyaasay 4.5 milyan. Waxaana wakhti xaadirkan kasocota gobolka qaybinta calafkan sida uu noo sheegay wasiirka xafiiska xoolaha iyo horumarinta reer miyiga DDSI mudane Cabdinuur Colow Axmed

Hadaba calafkan xoolaha ayaa lagu qaaday gaadiid dhan 300 oo gaadhi oo kuwa xamuulka ah islamarkaana intoodii badnayd ay gaadhsiyeen goobihii loogu talagalay.

Sikastaba ha ahaatee waxaa xusid mudan in calafkan xoolaha laga gaday iskaashatooyin deegaanka ah sida iskaashatada wadani iyo kulmiye oo mudo gaaban gudaheed beeraha jiinka wabiga shabeele gaar ahaan beer-caano kasoo saaray calaf xoolo oo intaa dhan iyadoo ay wali jiraan beeralay badan oo deegaanka ah oo beeratay calafkan xoolaha iyo beero xafiisku kuhawlan yahay meesha hada kahor deegaanada kale ee dalka aan kasoo iibsan jiray calafka xoolaha.


Sanadguurada Shirkada Samsam Import and Export

$
0
0

Jigjiga(CN) sabti, 6da February 2016, Shirkada Samsam Import And Export  oo  ah shirkad ka shaqaysa dhoofinta iyo soo dajinta  raashinka iyo dharka iyada oo ka faaiidaysanaysa cashuur dhaafka ay siisay dawladu si ay bulshada deegaanku  u helaan raashin jaban ayaa waxay ka   hawlgashaa guud ahaanba deegaanka.

Hadaba shirkadan ayaa hada u  dabaal dagaysa  munaasabadan oo ay ku xusayso sanad guuradeedii 1,aad ee ka soo wareegtay aas aaskii shirkada.  maareeyaha guud ee shirkadan samsam importi and export marwo Samsam Naasir  oo ka hadashay xafladaasi ayaa ka warbixisay waxqabadka iyo dadaalada ay shirkadani ka wada  Guud Ahaanba Deeganka Soomalida Itoobiya islamarkaana ay   Dadaal Xoogan ugu Jirta Sidii Ay Kor ugu Qaadi Lahayd Una Dardargalin Lahayd Hawlaha Shaqo ee ay U Hayso Bulshada Deegaanka

Waxayna maareeyuhu sheegtay guulaha ay shirkadani soo hoysay tan iyo intii la aas aasay  iyo qorshayaasha horumarineed ee u yaala shirkada iyada oo   tilmaantay in maanta loo dabaal dagayo  sanad guuradii 1aad ee  Shirkada samsam  taasi oo ku soo beegantay xili ay guulo waawayn ka soo hoysay  Waajibaadkeedii Shaqo  ee ay  u Haysay bulshada Deegaanka iyo waliba ay sii wadi doonto dadaalada balaadhan ee kamidhadhalinta qorshayaasheeda shaqo.

dhanka kalana shaqaalaha shirkadan oo aad ugu faraxsan sanadguuradan 1,aad ee shirkada ayaa dareenkooda kucabiray farxad iyo kudhiiranaan shaqo iyagoo tilmaamay inay sii xoojin doonaan shaqada ay shirkadu u hayso bulshada.

Qiiimayn Dhinaca Isgaadhsiinta Casriga ah (ICT)

$
0
0

Addisababa(CN) Sabti 6da Feberury 2016, Kulaan wayn oo ay isagu yimaadeen dhamaan masuuliyiinta ICTga ee Deegaanada Dalka iyo labada ismaamul islamarkaana lagu qimaynayay waxqabadkii lixdii bilood ee lasoo dhaafay ee Xafiisyada ICTga ayaa saaka lagusoo gabagbeeyay Capital-Hutel Xarunta Dalka ee Addis-Ababa.

Kulankan qiimaynta ah oo ay kasoo qayb galeen masuuliyiin isagujira heer dal iyo heer deegaan ayaa gabagabadiisii waxaa ugu horayn kahadlay Raysalwasaare Kuxigeenka ahna Wasiirka Wasaarada Isgaadhsiinta iyo Xogaha Casriga ah (MCIT) Mudane Dr.debresion, ku xigeenkiisa Ato Getachew iyo waliba Wasiiru-Dawlaha Wasaarada Isgaadhsiinta iyo Xogaha Casraiga Marwo Ifraax Cali Muuse oo sheegay in shirkani ahaa mid qiimayna islamarkaana si adag laiskula xisaabtamayay dhanka isgaadhsiinta iyo xogah casriga ah sidookalana waxa ay tilmaameen masuuliyuuntu in deegaanadu ay iska qaataan khibrad dhankoodii adkaa qiimaynta islamarkaanaa wasaaradu ay lagarab taaganatahay wixii taageero ah ee ku saabsan isgaadhsiinta casriga ah.

Ugu danbayna dhankooda waxaa ka warbixiyay kaqaybgalayaashii oo uu kamid ahaa Gadh- Wadeenka Geedisocka Isgaadhsiinta & Xogaha Casriga ah ee Xafiiska Adeega Shacabka & Kobcinta Maamulka DDSI Mudane Cabdikhadar Caaqil oo sheegay in qiimayntani ay ahayd mid lagu qiimaynayay qorshayaashii ICT ga lixda bilood wixii qabsoomay iyo waxii aan qabsoomin iyo sababta ay u qabsoomi waayeen. Sidookalana waxa uu sheegay Gadhwadeenku in qiimayntan ay kasoo heleen faa iido badan islamarkaana ay ka go antahay inay ka dhaqan galinayaan deegaankooda.

Xaflada Qalin Jabinta Xubno Bartay Fidinta cilmiga caafimaadka magaalooyinka.

$
0
0

Jigjiga(CN) sabti, 6da, February, 2016, Xafiiska caafimaadka DDSI oo kaashanaya kuliyada caafimaadka ee jijiga ayaa maanta u   soo xidhay ah  tababar mudo 3 bilood ah uga socday kuliyada caafimaadka ee jijgiga 45 xubnood oo laga soo kala xulay 4 maamul magaalo ee DDSI si ay  hirgaliyaan fidinta cilmiga caafimaadka magaalooyinka. Xubnahan oo ahaan jiray xubno haysta shahaadooyinka diploma ee culuunta caafimaadka ayaa mudadaasi 3 bilood ah baran jiray   15ka  xidhmood ee uu ka kooban yahay  fudinta cilmiga  caafimaadka magaalooyinka

 

Haddaba xafladii lagu  soo xidhitaanka tababarkaasi oo ka dhacday hoolka shirarka ee kuliyada ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta xafiiska caafimaadka DDSI iyo masuuliyiinta kuliyda caafimaadka ee jigjiga.

Wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Cabdifataax Siciid Maxamed oo ka hadlay xafladii soo xidhitaanka tababarkaasi ayaa ka warbixiyay qorshayaasha siyaasada caafimaadka dalkeena ee ku salaysan  ka hortaga cudurada. Taasi oo uu sheegay wasiirku  in barnaamijkan fidinta cilmiga  caafimaadka magaalooyinka ee ay xubnaha qaateen uu   lafdhabar u yahay xoojinta  Siyaasadda caafimaadka ee dalkeena. Wuxuuna sheegay in barnaamikani awood siinayo  dhimista dhimashadda hooyada iyo caruurta  taasi oo uu dalkeena itoobiya gaadhay yoolkii qarniga (melliniam development goals)

Maareeyaha kuliyada caafimaadka jigjiga mudane kaamil Cabdilaahi Haybe ayaa sheegay in ay xubnahan maanta  dhamaystay fidinta cilmiga caafimaadka magaalooyinku yahay qaybtii ugu horaysay ee ka qalin jabisa kuliyadan sidoo kalena ka warbixiyay cilmigii ay baranayaan mudadii uu tababarkani socday  wuxuuna kula dar daarmay  xubnahan u dhamaday tababarku in ay sidii loogu talagalay ugu  faa’iideeyaan bulshada.

MW CMC Oo Xadhiga-kajaray Warshada Saliida Imwaan Ee jigjiga

$
0
0

Jigjiga(CN) Axad, 7da February 2016, madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa saaka xadhiga kajaray warshada saliida ee Imwaan oo kutaala keelaa harar kasoo horjeedka jidka 30ka ee magaalada jigjiga.

Hadaba xadhig kajarka kadib, ayuu madaxwaynuhu indha-indheeyay qaab-shaqeedka warshada iyo nidaamyada ay marto dhalinta saliidu.

madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo furitaankii xaflada kahadlay ayaa ugu horayn u hambalyeeyay iskaashatada kakooban 5ta xubnood ee kubahoobay hirgalinta warshadan isagoo sheegay in aas-aaska warshadaha yar yar ay yihiin wadadii loo marayay horumarka warshadaha waawayn  iyo inay fursad shaqo abuur usameeyaan dad tiro badan oo deegaanka ah. Wuxuuna madaxwaynuhu intaa raaciyay, inay kudayasho mudan yihiin.

Sidoo kale, Waxaa furitaankii xaflada xadhig kajarka warshada kahadlay maareeyaha guud ee warshada saliida imwaan mudane Cabdirisaaq Xiis Khaliif oo sheegay dadaalada ay usoo mareen inay warshadan kahirgaliyaan xarunta deegaanka ee jigjiga iyo inay awood uleedahay inay maalinkii shiido 24kun oo kiilo oo sisin ah ama midhaha kale ee saliida leh oo u dhiganta 12kun oo litir oo saliid ah. Waxaa intaa dheer, inay warshadu soo saari karto maalinkii 12kun oo maankaal ah (calafka xoolaha) iyadoo waliba wakhti xaadirkan shaqo abuur u samaysay 50 qof.

Warshadan ayaa qorshaheeda 1, aad yahay inay shacabwaynaha deegaanka kahaqabtirto baahida saliida nooca loo yaqaano macsarta iyadoo higsigeeda xiga uu yahay inay xili dhow dibada udhoofiso. Waxaana xusid mudan in midhaha caydhiin ee lashiidayo ay yihiin midhaha sisinta kasoo go’day beeraha deegaanka.

Xubnaha iskaashatada ah ee kubahoobay warshadan ayaa isugu jira 3 qaran-joog ah iyo 2 qurbajoog ah. Waxaana kujira qaar kamid ah madaxwaynayaashii hore ee deegaanka soo maray khaasatan mudane Maxamed Macalin Cali(khadar)

Shir Lagu Qiimaynayay Adeeg Bixinta Caafimaadka Oo La Soo Xidhay.

$
0
0

Jijiga(CN) Axad,7da February, 2016, Xafiiska caafimaadka DDSI ayaa  u soo xidhay shirkii qiimaynta  waxqabadkii 6 bilood ee  cusbitaalada iyo  xarumaha caafimaadka degmooyinka  uuna ka hawlgalin mashruuca DRS ku.

Shirkan qiimaynta ah oo mudo 4 maalmood ah ka  socday xarunta deegaanka ayaa waxaa soo xidhitaankiisii ka soo qaybgalay wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Cabdifataax Siciid Maxamed oo sheegay  mudadii ay qiimayntu  socotay in diirada lagu saarayay waxqabadkii 6 bilood ee dhinaca tayaynta adeegyada caafimaadka . wuxuna ka warbixiyay  wasiirku in xafiiska caafimaadka DDSI iyo xukuumadda DDSI mudnaan siisay dardar gelinta iyo tayaynta adeegyadda caafimaadka iyadoo la hirgelinayo qorshayaal kala duwan oo lagu xaqiijiyo tayaynta iyo dardargelinta adeegyadda caafimaadka

Gabagabadii shirkan qiimaynta ee lagu eegayay waxqabadkii cusbitaalada iyo xarumaha caafimaadka  ayaa  laysla qaatay  sidii loo sii dardargalinlahaa adeegyada caafimaadka oo tayaysan  iyada oo  shahaadooyin sharaf abaalmarin ah la gudoonsiiyay shan xarun caafimaad iyo labo cusbitaal kuwaasi oo hormuud ku noqday dhinaca adeeg bixina caafimaadka oo tayaysan  iyo soo gudbinta warbixinta caafimaadka bilaha ah (HMIS)

 

 

MW CMC Iyo Wajigii 2, aad Ee Gacantaada Isku-meelee

$
0
0

Jigjiga(CN) Axad, 7da February 2016, madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa kadib xadhig kajarkii warshada saliida imwaan maanta kulan layeeshay ardayda lashaqaalaysiinayo wajiga 2, aad ee iyagu gacantooda isku meelaynaya oo hawshoodu kasocoto hoolka shirarka ee sayidka.

Madaxwaynaha ayaana uga waramay ardaydan dhibaatadii nidaamka shaqaalaysiinta ee hada kahor kajirtay deegaanka. Wuxuuna kubooriyay ardaydan inay si daacadnimo leh utagaan goobaha nasiibka gacantoodu kumeelayso uguna shaqeeyaan shacabka si wadaniyad leh.

Dhanka kale, ardaydii lashaqaalaysiinayay oo iyana goobta kahadlay ayaa si farxadi kudheehan tahay usoo dhaweeyay hadaladda madaxwaynaha. Waxayna dhamaantood balan qaadeen inay si kago’naansho leh utagi doonaan goob kasta oo nasiibkoodu kumeeleeyo iyo waliba inay shacabka ugu shaqayn doonaan iyagoo waajibaadkooda gudanaya si daacadnimo iyo xilkasnimo leh maadaama ay nooca shaqaalaysiintani tahay mid aan deegaanka horay uga dhicin oo cadaalad kusalaysan. Xukuumaduna u hagar baxday ardayda soo qalinjabisa.

Hadaba tirada ardaydan wajiga 2, aad ee shaqaalayssiintoodu socoto maanta ayaa kor u dhaafaya 1,500 oo isugu jira heerarka diploma iyo degree labadaba iyadoo wadarta labada waji ee shaqaalaysiinta ardaydu noqonayso 4,500 ayaa waxaa wali kadhiman qorshihii kal-fadhiga 5,aad lagu ansixiyay ee ahaa in 7kun lashaqaalaysiiyo 2,500.

Munaasabad Lagu Xusayay Maalinta Caafimaad Qabka Hooyada.

$
0
0

Jigjiga,(CN) isniin, 8da, February, 2016,  Munaasabad balaadhan oo lagu xusayay maalinta caafimaad qabka hooyada oo uu soo diyaariyay xafiiska caafimaadka DDSI ayaa ka dhacday barxada wayn ee xafiiska caafimaadka DDSI.

Waxaana ka soo qaybgalay munaasabadaasi madaxwayne ku xigeenka ahna wasiirka xafiiska beeraha iyo horumarinta khayraadka dabiiciga ah marwo Sucaad Ahmed Faarax, wasiirka caafimaadka DDSI mudane Cabdifataax Siciid Maxamed, wasiirka xafiiska haweenka iyo caruurta DDSI marwo Raxma Suldaan Maxamuud Haybe, gudoomiyaha golaha sare ee  arimaha islaamka DDSI mudane sheikh Cabdiraxmaan Xasan, shaqaalaha xafiiska caafimaadka DDSI qaybka mid ah kooxaha fanka iyo sugaanta DDSI iyo marti sharaf kale.

Munaasabadan lagu xusayay maalinta caafimaad qabka hooyada oo socdaal ay ku  muujinayeen munaasabadan  masuuliyiinta iyo shaqaalaha   ka  soo bilaabeen xafiiskii hore ee madaxtooyada DDSI kuna yimaadeen xafiiska caafimaadka DDSI oo ahayd halka lagu xusayay.

Waxaana ugu horayntii ka ka hadashay munaasabadaasi madaxwayne ku xigeenka ahna wasiirka xafiiska beeraha iyo horumarinta khayraadka dabiiciga ah ee DDSI marw Sucaad Axmed Faarax oo ka warbixisay ahmiyada munaasabadan iyo dadaalada dheer ee xukuumada DDSI iyo xafiiska caafimaadkuba ugu jiraan kor u qaadida adeegyada caafimaadka waxaana ka mid ahaa madaxwayne ku xigeenka hadalkeedii”  si loo  hirgaliyo qorshaha GTP2 ee ku salaysan dhinaca adeega caafimaadka oo tayaysan  taasi  oo sal looga dhigay qorshayaal  kor loogu qaadayo dhimista dhimashada hooyada iyo dhalaanka si taaasi loo xaqiijiyo loona   hirgaliyo ayaa  waxaa loo baahan yahay in hooya kasto oo uurlihii  ugu yaraan afar jeer la xidhiidho xarumaha caafimaadka si ay u hesho xanaanada hooyada uurka leh, kuna umusho   xarumaha iyo cusbitaalada oo kaliya, iyada oo  hooyadu  ka faa’iidaysato daryeelka caafimaadka dhalmada ka dib islamarkaana isticmaasho nidaamka kala fogaynta caruurta”   Sidoo kale waxay   kula dar-daarantay  xirfadlayaasha caafimaadka in ay u naxariistaan, xushmeeyaana hooyada marka ay adeega caafimaadka siinayaan.    

Wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Cabdifataax Siciid Maxamed oo ka hadlay munaasabadaasi ayaa sheegay in bisha dir dalkeenu u qaatay bisha caafimaad qabka hooyada sanadkan 2008TTI halku dhig looga dhigay “si naxariis, xushmad iyo qadarin leh u daryeel hooyada” islamarkaana laga xusayo dhamaan goobaha caafimaadka ee dalkeena itoobiya. Wuxuuna ku booriyay dhamaanba xirfadlayaasha caafimaadka meelkasta oo ay joogaanba in ay bulshada ugu adeegaan  si muwaadinimo.

 

Dhankooda wasiirka xafiiska arimaha haweenka iyo caruurta marwo raxma suldaan maxamed haybe iyo gudoomiyaha golaha  sare ee arimaha islaamka mudane sheikh Cabdiraxmaan Xasan Xuseen ayaa si qoto dheer uga warbixiyay ahmiyada ay maalintani leedahay waxayna sheegeen in hooyada mudan tahay  markasta  in la   xushmeeyo, la  qadarin islamarkaana   hesho dareel caafimaad oo tayo leh.

Munaasbadan ayaa intii ay socotay waxay ka soo qaybgalayaashu ugu deeqaan dhiigooda si ayna hooyana dhiig bax u dhimanin. Ugu danbayntii waxaa munaasabadaasi abaalmarino lagu gudoonsiiyay hooyooyinkii ku umulay bishan dir  xarumaha caafimaadka ee maamulka magaalada jigjiga.

 

 


Bad-Baadada Hooyada Iyo Munaasabadii Looqabtay

$
0
0

Jigjiga(CN) Isniin 8da February 2016, Xaflad lagu maa muusayay maalinka badbaadada hooyada islamarkaana lagu abaal marinayay  qaar kamid ah hooyooyinka iyo dhakhaatiirtii sida fiican ooga qayb qaadatay bad baadada hooyooyinka ayaa maanta si habsami leh uga qabsoomay hoolka shirarka ee Cuspitalka Kaaramardha.

Xalfad oo si heer sare ah loosoo agaasimay ayaa waxaa kasoo qayb galay qaar kamid ah maareeya yaasha hospitaalada,Madaxa arimaha haweeynka Maamulka magaalada jigjiga ,dhakhaartiirta ku takhasustay xanuunada haweenka ,umulisooyinka iyo marti sharaf kale.

Hadaba xalafadan ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay mareeyaha guud ee cusbitaalka kaarmadha mudane Wali Axmed Nuur oo sheegay in munaasabadani ay tahay markii koobaad ee laqabatay islamarkaana ujeedadeedu tahay inayna hooyo dayac ama dhiigbax u dhiman wadd mooyeen, sidookalana wuxuu u mahadceliyay dhakhaatiirta iyo umulisooyika sida naxariista leh ugu adeega hooyooyinka. Waxa kale oo uu maareeyuhu sheegay in dhiigga  lagu deeqo maadaama oo uu dhiigu badbaadiyo hooyo dhiigbaxaysa.

Sidoo kale waxaa iyana ka hadashay Madaxa Arimaha Haweenka iyo Caruurta Maamulka Magaalada Jigjiga oo mahad celisay dhamaan dhakhaatiirta cusbitaalka iyo xirfadlayaashaba, iyadoo ku dhiirisay in ay dadaalkooda  halkaas kasiiwadaan.

Ugu danbayna waxaa xaflada lagu abaal mariyay dhakhaatiirta takhasuska ah iyo qaar kamid ah hooyooyinkii ku umulay hospitaalka islamarkaana dareenkooda ka waramay inay aad ugu faraxsanyihiin abaalmarinta la gudoonsiiyay halkaana ay kasiiwadyaan dadaalkooda ku aadan badbaada hooyada.

9ka Cusbitaal ee DDSI Oo Lagu Wareejiyay Baabuur Cusub.

$
0
0

Jigjiga(CN)  talaado, 9ka , February, 2016, Wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Cabdifataax Siciid Maxamed, ayaa maanta maareeyayaasha 9ka cusbitaalka ee  ku yaala 9ka Gobol ee DDSI ku wareejiyay furayaasha baabuur  cusub.   dib markii  ay wasiirka iyo maareeyayaashu kala  saxeexdeen  heshiis qeexaya in loo adeegsado baabuurtan  hawlaha caafimaadka oo kaliya, in aan lagu wadi Karin xawaare ka badan 100 islamarkaana uuna wadi Karin qof aan dirawalka ahayn

Haddaba  baabuurtan oo qayb ka ah gawaadhi  ay dhawaan xukuumada DDSI kala soo wareegtay wasaarada caafimaadka JDFI  ayaa ujeedada loogu wareejiyay  cusbitaaladu tahay in ay u  adeegsadaan kor meerka iyo taakulaynta xarumaha caafimaadka ee yaala gobolka uu ku yaalo cusbitaalku, hawlaha caafimaadka deg dega ah sida cudurada dilaaca oo kale iyo kor u qaadida guud ahaanba adeegyada caafimaadka gaar ahaan  caafimaadka  hooyada iyo dhalaanka.

Maareeyayaasha cusbitaalada  DDSI ayaa sheegay in ay gaadiidkani wax wayn ka qaban doonaan  kor u qaadida  adeeg  bixinta caafimaadka ee  cusbitaalada iyo xarumaha caafimaadka DDSI waxayna sheegeen in ay qorshihii loogu tala galay oo kaliya u adeegsan doonaan baabuurtan ilaalindoonaana dayac  tirka baabuurtan

Gadhwadaanka geedi socodka  adeega caafimaadka   iyo daawaynta  xafiiska caafimaadka DDSI mudane Nuur Huseen Xuuble, oo warbaahinta DDSI  lahadlay, ayaa wuxuu sheegay inuu gaadiidkani wax wayn katari doonaan baahidii cusbitaalada ee xaga gaadiidka si ay u caawiyaan ugana warhayaan xarumaha caafimaadka iyo waliba ka jawaabida xaaladaha caafimaadka deg-dega ah.

Ugu dambayn, wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Cabdifataax Siciid Maxamed ayaa kula dar-daarmay maareeyayaasha cusbitaalada DDSI in ay baabuurtan ilaaliyaan una adeegsadaan qorshihii loogu talagalay oo kaliya kuna dhaqmaan qodubada heshiiska lagu qeexay

Shir Lagaga Hadlayay Tayaynta Waxbarashada Jaamacadaha Dalka

$
0
0

DebreBurhan(CN) Talaado 9, February 2016, Wafti uu hogaaminayo Madaxwayne Kuxigeenka ahna Wasiirka Xafiiska Waxbarashada DDSI Mudane Mawliid Hayir Xasan oo kaqaybgalay Shir ku saabsan  qiimaynta jaamcadaha dalka  oo ay kasoo qaybgaleen 36 Jaamacadood oo ay jaamacada jijiga kamidtahay ayaa lagu soogabagabeeyay magaalada Dhebre-Burhan ee Deegaanka Amxaara.

Shirkan oo socday mudo sadexmaalmooda ayaa Waxaa qudbad balaadhan oo dhinacyo badan taabanaysa  kasoojeediyay  wasiirka wasaarada waxbarashada JDFI mudane Shiifaraw Shikude.

Sidookalana Madaxwayne kuxigeenka ahna wasiirka waxbarashada DDSI mudane Mawliid Hayir Xasan oo hogaaminayay waftigan ayaa sheegay in shirkani ahaa mid si heersare ah loo soo agaasimay islamarkaana lagaga hadalayay waxyaabo badan oo kusaabsan dhanka tayaynta waxbarashada jaamacadaha iyo waliba sii xoojinta tirada jaamacadaha dalka, Waxa uuna intaa kudaray in jaamacaduhu soojeediyeen warbixinadoodii  iyada oo ay shirkana ay kasoo qaybgaleen dhamaan jaamacadaha dalku

Tababar loo Xidhay Xirfadlayaal Caafimaad.

$
0
0

Jijiga(CN) talaado, 9ka, February, 2016, Waxaa lagu soo gabagabeeyay  hoolka shirarka huteelka  universal ee caasimada deegaanka  tababar ay fulintiisa iska kaashadeen xafiiska caafimaadka DDSI iyo ururka dhakhaatiirta caruurta ee dalka  itoobiya. Tababarka oo ay u jeedadiisu ahayd mid   kor loogu qaadayo aqoonta iyo xirfada  ku aadan fulinta talaalka joogtada ah ee lasiiyo caruurta da'doodu ka yartahay hal sano si looga hortago cudurada dilaaga ayaa waxa  loo hayay 32  xirfadle  caafimaadka oo ka kala socday 16 xarun caafimaad oo ku yaala gobolka Faafan.

Tababarkaasi oo socday mudo 6 maalmood ayaa waxaa soo xidhitaankiisii ka hadlay wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane  Cabdifataax Siciid Maxamed oo ka warbixiyay qorshyaasha caafimaadka ee ka  u salaysan adeeg bixinta caafimaadka ee la siinayo  bulshada iyo doorka looga baahan yahay xirfadlayaasha caafimaadka . Wuxuuna ku la dar daarmay wasiirku  xirfadlayaashan  in ay aqoontii ay ka barteen tababarkan uga faa’iideeyaan bulshada ku sugan goobihii ay ka yimaadeen  

Dhankooda xirfadlayaasha qaatay tababarka ayaa balan qaatay in ay aqoontii ay ka barteen tababarkani mudadii uu socday marka ay ku laabtaan goobihii ay ka yimaadeen si muwaadinimo ku dheehan tahay ugu adeegidoonaan bulshada ku nool goobahaasi.

 

Ugu danbayntii waxa xirfadlayaashan caafimaadka la gudoonsiiyay shahaadooyinka turjimaya aqoonta ay tababarkani mudadii uu socday ku qaateen taasi oo uu gudoonsiiyay wasiirka caafimaadka DDSI 

ISKUDAY??

$
0
0

Jigjiga(CN) Arbaco, 10ka february 2016, Fadlan adigoo kaashanaya, korodhsanayana aqoonta aad u leedahay guud ahaan dalkeena itoobiya gaar ahaana deegaankeena ISKUDAY inaad kajawaabto su’aalahan hoos kuqoran. Kadibna kuguulayso abaal marin. Waxaadna jawaabtaada noogu soo diri kartaa message ahaan barta aan facebook kuleenahay ee www.facebook.com/cakaaranewsface ama E-mailkan cakaarainfo@gmail.com.

Hadaba, wakhtiga loo cayimay kajawaabida su’aalahan waa 48 saacadood oo kabilaabanaya 7:00 pm ee 10ka bishan February. Waxaadna 48 saac kadib cidii kuguulaysatay kalasocotaan www.cakaaranews.com

NB. Abaal-marinta waxaa kuguulaysan:

  •  Qofka kajawaaba dhamaan su’aalaha.
  •  Cidii kajawaabta wakhtiga lacayimay kahor ayaa mudnaanta leh

Su’aaluhuna waa sidan:

  1.   Xiliguu deegaanku ka koobnaa 52da Degmo imisa qabalee ayuu ahaa? Maanta oo uu ka kooban yahay 68 degmo iyo 4 Maamul Magaalose imisa qabaleee ayuu ka kooban yahay?
  2. Sheeg Gobolka Deegaanka kamidka ah ee labo jeer oo isku xigta Koobka Kubada Cagta ku guulaystay? Waxaa kale oo aad sheegtaa Magaca Feedhyahanka deegaanka uga tartama heer dal? Iyo magaca orodyahanka deegaanka labadii sano ee u danbaysay ku guulaystay koobka orodka?
  3. Sheeg taariikhdii labadalay Astaanta iyo Heesta Calanka DDSI?
  4. Fadhigii koobaad ee shirweynaha ciidanka booliska gaarka ah xaguu ka dhacay goormuuse dhacay?
  5. Sheeg magaca socdaalkii ugu dheeraa  ee MW CMC iyo xukuumadiisu kusoo martay deegaanka iyo waliba goboladii lasoo maray?
  6. Sheeg asxaabigii dhimashadiisu uu carshigu  la gilgishay?

Kalasoco barnaamijkan ISKUDAY maalin walba oo arbaco ah www.cakaaranews.com

 

Mw Kuxigeenka DDSI Oo Xadhiga Ka Jaray Wadooyin Laga Hirgaliyay MM Dh/buur

$
0
0

Jigjiga(CN) Arbaco 10 February 2016 Madaxwayne ku xigeenka ahna Wasiirka Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka Dhismaha iyo Warshadaha DDSI Mudane Cabdixakiin Cigaal Cumar  oo ay wehelinayaan  masuuliyiin heer deegaan ah, Maamulka Gobolka Jarar iyo Maamulka Magaalada dhagaxbur ayaa xadhiga ka jaray 7 wado oo laga hirgaliyay M.M Dhagaxbuur.

Wadooyin xadhiga laga jaray ayaa 4 ka mid ahi yihiin kuwa la dhigo dhagaxa qoran ee  cobblestonka ah sedexna yihiin kuwa la dhigo jayga ayaa waxay ka mid yihiin mashaariicihii horumarineed ee sanadkan 2008TI  u qorshaysnaa in laga hirgaliyo mm dh/buur.

Hadaba MW kuxigeenka oo kahadlay xadhig ka jarkii wadooyikan ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanayahay dhamaystirka wadooyinkan islamarkaana ay qayb wayn ka qaadanayaan bilicda magaalada dhagaxbuur iyadoo intii uu socday dhismaha wadooyinkan shaqo abuur badana u sameeyay muwaadimiin u dhalatay isla Magaaladan Dhagaxbuur. Ugu danabayna waxa uu kula dardaarmay bulshada dagan magaalada dhagaxbuur  inay daranyada ka ilaashadaan wadooyinkan loo sameeyay.

Qaliinka iyo Daawaynta Indhaha Oo Ka Bilowday Degmada Galaadi.

$
0
0

Galaadi,(CN) khamis, 11ka February, 2016, Kooxda wareegta  qaliinka iyo daawaynta indhaha DDSI ayaa maalintii shalay ka bilaabay  xarunta caafimaadka ee  degmada Galaadi ee Gobolka Doolo qaliinka iyo daawaynta indhaha taasi oo socondoona mudo 8 maalmood ah.

Waxaana ka faa-iidaysanaya qaliinka  bulsho aad u tiro badan oo ku dhaqan degmad galaadi iyo nawaaxigeeda  kuwaasi oo iskugu jira kuwa loo samaynayo  qaliinka indhaha ah ,qaar la daawaynayo iyo kuwa aragooda lagu saxayo muraayadaha indhaha ka dib marka la cabiro xadiga/degree  ay u baahan yihiin.

Maaha degmadii koowaad  ee ay kooxdan wareegta ka fuliyaan  adeega noocan oo kale ah ee waxay  hore uga soo   fuliyeen  degmooyin badan oo ka mid ah degmooyinka DDSI  kuwaasi oo ay   ka   faa’iidaysteen bulsho badan oo  baahi wayn u qabtay helitaanka adeega noocan oo kale ah iyaga oon wax kharash ah kaga bixin bulshada.

Waxaa markhaati madoon ah  in  qorshihii xukuumada DDSI ee  ahaa aas aasida iyo hawlgalin kooxda wareegta ee qaliinka iyo daawayntga indhah ahaa mid loo baahnaa islamarkaana keenay natiijo balaadhan oo ay bulshadu ku tirsatay.

Ugu danbayntii kooxdan wareegta ee qaliinka iyo daawaynta indhaha ayaa waxaa u qorshaysan in ay adeega noocan oo kale ah ka fuliyaan degmooyin badan oo ka mid ah degmooyinka DDSI.


Mw Kuxigeenka DDSI Oo Xadhiga Ka Jaray Dugsiyo Cusub

$
0
0

Qabridahar(CN) Khamiis 11 February 2016 Madaxwayne Ku xigeenka ahna Wasiirka Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka Dhismaha iyo Warshadaha DDSI Mudane Cabdixakiin Cigaal Cumar  oo ay wehelinayaan  masuuliyiin heer deegaan ah, Maamulka Gobolka Qoraxay  iyo Maamulka Magaalada Qabridahar ayaa maanta xadhiga ka jaray Sadex Iskuul oo cusub oo laga dhisay M.M Qabridahar.

Iskuuladan cusub ee la dhisay ayaa ah kuwo lagu soo biiriyay Dugsiyada Hoose Dhexe,ee Maamulka Magaalada Qabridahar waxayna ka mid yihiin mashaariicihii horumarineed ee sanadkan 2008TI  u qorshaysnaa in laga hirgaliyo M.M Qabridahar.

Hadaba Mw Kuxigeenka oo kahadlay xadhig ka jarkii dugsiyadan ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanayahay dhamaystirka dugsiyadan islamarkaana ay qayb wayn ka qaadanayaan dhanka balaadhinta dugsiyada waxbarashada iyo waliba dhanka baris barasho ee dugsiyada dhaxe ee Maagalada Qabridahar.  

 

Tababar ku Aadan Qaadista Imtaxaanaadka COC ga Oo Casri ah

$
0
0

Jigjiga(CN) Jumce 12 February  2016, Tababar ujeedadiisu tahay barashada iyo isticmaalka softwer ka looyaqaano Moodle oo loogu talagalay qaadista imtixaanaadka COC ga ayaa  loo soo gabagabeeyay  qaar kamida Shaqaalaha (COC) Xarunta Xaqiijinta Tayada Xirfadlayaasha DDSI.

Tababarkan oo ay bixinayeen khabiiro udhashay dalka islamarkaana ka socday haayada caalamiga ah ee looyaqaano JHPIEGO taasoo ka shaqaysa hawlaha tayaynta waxbarashada iyo imtixaanaaadka ayaa waxaa loohayay shaqaale tiradoodu dhantahay 12 xubnood kuwaasoo labarayay casharo ku aadan habka imtaxaanaadka iyadoo loo marayo Technology ga cusub (COC exam for computer system).

Hadaba tababarkan ayaa waxaa xidhitaankiisi kahadlay Kusimaha Xarunta Xaqiijinta Tayada Xirfadlayaasha ahna Gadh-GS T Maaraynta Cududa shaqaalaha ee xarunta COC Mudane Maxamed Axmed Daahir oo sheegay in tababarkani uu socday 2 cisho islamarkaana shaqaalihii qaatay tababarkan ay ku barteen cashara muhiima taasoo lagaga gudbayo habkii imtixaanka xaqiijinta tayada xirfada ee lagaga qaadi jiray aradayda Qoraal ahaan loona badalayo nidaam computer ah iyadoo la adeegsanayo softwere ka (Moodle).

Ugudanbayna waxa uu masuulku kula dardaarmay tababartayaasha in ay si muwaadinimo leh oo daacadnimo ku   dheehantahay uga faa iideeyaan casharada ay barteen deegaanka.

 

 

 

 

 

 

 

 

Shirkii Wadatashiga Barnaamijka Horumarinta Dhanka Wadooyinka

$
0
0

Jigjiga(CN) jamce, 12ka February 2016, waxaa saaka hoolka shirarka ee xarunta madaxtooyada kadhacay shirka wadatashiga barnaamijka horumarinta sectorka wadooyinka ee qorshaha labaad ee koboca iyo isbadalka dhaqaalaha(GTP2) oo ay  kasoo qaybgaleen xukuumada DDSI, deegaanka Hararida iyo ismaamulka Diridhaba.

Shirkaas oo uu furay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayuu si qoto-dheer uga warbixiyay dhibaatooyinkii ba’naa ee dhanka wadooyinka deegaanka horay uga jiray isagoo sheegay in kadib markii salka loo dhigay nabadgelyada deegaanka 5tii sano ee u danbaysay laguda galay sidii wax looga qaban lahaa horumarinta baahida aas-aasiga ah ee bulshada. Taasina ay keentay in la aas-aaso shirkada horumarinta jidadka ee deegaanka oo nooc kasta oo qalab iyo shaqaale ahba loo dhamaystiray iyadoo shirkadu kuguulaysatay waxqabadyo aan lasoo koobi karin. Waxaana la isu furay 293 qabalee oo horay ukalaxidhnaa, degmooyin iyo gobolo intaba. Madaxwaynaha ayaa intaa kudaray, in xukuumadu ay qorshaha xiga biyaha uqaadatay dhanka horumarinta wadooyinka oo ay guulo wax ku ool ahna kasoo hoyisay iyadoo taasi furtay caqabadihii dhanka isugudubka gaadiidka iyo ganacsiga xorta ah, dhaqaalana u abuurtay bulshada deegaanka. Waxaana halkaa lagu soo bandhigay filimaan katurjumaya waxqabadyadii dhanka jidadka deegaanka iyo caqabadihii lala soo maray kagudubkooda.

Dhanka kale, maareeyaha guud ee wakaalada jidadka dalka(ERA) mudane enigineer Eray Girmay oo shirka kahadlay ayaa aad ugu riyaaqay waxqabadyada aan dib uga noqoshada lahayn ee dhanka horumarinta aas aasiga ah ee guud ahaan deegaanka kahirgalay gaar ahaana dhinaca jidadka. Wuxuuna xukuumada uga mahadceliyay hirgalinta go’aamada horumarkan laxaaadka leh keenay iyo waliba qorshayaasha ay dajisatay ee hirgalintooda lagu guda jiro.

kadibna, waxaa lasoo indha-indheeyay hoolka shirarka ee sida heerka sare ah loo dhisay.

Ugudanbayna, waxaa la isla eegay daraasaadyo ay wakaalada jidadka ee dalku kafulisay deegaanka dhinaca jidadka oo qorshaysan in lahirgaliyo 5tan sano ee qorshaha isbadalka iyo koboca dhaqaalaha wareegiisa 2, aad. Waxaana si buuxda la iskula qaatay hirgalinta wadooyin laami ah sida: baabili ilaa xamaro, xamaro ilaa iimay, godey ilaa hargeele, godey-qalaafo ilaa feer-feer, jigjiga-faafan-goljano ilaa dhagaxmadaw, jigjiga ilaa teedhi, qabridahar ilaa wardheer, dhagaxmadaw-sagag-garbo ilaa dhanaan, qabalaha cali itoobiya ilaa dhagaxmadaw, ma’eyso ilaa diridhaba, jigjiga-danbal ilaa qintire, filtu ilaa mubaarak, xagarmoqor-goorobaqaqsa-qumdi ilaa jibriil iyo buundooyin farabadan oo waa wayn oo ay kamid yihiin: daawa iyo qubi.

Diyaar Garow Loogu Jiro Martigalinta Xuska todobaadka Dhaqanka ee Heer Qaran.

$
0
0

Jijiga (CN)jimce  12ka February, 2016,  xafiiska  dhaqanka iyo dalxiiska DDSI ayaa diyaar garow balaadhan ugu jira martigalinta munaasabada  xuska 6aad ee  todobaadka  dhaqanka dalkeena itoobiya oo lagu xusayo sanadkan xarunta deegaanka ee jigjiga.

 

Waxaana kulan yeeshay  gudiyada qaban qaabada xuskan ee xafiiska  dhaqanka iyo dalxiiska DDSI iyo masuuliyiin  ka socday wasaarada dhaqanka iyo dalxiiska JDFI kulankaasi oo uu hogaaminayay wasiir ku xigeenka  dhaqanka iyo dalxiiska DDSI mudane Baashe Cabdi Ismaaciil ayaa waxaa lagu eegayay heerka uu marayo u diyaar garowga xuska todobaadka dhaqanka oo xarunta deegaanka ee jijiga ka dhicidoon 15ka bishan Yekatiit oo  ah maalmaha fooda inagu soo haya.

Wasiir ku xigeenka  dhaqanka iyo dalxiska DDSI  mudane Baashe Cabdi Ismaaciil ayaa ka warbixiyay ahmiyada uu leeyay xuskan markii 6aad uu deegaanku nasiibka u helay in uu marti galiyo wuxuuna sheegay in ay xuskan ka soo qaybgalidoonaan kooxo ka socda  dhamaanba qoomiyadaha kala duwan ee dalkeena itoobiya oo matalaya dhaqamada qoomiyadaah iyo shucuubaha itoobiya. Isaga oo sheegay in uu xuskani ahmiyada balaadhan u leeyahay  sii xoojinta  is dhaxgalka dhaqanka dhaqaale oo ku salayasan kor u qaadida  qaranimada iyo isjacayla qoomiyadaha iyo shucuubta dalka itoobiya.

Wuxuuna sheegay wasiir ku xigeenku in si meeqaam sare ah guud ahaanba deegaanku ugu diyaar garoobay martigalinta xuskan taasi oo la diyaariyay soo bandhiga dhaqanka wanaagsan ee uu deegaankeenu hodanka ku yahay.

Gudiyadan ayaan dhankooda sheegay in si cilmiyaysan oo qurux badan loogu diyaargaroobay xuskan todobaadka dhaqanka ee markii 6aad  lagu xusayo caasimada deegaanka maalmaha fooda inagu soo haya.

Isku soo wada duub caasimada DDSI ayaa sanadihii ugu danbeeyay ku guulasatay in ay martigaliso munaasabadaha waawayn ee heer qaran ka dib markii ay la jaaq-qaaday caasimadaha waawayn ee dalka. 

MW CMC Oo Soo Caga-dhigtay A.A.B.I.A

$
0
0

Addis-Ababa(CN) jamce, 12ka febuary 2016, Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo hogaaminaya mas’uuliyiinta sare hogaaminta deegaanka ayaa shirkii wadatashiga barnaamijka horumarinta sectorka wadooyinka ee qorshaha labaad ee koboca iyo isbadalka dhaqaalaha kadib galabta kasoo ambabaxay xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga isagoo amin maqribkii ah soo cagadhigtay gagida diyaaradaha caalamiga ah ee addis-ababa bole international airport.

madaxwaynaha iyo waftiga uu hogaaminayo ayaa u yimid xarunta dalka shirka tacliinta sare ee lagu koriyo garaadka siyaasadeed ee hogaaminta sare ee dawlada deegaanada dalka oo uu bixiyo meles academy of management 5tii sanana mar laxaroodo.

Hadaba, shirkan ayaa waxaa hogaamin doona raisal wasaare kuxigeenka dalka mudane Dhamaqe Mokennin, wasiirka wasaarada arimaha federalka mudane Kassa Tekleberhan iyo mudane Adhisu Lagase iyadoo maalinta bari ah uu bilaabin doono.

Wixii faah-faahin ah kala soco wararka danbe ee www.cakaaranews.com

Viewing all 304849 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>