Jigjiga(Cakaaranews) Sabti 3da June 2017.Shir uu hogaaminayay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar Oo mudo 5 maalmood ah socday islamarkaana si qoto dheer loogu qiimaynayay dhamaan maaliyadaha heer degmo iyo heer maamul magaalo iyo waliba maaliyada heer deegaan diiradana lagu saarayay dhanka ku dhaqanka nidaamka iyo sharciyada udajisan maaliyadaha ayaa lasoo gabagabeeyay.
Hadaba qiimaynta maaliyadaha ayaa lagu ogaaday inay madaxafiiseedyadii maaliyadaha degmooyinka gaar ahaan gabdhihii lagu meeleeyay maaliyadaha degmooyinka ay isbadal laxaad leh ka keeneen gud ahaanba nidaamka shaqo ee maaliyadeed gaar ahaan ilaalinta hantida dawlada, ku dhaqanka shuruucda maaliyada iyo meel maarinta dhamaan shuruucda maaliyada ee dalka iyo deegaankba.
Madaxafiiska maaliyada iyo Horumarinta dhaqaalaha DDSI mudane Axmed Cabdi Maxamed ayaa faahfaahiyay isbadalka kajira maaliyadaha degmooyinka taniyo intii lagu meeleeyay gabdhaha isagoo gaar ahaan ku amaanay fulinta awaamiirta iyo ku dhaqanka nidaamka maaliyadeed oo ay ka madhantahay musuq, eex iyo nin jeclaysi intaba. Iyadoo dhamaan hogaaminta heer gobol iyo kuwa degmooyinkuba ku amaaneen isbadalka iyo shaqo wanaaga ay ka keeneen nidaamka maaliyadeed.
Iskusoo wada duuboo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa hogaaminta iyo heerarka kaladuwan ee shaqaalaha maaliyada oo ay ugu horeeyaan Madaxafiiseedka maaliyada iyo Horumarinta dhaqaalaha DDSI mudane Axmed Cabdi Maxamed iyo kuxigeenka maaliyada mudane Jamaal Faarax Warmooge usoo jeediyay kuna amaanay inay siiwadaan shaqooyinka iyo natiijooyinka wanaagsan ee ku dayashada mudan ee ay ilaa iyo dawlada federalka ah iyo shacabkuba mar walba ku amaanaan.