Jigjiga,(cakaaranews), Isniin, 29ka , May, 2017.Xaflad si meeqaam sare ah loo soo agaasimay oo ay ku qalinjabiyeen dufcadii 12aad ee kuliyada caafimaadka jigjiga xirfadlayaal caafimaadka oo dhan 438 arday oo ay dumar yihiin 251 oo bartay culuumta caafimaadka ayaa waxay xafadan qalin-jabintu ka dhacday madasha shirarka Sayid MCX.
Xafladan oo ahayd mid si qurux badan loo agaasimay ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo uu ka mid madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, wasiirka madaxtooyada DDSI mudane Cabdimahad Maxamed Cabaase, maareeyaha kuliyada caafimaadka ee jigjiga mudane Kaamil Cabdilaahi Haybe, odayaasha dhaqanka deegaanka, waalidiinta,asxaabta aradayda qalinjabinaysay iyo martisharaf kale.
waxaana ugu horayntii ka hadlay xafladan qalin-jabinta madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo u hambalyeeyay ardaydan qalijabisay ayaa si qoto dheer uga warbixiyay ahmiyada xirfadlayaashan ay leeyihiin iyo baahida loo qabo taabo galinta yoolasha horumarinta siyaasada caafimaadka, madaxwaynaha ayaa ka hadlay doorkii ay ka qaateen xirfadlayaasha caafimaadka DDSI dadaalkii ay xukuumada DDSI ugu jirtay xakamaynta iyo tir-tiritaanka cudurkii shuban biyoodka ee ka dhashay xaaladii abaart ee saamaysay qaarka mid ah gobolada deegaanka. Madaxwaynaha DDSI ayaa sheegay in loo baahayn yahay in la buuxiyo baahiya dhinaca adeega caafimaadka bulshada sidaasi darteedna xirfadalaayshan caafimaadkana ee maanta qalinjabiyay looga baahan yahay in ka soo shaqeeyaan goobkasta iyo meelkasta oo lagu meeleeyo bulshadana ay siiyaan adeeg caafimaad oo ay ku dheehan tahay ka go’naansho wadaniyadeed oo leh xushmad iyo soo dhawaynta bukaanka. Madaxwaynaha ayaa intaa ku daray in xukuumada DDSI dadaal xoogan ugu jirto soo saarida cudud xirfadlayaal caafimaad taasi oo lasameeyay kuliyada caafimaadka ee soo saara xirfadlayaal adeega caafimaadka ah oo ay ka mid yihiin kuliyada caafimaadka Goday iyo Qarbihadar
dhankiisa waxaa ka hadlay maareeyaha kuliyada caafimaadka jigjiga mudane Kamaal Cabdilaahi haybe oo ugu horayntii u hambalyeeyay ardaydan qalin jabisay ayaa ka warbixiyay soonyaalka taariikheed ee kuliyada iyo ardayda ka qalin jabisay tan iyo intii kuliyada la aas aasay in ay ka qalin jabiyeen arday dhan 4,256. Isaga oo sheegay maareeyuhu in ay maanta ka qalin jabiyeen arday dhan 438, oo bartay noocyada kala duwan ee culuunta caafimaadka ugu danbaytii ayaa waxa uu sheegay maareeyuhu in ay kuliyada dadaal dheeriya ku jirto soo saarida cudud waxbarsho oo siwayn uga qayb qaadan doonta xaqiihinta iyo hirgalinta qorshay GTP2 iyo SDG.
Garaad kulmiye garaad maxamuud garaad dool oo ka hadlay xafladan qalin jabinta ah aoo ugu horayntii u hambalyeeyay ardaydan qalinjabisay ku booriyay in ay ka midho dhaliyaan cilmigan caafimaadka ee ay barteen ugu adeegaan bulshada deegaanka.
Gabagabadii xafladan ayaa madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Caxamuud Cumar waxa uu gudoonsiiy abaalmarino kala duwan ardaydii ugu dhibcaha saraysay.