Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all 304849 articles
Browse latest View live

Tababar Loo Qabtay Xubnaha EMIS

$
0
0

Jigjiga( cakaaranews ) Khamiis 3 March 2016, Tababar  uu soo agaasimay Geedisocodka Maaraynta Xogta Waxbarashada ee Xafiiska Waxbarashada islamarkaana loo hayay xubnaha Vocal-Personska looyaqaano ee ka hawlgala Degmooyinka ayaa ka dhacay Kuliyada Maaraynta iyo Adeega Shacabka DDSI.

Hadaba Tababarkan ayaa waxaa shabakada cakaaranews uga warbixiyay Gadhwaeenka Geedi socodka waaxda EMIS ee Xafiiska Waxbarashada DDSI Mudane Cabdiqaadir Maxamed Owa-Aadan  isagoo sheegay in tababarkan ay ka soo qaybgaleen 25 xubnood oo ka kala scoday qaar kamida dagmooyinka Gobalka Faafan, Gobaaka Qoraxay, Gobalka Siti, Gobalka Jarar iyo Gobalka Nogob islmarkaana ay ku baranayeen casharo la xidhiidha dhanka maaraynta xogta waxbarashada ee loo yaqaano Education Management Information System (EMIS), iyada oo ay casharada bixinayeen khabiiro u xeel dheer oo ka tirsan waaxda EMIS ee Xafiiska waxbarashada. Ugudanabayna waxa uu masuulku sheegay in tababarkani uusan ahayn kii ugu horeeyay ee waaxdu bixiso iyadoo tababaro horena lasiiyay xubnahan Vocal personska.

Dhankooda waxaa iyana kahadlay xubnihii latababarayay oo sheegay inay baranayaan casharo aad muhiim ugu ah islamarkaana faa iido badan ay ka heleen, waxayna sheegeen inay cilmigan ay barteen ay ugu dhaqmayaan sida ugu daacadsan ee ugu wanaagsan.

 


Kulan Lagu Qiimaynayo Waxqabadka Mashruuca RIF.

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews), khamiis, 3da March,  2016 Kulan lagu qiimaynayay waxqabadkii rubicii labaad ee mashruuca hoos u dhigida dhimashada hooyada iyo dhalaanka ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan magaciisa (RIF) ayaa ka furmay caasimada deegaanka ee jijiga gaar ahaan huteelka xamda.

Kulankan  qiimaynta ah ayaa waxaa si wada jir ah u soo diyaariyay xafiiska caafimaadka DDSI iyo  ha'ada ACPA . waxaana kulankaasi hogaaminayay masuuliyiinta mashruuca RIF, iyada oo  diirada lagu saarayay waxqabadkii rubicii 2aad ee mashruuca RIF. Wixii qorshaysnaa jihooyinkii loo fuliyay, Wixii aan qabsoomin iyo  sababta ayna  u qabsoomin.

Kulankaa waxaa  loo qabtay, madax xafiiseedyada xafiisyada caafimaadka, maareeyayaasha xarumaha caafimaadka, khabiirada, kormeerayaasha, shaqaalaha fidinta caafimaadka, shaqaalaha mashruuca RIF, shaqaalaha hay'ada ACPA ee degmooyinka Jigjiga,  Gursum, Baabili, ismaamulka magaalada Jigjiga  iyo shaqaalaha xafiiska caafimaadka heer deegaan gaar ahaan Kuwa qaabilsan caafimaadka hooyada iyo dhalaanka.

Waxaana furitaankii kulankaasi qiimaynta ah, ka hadlay  isku dugaha guud ee mashruuca RIF mudane Shaafici Daahir Muuse oo sheegay  in kulankan qiimaynta ah diirada lagu saaridoono waxqabadkii rubicii labaad ee mashruucan si loo dar dargaliyo  fulinta rubucyada xiga loona gufeeyo gol daloolooyinkii ka jiray rubucii 2aad. isagoo sheegay hadii shaqo laqabto oo aan la qiimaynin in aan la hubin karin ama la cabiri karin tayada iyo faa'iidada shaqadaasi. Wuxuuna socondoonaa muddo laba maalmood ah

Dood Cilmiyeed Looqabtay Khabiirada Qorshaynta Iyo Xissabaadka

$
0
0

Jigjiga( cakaaranews ) Khamiis, 3,March 2016, Dood-cilmiyeed uu soo agaasimay Xafiiska Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha DDSI ayaa loo qabtay qaarkamid ah Agaasinada, khabiirada Qorshaynta, Xisaabaadyada kuwaasoo ka kala socday Xafiisyada iyo Wakaaladaha  Heer Deegaan.

Dood-cilmiyeedkan ayaa waxaa hadalo muhiima kasoo jeediyay Wasiirka Maaliyada iyo Hormarinta Dhaqaalaha DDSI Mudane Axmed Cabdi Maxamed oo sheegay in dood cilmiyeedkani  uu ku saabsanyahay habsami u diyaarinta iyo soo gudbinta Qorshe sanadeedka  Sanad miisaaniyadeedka fooda inagu soo haya ee 2009 T.I  iyada oo la waafajinayo jihooyinka siyaasadaha horumarineed iyo yoolasha Qorshaha GTP II ee DDSI iyo ka heer wadan. Wuxuuna wasiirku intaa ku daray in fahan buuxa ay ka qaataan waaxaha Xisaabaadka iyo Qorshayntu. 

Waxaa sidoo kale furitaankii doodcilmiyeedkan ka hadlay Wasiir kuxigeenka Xafiiska Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha DDSI mudane Jamaal Faarax Warmooge  iyo waliba Gadh/W Geedi/S Qorshaynta, Miisaaniyada, Qiimeynta & Dabagalka Mudane Cabdiraxman Axmed Matan oo sheegay in dood cilmiyeedkan ay kasooqaybgaleen 72 xubnood oo ah khabiirada iyo agaasinada qorshaynta iyo xisaabaadka islamarkaana lagu lafagurayo ahmiyada ay  uleedahay hormarka deegaanka habsami u diyaarinta Miisaaniyada  SM.2009 T.I. iyo waliba udub dhaxaad ka ay u tahay hirgelinta iyo ka midho dhalinta  Qorshaha GTP II. Wasiir kuxigeenka ayaana usoo jeediyay khabiirada iyo agaasinada in inta uu socdo doodcilmiyeedku ay waydiiyaan macalimiinta wax kasta oo kusaabsan nidaamka qorshaynta xisaabaadka sidookalana waxa uu kuladardaarmay inay wakhtiga qorshaynta sanad miisaaniyeedka la ilaaliyo, islamarkaana ladiyaariyo qorshe wax-ku-ool-ah.

Gabagabadii kulankan ayaa waxa la isla tilmaamay tubta iyo hanaanka loo diyaarinayo Qorshe sanadeed iyo Miisaaniyad ka turjumaya ka jawaabida baahida dhabta ah ee bulshada ee SM.2009 T.I.

 

Jawaabaha Su’aalihii ISKUDAY Qaybtii 3aad

$
0
0

Jigjiga (Cakaaranews)  Jumce, 4ta March, 2016. Waxaan akhristayaasha sharafta leh ku wargalinaynaa in ay akhristaan jawaabaha su’aalihii  kabaxay shabakada cakaaranews barnaamijka ISKUDAY Qaybta 3aad ee  habeenkii khamiista ahaa ee 25kii Bishan February 2016.

F.G waxaan u mahadcelinaynaa dhaman akhristayaaashii iskudayay islamarkaana kajawaabay su’aalaha qaarkood, maadaama shuruudaha shilimaadku ahaa in laga wada jawaabo dhamaan su'aalaha, iyo in qofka ugu hor jawaaba mudnaanta lasiinayo, waxaan idiin rajaynaynaa inaad kajawaabi doontaan su' aalaha barnaamijyada danbe.maadaama oo aan su'aalahan 100% cid kajawaabtay aysan jirin.

FG: dadkii iskudayay su’aalaha dhamaantood marka laga reebo Su'aasha 5, aad ? sigaara ayaan ugu mahadcelinaynaa. waxaana urajaynaynaa guul iyo inay kawada jawaabi doonaan su’aalaha soo socda 7aadkan.

 Jawaabaha Su’aaluhuna sidan bay sax kuyihiin :

1. Waxaa xuska qoomiyadaha dalkeena labilaabay taariikhdu markay ahayd 1998 T.I goobtii ugu horeysay ee lagu qabtayna waa caasimada dalka ee Addisababa.

2. Deegaanka ugu biyaha badan dalka waa Deegaanka Soomaalida Gaar ahaan Gobolka Sitti

3. Afhayeenkii Golaha xildhibaanada ee Xiligii Mudane Cabdi rashiid Duulane waxa uu ahaa Mudane Suldaan Cabdiraxmaan Bade.

4. Waxa  uu ahaa gobalka ku guulaystay koobkii 3 aad ee Kubada-cagta Gobalka Qoraxay

5. Nabi Daa’uud (CS) waxa uu dhalay 9 wiil waxaana nabi kanoqday oo kaliya Nabi-Sulaymaan (CS)markaa jawabtu waxay ahayd 9 wiil

6. Laanta afraysa sadexda laamood waa saxaafada ama (Media) waa sida uu isku raacay caalamka intiisa badan.

7. 2da qaab ee dawladnimada dalkeenu waa Federalism oo hadana kasii ah Decentralization oo macnaheedu yahay dawladfederaala oo deegaanada iyo qoomiyadah dalku ay leeyihiin awood ay isku maamulaanislamrkaana  deegaankasta awoodiisu ayna halmeel ku koobnayn oo ay u dhaadhacasantahay ilaa heer tuulo waxaa ka dhisan sadexda laamood ee dawladi leedahay oo kala ah laanta Fulinta (Excutive Organ), Laanta Dajinta (Ligislative) oo ah xildhibaanadii iyo waliba laantii garsoorka.

8. Nidaamka awood dhaadhicinta deegaankeenu waxa uu bilawday taariikhdu makay ahayd 1994 ilaa iyo 1998 T.I

9. Halkii asxaabi ee magaciisa quraanka lagu sheegay waa ZAYT Binu-Xaaritha waana suuratul Al-Axsaab aayadeeda 37, aad

10.Tobankii  asxaabi ee iyaga oo nool janada loogu bishaarayeey (casharatul mubashiriin) waxay kala ahaayeen sidan:-1. Abubakar Sidiiq, 2. Cumar Bin khadaab, 3. Cali binu Abi Daalib, 4. Cusmaan binu Cafaan 5. Dalxa binu Cubaydulaah, 6. Sacad binu Waqaas 7. Cabdiraxmaan binu Cawf, 8. Abucubayda Caamir Binu Jaraax, 9. Zayt Binu Xaarith, 10. Siciid Bin Zayt

Hadaba waxaan macaamiisha  sharafta leh ee akhrista Shabakada Cakaaranews islamarkaana kutaxan barnaamijkan ISKUDAY ay fikradooda iyo Talo-bixinadooda, ama hadii ay jirto wax kaqaba su'aal ay noogu soo diri karaan ciwaanadan:-- www.facebook.com/cakaaranewsface ama E-mailkan cakaarainfo@gmail.com. aad iyo aad baana idiinka mahadcelinaynaa kaqayb-qaadashadiina. Mahadsanidin.

 

 

 

Shir ku Saabsan Udiyaargarawga Munaasabada XDSHSI

$
0
0

Jigjiga( cakaaranews ) Jumce 4, March 2016, Shir uu soo agaasimay Xafiiska Waxbarashada DDSI islamarkaana lagaga wada arinsanayay soo dhawaynta iyo udiyaargarawga munaasabada xuska sanad guuradii 18aad  ee  XDSHSI (28 yakaattiit) oo ku aadan maaalmaha fooda inagusoohaya ayaa looqabatay dhamaan shaqalaha xafiiska waxbarashada DDSI.

Shirkan ayaa waxaa ugu horayn kahadlay MW-kuxigeenka  ahna wasiirka waxbarashada DDSI Mudane Mawliid Haayir Xasan oo siqododheer uga hadlay taariikhdii iyo sooyaalkii uu soo maray XDSHSI isagoo tibaaxay in xuska maalinka xisbiga ee 28 yakaatiit ay taahay in lagu xasuusto isbadalka dhinac kasta ah ee uu xisbigu soo hooyiyay gaar ahaan horumarinta, adeegyada aas aasiga ah sida  Biyaha, Waxbarashada, Caafimaadka, iyo Beeraha. Sidookale waxa uu Mw Kuxigeenku carabka ku adkeeyay guulaha balaadhan ee nabadgayada laga keenay iyo waliba maamulka suuban ee maanta  bulshada deegaanku ku naaloonayso.

Sidookale  waxa uu tilmaamay in ka xafiis waxbarasho ahaan ay labo jibaaraan shaqooyinkii ay uhayeen bulshada iyagoo ka midho dhalinaya qorshayaasha waxbarasho ee deegaanka uyaala sida tayada iyo tirada waxbarashada .

Ugu danbayna Waxa iyana dhankooda kahadlay qaarkamida agaasinada  xafiiska waxabarashada oo dardaaran usoojeediyay shaqalaha islamarkaana kawaramay waxqabadkii XDSHSI iyo udiyaargarawga munaasabada xuska sanadguurada XDSHSI.

Shirkii Horumarka Cagaaran iyo Nadaafada Magaalooyinka Dalka

$
0
0

Adhisababa ( Cakaaranews ) Sabti, 5ta march 2016. Waxaa saaka hoolka shirarka ee xarunta dalka-adhisababa millenium adharaash si rasmi ah uga furmay shir kusaabsanaa horumarka cagaaran iyo nadaafada magaaloooyinka ee heer qaran.

Shirkan ayaa waxaa kasoo qayb-galay dhamaan hogaaminta sare ee madaxda dawlada federaalka ah oo uu ugu horeeyo raisal wasaaraha dalka mudane Hailemariam Desalegn, hogaaminta sare ee dawlad deegaanada dalka oo uu kamid yahay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, kabineeyada, mayorada, xubno kasocday maamul-magaalooyinka deegaanada, dalka iyo marti sharaf kale.

Hadaba shirkan oo socon doona mudo 4 maalmood ah ayaa lafilayaa inay kasoo bixi doonaan guulo wax ku ool ah oo sii xoojiya taabagalinta horumarka laxaadka leh ee kahanaqaaday guud ahaanba dalka.

Xuska 18aad Ee XDSHSI Oo si Balaadhan Loogu Diyaar Garoobay.

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews), Axad, 6da, March,  2016 Waxaa  maalinta bari ah guud ahaanba deegaanka si wayn looga dabaaldagi doono munaasabada  xuska sanad guurada 18aad ee XDSHSI taasi oo  si wayn looga  dareemayo  caasimada deegaanka ee Jijiga u diyaar garowga munaasabadan .

Waxayna indhahaagu markiiba ku dhacayaan sida loo sii qurxiyay wadooyinka, guryaha magaalada  calamaan laga lulay wadooyinka waawayn ee maamulka magaalada jijiga, sido kale maamulada  20ka xaafadood ee maamulka  magaalada jijiga ayaa  kor loo sii qaaday bilicdooda iyada oo boodhadh waawayn oo lagu soo qoray halku dhagyo ka turjimaya guulaha horumarineed ee uu xisbigu soo hooyay iyo  hiigsiga hirgalinta himilooyinkiisa horumarineed ay ku qoran yihiin.

Sidoo kale degmooyinka deegaanka ayaa maalmahanba diyaar garow balaadhan ugu jiray soo dhawaynta iyo u diyaargarowga munaasabadan 18aad ee XDSHSI.

Haddaba munaasabadan sanad guurada 18 aad oo ku beegan 28ka yekatiit 2008TI, ayaa waxay ka turjimaysaa  aas aaskii XDSHSI soonyaalka  taariikheed iyo marxaladihii kala duwanaa  ee uu soomaray XDSHSI,

Wuxuuna sanadihii ugu danbeeyay  XDSHSI u guntaday taabo galinta isbedalka horumarineed, nabadgalyo iyo maamulka saxar tiran  oo damaanad u noqday  shacabwaynaha  deegaanka. Kaasi oo ay ka  go’antahay  gaadhsiinta shacabka deegaanka horumar waara oo dhinaca kasta leh, ka  jawaabida  baahiyaha shacabkeena, kor u qaadida koboca dhaqaalaaha, abuurida ilaha shaqada, la dagaalanka saboolnimada iyo jahliga iyada oo ay hirgalinta qorshayashaasi sal u yihiin ka qayb qalinta shacabka deegaanka. Wuxuuna tir tiray xisbigu sanadihii ugu danbaysay aragtida dulsaarnimada.

MW CMC Iyo Wakhti Xaadirkan

$
0
0

Diridhaba ( Cakaaranews ) isniin, 7da march 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa kaqayb-galkii shirkii horumarka cagaaran iyo nadaafada magaalooyinka ee adhisababa millennium adharaash kadhacay kadib saaka kasoo ambabaxay xarunta dalka ee adhisababa isagoo kacaga-dhigtay xarunta ismaamulka magaalada diridhaba ee Dhire.

Hadaba madaxwaynaha oo wakhti xaadirkan kusugan magaalada diridhaba ayaa kaqayb-gali doona shirka golaha amaanka ee kadhici doona magaalada diridhaba.

 


Munaasabada Xuskii 18aad ee XDSHSI

$
0
0

Jigjiga( cakaaranews ) Isniin 7,da March 2016, Munaasabada xuskii 18aad ee XDSHSI oo ay ka soo qaybgaleen Mw kuxigeenka ahna wasiirka Beeraha iyo Horumarinta khayraadka Dibiiciga ah Marwo Sucaad Axmed Faarax, Mw kuxigeenka ahna Wasiirka Waxbarashada DDSI mudane Mawliid Hayir Xasan, cabinetka deegaanka, Odayaasha, dhalinyarada, Haweenka, dhamaan shaqaalaha heerarkiisa kaladuwan kooxaha fanka iyo suugaanta DDSI iyo waliba martisharafkale ayaa si heersare ah loogu xusay hoolka shirarka ee Sayid Maxmed.

Hadaba munaasabadan XDSHSI ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay madaxwayne kuxigeenka ahna Wasiirka Beeraha iyo Horumarinta khayraadka dabiiciga ah marwo Sucaad Axmed Faarax oo kasoo jeedisay qudbad dhaxalgal ah iyadoo sheegtay in ay 28 magabiit ay tahay maalin aad uguwayn shacabwaynaha DDSI islamarkaana aytahay maalin mudan in laga qisoodo guulaha waawayn ee XDSHSI u horseeday shacabka ddsi maadaama oo uu keenay isbadal horumarineed oo aan la soo koobikarin  iyo mid nabadgalyo iyadoo carabka ku adkaysay in guulaha la gaadhay ay kow ka yihiin ciidamada liyuu poliska oo salka u dhigay nabada iyo horumarka uu degaanku ku naaloonayo maanta. Ugu-dabayna waxay si gaar ah u xustay inuu xisbigu mudnaan siiyay dumarka islamarkaana uu kor u qaaday heerka siyaasadeed iyo kan hogaamineed ee ay ku leeyihiin dalka iyo deegaankaba.

Sidookale waxaa ka hadlay madaxwayne kuxigeenka ahna Wasiirka Waxbarashada mudane Mowliid Haayir Xasan oo si qota-dheer ugu hadlay sooyaalkii taariikheed ee dalku soo maray isagoo xusay dhamaan boqortooyooyinkii  dalka soomaray lagabilaabo boqor Axmed Najaaj ilaa iyo boqor xayle salaase, kaligii taliskii mingiste xayla maryan, islamarkaana kahadlay dhankoodii xumaa iyo dhankooda fiicnaaba. Sidookale waxa uu intaa kudaray inuu degaanku somaray xaalado xun oo ay sabab u ahaayeen maamuladii hore ee deegaanka oo ahaa kuwo aaminsanaa qabiil iyo fikiro aan shacabka dan u ahayn oo ay kamid ahaayeen fikirkii soomaali wayn a iyo sidookale fikiro nabadiidnimo oo garabka ku hayay UBBO iyo Al-itaxaad. Sidookale waxa uu Mw kuxigeenku xusay in XDSHSI uu ku yimid kadib markii ay midoobeen Xisbigii ONLF iyo Xisbigii LEEGADA. Ugu-danabayna waxa uu tilmaamay in XDSHSI  uu maanta yahay mid ay majaraha u hayaan dhalinyar aqoonyahano ah oo aragti hormarineed leh isla markaana meesha kasaaray dhamaan fikiradii xumaa iyo waxyaabo badan oo sabab u ahaa fikiradaa xunxun  oo ay kamid ahaayeen badalida Heesta-Calanka, Astaanta-Calanka, Astaanta-xisbiga, iyo waliba astaanta DDSI, iyo inuu dhaliyo dawlad hormarineed oo ka madax banaan dulsaarnimo, eex, musuq iyo fikiro diciifa.

Waxaa dhankooda kahadlay odayaashii deegaanka oo uu kamid yahay Garaad Kulmiye Garaad Maxamed Garaad Xirsioo siwayn ogu hadlay qiimaha  leedahay 28 magaabiit isagoo xusay inay maalin gaar u ah dhamaan shacabwaynaha DDSI isagoo taabtay xaalada uu degaanku soo maray oo ahayd mid aan hadal lagusoo koobikarin balse aan maanta heysano xisbi ka shaqeeya danta shacabka oo lagu iloobikaro xaaladii xumayd ee degaanku soomaray, waxa uuna intaa kudaray garaadku in ka odayaal ahaaneed ay gabrabtaagan yihiin XDSHSI islamarkaana ay garabtaagnaan doonaan.

Sikastaba ha ahatee waxaa iyana dhankooda si aan inaba caadi ahayn uga qaybqaatay xuska munaasabada XDSHSI kooxaha fanka iyo suugaanta DDSI oo soo bandhigay heeso wadani ah oo katurjumaya waxqabadkii XDSHSI islamrkaana bulshadii kasoqaybgashay ay aad uladhaceen ugunariyaaqeen.

Qurba-joogtii Oo Kalahadhay

$
0
0

Diridhaba ( Cakaaranews ) isniin, 7da march 2016. Tan iyo intii lashaaciyay gudiyadii iyo accountyadii health centerka iyo dugsiga degmooyinka cusub waxaa jira in 12 degmo ay qarafaysi qarka u saaran yihiin meesha ay Degmada Bilcil-buur kanoqotay degmooyinka ugu horeeya dhanka qorshihii uyiilay qurbajoogta maadaama qurbajoogta kasoo jeeda ay yihiin kuwo kadamqanaya sidii uu shacabka degmadoodu uheli lahaa waxbarasho iyo caafimaad.

Degmooyinka aan accountkooda waxba lagu soo shubina waxaa kamid ah:

Gobolka faafan: degmada Haroorays, degmada mula iyo degmada shabeelay

Gobolka jarar: degmada Dig ayaa lala’yahay wax sheegta oo qurba-joog ah

Gobolka qoraxey: degmada ceel-ogaadeen, degmada goglo iyo degmada laasdhankayre ilaa iyo hada qurba-joogtoodii meel ay jaan iyo cidhib-dhigeen waa lala’yahay.

Waxaa intaa kaba sii daran oo layaab mudan degmooyinkii cusbaa ee gobolka Afdheer waa degmada Qooxle iyo degmada God-god oo iyaga wax qurbajoog ah oo danaynaysa aysan jirin.

Gobolka Dhaawa: isagu habayaraatee wax qurbajoog ah oo kahadlaysa lama hayo ilaa hada.

Degmada Boqol-maayo ee gobolka liibaan iyada haba-sheegin.

Gobolka Sittina-degmada Gablalu ayaa wuxuu shaki kujiraa inay sitti kamid tahay iyo in kale, iyo in dadka sitti garanayaan waa sida accountgeeda kamuuqatee.

Gobolka Shabeele: degmada Eleele accountgeedu wuu jiririqlaynayaa.

Gobolka Doolana: degmada Lahel-yucub: marka laga reebo mudane Jamaal Xaaji Siraad oo daacadnimo laxabeebtay accountkeedu waa niil. Waxaaba kasii daran oo lagaran la’yahay meel ay kutaalo iyo qurbajoogta kasoo jeeda degmada Galxamur.

In kasta oo madhnida foodhida accountka degmada Harawo laga fadhi la’yahay hadana waxa accountka ugu jira dib ayaan idiinka soo sheegi doonaa. Waxaa kale oo aan dib idiinka soo sheegi doonaa accountyada degmooyinka xaraaray, waangay, yaxoob, horshagax iyo cayuun waxa ugu jira.

Hadaba degmooyinka aan sare kusoo sheegnay waxaa looga digayaa qarafaysi iyo waryaa alle wax kudhawray. Taasi oo ay kufashilmi doonaan qurbajoogta kasoo jeeda marka laga reebo degmada bilcilbuur oo ay qurbajoogteedu kaalmaha ugu horeeya kujiraan iyo degmooyin fara kutiris ah.

FG: waxaa digniin lasiinayaa gudiyada qaabdhismeedka kujira ee horay loo shaaciyay maadaama ay shaqadoodii gaabisay iyo qurbajoogtii loo xil-saaray. Waxayna iyaga iyo qurbajoogtu mas’uul kanoqon doonaan ceebta katimaada qarafaysiga iyo yaa alle wax kudhawrayda degmada. Waxaana qormadooda lasoo daabici doonaa maalinta Arbacada ah ee inagu soo aadan.

FG: lacag kasta oo la ururiyo balse aan accountka degmada soo galin waxay noqonaysaa mid shaqsiyaad urursaday. cid mas’uuliyadeeda qaadina majirto xataa hadii ay musuq gasho. Marka waxaan kutalo bixinaynaa in cid kasta oo lacag ururisay ay kurido accountkii loogu talagalay.

FG: kooxaha fanka iyo suugaanta ee deegaanka ayaa waxay soo wadaan riwaayad ay kusoo bandhigayaan xaalada qurbajoogta degmo walba iyo siday uga qayb-qaateen dhisida health centerka iyo dugsiga.

FG: waxaa jira shaqsiyaad aan magacyadooda dib idiinka soo sheegi doono oo qurbajoog ah kuwaas oo mutaystay shahaado sharaf ama helaya abaalmarinta qurbajoogta ugu horaysa dhanka kaqayb-galka horumarka deegaanka gaar ahaan degmooyinka cusub.

Wasaarada Isgaadhsiinta Xogaha Casriga ah Ee JDFI

$
0
0

Jigjiga( cakaaranews ) Isniin 7,da March 2016, Wasaarada Isgaadhsinta Xogaha Casriga ah ee JDFI ayaa aas aastay xarun loogu talagalay in lagu bixiyo dhamaan lacagaha biilasha taasoo loogu magacdaray (Lehulu Kifiya)  ama (A bill Payment For All) bixinta biilka adeegyada aasaasiga ah sida korontada iyo  Biyaha.

Hadaba xaruntan cusub ee casriga ah ayaa waxaa xadhiga ka jaray Wasiiru Dawlaha Wasaarada Isgaadhsiinta Xogaha Casrigaha ee JDFI marwo Ifrax Cali Muuse oo sheegtay in xaruntani aythay mid aad muhiim ugu ah dalka islamarkaana ujeedadeedu tahay sidii ay dhamanaanba bulshada dalkeenu ay uheli lahaayeen adeega biilasha sida korontada iyo Biyaha oo casriyaysan. Waxayna intaa kudaratay in xaruntani ay tahay midii ugu horaysay ee dalka lagafuro iyadoo lagafuray magaalada maqale ee Deegaanka Tigreeyga, sidookale waxay wasiiradu xustay in dhawaan lagawada furi doono dhamaan Dawlad Deegaanada dalka.

Ugudanabayna waxa ay wasiiradu tilmaamay in xaruntani ay qayb wayn ka qaadanayso nidaamka maamulka suuban oo ah mid ku salaysan kajawaabida baahida bulshada si ay uhelaan adeeg tayo leh oo dagdag ah.

Kormeer Lagu Sameeyay Qaar Kamida Mashaariicaha Waawayn Ee Ka Socda DDSI

$
0
0

Jigjiga ( cakaaranews ) Khamiis 25 Feb 2016, Kormeer uu horkacayo Maareeyaha guud ee wakaalada dhismaha iibka iyo adeegyada gaarka ah ee booliska mudane Cabdishukri Maxamed Odawa islamarkaana ujeedadiisu tahay helida xogta dhabta ah ayaa lagu soo maray qaar kamid ah mashaariicaha waa wayn ee ay  fulinayso wakaaladu.

Hadaba maraayaha oo u waramay shabakada wararka ee cakaaranews ayaa sheegay in dhamaan mashaariicaha ay wado wakaaladu meel fiican marayaan isagoo xusay heerka ay marayaan mashaariicaha uu kormeerka kusoomaray kuwaasoo kala ah biya xidheenka tuulada goomaar oo maraya 50% biya xidheenka tuulada wijiwaaji oo maraya 40%, terminaalka goroonka diyaaradaha ee magaalada Qabridahar 98%, halka buundada faafan uu marayo 60%, iyo wadada isku xidha birqod iyo garbo oo muda yar ka hor dhamaatay.

Ugu danbayn waxa uu masuulku sheegay inay wakaaladu wado mashaariico kaladuwan islamarkaana ay kawado meelo kala duwan oo deegaanka kamid ah.

 

Mw Cmc Iyo Danjiraha USA Oo Xadhiga Ka Jaray Warshada Hilibka.

$
0
0

Jijiga(CakaaraNews)  khamiis, 25ka February,2016,  Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo masuuliyiin sare oo heer deegaan ah   ayaa saaka   garoonka diyaaradaha ee garaad wiil-waal international Airport si meeqaam sare ah ugu  soo dhaweeyay wafti ay  hogaaminaysay danjiraha dalka maraykanka u fadhiya dalka itoobiya marwo  Patrisha Haslak.

 Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar  iyo Waftiga oo ayaa nasasho ka dib u anbabaxay magaalada dhagaxleh ee degmada gursum si ay xadhiga uga jaraan warshada hilibka ee Jesh  oo laga hirgaliyay  tuulada dhagaxle ee degmada gursum.

Waxayna  madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo danjiraha maraykanka u fadhiya itoobiya Marwo Patrisha Haslak  si wad jir ah xadhiga uga jareen warshada  hilibka ee Jesh oo ay hirgaliyeen hantiilayaal qurba joogta ah oo u dhashay DDSI oo kaashanaya hay’ada USAID oo ah hay’ad laga leeyahay wadanka maraykanka taasi oo ay ku baxday aduun lacageed oo dhan 172 millayn oo birr.

Xafladii xadhiga ka jarka   ayaa ahayd mid aan loo kala hadhin haddii ay tahay masuuliyiinta sare ee xukuumada DDSI, masuuliyiin ka socday wasaaradaha heer faderaal oo uu ka mid yahay  wasiir ku xigeenka wasaarada xoolo iyo kaluunka  JDFI  mudane Gabre Iskaber , masuliyiin ka socday hayada, USAID  qurb joog  iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa   ka warbixiyay  ahmiyada balaadhan ee ay warshadani u leedahay hirgalinta hawlaha horumarka, kor u qaadida koboca dhaqaalaha deegaanka iyo    la dagaalanka  saboolnimada wuxuuna si wayn ugu mahad celiyay hantiilayaasha warshadan hirgaliyay oo uu sheegay in ay qayb wayn ka qaateen horumarka dalka iyo gaar ahaana  deegaankaba   dhanka kale waxa uu tilmaamay  madaxwaynuhu in ay tahay wax lagu farxo warshadan oo shaqo abuur u samaysay 1200 qof oo ah muwaadiniin u dhashay deegaanka  dhanka kalena ay  kaalin balaadhan ka qaadanaysha hawlaha horumarka gaar ahaan suuqgaynta xoolaha deegaanka taasi oo bulshada deegaanka oo hodan ku ah xoolo dhaqatada ay u suurta galinayo in ay u helaan suuq ay xoola hooda ku iibiyaan oo markii hore aan lahayn warshad noocan oo kale ah.

Danjiraha wadanka maraykanka u fadhida itoobiya marwo Patrisha Haslak oo ka hadashay xafladan xadhig ka jarka  ayaa ka warbixisay ahmiyada ay leedahay warshadani waxayna tilmaantay in ay dawlada maraykanku  soo dhawaynayso kana  qayb qaadanayso  xawaaraha horumarka ee uu dalka itoobiya ku talaabsaday gaar ahaana garab taagan tahay DDSI  waxayna sheegay in ay warshadan oo ay maraykanku ka caawiyeen  dhinaca suuqgaynta ay tahay mid kaalin mug leh ka qaadanaysa hirgalinta hawlaha horumarka iyo xidhiidhka wada shaqayneed ee maraykanka iyo DDSI

Dhankiisa wasiir ku xigeenka wasaarada xoolaha iyo kaluunka  JDFI mudane Gabre iskaber ayaa ka warbixiyay ahmiyada warshadan oo tilmaamay in ay tahay kaalin horumarineed oo u soo korodhay guud ahaanba dalka gaar ahaana deegaanka soomalida itoobiya wuxuuna sheegay wasiir ku xigeenku in ay bulshada xoolo dhaqatadu kaga raysan doonaan dhibaatooyinkii ka haysan jiray xaga suuqgaynta, qaybna ka qaadanayso xakamaynta xoolaha deegaanka ee si sharcidarno ah ku baxayay. 

Warshadan ayaa maalintii gawracaysa/qalaysa   6kun oo neef oo Adhi iyo Loo iskugu jira taasi oo hilibka xoolahan  u suuq gayn doonta  dalka gudihiisa iyo qaarka mid ah qaaradaha aduunka 

Dhanka kale waxaa isla maanta xadhiga lagaga jaray isla goobta warshada marnaamijka HELLO CASH  oo ay hirgaliso hay’ada lacagaha yar yar  ee microfinance DDSI oo kaashanaysa hay’ada USAID.   

Xuska 7aadka Dhaqanka Dalka

$
0
0

Jigjiga( cakaaranews )Khamiis 25ta February 2016 Waxaa maanta si habsami leh uga bilawday xarunta DDSI ee magaalada Jigjiga munaasabada xuska 6aad ee 7aadka dhaqanka Dalka itoobiya.

Xuskan 7 aadka dhaqanka oo ah munaasabad si heer qarana loo xuso sanadwalba ayaa waxaa ka soo qaybgalay dhamaan Qoomiyadaha iyo shucuubaha kala duwan ee dalka, masuuliyiin kasocotay 9 ka dawlad deegaan iyo labada ismaamul, iyo marti sharaf kale oo ah wadamada dariska iyo kuwa caalamka

Hadaba Munaasabadan dhaqanka oo halkudhag looga dhigay ‘Dhaqamada Qoomiyadaheenu waa Geedi-socodka Dib-u-curashadeena ayaa waxa ay dhamaan kooxaha dhaqanka iyo fanka qoomiyadaha dalka oo ay horkacayaan Kooxaha dhaqanka deegaanka iyo kooxda Boombayda DDSI socdaal aad u quruxbadan ku soo mareen wadada wayn ee dhaxmarta badhtamaha magaalada Jijiga islamrkaana ay qoomiyad kasta ku muujiysay dhaqankeeda, kuna soo bandhigayeen ciyaarahooda.

Sikastab ha ahaatee xuskan dhaqanka oo sanadwalba deegaan lagu qabto islamarkaana ay sanadkan martigalinayso DDSI iyada oo uu agaasimayo fulintiisa Xafiiska Dhaqanka & Dalxiiska DDSI oo kaashanaya Xarunta Dhaqanka Dalka Itoobiya. Munaasaadan oo sii socon doonta afar maalmood ayaa waxaa lagu soo bandhigi doonaa sadex daaraasaad oo ka saabsan dhaqamada kaladuwan ee qoomiyadaha iyo shucuunaha dalka.

 

ISKUDAY Qaybtii 3,Aad

$
0
0

Jigjiga( cakaaranews ) Khamiis, 25ka February 2016, Fadlan adigoo kaashanaya, korodhsanayana aqoonta aad u leedahay guud ahaan dalkeena itoobiya gaar ahaana deegaankeena ISKUDAY inaad kajawaabto su’aalahan hoos kuqoran. Kadibna kuguulayso abaal marin.

Hadaba, wakhtiga loo cayimay kajawaabida su’aalahan waa 7maalmood oo kabilaabanaysa maanta oo Ay taariikhdu tahay 25ka February. Kuna eg 1da march. Waxaadna  kadib cidii kuguulaysatay kalasocotaan www.cakaaranews.com

NB. Abaal-marinta waxaa kuguulaysan:

·          Qofka kajawaaba dhamaan su’aalaha.

·          Cidii kajawaabta wakhtiga lacayimay kahor ayaa mudnaanta leh

Su’aaluhuna waa sidan:

1.       Sheeg taariikhda la bilaabay xuska qoomiyadaha dalkeena Ethiopia iyo goobtii ugu horayn lagu qabtay.?

2.       Sheeg deegaanka dalkeena Ethiopia ugu biyaha badan dhinaca biyaha dhulka ku jira iyo gobolka uu yahay.?

3.       Waxaad sheegtaa afhayeenkii golaha xildhibaanada ee xiligii mudane cabdirashiid duulane madaxwaynaha ka ahaa deegaanka?

4.       Sheeg gobolkii ku guulaystay koobkii 3aad ee kubada cagta ee gobolada.?

5.       Waxaad sheegtaa nabi da’uud (cs) imisa wiil ayuu dhalay.?

6.       Sheeg laanta afraysa sadexda laamood ee ay dawladu ka kooban tahay ee kala ah 1, sharci dajin 2, sharci fulin 3, iyo garsoorka?

7.       Sheeg 2 ka mid ah nidaamka dawladnimo ee uu ku dhisan yahay dalkeena Ethiopia?

8.       Waxaad sheegtaa wakhtigii la bilaabay awood dhaadhicinta deegaanka ilaa heer tuulo?

9.       Sheeg asxaabigii allah quraanka ku sheegay?

10.   Sheeg 10 kii asxaabi ee iyagoo nool loogu bishaareeyay janada?

Hadaba Waxaan marlabaad akhristayaasha wargalinaynaa in ay jawaabtooda noogu soo diri karaan message ahaan barta aan facebook kuleenahay ee www.facebook.com/cakaaranewsface ama E-mailkan cakaarainfo@gmail.comcakaarainfo@gmail.com.


Maalinkii 2, aad Ee Xuska 7, aadka Dhaqanka

$
0
0

Jigjiga( cakaaranews ) jumce, 26ka February 2016, Waxaa maalinkiisii labaad hoolka shirarka ee sayid Maxamed Cabdile Xasan kasocda xuskii 6aad ee 7aadka dhaqanka dalka ee laguqabtay xarunta deegaanka ee Jigjiga.

furitaankii munaasabadan ayaa waxaa ugu horayn kahadlay Madaxwyne kuxigeenka ahna wasiirka Xafiiska Beeraha Marwo Suacaad Axmed Faarax oo sheegtay in xuska todobaadka dhaqanku uu yahay mid sii heer qarana loo xuso islamarkaana ay aad ugu faraxsantahay in deegaanka laguqabto xuskan iyo in  soo bandhigida dhaqamada kaladuwan ee qoomiyadaha iyo shucuubaha dalku ay tahay xuquuq dastuuri ah iyadoo cadaysay in kaladuwanaanshaha dhaqanka qoomiyadaha dalkeenu ay tahay bilicda, isdhexgaika, midawga iyo kaladuwanaanshaha dhaqamada dalkeena oo aan ku faanayno.

Sidookalana waxaa Munaasabadan furitaankeedi kahadlay ayaa waxaa geeay Wasiirka Xafiiska Xidhiidhka Arrimaha Dawlada DDSI mudane Eng Idris Ismaaciil iyo waliba maareeyaha xarunta Dhaqanka JDFI marwo Drs. Iftinesh Hailu oo runtii xusay mudnaanta iyo ahmiyada wayn ee ay maalintani u leedahay dhamaan shucuubaha iyo qoomiyadaha kaladuwan ee dalka

Ugu danbayna waxaa lagu soo bandhigay ciyaaro dhaqameedyada iyo waliba daraasaadyo laga sameeyay dhaqamada kaladuwan ee dalka islamarkaana ay soo bandhigayeen aqoonyahano kaladuwan oo udhashay dalka iyo deegaanka.

Ol‘olaha Talaalka Cudurka Dabaysha (Polio) Oo Bilawday

$
0
0

Jigjiga( cakaaranews ) Jumce, 26ka February 2016, Waxaa maanta guud ahaan ka bilowday wareegii 19aad ee ol olaha talaalka cudurka dabaysha.islamarkana xafladdii lagu daah furayay  ay ka dhacday hoolka shirarka ee Xafiiska Caafimaadka DDSI.

Hadda xafladdii lagu daah furayay ol olaha talaalka ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiirka Caafimaadka mudane Cabdifataax Siciid Maxamed, Gudoomiyaha Golaha Arimaha Islaamka DDSI Sheekh Cabdiraxmaan Xasan, Agaasinada waaxaha kala duwan ee xafiiska iyo dhamaan shaqaalaha  xafiiska hooyooyinka iyo marti sharaf kale

Waxaan ugu horayn ka ahadlay Wasiirka Caafimaadka mudane Cabdifataax Siciid Maxamed,ayaa ka warbixiyay ahmiyada uu leeyahay talaalkan oo lagu talaalayo wareegan caruurta da doodu ka yartahay 5 jir kuwaasi oo ay tiradoodu dhan tahay 1 milyan oo caruur ah guud ahaanba deegaanka, sidookalana  wuxuuna ka warbixiyay dadaalada logu jiro tayaynta adeega caafimaad iyo in guul laga soo hooyay la dagaalanka iyo ka hortaga cudurkan dabaysha

Dhankiisa waxaa isna ka hadlay Gudoomiyaha Arimaha Islaamka Sheekh Cabdirahmaan Xassan oo sifiican ugu hadlay dhibaatooyinka cudurka dabaysha iyo inay fiicantahay inlaga hortago cudurkan islamarkaana lataalaalo caruurta da,doodu gaadhay.

Ugu danabayna Gabagabadii xafladan ayaa waxaa dhibicdii ugu horaysay ee wareega 19aad ku tiixiyay caruurtii kasoo qaybgashay wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI.

War degdeg ah: Degmooyin, MM Iyo Gobolo Cusub Oo Lagu Ansixiyay kal-fadhiga 2, aad Golihiisa 5, aad

$
0
0

Jigjiga ( Cakaaranews ) Sabti, 27ka February 2016. Waxaa galabta kal-fadhigii 2,aad golihiisa 5, aad ee Golaha Xildhibaanada DDSI ay codbuuxa ku ansixiyeen Degmooyin, Gobolo iyo Maamul Magaalooyin cusub oo lagu soo kordhiyey guud ahaanba deegaanka kadib soo bandhigidii ajandayaasha kalfadhigan oo ansixinta qodobkan iyo warbixintii lasoo jeediyay ay kamid ahaayeen iyadoo uu afhayeenka golaha xildhibaanada ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane maxamedrashiid isaaq uu si rasmi ah u furay kal-fadhiga.

Hadaba degmooyinka, maamul magaalooyinka iyo gobolada la ansixiyay waa sidan:

1.       Degmooyinka cusub ee Gobolka Faafan lagu daray

1.       Degmada Qooraan oo rugteedu noqonayso Mula

2.       Degmada Harawo oo rugteedu noqonayso Dharwanaaje

3.       Degmada Jigjigada Galbeed oo rugteedu noqonayso Haroorayso

     Magaalooyinka Darajada 3, aad: waxaa magaalooyinka darajada 3,aad loo ansixiyay

1)      Magaalada wajaale

2)      Magaalada Qabribayax

2.        Degmooyinka cusub ee Gobolka Jarar

1)      Degmada Bilcil-buur

2)      Degmada Dig

3.       Degmooyinka cusub ee Gobolka Qoraxay

1)      Degmada Boodalay- xarunteeda dib baan idiinka soo sheegi doonaa

2)       Degmada higlooley

3)      Degmada Laas-dhankayre

4)       Degmada Goglo oo rugteedu noqonayso Kudunbuur

5)      Degmada ceel ogaadeen

4.        Degmooyinka cusub ee Gobolka Liibaan

1.       Degmada Boqol maayo

2.       Degmada Qadhaadhumo

5.       Degmooyinka cusub ee Gobolka Shabeele

1.       Degmada Eleele

2.       Degmada Abaaqorow

6.       Degmooyinka cusub ee Gobolka Afdheer

1)       Degmada God-god

2)      Degmada Qooxle

Labadaa dagmo iyagoo oo ay cusub yihiin ayaa waxaa gobalka dib loogu habeeyay sidan:-

1)      Hargeele-xarunta gobalka

2)      Baareey

3)      Doolo-baay

4)      jarati

5)      Raaso

6)      Iimay-galbeed

7)      Ceel-kari

 

7.       Degmooyinka cusub ee Gobolka Sitti

1)      Degmada Gablaalu

2)      Degmada Goota-biki oo xaruntu noqonayso Biki

8.       Degmooyinka cusub ee Gobolka Doolo

1)      Degmada Lahel-yucub: xarunta degmadu waxay noqon Lahelaw

2)      Degmada Galxamu oo horay bookh uga tirsanayd

9.       Degmooyinka cusub ee Gobolka Nogob

1)      Degmada Xaraarey

2)      Degmada Yaxoob

3)      Degmada Cayuun

4)      Degmada Horshagax

5)      Degmada Waangay

Labada Gobol ee cusub: Gobolka Dhaawa iyo Gobalka Erer

1.       Gobolka Cusub Ee Dhaawa

1.       Leeyi  xarunta gobolka dhaawa   

2.       Mubaarak

3.       Hudhat

4.       Mooyaale

5.       Qadhaadhumo

2.       Gobolka Cusub ee  Erar

1)      Fiiq-xarunta gobalka erar

2)      Xamaro

3)      Lagahida

4)      Salaxaad

5)      Mayu-muluqo

6)      Qubi

7)      Yaxoob

8)      Waangay

Degmooyinka Gobalka Liibaan waxay noqonayaan sidan:

1)      Filtu

2)      Dool-cado

3)      Dheka-softi

4)      Boqol-maay

5)      Qarsaadhula

6)      Goora-baqaqsa

7)      Gura-dhaamoole

Degmooyinka Gobalka Nogob waxay noqon sidan:

1)      Ceelwayne xarunta gobalka Nogob

2)      Dhuxun

3)      Sagag

4)      Garbo

5)      Xaraarey

6)      Cayuun

7)      Horshagax

  

Talaalka Cudurka Dabaysha Oo ka Bilawday Magaalada Fiiq

$
0
0

Fiiq( cakaaranews ) Sabti, 27 February 2016, Waxaa sirasmi ah uga bilawday Magaalada Fiiq ee Xarunta Gobaka Nogob Talaalka Cudurka Dabaysha ee (polio) oo lasiinhayo Caruurtada da’doodu ka hosayso 5sano k/s.

Kusimaha Madaxa Xafiiska Caafimaadka ee Degmada Fiiq Sayid Maxamed Baaruud ayaa sheegay in dhamaan tuuloyinka hoosyimada Degmada Fiiq uu ka bilawday talalka Cidhibtirka Cudurka Dabaysha ee polio islamarkaana la talalaayo caruurta da’doodu kahoosayso shan sano k/s. Waxa uuna masuulku intaa ku daray in shaqaale si fiican uga carbisan oo ah xirfadlayaal caafimaad ay ay kawadaan talaalkii dhamaan tuulooyinka. Waxaa kale uu tilmaamay in cudurkan dabaysha uu yahay mid dhibaatooyin badan ugaysta caruurta, hadii aan caruurta talaalka polioda aan la siinin.

Ugu danbayn dhankooda waxaaa ka hadlay  Hooyooyinkii caruurta loo talaalayay oo  sheegay inay soo dhawaynayaan talaalka islamarkaana tilmaamay in cudurkan dabayshu yahay mid caruurta u sababa curyaanimo, diyaarna ay u yihiin in Cidhibtirka cudurka dabaysha ee polioda.

Mudane Axmed Maxamed Shugri Oo Noqday Mw Kuxigeenka Maxkamada Guud Ee Qaybta Maamulka

$
0
0

Jigjiga( Cakaaranews ) Sabti 27, February 2016, Wuxuu baarlamaanku kalfadhiga 2aad golihiisa 5aad uu manta ku ansixiyay bayaan qeexayay sadex madaxwayne ku xigeen oo lagusoo kordhiyay qaab dhismeedka maxkamada guud oo kala ah:

1.       Mw kuxigeenka maxkamada guud ee qaybta ciqaabta-waxaa noqonaya qof sharciyaqaan ah. Waxaana hoos imanaya kiisaska ciqaabta danbiyada iyo wixii la xidhiidha.

2.       Mw kuxigenka maxkamada guud ee dhanka madaniga-waxaa noqonaya qof sharciyaqaan ah. Waxaana hoos imanaya wixii madani la xidhiidha oo idil.

3.       Mw kuxigeenka maxkamada guud ee qaybta maamulka-waxaa noqonaya qof FBE ah-waxaana hoos imanaya maamulka miisaaniyada, shaqaalaha, logisticska iyo guud ahaan shaqooyinka maamulka.

Ansixinta bayaanka kadib ayaa wuxuu baarlamaanku ansixiyay codsi uu soo dhigtay mudane Axmed Maxamed Shugri oo horay u ahaa Maareeyaha Guud ee Wakaalada Dakhliga DDSI ahaana xubin baarlamaan ah isagoo soo hordhigay Golaha Xildhibaanada codsi uu kaga tanaasulayo Hogaaminta siyaasadeed iyadoo baarlamankuna cod buuxa uu kaga aqbalay.

Hadaba mudane Axmed Maxamed Shugri oo la aaminsan yahay inuu ka soo bixi karo xilka iyo waajibaadka loo idmaday ayuu marlaabad baarlamanku ansixiyay inuu noqdo madaxwyne ku xigeenka maxkamada guud ee qaybta maamulka maadaama oo uu buuxiyay dhamaan shuruudihii looga baahnaa isagoo waliba khibrad dheer,  karti iyo aqoon u leh dhanka maamulka.

Viewing all 304849 articles
Browse latest View live


Latest Images