Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all 304849 articles
Browse latest View live

Degmada Boodalay Ee Deegaanka Dulqabaw, Degmada Horshagax Ee Deegaanka Ilo, Degmada Koonfurta Jigjiga iyo Degmada Waqooyiga Jigjiga Oo Faah-faahin Laga Bixiyay

$
0
0

Jigjiga ( Cakaaranews ) Axad, 28ka February 2016.  Sida lawada ogsoon yahay caasimada DDSI ee jigjiga waa ismaamul gooni ah oo leh qaab-dhismeed dhamaystiran oo budgetary ah iyo baarlamaan gaar ah kasokow caasimada DDSI ee ay tahay.

Hadaba waxaa maanta kalfadhiga 2, aad golihiisa 5, aad ee baarlamaanka DDSI oo soo gabagaboobay faah-faahin lagaga bixiyay degmada boodalay ee deegaanka dulqabaw, degmada horshagax ee deegaanka ilo, degmada koonfurta jigjiga iyo degmada waqooyiga jigjiga.

Faah-faahinta ay golaha xildhibaanadu kabixiyeen degmooyinkaas sare kucad ayaa u dhigan sidan:

Waxaa qaab-dhismeed ahaan horay u jirtay degmo la o dhan jiray degmada jigjiga balse waxay maanta baarlamaanka DDSI ay si sharci ah u ansixiyeen inay noqoto degmada koonfurta jigjiga taas oo ay rugteedu noqonayso Shabeelay.

Sidoo kale, degmada waqooyiga jigjiga ee cusub ayay rugteedu noqonaysaa Haroorays. Taas oo kadhigan in Shabeelay ay tahay degmo dhamaystiran oo rasmi ah. Harooraysna tahay degmo rasmi ah oo dhamaystiran sida baarlamaanku maanta ansixiyay. Waxaa intaa dheer, in 20ka xaafadood ee magaalada jigjiga ay hoos imanayaan Mayorka magaalada jigjiga.

Dhanka kale, degmada Boodalay ee deegaanka dulqabaw oo nabadgelyada iyo horumarkaba strategy u ah ayaa waxay kakoobnaan doontaa santarada iyo qabaleeyada kuyaala deegaanka balaadhan ee dulqabaw iyadoo xarunta degmadu tahay boodalay. Tusaale ahaan: qabaleeyada iyo santarada ay kamidka yihiin: duud-fiiq, garaac, waran-dhaab, hadha, fardhiig iyo qabaleeyo kale.

Sidoo kale, degmada horshagax ee deegaanka ilo oo ah deegaan balaadhan oo kamid ahaa meelaha uu nabadiidku dilooday ee hadhaagii nabadiidka ee u danbeeyay laga saaray ayaa waxaa laga sameeyay degmo loogu magac-daray Horshagax iyadoo ay santarada iyo qabaleeyada degmadu kakoobnaan doonaan deegaanka loo yaqaano ilo.waxayna saldhiga degmadu noqonaysaa horshagax.

Iskusoo wada duuboo, afhayeenka golaha xildhibaanada ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamedrashiid Isaaq ayaa sheegay in degmo kasta ay kakoobnaan doonto santaro iyo tuulooyin iyadoo degmadu tahay deegaan balaadhan. balse aysan xarunta oo kali ah degmadu kukoobnayn. Waxaana ansixinta degmooyinka kuxigta in xarunta dhexe ee XDSHSI ay soo diyaariso qorshaha santarada iyo tuulooyinka hoos imanaya degmo kasta iyadoo uu kadibna kabineega deegaanku ansixin doono.

Ugudanbayna, degmada lahel-yucub ayuu saldhigeedu noqonayaa Lahelaw.


Xafladaha Dabaaldaga Degmooyinka, Gobolada iyo MMka Cusub Iyo Kaalinta Qurba Joogtu kuyeelanayaan Oo Faah-faahin Laga Bixiyay

$
0
0

 

Jigjiga( Cakaaranews ) Isniin 29 February 2016, Xarunta Dhexe ee XDSHSI  ayaa faah faahin ka bixisay sida ay u dhacayaan  Xafladaha loogu dabaaldagayo Degmooyinka, Gobalada iyo Maamul Magaalooyinka Cusub iyo waliba kaalinta ay ku yeelanayaan qurba-joogtu.

Sidaas darteed waxaa hubaal ah in 25ka Degmo, 2da Gobol iyo 2da Maamul Magaalo ee la ansixiyay ay kaalin laxaad leh ka qaadanayaan qorshaha Koboca isbadalka Dhaqaalaha iyo Horumarka Deegaanka iyadoo shacabwaynaha dalka iyo ka deegaankuba ay aad ugu farax san yihiin horumarkan balaadhan ee u soo korodhay deegaanka.

Hadaba sida aan wada ogsoonahay deegaanka soomaalida dad badan oo u dhashay ayaa ku maqan qurbaha kuwaas oo isugu jira kuwo waxbartay, kuwo aan waxbaran, kuwo shaqaysta, iyo kuwo fadhi kudirirnimo kali ah ay shaqo u tahay. Sidaas darteed waxaa la go'aamiyay in qurba-joog kasta degmada ay kasoo jeedo ay u dhisto hal (1) Health Center oo ay ku baxayso 7 milyan oo Birr iyo hal (1) Dugsi dhexe iyo inay waliba bixiyaan kharashka ku baxaya xaflada dabaaldaga iyadoo kaalinta dawlada iyo shacabka deegaanku ay kaga qayb-qaadanayaan horumarinta degmooyinka cusub ay tahay mid muqadas ah oo geed kago’an ah.

Dhanka kale dhisida mashaariicda, si qurba-joogtu ay damaanad dawladeed u hesho ayaa waxaa fulinaya Ururka Horumarinta Soomaalida Itoobiya oo ah hay'ad ka sharciyaysan Dalka itoobiya. Maamulka iyo dabagalka miisaaniyadana waxaa yeelan sadex oday oo dagmada u dhashay, hal wiil iyo hal gabadh oo dhalinyaro ah, maamulka Gobalka ay dagmadu katirsan tahay, Xarunta dhexe iyo maamulka ururka hormarinta soomaalida itoobiya.

Sidaa awgeed go’aaminta Xaflada dabaaldaga dagmada waxaa iska leh XDSHSI, Xafiiska Maamulka DDSI iyo Gudoomiyaha Gobalka ay dagmadu katirsanatahay.

F.G intaa wixii kabaxsan Cidii samaysata Xaflad ay ugu dabaaldagayso dagmooyinka cusub iyadoo aan gudiga aqoonsi ka haysanin way samaysan karaan laakiin wax ahmiyad ah ma yeelanayso.

Hadaba Nidaamka ay lacagta u soo dirayaan qurbajoogtu waxa ay noqon doontaa Acount laga furi doono dhamaan bangiyada iyo xawaaladaha ka sharciyaysan dalka itoobiya iyada oo ay lacagahaas maamuli doonaan odayaasha iyo ururka Horumarinta soomaalida Itoobiya.waxaana dabagal iyo Audit kusamayn doona si cad-cadaanta iyo isla-xisaabtanka loo meelmariyo Gudi  ugu yaraan 3 xubnood kakooban, ugu badnaana 5 xubnood oo ay iska soo doorteen qurbajoogta ka soo jeeda dagmadaas si ay u dabagalaan in lacagihii lasoo ururiyey ay meeshii loogu talagalay ku baxeen iyo in kale.

F.G Go’aankan waxaa lagu kala saari doonaa ama ahmiyada ugu muhiimsan ee laga leeyahay ay tahay in lagu kala saaro laguna ogaado degmadii leh qurbajoog dadkooda danaynaysa inay helaan waxbarasho iyo caafimaad, dareen, damqasho iyo wadaniyad leh iyo dagmada aan lahayn wax qurba-joog iyo ehel toona ama qurba joogtoodu tahay kuwa loo yaqaano mashaqaystayaal muran badan oo dhaqan bi'is ah.

FG: Dagmada ay qurbajoogtoodu yeelan waydo dad wax soo dira waxaa loo aqoonsan mid ehel la’aan ah. waxaana looga qarafayn  qurba-joogta dalka itoobiya, qurba-joogta soomaalida soomaaliya,  qurba joogta soomaalida keenya, iyo kuwa qurbajoogta soomaalida jabuuti.

Ø          FG:  Haduu hal nin oo qurba joog ah uu yidhaahdo anaa dhisi lagama yeelayo. waxaa intaa dheer, hadii shacabka deegaanka iyo ganacstada u dhalatay dalka gudihiisa ay dhahaan anagaa bixinayna ama dhisayna lagama aqbalayo. balse, waxaa laga aqbali oo kali ah hadii laga waayo qurbajoogta oo ay ganacsatada kasoo jeeda degmada ay dhahaan anagaa dhisayna maadaama oo larabo in lagu kalasaaro qurba-joogta iyo sida ay dareen iyo damiir lahaansho ugu leeyihiin bulshadooda. 

Ø   -Lacag laga ururiyay dadka deegaanka joogana laguma samaynayo. kali ah waxaa laga rabaa qurba joogta. waxaana la doorbidayaa in lacagaha lasoo dirayo lasoo mariyo bangiyada caalamiga ah ee itoobiya iyo xawaaladaha dalka ka sharciyaysan oo kaliya.

Ø     - Xataa hadii ay qurba-joogtu lasoo hadlaan qaran joogta oo ay dhahaan naga sii bixiya lagama aqbalayo.   

Ø    -Account numberka iyo gudiga lagu soo dirayo dib ayaan ka soo sheegi doonaa, iyadoo xiliga la idiin soo sheego laga bilaabo 10 bari oo kali ah la idinka sugi doono soo dirida lacagaha

Ø    - Dagmooyinka xiliga loo cayimay ku soo dira waxay xukuumada DDSI siin doontaa shahaado sharaf heer sare ah oo aan inaba caadi ahayn oo si casri ah loo sameeyay.

Ø  - Kuwa wakhtiga loo cayimay ku soo diri waayana waxaa loo aqoonsan in degmadaasi mudan tahay in looga qarafeeyo qurbajoogta kale oo aysan sheegan karin wax qurbajoog ah mustaqbalka oo ay qurbajoogtooduna tahay mashaqaystayaal jajab ah.

 

 

 

 

 

 

Sida ay Hogaaminta Sare Uga Qaybgalayso Dabaaldaga Xafladaha Degmooyinka, Gobolada iyo MM Cusub

$
0
0

Jigjiga ( Cakaaranews ) Isniin, 29ka february 2016. Xarunta dhexe ee XDSHSI ayaa sidan hoos kuqoran uqeexday sida ay hogaaminta sare uga qaybgalayso xafladaha adabaaldaga 25ka degmo, 2da mm iyo 2da gobol ee cusub:

1.       Madaxwaynaha  DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar wuxuu kaqybgali doonaa xafladaha dabaaldaga degmooyinka Shabeelay, Haroorays iyo Eleele

2.       Mudane Maxamedrashiid Isaaq afhayeenka golaha xildhibaanada ahna gudoomiyaha XDSHSI iyo mudane Maxamed Daahir    -  Xafladaha dagmooyinka goblka qoraxey.

3.        Mw kuxigeenka mudane Mowliid Haayir Xasan-

                                                Xafladaha degmooyinka gobolka afdheer iyo degmada Abaaqarow.

4.       Mw kuxigeenka mudane Cabdicasiis Maxamed Cabdi -Xafladaha dagmooyinka gobolka jarar

5.       Mw kuxigeenka mudane Cabdixakiin Cigaal Cumar-Xafladaha degmooyinka gobolka liibaan

6.       Mudane Cumar Maxamed Cabdi        -     Xafladaha degmooyinka gobolka siti       

7.       Mudane Cabdijamaal Axmed Qaloonbi  -   Xafladaha degmooyinka gobolka dollo

8.       Mudane Khadar Cabdi Ismaaciil     -          Xafladaha gobolka Dhaawa

9.       Marwo Maajida Maxamed Muxumed -     Xafladaha gobolka Erer

10.   Marwo Fartuun Cabdi Mahdi   -    Xafladaha  degmooyinka gobolka Nogob

Wakhtiga xafladahan waxay inta badan dhici doonaan bisha megaabiit ee inagu soo aadan xiliga ay dhacayaana waxaa la ogaysiin gudoomiyaha gobalka iyo xubinka hogaaminta sare.

Hadaba sida ay uga qaybgalayaan xubnaha golaha dhexe waxaa sheegi doona xarunta dhexe ee XDSHSI. Dhamaan xubnaha Gudiga Fulintu waxay ukala bixi doonaan ka qaybgalka xafladaha dabaaldaga Gobalada Degmooyinka iyo MMka cusub marka laga reebo Mw kuxigeenka ahna wasiirka Beeraha iyo Hormarinta Khayraadka dabiiciga Marwo Sucaad Axmed Faarax oo xarunta dhexe sii hogaamin doonta.

 

Xafiiska DPP Oo Qabtay Tababar ka Diyaargarowga Isbadalka Cimilada.

$
0
0

jigjiga ( cakaaranews ) Isniin 29 February 2016,Tabarbar uu soo agaasimay Xafiiska ka hortaga iyo u diyaargarowga Masiibooyinka waaxdiisa prime oo kusaabsanaa ka diyaar garowga isbadalka cimilada iyadoo laga duulayo akhbaarta ay bulshadu soo gudbisato ayaa ka qabsoomay guriga shirarka ee kuliayada maaraynta iyo adeega shacabka.

Hadaba tababarkan oo loo qabtay shaqaalaha digniinta hore ee labada gobol ee kala ah Jarar iyo Faafan ayaa waxaa ugu horayn furay wasiirka xafiiska ka hortaga iyo u diyaar garowga masiibooyinka mudane Maxamed Daahir Ismaaciil isagoo sheegay in tababarkan ujeedadiisu tahay inay bulshadu fahanto saadaasha hawada iyo sadaasha dhaqanka iyadoo lagu diyaarinayo luuqada afkeeno hooyo si la isu fahmo .

Ugudanbayn waxa uu masuulku intaa kudaray inay bulshadu helaan sadaasha xaalada wajihi doonta ayna kaga baxaan xeelad,sidoo kale waxa u wasiirku sheegay in qorshahan ay isticmalaan bulshada,dowlada iyo haayadahaba, kulana dardaarmay ka qayb galayasha inay si fiican uga faa idaystaan tababarka ilaaliyaan wakhtiga cashirka.

 

 

 

Ogaysiis ...Ogaysiis …Ogaysiis

$
0
0

Jigjiga ( Cakaaranews ) Isniin, 29ka February 2016. Waxay  xarunta dhexe ee XDSHSI ogaysiinaysaa dhamaan hogaaminta sare ee deegaanka ee kaqayb-galaysa xafladaha loogu dabaaldagayo 25ka degmo, 2da gobol iyo 2da Maamul magaalo ee cusub in dhamaan xafladaha dabaal-degu ay dhici doonaan inta u dhaxaysa 10ka ilaa 15ka bisha magaabiit ee 2008TI ee  inagu soo aadan.

Xoghaynta Xafiisyada Oo Lagu Tababarayo Xirfada Computerka Oo Casri ah.

$
0
0

Jigjiga ( cakaaranews ) Talaado 1 March 2016 Tababar uu soo agaasimay Xafiiska Adeega Shacabka iyo Kobcinta Maamulka DDSI islamarkana ujeedadiisu tahay kor uqaadida Xirfada Computerka (Basic Computer Skill) ayaa loo qabtay qaarkamida xog haynta 40 Xafiis oo heer deegaan ah.

Tababarkan oo ay ka soo qaybgaleen 40 xubnood oo ah xubnaha fulinta xoghaynta (executive secretaries) ayaa waxaa ugu horayn furay Wasiirka Xafiiska Adeega Shacabka iyo Kobcinta Maamulka DDSI Marwo Maajida Maxamed Maxamud oo sheegtay in tababarkan uu yahay mid lagu Kobcinayo Garaadka aqoomeed ee Xirfada Computerka ee shaqaalaha xog haynta Xafiisyada iyada oo sanad walbana uu Xafiisku bixiyo tababar noocan oo kale ah. Sidookale waxa ay wasiiradu kula dardaarantay kasooqaybgalyaasha in ay sifiican uga faa iidaystaan tababarka, ilaaliyaana saacadaha galaaska.

Sidookalana waxaa dhinaciisa ka hadlay Gadh-wadeenka Geedi-socodka Isgaadhsiinta xogaha Casriaga ah (ICT) Mudane Cabdikhadar Caaqil Colaad  oo sheegay in tababarkan uu yahay mid socon doona mudo 15 cisho ah islamarkana kaqaybgalayaashu ay ku baran doonaan cahsaro muhiim u ah oo isagu jira Software iyo Hard-ware labadaba iyada oo xooga lagu saarayo casharada kusaabsan Basic Compute Skills.

Siakastaba ha ahaatee inta uu socdo tababarku ayaa waxa ay noonayaan habka casharada loo bixinayo mid qoraala(theory) iyo mid Practical ah iyadoo casharadana ay bixinayaan khabiiro u xeel dheer casharada. Ugu danabayna waxaa tababartayaasha lagudoonsiin doonaa shahaado cadayn ah.

Kulan Balaadhan oo ka Dhacay Gursum.

$
0
0

Gursum(Cakaaranews) , talaado, 1da March, 2016, waxaa ka dhacay magaalada gursum ee xarunta degmada gursum kulan balaadhan oo ay ujeedadiisu tahay  sii xoojinta hawlaha horumarka nabadglayada iyo maamulka suuban.

Waxaana ka soo qaybgalay kulankaa  masuuliyiinta maamulka degmada gursum,qaarka mid ah saraakiisha ciidanka booliska gaarka ah iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada gursum.

Waxaana ugu horayntii ka hadlay kulankaasi  gudoomiyaha degmada gursum mudane  Maxamed Sheekh Axmed oo sheegay in ay  ahmiyada kulankani  tahay sidii  ay garabyada  shacabka, maamulka degmada iyo hay’ada amniga dawladu u sii xoojinlahaayeen hawlaha horumarka, nabadgalyada iyo maamul wanaaga. Wuxuuna gudoomiyuhu u sheegay qaybaha kala duwan ee bulshada in ay yihiin mulkiilayaasha, hirgaliyaasha iyo ka faa’iidaysdaha hawlaha horumarka, nabadgalyada iyo maamul wanaaga. Isaga  oo sharax dheerka bixiyay gudoomiyuhu jihooyinka ay tahay in la raaco ee lagaga midho dhalinayo horumar waara oo aan soo noqod lahayn

Sidoo kale waxaa kulankaasi ka hadlay kornayl Jermali Muxumed Nuur (kornayl Jermali) oo ka mid ah saraakiisha sare ee ciidanka booliska gaarka ah oo ka soo qaybgalay kulankan ayaa sheegay muhiimada ay leedahay isku xidhka iyo wada shaqaynta  bulshada iyo hay’aha amniga kaasi oo  sharax dheerka bixiyay doorka ay ku leeyihiin bulshada  sii xoojinta iyo hirgalinta hawlaha nabadgalyada iyo horumarka.

Dhankooda qaybaha kala duwan ee bulshada sida:- odayaasha haweenka iyo dhalinyarada oo ka hadlay kulankaasi ayaa ugu horayntii u mahad naqay,  hanbalyana u diray  hogaaminta sare ee  XDSHSI, Xukuumada DDSI  iyo golaah xilidhaanada DDSI go’aankii geesinimada lahaa ee ay ku meel mariyeen  ansaxinta  25ka degmo, 2 gobol iyo 2 maamul magaalo.  Waxayna sheegeen in ay yihiin guulo gashi horumarineed u noqonaya  guud ahaanba deegaanka. Iyaga oo  qaybaha kala duwan ee bulshadu hoosta ka xariiqay  in ay si mug leh uga soo baxayaan kaalinta ay ku leeyihiin ka midho dhalinta qorshayaasha horumarineed, nabadgalyo iyo maamul wanaaga.

Hambalyo Sanad Guurada 120aad ee Guusha ADWA.

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) talaado, 1da march, 2016, Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa guud ahaanba shacab waynaha  itoobiya ugu hanbalyeeyay sanad guurada 120 aad ee  guusha ADWA oo maalinta barito ah laga xusayo guud ahaanba dalkeena itoobiya  taasi oo ah xiligii bulshada itoobiya oo isku duubani ka guulaysatay guumaystihii talyaaniga uu doonayay  in uu dalkeena itoobiya  xoog ku guumaysto.

Madaxwaynaha ayaa  sheegay in ay tahay maalin qaaliya oo ay xusitaankeedu ku wayntahay dhamaanba qoomiyadaha iyo shucuubta itoobiya ahna  maalintii  geesiyada xaq u dirirka ahayd  ay ka  guulaysteen guumaystihii talyaaniga  oo xiligaasi guumaysan jiray qaarka mid ah  wadamada  qaarada Africa. kana mid ahaa wadamada ugu awooda badan aduunka xiligaasi   Guushaasina   tahay  mid ku timiday   midnimada, geesinimada  muwaadiniinta  itoobiya oo isku duuban ay kaga hortageen  guumays tihii talyaaniga.

ugu danbayntii madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa fariin u diray bulshadasho wayngta itoobiya taasi oo odhanaysa “wada jirkii, midnimadii iyo isku duubnaantii aynu kaga guulaysanay guumays tihii talyaaniga waa in aan kaga guulaysano cadaw geena koowaad ee maanta  oo ah saboolnimada”


Degmooyinka Cusub iyo mas’uuliyiinta Loo xil-saaray

$
0
0

Jigjiga ( Cakaaranews ) Talaado, 1da march 2016. Waxay xarunta dhexe ee XDSHSI ay faah-faahisay mas’uuliyiinta loo xilsaaray qaban-qaabada iyo iskudubaridka xafladaha dabaal-dega iyo dhisida health centerka iyo dugsiga dhexe islamarkaana iskuxidhi-doona qurbajoogta kasoo jeeda degmooyinka iyo odayaasha. Waxayna u faah-faahisey sidan:

1.      Degmada Haroorays ee gobolka faafan

1)      Mudane Guuleed aw Cali

2)      Mudane Xaashi-xubin kamid ah golaha dhexe

2.      Degmada Shabeelay ee gobolka faafan

1)      Mudane Axmed Shugri-kuxigeenka hawlaha guud

3.      Degmada Dharwanaaje ee gobolka faafan

1)      Mudane Cabdishakuur-kuxigeenka xafiiska dhalinyarada iyo Cayaaraha

4.      Degmada Mula ee gobolka faafan

1.       Mudane Cabdiraxmaan Curaate-kuxigeenka xafiiska biyada 

5.      Degmada Goota-biki iyo degmada Gablaalu ee gobolka Sitti

1)       Mudane Naasir Xasan Axmed-madaxa xafiiska TVETka

6.      Gobolka  Dhaawa iyo degmadiisa Qadhaadhumo

1)      Mudane Cabdinuur Colaw-madaxa xafiiska xoolaha

7.      Degmada God-god iyo degmada Qooxle ee gobolka Afdheer

1)      Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cade-madaxa xafiiska jidadka

8.      Degmada Yaxoob ee gobolka Nogob

1)      Mudane Maxamuud Cabdi qaadir-komishinka kahortaga musuqa

2)      Marwo xildhibaan Muna Cabdulaahi Miyir

9.      Degmada Cayuun ee gobolka Nogob

1)      Mudane Macalin Xasan

10.  Gobolka Nogob

1)      Mudane Axmed Cabdi Maxamed

2)       Mudane Axmed Maxamed Shugri

3)      Iyo mudane Maxamuud Cabdiqaadir

11.  Degmada Xaraaray ee gobolka Nogob

1)      Mudane Badal Ibraahin Cabdi

12.  Degmada Waangay ee gobolka Erer

1)      Mudane Xildhibaan Shugri Mustafe

13.  Degmada ilo/Horshagax ee gobolka Nogob

1)      Mudane Axmed Cabdi Maxamed-gudoomiyaha gudiga

2)      Mudane xildhibaan Cabdi Budul Aadan

3)      ----------------------

4)      Marwo Faadumo Takhal

 

14.  Degmada Kudunbuur ee gobolka Qoraxey

1)      Marwo Raxma Maxamuud Haybe- madaxa xafiiska haweenka iyo caruurta 

15.  Degmada Ceel-ogaadeen ee gobolka Qoraxey

1)      Mudane Budul Muxumed Sheekh

16.  Degmada Higloolay ee gobolka Qoraxey

1)      Mudane Engineer Asad Cumar Xuseen-kuxigeenka hawlaha guud

17.  Degmada Laas-dhankayre ee gobolka Qoraxey

1)      Mudane colonel Mukhtaar Sheekh Maxamed Suubane

18.  Degmada Boodalay ee gobolka Qoraxey

1)      Mudane Muscab Xaaji Cabdi-kusimaha kuliyada caafimaadka qabridahar

2)      Marwo xildhibaan Fardawsa Carab

3)      Mudane xildhibaan Nasradiin Canab-kuxigeenka wakaalada daraasaadka, dabagalka iyo naqshadaynta 

4)      --------------

5)      ---------------

6)      Mudane xildhibaan Cabdinuur

19.  Degmada Dig ee gobolka Jarar

1)      Mudane xildhibaan Gamaal Faarax Warmooge-kuxigeenka xafiiska maaliyada

20.  Degmada Bilcil-buur ee gobolka jarar

1)      Mudane Ibraahin Maxamuud Mubaarak-kuxigeenka xafiiska tanfasaska

21.  Degmada Eleele ee gobolka Shabeele

1)      Mudane xildhibaan Aadan Maxamuud Geele

22.  Degmada Abaaqorow ee gobolka shabeele

1)      Mudane xildhibaan Maxamed(gudoomiye kuxigeenka degmada shiniile)

2)      Mudane Cabdirisaaq Saxane

23.  Degmada Lahel-yucub ee gobolka doolo

1)      Mudane Cabdikhadar ilyaas Gaaruf-kuxigeenka ururka hor/somalida itoobiya

2)      Mudane Jamaal Xaaji Siraad

3)      Mudane Xirsi Ismaaciil(xirsi dheere)

24.  Degmada Galxamu ee gobolka doolo

1)      ----------------------------dib ayaan idiinka soo dheegi doonaa

25.   Degmada boqol-maayo ee gobolka Liibaan

1)      Mudane Engineer Idriis Shaale

 

Gudi Loo Magacaabay Soo Dhisida Qabaleeyada ay Degmooyinka Cusub Kakoobnaan doonaan

$
0
0

Jigjiga ( Cakaaranews ) Arbaco, 2da March 2016. Waxay saaka xarunta dhexe ee XDSHSI ay dhistay gudi loo magacaabay soo dhisida qabaleeyada ay degmooyinka cusub kakoobnaan doonaan.

Sidan ayaana loo dhisay:

1.  Mw kuxigeenka Maxkamada guud ee dhinaca maamulka mudane Axmed Maxamed Shugri-gudoomiyaha gudiga

2.Mw kuxigeenka ahna madaxa xarunta dhexe ee XDSHSI mudane Cabdicasiis Maxamed-xubin

3.   Mw kuxigeenka ahna wasiirka Hawlaha guud mudane Cabdixakiin Cigaal-xubin

4.   Mw kuxigeenka ahna wasiirka xafiiska Beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah marwo Sucaad Axmed Faarax-xubin

5.Mw kuxigeenka ahna wasiirka xafiiska waxbarashada mudane Mowliid Haayir- xubin

6.Wasiirka kobcinta awooda maamulka iyo Adeega Shacabka marwo Maajida Maxamed - xoghayn

MW CMC Oo U Ambabaxay Addis

$
0
0

Adhisababa ( Cakaaranews ) Arbaco, 2da March 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo uu weheliyo Mw kuxigeenka ahna madaxa xarunta ee XDSHSI mudane Cabdicasiis Maxamed Cabdi ayaa saaka kaduulay xarunta deegaanka ee jigjiga oo u ambabaxay dhanka xarunta dalka ee adhisababa iyagoo hogaaminta sare ee deegaankuna barri soo bixi doonaan.

Madaxwaynaha iyo hogaaminta sare ee deegaanka iyo kuwa dawlad deegaanada kale ee dalka iyo madaxda sare ee xukuumada federaalka ah ayaa kaqayb-gali doona shir uu raisal wasaaraha dalka mudane Hailemariam Desalegn hogaamin doono 26ka bishan yekatit oo kubeegan maalinta sabtida ah ee inagu soo aadan. Shirkaas oo lagaga wada hadli doono qorshayaasha cagaaran ee heer qaran.

Xaflad Lagu Taageerayo Degmooyinka, M.M,ka iyo Gobolada Cusub.

$
0
0

Awaare( cakaaranews ) Arbaco 2da March 2016, Xaflad balaadhan oo loogu dabaaldagayo go’aankii geesinimada lahaa ee ay qaateen hogaaminta XDSHSI, iyo Golaha Baarlamaanka DDSI  Islamarkaana ay ku ansixiyeen 25,ka Degmo, 2da  mm iyo 2da Gobal ayaa ka dhacday magaalada Awaare ee Xarunta Degmada Awaare ee Gobolka Jarar.

Xafladan dabaaldaga ah ayaa Waxaa ka soo qaybgalay maamulka Degmada, Odayaasha Haweenka, dhalinyarada iyo Ardayda Dugsiyada waxaana ugu horayntii ka hadlay  Gudoomiyaha Degmada Awaare Mudane Cabdiwahaab Maxamed Shugri oo sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin ansixinta 25, Dagmo, 2 Gobal iyo 2,MM isagoo gudoomiyuhu  ku tilmaamay in arintani tahay hormar balaadhan.oo deegaanka u soohooyday. Waxa kale oo uu sheegay in ay taageersanyihiin, bulshada Ree-Awaarena ay aad usoo dhawaynayso go’aan ka geesinimada leh ee ay qaateen Hogaaminta XDSHSI iyo waliba Golaha Wakiilada Shacabka DDSI. Ugudanabayna waxa uu u hambalyeey dhamaanba bulsha waynta DDSI.

Sidookale, waxaa dhinacooda kahadlay qaarkamida Odayaasha iyo dhalinyarada Degmada Awaare iyagoo sheegay inay aad ugu faraxsanayhiin horumarkan balaadhan ee u soo hooyday deegaanka iyagoo u mahadceliayay dhamaanba hogaamintii kadanbaysay in lahelo 25 dagmo oo cusub,2 maamul magaalo, 2 Gobal oo cusub.

 

Gobolka Jarar Iyo Taageerida Go'aankii Baarlamaanka DDSI

$
0
0

Dhagaxbuur( cakaaranews ) Arbaco 2 March 2016 Waxaa saaka dhamaanba Degmooyinka Gobolka Jarar kadhacay banaan-baxyo waawayn oo lagu taageerayo go'aankii geesinimada lahaa ee uu Golaha Baarlamaanka DDSI kalfadhigii 2aad Golihisa 5,aad ku ansixiyay 25ka Degmo, 2da Maamulmagaalo iyo 2da Gobal ee cusub. Taasoo guul wayn u ah dhamaanba Shacabwaynaha Deegaanka Dhanka Horumarka, Nabadgelyada iyo Maamulka-suuban.

Hadaba sida uu Gudoomiyaha Gobolka Jarar mudane Cabdi Cali Mataan ugu waramay shabakada cakaaranews ayaa waxaa dhamaanba Degmooyinka Gobolka kasocda shirar iyo banaanbaxyo lagu taageerayo go'aankii Golaha Wakiilada Shacabka DDSI oo runtii shacabwaynaha dalka iyo kadeegaanka guud ahaan ku dhaliyay farxad aad u balaadhan iyadoo gaar ahaan uu shacabwaynaha degmooyinku aad u soo dhaweeyeen go'aankan XDSHSI iyo ka baarlamaanka ee keenay korodhka horumarineed ee intaa le eg.

Damaashaadka, Dabaaldegyada iyo Banaanbaxyada uu shacabka gobolku samaynayo ayaa ah mid ay ku taageerayaan islamarkaana ay ku faraxsanyihiin ansxinta 25 ka Degmo, 2 mm, iyo 2da Gobal ee cusub, iyagoo wata boodhadh ay kuqoran yihiin odhaahyo muujinaya taageeradooda oo ay ula soobaxeen wadooyinka iyo suuqyada degmooyinka gobolka Jarar.

Sikastaba ha ahaatee  dabaaldegyo iyo damaashaadyo noocan ah oo ay samaynayaan shacabka deegaanku ayaa kasocda dhamaanba Gobolada, Degmooyinka iyo Mamul-magaalooyinka deegaanka.

 

Accountyada Hcka iyo Dugsiga Degmooyinka Cusub Ee Lacagaha Lagu Soo Dirayo

$
0
0

Jigjiga ( Cakaaranews ) khamiis, 3da march 2016. Waxaa dhamaan gobolada, degmooyinka iyo maamul-magaalooyinka cusub account number looga furay xawaalada KAAH si qurbajoogtu ay lacagaha xafladaha dabaaldega, health centerka iyo iskuulkaba ugu soo diraan. shaxdan hoose ayaana lagu qeexay:

S/no.

Account No:

Account name

1

27453-KDX

GOBOLKA NOGOB

2

27454-KDX

GOBOLKA DHAAWA

3

27455-KDX

MAAMULKA MAGAALADA Q/BAYAX

4

27458-KDX

MAAMULKA MAGAALADA WAJAALE

5

27461-KDX

DEGMADA ABAAQOROW/SHABEELE

6

27465-KDX

DEGMADA BILCIL-BUUR/JARAR

7

27469-KDX

DEGMADA BOODALEY/QORAXEY

8

27457-KDX

DEGMADA BOQOL-MAAYO/LIIBAAN

9

27482-KDX

DEGMADA CAYUUN/NOGOB

10

27474-KDX

DEGMADA CEEL-OGAADEEN/QORAXEY

11

27464-KDX

DEGMADA DHARWANAAJE/FAAFAN

12

27467-KDX

DEGMADA DIG/JARAR

13

27463-KDX

DEGMADA ELELE/SHABEELE

14

27470-KDX

DEGMADA GABLALU/SITI

15

27459-KDX

DEGMADA GALXAMUR/DOOLO

16

27475-KDX

DEGMADA GODGOD/AFDHEER

17

27468-KDX

DEGMADA GOOTA-BIKI/SITI

18

27462-KDX

DEGMADA HAROOREYS/FAAFAN

19

27473-KDX

DEGMADA HIGLOOLEY/QORAXEY

20

27478-KDX

DEGMADA ILO(HORSHAGAX)/NOGOB

21

27476-KDX

DEGMADA KUDUNBUUR/QORAXEY

22

27471-KDX

DEGMADA LAAS-DHANKEYRE/QORAXEY

23

27456-KDX

DEGMADA LEHEL-YUCUB/DOOLLO

24

27466-KDX

DEGMADA MULA/FAAFAN

25

27472-KDX

DEGMADA QADHAADHUMO/DHAAWO

26

27477-KDX

DEGMADA QOOXLE/AFDHEER

27

27460-KDX

DEGMADA SHABEELEEY /FAAFAN

28

27480-KDX

DEGMADA WAANGEY/ERER

29

27481-KDX

DEGMADA XARAAREY/NOGOB

30

27479-KDX

DEGMADA YAXOOB/NOGOB

 

 

 

 

 

 

 

KU: Qurbajoogta Deegaanka Kasoo Jeeda OG: Shirkada KAAH

$
0
0

jigjiga ( Cakaaranews ) khamiis, 3da march 2016. Sida lawada ogsoon yahay waxaa lasoo saaray degmo kasta gudigii qaban-qaabada xafladaha, health centerka iyo dugsiga. Waxaa kale oo lasameeyay accountyadii xafladaha, dugsiga iyo health centerka degmooyinka, gobolada iyo maamul-magaalooyinka. Sidaadarteed, waxaa Xawaalada KAAH lalasocodsiinayaa inaysan qabanin lacagaha ka imanaya qurbajoogta deegaanka ee jabuuti, Kenya, soomaaliya, Somaliland, puntland ama guud ahaanba qurbajoogta qaarada afrika kunool. Waxaa  accountyada loo furay health centerada iyo dugsiga lacag kusoo diri kara oo kali ah qurbajoogta kunool wadamada reer galbeedka oo ah kuwa lakaka saarayo ee ay fartu kugodan tahay.

FG: waxaan shacabka deegaanka soomaalida u balan qaadaynaa inaan idin soo hor-dhigi doono qurbajoogta dadkooda kanaxaysa ee jecel inay waxbarasho iyo caafimaadba helaan. Sidoo kale, waxaan idin soo hor-dhigi doonaa degmooyinka qurbajoogtoodu aysan wax dan ah kalahayn ee iyaguna mashaqaystayaasha ah. Waxaana degmooyinka ay qurbajoogtoodu mashaqaystayaasha yihiin looga qarafayn doonaa qurbajoogta kale oo yaa alle wax kudhawray oo degmo hebel u qarafeeya ayuu noqon doonaa hal-kudhaga loogu qarafayn doono.

Dhanka kale, waxaa hubaal ah in degmooyinka qaar ay sugi la’yihiin inta accountga lafurayo maadaama oo ay rabaan inay noqdaan kuwa ugu horeeya meesha degmooyinka qaar ay u egyihiin ama lafilayo in loo qarafayn doono marka laga eego calaamadaha hada kamuuqda ee danayn la’aanta ah. Waxayna qurbajoogta noocan ah kusifoobi doonaan waxa luuqada axmaariga lagu dhaho ‘Afajawle’ oo macnaheedu yahay ‘fadhi-kudirir’.


Tababar Loo Qabtay Xubnaha EMIS

$
0
0

Jigjiga( cakaaranews ) Khamiis 3 March 2016, Tababar  uu soo agaasimay Geedisocodka Maaraynta Xogta Waxbarashada ee Xafiiska Waxbarashada islamarkaana loo hayay xubnaha Vocal-Personska looyaqaano ee ka hawlgala Degmooyinka ayaa ka dhacay Kuliyada Maaraynta iyo Adeega Shacabka DDSI.

Hadaba Tababarkan ayaa waxaa shabakada cakaaranews uga warbixiyay Gadhwaeenka Geedi socodka waaxda EMIS ee Xafiiska Waxbarashada DDSI Mudane Cabdiqaadir Maxamed Owa-Aadan  isagoo sheegay in tababarkan ay ka soo qaybgaleen 25 xubnood oo ka kala scoday qaar kamida dagmooyinka Gobalka Faafan, Gobaaka Qoraxay, Gobalka Siti, Gobalka Jarar iyo Gobalka Nogob islmarkaana ay ku baranayeen casharo la xidhiidha dhanka maaraynta xogta waxbarashada ee loo yaqaano Education Management Information System (EMIS), iyada oo ay casharada bixinayeen khabiiro u xeel dheer oo ka tirsan waaxda EMIS ee Xafiiska waxbarashada. Ugudanabayna waxa uu masuulku sheegay in tababarkani uusan ahayn kii ugu horeeyay ee waaxdu bixiso iyadoo tababaro horena lasiiyay xubnahan Vocal personska.

Dhankooda waxaa iyana kahadlay xubnihii latababarayay oo sheegay inay baranayaan casharo aad muhiim ugu ah islamarkaana faa iido badan ay ka heleen, waxayna sheegeen inay cilmigan ay barteen ay ugu dhaqmayaan sida ugu daacadsan ee ugu wanaagsan.

 

Kulan Lagu Qiimaynayo Waxqabadka Mashruuca RIF.

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews), khamiis, 3da March,  2016 Kulan lagu qiimaynayay waxqabadkii rubicii labaad ee mashruuca hoos u dhigida dhimashada hooyada iyo dhalaanka ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan magaciisa (RIF) ayaa ka furmay caasimada deegaanka ee jijiga gaar ahaan huteelka xamda.

Kulankan  qiimaynta ah ayaa waxaa si wada jir ah u soo diyaariyay xafiiska caafimaadka DDSI iyo  ha'ada ACPA . waxaana kulankaasi hogaaminayay masuuliyiinta mashruuca RIF, iyada oo  diirada lagu saarayay waxqabadkii rubicii 2aad ee mashruuca RIF. Wixii qorshaysnaa jihooyinkii loo fuliyay, Wixii aan qabsoomin iyo  sababta ayna  u qabsoomin.

Kulankaa waxaa  loo qabtay, madax xafiiseedyada xafiisyada caafimaadka, maareeyayaasha xarumaha caafimaadka, khabiirada, kormeerayaasha, shaqaalaha fidinta caafimaadka, shaqaalaha mashruuca RIF, shaqaalaha hay'ada ACPA ee degmooyinka Jigjiga,  Gursum, Baabili, ismaamulka magaalada Jigjiga  iyo shaqaalaha xafiiska caafimaadka heer deegaan gaar ahaan Kuwa qaabilsan caafimaadka hooyada iyo dhalaanka.

Waxaana furitaankii kulankaasi qiimaynta ah, ka hadlay  isku dugaha guud ee mashruuca RIF mudane Shaafici Daahir Muuse oo sheegay  in kulankan qiimaynta ah diirada lagu saaridoono waxqabadkii rubicii labaad ee mashruucan si loo dar dargaliyo  fulinta rubucyada xiga loona gufeeyo gol daloolooyinkii ka jiray rubucii 2aad. isagoo sheegay hadii shaqo laqabto oo aan la qiimaynin in aan la hubin karin ama la cabiri karin tayada iyo faa'iidada shaqadaasi. Wuxuuna socondoonaa muddo laba maalmood ah

Dood Cilmiyeed Looqabtay Khabiirada Qorshaynta Iyo Xissabaadka

$
0
0

Jigjiga( cakaaranews ) Khamiis, 3,March 2016, Dood-cilmiyeed uu soo agaasimay Xafiiska Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha DDSI ayaa loo qabtay qaarkamid ah Agaasinada, khabiirada Qorshaynta, Xisaabaadyada kuwaasoo ka kala socday Xafiisyada iyo Wakaaladaha  Heer Deegaan.

Dood-cilmiyeedkan ayaa waxaa hadalo muhiima kasoo jeediyay Wasiirka Maaliyada iyo Hormarinta Dhaqaalaha DDSI Mudane Axmed Cabdi Maxamed oo sheegay in dood cilmiyeedkani  uu ku saabsanyahay habsami u diyaarinta iyo soo gudbinta Qorshe sanadeedka  Sanad miisaaniyadeedka fooda inagu soo haya ee 2009 T.I  iyada oo la waafajinayo jihooyinka siyaasadaha horumarineed iyo yoolasha Qorshaha GTP II ee DDSI iyo ka heer wadan. Wuxuuna wasiirku intaa ku daray in fahan buuxa ay ka qaataan waaxaha Xisaabaadka iyo Qorshayntu. 

Waxaa sidoo kale furitaankii doodcilmiyeedkan ka hadlay Wasiir kuxigeenka Xafiiska Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha DDSI mudane Jamaal Faarax Warmooge  iyo waliba Gadh/W Geedi/S Qorshaynta, Miisaaniyada, Qiimeynta & Dabagalka Mudane Cabdiraxman Axmed Matan oo sheegay in dood cilmiyeedkan ay kasooqaybgaleen 72 xubnood oo ah khabiirada iyo agaasinada qorshaynta iyo xisaabaadka islamarkaana lagu lafagurayo ahmiyada ay  uleedahay hormarka deegaanka habsami u diyaarinta Miisaaniyada  SM.2009 T.I. iyo waliba udub dhaxaad ka ay u tahay hirgelinta iyo ka midho dhalinta  Qorshaha GTP II. Wasiir kuxigeenka ayaana usoo jeediyay khabiirada iyo agaasinada in inta uu socdo doodcilmiyeedku ay waydiiyaan macalimiinta wax kasta oo kusaabsan nidaamka qorshaynta xisaabaadka sidookalana waxa uu kuladardaarmay inay wakhtiga qorshaynta sanad miisaaniyeedka la ilaaliyo, islamarkaana ladiyaariyo qorshe wax-ku-ool-ah.

Gabagabadii kulankan ayaa waxa la isla tilmaamay tubta iyo hanaanka loo diyaarinayo Qorshe sanadeed iyo Miisaaniyad ka turjumaya ka jawaabida baahida dhabta ah ee bulshada ee SM.2009 T.I.

 

Jawaabaha Su’aalihii ISKUDAY Qaybtii 3aad

$
0
0

Jigjiga (Cakaaranews)  Jumce, 4ta March, 2016. Waxaan akhristayaasha sharafta leh ku wargalinaynaa in ay akhristaan jawaabaha su’aalihii  kabaxay shabakada cakaaranews barnaamijka ISKUDAY Qaybta 3aad ee  habeenkii khamiista ahaa ee 25kii Bishan February 2016.

F.G waxaan u mahadcelinaynaa dhaman akhristayaaashii iskudayay islamarkaana kajawaabay su’aalaha qaarkood, maadaama shuruudaha shilimaadku ahaa in laga wada jawaabo dhamaan su'aalaha, iyo in qofka ugu hor jawaaba mudnaanta lasiinayo, waxaan idiin rajaynaynaa inaad kajawaabi doontaan su' aalaha barnaamijyada danbe.maadaama oo aan su'aalahan 100% cid kajawaabtay aysan jirin.

FG: dadkii iskudayay su’aalaha dhamaantood marka laga reebo Su'aasha 5, aad ? sigaara ayaan ugu mahadcelinaynaa. waxaana urajaynaynaa guul iyo inay kawada jawaabi doonaan su’aalaha soo socda 7aadkan.

 Jawaabaha Su’aaluhuna sidan bay sax kuyihiin :

1. Waxaa xuska qoomiyadaha dalkeena labilaabay taariikhdu markay ahayd 1998 T.I goobtii ugu horeysay ee lagu qabtayna waa caasimada dalka ee Addisababa.

2. Deegaanka ugu biyaha badan dalka waa Deegaanka Soomaalida Gaar ahaan Gobolka Sitti

3. Afhayeenkii Golaha xildhibaanada ee Xiligii Mudane Cabdi rashiid Duulane waxa uu ahaa Mudane Suldaan Cabdiraxmaan Bade.

4. Waxa  uu ahaa gobalka ku guulaystay koobkii 3 aad ee Kubada-cagta Gobalka Qoraxay

5. Nabi Daa’uud (CS) waxa uu dhalay 9 wiil waxaana nabi kanoqday oo kaliya Nabi-Sulaymaan (CS)markaa jawabtu waxay ahayd 9 wiil

6. Laanta afraysa sadexda laamood waa saxaafada ama (Media) waa sida uu isku raacay caalamka intiisa badan.

7. 2da qaab ee dawladnimada dalkeenu waa Federalism oo hadana kasii ah Decentralization oo macnaheedu yahay dawladfederaala oo deegaanada iyo qoomiyadah dalku ay leeyihiin awood ay isku maamulaanislamrkaana  deegaankasta awoodiisu ayna halmeel ku koobnayn oo ay u dhaadhacasantahay ilaa heer tuulo waxaa ka dhisan sadexda laamood ee dawladi leedahay oo kala ah laanta Fulinta (Excutive Organ), Laanta Dajinta (Ligislative) oo ah xildhibaanadii iyo waliba laantii garsoorka.

8. Nidaamka awood dhaadhicinta deegaankeenu waxa uu bilawday taariikhdu makay ahayd 1994 ilaa iyo 1998 T.I

9. Halkii asxaabi ee magaciisa quraanka lagu sheegay waa ZAYT Binu-Xaaritha waana suuratul Al-Axsaab aayadeeda 37, aad

10.Tobankii  asxaabi ee iyaga oo nool janada loogu bishaarayeey (casharatul mubashiriin) waxay kala ahaayeen sidan:-1. Abubakar Sidiiq, 2. Cumar Bin khadaab, 3. Cali binu Abi Daalib, 4. Cusmaan binu Cafaan 5. Dalxa binu Cubaydulaah, 6. Sacad binu Waqaas 7. Cabdiraxmaan binu Cawf, 8. Abucubayda Caamir Binu Jaraax, 9. Zayt Binu Xaarith, 10. Siciid Bin Zayt

Hadaba waxaan macaamiisha  sharafta leh ee akhrista Shabakada Cakaaranews islamarkaana kutaxan barnaamijkan ISKUDAY ay fikradooda iyo Talo-bixinadooda, ama hadii ay jirto wax kaqaba su'aal ay noogu soo diri karaan ciwaanadan:-- www.facebook.com/cakaaranewsface ama E-mailkan cakaarainfo@gmail.com. aad iyo aad baana idiinka mahadcelinaynaa kaqayb-qaadashadiina. Mahadsanidin.

 

 

 

Shir ku Saabsan Udiyaargarawga Munaasabada XDSHSI

$
0
0

Jigjiga( cakaaranews ) Jumce 4, March 2016, Shir uu soo agaasimay Xafiiska Waxbarashada DDSI islamarkaana lagaga wada arinsanayay soo dhawaynta iyo udiyaargarawga munaasabada xuska sanad guuradii 18aad  ee  XDSHSI (28 yakaattiit) oo ku aadan maaalmaha fooda inagusoohaya ayaa looqabatay dhamaan shaqalaha xafiiska waxbarashada DDSI.

Shirkan ayaa waxaa ugu horayn kahadlay MW-kuxigeenka  ahna wasiirka waxbarashada DDSI Mudane Mawliid Haayir Xasan oo siqododheer uga hadlay taariikhdii iyo sooyaalkii uu soo maray XDSHSI isagoo tibaaxay in xuska maalinka xisbiga ee 28 yakaatiit ay taahay in lagu xasuusto isbadalka dhinac kasta ah ee uu xisbigu soo hooyiyay gaar ahaan horumarinta, adeegyada aas aasiga ah sida  Biyaha, Waxbarashada, Caafimaadka, iyo Beeraha. Sidookale waxa uu Mw Kuxigeenku carabka ku adkeeyay guulaha balaadhan ee nabadgayada laga keenay iyo waliba maamulka suuban ee maanta  bulshada deegaanku ku naaloonayso.

Sidookale  waxa uu tilmaamay in ka xafiis waxbarasho ahaan ay labo jibaaraan shaqooyinkii ay uhayeen bulshada iyagoo ka midho dhalinaya qorshayaasha waxbarasho ee deegaanka uyaala sida tayada iyo tirada waxbarashada .

Ugu danbayna Waxa iyana dhankooda kahadlay qaarkamida agaasinada  xafiiska waxabarashada oo dardaaran usoojeediyay shaqalaha islamarkaana kawaramay waxqabadkii XDSHSI iyo udiyaargarawga munaasabada xuska sanadguurada XDSHSI.

Viewing all 304849 articles
Browse latest View live




Latest Images