Adhisababa(cakaaranews)Sabti, 14ka July 2018. Madaxwaynaha dalka Ereteria mudane Esaias Afwerki iyo wafti uu hogaaminayo ayaa booqasho 3 cisho qaadanaysa kuyimid dalkeenan itoobiya islamarkaana garoonka diyaaradaha ee bole international ay si meeqaam sare leh ugu soo dhaweeyeen madaxda ugu saraysa dalka oo uu ugu horeeyo RW Dalka JDFI Dr Abiyi Ahmed. Madaxwaynayaasha deegaanada dalka oo uu kamid yahay Madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo waliba shacabka qaybahiisa kaladuwan ee kudhaqan caasimada adhisababa.
Hadaba, booqashadan madaxwaynaha ereteria ayaa kadanbaysay kadib heshiiskii iyo wada hadalkii dhaxmaray labada wadan ee itoobiya iyo Eretria islamarkaana uu RW dalka Dr abiyi ahmed uu kutagay wadankaasi eriteria, sidaas darteed madaxwaynaha eretria ayaa lafilayaa in maalmaha uu booqashada kujoogo dalka uu kulamo kaladuwan oo wadatashi ah layeelan doona madaxda dalkeenan itooobiya oo uu ugu horeeyo RW Dalka JDFI Dr Abiyi Ahmed. kulamadaas oo lagu sii xoojinayo xidhiidhka iyo heshiiskan cusub ee labada wadan. Wuxuuna madaxwaynuhu maalmaha uu joogo booqon doonaa gooobo kaladuwan oo ay kamid tahay hawasa industrial barks ee magalada hawasa ee xarunta deegaanka Shucuubta koonfureed.
Iskusoowada duuboo, Booqashada madaxwaynaha Eritria mudane Esaias Afwerki iyo waftigiisu ay kuyimaadeen dalkeenan itoobiya ayaa kadanbaysay marti qaad uu u fidiyay RW dalka Dr Abiyi Ahmed.