Image may be NSFW.
Clik here to view.Jarati(cakaaranews)Jumce, 27da July 2018. Iskaashatada web ee ka aasaasaan degmada jarati ayaa sheegtay in sanadkan gudihiisa waxsoosaar fiican ay soosaareen islamarkaana sanadkan gudihiisa ay labo jeer usoogo’day tacabkii ay beerteen sida basasha iyo khudaarta kaladuwan oo ugu horeeyo qaraha ama xabxabku.
Image may be NSFW.
Clik here to view.Hadaba, Bashiir Diiriye Camay Oo kamid ah masuuliyiinta iskaashatada-web ee degmada jarati oo warbaahinta u waramay ayaa sheegay in beertani ay tahay mid ilaahay ubarakeeyay islamarkaana ay siwanaagsan uga shaqaysay iskaashatadu. Wuxuuna intaas kudaray in sanadkan gudihiisa ay tahay markii labaad oo ay go’aan noocyada kudaarta eek ala duwan oo ay ugu badanyihiin basasha iyo qaraha. Wuxuuna intaas kudaray in barwaaqadu ay gacanta dadka kujirto islamarkaana dhulku uu ubaahnayahay wax kafaaiidaysta. Wuxuuna tilmaamay in kasakow dadaalka iskaashatada ay xukuumadu garab kusiisay. Wuxuuna carabka kudhuftay in dhamaan bulshada DDSI ay noqdaan kuwo kafaaiidaysta waxsoosaarka dhulkooda.
Image may be NSFW.
Clik here to view.Iskusoowada duuboo, iskaashatadan web oo beerta kabeertay jiinka wabiga web ayaa ah kuwo sameeyay ficilo kudaysho mudan oo ah dhanka tabaca iyo waxsoosaarka islamarkaana shaqo abuur usamayay dhalinyaro badan oo kudhaqan degmada jarati kuwaas oo camal la’aaan ahaa.
Image may be NSFW.
Clik here to view.