Quantcast
Viewing latest article 17
Browse Latest Browse All 304849

Wasiirka Xafiiska Adeega shacabka iyo horumarinta cudada shaqaalaha DDSI Oo kawarbixiyay Qorshihii Waxqabadka xafiiska Ee 2010 TI

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Jigjiga(Cakaaranews) Arbaco, 18ka, july,2018. Xukuumada DDSI ayaa dadaal dheer ugu jirta sidii ay ushaqaalaysiin lahaayeen dhalinta waxbaratey ee deegaanka islamarkaana loola dagaalamilahaa camalaanta.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Hadaba Wasiirka xafiiska adeega shacabka iyo horumarinta cudada shaqaalaha DDSI mudane Axmed Koore oo kawarbixiyay qorshihii waxqabadkii sanadkii 2010TI ee xafiiska ayaa sheegay inuu xafiiska sanadan qabtey shaqooyin kaladuwan islamarkaana uu shaqaalaysiiyay dhalinyarta deegaanka ee kasoo qalinjabiyay jaamacadaha dalka iyo kuliyadaha deegaanka.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
wasiirka xafiiska adeega shacabka iyo horumarinta cudada shaqaalaha DDSI mudane Axmed Koore ayaa sheegay inay xukuumadu wado dadaalo ay ugu jirto sidey dhalinyarta deegaanka looga wada dhigalahaa kuwa shaqeeya islamarkaana dhlinta looga ilaalinlahaa camalaanta.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Wasiirka oo hadlakiisii sii wata ayaa xusey inay sanadkii 2010TI uu xafiisku uqorshaysneyd inay  shaqaalaysiiyaan 5000 oo qof iyadoo la shaqaalaysiiyay in ka badan 5,400 oo shaqaale ah, halka 514 shaqaale ah loo sameeyay in loo badalo goobta shaqo ee ay kasuura galayso nolashiisa, wuxuuna wasiirka intaa kudaray in dalacsiin loo sameeyay 155 shaqaale ah.

Sidoo kale wasiirka ayaa tilmaamay inuu xafiiska sidoo kale uu 20 degmo oo 5 gobol oo deegaanka ah ka hirgaliyay barnaamijka darajosiinta ee J,EG (job eveluition grade) oo ah barnaamij la isku lahaysiinayo aqoonta shaqada iyo shaqaalaha. Wuxuuna wasiirku sheegay inuu xafiisku tababaro kala duwan oo kor loogu qaadayo garaadka aqooneed ee shaqaalaha kusiiyo kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI ku siiyay , iyadoo uu wasiirku cadeeyay inuu xafiisku kabixiyo 145 ardey oo isugu jira diploma iyo degree oo dhigta jaamacadaha lacagta ah ee dalka.

wuxuuna wasiirku sheegay inay jiraan dadaalo uu xafiiska wado oo ku aadan in dhalinyarta deegaanka la baro aalada casriga ah si  kor loogu qaado garaadkooda aqooneed iyo miskaxdoodaba islamarkaana ay sii xoojiyaan horumarka ka hanaqaadey guud ahaanba deegaanka, Waxaana dayactir lagu sameeyay aalada cumputreda ee magaalooyinka qabridahar, godey godey, iyo dhagaxbuur, waxaana sidoo kale aalada cumputerada laga hirgaliyay 9 degmo oo deegaanka, wasiirka ayaana hadalkiisii kusoo gabagabeeyay inay bilaabeen shaqaalaysiinta guud ahaanba dhalinyarta waxbaratey ee deegaanka oo dhamaanba laga shaqaalaysiinayo 11, ka gobol,93 degmo iyo 6da maamul magaalo ee uu ka koobanyahay deegaanku bilowga sanadkan 2011TI.

ugu danbayna waxaa dhankooda ka hadlay dhalinyarta la shaqaalaysiiyay oo sheegay inay aad oogu faraxsanyihiin shaqaalaysiinta ay xukuumadu sida fudud oogu sameyasay, waxayna intaa ku dareen inay sidii loogu talagalay oogu shaqayn doonaan bulshada.


Viewing latest article 17
Browse Latest Browse All 304849

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>