Birmingham (Cakaaranews), khamiis, 18ka, February, 2016, Shir ka dhacay caasimada 2aad ee wadanka UK ee Birmingham ayaa waxaa lagu doortay gudoomiyaha cusub ee ururka haweenka jahliyada DDSI ee magaalada Birmingham. Waxaana shirkaasi soo diyaariyay hogaaminta sare ee jahliyada DDSI ee Birmingham, gaar ahaan Guddiga Doorashada Ee Xubnaha Gudiga Fulinta Jaaliyadda DDSI, Ee Magaalada Birmingham.
Waxaana shirkaasi ka soo qaybgalay masuuliyiinta iyo qaybaha kala duwan ee jahliyada DDSI ee Birmingham iyo marti sharaf kale oo ka socoday jahliyada DDSI ee wadamada kale. Waxaana ugu horayntii shirkaasi Ka Hadlay Guddoomiyaha Gudiga Fulinta Doorashada, mudane Eng Cabdicasiis Cabaade Oo Ku Booriyay Jaaliyadda Inay Si Hufan U Dhiibtaan Codkooda islamarkaana Sharaxaad dheerka Ka Bixiyay Xeerar nidaameedka iyo shuruudaha Doorashada.
Doorashaan oo ay ku tartamayeen 2 haween ah ayaa si toos ah loo gudagalay codbixinta doorashada, , Waxaana Codeyntii Kaddib Ay Guddiga Fulinta Doorashada Ku Dhawaaqeen Natiijada Cod-Bixinta, Iyadoo ay Sheegay In ay cob buuxa ku guulaysatay doorashadan ururka haweenka jaaliyada DDSI ee Birmingham in ay gudoomiye ka noqoto marwo Farxiya Cabdiqaadir. Taasi oo mudo xileed keedu yahay muda 2 sano ah waana markii labaad ee la doorto marwo farxiya cabdiqaadir maadaamo oo ay labadii sano ee hore muujisay dadaal dheer oo dhinaca waxqabadka jahliyada ah ayay mutaysatay in marlabaad loogu ciliyo lana doorto.
Doorashadan ka dib ayaa masuuliyiin iyo waxgarad badani ka hadleen shirkaasi. waxaana ka mid ahaa masuuliyiintii ka hadashay Gudoomiyaha Jaaliyadda DDSI Ee Magaalada Birmingham Ee UK Mudane Bile Maxamed Siyaad iyo gudoomiye ku xigeen ka Ururka Haweenka Jaaliyadda DDSi Ee Birmingham Marwo Ayaan Xasan kuwaasi Hambalyo U Diray Dhamaan Jaaliyadda DDSI Ee Birmingham Gaar Ahaan Gudoomiyaha Cusub Marwo Farxiya Cabdi Qaadir waxayna sheegeen in ay jaahliyadu garabtaagan tahay gudoomiyahan cusub iyadana looga baahan yahay in ay xilkan saaran si wadaniyad leh ugudato waajibaadkiisa.
Dhankooda waxgaradkii iyo odayaashii ka hadlay shirkaasi waxaa ka mid ahaa Sheekh Maxamed Dhayib, Ugaas Cabdi Naasir iyo Shekh Cabdiraxmaan Xaaji Siraaj oo ugu horayntii u mahad celiyay gudiga doorashada ee suurta galiyay dhicitaanka doorashadan iyo nidaamkii wanaagsanaa ee ay u maamuleen. Waxayna u hanbalyeeyeen gudoomiyaha cusub marwo farxiya cabdiqaadir taasi oo ay u sheegeen in ay jahliyada si balaadhan u garabtaagan tahay soona dhawaynayso gudoomiyahan cusub.
Gudoomiyaha jahliyada DDSI Ee wadanka Swizarland Marwo Ardo Cumar oo ahaa marti sharaftii ka soo qaybgashay shirkaasi ayaa u Hambalyaysay Gudoomiyaha Cusub Waxayna ka warbixisay xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya jahliyadaha DDSI ee ay sida wada jirka ah ugaga qayb-qaadanayaan hawlaha horumarka iyo nabadgalayda DDSI.
Ugaas Xasan ayaa isaguna ahaa masuuliyiintii ka hadashay shirkaasi wuxuuna ugu horaynii hanbalyo u diray gudoomiyaha cusub ee la doortay iyo gudiga doorashada ee sida fiican u daadihinayay absami u dhicidii doorashadan.