Jigjiga(cakaaranews) axad 24ka July, 2016 Hantidhawraha guud ee DDSI mudane Aadan Kuusow Cali oo xafiiskiisa ugu waramayay warbaahinta deegaanka ayaa ka warbixiyay qorshaha hantidhawr ee xafiiska kuwa fog, dhexeba iyo kuwa dhaw.
Hantidhawraha guud ayaa sheegay in guulo waawayn laga soo hooyay qorshihii hantidhawrka ee sanad miisaaniyeedka 2008TI qorshahaasi oo ahaa in la dabagalo habsami u fulinta qorsheyaasha xafiisyada dawlada heerarkooda kala duwan, in la xaqiijiyo miisaaniyadaha loo shubay xafiisyada lagu fuliyey qorsheyaashii horumarineed ee loogu talagalay, in looga faa’iideeyo bulshada ku dhaqan deegaankeena iyo waliba in mashaariicaha lafuliyey ay bulshada u bixyaan adeegyadii horumarineed ee loogu talogalay.
Hantidhawraga guud ayaa tilmaamay in sanadihii ugu danbeeyay kor loo qaaday awooda iyo garaadka xirfadeed ee hantidhawrayaasha, taasi oo xoojisay hantidhawrka waxqabadka (Performance Audit) nidaamka loo hantidhawro mashaariicaha dhismayaasha,Nidaamka dhawrida iibka hantida (procurement audit) xaqiijinta iyo dabagalka Qulqulka Miisaaniyada. kor uqaadida Xirfada iyo Tabaha Aqooneed ee Hanti-dhawrada Deegaanka taasi oo suurta galisay ayuu yidhi hantidhawruhu kor u qaadida iyo xoojinta koboca dhaqaalaha deegaanka.
Gabagabadii hantidhawraha guud ayaa sheegay in xafiisku sii laba jibaaray tiirarka iyo halbeegyada lagu fulinayo qorshaha hantidhawrka ee sanadlaha ah iyo kuwa qorshaha fog kuwaasi oo si dhaw u suurta galinaya gaadhida horumar waaro oo dhinac kasta leh.