Jigjiga(cakaaranews) axad 24da July, 2016, Xafiiska caafimaadka DDSI ayaa maanta tababar u soo xidhay xirfadlayaal caafimaad oo muddo 12 maal mood ah tababar uga soday hoolka shirarka Meles Memorial Refferal Hospital ee magaalada Jigjiga.
Xirfadlayaashan tababarka loo xidhay oo laga soo xulay xarumaha caafimaadka ee gobolada Faafan, Qoraxay iyo Afdheer gaar ahaan xarumaha caafimaadka uu caawiyo mashruuca dhimista dhimashada hooyada iyo dhalaanka ee RIF ayaa waxay mudadii uu socday qaadanayeen 12ka cidho Qorshaha Qoyska "Comprehensive long acting Family Planning.
Soo xidhitaankii tababarkaasi ayaa waxaa ka hadlay maareeyaha guud ee mashruuca dhimista dhimashada hooyada iyo dhalaanka RIF mudane Shaafici Daahir Muuse oo ka warbixiyay ujeedooyinka guud ee laga lahaa tababarkan wuxuuna sheegay in uu yahay mid lagu xoojinayo qorshaha ah in laga helo xarun caafimaad kasta ugu yaraan hal xirfadle caafimaad oo awooda inuu bixiyo adeega caafimaadka ee Qorshaha qoyska mudada dheer ah (long acting FP). Wuxuuna tababartayaashan u sheegay doorka ay ku leeyihiin hirgalinta qorshahan lagana sugayo kor u qaadida hal'beega.
Dhankooda tababartayaasha qaatay tababarkan oo la hadlay warbaahinta DDSI ayaa sheegay in cimigan caafimaadka ah ee ay mudada baranayeen sidii loogu talagalay u hirgalinayaan ugana faa’iidaynayaa bulshada