Jigjiga( cakaaranews ) Khamiis, 3,March 2016, Dood-cilmiyeed uu soo agaasimay Xafiiska Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha DDSI ayaa loo qabtay qaarkamid ah Agaasinada, khabiirada Qorshaynta, Xisaabaadyada kuwaasoo ka kala socday Xafiisyada iyo Wakaaladaha Heer Deegaan.
Dood-cilmiyeedkan ayaa waxaa hadalo muhiima kasoo jeediyay Wasiirka Maaliyada iyo Hormarinta Dhaqaalaha DDSI Mudane Axmed Cabdi Maxamed oo sheegay in dood cilmiyeedkani uu ku saabsanyahay habsami u diyaarinta iyo soo gudbinta Qorshe sanadeedka Sanad miisaaniyadeedka fooda inagu soo haya ee 2009 T.I iyada oo la waafajinayo jihooyinka siyaasadaha horumarineed iyo yoolasha Qorshaha GTP II ee DDSI iyo ka heer wadan. Wuxuuna wasiirku intaa ku daray in fahan buuxa ay ka qaataan waaxaha Xisaabaadka iyo Qorshayntu.
Waxaa sidoo kale furitaankii doodcilmiyeedkan ka hadlay Wasiir kuxigeenka Xafiiska Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha DDSI mudane Jamaal Faarax Warmooge iyo waliba Gadh/W Geedi/S Qorshaynta, Miisaaniyada, Qiimeynta & Dabagalka Mudane Cabdiraxman Axmed Matan oo sheegay in dood cilmiyeedkan ay kasooqaybgaleen 72 xubnood oo ah khabiirada iyo agaasinada qorshaynta iyo xisaabaadka islamarkaana lagu lafagurayo ahmiyada ay uleedahay hormarka deegaanka habsami u diyaarinta Miisaaniyada SM.2009 T.I. iyo waliba udub dhaxaad ka ay u tahay hirgelinta iyo ka midho dhalinta Qorshaha GTP II. Wasiir kuxigeenka ayaana usoo jeediyay khabiirada iyo agaasinada in inta uu socdo doodcilmiyeedku ay waydiiyaan macalimiinta wax kasta oo kusaabsan nidaamka qorshaynta xisaabaadka sidookalana waxa uu kuladardaarmay inay wakhtiga qorshaynta sanad miisaaniyeedka la ilaaliyo, islamarkaana ladiyaariyo qorshe wax-ku-ool-ah.
Gabagabadii kulankan ayaa waxa la isla tilmaamay tubta iyo hanaanka loo diyaarinayo Qorshe sanadeed iyo Miisaaniyad ka turjumaya ka jawaabida baahida dhabta ah ee bulshada ee SM.2009 T.I.