Jigjiga(Cakaaranews), khamiis, 3da March, 2016 Kulan lagu qiimaynayay waxqabadkii rubicii labaad ee mashruuca hoos u dhigida dhimashada hooyada iyo dhalaanka ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan magaciisa (RIF) ayaa ka furmay caasimada deegaanka ee jijiga gaar ahaan huteelka xamda.
Kulankan qiimaynta ah ayaa waxaa si wada jir ah u soo diyaariyay xafiiska caafimaadka DDSI iyo ha'ada ACPA . waxaana kulankaasi hogaaminayay masuuliyiinta mashruuca RIF, iyada oo diirada lagu saarayay waxqabadkii rubicii 2aad ee mashruuca RIF. Wixii qorshaysnaa jihooyinkii loo fuliyay, Wixii aan qabsoomin iyo sababta ayna u qabsoomin.
Kulankaa waxaa loo qabtay, madax xafiiseedyada xafiisyada caafimaadka, maareeyayaasha xarumaha caafimaadka, khabiirada, kormeerayaasha, shaqaalaha fidinta caafimaadka, shaqaalaha mashruuca RIF, shaqaalaha hay'ada ACPA ee degmooyinka Jigjiga, Gursum, Baabili, ismaamulka magaalada Jigjiga iyo shaqaalaha xafiiska caafimaadka heer deegaan gaar ahaan Kuwa qaabilsan caafimaadka hooyada iyo dhalaanka.
Waxaana furitaankii kulankaasi qiimaynta ah, ka hadlay isku dugaha guud ee mashruuca RIF mudane Shaafici Daahir Muuse oo sheegay in kulankan qiimaynta ah diirada lagu saaridoono waxqabadkii rubicii labaad ee mashruucan si loo dar dargaliyo fulinta rubucyada xiga loona gufeeyo gol daloolooyinkii ka jiray rubucii 2aad. isagoo sheegay hadii shaqo laqabto oo aan la qiimaynin in aan la hubin karin ama la cabiri karin tayada iyo faa'iidada shaqadaasi. Wuxuuna socondoonaa muddo laba maalmood ah