Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 304849

Munaasabada Xuska Sanad-guurada 1492 aad Ee Kasoo Wareegtay Dhalashadii Rasuulkeena Nabi Muxamed N.N.K.H

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Khamiis, 30ka Novemebr 2017. Munaasabad ku’aadan xuska sanadguurada 1492aad ee kasoowareegtay dhalashadii Rasuulkeenii suubanaa ee Nabi Muxamed N.N.K.H islamarkaana ay kasooqaybgaleen Culimo Awdiinka, qaar kamid ah masuuliyiinta deegaanka masuuliyiinta MMJ iyo waliba bulshada qaybaheeda kaladuwan ee kudhaqan MMJ ayaa si heer sare ah uga qabsoontay xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga.

Munaasabadan lagu xusayay rasuulkeenii Nabi muxamed N.N.K.H ayaa waxaa ugu horayn kahadlay gudoomiye kuxigeenka Golaha Sare ee Arrimaha Islaamka DDSI Mudane Sheekh Muxumed Cumar Dhaqane oo si qoto dheer uga warbixiyay taariikhda macaan ee rasuulkeeni Nabi muxamed N.N.K.H . wuxuuna sheegay sheekhu in munaasabadani ay tahay mid lagu soo bandhigayo jacaylka baaxad leh ee aan u hayno Rasuulkeenii suubanaa ee Nabi muxamed N.N.K.H. waxuuna tilmamay in ay maanata tahay maalin lamuujinayo jacaylka nabigeena si uu ilaahay inoogu dhaweeyo islamarkaana maalinta qiyaamaha inoogu shafeeca qaado.

Dhankakale, maayorka MMJ Mudane Ibraahim Mahad Mubaarak oo isna munaasabadan kahadlay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay soo gaadhitaanka aan soogaadhnay sanadguurada 1492 aad ee kasoowareegatay dhalashadii nabi muxamed N.N.K.H. wuxuuna intaa kudaray in maanta ay tahay maalin mudan in la xuso islamarkaana labadiyo xuska nabigeena suuban N.N.K.H.

Munaasabadan ayaa intii ay socotay waxaa lagu soobandhigay muxaadaroooyin iyo qasiidooyin lagu amaanayo suubanaheenii Nabi Maxuxamed N.N.K.H Taasoo ay bulshadii kasooqaybgashay aad ugu riyaaqeen.

Sidookale, Magaalada goday ee xarunta gobolka shabeele ayaa iyana waxaa kadhcday munaasabad balaadhan oo lagu xusayay dhalashadii Nabi Muxamed N.N.K.H. Taasoo ay kasooqaybgaleen culimo-awdiinka maamulka iyo bulshada qaybaheeda kaladuwan ee kudhaqan magaalada Goday. Iyadoo munaasabadana lagu soo bandhigayay muxaadarooyin iyo qasiidooyin kahadlaya taariikhdii macaanayd ee Nabi Muxamed N.N.K.H.

 

Iskusoowada duuboo, Munaasabadan ayaa ah mid laxuso sanadwalba 12ka bisha rabiicul awal taaso lagu wayneeyo jacaylka Nabigeena N.N.K.H islamarkaana lagu soobandhigo taariikh nololeedkiisii Qiimaha Badnaa ee suubanaheena Nabi Muxamed N.N.K.H.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 304849


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>