Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 304849

Kulan Loo Qabtay Mulkiilayaasha Dugsiyada Gaarka Loo Leeyahay Ee Kajira MMJ

$
0
0

Jigjiga (cakaaranews)Isniin, 27ka Novemeber 2017. Kulan uu soo agaasimay xafiiska waxbarashada DDSI islamarkaana ay kasooqaybgaleen wasiirka xafiiska waxbarashada DDSI, wasiir kuxigeenka, agaasimayasha xafiiska iyo waliba mulkiilayaasha dugsiyada aan dawliga ahayn ee kajira magaalada jigjiga ayaa ka qabsoomay hoolka shirarka ee xafiiska waxbarashada DDSI.

Hadaba, kulankan ayaa waxaa ugu horayn kahadlay Wasiirka Xafiiska waxbarashada DDSI mudane Ibraahim Aadan Mahad oo sheegay in kulankani yahay mi lagu eegayo xaalada baris barasho ee dugsiyada privateka ah ee kajira magaalada. Wuxuuna intaa kudaray wasiirku in si wayn loo falanqaynayo dhibaatooyinka kajira dugsiyada gaarka loo leeyahay ee ku’aadan dhanka heerka iyo shuruudaha dugsiyada, macalimiinta, fasalka, kuraasta, manhajka iyo waliba xaalada guud ee baris barasho. Wuxuuna tilmaamay wasiirku inay jiraan dugsiyo lacago badan oo aan sharci ahayn kaqaada ardayda islamarkaana aan buuxinaynin heerkii  looga baahanaa. Wasiirka ayaana carabka ku adkeeyay in ay jiraan 26 heer oo lagu cabiro dugsiyada taaso ay dabagalkeeda iyo kawarhayntoodaba ay iskaleeyihiin 2bo waaxood oo xafiiska kamid ah. Wixii hada kadanbeeyana laiskula xisaabtami doono.

Sidookale, Wasiir kuxigeenka Xafiiska Waxbarashada DDSI mudane Maxamuud Axmed Nuur (Heeryo) oo isna dhankiisa kahadlay ayaa sheegay  in iskuuladu kala leeyihiin darajooyin 1aad 2aad 3aad iyo 4aad islamarkaana darajo kasta ay leedahay nidaam ugaar ah oo lagu cabiro haday tahay dhismaha iyo haday tahay shuruucda kale ee adeeg bixinta dugsiga iyo waliba xaalada guud ee dugsiga. wuxuuna tilmaamay in sida ay dugsiyadu ugu kala duwan yihiin heerarka iyo shuruudaha ay sidookale ugu kala duwan yihiin lacagaha bilaha ah ee ay kaqaadaan ardayda. wuxuuna acarabka kudhuftay in dugsiga buuxiya shuruudaha iyo heerarka laqoondeeyay uu xafiisku kacaawin waxyaabo badan oo muhiim ah.

Dhankakale, kulankan ayaa intii uu socday waxaa kaqaybgalayaasha loo soo bandhigay cashiro kuwajahan nidaamka shuruucda iyo heerarka dugsiyada looga baahan yahay Iyo waliba cashiro ay kamid yihiin siyaasada guud ee waxabasrhada dalka.

Ugudanbayna, dhankooda mulkiilayaasha dugsiyada privateka ah oo iyaguna kahadlay kulankan ayaa sheegay in ay jiraan dugsiyo badan oo aan kusalaysnayn shuruudaha dugsiyada privateka ah looga baahan yahay islamarkaana lacag badan kaqaada ardayad dhigata. Taasina ay tahay mid loo baahan yahay in lasaxo. Waxayna tilmaameen in nidaamyada kadhiman ay hagaajinayaan oo ay raacayaan shuruucda iyo standards loogu talagalay dugsiyada ee ay soosaartay wasaarada waxbarashada dalka iyo ta deegaankuba.

 

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 304849

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>