Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 304849

Tababarka Ku Saabsan Halbeega waxqabadka Isku Dheeli tiran(BSC) oo ka furmay jigjiga.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews), isniin, 27ka, November, 2017. Waxa ka furmay caasimada deegaanka ee jigjiga gaar ahaan madasha shirarka ee kuliyada maaraynta adeega shacabka DDSI tababar tababartayaasha oo  ku saabsan kor u qaadida iyo dar dargalinta  tayada adeeg bixinta ha’yadaha dawlada gaar ahaan hirgalinta iyo ku dhaqanka barnaamijyada ,tabaha iyo xeeladaha lagu gaadhayo   hadafka iyo himilada  u dajisan deegaanka oo ay ka mid yihiin  hirgalinta barnaamijka  halbeega waxqabadka isku dheeli-tiran ee loo yaqaano (BSC ), barnaamijka dib u hindisida geedi socodka shaqada (BPR)  iyo adkaynta iyo horumarinta   xidhmaha  maamulka suuban.

Tababarkan oo uu  soo diyaariyay xafiiska adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha DDSI ayaa waxaa loo qabtay  320 xubnood oo ah  gudiyada Rifoomyada xafiisyada oo  ka kala socda shaqaalaha xafiisyada heer deegaan, maamulada gobolada deegaanka iyo maamul magaalooyinka DDSI

Waxaana, furitaankii tababarkan tababartayaasha  ka hadlay wasiirka  xafiiska adeega shacabka shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha DDSI mudane Axmed Maxamed Koore oo ka warbixiyay ahmiyada iyo ujeedooyinka uu leeyahay tababarku wuxuuna sheegay in uu yahay mid kor loogu qaadayo  guud ahaan adeega bixinta hay’adaha adeega shacabka  si loo tayeeyo tayada la gaadhsiinayo bulshada iyo kuwa lagu hirgalinayo yoolasha horumarineed ee u dajisan deegaanka  wasiirka ayaa sheegay in tababarkan uu yahay tababarka tababartayaasha oo ay qaadanayaan wajigiisa 1aad  320 xubnood oo ka kala socday shaqaalaha xafiisyada heer deegaan, maamulada gobolada deegaanka iyo maamul magaalooyinka deegaanka iyada oo wajigiisa 2aad iyo ka sadexaad loo dhaadhicindoona degmooyinka  kuwaasi oo mudada uu tababarkan tababartayaasha socdo fahan buuxa laga siin doono cashiro ku taxaluqa  barnaamijyada halbeega waxqabadka isku dheeli-tiran oo ah nidaam lagu xaqiijinayo gaadhida natiijada yoolasha iyo istaraatajiyadaha horumarineed ee dajisan, barnaamijka dib u hindisida geedi socodka shaqada (BPR)  iyo adkaynta iyo horumarinta   xidhmaha  maamulka suuban wasiirka ayaa ku booriyay xubnahan loo qabtay tababarkan in ay fahan buuxa ka qaataan cashirada lagu dhigayo si looga midho dhaliyo ujeedooyinta laga leeyahay tababarkan.

Tababarkan oo socon-doona muddo 10 maalmood ah ayaa waxaa cashiradiisa bixinaya khabiiro ka socda xafiiska adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha DDSI

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 304849

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>