Dhuxun(CN) Arbaco 3 February 2016, Shir lagaga hadlayay hirgalinta maamulka suunban iyo qorshayaasha horumarka sida Caafimaadka Waxabarashada Beeraha iyo Nabadglayada ayaa ka dhacay Degmada Dhuxun ee Gobolka Nogob.
Shirkan ayaa waxay u jeedadiisu ahayd sii xoojinta iyo hirgalinta hawlaha horumarka Nabadgalyada Waxaana ka soo qayb galay qaar ka mid ah masuuliyiinta Maamulka Gobolka Nogob, Masuuliyinta Degmada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Magaalada Dhuxun ee Xarunta Degmada Dhuxun.
Hadaba shirkan ayaa waxaa hadalo muhiima kasoo jeediyay Madaxa Arimaha Siyaasada ee Gobolka Nogob Muuse Maxamed Xusen, Hogaanka Nabadgalyada Gobolka Nogob Mudane Guuleed Maxamed Ismaciil iyo Gudoomiyaha Degmada Dhuxun Mudane Axmed Saafi Amed, islamarkana kulankan ka soo jeediyay hadalo wax ku ool ah oo ka hadlaya sii xoojinta hormaka iyo Maamulka Suuban.
Ugu danbayna waxay masuuliyiintu bulshada usoo jeediyeen in ay ka wada shaqeeyaan Hormarka iyo Nabadgalyada sidookalan ay bulshadu isku xidhnaadaan waxsoosaara sameeyaan iyagoo iskaashatooyin samaysanaya.