Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 304849

MW CMC Oo Xadhiga-kajaray Hospitaalka Guud Ee Biki

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Biki(CN) Talaado, 2da feburay 2016, madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ay weheliyaan madaxwayne kuxigeenka ahna wasiirka xafiiska horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha DDSI mudane Cabdixakiin Cigaal  Cumar iyo wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Cabdifataax Siciid ayaa saaka xadhiga kajaray hospitaal aad u wayn oo laga dhisay qabalaha Biki ee degmada Afdam ee gobolka Sitti isagoo madaxwaynuhu hogaaminaya wufuud heer deegaan, heer gobol iyo heer degmaba isugu jirtay.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Xafladan xadhig kajarka ayaa waxaa kasoo qaybgalay mas’uuliyiinta ugu saraysa xukuumada oo uu ugu horeeyo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, madaxwayne kuxigeenka ahna wasiirka xafiiska horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha mudane Cabdixakiin Cigaal Cumar, wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Cabdifataax Siciid, mas’uuliyiin kale oo heer deegaan ah, maamulka gobolka sitti, maamulka degmooyinka gobolka, shacabka gobolka wadar ahaan iyo marti sharaf kale.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Hadaba, xafladii xadhig kajarka hospitaalkan ayuu madaxwaynuhu u sheegay shacabka gobolka sitti in hospitaalkani yahay mid aad u wayn oo kakooban 400 qol oo ay kubaxday miisaaniyad kabadan 35 milyan uuna u bixin doono nooc walba oo adeeg caafimaad ah bulsho kor udhaafaysa nus milyan, qalabkii, daawadii iyo shaqaalihiina horay loogu dhamaystiray. Wuxuuna madaxwaynuhu intaa raaciyay, in cisbitaalkani uu daboolayo baahida caafimaad ee shacabka gobolka sitti isagoo waliba caawin doona shacabka kale ee walaaleheen ah ee aan dariska nahay.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Dhanka kale, bulshada gobolka sitti oo cabiraysa dareenkooda farxadeed ayaa si wayn u bogaadiyay una soo dhaweeyay cisbitaalkan iyagoo sheegay inay baahi aad u badan kaqabeen dhanka adeega caafimaad. Maantase ay bulshooyinka dariska ah ee ay horay ugu doonan jireen adeega caafimaad ay hada usoo doonanayaan gobolka sitti. Waxayna mahad aad u balaadhan uceliyeen xukuumada iyo X.D.SH.S.I.Image may be NSFW.
Clik here to view.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Ugudanbayna madaxwaynaha iyo waftigiisa ayaa kusoo laabtay magaalada diridhaba isagoo madaxwaynuhu usii dhaafay dhanka xarunta deegaanka ee jigjiga.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 304849

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>