Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all 304849 articles
Browse latest View live

Shirkii Horumarka Cagaaran iyo Nadaafada Magaalooyinka Dalka

$
0
0

Adhisababa ( Cakaaranews ) Sabti, 5ta march 2016. Waxaa saaka hoolka shirarka ee xarunta dalka-adhisababa millenium adharaash si rasmi ah uga furmay shir kusaabsanaa horumarka cagaaran iyo nadaafada magaaloooyinka ee heer qaran.

Shirkan ayaa waxaa kasoo qayb-galay dhamaan hogaaminta sare ee madaxda dawlada federaalka ah oo uu ugu horeeyo raisal wasaaraha dalka mudane Hailemariam Desalegn, hogaaminta sare ee dawlad deegaanada dalka oo uu kamid yahay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, kabineeyada, mayorada, xubno kasocday maamul-magaalooyinka deegaanada, dalka iyo marti sharaf kale.

Hadaba shirkan oo socon doona mudo 4 maalmood ah ayaa lafilayaa inay kasoo bixi doonaan guulo wax ku ool ah oo sii xoojiya taabagalinta horumarka laxaadka leh ee kahanaqaaday guud ahaanba dalka.


Xuska 18aad Ee XDSHSI Oo si Balaadhan Loogu Diyaar Garoobay.

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews), Axad, 6da, March,  2016 Waxaa  maalinta bari ah guud ahaanba deegaanka si wayn looga dabaaldagi doono munaasabada  xuska sanad guurada 18aad ee XDSHSI taasi oo  si wayn looga  dareemayo  caasimada deegaanka ee Jijiga u diyaar garowga munaasabadan .

Waxayna indhahaagu markiiba ku dhacayaan sida loo sii qurxiyay wadooyinka, guryaha magaalada  calamaan laga lulay wadooyinka waawayn ee maamulka magaalada jijiga, sido kale maamulada  20ka xaafadood ee maamulka  magaalada jijiga ayaa  kor loo sii qaaday bilicdooda iyada oo boodhadh waawayn oo lagu soo qoray halku dhagyo ka turjimaya guulaha horumarineed ee uu xisbigu soo hooyay iyo  hiigsiga hirgalinta himilooyinkiisa horumarineed ay ku qoran yihiin.

Sidoo kale degmooyinka deegaanka ayaa maalmahanba diyaar garow balaadhan ugu jiray soo dhawaynta iyo u diyaargarowga munaasabadan 18aad ee XDSHSI.

Haddaba munaasabadan sanad guurada 18 aad oo ku beegan 28ka yekatiit 2008TI, ayaa waxay ka turjimaysaa  aas aaskii XDSHSI soonyaalka  taariikheed iyo marxaladihii kala duwanaa  ee uu soomaray XDSHSI,

Wuxuuna sanadihii ugu danbeeyay  XDSHSI u guntaday taabo galinta isbedalka horumarineed, nabadgalyo iyo maamulka saxar tiran  oo damaanad u noqday  shacabwaynaha  deegaanka. Kaasi oo ay ka  go’antahay  gaadhsiinta shacabka deegaanka horumar waara oo dhinaca kasta leh, ka  jawaabida  baahiyaha shacabkeena, kor u qaadida koboca dhaqaalaaha, abuurida ilaha shaqada, la dagaalanka saboolnimada iyo jahliga iyada oo ay hirgalinta qorshayashaasi sal u yihiin ka qayb qalinta shacabka deegaanka. Wuxuuna tir tiray xisbigu sanadihii ugu danbaysay aragtida dulsaarnimada.

MW CMC Iyo Wakhti Xaadirkan

$
0
0

Diridhaba ( Cakaaranews ) isniin, 7da march 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa kaqayb-galkii shirkii horumarka cagaaran iyo nadaafada magaalooyinka ee adhisababa millennium adharaash kadhacay kadib saaka kasoo ambabaxay xarunta dalka ee adhisababa isagoo kacaga-dhigtay xarunta ismaamulka magaalada diridhaba ee Dhire.

Hadaba madaxwaynaha oo wakhti xaadirkan kusugan magaalada diridhaba ayaa kaqayb-gali doona shirka golaha amaanka ee kadhici doona magaalada diridhaba.

 

Munaasabada Xuskii 18aad ee XDSHSI

$
0
0

Jigjiga( cakaaranews ) Isniin 7,da March 2016, Munaasabada xuskii 18aad ee XDSHSI oo ay ka soo qaybgaleen Mw kuxigeenka ahna wasiirka Beeraha iyo Horumarinta khayraadka Dibiiciga ah Marwo Sucaad Axmed Faarax, Mw kuxigeenka ahna Wasiirka Waxbarashada DDSI mudane Mawliid Hayir Xasan, cabinetka deegaanka, Odayaasha, dhalinyarada, Haweenka, dhamaan shaqaalaha heerarkiisa kaladuwan kooxaha fanka iyo suugaanta DDSI iyo waliba martisharafkale ayaa si heersare ah loogu xusay hoolka shirarka ee Sayid Maxmed.

Hadaba munaasabadan XDSHSI ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay madaxwayne kuxigeenka ahna Wasiirka Beeraha iyo Horumarinta khayraadka dabiiciga ah marwo Sucaad Axmed Faarax oo kasoo jeedisay qudbad dhaxalgal ah iyadoo sheegtay in ay 28 magabiit ay tahay maalin aad uguwayn shacabwaynaha DDSI islamarkaana aytahay maalin mudan in laga qisoodo guulaha waawayn ee XDSHSI u horseeday shacabka ddsi maadaama oo uu keenay isbadal horumarineed oo aan la soo koobikarin  iyo mid nabadgalyo iyadoo carabka ku adkaysay in guulaha la gaadhay ay kow ka yihiin ciidamada liyuu poliska oo salka u dhigay nabada iyo horumarka uu degaanku ku naaloonayo maanta. Ugu-dabayna waxay si gaar ah u xustay inuu xisbigu mudnaan siiyay dumarka islamarkaana uu kor u qaaday heerka siyaasadeed iyo kan hogaamineed ee ay ku leeyihiin dalka iyo deegaankaba.

Sidookale waxaa ka hadlay madaxwayne kuxigeenka ahna Wasiirka Waxbarashada mudane Mowliid Haayir Xasan oo si qota-dheer ugu hadlay sooyaalkii taariikheed ee dalku soo maray isagoo xusay dhamaan boqortooyooyinkii  dalka soomaray lagabilaabo boqor Axmed Najaaj ilaa iyo boqor xayle salaase, kaligii taliskii mingiste xayla maryan, islamarkaana kahadlay dhankoodii xumaa iyo dhankooda fiicnaaba. Sidookale waxa uu intaa kudaray inuu degaanku somaray xaalado xun oo ay sabab u ahaayeen maamuladii hore ee deegaanka oo ahaa kuwo aaminsanaa qabiil iyo fikiro aan shacabka dan u ahayn oo ay kamid ahaayeen fikirkii soomaali wayn a iyo sidookale fikiro nabadiidnimo oo garabka ku hayay UBBO iyo Al-itaxaad. Sidookale waxa uu Mw kuxigeenku xusay in XDSHSI uu ku yimid kadib markii ay midoobeen Xisbigii ONLF iyo Xisbigii LEEGADA. Ugu-danabayna waxa uu tilmaamay in XDSHSI  uu maanta yahay mid ay majaraha u hayaan dhalinyar aqoonyahano ah oo aragti hormarineed leh isla markaana meesha kasaaray dhamaan fikiradii xumaa iyo waxyaabo badan oo sabab u ahaa fikiradaa xunxun  oo ay kamid ahaayeen badalida Heesta-Calanka, Astaanta-Calanka, Astaanta-xisbiga, iyo waliba astaanta DDSI, iyo inuu dhaliyo dawlad hormarineed oo ka madax banaan dulsaarnimo, eex, musuq iyo fikiro diciifa.

Waxaa dhankooda kahadlay odayaashii deegaanka oo uu kamid yahay Garaad Kulmiye Garaad Maxamed Garaad Xirsioo siwayn ogu hadlay qiimaha  leedahay 28 magaabiit isagoo xusay inay maalin gaar u ah dhamaan shacabwaynaha DDSI isagoo taabtay xaalada uu degaanku soo maray oo ahayd mid aan hadal lagusoo koobikarin balse aan maanta heysano xisbi ka shaqeeya danta shacabka oo lagu iloobikaro xaaladii xumayd ee degaanku soomaray, waxa uuna intaa kudaray garaadku in ka odayaal ahaaneed ay gabrabtaagan yihiin XDSHSI islamarkaana ay garabtaagnaan doonaan.

Sikastaba ha ahatee waxaa iyana dhankooda si aan inaba caadi ahayn uga qaybqaatay xuska munaasabada XDSHSI kooxaha fanka iyo suugaanta DDSI oo soo bandhigay heeso wadani ah oo katurjumaya waxqabadkii XDSHSI islamrkaana bulshadii kasoqaybgashay ay aad uladhaceen ugunariyaaqeen.

Qurba-joogtii Oo Kalahadhay

$
0
0

Diridhaba ( Cakaaranews ) isniin, 7da march 2016. Tan iyo intii lashaaciyay gudiyadii iyo accountyadii health centerka iyo dugsiga degmooyinka cusub waxaa jira in 12 degmo ay qarafaysi qarka u saaran yihiin meesha ay Degmada Bilcil-buur kanoqotay degmooyinka ugu horeeya dhanka qorshihii uyiilay qurbajoogta maadaama qurbajoogta kasoo jeeda ay yihiin kuwo kadamqanaya sidii uu shacabka degmadoodu uheli lahaa waxbarasho iyo caafimaad.

Degmooyinka aan accountkooda waxba lagu soo shubina waxaa kamid ah:

Gobolka faafan: degmada Haroorays, degmada mula iyo degmada shabeelay

Gobolka jarar: degmada Dig ayaa lala’yahay wax sheegta oo qurba-joog ah

Gobolka qoraxey: degmada ceel-ogaadeen, degmada goglo iyo degmada laasdhankayre ilaa iyo hada qurba-joogtoodii meel ay jaan iyo cidhib-dhigeen waa lala’yahay.

Waxaa intaa kaba sii daran oo layaab mudan degmooyinkii cusbaa ee gobolka Afdheer waa degmada Qooxle iyo degmada God-god oo iyaga wax qurbajoog ah oo danaynaysa aysan jirin.

Gobolka Dhaawa: isagu habayaraatee wax qurbajoog ah oo kahadlaysa lama hayo ilaa hada.

Degmada Boqol-maayo ee gobolka liibaan iyada haba-sheegin.

Gobolka Sittina-degmada Gablalu ayaa wuxuu shaki kujiraa inay sitti kamid tahay iyo in kale, iyo in dadka sitti garanayaan waa sida accountgeeda kamuuqatee.

Gobolka Shabeele: degmada Eleele accountgeedu wuu jiririqlaynayaa.

Gobolka Doolana: degmada Lahel-yucub: marka laga reebo mudane Jamaal Xaaji Siraad oo daacadnimo laxabeebtay accountkeedu waa niil. Waxaaba kasii daran oo lagaran la’yahay meel ay kutaalo iyo qurbajoogta kasoo jeeda degmada Galxamur.

In kasta oo madhnida foodhida accountka degmada Harawo laga fadhi la’yahay hadana waxa accountka ugu jira dib ayaan idiinka soo sheegi doonaa. Waxaa kale oo aan dib idiinka soo sheegi doonaa accountyada degmooyinka xaraaray, waangay, yaxoob, horshagax iyo cayuun waxa ugu jira.

Hadaba degmooyinka aan sare kusoo sheegnay waxaa looga digayaa qarafaysi iyo waryaa alle wax kudhawray. Taasi oo ay kufashilmi doonaan qurbajoogta kasoo jeeda marka laga reebo degmada bilcilbuur oo ay qurbajoogteedu kaalmaha ugu horeeya kujiraan iyo degmooyin fara kutiris ah.

FG: waxaa digniin lasiinayaa gudiyada qaabdhismeedka kujira ee horay loo shaaciyay maadaama ay shaqadoodii gaabisay iyo qurbajoogtii loo xil-saaray. Waxayna iyaga iyo qurbajoogtu mas’uul kanoqon doonaan ceebta katimaada qarafaysiga iyo yaa alle wax kudhawrayda degmada. Waxaana qormadooda lasoo daabici doonaa maalinta Arbacada ah ee inagu soo aadan.

FG: lacag kasta oo la ururiyo balse aan accountka degmada soo galin waxay noqonaysaa mid shaqsiyaad urursaday. cid mas’uuliyadeeda qaadina majirto xataa hadii ay musuq gasho. Marka waxaan kutalo bixinaynaa in cid kasta oo lacag ururisay ay kurido accountkii loogu talagalay.

FG: kooxaha fanka iyo suugaanta ee deegaanka ayaa waxay soo wadaan riwaayad ay kusoo bandhigayaan xaalada qurbajoogta degmo walba iyo siday uga qayb-qaateen dhisida health centerka iyo dugsiga.

FG: waxaa jira shaqsiyaad aan magacyadooda dib idiinka soo sheegi doono oo qurbajoog ah kuwaas oo mutaystay shahaado sharaf ama helaya abaalmarinta qurbajoogta ugu horaysa dhanka kaqayb-galka horumarka deegaanka gaar ahaan degmooyinka cusub.

Wasaarada Isgaadhsiinta Xogaha Casriga ah Ee JDFI

$
0
0

Jigjiga( cakaaranews ) Isniin 7,da March 2016, Wasaarada Isgaadhsinta Xogaha Casriga ah ee JDFI ayaa aas aastay xarun loogu talagalay in lagu bixiyo dhamaan lacagaha biilasha taasoo loogu magacdaray (Lehulu Kifiya)  ama (A bill Payment For All) bixinta biilka adeegyada aasaasiga ah sida korontada iyo  Biyaha.

Hadaba xaruntan cusub ee casriga ah ayaa waxaa xadhiga ka jaray Wasiiru Dawlaha Wasaarada Isgaadhsiinta Xogaha Casrigaha ee JDFI marwo Ifrax Cali Muuse oo sheegtay in xaruntani aythay mid aad muhiim ugu ah dalka islamarkaana ujeedadeedu tahay sidii ay dhamanaanba bulshada dalkeenu ay uheli lahaayeen adeega biilasha sida korontada iyo Biyaha oo casriyaysan. Waxayna intaa kudaratay in xaruntani ay tahay midii ugu horaysay ee dalka lagafuro iyadoo lagafuray magaalada maqale ee Deegaanka Tigreeyga, sidookale waxay wasiiradu xustay in dhawaan lagawada furi doono dhamaan Dawlad Deegaanada dalka.

Ugudanabayna waxa ay wasiiradu tilmaamay in xaruntani ay qayb wayn ka qaadanayso nidaamka maamulka suuban oo ah mid ku salaysan kajawaabida baahida bulshada si ay uhelaan adeeg tayo leh oo dagdag ah.

Degmada Awbare iyo Munaasabada Xuska 18 Jirsatay Ee XDSHSI.

$
0
0

Awbre(Cakaaranews) Isniin, 7da march, 2016, Waxa maanta guud ahaanba si meeqaam sare ah looga xusay deegaanka sanad guurada xuska 18aad ee XDSHSI, waxaana ka mid ahaa meelaha sida wayn looga xusay maanta magaalada awbare ee degmada awbare.

Munaasabadan lagu maamuusayay xuskan  oo ka dhacday barxada wayn ee xarunta maamulka degmada ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta maamulka degmada, odayaasha degmada, haweenka, dhalinyarada, ardayda wax ka barata dugsiyada magaalada awbare  iyo kooxaha hidaha iyo dhaqanka.

Waxaana ugu horayntii la hadlay qaybaha kala duwan ee bulshada gudoomiyaha degmada awbare mudane Maxamed Cabdi Faarax oo sharax dheer ka bixiyay taariikhdii iyo soonyaalkii iyo isbedaladii siyaasadeed dhaqaale  ee uu soo maray xisbigu isaga oo ka warbixiyay gudoomiyuhu guulaha waawayn ee uu soo hooyay shacabka deegaanka kaasi oo tilmaamay ahmiyada ay leedahay xusitaanka munaasabadandhani.

Dhankiisa waxa isaguna ka hadlay munaasabadaasi madaxa arimaha XDSHSI ee degmada awbare mudane Xikam Axmed Khaliif oo ka warbixiyay ahmiyada guulaha horumarineed iyo  nabadgalyo  ee uu soo hooyay XDSHSI kana warbixiyay jihooyinkiisa siyaasadeed horumarineed ee uu hiigsanayo xisbigu.

Qaybaha kala duwan ee bulshada oo ka hadashay munaasabadan xuska 18 jirsatay ayaa sheegay in ay siwayn ugu faraxsan yihiin dabaal daga munaasabadan waxayna hooska ka xariiqeen in ay tahay munaasabadani mid ay xusitaankeedu ku wayntahay quluubta shacabka maadaamo oo uu yahay xisbi ka jawaabay dhamaanba baahiyihii shacabka.

Munaasabadan ayaa intii ay socotay kooxaha hidaha iyo dhaqanka ee xaafadaha magaalada awbare ay ku soo bandhigayeen ciyaaro iyo dhaantooyin ka turjimaya ahmiyada ay munaasabadani leedahay

Degmada Baareey Iyo Xuskii Sanadguurada XDSHSI

$
0
0

Baareey( cakaaranews ) Talaado 8,da March 2016, Munaasabad lagu maamuusayay xuska sanadguurada 18aad ee XDSHSI ayaa kadhacday Damada Baareey ee Gobolka Afdheer  waxaana kasoo qaybgalay dhamaan bulshada qaybaheeda kaladuwan sida hooyooyinka odayaasha dhalinyarada, Ardayda Dugsiyada iyo waliba maamulka degmadaas.

xuska munaasabadan oo laxuso sanadwalba 28 magabiit  ayaa waxay kusoo hagaagtay xili ay shacabka dagmada baareey kujireen dabaaldaga degmooyinka gobolada iyo maamul-magaalooyinka cusub ee kusookordhay DDSI gaar ahaan 2da degmo ee u sookoradhay ka dagmo ahaan.

Hadaba munaasabadan ayaa Waxaa kahadlay kusimaha Gudoomiyaha Degmada ahna Hogaanka Nabadgalyada iyo Maamulka Cadaalada ee Degmada Baareey Calinuur Muuse Cali iyo kusimaha Madaxa Arimaha X.D.SH.S.I ee Degmada baareey Xiis Cabdi Axmed, oo si balaadhan uga hadlay taariikhdii xisbiga iyo waxqabadkiisa islamarkaana isbarbardhigay xaaldihii dhibaatada badnaa ee uu deegaanku soomaray, iyo xaalada uu manta kusuganyahay. Sidookale waxay masuuliyiintu tilmaameen in guulaha Horumarineed, Nabadgalyo iyo Maamulka-suuban ee uu XDSHSI keenay ay tahay mid aan la inkiri Karin ilaahayna ay ugu mahadcelinayaan.

Sidookale waxaa dhankooda kahadlay odayaal-dhaqameedka hooyooyinka iyo dhalinyarada oo sheegay in 28 magaabiit ay tahay maalin aan la ilaawi Karin islamarkaana kuwayn dhamaan bulshada deegeenka maadaama oo  X.D.SH.S.I uu yahay  midka keenay nabada iyo horumarka kahanaqaaday deegaanka.


Shirkii Golaha Amaanka Oo Furmay

$
0
0

Diridhaba( Cakaaranews ) Talaado, 8da march 2016, madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa saaka hoolka shirarka ee Samrat huteel kafuray shirkii golaha amaanka ee deegaanka oo kadhacay magaalada diridhaba.

Shirkan ayaa waxaa kasoo qaybgalay mas’uuliyiinta hay’adaha amaanka oo ay kamid yihiin janaralka ciidanka difaaca qaranka qaybta koonfur bari mudane janaraal Abraham woldemariam, janaraalka guud ee ciidanka gaarka ah ee DDSI mudane Cabdiraxmaan Cabdulaahi Buraale, gudoomiyeyaasha gobolada, hogaamada nabadgelyada iyo taliska kifladoorada.

Hadaba madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo furay shirkan ayaa sheegay in ugu horayn ay muhiim tahay in laga warbixiyo halka ay marayaan qorshayaashii nabadgelyo ee fadhigii hore lagu kala qaatay iyo xaalada guud ee nabadgelyada deegaanku halka ay marayso gaar ahaan dhanka sii xoojinta nabadgelyada xuduudaha dalkeena.

Kadibna, waxaa halkaa la iskula qaatay in 100% ay xaalada nabadgelyada dalka iyo ta deegaankuba ay taam yihiin iyadoo aysan meesha kabaxsanayn in halka ay maanta taagan tahay laga sii sare mariyo oo had iyo jeer adkaynta nabadgelyadu noqoto mid loo taagan yahay.  

Ugudanbayna, shirkan golaha amaanka oo ah shir xiliile ah oo lagu qiimeeyo xaalada nabadgelyada deegaanka iyo ta dalkaba ayaa lafilayaa in uu niska danbe ee maanta uu kusoo gabagaboobo guulo wax ku ool ah oo lataaban karo.

 

 

Tababar Loo Qabtay Qaarkamida Shaqaalaha Xafiisyada Heer-Deegaaan

$
0
0

Jigjiga( Cakaaranews )Talaado 8,da March 2016, Tabaabar uu soo agaasimay Xafiiska Adeega shacabka iyo Kobcinta Maamulka DDSI islamarkaana ujeedadiisu ahayd kobcinta aqoonta shaqaalaha ee dhanka Barnaamijyada Dib-uhabaynta Shaqo (Public Service Reform Progrms) ayaa maanta kabilawday kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI.

Tababarkan oo ay kasoo qaybgaleen shaqaale kabadan 60, xubnood oo ka kalayimid haayadaha dawliga ah ee heer deegaan ayaa waxaa furitaankiisii  ugu horayn ka hadlay Wasiirka Adeega Shacabka iyo Kobcinta Maamulka DDSI marwo Maajida Maxamed Maxamud oo si qodo dheer uga hadashay ujeedooyinka tababarkan iyadoo sheegtay in tababarkan uu yaay mid ay shaqaaluhu ku baran doonaan barnaamijyada dib uhabaynta shaqo sida Barnaamijka looyaqaano Axdig-Muwaadimiinta, Ciidanka-Horumarka, ilaha dulsaarnida iyo sidii loola tacaali lahaa. Sidookale waxa ay wasiiradu xustay in tababarkan lagu baran doono casharo la xidhiidha Maamulka suuban.

Ugudanbayna waxay wasiiradu kuladardaaranatay shaqaalaha in ay casharada sifiican uqaataan islamarkaana marka uu tababarku dhamaado uu shaqsi kasta oo kamid ah uu xafiiskiisii u gudbiyo cilmigii uu baratay.

Sikataba ha ahaateee waxaa iyana dhankooda kawaramay shaqaalihii tababarka qaadanayay oo sheegay inay casharo muhiima baranayaan oo kusaabsan shaqada iyo qanaca bulshada.

Xuska Sanadguurada Maalinka Haweenka ee 8,da March

$
0
0

Qabridahar( cakaaranews ) Talaado 8,da March, 2016, Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo kusaabsan Xuska Sanadguurada Maalinka Haweenka Aduunka islamarkaana laga xusayo Maanta dhamaan dunida daafaheed ayaa kadhacday Xarunta Gobalka Qoraxay ee Magaalada Qabridahar.

Munaasabadan ayaa waxaa hadalo kasoojeediyay masuuliyiinta kala ah Kusimaha Maayorka Maamulka Magaalada Qabridahar mudane Maxamed Isaaq, Kusimaha Gudoomiyaha Gobalka ahna Madaxa Arrimaha Xisbiga Gobalka mudane Axmed Yaasiin iyo waliba Kusimaha Madaxa Xafiiska Arrimaa Haweenka iyo Caruurta  marwo Ardo Urur, waxayna tilmaameen in ay maalinkani tahay maalin mudan in la xasuusto sanad walba 8,da March islamarkaana lagaga hadlo hormarka deegaanka iyo doorka ay kuleeyihiin haweenku sidookale waxa ay sheegeen in haweenku sanadihii udanbeeyay ay si aad usaraysa uga dhaxmuuqdaan hogaaminta sare ee deegaanka iyo waliba golaha baarlamaanka iyagoo aad ugu mahadceliyay XDSHSI ee talada deegaanka haya.

Sidookale waxaa xuskan iyana dhankooda kahadlay hooyooyinkii iyo ururadii haweenka ee kasoo qaybgalay xuskan iyagoo sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin xuskan islamarkaana carabka ku adkeeyeey faa iidooyinka ay haweenku u leeyihiin bulsho walba oo wadan ku nool.

Sikastaba ha ahaatee waxaa xusid mudan in xuskan maalinka Haweenka ee 8,da March lag xusay meelo kaladuwan oo kamida DDSI sida Caasimada DDSI ee Magaalad jigjiga.

MW CMC Oo Caga-dhigtay A.A.B.I.A

$
0
0

Adhisababa ( Cakaaranews ) Arbaco, 9ka march 2016, Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar   ayaa shirkii golaha amaanka ee shalay lagu soo gabagabeeyay magaalada diridhaba kadib saaka uga soo ambabaxay dhanka xarunta dalka ee adhisababa isagoo soo cagadhigtay gagida diyaaradaha caalamiga ah ee addis-ababa bole international airport.

 

Accountka Harawo Oo Daawaha Kusocda

$
0
0

Jigjiga ( Cakaaranews ) Arbaco, 9ka march 2016. degmada harawo, galxamur, boqolmaayo, goglo, shabeelay, ceel-ogaadeen, m.m.qabribayax iyo waliba m.m.wajaale, gobolka dhaawa, iyo gobolka sitti ayaa kamid ah degmooyinka, maamul-magaalooyinka iyo gobolada  accountgoodu daawaha kusocdo.

Qurbajoogta kasoo jeeda degmada harawo ayaa marka ay xukuumadu ubaxdo wadamada qurbaha ah waxay kamid yihiin dadka ugu daf-dafta badan ee lamaqlo iyagoo dhahaya ‘‘harawo ama dharwanaaje ayaan kasoo jeednaa’’ balse maanta accountkii degmada harawo ee health centerka iyo dugsiga daawaha ayuu kusocdaa. Shacabka reer harawo ee qaran joogta ah ayaana kaxanaaqsan foodhida accountka.

Waxaaba kasii daran, accountka degmooyinka qurajoogta kasoo jeeda gobolka Sitti oo horay udhihi jirtay ‘real estate baan dhisaynaa’ ayaa markii layidhi health center iyo dugsi usoo dhisa degmooyinka cusub ee gobolka oo ay running costga dawladu bixinayso ayaa shir ay yeesheen mudo 3 bari ah kadib waxay accountka kusoo shubeen 50 dollar.

Sdioo kale, qurajoogta gobolka dhaawa oo sheegayay inay kufaraxsan yihiin gobolka cusub iyo degmada qadhaadhumo ayaa kadib markay lacag noqotay lagu dhiso health centerka iyo dugsiga yidhi ‘‘anagu magaranayno’’oo dafiraad keenay. Taas oo kaxanaajisay shacabka qaran joogta ah ee kasoo jeeda gobolka iyo degmadaba oo leh anagaa dhisayna balse dawladu way kadiiday maadaama oo qurbajoogta lagu kala saarayo.

Gobolka Liibaan iyo degmada boqolmaayo iyaga xisaabtaba hakudarin. Xataa soo hadal qaad malaha. In loo maqan yahayna mafilayno. Balse, war aan xaqiiqadiisa lahubin ayaa tibaaxaya in nin England jooga uu accountka kuriday 6 doolar oo udhiganta in kayar 200 oo birr.

Oohinta, ilmada iyo baroorta kadhacaysa accountka degmada Galxamur ayaa waxay indhuhu lacasaadeen shacabka reer bookh. Arintan ayaana ah sheekada ugu hadal hayska badan ee taala magaalada jigjiga.

Degmada kudunbuur ayaa iyada wuxuu shaki kujiraa inay kamid tahay gobolka qoraxey iyo in kale. Degmada kudunbuur iyo degmada Shabeelay ayaana noqonaya degmooyinka ugu taageero hooseeya. In kasta oo degmada Shabeelay ay kahorayso degmada kudunbuur.

Degmada Ceel-ogaadeen iyada wax sheegta oo qurbajoog ah waa lala’yahay ilaa hada. Xataa wax teleefan soo diray oo kahadlaya degmada majiro.

Waxaase layaab iyo yax-yax mudan oo ilaa hada meel ay jaan iyo cidhib-dhigeen lala’yahay qurbajoogta kasoo jeeday degmooyinka gobolka afdheer ee God-god iyo Qooxle. Habayaraatee, wali wax accountkooda kusoo dhacay iyo cid shirkada kala soo xidhiidhay toona majiraan. Waa sida uu xisaabiyaha shirkadu usheegay shabakada Cakaaranews. Waxaaba la is waydiinayaa wax qurbajoog ah oo kasoo jeeda malaha miyaa.

Dhanka kale,  accountka maamulka magaalada qabribayax madhnidiisa ayay qaxootigu kafadhi la’yihiin iyadoo qayladiisuna buuraha gurayska gaadhay. hal shaqsi ah oo qurbajoog ah oo wali kahadlayna majiro.

Maamulka magaalada wajaale isaga haba-sheegin. Wuxuuna noqday maamulka magaalda ugu taageeraha yar. Accountkeeduna wuu qiiqayaa. Daawaha ayuuna kusocdaa.

Waaxda Damaanad Qaadka Cuntada Oo Degmooyinka U Dirtay Kooxo

$
0
0

Jjgjiga (Cakaaranews ) Arbaco, 9ka march 2016, Xafiiska beeraha iyo horumarinta khayraadka dabiiciga ah geedisocodkiisa Damaanad-qaadka cuntada ayaa 3 kooxood u kala diray 28 degmo oo uu kashaqeeyo mashruuca  shabakada wax-soosaarka  cuntada (PSNP)

Hadaba  kooxahan u baxaya degmooyinka ayaa waxaa shabakada cakaaranews uga waramay Gadhwadeenka Geedi-socodka Damaanad-qaadka Cuntada mudane Lubi Axmed Kaariye isagoo sheegay in kooxahan loo dirayo 28 degmo oo uu kahawl-galo mashruucu si ay uga soo bixiyaan tababar ay ujeedadiisu tahay  sahlida isticmaalka qaadashada lacagaha iyo raashinka bulshada kafaaiidaysata mashruuca (Beneficiaries).

Waxa uu agaasinku intaa kudaray in kooxahan shaqadoodu ay tahay inay ka soo hirgaliyaan 28 degmo softewerka loo yaqaano Payrol Attendence Sheet (PAS) kaasoo sahlaya bixinta raashinka, islamarkaana tababarkan lasiinayo xirfadlayaasha hawl-wadeenada ah ee mashruuca (PSNP)

Ugu danbayna waxa uu agaasinku kula dardaarmay kooxaha inay tababarkan si fiican oo wadaninimo leh usoo bixiyaan si fiicana u fahansiiyaan xirfadlayaasha hawl-wadeenada ah ee qaadanaya cashirka, waxa uuna agaasinku hadalkiisa ku gabagabeeyay in tababarkan uu aad mihiim u yahay maadaama mashruucu uu marayo wajigii 4aad.

GO’AANKA SHIRKADA KAAH

$
0
0

Adhisababa ( Cakaaranews ) Arbaco, 9ka march 2016. Waxay xukuumada DDSI iyo XDSHSI soo dhawaynayaan uguna mahadcelinayaan go’aanka uu gaadhay maamulka sare ee xawaalada KAAH ee lacagta khidmada ah lagaga dhaafayo lacagaha ay qurbajoogta deegaanka kasoo jeeda kusoo dirayaan accountyada iskuulka iyo health centerka degmooyinka cusub looga furay xawaalada.

Hadaba, maamulka sare ee xaawalada KAAH ayaa dhankooda sheegay inaysan marnaba kahadhaynin kaalinta kaga aadan horumarinta deegaanka iyagoo lacagaha taageerada ah ee lagu soo dirayo accountyada health centerka iyo dugsiyada degmooyinka cusub kadhigay zero commision’’  


ISKUDAY Qaybtii 4,aad

$
0
0

Jigjiga( cakaaranews ) Arbaco 9ka March 2016, Fadlan adigoo kaashanaya, korodhsanayana aqoonta aad u leedahay guud ahaan dalkeena itoobiya gaar ahaana deegaankeena ISKUDAY inaad kajawaabto su’aalahan hoos kuqoran. Kadibna kuguulayso abaal marin.

Hadaba, wakhtiga loo cayimay kajawaabida su’aalahan waa 7maalmood oo kabilaabanaysa maanta oo Ay taariikhdu tahay 9ka March. Kuna eg 16ka March2016 Waxaadna  kadib cidii kuguulaysatay iyo jawaabihiiba aad kalasocotaan www.cakaaranews.com habeenka Axada ah ee 19ka March 2016

NB. Abaal-marinta waxaa kuguulaysan:

·          Qofka kajawaaba dhamaan su’aalaha.

·          Cidii kajawaabta wakhtiga lacayimay kahor ayaa mudnaanta leh

Su’aaluhuna waa sidan:

  1.  Sheeg tirada iyo magacyada Wabiyada Deegaanka mara ?
  2.  Sheeg demagada deegaanka ugu iskuulaadka badan  iyo degmada deegaanka ugu dugsi sare badan ?
  3.  Doorashadii 1994 tii dhamaadkeedi ee ka dhacday deegaanka imisa dagmo ayay ka dhacday? Imisa xildhibaan ayaana laga soo doortay?
  4.  Socdaalkii UBBO-Quusis ee Mw CMC kusoo maray deegaanka imisa gobal ayuu ku soo maray? Kuwayse kala ahaayeen?
  5.  Dagaalkii xunayn imisa ayay ahaayeen tirade asxaabta iyo tirada gaaladu labadaba?
  6.  Sheeg dagaalkii ugu horeeyay ee uu galay asxaabigii loogu magacdaray seeftii ilaahay ee Khaalid Binu –Waliid?
  7.  Sheeg ninkii gaalka ahaa ee wakhtigii Nabiga N.N.K.H ilaahhay quraanka ku sheegay inuu diradiraa waliba Garac ah yahay?
  8.  Sheeg tirada qoomiyadaha ee wada-dagan deegaanka Dhabuub ama deegaanka koonfureed (SNNPR)?
  9.  Sheeg ciyaaryahankkii ugu goolasha badnaa tartankii ugu danbeeay ee kubada cagta ee looqabtay sagaalka gobal iyo Afarta Maamul Magaalo?
  10.  Sheeg magaca buurta ugu dheer itoobiya, deegaanka ay ku taalo iyo waliba inta ay kasarayso sinaanta bada  (Above the Sea Level)

F.G. fadlan akhristayaashu maskaxada ha kuhayaan in ay jawaabahooda kusoodiraan  message ahaan barta aan facebook kuleenahay ee www.facebook.com/cakaaranewsface ama E-mailkan cakaarainfo@gmail.com . Hadaba fadlan yaysan jawaabuhu idin kanoqonin  mid lawada arkayo kadib marka barnaamijka iskuday aad ku aragtaan pageka facebooga ee Halagu soodiro ciwaanada korkaku xusan. Aad ayaan ugu- mahadcelinaynaa macaamiisha tirada badan ee kuxidhan Barnaamijkan ISKUDY.

 

 

 

 

Qaarkamida Shaqaalaha Xafiisyada Heer-Deegaaan Oo loo Soo Xidhay Tababar

$
0
0

Jigjiga( Cakaaranews ) Arbaco 9,ka March 2016, Tabaabar u socday mudo 2 maalmood shaqaale kabadan 60, xubnood oo ka kalayimid Hay’adaha Dawliga ah ee heer Deegaan islamarkaana ujeedadiisu ahayd kobcinta aqoonta shaqaalaha ee dhanka Barnaamijyada Dib-uhabaynta Shaqo (Public Service Reform Progrms) ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI.

Hadaba xidhitaankii Tababarkan ayaa waxaa hadalo muhiima kasoojeediyay Wasiirka Adeega Shacabka iyo Kobcinta Maamulka DDSI marwo Maajida Maxamed Maxamud oo si faahfaasan uga hadashay faa'iidooyinkii tababarka iyo casharadii ay kubaranayeen ee ay kamid ka ahaayeen barnaamijyada dib uhabaynta shaqo iyo maamulka suuban. Sidookale waxa ay wasiiradu kula dardaarantahay shaqalihii tababarka qaatay inay xafiisyadii ay kayimaadeen ka saxaan kuwa dhaliisha kaleh dhanka barnaamijyada sida barnaamijka Axdiga-Muwaadimiinta oo ah mid larabo in xafiiskasta ay kamuuqato ku shaqayntiisa, waxaakale oo ay tilmaantay in xafiisyada uu kawada hirgalay barnaamijku ay siiwadaan dadaalkooda.

Sikataba ha’ahaatee waxaa iyana dhankooda kawaramay shaqaalihii tababarka qaatay oo sheegay in ay casharo muhiima barteen  oo kusaabsan  hirgalinta barnaamijyada dib uhabaynta shaqo islamrkaana u mahad celiyay macalimiintii bixinaysay casharada, sidookale waxay sheegeen in ay waxyaabaha ka dhiman xafiisyadooda ee dhanka barnaamijyada Dib-uhabaynta shaqo sida axdiga muwaadimiinta ay ka hirgalinayan hay’adihii ay ka kala yimaaden.

RW kuxigeenka Dalka, MW CMC iyo Canfarta

$
0
0

Samara ( Cakaaranews ) Khamiis, 10ka march 2016, wafti balaadhan oo uu horkacayo raisal wasaare kuxigeenka JDFI mudane Dhamaqe Mokenin oo ay weheliyaan wasiirka arimaha Federalka iyo Horumarinta xoola dhaqatada mudane Kassa Tekleberhan, madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo hogaaminta dawlada deegaanka binishangul, gambella iyo marti sharaf kale ayaa saaka kasoo ambabaxay xarunta dalka ee adhisababa iyagoo kadagay gagida diyaaradaha ee xarunta deegaanka canfarta ee samara.

Kadib waxaa toos loogu dhaqaaqay kormeer indha-indhayn ah oo lagu soo maray biyo-xidheenka wayn ee kuyaala magaalada Loogiya, goobaha dib udajinta lagu sameeyay, warshada ugu wayn waxsoosaarka sonkorta ee Tandhaaho oo ah heer caalami, dhulka masnada beeraha ee wabiga awash kugarab yaala oo ay kabaxeen waxsoosaarka quwaax qasabka warshada loo beeray, cawska calafka xoolaha iyadoo kadibna lagu soo laabtay xarunta deegaanka canfarta ee samara.

Nasasho qado yar ah kadibna, waxaa lagalay shirkii qiimaynta waxqabadka 6dii bilood ee lasoo dhaafay ee kililada taageerada gaarka ah lasiiyo oo kala ah: deegaankeena, canfarta, gambella iyo binishangul.

  

Deegaanka Canfarta Iyo Qiimayntii Kililada

$
0
0

Samara ( Cakaaranews ) jamce, 11ka march 2016. Waxaa saaka si rasmi ah uga furmay xarunta deegaanka canfarta ee samara gaar ahaan hoolka shirarka Agdha and Resort Huteel shirkii qiimaynta waxqabadka kililada taageerada gaarka ah lasiiyo 6dii bilood ee lasoo dhaafay.

Hadaba shirkan oo uu hogaaminayay raisal wasaare kuxigeenka JDFI mudane Dhamaqe Mokenin, wasiirka wasaarada arimaha federalka iyo horumarinta xoolo-dhaqatada mudane Kassa Tekleberhan oo saaka si rasmi ah u furmay ayaa galinkii hore ee maanta dhagaystay warbixinada 3 dawlad deegaan oo kala ah: deegaanka canfarta, deegaanka soomaalida iyo deegaanka Gambella iyadoo galinka danbe ee maanta ladhagaysan doono warbixinta deegaanka Binishangul. waxaana ilaa iyo haatan dhanka waxqabadka ugu horeeya deegaanka soomaalida itoobiya.

Ugudanbayna, shirkan qiimaynta waxqabadkii 6da bilood ee kililada taageerada gaarka ah ay dawlada dhexe siiso ayaa lafilayaa inay kasoo bixi doonaan guulo wax ku ool ah oo taabagala.

Kulan lagu Qiimaynayay Tayaynta Adeega Caafimaadka Oo La Soo Gabagabeeyay.

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) jimce 11ka, March,  2016 Kulan lagu  qiimayay  waxqabadka  lixdii bilood ee  dhinaca adeega caafimaadka oo uu soo diyaariyay xafiiska caafimaadka loona hayay   hay'adaha bah-wadaagta ay  yihiin xafiiska caafimaadka DDSI  ayaa lagu soo gabagabeeyay caasimada deegaanka ee Jigjiga.

Kulankan oo muddo laba maalmood ah socday  ayaa waxa ay ujeedadiisu  ahayd in la qiimeeyo wax qabadka hay'adaha bah-wadaagta la ah xafiiska caafimaadka DDSI ee 6dii bilood ee la soodhaafay, gaar ahaan wax ka qabadka xaaladaha caafimaadka deg-dega ah (Health and nutrition emergency response projects) iyo in la isla meel dhigo fahan midaysana laga qaado hirgalinta jihooyinka  qorshaha caafimaadka 5ta sano  (Health Sector Transformation Plan).

Kulankaa oo ay hogaaminayeen masuuliyiinka socday xafiiska caafimaadka ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta hayada ay ka mid yihiin  SCI, IRC, MC, MSF-HOLAND,  MSF-Spain, SOS, ICAP,  Kuwa UN ta ah sida; WHO, UNICEF, iyo waliba  OWDA, PC, ACPA.

Isku dugaha guud ee mashruuca hoos u dhiga dhimashada hooyada iyo dhalaanka ee xafiiska caafimaadka DDSI mudane Shaafici Daahir Muuse oo ka hadlay soo xidhitaankii kulankaasi ayaa sheegay in kulankani intii uu socday ay hay’adahani soo bandhigeen warbixinta waxqabadka  dhinaca adeeg bixinta caafimaadka ee ay hay’adahani fuliyaan gaar ahaan waxqabadkii 6 bilood ee aan soo dhaafnay. Sidoo kale waxa uu sheegay masuulku in jihooyin midaysan laga qaatay fulinta  qorshaha caafimaadka ee shanta sano.

 

 

Viewing all 304849 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>