Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all 304849 articles
Browse latest View live

Degmada Mustaxiil Iyo Dajinta Xoolo Dhaqato-Beeralayada

$
0
0

Mustaxiil( Cakaaranews )Talaado 29ka March 2016, Walaw oo ay degmada mustaxiil kamid tahay degmooyinka uu maro wabiga shabeele islamarkaana ay ka hirgashay dajinta xoolo dhaqato beeralaydu ayaa hadana waxaa si habsami leh uga socota dajinta qoysakii,  diyaarinta dhul beeraadkii iyo waliba kanaaladii biyaha ahaa ee waraabka beeraha cusub.

Gudoomiyaha Degmada Mustaxiil Mudane Daahir Cismaan Sagal oo u waramay shabakada wararka ee cakaaranews ayaa sheegay in dhanka dajinta bulshada ay degmado qaaday talaabooyin muhiima oo ku dayasho mudan maadaama oo uu qorshihii dajinta degmadu ahaa 280 qoys in ladajiyo sanadkan 2008 islamarkaana ay ku guulaysteen in sanadkan ay dajiyaan qoysas tiradoodu kor u dhaafayso 709 qoys iyad oo qoysaskaasna lakaladajiyay 11ka  qabalee eek ala ah Godcaro, Faguug, Sadexbaar, Kobane, Mirdhis, Qaboobe, Eyoole, iyo waliba qabalaha Faruq.

Dhanka kale waxa uu masuulku xusay in iyana ay jiraan mashaariico sanadkan dhamaaday kuwaasoo kala ah Ceel-gacmeedyo laga kala fuliyay centerada dudumo qaris iyo sadexbaar

Ugudanabayna waxuu tilmaamay Gudoomiyuhu in ay bulshadu aad u fahantahay faa’iidooyinka xoolo dhaqato beeralayda kadib markii kuwii ugu horeeyay ee ladajiyay ay aragtay bulshadu sida ay uga faa iideen wax-soosaarkoodii, ayay bulshada inteedii kalana ay kudayanaysaa.


Xaflada Gota Biki

$
0
0

 

 

 

Gota biki (Cakaaranews) Talaado 29ka March 2016 Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay kasoo qayb galeen masuuliyiin heer deegaan ah oo uu hor kacayay madaxa arimaha siyaasada XDSHSI mudane cumar maxamuud cabdi,  mayarka maamulka Magaalada dire dawa mudane ibraahim cismaan faarax, wasiirka xafiiska dhalinyarta iyo ciyaaraha ddsi mudane maxamed bile, maamulka gobolka siti, ayaa si heer sare ah uga qabsoomtay  degmada cusub ee goota biki ee gobolka siti.

Hadaba xafladan oo ay kasoo qayb galeen bulshada qaybaheeda kala duwan sida odayaasha, haweenka, Dhalinyarta, iyo marti sharaf kale ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay madaxa xarunta dhexe xdshsi    Mudane cumar oo sheegay in degmadani ay kamid tahay 25kii degmo 2dii gobol iyo 2dii mm ee Dhawaan lagu ansixiyay kalafadhigii ugu danbeeyay barlaamanka waxa uuna masuulku u hambal yeeyay Shacabka ku dhaqan degmada cusub ee gota biki isagoo ku dhiiriyay inay horumariyaan degmada garab Joogsadaana xukuumada ddsi .

Ugu danbayna waxa uu masuulka iyo masuuliyiinta kale ee wehelinayayba ay si wada jir ah u dhagax dhigeen mashaariico horumarineed oo kala duwan

Sidoo kale waxa iyana dareenkooda ka hadlay qaar ka mid ah bulshada degamada iyagoo sheegay inay Aad ugu faraxsanyihiin degmada cusub ee gota biki soona dhaweyeen dhamaan 25kii degmo 2dii gobol Iyo 2dii mm ee dhawaan lagu ansixiyay kalafadhigii ugu danbeeyay barlaamanka waxayna balan qaadeen inay xdshsi ay horay u garabjogeen hadana garabtaagnaan doonaan.

 

 

 

La dagaalanka Caadoyinka Xun xun.

$
0
0

Ceelkari(Cakaaranews) talaado, 29ka March, 2016 waxaa lagu soo gabagabeeyay  magaalada Ceelkari ee xarunta degmada ceelkari  gobolka afdheer tababar ay ujeedadiisu ahayd  la dagaalanka iyo dabar goynta  caadooyinka  xun-xun.

Tababarkaa oo uu soo agaasimay xafiiska arimaha haweenka iyo caruurta ee degmada ceelkari ayaa waxa loo  qabtay  323 qof oo ka socday 15 qabalee oo ka mid ah degmada ceelkari kuwaasi oo iskugu jiray   dhalinyaro, haween culimo awdiin iyo waxgarad iyada oo ay  soo xidhitaankii tababarkaasi ay ka  soo qayb-galay masuuliinka socday maamulka gobolka, iyo masuuliyiinta degmada ceelkari.

Tababarkaasi oo socday mudo todobaad ah,  ayaa waxa  xidhitaankiisii  ka hadashay    Madaxa xafiiska  arimaha haweenka iyo caruurta ee degmada ceelkari  marwo Suufiya Xaaji oo sharax dheerka bixisay dhibaatooyinka ay leeyihiin caadooyinka xun-xun ee soo jiraanka ah gaar ahaan dhibaatooyinka ay ku hayaan haweenka  sida gudniinka fircooniga ah iyo guurka deg deg ah. Waxayna ka warbixisay jihooyinka iyo  qorshayaasha u dajisan xukuumada DDSI ee  lagu cidhibtirayo caadooyinka xun xun iyada oo ku boorisay ka qaybqaatayaashii tababarkan in ay sidii loogu talagalay u fuliyaan  cilmigii ay ku barteen mudadii uu tababarku socday.

Buur-cukur Iyo Qoysas Ka Qalinjabiyay 16ka Xidhmood Ee Fidinta Caafimaadka

$
0
0

Buurcukur( cakaaranews )Talaado 29ka March 2016 Qoysas tiradoodu kabadan tahay 200 oo qoys islamakaana baranayay mudo 4 bilood ah 16ka Xidhmood ee Fidinta Caafimaadka qoyska, tababarkuna uu uga socday Centarka Buurcukur ee hoostaga Degmada Feerfeer ayaa maanta xafladii qalin-jabintoodu ay ka dhacday isla centerka Buur-cukur.

Hadaba xafladan ayaa waxaa kasoo qaybgalay Gudoomiyaha degmada Feerfeer mudane Maxamed Khadar Faarax, madaxa Xafiiska Caafimadka degmada Feerfeer Cawaale axmed mursal, madaxa Xafiska Arimaha Haweenkadegmada Feerfeer Canab Cabdi Samad oo dhamaantood sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin kasoo qaybgalka xafladan qalinjabinta ah iyagoo u hanbeelyeey qoysaskii ka qalinjabiyay islamrkana kula dardaarmay inay cilmigii ay barteen ay gaadhsiiyaan qoysaskii kale ee aan fursadan helin

Dhanka kale gudoomiyaha degmada Feerfeer mudane Maxamed Khadar Faarax ayaa qalinjabiyaashii gudoonsiiyay shahaado cadaynaysa waxbarashadoodii iyo mudadii ay baranayeen

Ugudanbayana waxaa dhinacooda kahadlay qaarkamida hooyooyinkii qalinjabiyay oo sheegay inay aad ugufaraxsanyihiin qalinjabinta ay ka qalinjabiyeen 16ka xidhmood ee fidnta caafimaaka waxayna tilmaameen inay sii gaadhsiinayaan qoysaska aan fursadan helin.

MW CMC Oo Furay Shirkii Golaha Amaanka

$
0
0

Jigjiga( Cakaaranews ) Arbaco, 30ka march 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa saaka furay shirkii golaha amaanka ee deegaanka oo kaqabsoomay hoolka shirarka ee xarunta madaxtooyada.

Shirkan ayaa waxaa kasoo qaybgalay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, dhamaan hay’adaha amniga ee deegaanka oo uu ugu horeeyo wasiirka xafiiska nabadgelyada, maamulka iyo cadaalada mudane Yaasiin Cabdi Waris, gudoomiyeyaasha gobolada deegaanka, talisyada kifladoorada ciidamada difaaca qaranka koonfur bari iyo wafti balaadhan oo Somaliland kasocotay oo uu hogaaminayo wasiir kuxigeenka wasaarada arimaha dibada somaliland mudane Maxamed Yuusuf Diiriye.

Hadaba, madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo si rasmi ah u furay shirkaas ayaa ugu horayn soo dhaweeyay dhamaan mas’uuliyiinta kasoo qaybgalay shirka gaar ahaana waftigii kasocotay Somaliland isagoo kahadlay dhanka abaarta ay keentay isbadalka cimilada ee roob la’aanta oo saamaysay meelo badan oo dunida ah oo ay kamid yihiin deegaankeena iyo somalilandba. Wuxuuna madaxwaynuhu sheegay inay jiraan 10 gaadhi oo calafka xoolaha deegaankeena kasoo go’ay sida oo ah deeq loo diyaariyay xoolaha xuduuda labada dhinac kunool iyo waliba xoolaha Somaliland labadaba si aysan abaartu u waxyeelaynin.

Sidoo kale, madaxwaynaha ayaa sheegay in shirka oo sii socon doona lagu lafa-guri doono ajandayaashii dhanka sii xoojinta xaalada nabadgelyada xuduudaha iyo kor uqaadida xidhiidhka labada dhinac.

Si kastaba ha ahaatee, shirkan golaha amaanka ee kafurmay xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga ayaa lafilayaa inay kasoo bixi doonaan guulo wax ku ool ah oo sii xoojiya nabadgelyada iyo horumarka shacabka labada dhinac.  

Degmada Baareey Iyo Mashaariicaha Dhamaaday

$
0
0

Baareey( Cakaaranews )Arbaco 30ka March 2016, Waxaa si habsami leh looga dhamaystiray degmada baareey ee gobalka afdheer Mashaariic dhismo oo ay kamidyihiin biyo xidheen wayn, Ceelal, iskuulo, iyo waliba Rugo Caafimaad islamarkaana laga kaladhisay qabaleeyada hoosyimaada Degamada.

Hadaba Gudoomiyaha Degmada Baareey mudane Axmed-daahir Cabdi Amaan oo u waramay shabakada wararka ee cakaaranews ayaa sheegay in sanad miisaaniyadeedkan 2008 laga dhamaystiray Degmada Baareey mashaariicaha ay kamid ka yihiin  biyo xidheen wayn oo laga dhisay tuulada Guuleed iyo 2 ceel biyood oo laga kala sameeyay Tuulooyinka kuyaala xuduudaha ee kala ah Ceel-Dhuub  iyo SIrsire.

Sidookale waxa uu gudoomiyuhu xusay in ladhamaystiray Rug caafimaadka Xoolaha (Animal Health Post) islamarkaana laga dhisay qabalaha  Faruq iyo sadex iskuul oo laga dhisay qabaleeyada kala ah Dhancadii, Ceel-xare, qabalaha Daruur Masala-aduun iyo waliba qabalaha waydaal oo isagana laga dhisay Rug caafimaadka dadka ah (Human Health post)

Waxuuna masuulku hadalkiisii ku gabagabeeyay in mashaaricahan lagu dhisay miisaaniyada dagmada iyo waliba mashruuca Hormarinta Xoolodhaqatada ee PCDP.

 

War deg-deg ah: Magacaabis Cusub

$
0
0

Jigjiga( Cakaaranews ) Arbaco, 30ka march 2016. Waxaa saaka Xafiiska Kahortaga  iyo Xakamaynta AIDSka DDSI loo magacaabay marwo xildhibaan Kaamil Axmed Nuur  oo ah muwaadin u dhalatay deegaanka ahna gabadh heerka aqoonteedu tahay Master baratay cilmiga maaraynta. Lehna karti, khibrad dheer oo shaqo iyo bisayl siyaasadeed iyo mid hogaamineedba.

 

Jawaabaha Su'aalahii Iskuday Qaybtii 5aad

$
0
0

Jigjiga ( Cakaaranews ) Arbaco 30ka March  2016 Waxaan akhristayaasha sharaftaleh wargalinaynaa in ay akhristaan jawaabaha su’aalihii  kabaxay barnaamijka ISKUDAYQaybta 5aad ee shabakada cakaaranews habeenkii Arbacada ahaa ee 23ka March 2016.

F.G waxaan u mahadcelinaynaa dhaman akhristayashii iskudayay islamarkaana kajawaabay su’aalaha qaarkood, maadaama shuruudaha shilimaadku ahaa in laga wada jawaabo dhamaan su;aalaha, iyo qofka uga hor jawaaba, waxaan u rajaynaynaa inay kajawaabi doonaan su aalaha barnaamijyada danbe.

Hadaba yaa ku Guulaysatay Shilimaadkii ISKUDAY Qaybteedii 5aad, Talaw yuu noqon Doonaa ?

A) Waxaa ku guulaystay shilimaadka  muwaadinka magiciisa la yidhaahdo:

1 .mahamed ahmed mahamud faceboog ku so jawaabay 1:35 AM aroor nimo jamce ah march 25  2016

Waxaa iyana xusid mudan oo iskuday 99% ah sameeyay muwaadiniinta kala ah dulane omar,daahir mahad,xarbi maxamed xarbi,barkhad said,

F.G Hadaba waxaan wargalinaynaa muwaadinka ku guulaystay in uu telefon Numberkiisa  noogu soo diro isagoo noogu soo diraya ciwaanada hoose oo ah kuwii ay jawaabaha kusoodireen..

Jawaabaha Suaaluhuna sidan ayay sax ku yihiin:-

  1.  Waxaa deegaanka kuyaala  4 boodhan ookla ah 1 boodhinka jigjiga 2 boodhinka fiiq 3 boodhinka shaygoosh 4 boodhinka gashaamo
  2.  waxaa la'ansixiyay daegmoyinka iyo gobolada mm cusub taariikhdu markay ahayd sabti 27/2/2016 
  3.  Waxaa kuguulaystay gobolka Qoraxay
  4.  Magacii nabi ibrahim aabihii wuxuu ahaa ASAAR magaca saxda ah ee nabi nuuxna waa CABDI QAFAAR.
  5.  Nabigii uu nabiyulahi muuse adhiga uraaci jiray waa:NABI SHUCAYB WUXUUNA URACAYAY 10 SANO
  6.  Deeganada uumaro wabiga- abaay waa:-BINASHANGUL,  Amhara,iyo TIGREY wuxuuna soosari doonaa quwad koronto oodhan 6KUN OO MEGA WAT (6000MW)

Hadaba waxaan macaamiisha  sharaftaleh ee akhrista Shabakada Cakaaranews inay barnaamijkan ISKUDAY kalasocdaan habeenkasta oo arbaco ah islamarkaana ay jawaabahooda iyo talobixinadooda noogu soodirikaraan ciwaanadan:-- www.facebook.com/cakaaranewsface ama E-mailkan cakaarainfo@gmail.com


Ciidanka Gaarka ah Ee DDSI Ee Ka Hawlgala Nawaaxiga Degmada Feerfeer

$
0
0

Tuulada Abaaleey( cakaaranews )Arbaco 30ka March 2016, Rijimantiga 33 aad ee ciidanka booliska gaar ka ah ee Liyu-Police islamarkaana kahawlgala nawaaxiga Degmada Feerfeer  ayaa beerr ay ka beereen qabalaha Abaaleey ka soo guray Qarre ama Xab-xab tiradiisu kabadantahay700 midh islamarkaana u qaybiyay bulshadii halkaas joogtay kuna dhiiri galiyay bulshadii looqaybinayay in dhulka oo labeerto ay faa iidadaas leedahay.

Hadaba taliyaha ciidamada-Gaarka ah qaybta degan nawaaxiga Feerfeer Shalaaqe Cabdulaahi Aadan oo u waramay shabakada cakaranews ayaa sheegay in beertan ay ciidanku kubeereen dalagyo kaladuwan oo ay kamid yihiin Galayda, Canbaha Yaanyada Mooska iyo waliba qaraha, islamrkaana dhulka ay ka beereena uu dhanyahay 20 higtar.

Wuxuuna shalaaquhu xusay in maanta ay ciidanku soo gureen qarre bislaaday oo tiradiisu kabadantahay 700 midh islamarkaana bulshadii aagaas daganayd ay u qaybiyeen iyagoo sidookalana ku dhiirigaliyay bulshada  in dhulka labeerto ay qaybkatahay Horumarka iyo cidhib tirka gaajada.

Dhanka kale waxaa isna u riyaaqay wax soosaarka ciidamada sida gaar ka ah utababaran ee Liyu-police Gudoomiyaha degmada Feerfeer Mudane Maxamed Khadar Faarax oo sheegay in halyeeyada liyuugu ay mudan yihiin in loo mahadceliyo markasta maadaama oo ay Horumarka  qaybihiisa kalduwan ka shaqaynayaan islamarkaana ay shacabka lagarab taaganyihiin Hiil iyo Hoo labadaba, kadib markii ay soo afjareen ururadii Nabad diidka ahaa ee UBBO iyo Al-Itixaad iyo waliba Alqushaash oo ay cashar lama-iloobana ay u dhigeen.

Wuxuuna gudoomiyuhu intaa kudaray in guulaha ay markasta soo hooyinayaan ay tahay ducada shacabka DDSI ay u ducaynayaan ciidamada gaar ka ah ee Liyu-Police.

Shir Heer Qaran Ah Oo Kafurmay Xarunta Deegaanka

$
0
0

Jigjiga( Cakaaranews ) Arbaco, 30ka march 2016. Waxaa saaka hoolka shirarka ee qaryaan dhoodaan ee xarunta deegaanka kafurmay shirkii qiimaynta waxqabadka komishinka anshaxa iyo ladagaalanka musuqa heer qaran oo sida caadada ah sanad walba laba jeer laqabto.

Hadaba shirkan ayaa waxaa kasoo qaybgalay kuxigeenka komishinka anshaxa iyo ladagaalanka musuqa ee JDFI mudane Wadhu Adhu, madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, dhamaan komishineerada komishinka anshaxa iyo ladagaalanka musuqa 9ka dawlad deegaan iyo 2da ismaamul ee Jamhuuriyada Dimoqraadiga federaalka itoobiya ay kakooban tahay.

Waxaana furitaankii shirka kahadlay komishineer kuxigeenka komishinka anshaxa iyo ladagaalanka musuqa JDFI mudane Wadhu Adho oo kawarbixiyay dhibaatooyinkii musuqu kulahaa dalka iyo sida loo yareeyay isagoo kadibna madasha kusoo dhaweeyay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar.

Hadaba, Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar ayaa kawaramay xaaladihii musuqa ee deegaanka kasoo jiray 20kii sano ee lasoo dhaafay iyo isbadalka lataaban karo 5ta sano ee dhinac walba isagoo madaxwaynuhu aad ubogaadiyay in shirarka heer qaran lagu qabto deegaanka. Taasoo tusaale cad u noqonaysa isbadalka xawliga ah ee horumarka, nabadgelyada iyo maamulka suuban ee deegaanka kahanaqaaday oo ay udub dhaxaad u tahay kamadhnaanshaha iyo dib u curashada musuqa.

Ugudanbayna, shirkan oo socon doona mudo 4 maalmood ah ayaa lafilayaa inuu kusoo gabagaboobo guulo wax ku ool ah oo bar-bar socda hirgalinta qorshayaasha horumarineed ee dalkeenu kaga mid noqonayo wadamada uu dhaqaalahoodu dhex-dhexaadka yahay

Imtixaanka Xaqiijinta Tayada Ardayga.

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) arbaca, 30ka March,  2016 Waxaa maanta ka bilowday kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI imtixaanka xaqiijinta tayad ardayga  ee loo yaqaano COC kaasi oo ay u fadhiisteen imtixaankan  500 oo  arday kuwaasi oo  hore u soo dhamaystay waxbarashada level 2ga ee kuliyadaha  deegaanka gaar ahaan cilmiga ganacsiga iyo dhaqaalaha (business and finance)

Waxaana imtixaankan soo diyaariyay xarunta   Xaqiijinta Tayada Xirfadlayaasha DDSI (COC) waana mid loogu  talagalay in lagu xaqiijiyo  tayada ardayga iyo waliba hubinta ardayga aqoontii iyo cilmigii uu bartay heerka uu gaadhsiisan yahay fahanka xirfada aqooneed ee ardayga. 

 

Imtixaankan ayaa ah mid sanad kasta laga qaado ardayda waxka soo baratay kuliyadaha kala duwan ee deegaanka waana mid lagu xoojinayo tayada aqoonta ardayga.

Ogaysiis muhiim ah jaaliyada north America.

$
0
0

Minneapolis(cakaaranews) khamiis, 31, march, 2016, Waxaa la ogaysiinayaa jaaliyada somalida itoobiya   ee ku dhaqan cariga America in uu jiro Shir  muhiim ah oo lagu tageerayo  guulaha is dabajooga ah  ee XDSHSI uu soo hooyay  shacabka DDSI  mudadii uu  xilka hayay sidoo kale waxaa lagu taageerayaa ansaxinta degmooyinka, maamul magaalooyinka iyo gobolada uu dhawaan ansaxiyay golaha xildhibaanada DDSI iyo waliba sanad guurada 18aad ee XDSHSI.

Shirkan oo ka dhinidoona  Minnesota  Bisha April 9/2016, saacadu waa 5:00 galabnimo ilaa 1:00 AM  goobta uu ka dhacayaana waa fooqa 1500 park PL BIVD Minneapolis, MN, 55416, wixii faah-faahina waxaad kala xidhiidhaa gudoomiyaha gudiga qaban qaabada shirka mudane Suldaan Maxamed Bade telka 612,4074487, ama Axmed Takhal 6124837208.

Tababar looqabtay Kormeerayaasha waxbarashada

$
0
0

Jigjiga( cakaaranews )Khamiis 31 March 2016, Tababar ay fulintiisa iska kaashadeen xafiiska waxbarashada DDSI iyo haayada RTI/USAID islamarkaana loohayay kormeerayaasha dugsiyada kuyaalada 68da Degmo iyo afarta maamul magaalo ayaa lagu soo gabagabeeyay Hoolka shirarka ee Ilyaas Hutel.

Hadaba tababarkan ayaa waxaa shabakada wararka ee cakaaranews uga waramay Gadhwadeenka G/S Horumarinta macalimiinta iyo Hogaaminta waxbarashada ee  xafiiska Waxbarashada DDSI mudane Farxaan Cabdi Makhtal oo sheegay in tababarkan lasiiyay kormeerayaasha uu ahaa mid aad muhiim ugu ah. Wuxuuna kula dardaarmay kormeerayaasha inay cilmiga ay barteen ay si daacadnimo ah ugu adeegaan goobaha iyo dugsiyadii ay kukalaqoraayeen. Wuxuuna masuulku tilmaamay in iyaga kormeerayaasha ah laftirkoodana uu jiro kormeer sii kormeeraya. Islamarkaana aysan marnaba sinayn sinaana doonin qofkii shaqadiisa sidaacadnimo ah uga soobaxa iyo midka aan kasoobixin shaqadiisa.

.

Sidookale  wuxuu xusay masuulku intababarkan ay bixinayeen khabiiro u xeeldheer islamrkaana ay rajaynayaan in faaiido wax ku ool ahi ay kasoo bixi doonta dhanka tayada shaqada kormeerayaasha.

ugudanbayna dhankooda waxaa kahadlay kormeerayaashii tabaabrka qaadanaysay oo sheegay in ay faiideesteen casharo muhiima islamarkaana ay uga faaiidaynayaan bulshada ku dhaqan goobihii iyo dugsiyadii ay kakalayimaadeen.

Degmada Cusub Ee Higlooleey Iyo Daahfurkeedii

$
0
0

Higlooleey( cakaaranews )Khamiis  31ka March 2016, Wafti uu horkacayo Afhayeenka Golaha Baarlmaanka DDSI ahna Gudoomiyaha XDSHSI Mudane Maxamed-rashid Isaaq ayaa kaqaybgalay daahfurkii iyo dhagxdhigii mashaariicaha degmada cusub ee higlooleey ee katirsan Gobalka Qoraxay.

Hadaba, waftigan uu hogaaminayay afhayeenku ayaa waxaa socdaalka kuwahelinayey xubno sar sare oo ay kamid ahaayeen madaxwayne Kuxigeenka Maxkamada Guud mudane Axmed Maxamed Shugri, wasiirka caafimaadka DDSI mudane Cabdifataax Siciid, wasiir kuxigeenka Horumarinta magaalooyinka iyo Warshadaha DDSI Mudane Asad Cumar iyo waliba masuuliyiin kale.

Sidaasdarteed degmadan cusub ee Higlooleey  oo loosamayay xaflad heer sare ah ayaa waxaa ugu horayn lagu furay aayadaha quraanka kariimka ah kadibna waxaa qudbad dhinacyo badan taabanaysa kasoojeediyay  Afhayeenka Golaha Baarlamaanka DDSI ahna Gudoomiyaha XDSHSI Mudane Maxamed-rashid Isaaq, oo sheegay in kasooqaybgalka degmadan cusub ee Higlooleey  uu aad ugu faraxsanayahay isagoo aadna ugu mahadceliyay sida quruxda badan ee farxadu ku dheehantahay ee ay bulshada ree Higlooleey ay u soo dhawaysay. Sidookale afhayeenka  ayaa tilmaamay hormarka balaadhan ee deegaanka ka hanaqaaday shantii sano ee udanabaysay iyo waliba sida uu xawliga ugu socdo horumarka DDSI.

afhayeenka oo hadalkiisii siiwata ayaa xusay in degmadani ay kutaalo meel aad u fiican oo dalsan ah islamarkaana ku haboon wax soosaarka. Ugudanabayna wuxuu masuulku ku booriyay bulshda  Higlooleey inay degmada cusub ay maalgashadaan.

Sikastaba ha ahaatee, Afhayeenka Golaha Baarlmaanka DDSI ahna Gudoomiyaha XDSHSI Mudane Maxamed-rashid Isaaq, iyo madaxwayne kuxigeenka maxkamada guud DDSI mudane axmed maxamed shugri ayaa siwada jir ah u dhagax dhigay dhismaha Mashaariic  Horumarineed oo ay kamid yhiin iskuulo iyo caafimaad.

Ugudanabayntii waxaa iyaguna dhinacooda kahadlay kaqaybgalayaashii xaflada  oo ay kamid ahaayeen cuqaasha , waxgaradka, haweenka iyo dhalinyada  oo ka hadlay dareenkooda ku aadan xaflada degmada cusub iyo waliba dhagax dhiga mashaariicaha cusub ee lasamaynayo iyagoo xusay inay hormarinayaan degmadooda islamarkaana ay maalgashanayaan.

.

Gud-Kuxigeenka Degmada Cadaadle Oo Kawarbixiyay Mashaariicaha Dhamaaday

$
0
0

Cadaadle( cakaaranews ) Khamiis 31ka March 2016, Gudoomiye kuxigeenka degmada cadaadle Mudane Saleebaan Cali Bile ayaa ka warbixiyay in ay dhamaystirmeen mashaaricaha ay kamidka yihiin rugo-caafimaad. Baraago-Biyo iyo waliba iskuulo oo dhamaantood laga dhisay Tuulooyinka hoosyimaada Degmada Cadaadle.

Hadaba gudoomiyaha oo u waramay shabakada cakaaranews ayaa sheegay in ladhamaystiray  rug caafimaad oo laga dhisay qabale hoosaadka Cudhi. Sidookale waxa uu xusay gudoomye ku xigeenku in ladhamaystiray 2 iskuul oo laga kaladhisay  qabalaha higlo iyo 2 kalaas oo lagu daray qabalaha boole- xagare.

Dhanka kale waxa uu masuulku tilmaamay in ladhamaystiray 2bo baraago oo laga kaladhisay tuulooyinka kala ah Burcodheer iyo Malkasalax  

Ugudanabayna gudoomiye kuxigeenka ayaa sheegay in mashaariicahani ay dhamaystirmeen sanadkan  2008 T.i islamarkaana kamaamul ahaan ay lawareegeen intooda badana ay adeegii loogu talagalay bixinayaan.


Mashruuca PCDP Ee Degmada Mustaxiil

$
0
0

Mustaxiil( cakaaranews )Jumce 1da April 2016, Masruuca horumarinta xoolodhaqatada ee marka magaciisa lasoo gaabiyo loo yaqaano PCDP ayaa ah  mid ka hawlgala 54 Degmo  Oo deegaanka ah. Sidaasdarteed Degmada Mustaxiil Oo kamid ah 54ta degmo ee uu mashruucu kahawlgalo ayaa sanadkan 2008 T.I uu kafuliyay mashaariico kaladuwan.

Hadaba, Iskuduwaha mashruuca horumarinta bulshada xoolo dhaqatada (PCDP) ee degmada mustaxiil mudane Maxamed Abdirashid macalin oo uwaramay shabakada wararka ee cakaaranews ayaa sheegay in mshruucu sanadkan uu fuliyay Shan mashruc oo kala ah Dugsi- Hoose Dhexe oo laga dhisay qabalaha Qaboobe iyo sidookale kale qabalaha koobane oo laga sameeyay biyo galin islamarkaana ay bulshadu kafaa iidaysato.

Dhanka kale wuxuu iskuduwuhu sheegay in dugsi hoose dhexe  lagadhisay qabalaha dundumoqaris,  iyo waliba qabalaha furug oo laga dhisay 2bo mashruuc oo kala ah ceel-biyood iyo caafimadka xoolaha.

Ugudanabayna wuxuu masulku tilmaamay in mashaariicahaaas aan korka kusoo sheegnay uu fuliyayay mashruuca PCDP islamarkaana sidii loobaahnaa eesharciga waafaqsanayd loo dhisay maamulkuna degmaduna uu  ula-wareega.

Tababar Loo Qabtay Umuliso Dhaqameedada

$
0
0

Dhanaan( cakaaranews )Jumce 1da April 2016,Tababar ujeedadiisu ahayd casriyaynta iyo waliba isku xidhka bulshada, xarumaaha caafimaadka iyo umuliso-dhaqameedada  ayaa  si habsami leh looga bilaabay Degmada Dhanaan ee Gobalka Shabeele.

Hadaba tababarkan oo looqabtay umulisoyin tiradoodu dhantahay 11 umiliso islamarkaana ka kala yimid qabaleeyada hoos yimaada Degmada Dhanaan ayaa Waxaa furitaankiisii kahadlay Kusimaha Gudomiyaha Degmada ahna Madaxa Xafiiska Caafimaadka mudane Maxamed Aadan oo sheegay in tababarkani uu yahay mid kor loogu qaadayo xirfada aqoomeed ee u- mulisooyinka islamarkaana uu yahay mid larabo in fahan buuxa lagasiiyo umulisooyinka dhinaca iskuxidhka hooyada uurka leh iyo xarumaha caafimaadka.

Dhanka kale wuxuu xusay masuulku in larabo in umulisooyinku ay noqonayaan kuwo mushaar qaata kadib marka aqoonta casriga ah ee caafimaadka fahanbuuxa kaqaataan islamrkaana ay kashaqaynayaan xarumaha iyo rugaha caafimaadka.

Sidookale waxaa tababarkan ka hadlay Madaxa Arimaha Xisbiga Degmada Dhanaan mudane  Xassan Bashiir oo sheegay in tabarabarkan ay ujeedadisu tahay isku xidhka bulshada iyo xaruumaha iyo ruugaha caafimaadka degmada iyo waliba in aqoonta Umulisooyinka ee ku aadan xirfadooda kor loogu qaado, lana cidhib-tiro in ay hooyo ku u musho banaan ama guri islamarkaana  ay hoyooyinka uurka leh ku u mulaan xarumaha caafimaadka si looga hor-tago dhiig-baxa xiliga umusha.

Ugudanabayna waxaa dhinacooda kahadlay umulisooyinkii tababarka qaadanayay oo sheegay in ay aad usoo dhawayanayaan casharadan ay barteen islamarkaana ay aqoonbadan korodhsadeen iyagoo tilmaamay in ay raacayaan kuna dhaqmayaan casharadii ay barteen.

Qiimaynta Shaqaalaha Degmada Feerfeer

$
0
0

Feerfeer( cakaaranews )Sabti 2da April 2016, Shir ku saabsan qiimaynta Rubaca Sadexaad islamarkaana lagu qiimaynayay waxqabadka shaqaalaha iyo ilaalinta saacadaha shaqada oo ay kasoo qayb galeen dhamaan shaqaalaha Degmada Feerfeer ee Gobalka Shabeele ayaa saaka ka dhacay isla degmada feerfeer.

Hadaba shirkan oo uu soo agaasimay xafiiska maamulka shaqaalaha CPA ee  degmada feerfeer ayaa waxaa furitaankiisi ugu horayn kahadlay Gudoomiyaha Degmada Feerfeer Mudane Maxamed Khadar Faarax oo sheegay in shirkan ujeedadiisu tahay in lagu kala saaro shaqaalaha ilaaliya saacadaha shaqada islamarkaana shaqo wanaaga leh iyo shaqaalaha magac u yaalka ah ee aan saacadaha shaqada ilaalinin islamarkaana aan waxqabadka lahayn. Sidookale gudoomiyaha ayaa kula dardaarmay shaqaalihii kuliitay shaqo galka inay iska saxaan khaladaadkooda, ugudanabyna wuxuu xusay gudoomiyuhu in ay shaqaalaha modelka ahi ay leeyihiin abaalmarin dhiirigalin ah.

Dhinaca kale waxaa isna kahadlay shirkan qiimaynta ah Madaxa Xafiiska C.P.A da Degmada Feerfeer mudane Maxamuud Muxumed Dude oo sheegay in xafiiska maamulka shaqaalaha ee CPA uu yahay mid utaagan ilaalinta xuquuqda shaqaalaha islamarkkaana ah mid kula xisaabtamaya shaqaalaha in ay kasoobaxaan xilka iyo waajibaadkooda shaqo.

Sidookale wuxuu xusay masuulku in kadib markii dabagal iyo qiimayn ay sameeyeen ay kusoo saareen shaqaale badan oo magac uyaala ah iyo shaqaale sifiican uga soobaxay xilkii iyo waajibaadkii loo idmaday sidaas darted shaqaalaha xafiiska maaliayada degamada feerfeer ayaa noqday shaqaalaha ugu shaqada fiican islamarkaana ilaaliya saacadaha shaqada.  

Sikastaba ha ahaatee  qiimayntan oo ahayd qiimaynta Rubaca Sadexaad ayaa Waxaa ugu shaqo gal wanaagsanaaday xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha degmada feerfeer waxaana lagu shilimaaday ama abaalmarin loosiiyay 10,000 oo bir maadaadma ay noqdeen xafiiska ugu modelsan qiimayntan.

 

Real Madrid Oo Barcelona Gurigeeda Ku Garaacday

$
0
0

Jigjiga (Cakaaranews)Axad 3da April 2016 Barcelona ayaa sidii caadada u ahayd ciyaarta ku bilowday kubad hayn iyada oo real Madrid taxadar badan ka muujisay inay si degdeg ah kubada u doonato, Barcelona ayaa si samir badan kubada u wareejinaysay waxayna raadinaysay in ay Madrid qaladaad samayso balse difaaca Madrid ayaa ahaa mid aad iskugu xidhan.

Ciyaarta ayaa qaybteeda hore inta badan ahayd mid aan si dhab ah logu dhiiran Karin in la qaado weeraro joogta ah waxayna labada koxood ay taxadar ka muujiyeen in ay wax qaldaad ah sameeyaan.in kasta oo ay Barcelona ahayd kooxda kubada ugu badan haysatay isla markaana raadinaysay sidii ay fursad u abuuri lahayd hadana fursadaha halista ah ayaa iska yaraa.

Hadaba farsamada labada koxood ee taxadarka badnayd ayaa keentay in qaybtii hore ciyaartu noqota mid aan goolal la iska dhalin,waxayna qaybtii horee labada koxood  ku kala baxeen bar baro gool la’aan ah .markii lays iskugu soo laabtay qayta danbe ciyaarta ayaa noqotay mid ay xamaasadeedu ay aad u kacday waxayna labada koxoodba bilaabeen in ay raadiyaan goolka furitaanka.

Sikastaba ha ahaatee kooxda Barcelona ayaa DAQIIQADII 56 soo afjartay ismarin waagii labada koxood ee wakhtiga dheer soo taagnaa kadib markii uu gool quruxbadan oo madax ah dhaliyay  pique waxayna ciyaartu noqotay 1-0 ay Barcelona hogaanka kula wareegtay,lakiin DAQIIQADII 62 aad waxaa hogaankii Barcelona markiiba soo gabagabeeyay karim benzema kaas oo dhaliyay gool layaab leh oo qaab laba lugoodlay ah u dhaliyay ,wuxuuna kooxdiisa Madrid ka dulqaaday culayskii kasoo gaadhay goolka looga hormaray wuxuuna ciyaarta kusoo celiyay barbaro 1-1 ah.

Ugu danbayna labada koxood ayaa markan bilaabay in ay raadiyaan goolka labaad lakiin markan real Madrid ayaa wacdaro cusub lasoo baxday waxayna bilowday inay si cajaa ib ah ku raadiso goolka labaad,daqiiqadii 83 aad Sergio ramos ayaa galay qalad isaga oo haystay kaadhka digniinta ayaa loo taagay kaadhka labaad ee digniinta ah iyada oo loo raaciyay kaarka cas,Real Madrid ayaana 7 daqiiqo u danbaysay ku ciyaaraysay 10 ciyaartoy.

DAQIIQADII; 85 aad Cristiano Ronaldo ayaa dhliyay goolka labaad ee Real Madrid guusha dahabiga ah u horseeday isaga oo waliba si dagan oo qurux badan ku dhamays tiray kubada uu soo karoosay Gareth bale wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2-1 ay guushu ku raacday kooxda Madrid.

MW CMC Oo Xarunta Dalka Kadagay

$
0
0

Adhisababa( Cakaaranews ) Axad, 3da April 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo uu weheliyo afhayeenka golaha xildhibaanada ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamedrashiid Isaaq ayaa maanta ka ambabaxay xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga isagoo kadagay gagida diyaaradaha caalamiga ah ee xarunta dalka-Addisababa Bole International Airport.

Hadaba madaxwayne CMC iyo afhayeenka golaha xildhibaanada ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamedrashiid isaaq ayaa kaqaybgali doona shirar ay kamid yihiin shirka xuquuqul insaanka oo uu soo qabanqaabiyay xafiiska cadaalada ee JDFI iyadoo ay kasoo qaybgali doonaan mas'uuliyiin kassocota 12 xafiis.

Faah-faahinta shirarkaasna kalasoco shabakada wararka ee www.cakaaranews.com

Viewing all 304849 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>