Image may be NSFW.
Clik here to view.Jigjiga(cakaaranews),jumce, 9ka, June, 2017.Waxaa ka furmay magaalada jigjiga gaar ahaan hoolka shirarka ee Qaryaan dhoodaan kulan lagu qiimaynayo waxqabadkii dhinaca dakhliga ee degmooyinka iyo maamulada magaalooyinka DDSI ee sanad miisaaniyeedka 2009TI iyada dhinaca kale kulankan lagu diyaarinayo hirgalinta qorshaha dakhliga degmooyinka iyo maamul magaalooyinka DDSI ee sanad miisaaniyeedka 2010TI.
Image may be NSFW.
Clik here to view.Kulankan qiimaynta ah oo ay hogaaminayeen masuuliyiinta sare ee wakhaalada dakhliga DDSI oo ay ka mid yihiin maareeye ku xigeenka wakaalada dakhliga DDSI mudane Cabdifataax Maxamed Cabdi (Qabaase) maareeye ku xigeenka wakaalada dakhliga DDSI mudane Xasan Cali ayaa waxaa loo qaybtay dhamaan maareeyayaasha wakaaladaha dakhliga degmooyinka iyo maamulada magaalooyinka DDSI.
Image may be NSFW.
Clik here to view.Waxaana furitaankii kulankaasi ugu horayntii ka hadlay maareeye ku xigeenka wakaalada dakhliga DDSI mudane Cabdifataax Maxamed Cabdi oo ka warbixiyay in ka midha dhalinta qorshayaasha koboca iyo isbadalka dhaqaala deegaanka ay laf-dhabar u tahay meel marinta awoodaha fulinta waajibaadka shuruucaha dakhliga wuxuuna sheegay maareeye ku xigeenku in kulanka qiimaynta ah diirada lagu saarayo waxqabadkii iyo fulinta qorshayaashii u dajisnaa wakaalada dakhliga degmooyinka iyo maamul magaalooyinka DDSI ee sanad miisaaniyeedkan 2009TI islamarkaana laysla meel dhigayo fulinta qorshaha dakhliga ee sanadka 2010TI isaga oo u sheegay masuuliyiinta wakaaladaha dakhliga ee degmooyinka iyo maamul magaalooyinku in ay si cad-cadaan iyo isla xisaabtan leh u soo bandhigaan warbixinta waxqabadkooda.
Image may be NSFW.
Clik here to view.Kulankan qiimaynta ah ayaa inta uu socto waxa ay masuuliyiinta dakhliyada degmooyinka iyo maamul magaalooyinka DDSI ku soo bandhigayaan warbixinta waxqabadkooda taasi oo laga waayo aragnimo qaadanayo sidii qorshaha sanadkan soo socda loo buuxin lahaa haddii ay jirtay wax gol-daloolo ah sanadkan hadda dhamaanaya.