Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all 304849 articles
Browse latest View live

Kulan Lagu Daah-Furayay Hirgalinta Mashruuca iskaashiga Cilmibaadhista Oo ka Furmay Jigjiga

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews),khamiis, 11ka May , 2017. Waxaa ka furmay magaalada jigjiga gaar ahaan hoolka shirarka ee machadka cilmibaadhista DDSI kulan balaadhan oo lagu daah-furayay dhaqangalinta mashruuca iskaashiga cilmibaadhista DDSI oo ay hirgalintiisa iska kaashadeen machadka cilmibaadhista DDSI iyo jaamacada jigjiga.

Waxaana furitaankii kulankaasi  ka soo qayb-galay masuuliyiin  ka kala socday jaamacada jigjiga iyo machadka cilmibaadhista DDSI oo ay ka mid yihiin madaxwaynaha jaamacada jigjiga mudane Cabdicasiis Ibaahin iyo maareeyaha guud ee machadka cilmibaadhista DDSI mudane Guuleed Aw Cali Kaahin iyo khabiirada dhinaca cilmibaadhista ee jaamacad jigjiga iyo machadka cilmibaadhista DDSI oo ah kuwa  samaynaya daraasaadka  mashruucan.

Waxaana ugu horayntii furitaankii kulankaasi ka hadlay maareeyaha guud ee machadka cilmibaadhista DDSI mudane Guuleed aw Cali Kaahin oo ka warbixiyay ahmiyada iyo faa'iidooyinka uu leeyahay mashruucan maanta  la  daah-furayo.  wuxuna sheegay in uu yahay mashruuca ay hirgalintiisa  iska kaashadeen machadka cilimaadhista DDSI iyo jaamacada jigjiga, maareeyaha ayaa sharax dheerka bixiyay sida loo hirgalinayo mashruucan iskaashiga cilmibaadhista ee daraasaadka lagu samaynayo nidaamka  looga gaashaamanayo abaarta soo noq-noqta ee ay keento  isbadalka cimilada islamarkaana lagu hirgalinayo sida ay bulshadu uga faa'iidaysan lahaayeen khayraadka xooladooda sida:- naaxinta xoolaha  iyo tayada hilibkooda. maareeyaha ayaa  intaasi ku daray in uu mashruucani kaalin wayn ka qaadanayo hirgalinta qorshayaasha horumarka deegaanka.

madaxwaynaha jaamacada jigjiga mudane Cabdicasiis Ibraahin oo furitaankii kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay jaamacada jigjiga dadaal xoogan ugu  jirta ka qayb-qaadashada kor u qaaditaanka koboca dhaqaalaha deegaanka iyo hirgalinta adeegyada horumarineed ee la gaadhsiinayo bulshada deegaanka wuxuuna sheegay  in mashruucan  maanta la daah-furayaa ka mid yahay qorshyaasha kor loogu qaadayo nolosha bulshada xoolo dhaqatada ah.  madaxwaynaha jaamacada jijiga  ayaa intaasi ku daray in khabiiradan ka socda jaamacada jigjiga iyo machadka cilmibaadhsita DDSI ay daraasaadka soo samaynayaan 8 gobol oo ka mid ah gobolada deegaanka  kuna soo samayndoonaa xoolaha iyo dhirta deegaanka, wuxuuna kula dar-daarmay khabiiradan in ay sidii loogu talagalay u soo hirgaliyaan mashruucan si looga midho dhaliyo ujeedadiisa.


Shirwaynihii 8aad Ee Xog-iswaydaarsiga Xukuumada Iyo Shacabka DDSI Oo maalintii 3aad galay

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Khamiis 11ka May 2017.Waxaa maalintii 3aad galay shirwaynihii 8aad ee xog-iswaydaarsiga xukuumada iyo shacabka DDSI oo maalimihii udanbeeyayba kasocday hoolka shirarka madaxtooyada ee kaali.

Hadaba shirwaynahan oo uu hogaaminayay Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayay maanta ergada oo isugu xidhnaa koox koox soo jeediyeen jawaabihii suaalahii loosoo dhigay inay kadoodaan oo kala ahaa. 1 sideen ooga hortagi karnaa saamaynta isbadalka cimilada. 2 sideen kujabin karnaa fikirka mashaqaystanimadka. 3 sideen ooga hortagi karnaa xagjirnimada. 4 sidee loosii xoojinkaraa nidaamka dawladnimo. 5 sideen ooga hortagi karnaa cadawga koobaad aynu leenahay ee saboolnimadka.

Waxayna ergada oo dhamaan ka jaawabay su'aalahaas soo jeediyeen in saamynata isbadalka cimiladu ooga gaashaaman karno inaan samaysano waxsoosaar beero iyo waliba kayd inoo yaala, Waxayna ergadu xuseen in fikirka mashaqaystanimadku yahay mid aad uxun islamarkaana loo baahan yahay in bulshada la baraarujiyo shaqa abuurna loo sameeyo, Sidoo kale waxay ergadu sheegeen in fikirka xagjinimadka uu yahay mid xayawaanimo ah islamarkaana loo baahan yahay in ay shacabka iyo xukuumada oo gacmaha ishaysta si wadajir ah oola halgamaan fikirka xagjirnimadka. Iyagoo intaa kudaray in nidaamka dawladnimo lagusii xoojin karo tageerida XDSHSI oo ah xisbi kajawaaba baahida bulshada. Sidoo kale  waxay ergadu soo jeediyeen in cadawgeena koobaad ee saboolnimada ooga hortagi karno in lasameeyo waxsoosaar heer caalam ah islamarkaana bulshada deegaanka lagu baraarujiyo waxsoosaarka beeraha iyo ku foorarsiga dhulka.

Ugudanbayna Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa hadalkooban  kabixiyay soojeedintii ergadu ay soo jeediyeen isagoo madaxwaynuhu sheegay in dhamaan kooxaha kaladuwan ee ergadu sidii loogu talagalay ooga jawaabeen 5tii su aalood ee ay maalmihii ugu danbeeyay kadoodayeen, Wuxuuna madaxwaynuhu intaa kudaray in kooxaha ergada oo si kaladuwan usoojeediyay jawaabaha su aalaha loosoo dhigay balse ay dhamaantood iskumid kayihiin ujeedada guud ee  loobaahnaa in looga jawaabo su aalahaas.

Sikastaba ha ahaatee shirwaynaha 8aad ee xog-iswaydaarsiga xukuumada iyo shacabka DDSI ayaa halkaa kasii socondoona.

Degmada Goorobaqasa Oo Lagu Soo Gabagabeeyay Adeegii Daawaynta iyo Qaliinka Indhaha

$
0
0

Gorabaqaqsa(cakaaranews)Jumce 12ka May 2017. Waxaa Xarunta caafimaadka ee dagmada Goorabaqasa ee Gobolka Liibaan lagu soo gabagabeeyay daawayntii iyo qalintaankii indhaha ee baryahanba kasocotay degmadaas islamarkaana looga faaiidaynayay bulshada kudhaqan degmooyinka guradhaamoole, goorobaqasa iyo nawaaxigeeda iyadoo 915 xubnood loo fidiyay daawooyin, qalitaan iyo waliba muraayadaha indhaha islamarkaana xubno kabadan 200 oo xubnood oo indhola’aan ahaa aragoodi u soonoqday

Hadaba, agaasinka kahortaga indho la’aanta ee xafiiska caafimaadka DDSI mudane Axmed Bade Ducaale oo kahadlay xidhitaankii daawayntan iyo qalitaanka indhaha ayaa sheegay in sifiican oo heer sare ah ay oo gabagabooday islamarkaana looga faaiideeyay xubno kor udhaafaya 915 xubnood kuwaasoo loo sameeyay daawayn, qalitaan iyo waliba qaar lasiiyay muraayadaha indhaha.

Dhankooda maamulka degmada oo kahadlay daawayntan iyo qalitaankan indhaha ee loosameeyay bulshada ayaa sheegay in sifiican oo hagar la’aan ah loo fuliyay nidaamkii daawaynta iyo qalitaanka indhaha. Waxayna xuseen in dad farabadan oo indo la’aan ahaa ay manta indhahooda wax ku arayaan. Waxayna mahad celin u soo jeediyeen xukuumada DDSI  ee samaysay kooxdan daawaynta indhaha ee wareegta.

Ugudanbayna, qaar kamid ah bulshadii la daaweeyay ama qalitaanka indhaha loo sameeyay oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in aysan maraba soo koobi karain farxadooda maanta maadaama oo ay dib u heleen aragoodii indhaha oo aysan sanado badan haysanin.  

 

Maareeyaha Guud Ee Machadka Cilmibaadhista DDSI Oo Ka Warbixiyay Qorshayaal Kor Loogu Qaadayo Tayada Xoolaha.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews),jumce, 12ka May, 2017. Maareeyaha guud ee machadka cilmibaadhista DDSI mudane Guuleed Aw Cali Kaahin oo xafiiskiisa ugu waramayay warbaahinta  deegaanka ayaa ka warbixiyay taaba galinta istaraatajiyadaha iyo qorshayaasha horumarineed  kuwa  wakhtiga dhaw, dhexe iyo dheer u dajisan machadka cilmibaadhista DDSI taasi oo hadda lagu hawlan yahay ayuu yidhi maareeyuhu hirgalinta soo bandhiga  cilmibaadhis iyo daraasaadyo  ku salaysan horumarinta khayraadka xoolaha iyo beeraha deegaanka.

Maareeyaha ayaa ka warbixiyay qorshe uu hirgalintiisa fulinayo machadka cilmibaadhista DDSI oo ah   hagaha farsamooyinka naaxinta ee nidaamka quudinta dheeriga ah ee xoolaha deegaanka, si ay xoolaha deegaanku u noqdaan kuwa   si fiican  ay uga faa’iidaystaan  bulshada xoolo dhaqatadu  khayraadkood gaar ahaan dhinaca suuqgaynta caalamka iyo dalkaba islamarkaana  ay xooluhu u noqdaan kuwa u adkaysta xaaladaha abaarta. Maareeyaha oo sii wata hadalkiisa ayaa sheegay habka  xoolo dhaqatada looga dhigo kuwo soo saari kara xoolo tayadooda iyo miisaankoodu  yahay kuwa ugu fiican suuqyada caalamka  si bulshada deegaanka looga faa’iideeyo nidaamyada casriga ah ee naaxinta quudinta dheeriga ah ee  xoolaha  ayaa  machadka cilmibaadhista DDSI uu dadaal xoogan ugu jiraa hirgalinta gaadhsiinta bulshada xoolo dhaqatada  farsamooyinkaasi casriga ah kaasi  oo mudda yar  xoolaha lagaga dhigayo kuwa tayadooda iyo miisaankooduba  aad u sareeyaan.

Ugu danbayntii  maareeyaha ayaa tilmaan dheerka bixiyay in machadka cilmibaadhista DDSI  xooga saarayo soo saarida, fulinta qorshyaal iyo daraasaadyo  cusub  ku salaysan horumarinta ka faa'iidaysiga  khayraadka xoolaha iyo beeraha  kuna salaysan  istaraatajiyadaha u dajisan xukuumada DDSI ee lagaga gaashaamanayo abaaraha korna loogu qaadayo koboca dhaqaalaha deegaanka.

 

 

Shir Khibrad Wadaag Ah Oo Ku Saabsan Xuska 20ka Ginboot

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Sabti 13ka May 2017. Sida lawada ogyahay Bisha sagaalaad 20keeda tirsiga dalkeena ayaa ah maalin kuwayn dhamaan shacabwaynaha dalka itoobiya islamarkaana qiimo iyo qaayo gaar ah uleh dhamaan qoomiyadaha dalkeena iyadoo guud ahaana deegaanada dalku iyo 2 ismaamulba ay diyaargarawyo kaladuwan ugu jiraan. Waxaana maanta kadhacay hoolka shirarka  video conferencega ee xafiiska adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha DDSI shir muuqaal arag ah oo kusaabsan diyaargarawga maalinka fooda inagu soohaysa ee 20ka ginboot kaasoo ay kasooqayb galeen masuuliyiinta heer deegaan, gudoomiyayaasha gobolada iyo waliba dhigooda deegaanada dalka iyo masuuliyiin heer federal ah.

Hadaba, shirkan oo ahaa mid lagu wada shirayay aalada muuqaal araga fog ee video conference ayaa ah mid heer dal iyo deegaanaduba ay kaga wada arrinsanayeen xuska munaasabada 20ka Ginboot. Oo ah maalinkii afka dhulka loodaray kaligii taliskii dhiig miiradka ahaa ee Dhergiga. Islamarkaana ay tahay maalikii lahelay systemka dawladnimo ee ay u dhanyihiin dhamaan shucuubaha iyo qoomiyadaha dalku.

Sikastaba ha ahaatee, shirkan ayaa ahaa  khibrad wadaag ku qotoma xuska 20ka ginboot iyo waliba dood cilmiyeedyo ka hadlaya Horumarka, Nabadgalyada, iyo Maamulka suuban ee ay haystaan dhamaan shacabwaynaha dalka ioobiya ee ku kala nool 9ka dawlad deegaan iyo 2 ismaamul magaalo.

Shirwaynihii 8aad Ee Xog iswaydaarsiga Xukuumada Iyo Shacabka DDSI Oo Maalintii 5aad Galay

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Sabti, 13ka May 2017. Waxaa maalintii 5aad galay shirwaynihii 8aad ee xog-iswaydaarsiga xukuumada iyo shacabka DDSI oo maalimihii udanbeeyayba kasocday hoolka shirarka madaxtooyada ee kaali.

Hadaba shirwaynahan oo uu hogaaminayo Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa wuxuu madaxwaynuhu si kooban usoo jeediyay qorshaha waxqabadka xukuumada ee ku aadan sanada 2010TI oo ku salaysan sidii loosii xoojin lahaa kaabayaasha horumarineed ee baahida aasaasiga ah oo ay ugu horeeyaan Biyaha, Beeraha Caafimaadka, Waxbarashada, Jidadka iyo qaybaha kale ee horumarineed. Wuxuuna madaxwaynuhu intaa kudaray in qorshahaas aan kor kusoo sheegnay sidii loogu talagalay loo fulin doono sanada 2010TI.

Soojeedin kadibana waxaa guriga lasoo dhigay filimaan daaawasho ah oo ka turjumayay xaalada soo yaalkii taariikheed ee 9kii sano ee udanbaysay, Iyadoo la isbarbar dhigayay xaaladii nabadeed iyo midii horumarineed ee kajirtay deegaanka islmarkaana tusaale lagusoo qaatay muuqaalo daawasho ah siday ahaan jireen 9 sano kahor iyo siday maanta yihiin magaalooyinka waawayn ee Jigjiga, Dhagaxbuur, Qabridahar iyo Godey, Iyadoo muuqaaladaasi kala turjumayeen horumar iyo horumar la aan. Sidoo kale waxaa muuqaalada daawashada ah kujiray mashaariicaha horumarineed ee ay xukuumadu sanadadii ugu danbaysay ka fulisay guud ahaan deegaanka.

Dhanka kale waxaa iyana fikirkooda ka hadlay qaar kamid ah odayaasha iyo dhalinyarta oo soo dhigay hadalo kamarakacaya xaaladii adkayd ee uu deegaanku ku suganaa 9 sano kahor iyo xaalada horumarineed ee uu maanta ku sugan yahay oo run ahaantii kaaf iyo kala dheeri ah. Waxayna intaa kudareen fikiro ay ku kordhinayeen qorshaha waxqabadka xukuumada 2010TI ee uu madaxwaynuhu soo jeediyay.

Ugu danbayna waxaa abaalmarino lasiiyay xubno kamid ah ciidanka gaarka ah ee liyuu policeka DDSI iyo xubno kamid ah odayaasha deegaanka, Kuwaasoo kaalin libaax ka qaatay aasaaskii ciidanka gaarka ah ee deegaanka.   

Shirwaynihii Wadatashiga iyo Xog-iswaydaarsiga Shacabka Iyo Xukuumada DDSI Oo La soo gabagabeeyay.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews)Axad, 14ka, May, 2017. Waxaa maanta si rasmiya loogu soo gabagabeeyay madasha shirarka kaali ee xarunta madaxtooyada DDSI shirwaynihii 8aad ee wadatashiga iyo xog-iswaydaarsiga xukuumada iyo shacabwaynaha DDSI kaasi oo mudo shan maalmood  ah socday.

waxaana soo xidhitaankii shirwaynahan ka hadlay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ugu horayntii u mahad naqay ergooyinka iyo odayaasha dhaqanka  deegaanka sida meeqaam ka sare ee ay uga qayb-qaateen mudadii uu shirku socday. Madaxwaynaha ayaa sheegay in ay xogtii, fikiradii iyo talooyinkii ka soo baxay ergooyinka  iyo  odayaasha deegaanka ee ka soo qaybgalay shirwayanaha wadatashiga iyo xog-iswaydaarsiga xukuumada iyo shacabka DDSI ay  noqonayaan kuwa gashi u noqonaya xaqiijinta  hirgalinta qorshayaasha horumarineed  nabadgalyo iyo maamulka suuban ee deegaanka. Madaxwaynaha DDSI ayaa sheegay in ay xukuumada DDSI iyo shacabka Deegaanku sii xoojinayaan wax soo saarka beeraha taasi oo ah tubta kaliya ee lagaga baxayo saboolnimada laguna gaadhayo wadamada dhaqaalahoodu meel dhexaadka yahay.

dhankooda  ergooyinkii iyo odayaal dhaqameedka deegaanka ayaa soo saaray warmurtiyeed ay ka soo saareen  shirwaynihii wadatashiga iyo xog iswaydaarsiga xukuumada iyo shacabka  kaasi oo ku salaysnaa dhibaatooyinkii sanadihii hore soo daashaday shacabka deegaanka gaar ahaan dhinacyada nabadgalyada dhibaatooyinkii  uraradii nabaddiidka ahaa ee ka dhaq-dhaqaaqijiray deegaanka ay ku hayn jireen shacabka deegaanka  sida  dhicii, dilkii, kufsigii iyo xasuuq wadareedyadii ay UBBO iyo alitixaad ku hayn jireen shacabka deegaanka   iyo  maamul xumadii ka jirtay degaanka ee aan awoodayn  in ay  shacabka deegaanka ka ridaan  nabaddiidka dhiiga ka jaqayay.

sidoo kale warmurtiyeedkan ayaa tibaaxayay  guulaha dhinacyada badan ee sanadihii ugu danbeeyay ay xukuumada DDSI  haatan ka arimisa  ka gaadhay dhinacyada nabadgalyada horumarka, maamul wanaaga, xidhiidhka dadwaynaha dalka iyo dibadaba  iyo waliba  sii joogtaynta guulahaasi,  ergooyinka iyo odayaasha dhaqameedka  deegaanku waxay si mug leh ugu mahad celiyeen  hogaaminta xukuumada DDSI oo uu ugu  horeeyo madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar, hogaaminta JDFI oo u ugu horeeyo  Raysal-wasaaraha JDFI mudane Hailemariam Desalegn  iyo qaarka mid ah dawlad deegaanada dalka sida balaadhan ee ay uga qayb-qaateen ka samatabixinta xaaladaha abaarta  shacabka deegaanka ee abaaruhu saameeyeen 

Ugu danbayntii waxay balan qaadeen ergooyinka iyo odayaal dhaqameedka deegaanku in ay sii xoojinayaan kuna fara adaygayaan hawlaha nabadgalyada, horumarka iyo maamulka suuban ee ka hirgalay deegaanka gabagabadiina waxay ergooyinka iyo odayaal dhaqameedka DDSI abaalmarin sharafeed gudoonsiiyay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud cumar 

Jidka Wayn Ee Qoraxey Ee MM Jigjiga Oo Gabagabo Maraya

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Isniin 15ka May 2017. Waxaa gabagabo maraya jidka wayn ee bartamaha magaalada jigjiga ee kaasi oo hada la dhigayo laamigii ugu danbeeyay waana jid afar haad ah oo dherarkiisu yahay 3.5 KM kaasi oo ay dhismihiisa Gacanta kuhayaan wakaalada dhismaha iibka iyo adeega gaarka ah ee policeka DDSI.

Hadaba Maareeyaha wakaalada dhismaha iibka iyo adeega gaarka ah ee policeka DDSI mudane Axmad Maki Cabdulaahi goobta shaqata ka socoday joogay ayaa u sheegay shabakada wararka ee cakaaranews in jidkan uu hadda samayntiisu meel gabagaba ah marayo mudayar gudaheedna lagu soo gabagabayndoona. Islamarkaana uu Jidkan  siwayn uga qayb-qaadanayo bilicda caasimada DDSI ee jigjga. Wuxuuna maareeyuhu intaa kudaray in jidkan shaqadiisu socoto maalin iyo habeenba.


Golaha Kaabineega DDSI Oo Kulan Yeesha.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews), isniin, 15ka May, 2017. Kulan ay yesheen Golaha Kabineega DDSI oo uu hogaaminayay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayna kasoo qaybgaleen  dhamaan golaha kaabineega DDSI ayaa ka dhacay hoolka shirarka ee xafiiska madaxwaynaha DDSI

Haddaba, madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar ayaa golaha kaabineega DDSI soo hordhigay ajendayaal dhawr ah oo ay ka mid ahaayeen ka wada hadalka sidii loo hirgalin lahaa wax soo saarka beeraha ee mashaariicaha waawayn ee kala ah, mashruuca waraabka beeraha baka, goomaar, wijiwaaji iyo maraacaato, kuwaasi oo dhamaantood dhawaan uu xadhiga ka jaray madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo in xarunta gawraca xoolaha/ sariimada magaalada jigjiga laga Raro goobtii ay ahaan jirtay ee magaalada dhexdeeda ahayd lana geeyo goob ka baxsan magaalada jigjiga.

Ugu danbayna Golaha kaabineega ayaa si qoto-dheer u falanqeeyay qodobada ajendayaasha kulankan ee kor kuxusan ugana dooday falnqayn iyo dood. Dood kadibna waxay golaha kaabineegu codbuuxa ku ansixiyay hirgalinta iyo meel-marinta dhamaan ajandayaasha kulankan.kulankan ayaana kusoo dhaamaaday meelmarinta ajandayaashaas iyo jawi fiican

 

Shahaado Sharaf Lagu Abaalmariyay Maamulaha Dugsiga Wiil-Waal

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Isniin 15ka May 2017. Shir balaadhan oo ay kasooqaybgaleen wasiirka xafiiska waxbarashada DDSI, wasiirkuxigeenka xafiiska waxbarashada DDSI, agaasimayaasha xafiiska waxbarashada DDSI, maamulayaasha iyo kormeerayaasha dugsiyada maamulka magaalada jigjiga islamarkaana lagu abaalmarinayay maamulaha iyo hawlwadeenada dugsiga wiilwaal ee maamulka magaalada jigjiga ayaa si rasmi ah uga qabsoomay hoolka shirarka ee xafiiska waxbarashada DDSI.

Hadaba, Shirkan ayaa waxaa ugu horayn furay wasiirka xafiiska waxbarashada DDSI mudane Ibraahim Aadan Mahad oo sheegay in shirkan ujeedadiisu tahay abaalmarin lagu abaalmarinayo maamulaha dugsiga wiilwaal ee maamulka magaalada jigjiga kadib markii maamulka dugsigu uu isbadal horumarineed oo balaadhan kamuujiyay geedisocodka baris barasho, iyadoo qiimayno, kormeero iyo dabagal balaadhan lagu sameeyay dhamaan dugsiyada maamulka magaalada jigjiga,

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in kormeeradan ay kamid ahaayeen gudigii golaha xildhibaanada heer federal ee qiimaynayay dugsiyada Islamarkaana sida xafiiska si lamid ah ay aad ugu riyaaqeen nidaamka ama habka maaraynta xogta maamulka suuban, ciidanka horumarka, iskuxidhka waalidiinta iyo dugsiga, aradyada iyo waliba  tayada waxbarashada ee dugsiga wiil-waal.

Dhinacakale maamulayaashii iyo kormeerayaashii shirkan kasooo qaybgalay ayaa iyaguna soo jeediyay in khibrad wayn ay kaqaadanayaan dugsiga wiilwaal ee maamulka magaalada jigjiga. Waxayna xuseen in ay aad ugu mahadcelinayaan sida wanaagsan ee masuuliyiinta waxbarashada dardargalinta hawlaha waxbarashada sida kormeerada, qiimaynada, iyo waliba kawarhaynta dugsiyada maamulka magaalada jigjiga ee kagonaanshaha leh iyo meemarinta.

Kadib iswaydaarsiga xogahaas ayaa wasiirka xafiiska waxbarashada DDSI mudane Ibraahim Aadan Mahad iyo Wasiir kuxigeenka xafiiska waxbarashada DDSI mudane Maxamuud Axmed Nuur (Heeryo ) ayaa abaalmarintii gudoonsiiyay maamulaha dugsiga wiilwaal ee MMJ.

Ugudanbayna wasiirka aya shirka soo gabagabeeyay oo sheegay in abaalmarintani ay tahay mid  marka koobaad dhiirigalin u ah maamulka dugsiga wiilwaal marka labaadna dhiirigalin ama motivation u ah maamulada dugsiyada kale ee maamulka magaalada jigjga iyo dhamaan dugsiyada deegaanka.

Tababar Ku Saabsan Daryeelka Caruurta Oo Kadhacay Degmada Marsin

$
0
0

Marsin(cakaaranews)Talaado 16ka, May 2017. Tababar ujeedadiisu tahay kobcinta awooda shaqalaha mashruuca daryeelka caruurta ee xaalada degdega ah islamarkaana ay kasooqaybgaeen shaqalaaha mashruuca daryeelka caruurta ee degmooyinka marsin, gaashaamo iyo donod ayaa kabilowday degmada marsin.

Hadaba, tababarkan ayaa waxaa furitaankisii kahadlay Gadh/W G/Socodka Daryeelka Caruurta ee Xafiiska Arrimaha Haweenka iyo Caruurta DDSI Mursal Maxamed Askar oo sheegay in tababarkani uu ayahay mid ay iskakaashadeen xafiiska arrimaha haweenka iyo caruurta DDSI iyo waliba hay’ada UNICEF. Wuxuuna intaa kudaray in Casharada tababarkan lagu bixinayay ay kamid ahaayeen daryeelka caruurta xiliga emergencyga , maaraynta iyo xalinta kiisaska caruurta, tacadiyada kadhanka ah ee loo gaysto jinsiga ama genderka ee loo soogaabiyo GBV, faayo dhawrka iyo nadaafada.

Sidookale, mudane Cumar Axmed Xasan oo kamid ah macalimiinta tababarka bixinaysay ahna khabiir katirsan xafiiska arrimaha haweenka iyo caruurta DDSI oo isna kahadlay tababarkan ayaa sheegay in tabaarkan sidookale kaqaybgalayaasha lagu barayay casharo laxidhiidha wacyigalinta bulshada ee dhinacyada daryeelka caruurta, cidhib tirka gudniinka fircawniga ah iyo guurka degdega ah.

Ugudanbayna shaqaalihii kasooqaybgalay tababarkan ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin tababarkan islamarkaana ay si fiican uga faaiidaysanayaan.

Wasirka Xafiiska Waraabka iyo Horumarinta Dooxooyinka DDSI Oo Sheegay In Guulo Laga Soo Hooyiyay Barnaamijka Dajinta.

$
0
0

jigjiga(cakaaranews)Talaado 16ka, May 2017. Wasiirka xafiiska waraabka iyo Horumarinta Dooxooyinka DDSI mudane Suldaan Maxamed Xasan (khayre) oo xafiiskiisa ugu waramay warbaahinta deegaanka  ayaa sheegay in guulo waawayn oo dhaxal gal ah laga soo hooyiyay guud ahaanba barnaamijdka dajinta sanadihii ugu danbeeyay gaar ahaana sanadkan aan ku jiro ee 2009TI. wasiirka ayaa sheegay in sanadkan la dajiyay gobolada laga wado dajinta bulsho   dhan 12,000 taasi oo ah qorshihii u yaalay xafiiska sanadkan islamarkaana loogu guulaystay sidii loogu talagalay, wuxuuna sheegay in dhinaca kale lagu guulaystay adeegyadii aas aasiga ahaa ee bulshada la dajinayo la gaadhsiinayay sida adeegyada caafimaadka, waxbarashada iyo biyaha nadiifta ah si ay u noqdaan qaysas dagan oo wax soo saar leh.

Dhinaca kale waxa uu wasiirku sharax dheer ka bixiyay mashaariicaha horumarka waara (SDG) gaar ahaan mashaariicaha waraabka ee Baka, Goomaar, wijiwaaji iyo Maraacaato kuwaasi oo dhawaan uu xadhiga ka jaray Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, waiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in dhamaan mashaariicahaasi lagu guulaystay loo hirgaliyo sidii loogu talagalay balse hadda lagu guda jiro sidii bulshada looga faa’iidayn lahaa mashaariicahaasi taasi oo ah in dhulbeereedkii ay waraabin lahaayeen mashaariicahani la hirgaliyo si ay bulshada ugu soo saaraan wax soo saarka beeraha oo ah tubaha lagaga baxayo saboolnimada laguna gaadhayo wadamada uu dhaqaalahoodu meel dhexaadka yahay.

Ugudanbayntii, wasiirka ayaa tilmaamay in waxsoosaarku uu yahay qorshayaasha waawayn ee uu dalku xooga saarayo islamarkaana bulshadu ay kunoqonayaan kuwa iskufilaansho gaadha. Wuxuuna kula dardaarmay dhamaan bulshada deegaanka in laga faa’iidaysto biyaha cirka iyo kuwa wabiyada iyo waliba mashariicahan biyo-xidheenada ee waraabka ee Baka, Goomaar, Wiji-waaji iyo Maraacato.   

Maamulka Degmada Awbare Oo 4,000 kun Oo Geedaha Khudaarta ah U Qaybiyay Beeralayda Degmada Awbare

$
0
0

Awbare(cakaaranews)Talaado, 16ka, May 2017. Mas’uuliyiinta maamulka degmada awbare ee gobolka faafan ayaa geedaha dhirta ee khudaarta ah oo tiradoodu dhantahay 4,000 oo geed u qaybiyay beeralayda ku nool tuulooyinka hoosyimaada degmada awbare.

Hadaba, Geedahan  khudaarta ah oo ah kuwo lagu bacarimiyay goobta dhirbeerista maamulka degmada awbare  ayaa waxaa warbaahinta deegaanka uga waramay Gudoomiyaha Degmada Awbare mudane Maxamed Cabdi Faarax oo sheegay in geedahan maanta loo qaybinayo beeralayda degmada awbare ay isugu jiraan khudaarta noocyadeeda kala duwan sida Canbaha, Saytuunka, Liinta iyo Bunka kuwaasi oo ah kuwo la soo bacarimiyay oo hadda u baahan oo kaliya in laga faa’iidaysto wuxuuna gudoomiyuhu ku booriyay bulshadan loo qaybiyay geedahan khudaarta ah in ay sidii loogu talagalay uga faa’iidaystaan una daryeelaan sidii loogu talagalay. Gudoomiyaha ayaa intaasi ku daray in tani ay qayb-ka tahay dadaalada ka faa’iidaysiga wax soo saarka beeraha islamarkaana ay xukuumada Dawalada Deegaanka Soomaalida itoobiya ay xooga saartay.

Dhankooda qaybaha kala duwan ee bulshada la gaadhsiiyay geedahan khudaarta ah ayaa si fiican u soo dhaweeyay uguna mahad naqay maamulka degamada iyo xukuumada soo gaadhsiisay waxayna sheegeen in ay sidii loogu talagalay uga faa’iidaysanayaan dhirtan una daryeelayaan.

 

Xaflad Lagu Sagootiyay Kooxdii Caafimaadka Ee U Gurmatay Deegaanka Buuhoodle.

$
0
0

Buuhoodle,(cakaaranews),Arbaca, 17ka, May, 2017. Dadaalka balaadhan ee ay xukumada DDSI u gashay ka jawaabida xaaladaha abaarta iyo xakamayn cudurka shuban biyoodka ee ay keentay xaaladaha abaaru ayaan ku koobnayn oo kaliya deegaanka soomalida itoobiya balse kaalin miisaan culus ka gaysatay wax ka qabadka xaaladaha abaarta iyo xakamaynta cudurka shuban biyoodka qaarka mid ah bulshada ku dhaqan deegaanada  wadamada aan dariska nahay.

Waxaaa ka mid ahaa deegaanka ay xukuumada DDSI si adag ugu gurmaday bulshada ku dhaqan deegaanka   buuhoodle ee dalka soomaliya ee aan dariska nahay oo xanuunka shuban biyoodku  si ba’an u haleelay. waxayna  xukuumada dawlada  Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa u  dirtay koox caafimaad, dawooyinka qalabka adeegyada caafimaadka iyo deeqo raashin ah.

deegaankaasi buuhoodle waxa uu la ildarnaa ka hor intii ayna gaadhin kooxda caafimaadku  abaar iyo cudurka shuban biyoodka taasi oo aan loo hayn awood lagu xakamayn karo xaaladaha abaarta iyo cudurka shubun biyoodka  islamarkaana ay xiligaasi dadka badan 500 oo qof ay cusbitaalka magaalada buuhoodle la jiifeen xanuunka shuban  biyoodka ah.  kooxdan caafimaadka oo isugu jiray dhakhaatiirta iyo xirfadlayaasha caafimaadka  ayaa ka dib markii ay ka hawlgaleen deegaanka buuhoodle waxay ka soo hooyeen guulo ay ku diirsadeen bulshada reer buuhoodle, xaaladii cakirnaydna ee dhinaca xanuunka shubanka  biyoodka ah  ku soo celiyay mid caadiyo waxayna kooxdan caafimaadka ee DDSI ka hawlgaleen deegaanka buuhoodle muddo bil ah.

haddaba, ka dib markii ay kooxdan caafimaadku soo gudatay waajibaadkoodu guulo waawayna ka soo hooyay xakamaynta iyo tir tirida xanuunka shuban biyoodka ayaa waxaa xaflad sagootin iyo mahad naq   ah u qabtay bulshada reer buuhoodle ee ay ka mid yihiin odayaal  dhaqameedka deegaanka buuhoodle, gudiga caafimaadka ee deegaanka buuhoodle iyo bulshada reer buuhoodle waxayna xafladaasi ujeedadiidu ahayd mid loogu mahad naqayo guud ahaanba dalkeena itoobiya gaar ahaana DDSI laguna soo sagootinayo  kooxdan caafimaadka  ee xiligii  murugadu haysatay bulshada reer buuhoodle uga soo gurmatay waxayna qaybaha kala duwan ee bulshada reer buuhoodle oo ka hadlay xafladaasi si mug leh ugu mahad celiyeen  guud ahaan, dalkeena itoobiya,  DDSI gaar ahaan  madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar

waxaana gabagabadii xafladan  shahaadooyin sharaf la gudoonsiiyay dhamaan kooxdii caafimaadka ee la soo sagootinayay.

MW CMC Oo Furaha Guri Casriya Gudoonsiiyay Cabdulaahi Xasan Oo Kamid Ahaa Madaxwayneyashii hore ee DDSI

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Khamiis, 18ka May 2017. Madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa maanta ku wareejiyay furaha guri casriya mudane Cabdulaahi Xasan oo ka mid ahaa madaxwayneyaashii hore ee deegaanka soomaray.

Hadaba Munaasabadii lagu wareejinayay furaha guryahan casriga ah oo ay goobjoog ka ahaa yeen madaxwayne yaashii hore ee deegaanka soomaray ayaa waxaa ka hadlay Madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo sheegay in maanta lagu wareejinayo furaha guryahan casriga ah mudane Cabdulaahi Xasan oo ka mid ah madaxwayne yaashii hore ee deegaanka soomaray islamarkaana ay mudan tahay in la xurmooyo lana qadariyo , Wuxuuna madaxwaynaha DDSI intaa kudaray  in madaxwayneyaashii hore ee deegaanka soomaray la siiyay guryo noocan ah .

Sidoo kale mudane Cabdilaahi Xasan oo ka mid ah madaxwayneyaashii hore ee deegaanka soomaray ayaa siwayn ugu mahad naqay madaxwaynaha DDSI iyo guud ahaan xukuumada DDSI wuxuuna sheegay in ay maanta farxad u tahay maadaamo oo ay meelwada joogaan madaxwayneyaashii hore ee deegaanka soomaray kana qayb-qaadanayaan hawlaha horumarka taasina waxa uu sigaar ah ugu mahad celiyay Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo suurgagaliyay arintan dhaxalgalka ah.

Gurigan casriga ah ee lagu wareejiyay mudane cabdilaahi xasan ayaa waxaa dhismihiisa hirgalisay wakaalada horumarinta guriyaha DDSI waxaana laga hirgaliyay xaafada dulqabow ee maamulka magaalada jigjiga.

 

 

 

 

 

 


Mw Ku Xigeenka DDSI Oo Xadhiga Ka Jaray Kaalin Shidaal Casriya.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews), Jumce, 19ka, may, 2017. Waxaa maanta xadhiga laga jaray kaalin shidaal casriya oo ay ku baxday aduun lacageed oo dhan 28 milyan oo bir taasi oo uu  muwaadin dhalinyaro ka hirgaliyay   Caasimada deegaanka ee jigjiga.

Xafladii kaalintan shidaalka ah xadhiga lagaga jarayay oo ahayd mid si qurux badan loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin sare oo heer deegaan ah oo uu ka mid yahay madaxwayne ku xigenka DDSI  ahna wasiirka horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha DDSI mudane Cabdixakiin Cigaal Cumar, odayaasha  dhaqanka deegaanka,  masuuliyiinta ugu saraysa shirkada total dalkeena itoobiya oo uu ka mid yahay maareeyaha guud ee shirkada total dakeena itoobiya mudane Lassina Toure, kooxaha fanka iyo suugaanta DDSI iyo marti sharaf kale.

Kaalintan  shidaalka ah oo ah tii ugu horaysay ee noocan oo kale ah   laga hirgaliyo dalkeena itoobiya ayaa waxaa xafladii xadhig ka jarka  ugu horayntii ka hadlay madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha DDSI mudane Cabdikaxiin Cigaal Cumar oo ugu horayntii u mahad celiyay mulkiilaha hirgaliyay kaalinta shidaalka ee laga dhisay caasimada DDSI wuxuuna sheegay madaxwayne ku xigeenku in sanadihii ugu danbeeyay si xawliga isku soo tarayso ganacsatada DDSI ee maalgashiga balaadhan ka samaysanaya deegaanka madaxwayne ku xigeenka ayaa ka warbixiyay ahmiyada ay kaalintani u leedahay bilicda magaalada jigjiga iyo adeeg bixinta dhinaca shidaalka ee deegaanka.

Dhankiisa  waxaa ka hadlay xafladan  maareeyaha guud ee Shirkada total dalkeena itoobiya  mudane Lassina Toure oo ugu horayntii u mahad celiyay u mahad celiyay hogaaminta xukuuamda DDSI ee suurtagaliyay horumarka balaadhan ee sida xawliga ah uga hirgalay DDSI isaga oo sheegay in kaalinta maanta xadhiga laga jarayaa tahay kaalintii ugu horaysay ee nooceedan oo kale ah ee laga hirgaliyo dalka  itoobiya  islamarkaana laga hirgaliyay caasimada DDSI maareeyaha ayaa u mahad celiyay mulkiilaha  kaalinta shidaalka dadaalka balaadhan ee uu ku jirgaliyay kaalinta casriga ah.

Sidoo kale waxaa ka hadlay furitaankii xafladan  mulkiilaha kaalinta ee shidaalka ee total mudane Sacad Xaaji Maxamed Ismaaciil oo ugu horayntii u mahad celiyay hogaaminta sare ee xukuumada DDSI oo ugu horeeyo madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar oo kaalin mug leh ka gaystay ayuu yidhi hirgalinta kaalintan shidaalka isaga oo ka warbixiyay jaran jarooyinkii ay soo martay hirgalinta kaalintan shidaalku isaga oo sheegay in ay ku baxday aduun lacageed oo dhan 28 millyan oo bir.

Waxaa kale oo ka hadlay xafladan Garaad Kulmiye Garaad Maxamuud Garaad Dool oo sharax dheerka bixiyay ahmiyada ay leedahay kaalintan shidaalka isaga oo sheegay in ay qayb ka tahay  qorshayaasha horumarineed ee laga hirgaliyay deegaanka gaar ahaan caasimada deegaanka ee jigjiga. Garaad ka oo ka hadlayay afka odayaasha deegaanka ayaa u mahad celiyay mulkiilaha hirgaliyay kaalinta shidaalka oo ah tii ugu horaysay ee noocon oo kale ah oo laga jirgaliyo dalkeena itoobiya

 

Ugu danbayntii waxaa xadhiga uga jaray kaalintan shidaalka ee total madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha DDSI mudane cabdixakiin cigaal cumar iyo maareeyaha guud ee shirkada total ee dalkeena itoobiya mudane lassina toure.

MW CMC Ambabaxay Xarunta Dalka Ee Addisababa.

$
0
0

Addisababa (Cakaaranews) Sabti 20ka May 2017. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa dhanka xarunta deegaanak uga ambabaxay dhanka xarunta dalka ee magaalada addisababa, Isagoo hawlo shaqo, Shirar iyo hawlo muhiim ah utagay xarunta dalka ee magaalada addisababa. madaxwaynaha ayaana wakhti xaadirkan kusugan xarunta dalka .

Kulan Lagaga Arrinsanayay Diyaarinta Qorshaha Hawlaha Caafimaadka ee 2010

$
0
0

Jigjiga (cakaaranews) Sabti 20ka May 2017.Kulan kusaabsan diyaarinta qorshaha hawlaha caafimaadka islamarkaana lagu aasaasayay kooxo cusub oo ah kooxaha taageerada iyo dabagallka hawlaha caafimaadka, kana sooqaybgaleen Vocal personada 8 gobol oo deegaanka kamid ah iyo hawlwadeeno kale ayaa kadhacay xarunta deegaanka ee magaalada  jigjiga.

Hadaba, kulankan oo ahaa mid lagu diyaarinayp qorshayaasha caafimaadka islamarkaana socday mudo sadex cisho ah ayaa waxaa xidhitaankiisii kahadlay  wasiirka xafiiska caafimaamadka DDSI mudane Xasan Ismaaciil oo xidhitaankii kulankan kahadlay ayaa sheegay in kulankani ahaa mid  lagu lafa gurayayay qorshaha 2010 TI ee inagu soo aadan islamarkaan lagu aasaasayay kooxaha taageerada iyo dabagalka caafimaadka.

Wuxuuna wasiirku kuladardaarmay hawlwadeenada iyo kooxahaba in qorshaha 2010 ee caafimaadku uu noqda mid kusalaysan siyaasada caafimaadka ee dalka islamarkaana ku qotama baahada deegaanka ee dhinaca caafimaadka.

Ugudanbayna kaqaybgalayaashii kulankan oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in kulankani ahaa mid aadmuhiim u ah aadna ay ugfaraxsanyihiin. Waxayna tilmaameen in ladhisay kooxaha taageerada iyo dabagalka caafimaadka.

 

 

Tartan Aqoomeed Loo Hayay Ardayda Dugsiyada ee MMJ Oo Lasoo Gabagabeeyay

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Axad 21ka May 2017.Tartan  balaadhan oo uu soo agaasimay xafiiska waxbarashada iyo kobcinta awooda Maamulka magaalada Jigjiga islamarkaana ay kasooqaybgaleen ardayda dugsiyada oo laga soo kala xulay 29 dugsi oo isugujira dugsiyada dawliga ah iyo kuwa aan dawliga ahayn, socdayna mudo bil ah ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada jigjiga.

Tartankan  oo ah mid ay ardaydu  ku taratamaysay 6 maado oo kala ah physics, chemistry, biology, milgaha qaranka (Civic), luuqada afka Hooyo, iyo xisaabta ayaa lagu abaalmariyay dugsiyadii iyo ardaydii kaalimaha hore galay.

Hadaba, tartankan ayaa waxaa warbaahinta deegaanka uga waramay madaxa xafiiska waxbarashada iyo kobcinta awooda Maamulka Magaalada Jigjiga mudane Cabdinaasir Cadhays oo sheegay in tartankani yahay mid uu xafiisku qabto sanadwalba xiligan oo kale islamarkaana ay u jeedadiisu tahay in ardayda dhaxdeedu isbarato kuna kala bartaan aqoon iyo cilmi, wuxuuna tilmamay in ay abaal marin la siiyay dugsiyadii iyo ardadii ku guulaystay tartankan islamarkaana kaalimaha hore galay.

Uguanbayna dhankooda ardaydii kuguulaysatay tartankan oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin taratakan looqabtay. Waxayna xuseen in taratnku ahaa mid si heer sare ah loo soo diyaariyay aqoon iyo cilmi badana ay ka heleen.

 

 

Tababar Ku Saabsan Daraasaadka Xili Roobaadka Gu’ga Oo Ka Furmay Jigjiga.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews), Axad, 21ka,May, 2017.  Waxaa ka furmay caasimada deegaanka ee  jigjiga gaar ahaan madasha shirarka ee huteelka xamda tababar ku saabsan sidii loo daraasadayn lahaa xili roobaadka gu’ga islamarkaana loo ogaan  lahaa  baahida bulshada deegaanka ee xoolo dhaqatada iyo xoolo dhaqato beeralayd.

Tababarkan oo uu soo agaasimay xafiiska ka hortaga iyo u diyaar garowga masiibooyinka DDSI ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta ugu saraysa xafiiska ka hortaga iyo u diyaar-garowga masiibooyinka oo ay ka mid yihiin wasiirka xafiiska ka hortaga iyo u diyaar garowga masiibooyinka DDSI mudane Xuseen Maxamed Xasan, wasiirka xigeenka xafiiska ka hortaga iyo u diyaargarowga masiibooyinka DDSI ahna la taliyaha madaxwaynaha dhinaca bini-aadanimda iyo xidhiidhka ha’yadaha mudane Anwar Cali, wasiir ku xigeenka ka hortaga iyo u diyaar-garowga masiibooyinka DDSI mudane Yaasiin Cumar, xubno ka  socday xafiisyada heer deegaan ee ay baw-wadaagta yihiin xafiiska  ka hortaga iyo u diyaargarowga masiibooyinka DDSI iyo xubo ka socday dhamaan hayada, ka hawlgala deegaanka gaar ahaan kuwa ay bah-wadaagta yihiin xafiiska ka hortaga iyo u diyaar-garowga masibooyinka DDSI.

Waxaana furitaankii tababarkan ka hadlay wasiirka xafiiska ka hortaga iyo u diyaargarowga masiibooyinka DDSI mudane Xuseen Maxamed Xasan  oo ka warbixiyay ahmiyada iyo ujeedooyinka tababarkan  isaga oo  sheegay in  ujeedada ugu wayn tababarkani tahay maadaama oo  hadda lagu jiro xili-roobaadkii gu’ga sidii loo soo daraasadan lahaa xaalad Roobaadka gu'ga loona ogaan lahaa baahida bulshada deegaanka ee xoolo dhaqatada iyo kuwa xoolo dhaqato beeralayda ah gaar ahaan kuwa ay abaaruhu saameeyeen wasiirka ayaa intaasi ku daray in hadda xukuumada DDSI xooga saarayso sidii looga gaashaaman lahaa xaaladaha abaarta daraasaadkana wax wayn ka qabandoona qorshayaasha lagaga gaashaamanayo abaarta ugu danbayntii waxa uu wasiirku u booriyay tababartayaashan in mudada uu tababarku socdo fahan buuxa ka qaataan cashirada la dhigayo si looga midho dhaliyo ujeedooyinka tababarkan.

Tababarkan oo socondoona mudo laba maalmood ah ayaa marka uu dhamaado waxay  tababartayaasha  oo ah kooxo isku dhafka oo ka kala socday qaarka mid ah xafiisyada heer deegaan iyo hay’adaha ka hawlgala deegaanku u bixidoonaan gobolada deegaanka si ay u soo sameeyaan daraasaadkan.

Viewing all 304849 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>