Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all 304849 articles
Browse latest View live

Adeegii Qaliinka Iyo Daawaynta Indhaha Bilaashka Ahaa Oo Ka Furmay Degmada Erar

$
0
0

Erer(Cakaaranews) Khamiis 8da June 2017.Waxaa si rasmi ah ooga furmay Xarunta Caafimaadka Ee  Degmada Erar  ee gobolka siti ololihii Daawayntii Iyo Qaliinkii Indhaha bilaashka ahaa Oo Ay Kafaa,iidaysanayaan shacabka Degmada Erar iyo nawaaxigeeda ee gobolka siti.

Hadaba mid kamida hawlwadeenada adeegani ayaa sheegay in uu adeegani Bilaashka ah ee qaliinka iyo daawaynta indhaha ee caafimaadka DDSI uu ka bilaabmay degmada Erar  islamarkaana loo adeegay bulsho dhan 543 qof oo isugu jira 108 qof oo lagu sameeyay qalniin halka 435 laga daweeyay indhaha, Iyadoo sidii loogu talagalay ilaa wakhti xaadirkani ay hawshu u socota islamarkaana uu maalmahan kasii socon doono isla degmadaas Erar ee gobolka siti, Waxayna kooxdan qaliinka iyo daawaynta indhaha bilaashka ah  ee wareega   ka fulin doonaan adeegan qaliinka iyo daawaynta indhaha bilaashka ah guud ahaanba degmooyinka dhiman ee aan wali laga fulinin adeegan xukuumada DDSI gaarka u ah islamarkaana ooga talagashay siday bulshada deegaanka ku nool ee ka lumay aragoodii indhaha oogusoo celin lahaayeen.

Sidoo kale waxaa isana dhankiisa ka hadlay kusimaha gudoomiyaha degmada erer ahna gudoomiye kuxigeenka degmada erer mudane Saacid Badal oo sheegay inuu adeegani yahay mid muhiim ah islamarkaan uu muhiim uyahay bulshada danyarta ah, Wuxuuna masuulku intaa kudaray inay wargeliyeen dhamaan bulshada ku dhaqan degmada erer iyo naawixgeedaba.

Ugu danbayna waxaa dhankooda ka hadlay qaar kamid bulshada aragooda dib uhelay ee ku dhaqan degmada Erar iyo naawaaxigeeda oo u waramay warbaahinta deegaanka ayaa sheegay inay aad oogu faraxsanyihiin qalitaankan iyo daawaynta indhaha loo sameeyay ee bilaashka ah islamarkaana bogaadiyay howshan caafimaad ee ay bulshadu dib oogu helayaan aragooda indho. Waxayna aad oogu mahad celiyeen xukuumada DDSI oo runtii dadaal dheer ugashay siday bulshada deegaanku uheli lahaayeen aragooda indhaha. Sikastaba ha ahaatee adeegan qaliinka iyo daawaynta indhaha bilaashka ah ayaa ah mid xukuumada deegaanku gaar u ah islamarkaana la rabo in dhamaan laga hirgaliyo degmooyinka deegaanka iyadoo inta badan laga fuliyay deegaanka inta dhiman laga fulin doono.

 


Kulan Lagu Qiimaynayay Mashaariicaha Laydhgalinta DDSI Oo Ka Furmay jigjiga.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews)jumce, 9ka June , 2017. Waxaa ka furmay hoolka shirarka ee xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI kulan lagu qiimaynayay mashaariicaha laydhgalinta deegaanka.

Kulankaasi oo ay ujeedadiisu tahay  sidii loo qiimayn lahaa  tayada adeegyada mashaariicaha dhinaca  laydh galinta deegaanka islamarkaana lagu dar-dargalinayay  fulinta qorshayaasha adeega laydhka ee degmooyinka iyo tuulooyinka DDSI ayaa waxaa  ka soo qaybgal gudiga kaabayaasha dhaqaalaha deegaanka oo ay ka mid yihiin wasiirada xafiisyada horumarinta deegaanka sida xafiiska waxbarashada, xafiiska  maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI , xafiiska  caafimaadka DDSI, Xafiiska ganacsiga iyo gaadiidka DDSI, iyo xafiisyada kale ee horumarinta deegaanka, waxaa kale oo ka soo qaybgalay kulankan gudoomiyayaasha gobolada DDSI iyo masuuliyiinta ugu saraysa shirkada quwada korontada DDSI.

 

Wasiirka xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI mudne Axmed Cabdi Maxamed ayaa warbaahinta deegaanka ugu warbixiyay ahmiyada iyo ujeedooyinka kulankan  wuxuuna sheegay in xukuumada DDSI dadaal xoogan ugu jirto  midho dhalinta istaraatajiyada iyo qorshayaasha horumarineed ee bulshada deegaanka lagaga saarayo saboolnimada laguna gaadhayo  wadamada uu dhaqaalahoodu meel dhexaadka yahay sidoo kalena wasaarada heer faderaal dhankooda looga baahan yahay  in ay dar-dargaliyaan mashaariicaha horumarineed ee deegaanka ay ka wadaan gaar ahaan mashaariicaha laydhgalinta oo qayb-wayn ka ah hirgalinta hawlaha horumarka, wasiirka ayaa intaasi ku daray in kulankan xooga lagu saarayo sidii loo gufayn lahaa gol-daloolada ka jirta dhinaca adeega laydhgalinta gaar ahaan mashaariicaha laydhgalinta ee jigjiga ilaa dhagaxbuur iyo dhamaanbta tuulooyinka iyo degmooyinka DDSI ee  laga wado adeega  laydhgalinta. 

Madaxa Xafiiska Waxbarashada Degmada Erer Oo Kawarbixiyay Imtaxaanaadkii Heer Qaran Ee Ka Dhacay Erer

$
0
0

Erer (cakaaranews)jumce  9ka June 2017.  Madaxa xafiiska waxbarashada Degmada Erer ee Gobolka Siti mudane Cabdi Muxumed Maxamed ayaa sheegay in si farxad leh uu ugu dhamaaday imtaxaanaadkii heer qaran ee fasalada 10aad iyo 12aad islamarkaana ay si nabad ah imtaxaanka u qaateen arday tiradoodu kor u dhaafayso 769 arday oo 419 kamid ahi ay yihiin ardayda qaadatay imtaxaanka 10aadka meesha 350 ardayna ay yhiin ardayda 12aadka qaadatay oo isugujirta arday regular ah iyo arday private ah oo 220 arday yihii lab 139 ka kalana ay yihiin dhadig.

Wuxuuna intaa kudaray masuulku  in imtaxaanka fasalka 10aad ay u fadhiisteen arday tiradoodu kor u dhaafayso 419 arday oo 137 kamid ahi ay yihiin Gabdho meesha 282 ay yihiin wiilal.

Dhankakale, madax xafiiseedka ayaa tilmaamay in imataaxaanaadkani ay kakala dhaceen 5 goobood oo degmada erer hoosyimaada islamarkaana ay hawsha si wada jir ah u fulinayeen wasaarada waxbarashada heerfederal, xafiiska waxbarashada DDSI, iyo waliba shaqaalaha xafiiska wabarashada Degmada Erer.

Sidookale, madax xafiiseedka ayaa tilmaamay in sidookale fulinta shqooyinkan imtaxaanadka ay taageero lodgistic kagaysatay hay’ada bahwadata la ah xafiiska ee save the children laanteeda diredhawa islamarkaana ay baabuur kucaaawisay xafiiska waxbarashada degmada erer.

Ugudanbayna madax xafiiseedka ayaa carabka kudhuftay in uu guul u rajaynayo guud ahaanba ardayda deegaanka gaar ahaan ardayda degmada erer islamarkaana uu rajo fiican kaqabo in sanadkan ay noqon doonaan kuwo guulo wax ku ool ah kakeena natiijada imtaxaanadkan heer qaran.

Qiimayntii Waxqabadka Dakhliga Degmooyinka Iyo Maamul Magaalooyinka Oo Ka Furmay Jigjiga.

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews),jumce, 9ka, June, 2017.Waxaa ka furmay magaalada jigjiga gaar ahaan hoolka shirarka ee Qaryaan dhoodaan kulan lagu qiimaynayo waxqabadkii  dhinaca dakhliga ee  degmooyinka  iyo maamulada magaalooyinka DDSI ee sanad miisaaniyeedka 2009TI iyada dhinaca kale kulankan lagu   diyaarinayo hirgalinta  qorshaha dakhliga degmooyinka iyo maamul magaalooyinka DDSI ee sanad miisaaniyeedka  2010TI.

Kulankan qiimaynta ah oo ay hogaaminayeen   masuuliyiinta sare ee wakhaalada dakhliga DDSI oo ay ka mid yihiin maareeye ku xigeenka wakaalada dakhliga DDSI mudane Cabdifataax Maxamed Cabdi  (Qabaase) maareeye ku xigeenka wakaalada dakhliga DDSI mudane Xasan Cali ayaa waxaa loo qaybtay  dhamaan maareeyayaasha wakaaladaha dakhliga  degmooyinka iyo maamulada magaalooyinka DDSI.

Waxaana furitaankii kulankaasi ugu horayntii ka hadlay maareeye ku xigeenka wakaalada dakhliga DDSI mudane Cabdifataax Maxamed Cabdi oo ka warbixiyay  in ka midha dhalinta qorshayaasha koboca iyo isbadalka dhaqaala deegaanka  ay laf-dhabar u tahay meel marinta awoodaha fulinta waajibaadka shuruucaha dakhliga  wuxuuna sheegay maareeye ku xigeenku in kulanka qiimaynta ah diirada lagu saarayo  waxqabadkii  iyo fulinta qorshayaashii u dajisnaa wakaalada dakhliga degmooyinka iyo maamul magaalooyinka DDSI ee sanad miisaaniyeedkan 2009TI  islamarkaana  laysla meel dhigayo fulinta qorshaha  dakhliga ee sanadka 2010TI isaga oo u sheegay masuuliyiinta wakaaladaha dakhliga ee degmooyinka iyo maamul magaalooyinku in ay si cad-cadaan iyo isla  xisaabtan leh u soo bandhigaan warbixinta waxqabadkooda.

Kulankan qiimaynta ah ayaa inta uu socto waxa ay masuuliyiinta dakhliyada degmooyinka iyo maamul magaalooyinka DDSI ku soo bandhigayaan warbixinta waxqabadkooda taasi oo laga waayo aragnimo qaadanayo sidii qorshaha sanadkan soo socda loo buuxin lahaa haddii ay jirtay wax gol-daloolo ah sanadkan hadda dhamaanaya.

 

 

 

Wafti Ka Socday Deeq Bixiyayaasha Caalamka Oo Lagusoo Dhaweeyay Wardheer

$
0
0

Wardheer(Cakaaranews) Sabti 10ka June 2017. Wafti balaadhan oo ka socday deeq bixiyayaasha caalamka, Safiiro iyo  Suxifiyaal oo uu hogaaminayay komoshineerka komishinka maaraynta masiibooyinka JDFI mudane mitiku kassa ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada wardheer ee xarunta gobolka doolo.

Waxaana si meeqaam sare ah u soo dhaweeyay masuuliyiin heer deegaan ah oo ay ka mid yihiin Wasiir Kuxigeenka Xafiiska Maamulka DDSI mudane Cabdiwali Xaaji Maxamed Dalmar, la taliyaha Madaxwaynaha DDSI ee dhinaca bini-aadanimada iyo xidhiidha hay’adaha caalamiga ahna wasiir kuxigeenka xafiiska kahortaga iyo u diyaar-garowga masiibooyinka DDSI mudane Anwar Cali, Maareeyaha wakaalada warbaahinta deegaanka mudane Farxaan Maxamuud Axmed, wasiirka dhaqanka iyo dalxiiska DDSI  mudane Baashe Cabdi Ismaaciil, Wasiir kuxigeenka xafiiska ka hortaga iyo u diyaar garowga masiibooyinka DDSI mudane Yaasiin cumar, masuuliyiinta gobolka doolo iyo masuuliyiin kale oo heer deegaan ah

Soo dhawayn kadibna waxay deeqbixiyayaashan, safiirada iyo suxufiyiinta heer caalami kulan la yeesheen masuuliyiinta heer deegaan, heer gobol iyo qaybaha kala duwan ee bulshada waxayna iska xogwaraysteen saamayntii xaaladaha abaarta. Waxaana kulankaasi ugu horayntii ka hadlay komishineerka komishinka maaraynta masiibooyinka JDFI oo ka warbixiyay dadaalka muga leh ee DDSI, dawlad heer faderal iyo hay’adaha caalamiga ah ka gaysteen ka jawaab celinta xaaladaha abaarta.

Waxaa kale oo kulankaas ka hadlay gudoomiyaha gobolka doolo mudane Maxamed Cabdi Bare iyo wasiir ku xigeenka xafiiska ka hortaga iyo udiyaargarawga masiibooyinka DDSI mudane Anwar Cali kuwaasi oo ka warbixiyay heerka saamaynta xaaladaha abaarta iyo sida ay xukuumada DDSI oo kaashanaysa heer federal iyo hay’adaha ay waxqabad muuqda ooga qabteen xaaladaha abaarta. Waxayna intaa kudareen  in ay muhiin tahay in ay hay’adaha heer caalami sii xoojiyaan deeqaha ay siinayaan bulshada abaaruhu saameeyeen.

Dhankooda deeq bixiyayaasha heer caalama ayaa sheegay in ay sii xoojinayaan taageerada ay soo gaadhsiinayaan bulshada abaaruhu saameeyeen ee DDSI waxayna u mahad celiyaan xukuumada DDSI iyo tan heer federal sida ay wax uga qabteen xaalada abaarta Intaasi ka dib waxay deeqbixiyayaashan iyo mas’uuliyiinta heer deegaan booqdeen qabahala qudhacle oo ah goobta ay ku nool yihiin bulshadii ay soo bara kiciyeen xaaladaha abaarta waxayna u kuurgaleen habnololeedka bulshada.waxayna xuseen inay sii xoojin doonaan dadaalka tageero ee ay u hayaan xukuumada deegaanka.

 

Adeegii Qaliinka Iyo Daawaynta Indhaha Bilaashka Ahaa Ee Degmada Erer Oo Lasoo Gabagabeeyay

$
0
0

Erer(Cakaaranews) Axad 11ka June 2017. Waxaa degmada erer ee gobolka siti lagusoo gabagabeeyay adeegii qaliinka iyo daawaynta indhaha bilaashka ahaa oo maalmihii udanbeeyayba looga faaiidaynayay bulshada ku dhaqan degmada erer iyo nawaaxigeeda.

Hadaba iskuxidhaha Kahortaga Indho la,aanta Ee Xafiiska Caafimaadka DDSI Mudane Axmed bade Ducaale  ayaa sheegay in uu adeegani Bilaashka ah ee qaliinka iyo daawaynta indhaha ee xafiiska caafimaadka DDSI in maanta lasoo gabagabeeyay adeegii qaliinka iyo daawaynta indhaha bilaashka ahaa  islamarkaana loo adeegay bulsho dhan 943 qof oo isugu jira 171 qof oo lagu sameeyay qalniin indhaha ah halka 772 laga daweeyay indhaha, Iyadoo sidii loogu talagalay kusoo gabagaboobmay islamarkaana uu adeegani si hagar la aan ah oogasoo qabsoomay dhamaanba degmooyinkii gobolka siti ee uu maalmahnba ka shaqaynayay, Waxayna kooxdan qaliinka iyo daawaynta indhaha bilaashka ah  ee wareega   ka fulin doonaan adeegan qaliinka iyo daawaynta indhaha bilaashka ah guud ahaanba degmooyinka dhiman ee aan wali laga fulinin adeegan xukuumada DDSI gaarka u ah islamarkaana ooga talagashay siday bulshada deegaanka ku nool ee ka lumay aragoodii indhaha oogusoo celin lahaayeen aragoodii indho.

Ugu danbayna waxaa dhankooda ka hadlay qaar kamid bulshada aragooda dib uhelay ee ku dhaqan degmada Erar iyo naawaaxigeeda oo u waramay warbaahinta deegaanka ayaa sheegay inay aad oogu faraxsanyihiin qalitaankan iyo daawaynta indhaha loo sameeyay ee bilaashka ah islamarkaana bogaadiyay howshan caafimaad ee ay bulshadu dib oogu helayaan aragooda indho. Waxayna aad oogu mahad celiyeen xukuumada DDSI oo runtii dadaal dheer ugashay siday bulshada deegaanku uheli lahaayeen aragooda indhaha. Sikastaba ha ahaatee adeegan qaliinka iyo daawaynta indhaha bilaashka ah ayaa ah mid xukuumada deegaanku gaar u ah islamarkaana la rabo in dhamaan laga hirgaliyo degmooyinka deegaanka iyadoo inta badan laga fuliyay deegaanka inta dhiman laga fulin doono.

Kulan Lagaga Hadlayay Sii Xoojinta Hawlaha Nabadgalyada Oo Ka Dhacay Jigjiga.

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Axad 11ka June 2017. Waxaa ka qabsoomay hoolka shirarka ee kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI kulan lagu sii xoojinayay horumarka gaar ahaan dhinaca nabadgalyada.

Hadaba Kulankaas oo ay hogaaminayeen ku simaha hogaanka nabadgalayda DDSI ahna taliyaha guud ee ciidanka booliska gaarka ah general Cabdiraxmaan Cabdulaahi Buraale, iyo ku xigeenka hogaanka nabadgalayda DDSI mudan Ibraahin Mubaarig ayaa waxaa loo qaybtay dhamaan hogaanada nabadgalyada gobolada iyo degmooyinka DDSI.

Waxaana ugu horayntii ka hadlay kulankaasi ku simaha hogaanka nabadgalyada DDSI ahna taliyaha guud ee ciidanka booliska gaar ka ah ee DDSI mudane general Cabdiraxmaan Cabdulaahi Buraale oo ka warbixiyay xasiloonida taamka ah ee ka jirgashay DDSI islamarkaana loo baahan yahay in la sii joogteeyo lana sii xoojiyo. Generaalka ayaa kula dar-daarmay hogaamadan gobolada iyo degmooyinku in ay sii dar dargaliyaan fulinta qorshayaasha dhinaca dar-dargalinta iyo adkaynta arimaha nabadglayada.

Ugu danbayna waxaa dhankooda ka hadlay qaarkamid ah hogaanda gobolada iyo degmooyinka deegaanka oo sheegay inay sii xoojin doonaan nabadgalyada taamka ah ee ka hanaqaaday guud ahaanba deegaanka, Waxayna intaa kudareen inay sidii loogu talagalay oogasoo bixidoonaan shaqadooda nabadgalyo islamarkaana aysan kor usocod mooyee hoos udhac samayn doonin.

 

 

Raysil Wasaaraha Dalka Soomaliya Oo Lagu Soo Dhaweeyay Garoonka Caalamiga Ah Ee Bole Air port

$
0
0

Addisababa(Cakaaranews)Isniin 12ka June 2017. Masuuliyiin heer faderal ah oo uu wehelinayay Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa garoonka diyaaradaha ee Bole international Airport si meeqaam sare ah ugu soo dhaweeyay wafti baladhan oo uu hogaaminayo raysil-wasaaraha dalka soomaliya mudane Xasan Cali Khayre.

Raysil wasaaraha dalka soomaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa qolka nasashada ee garoonka diyaaraha kulan kula yeeshay wasiirka wasaarada arimaha faderalka iyo xoolo dhaqatada JDFI mudane Kase Tekle Burhaan kulankaasi oo ay kaga wada hadleen arimaha socdaalka raysil wasaaraha iyo xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya labad dawladood ee dariska ah. waxayna waftigan uu hogaaminayo raysil wasaarahad dalka somaliya inta ay joogaan dalkeena itoobiya shirar la yeelan doonaan masuuliyiinta ugu saraysa JDFI shirarkaasi oo ah kuwa lagu soo xoojinayo xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya labada dale e daris wanaagu ka dhaxeeyo.


Tababar Ku Saabsan Hogaaminta Iyo Maaraynta Caafimaadka Oo La Soo Gabagabeeyay.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews),Isiin, 12ka June, 2017.Waxaa lagu soo gabagabeeyay magaalada jigjiga gaar ahaan hoolka shirarka ee kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka  DDSI tababar uu soo diyaariyay xafiiska caafimaadka DDSI oo loo hayay madax xafiiseedyada xafiisyada caafimaadka degmooyinka iyo maamul magaalooyinka DDSI iyo masuuliyiinta xarumaha caafimaadka degmooyinka iyo maamul magaalooyinka DDSI.

Tababarkan oo ujeedadiisu ahayd mid ku salaysan nidaamka hogaaminta iyo maaraynta   adeega caafimaadka ayaa waxaa soo xidhitaankiisii ka hadlay wasiirka caafimaadka DDSI mudane xasan ismaaciil cali oo si qoto dheer uga warbixiyay doorka ay hogaaninta dhexe ee caafimaadku ku leeyihiin ka midho dhalinta siyaasadaha caafimaadka  wasiirka ayaa sheegay in si looga dhabeeye hananshada fidinta adeegyada caafimaadka oo tayaysan ay lagama maarmaan tahay in la helo hogaamin caafimaad oo ka go’aansho,  karti maamul suuban  iyo maarayn haboon leh. wasiirka ayaa intaasi ku daray in tababarkan loo soo xidhay hogaaminta dhexe ee caafimaadka uu yahay wajigii 1aad islamarkaana ay ka go’antahay xafiska caafimaadka DDSI in uu ka hirgaliyo degmooyinka iyo tuulooyinka DDSI isaga oo ku booriyay hogaamintan qaatay tababarkan in ay ka midho dhaliyaan ujeedooyinkii laga leeyahay tababarkan.

 

Gadhwadeenka geedi socodka qorshaynta iyo dabagalka xafiiska caafimaadka DDSI mduane Maxamed  Ayaanle oo ayaa warbaahinta deegaanka faah-faahin dheeriya ka siiyay ahmiyada iyo ujeedooyinka tababarkan isaga oo sheegay in uu socday mudo 3maalmood ah islamarkaana mudadaasi uu socday hogaaminta dhexe ee caafimaadka la siinayay cashiro ku taxaluqa nidaamka loo hogaamiya adeegyada caafimaaka iyo maaraynt  adeegyada caafimaadka  oo tayo leh.

Kulan Lagaga Hadlayay Waxqabadka Mashruuca One Wash Oo Ka Dhacay Jigjiga.

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews),talaado, 13 ka June , 2017. Kulan balaadhan oo uu soo diyaariyay xafiiska horumarinta khayraadka biyaha DDSI oo lagaga hadlayay waxqabadka iyo fulinta qorshayaashii u dajisnaa mashruuca Bad-qabka iyo fayo dhawrka biyaha ( one wash).

Kulankaasi ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta xafiiska horumarinta khayraadka biyaha DDSI, masuuliyiin ka socday xafiisyada ay hab-wadaagta yihiin mashruucan one wash iyo masuuliyiinka socday 28ka degmo oo ka mid ah degmooyinka DDSI ee uu ka hawlgalo mashruun one wash .

Waxaana furitaankii kulankaasi ugu horayntii ka hadlay wasiir ku xigeenka xafiiska horumarinta khayraadka biyaha DDSI mudane Cabdixaliim Axmed oo ka warbixiyay waxqabadka mashruuca iyo kaalinta uu ku leeyahay hirgalinta qorshayaasha horumarka gaar ahaan adeegyada aas aasiga ah sida  biyaha waxbarashada iyo  caafimaadka  isaga oo sheegay kulankan mudada uu socdo diirada lagu saarayo waxqabadkii mashruucan lana eegaya meelaha uu dhaliisha ku lahaa si loo saxo qorshaha sanadkan soo socda wasiir ku xigeenka ayaa  ku booriyay ka soo qaybgashay kulankan in ay si qoto dheer u lafa guraan waxqabadka mashruuca islamarkaana soo bandhigaan jihooyinka iyo fulinta qorshayaasha mashruuca ee sanadka 2010TI.

Kulankan ayaa inta uu socda waxay masuuliyiina mashruucan one wash,xubnaha  ka socday xafiisyada bah-wadaagta la ah xafiiska biyaha gaar ahaan mashruucan one wash iyo masuuliyiinta ka socday 28ka degmo ee uu ka hawlgasho mashruucani ay soo bandhigayaan waxqabadkii mashruucan iyo jihooyinka fulineed ee lagu hirgalinayo qorshaha sanadkan 2010TI. 

Degmada Erer Iyo Imtaxaankii Fasalka 8aad Oo Si Habsami leh U Bilawday

$
0
0

Erer (cakaaranews)Arbaco 14ka June 2017. Imtaxaankii heer deegaan ee fasalka 8aad ayaa si habsimileh uga bilawday degmada erer ee gobolka siti  iyadoo dhamaan dugsiyada hoose dhaxe ee deegaankana uu imtaxaankani kabilowday.

Hadaba, Madaxa Xafiiska Waxbarashada Degmada Erer ee Gobolka Siti mudane Cabdi Muxumed Maxamed oo uu waheliyo Gudoomiyaha Arrimaha Xisbiga Degmada Erer mudane Maxamed Dayib Daahir  ayaa sheegay in saaka uu si habsamileh u bilowday imtaxaankii fasalka 8aad ee degmada erer iyadoo imtaxaankanina uu kabilawday 7 xarumood oo degmada kamid ah islamarkaana ay imtaxaanka u fadhiisteen arday tiradoodu kor udhaafayso 700 oo arday kuwaasoo 280 ay yihiin dhadig 420 ay yihiin lab.

Sidookale, masuuliyiinta ayaa sheegay in imtxaankan ay si wada jir ah u fulinayaan khabiiro heer deegaan ah maamulka degmada erer. Waxayna carabka kudhufteen in uu imtaxaankan ay ardaydu kuqaadanayaan 9 maado oo kala ah sadexda sayniska, xisaab, cilmibulsho, milgaha qaranka, Axmaari, soomaali iyo English.

Ugudanbayna, waxay mahadcelin balaadhan u soojeediyeen masuuliyiinta xafiiska waxbarashada DDSI oo uu ugu horeeyo wasiirka xafiiska waxbarashada DDSI mudane ibraahim Aadan Mahad oo xaalada imtaxaanka si wadaniyadleh ula socda islamarkaana baahida waxbarashada iyo tan imtaxaankaba si toosa uga warhaya.  Sidookle madax xafiidyada ayaa u mahadceliyay hayada aybahwadaagta yihii ee Save the Children laanteeda Diredawa oo taageero ay kaheleen dhanka gaadiidka.

 

Tababar Ku Saabsan Xirfadaha iyo Farsamada Gacanta Oo Ka Furmay jigjiga.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews), Arbaca, 14ka June , 2017. Tababar  uu soo diyaariyay xafiiska tababarada xirfadaha iyo farsamada DDSI ayaa ku furmay  kuliyada xirfadaha iyo farsamada ee jigjiga tababarkan  ujeedadiisu tahay mid lagu suurta galinayo in xirfad iyo shaqo abuur loogu sameeyo 100 xubnood oo lagu soo kala xulay  6da maamul magaalo iyo dhamaan degmooyinka DDSI taasi oo qayb ka ah dadaalka ay xukuumada DDSI  ugu  jirto  tir tirida shaqo la aanta iyo saboolnimada.

 

Waxaana furitaankii tababarkan ka hadlay wasiir ku xigeenka xafiiska tababarada ,xirfadaha  iyo farsamada DDSI mudane Cabdirisaaq Saxane Cilmi oo ka warbixiyay jihooyinka horumarineed ee u dajisan deegaanka iyo guud ahaan dalka isago oo sheegay in hirgalinta iyo kor u qaaditaanka nidaamka xirfadaha iyo farsamadu tahay tan suurta galinaysa  in la gaadho wadamada dhaqaalahoodu meel dhexaadka yahay kuwa ugu horeeya islamarkaan ay tahay xirfadaha iyo farsamada gacantu dhiig joojinta saboolnimada . wasiir ku xigeenka ayaa intaasi ku daray  in tababarkan oo socon-doona mudo 45 maalmood ah ay xubnahan laga soo kala xulay 6da maamul magaalo iyo dhamaan degmooyinka deegaanku ay mudada uu socdo ku baranayaan  xirfadaha  dabka iyo mishiinada (Electro machine) kuwaasi oo noqonaya marka uu u dhamaado tababarkani kuwo leh xirfad iyo farsamo ay ku shaqaystaan wuxuuna ku booriyay in mudada uu socdo tababarkani ay si fiican uga faa’idaystaan xubnahani.  

Imtaxaankii Fasalka 8aad Oo Si Habsami leh Uga Bilawday Dhamaan Deegaanka

$
0
0

Jigjiga (cakaaranews)Arbaco 14ka June 2017.  Imtaxaankii heer deegaan ee fasalka 8aad ayaa si habsimileh uga bilawday dhamaan dugsiyada hoose dhaxe ee deegaanka islamarkaana uu ka bilowday 484 goobood iyadoo imtaxaankana ay u fadhisteen arday tiradoodu kor u dhaafayso 27,792

Hadaba, wasiirka xafiiska waxbarashada DDSI mudane Ibraahim Aadan Mahad oo warbaahinta deegaanka u waramay ayaa sheegay in imtaxaankani uu kabilawday dhamaan dugsiyada hoose islamarkaana ay u fadhiisteen imtaxaanka arday tiradoodu kor u dhaafayso 27,792, kanadhacay 484 gooboo oo deegaanka ah.

Ugdanbayna wasiirka ayaa sheegay in imtxaankani uu soconayo mudo sadex maalmood ah islamarkaana uu u rajaynayo ardayda inay noqdaan kuwa ka keena natiijo fican oo ay ugu gudbaan dugsiga sare.

 

Inaa lilaahi Wa inaa Ilayhi Raajicuun

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Khamiis 15ka June 2017. Inaa-lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun, waxaa maanta magaalada bahardar ee deegaanka axmaarada gaar ahaan wabiga abay kugeeriyooday allah ha u naxariistee marxuum Xasan Cabdisalaan Cilmi oo kumagac dheeraa (kabacalaf).

Hadaba, XDSHSI iyo xukuumada DDSI oo uu ugu horeeyo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa tacsi tiiraanyo leh udiraya dhamaan shacabka dalka gaar ahaan shacabka DDSI iyo waliba eheladii iyo qaraabadii uu marxuumku kabaxay in ilaahay uu samir iyo iimaan kasiiyo, janatul fardawsana geeyo.

Ugudanbayna, marxuumkan maanta geeriyooday ilaahay ha unaxariistee, ayaa ahaa mid shaqooyin kaladuwan kasoo qabtay deegaanka isagoo  wakhti xaadirkana agaasin ka ahaa xafiiska dhaqanka iyo dalxiiska ee DDSI islamarkaana tii rabi kutimid isagoo kuguda jira gudashada waajibaadkiisii shaqo.  waxayna geerida marxuumku kusoo aaday xili lagu jiro bisha barakaysan ee ramadaan. Sidaadarteed, waxaan marxuumka Ilaahay uga baryaynaa inuu naxariis waasac ah hasiiyo. kitaabkiisana uu midigta kasiiyo. Aamiin. Aamiin baanu leenahay.

Kulan Lagu Qiimaynayay Waxqabadka Iyo darajaynta Nidaamka Maaliyada Degmooyinka Iyo Maamul Magaalooyinka Oo Ka dhacay jigjiga.

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews) jumce, 16ka June, 2017. Kulan balaadhan oo lagu qiimaynta natiijada waxqabadka iyo darajaynta nidaamyada maamulka maaliyadeed ee degmooyinka iyo magaalooyinka DDSI ayaa ka qabsoomay magaalada jigjig gaar ahaan hoolka kuliyada iyo maaraynta adeega shacabka DDSI.

Kulankaasi oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiinta ugu saraysa xafiiska maaliyada iyo horumarka dhaqaalaha DDSI oo uu ka mid yahay wasiirka xafiiska maaliyada iyo horumarka dhaqaalah DDSI madune Axmed Cabdi Maxamed ayaa waxaa loo qaybtay dhamaan madax-xafiiseedyada maaliyada degmooyinka iyo maamul magaalooyinka DDSI.

Waxaana ugu horayntii kulankaasi ka hadlay wasiirka maaliyada iyo horumarka dhaqaalaha DDSI mudane Axmed Cabdi Maxmaed oo warbixiyay jihooyinka horumarineed iyo dhaqan dhaqaale ee deegaanka iyo guud ahaan dalkeena itoobiya wasiirka ayaa sheegay in kulankan diirada lagu saarayo qiimaynta natiijada waxqabadka islamarkaana lagu abaalmariyo degmooyinka iyo maamul magaalooyinka ee xafiisyada maaliyadaha natiijada sare ka keenay ee hormuudka noqday dhinaca nidaamka maamulka maaliyadeed gaar ahaan fulinta iyo najiitooyinka 22 halbeeg (indicator)oo ay ka mid yihin qorshaynta, miisaaniyada ,dakhli ururinta, kharash bixinta , maamulka lacagaha, xisaab xidhka, iibka , maamulka hantida iyo hanti dhawrka,

waxaana kulankan qiimaynta ah gabagabadiisii abaalmarino la gudoonsiiyay degmooyinkii iyo maamul magaalooyinkii kaalmaha hore u galay qiimaynta waxqabadkan taasi oo ay dhinaca maamul magaalooyinka kaalinta 1aad gashay maamulka magaalada jigjiga. dhinaca degmooyinka waxaa kaalinta 1aad galay degmada tuliguuleed, laalinta 2aad ceelkari halka ay kaalinta 3aad wada galeen degmada awbare, Erar iyo fuultu. taasi oo uu wasiirka maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI mudane axmed cabdi maxamed uu  gudoonsiiyay degmooyinka iyo maamul magaaladan galay kaalmahaasi abaalmarino iyo shahaada sharaf ka  turjimaysa dadaalka ay muujiyeen.


Imtixaankii Fasalka 8aad Ee Heer Deegaan Oo La Soo Gabagabeeyay.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews), jumce,16ka, June, 2017  Waxaa si habsamileh loo soo gabagabeeyay  imtixaankii heer deegaan ee  fasalka 8aad oo  sanadkan ka dhacay 484 oo ah dhamaan dugsiyada hoose dhexe ee deegaanka islamarkaana ay  u fadhiisteen sanadkan arday dhan 27,792.

Haddaba, waxaa  shabakada wararka ee cakaaranews uga warbixiyay imtixaankan la soo gabagabeeyay maanta  wasiir ku xigeenka xafiiska waxbarashada DDSI mudane Maxamuud Axmed Nuur oo sheegay in si qurux badan loo soo gabagabeeyay imtixaanka fasalka 8aad oo ka qaybsoomay dhamaan dugsiayda hoose dhexe ee deegaanka. Wasiir ku xigeenka ayaa tilmaamay in imtixaankani  fasalka 8aad uu ka socday deegaanka muddo 3maalmood ah.

Ugu danbayntii waxa uu wasiir ku xigeenku u mahad celiyay xafiisyadadii iyo shaqsiyadkii ka qayb-qaatay imtixaankii fasalka 8aad iyo guud ahaanba fasalada 10aad iyo 12aad oo dhamaantood ku soo dhamaaday ku soo dhamaaday jawi wanaagsan.  

Aas Qaran Oo Loo Sameeyay Marxuum Xasan Cabdisalaan Cilmi.

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Jumce 16ka June 2017. Inaa-lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun. Allah ha u naxariistee waxaa maanta aas qaran loogu sameeyay magaalada jigjiga marxuum Xasan Cabdisalaan Cilmi oo loo yaqaanay kabacalaf oo maalintii shalay ahayd ku geeriyooday deegaanka axmaarada gaar ahaan wabiga abay oo uu marxuumku hawlo shaqo u joogay.

Waxaana aaskan qaran ee loo sameeyay allah ha u naxariistee marxuum Xasan Cabdisalaan Cilmi oo ku magac dheeraa (Kabacalaf)ka soo qaybgalay qaarka mid ah masuuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo uu ka mid yahay wasiirka xafiiska madaxtooyada DDSI mudan Cabdimahad Maxamed Cabaase, Ehelkii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday marxuunku iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada jigjiga.

Hadaba Wasiirka xafiiska madaxtooyada DDSI mudane Cabdimahad Maxamed Cabaase ayaa ugu horayntii tacsi tiiraanyo leh u diray ehelkii, qaraabadii iyo guud ahaanba xukuumada DDSI iyo shacabwaynaha DDSI ee uu ka geeriyooday allah ha u naxariisteen marxuum Xasan Cabdisalaan Cilmi wasiirka ayaana marxuumka illaahay uga baryay in uu jano fardowsa ka waraabiyo ehelkii, qaraabadii iyo dhamaan umada uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaanka siiyo wasiirka ayaa ka warbixiyay in uu marxuunku ahaa shaqsi wanaagsan oo shaqooyin kala duwan ka soo qaybtay Deegaanka.

Dhanka kale waxaa isana dhankiisa ka hadlay  wasiirka dhaqanka iyo dalxiiska DDSI mudane Baashe Cabdi Ismaaciil oo ugu horayntii u tacsi u diray ehelkii, qaraabadii iyo xukuumada DDSI ee uu ka geeriyooday marxuun xasan wasiirka ayaa ka warbixiyya taariikhda marxuunka isaga oo sheegay in uu ka mid ahaa dadkii lagu aas aasay ee shaqooyinkii ugu horeeyay ka qabtay xafiiska dhaqanka iyo dalkiisa wakhti xaadirkana ka ahaa agaasin. Qaybaha kale duwan ee bulshada iyo shaqaalaha dawlada ayaa si qoto dheer uga warbixiyay shaqsiyadii marxuum xasan.

Ugu danbayna waxaa sidoo kale si fiican ugu duceeyay marxuumka qaar kamid ah culimo owdiinka deegaanka islamarkaana sheeay inuu marxuumka uu geeriyooday bishii barakaysnayd ee ramadaam gaar ahaan 10kii danbe ee bisha ramadaam, Isagoo sheekhu uduceeyay marxuumka tacsina udiray dhamaan eheladii, qaraabadii iyo dhamaanba deegaanka uu ka baxay marxuumka.

MW CMC Oo Ka Qaybgalay Qalinjabinta Dufcadii 21aad Ee Kuliyada Tababarada Macalimiinta Dr Cabdulmajiid Xussen

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Sabti 17ka June 2017. Waxaa maanta hoolka shirarka ee sayid maxamed cabdule xasan ku qalinjabiyay dufcadii 21aad ee kuliyada tababarada macalimiinta dr cabdimajiid xuseen oo ay kasoo qaybgaleen mas’uuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo ugu horeeyo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, Madaxwayne kuxigeenka DDSI ahna Wasiirka Xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah marwo Sucaad Axmed Faarax, qaar kamid ah golaha wasiirada, wasiir kuxigeenada, ardayda kuliyada, Kooxaha Fanka ee deegaanka, waalidiinta iyo marti sharaf kale.

Hadaba munaasabadan ayaa waxaa furitaankeedii ka hadlay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ugu horayn u hambalyeeyay macalimiinta  ka qalin jabiyay kuliyada tababarada macalimiinta dr cabdimajiid islamarkaana usheegay inay macalimiintu yihiin lafdhabarta horumarka uu deegaanka iyo dalkuba hiigsanayo, Wuxuuna madaxwaynuhu intaa ku daray in ardaydan looga baahan yahay inay sii xoojiyaan isbadalka horumarineed ee ka hanaqaaday deegaanka, Isagoo madaxwaynuhu kula dardaarmay inay macalimiintu iska ilaaliyaan waxyaabaha dibu dhaca ku keenaya horumarka sida qabyaalada, Eexda nin jeclaysa, Musuqa IWM. Wuxuuna madaxwaynuhu kuliyada ku amaanay manhajka cusub ee af soomaaliga laga dhigay horayna u ahaan jiray manhaj ku baxa English.

Dhanka kale waxaa isana dhankiisa ka hadlay Wasiirka xafiiska waxbarashada DDSi mudane Ibraahim Aadan Mahad oo sheegay inuu deegaanku kor uqaadayo waxbarashada deegaanka islamarkaana hada kadib lagu dadaalayo sidii loo soo saari lahaa macaliimn tayo leh si loo helo arday tayo leh. Wuxuuna wasiirku intaa ku daray inuu aad oogu faraxsanyahay dufcadan 21aad ee ka qalinjabisay kuliyada tababarada macalimiinta dr cabdimajiid xuseen, Isagoo wasiirku ku booriyay inay kasoo baxaan shaqadooda macalinimo islamarkaana soo saaraan arday tayo leh.

Sidoo kale waxaa isana munaasabadan ka hadlay maareeyaha kuliyada tababarada macalimiinta ee dr cabdimajiid xuseen mudane Kifaax Cabdulaahi Macalin oo sheegay inay maanta qalinjabinayaan dufcadan 21aad oo tiradoodu dhantahay 268 macalimiin ah oo isugu jira wiilal iyo gabdhaba islamarkaana bartay 9 waaxood oo kala duwan oo ah heerka Diplomaga, Wuxuuna maareeyuhu intaa ku daray in kuliyada badashay manhajkii hore oo lagu dhigan jiray English loona badalay soomaali. Wuxuuna maareeyuhu kula dardaarmay macalimiinta inay kasoo dhalaalaan kaalintooda macalinimo.

Ugu danbayna waxaa macalimiintii kaalinta 1aad galay abaalmarino kaladuwan gudoon siiyay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar. Dhankooda waxaa iyana dareenkooda ka hadlay macalimiintii qalinjabinaysay oo sheeay inay maanta aad oogu farasan yihiin qalinjabintan islamarkaana ay sidii loogu talagalay oogasoo bixi doonaan shaqadii macalinimo ee loo idmaday.

MW CMC Oo Afur Sharafeed U sameeyay Mas’uuliyiinta Maamulka Magaalada Diredawa Iyo Mas'uuliyiinta Deegaanka Hararida

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Axad 18ka June 2017. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa afur sharafeed u sameeyay mas’uuliyiinta maamulka magaalada Diredawa oo uu ugu horeeyo maayarka maamulka magaalada diredawa mudane Ibraahim Cismaan iyo mas’uuliyiin kale oo ka socdey deegaanka hararida.

Hadaba afur sharafeedkan loo sameeyay mas’uuliyiinta maamulka magaalada diredawa iyo mas'uuliyiinta ka socdey deegaanka hararida ayaa waxuu ka qabsoomay xarunta deegaanka gaar ahaan xarunta madaxtooyada’ Waxaana afur sharafeedka ku wehelinayay mas’uuliyiinta maamulka dire dawa qaar kamid ah mas’uuliyiinyta deegaanka.

296 Arday oo Ka Qalinjabiyay Jigjiga Polytechnic

$
0
0

Jigjiga (cakaaranews)Axad 18ka June, 2017. Xaflad si heer sare ah loo soo agasimay oo ay ku qalin jabinayeen dufcadii 16aad ee ardayda kuliyada Polytechnice islamarkaana tiradoodu dhantahay 296 arday oo isugujira wiilal iyo gabdhoba, kana sooqaybgaleen masuuliyii heerdeegaan ah oo ay uguhorayso  Madaxwayne Kuxigeenka Ahna Wasiirka Xafiiska Beeraha iyo Khayraadka Dabiiciga ah Marwo Sucaad Axmed Faarax ayaa maanta Kadhacday Hoolka shirarka Sayid Maxamed Cabdile Xasan.

Hadaba, xafladan ayaa waxaa ugu horayn khudbad muhiim ah oo dhinacyo badan taabanaysa kasoojeediyay  Madaxwayne Kuxigeenka Ahna Wasiirka Xafiiska Horumarinta Beeraha iyo Khayraadka Dabiiciga ah DDSI Marwo Sucaad Axmed Faarax oo ugu horayn u hanbalyaysay dhamaan qalinjabiyayaasha iyo marti sharafata kale ee kasooqaybgashay. Waxayna wasiiradu sheegtay in maalinba maalinta kadanbaysa ay kor usookacayso ardayda kaqalinjabinaysa kuliyadaha deegaanka islamarkaana ay aad ugufaraxsantahay in ay kalasooqaybgasho xafladan qalinjabinta ah ee ay ku qalinjabinayaan 296 arday oo baratay culuumta dhiig joogjinta saboolnimadka  kuliyada xirfadaha iyo farsamada gacanta ee jigjiga poly technic.

Marwada ayaa dhamaan qalinjabiyaaysha ku boorisay in ay yihiin xirfadlayaal waxbaratay islamarkaana noocyo kaladuwan oo shaqo abuur ah samaynkara loona baahanyahay si daacad ah oo wadaniyadi kudheehantahay ay ugu shaqeeyaan xirfadooda.

Dhanka kale,wasiir kuxigeenka xafiiska xirfadaha iyo farsamada gacannta (TVET) mudane Cabdirisaaq Saxane oo qalinjabintan kahadlay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanayahay in kasooqaybgalo xaflada qalinjibinta ee radayda jigjiga polytechnic islamarkaana uu hanbalyo u soojeedinayo. Wuxuuna tilmaamay in xukuumada iyo xafiiska TVET kuba uu ahmiyad balaadhan siiyay barashada xirfadaha kaladuwan iyo waliba shaqo abuurka dhalinyarada deegaanka.

Ugudanabayna, xaflada ayaa kusoodhamaatay jawi wanaagsan oo farxad baladhan kamuuqato qalinjabiyayaasha iyo martisharafta kasooqaybgashayba.

 

Viewing all 304849 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>