Jigjiga(Cakaaranews) Talaado 9ka May 2017. Waxaa maanta si qurux badan uga furmay madasha shirarka kaali ee xarunta madaxtooyada DDSI shirwaynihii 8aad ee wadatashiga iyo xog-iswaydaarsiga shacabwaynaha iyo xukuumada DDSI kaasi oo ah shir sanadii labajeer ka qabsooma deegaanka.
Hadaba Shirkan oo ay kasoo qaybgaleen mas'uuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo uu ka mid yahay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, golaha wasiirada DDSI , hagoomintii hore ee deegaanka soo maray oo ay ugu horeeyay madaxwaynayaashii hore ee deegaanka, odayaal dhaqameedka deegaanka, ergooyink ka badan 2,500 oo qof oo ka kala socda dhamaan gobolada DDSI, Maamul magaalooyinka iyo degmooyinka kuwaasi oo isugu jira odayaasha , haweenka, dhalinyarada iyo marti sharaf kale .
Waxaana Shirwaynahan wadatashiga iyo xog-iswaydaarsiga xukuumada iyo shacabka DDSI ugu horayn si rasmiya saaka u furay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ugu horayntii ugu mahad naqay ergooyinkan ka soo qaybgalay shirkan, Wuxuuna madaxwaynhu soo bandhigay ujeedooyinka iyo qodobada lagaga tashanayo shirkan oo uu sheegay in tahay sidii looga samata bixilahaa loogana gaashaaman lahaa xaaladaha abaarta iyo saboolnimada, sidii loo gaadhilahaa isku filnaansho qof ahaan qoys ahaan iyo deegaan ahaanba iyda oo laga waayo aragnimo qaadanayo xaaladaha abaarta ee saamaynta xooga leh u gaystay qaarka mid ah degmooyinka DDSI.
Sidoo kale madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa xusay inuu kulankan yahay sidii siwada jir ah loo gorfayn lahaa jihooyinka, istaraatajiyadaha iyo qorshayaasha horumarineed ee DDSI ee 7dii sanadood ee ugu danbaysay islamarkaana la tashiga iyo ka qaybgalinta bulshada hawlaha horumarka, nabadgalyada iyo maamulka suuban, ay yihiin kuwo si toos ah u la halmaala xuquuqaha dimuqoraadiyadeed ee sida cad loogu qeexay dastuurka dalka, ta deegaanka iyo waliba barnaamijyada siyaasadeed ee XDSHSI iyo in shacabka la tuso in ay yihiin mulkiilayaasha, hirgaliyayaasha, ka faa’iidaystayaasha hawlaha horumarka nabadgalyada iyo maamulka suuban. Isagoo cadeeyay in xooga la saaro wax soo saarka beeraha.
Wuxuuna Madaxwaynahu si qoto dheer uga warbixiyay soonyaalkii taariikheed ee uu soo maray deegaanku gaar ahaan dhinacyada nabadgalyada oo uu ka warbixiyay heerka ay gaadhsiinayd, dhibaatooyinkii iyo hagardaamooyinkii lagu hayn jiray shacabka deegaanka iyo jihooyinkii, istaraatajiyadihii ay sanadihii ugu danbeeyay dajisatay xukuumada DDSI ee lagaga soo gudbay dhibaatooyinkii ka jiray deegaanka sidoo kale waxa uu sheegay madaxwaynuhu in shirkani mudda socdo lagaga tashan doono sidii loo sii xoojin lahaa qorshayaasha horumarka, nabadgalayda maamulka suuban, la dagaalanka aragtiyada xun xun sida xagjirnimada, argagixisad iyo dulsaarnimada.
Dhinaca kale waxaa furitaankii shirkan qayb ka ahaa kooxaha fanka iyo suugaanta DDSI oo ku soo bandhiyay dhaantooyin,heeso geeraaro iyo mujaajulooyin ku qotoma ujeedooyinka shirkan . shirkan oo sii socondoona maalmaha soo socda waxaad kala socondoontaan cakaaranews.