Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all 304849 articles
Browse latest View live

MW CMC Oo Afur Usameeyay Maamulada Gobolada Iyo Kabineega Degmooyinka

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Axad 28ka May 2017. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa maamulada gobolada iyo degmooyinka deegaanka afur sharafeed si heer sare ah loo soo agaasimay ugu sameeyay xaafadiisa.

Afur kadib ayaa waxaa la islasoo qaaday in lasameeyo qormo larabo in afka soomaaliga laga saaro erayga ‘NAAYAA’ oo ah kalmad tilmaamaysa yasid si xun loogu adeegsado dumarka iyadoo qormadan oo laga dooday larabo in lasoo hordhigo hay’adaha sharciga.

Hadaba waxaa dhamaan dumarka sharafta leh ee soomaalida gaar ahaan dumarka DDSI  meel kasta oo ay joogaan  la ogaysiinayaa inaysan ogolaanin in lagu yidhaahdo erayga ‘NAAYAA’ maadaama uu eraygaasi yahay mid bahdil ah oo meel wayn kaga dhacaya sharaftii dumarkeenu lahaa. Sidaadarteed  Ninka xaaskiisa kuyidhaahda erayga naayaa waxaa xaqiiqa ah inuusan jeclayn oo uu yasayo, Hadii ay xaaskiisu kayeeshana ay noqonayso bacaac aan xushmad kamudnayn.

Sidoo kale, waxaa raga xaaslayda ah lagu boorinayaa inay dumarkooda u isticmaalaan erayada naxariista leh sida: Gacaliso, Xabiibti, Hani, Macaan, Indhahaygii, Nuurkaygii IWM. Ragga aan xaaska lahayna waxaa la ogaysiinayaa inay gabdhaha soomaalida ah ee sharafta leh ay u isticmaalaan erayada macaan ee ay kamidka yihiin sida: walaal, Huuno, IWM.

Iskusoo wada duuboo dumarka sharafta leh ee soomaalida ah ayaa waxaa lagu wargalinayaa inaysan marnaba aqbalin in lagu yidhaahdo kalmada ‘NAAYAA’ maadaama hadal qoraal qabyo ah oo ay xukuumadu kasoo saartay in kalmada Naayaa laga saaro afsoomaaliga laga wada hadlayo islamarkaana uu horyaalo hay’adaha sharciga.


Ololihii Qaliinka Indhaha Iyo Daawaynta Bilaashka Ahaa Oo Ka Bilaabmay Degmada Ayshica

$
0
0

Ayshica (Cakaaranews) Axad 28ka May 2017. Waxaa si rasmi ah ooga furmay Xarunta Caafimaadka Ee Dagmada Ayshica ee gobolka siti ololihii Daawayntii Iyo Qaliinkii Indhaha bilaashka ahaa Oo Ay Kafaa,iidaysanayaan shacabka Degmada ayshica iyo nawaaxigeeda ee gobolka siti.

Hadaba Waxaa Furitaankii adeegan qaliinka iyo daawaynta indhaha Kahadlay qaarkamid ah hawlwadeenada ololaha qaliinka indhaha iyo daawaynta oo sheegay in maanta uu degmada ayshica ka bilowday adeegii qaliinka iyo daawaynta indhaha kaas oo ay kaafaaiidaysanayaan shacabka Degmada ayshica iyo nawaaxigeeda islamarkaana uu adeegani yahay mid bulshada muhiim ah u ah, Waxayna intaa kudareen inay maanta bilaabeen jeegarayntii hore tasoo lagu ogaanayo sida uu qof walba wax uqabo. Sidoo kalena ay  umahad celiyeen xukuumada oo marwalba shacabkeeda la garabtaan siday ooga jawaabi lahaayeen baahidooda gaarka ah kana jawaabayaan baahida bulshada ee ka jirta dhanka indhaha.

Ugu danbayna waxaa iyana dhankooda kahadlay bulshadii Ka Faaiidaysanaysay Adeegani Bilaashka Ah Ayaa Bogaadisay Hawlahan Mutawacnimada ah ee uu Soo gaadhsiiyay XDSHSI Sidii Loogu talagalayna ay ooga faaiidaysanayaan Bulshadu. Waxayna intaa kudareen inay aad oogu faraxsanyihiin adeegaan ay xukuumadu bilaashka kusoo gaadhsiisay.

 

Dufcadii 12Aad Oo Ka Qalin Jabisay Kuliyada Caafimaadka Jigjiga.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews), Isniin, 29ka , May, 2017.Xaflad si meeqaam sare ah loo soo agaasimay oo ay ku qalinjabiyeen  dufcadii 12aad ee kuliyada caafimaadka jigjiga   xirfadlayaal caafimaadka  oo dhan 438 arday  oo ay dumar yihiin 251 oo bartay  culuumta caafimaadka   ayaa waxay xafadan qalin-jabintu  ka dhacday madasha shirarka  Sayid MCX.

Xafladan  oo ahayd mid si qurux badan loo agaasimay   ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo uu ka mid madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, wasiirka madaxtooyada DDSI mudane Cabdimahad Maxamed Cabaase, maareeyaha kuliyada caafimaadka ee jigjiga mudane Kaamil Cabdilaahi Haybe,  odayaasha dhaqanka deegaanka, waalidiinta,asxaabta aradayda qalinjabinaysay iyo martisharaf kale.

waxaana ugu horayntii ka hadlay xafladan qalin-jabinta madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi  Maxamuud Cumar oo u hambalyeeyay ardaydan qalijabisay ayaa si qoto dheer uga warbixiyay ahmiyada xirfadlayaashan ay leeyihiin   iyo baahida loo qabo taabo galinta yoolasha horumarinta siyaasada caafimaadka, madaxwaynaha ayaa ka hadlay doorkii ay ka qaateen xirfadlayaasha caafimaadka DDSI dadaalkii ay xukuumada DDSI ugu jirtay xakamaynta iyo tir-tiritaanka cudurkii shuban biyoodka ee ka dhashay xaaladii abaart ee saamaysay qaarka mid ah gobolada deegaanka. Madaxwaynaha DDSI ayaa sheegay in loo baahayn yahay in la buuxiyo baahiya dhinaca adeega caafimaadka bulshada sidaasi darteedna  xirfadalaayshan caafimaadkana ee maanta qalinjabiyay  looga baahan yahay  in ka  soo shaqeeyaan goobkasta  iyo meelkasta oo lagu meeleeyo  bulshadana  ay siiyaan adeeg caafimaad oo ay ku dheehan tahay ka go’naansho wadaniyadeed oo leh xushmad iyo soo dhawaynta bukaanka.  Madaxwaynaha ayaa intaa ku daray in xukuumada DDSI dadaal xoogan ugu jirto soo saarida cudud  xirfadlayaal caafimaad  taasi oo lasameeyay kuliyada caafimaadka ee soo saara xirfadlayaal  adeega caafimaadka ah oo ay ka mid yihiin kuliyada caafimaadka Goday iyo Qarbihadar

dhankiisa waxaa ka hadlay maareeyaha kuliyada  caafimaadka jigjiga mudane Kamaal Cabdilaahi haybe oo ugu horayntii u hambalyeeyay ardaydan qalin jabisay ayaa ka warbixiyay soonyaalka taariikheed ee kuliyada iyo ardayda ka qalin jabisay tan  iyo intii  kuliyada la aas aasay in ay ka qalin jabiyeen arday dhan 4,256.  Isaga oo  sheegay maareeyuhu  in ay  maanta ka qalin jabiyeen arday dhan 438, oo bartay noocyada kala duwan ee culuunta caafimaadka  ugu danbaytii ayaa waxa uu sheegay maareeyuhu in ay kuliyada dadaal dheeriya ku jirto soo saarida cudud waxbarsho oo siwayn uga qayb qaadan doonta xaqiihinta iyo hirgalinta qorshay GTP2 iyo SDG.

Garaad kulmiye garaad maxamuud garaad dool oo  ka hadlay xafladan qalin jabinta ah aoo  ugu horayntii u hambalyeeyay ardaydan qalinjabisay  ku booriyay in  ay ka midho dhaliyaan cilmigan caafimaadka ee ay barteen ugu adeegaan bulshada deegaanka.

 

Gabagabadii xafladan ayaa madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Caxamuud Cumar  waxa uu gudoonsiiy abaalmarino kala duwan ardaydii ugu dhibcaha saraysay.

MW CMC Oo Soo Kormeeray Mashaariicaha Horumarineed Ee Laga Wado MMJ

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Isniin 29ka May 2017.  Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ay wehelinayaan qaarka mid ah masuuliyiinta sare ee  xukuumada DDSI ayaa booqday qaarka mid ah mashaariicaha horumarineed ee laga hirgalinayo maamulka magaalada jigjiga.

Hadaba Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo mas’uuliyiintan wehelinaysay ayaa ugu horayntii booqday dhismaha jidka wayn ee qoraxay street ee mmj taasi oo ay dhismaheedu meel gabagaba ah marayso islamarkaana ay  wadadan jidka wayn ee qoraxey street  ka qayb-qaadanayso bilicda iyo adeegyada isku socodka caasimada DDSI waxaana wadadan dhismaheeda gacanta kuhaya wakaalada dhismaha iibka iyo adeega gaarka ah ee booliska.

 Sidoo kale waxa uu madaxwaynuhu booqday xarumaha shirkadaha yar yar ee ku hawlan waxsoosaarka iyo kuliyada tababarda xirfadaha iyo farsamada DDSI oo ah goob lagu tababaro dhalinyarta deegaanka ee bilaa camalka ah iyo kuwa la rabo inay natiijo wax ku ool ah ka keenaan noocyada kaladuwan ee farsamada gacanta.

Adeegii Qaliinka Iyo Daawaynta Indhaha Bilaashaka Ahaa Ee Ayshica Oo Galay Maalintii 2aad

$
0
0

Ayshica(Cakaaranews) Isniin 29ka May 2017. Bulshada Kunool  Degmada ayshica iyo nawaaxigeeda Ee Gobolkani siti oo Kafaaiidaysanaya adeegani qalniinka ayaa Bogaadiyay Adeegani Kaasoo Juhdi Badan Ay Ku Bixisay Xukuumada Deegaanka sidii bulshada deegaanku u heli lahaayeen adeegan qaliinka iyo daawaynta indhaha ayaa Waxaa maalintii 2aad galay qalitaanka indhaha iyo daawaynta ee degmada ayshici iyo nawaaxigeeda ee  gobolka siti iyadoo maalintii shalay ahayd laga daah furay adeegan bulshada loogu soo celinayo aragooda indhaha.

Hadaba mid kamida hawlwadeenada adeegani ayaa sheegay in uu adeegani Bilaashka ah ee qaliinka iyo daawaynta indhaha uu galay maalintiisii labaad islamarkaana loo adeegay bulsha dhan 240 qof oo isugu jira 200 oo qof oo ladaaweeyay iyo 40 qof oo lagu sameeyay qalniin, Geesta kalena ay sidii loogu talagalay ilaa wakhti xaadirkani ay hawshu u socota iyadoo uu maalmahan kasii socondoono halkaas.

Ugudanbayna waxaa dhankooda ka hadlay qaar kamid bulshada aragooda dib uhelay ee ku dhaqan degmada ayshica iyo naawaaxigeeda oo u waramay warbaahinta deegaanka ayaa sheegay inay aad oogu faraxsanyihiin qalitaankan iyo daawaynta indhaha loo sameeyay islamarkaana bogaadiyay howshan caafimaad ee ay bulshadu dib oogu helayaan aragooda indho. Waxayna aad oogu mahad celiyeen xukuumada DDSI oo runtii dadaal dheer ugashay siday bulshada deegaanku uheli lahaayeen aragooda indhaha.

Tababar Ku Saabsan Hirgalinta Nidaamka qiimaynta iyo darajasiinta shaqada iyo Maamulka Suuban Oo Ka Furmay Jigjiga.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews),talaado, 30ka May, 2017. Tababar uu soo diyaariyay xafiiska adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha DDSI  oo ay ujeedadiisu tahay sidii Gobolada,Degmooyinka iyo Maamul magaalooyinka DDSI  looga  hirgalin lahaa nidaamka qiimaynta iyo daraja siinta shaqada (job evaluation and grading)  wajigiisii 4aad   iyo sii xoojinta  maamulka suuban  ayaa ka furmay caasimada DDSI ee jigjiga gaar ahaan madasha  shirarka ee Qaryaan Dhoodaan.

Tababarkan oo loo qabtay hogaaminta gobolada, degmooyinka DDSI iyo maamulka magaalooyinka DDSI  ayaa waxaa furitaankiisii ka hadashay wasiirka xafiiska adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha DDSI Marwo Maajida Maxamed Maxamud  oo ka warbixisay ujeedooyinka tababarkan iyo istaraatajiyadaha laga leeyahay taasi oo ah in si cad loo qeexo cid kastaana garato kaalinta uu shaqaaluhu ku leeyahay hirgelinta waajibaadyada shaqada iyo natiijooyinka laga sugayo shaqaalaha heerar-kooda kala duwan . Wasiirka  ayaa sheegtay  in masuuliyiinta  maamulada gobolada iyo degmooyinka DDSI  looga baahan yahay in ay kaalin tooda ka qaataan hirgalinta nidaamkani qiimaynta iyo darajo siinta shaqada si loo dar dargaliyo shaqooyinka haay’adaha dawlada layskuguna dheeli tiro shaqada iyo darajasiinta shaqada iyo sii xoojinta hirgalinta iyo hoos I dhaadhicinta maamulka suuban ilaa heer tuulo.

Dhankiisa Wasiir ku xigeenka  xafiiska adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha DDSI mudane Xasan Aadan Xasan ayaa ka warbixiyay  in barnaamijyada lagu horumarinayo lagu hirgalinayo  qiimaynta iyo  daraja siinta shaqatu tahay mid kor u qaadaya tayada adeegyada  shaqada xafiisyada dawlada  isaga oo  sheegay  in  si loo xoojiyo awooda fulineed ee shaqooyinka lagu hirgalinayo qorshayaasha horumarineed ee dawlada  in ay muhiim tahay in si cad loo tuso Hanaanka shaqaalaynta, dalacsiinta, bedelka iyo darajasiinta shaqada iyo dhaqangalinta nidaamka maamulka suuban . wuxuuna kula   dar-daarmay hogaaminta gobolada iyo degmooyinka deegaanka ee  tababarku u furmay in ay si habsamiya u qaataan kana hirgaliyaan xafiisyadii ay ka socdeen.

 

Dhankooda  hogaaminta  maamulada gobolada, degmooyinka iyo maamul magaalooyinka DDSI ee loo  furay  tababarkan ayaa siwada jir ah u balan qaaday in ay nidaamka sidii loogu talagalay uga hirgalinayaan gobolada iyo degmooyinka deegaanka iyo maamulada magaalooyinka DDSI si looga midho dhaliyo ujeedooyinka nidaamka  laga leeyahay.  Tababarkan ayaa  socod doona muddo 7maalmood ah.

Qiimayntii Maaliyadaha Heer Degmo Oo Lasoo Gabagabeeyay

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Sabti 3da June 2017.Shir uu hogaaminayay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar Oo  mudo 5 maalmood ah socday islamarkaana si qoto dheer  loogu qiimaynayay dhamaan maaliyadaha heer degmo iyo heer maamul magaalo iyo waliba maaliyada heer deegaan diiradana lagu saarayay dhanka ku dhaqanka nidaamka iyo sharciyada udajisan maaliyadaha ayaa lasoo gabagabeeyay.

Hadaba qiimaynta maaliyadaha ayaa lagu ogaaday inay madaxafiiseedyadii maaliyadaha degmooyinka gaar ahaan gabdhihii lagu meeleeyay maaliyadaha degmooyinka ay isbadal laxaad leh ka keeneen gud ahaanba nidaamka shaqo ee maaliyadeed gaar ahaan ilaalinta hantida dawlada, ku dhaqanka shuruucda maaliyada iyo meel maarinta dhamaan shuruucda maaliyada ee dalka iyo deegaankba.

Madaxafiiska maaliyada iyo Horumarinta dhaqaalaha DDSI mudane Axmed Cabdi Maxamed ayaa faahfaahiyay isbadalka kajira maaliyadaha degmooyinka taniyo intii lagu meeleeyay gabdhaha isagoo gaar ahaan ku amaanay fulinta awaamiirta iyo ku dhaqanka nidaamka maaliyadeed oo ay ka madhantahay musuq, eex  iyo nin jeclaysi intaba. Iyadoo dhamaan hogaaminta heer gobol iyo kuwa degmooyinkuba ku amaaneen isbadalka iyo shaqo wanaaga ay ka keeneen nidaamka maaliyadeed.

Iskusoo wada duuboo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa hogaaminta iyo heerarka kaladuwan ee shaqaalaha maaliyada oo ay ugu horeeyaan Madaxafiiseedka maaliyada iyo Horumarinta dhaqaalaha DDSI mudane Axmed Cabdi Maxamed iyo kuxigeenka maaliyada mudane Jamaal Faarax Warmooge usoo jeediyay kuna amaanay inay siiwadaan shaqooyinka iyo natiijooyinka wanaagsan ee ku dayashada mudan ee  ay ilaa iyo dawlada federalka ah iyo shacabkuba mar walba ku amaanaan.

Ololihii Qaliinka Iyo Daawaynta Indhaha Bilaashka Ahaa Ee Degmada Ayshica Oo Lasoo Gabagabeeyay.

$
0
0

Ayshica(Cakaaranews) Sabti 3da June 2017. Waxaa lasoo gabagabeeyay ololihii qaliink iyo daawaynta indhaha oo ay Bulshada Kunool  Degmada ayshica iyo nawaaxigeeda Ee Gobolkani siti  Kafaaiidaysanayeen adeegani qalniinka oo ay Bogaadiyeen Adeegani Kaasoo Juhdi Badan Ay Ku Bixisay Xukuumada Deegaanka sidii bulshada deegaanku u heli lahaayeen adeegan qaliinka iyo daawaynta indhaha ayaa Waxaa lasoo gabagebeeyay ololihii qalitaanka indhaha iyo daawaynta ee degmada ayshici iyo nawaaxigeeda ee  gobolka siti iyadoo maalmihii udanbeeyayba kasocday  adeegan bulshada loogu soo celinayo aragooda indhaha.

Hadaba mid kamida hawlwadeenada adeegani ayaa sheegay in uu adeegani Bilaashka ah ee qaliinka iyo daawaynta indhaha lasoo gabagabeeyay  islamarkaana loo adeegay bulsha dhan  487 qof oo isugu jira 400 oo qof oo laga daaweeyay indhaha iyo 87 qof oo lagu sameeyay qaliin indhaha ah, Geesta kalena ay sidii loogu talagalay usoo gabagabeeyeen ololahan qaliinka iyo daawaynta indhaha. Uganasii gudbi doonaan degmada dhambal ee isla gobolka siti.

Ugudanbayna waxaa dhankooda ka hadlay qaar kamid bulshada aragooda dib uhelay ee ku dhaqan degmada ayshica iyo naawaaxigeeda oo u waramay warbaahinta deegaanka ayaa sheegay inay aad oogu faraxsanyihiin qalitaankan iyo daawaynta indhaha loo sameeyay islamarkaana bogaadiyay howshan caafimaad ee ay bulshadu dib oogu helayaan aragooda indho. Waxayna aad oogu mahad celiyeen xukuumada DDSI oo runtii dadaal dheer ugashay siday bulshada deegaanku uheli lahaayeen aragooda indhaha.


Adeegii Qaliinka Iyo Daawaynta Indhaha Ee Bilaashka Ahaa Oo Ka Bilaabmay Dhambal

$
0
0

Dhambal(Cakaaranews) Axad 4ta June 2017.  Waxaa si rasmi ah ooga furmay Xarunta Caafimaadka Ee Dagmada Dhambal ee gobolka siti ololihii Daawayntii Iyo Qaliinkii Indhaha bilaashka ahaa Oo Ay Kafaa,iidaysanayaan shacabka Degmada Dhambal iyo nawaaxigeeda ee gobolka siti.

Hadaba mid kamida hawlwadeenada adeegani ayaa sheegay in uu adeegani Bilaashka ah ee qaliinka iyo daawaynta indhaha ee caafimaadka DDSI uu ka bilaabmay degmada dhambal  islamarkaana loo adeegay bulsha  240 qof oo isugu jira 200 oo qof oo ladaweeyay iyo 40 qof oo lagu sameeyay qalniin, Iyadoo sidii loogu talagalay ilaa wakhti xaadirkani ay hawshu u socota islamarkaana uu maalmahan kasii socondoono isla degmadaas dhambal ee gobolka siti, Waxayna kooxdan qaliinka iyo daawaynta indhaha bilaashka ah  oogasii gudbi doona qaar kamid ah degmooyinka gobolka siti ayna ka fulin doonaan adeegan qaliinka iyo daawaynta indhaha bilaashka ah.

Ugudanbayna waxaa dhankooda ka hadlay qaar kamid bulshada aragooda dib uhelay ee ku dhaqan degmada Dhambal iyo naawaaxigeeda oo u waramay warbaahinta deegaanka oo sheegay inay aad oogu faraxsanyihiin qalitaankan iyo daawaynta indhaha loo sameeyay islamarkaana bogaadiyay howshan caafimaad ee ay bulshadu dib oogu helayaan aragooda indho. Waxayna aad oogu mahad celiyeen xukuumada DDSI oo runtii dadaal dheer ugashay siday bulshada deegaanku uheli lahaayeen aragooda indhaha. Sikastaba ha ahaatee adeegan qaliinka iyo daawaynta indhaha bilaashka ah ayaa ah mid xukuumada deegaanku gaar u ah islamarkaana la rabo in dhamaan laga hirgaliyo degmooyinka deegaanka iyadoo inta badan laga fuliyay deegaanka inta dhiman laga fulin doono.

 

 

Imtixaankii Heer Qaran Ee Fasalka 10aad Oo Soo Gabagaboobmay Iyo Imtixaankii fasalka 8aad Ee Heer Qaran Oo Ka Ambabaxay Xarunta Deegaanka.

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Axad 4ta June 2017. Waxaa dhamaan dalkeena itoobiya  kusoo gabagaboobmay intixaankii heer qaran ee fasalada 10aad  oo sedexdii maalmood ee udanbaysay kasocdey guud ahaan dalka.

Hadaba wasiirka Xafiiska Waxabarashada DDSI mudane Ibraahim Aadan Mahad oo u waramay warbaahinta deegaanka ayaa sheegay in imtixaankii heer qaran ee fasalka 10aad  uu si quruxbadan kusoo gabagaboobmay guud ahaan dalka gaar ahaan deegaankeena . Wuxuuna wasiirku intaa kudaray in sanadan 2009TI ay imtixaanka fasalka 10aad ufadhiisteen in kabadan 15,000 oo ardayda deegaanka ah islamarkaana uu imtixaanka  fasalada 10aad ee deegaanku uu ka qabsoomay  151 goobood oo deegaanka ah si fiican ugusoo gabagaboobmay.

Sidoo kale wuxuu wasiirku xusay in imtixaankii heer qaran ee fasalka 8aad loo qaaday dhamaan goobihii uu ka qabsoomi lahaa ee deegaanka islamarkaana ay imtixaanka heer qaran ee fasalka  8aad ee deegaanka u fadhiisan doonaan in kabadan 27,000 oo aradayda deegaanka ah.

Shirkii Gudiga Fulinta Oo Qabsoomay Iyo Go'aamada Kasoo Baxay

$
0
0

 

 

 

Jigjiga(Cakaaranews) Axad 4ta June 2017. Waxaa xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga kaqabsoomay kulankii caadiga ahaa ee gudiga fulinta XDSHSI oo mudo sadex bari ah usocday.

Hadaba kulankan oo lagaga wada hadlayay sii adkaynta dhinacyada horumarka, Nabadgalyada iyo nidaamka maamulka suuban ee kahanaqaaday deegaanka ayaa waxaa sidoo kale diirada lagu saarayay qorshaha sanadka cusub ee 2010TI iyadoo xooga lasaarayo baahiyaha bulshada ee gaar ahaan dhanka biyaha oo qorshe ahaan loo qaatay in 1 ilaa 3 ay noqdaan biyo si baahida bulshada ee dhanka biyaha guud ahaanba loo daboolo iyo waliba dhinacyada Jidadka, Caafimaadka, Waxbarashada iyo Beeraha.

Waxaa kale oo uu gudigu kulankiisan caadiga ah kaga wada hadlay Sidii xoolo loogu gadi lahaa dadkii danyarta ahaa ee ay abaartu saamaysay xoolahooda iyo sidii looga gaashaaman lahaa hada kadib abaarta ay keentay isbadalka cimilada aduunka ee soo noq-noqonaysa iyo waliba sidii nolosha bulshada xoolo-dhaqatada ah looga dhigi lahaa mid dagan oo xoolo-dhaqato beeralay ah iyadoo ladoonayo in xoolaha loo dhaqdo nidaamka casriga ah ee cad iyo caanaba kordhinaya iyo sidii ay bulshada deegaanku unoqon lahayd mid kafaaiidaysata waxsoosaarka dhulka dihin ee deegaankeena.

Dhanka kale gudiga fulinta ee XDSHSI ayaa isku-badal kusameeyay qaar kamid ah mas'uuliyiinta xafiisyada heer deegaan iyadoo ay xafiisyada kale sidoodii yihiin. Waxaana loo dhigay sidan:

1. Marwo Maajida Maxamed Maxamuud oo ahayd wasiirka xafiiska adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha ee DDSI waxaa loo badalay  DDSI wasiirka xafiiska horumarinta xoolaha iyo reer guuraaga DDSI.

.2  Mudane Axmed Maxamed Koore oo ahaa wasiirka xafiiska shaqaalaha iyo arrimaha bulshada ee DDSI waxaa loo badalay wasiirka xafiiska adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha ee DDSI.

3. marwo Faadumo Cabdulaahi Takhal oo ahyad wasiirka Xafiiska horumarinta xoolaha iyo reer guuraaga DDSI, Waxaa loo badalay meel kale.

Normal 0 false false false EN-US X-NONE X-NONE MicrosoftInternetExplorer4

/* Style Definitions */ table.MsoNormalTable {mso-style-name:"Table Normal"; mso-tstyle-rowband-size:0; mso-tstyle-colband-size:0; mso-style-noshow:yes; mso-style-priority:99; mso-style-qformat:yes; mso-style-parent:""; mso-padding-alt:0in 5.4pt 0in 5.4pt; mso-para-margin-top:0in; mso-para-margin-right:0in; mso-para-margin-bottom:10.0pt; mso-para-margin-left:0in; line-height:115%; mso-pagination:widow-orphan; font-size:11.0pt; font-family:"Calibri","sans-serif"; mso-ascii-font-family:Calibri; mso-ascii-theme-font:minor-latin; mso-fareast-font-family:"Times New Roman"; mso-fareast-theme-font:minor-fareast; mso-hansi-font-family:Calibri; mso-hansi-theme-font:minor-latin; mso-bidi-font-family:"Times New Roman"; mso-bidi-theme-font:minor-bidi;}

Ugudanbayna, kulankan ayaa kusoo gabagaboobey jawi wanaagsan iyo sidii loo sii xoojin lahaa shaqooyinka horumarineed, kuwa nabadgalyo iyo nidaamka maamulka suuban ee ku astaysan qorshayaasha sanadka cusub ee 2010TI uu XDSHSI dhigtay.

 

 

 

Ololaha Talaalka Cudurka Jadeecada Iyo Daawaynta Cudurada Iskudhafka Ah Oo Ka Bilowday Guud Ahaan Deegaanka

$
0
0

Qabridahar(Cakaaranews) Axad 4ta June 2017. Waxaa  guud ahaanba deegaanka gaar ahaan magaalooyinka qabridahar iyo dhagaxbuur ka bilowday ololihii talaalka cudurka jadeecada iyo daawaynta cudarada isku dhafka ah oo laga talaalayo caruurta da'doodu udhaxaysa 6 bilood ilaa 15 sano.

Hadaba agaasinka ka hortaga cudurada faafa iyo kor uqaadida hawlaha caafimaadka ee xafiiska caafimaadka DDSI mudane Caydaruus Axmed oo ka hadlay ololahan ka bilowday magaalada dhagaxbuur ayaa sheegay inuu ololahani yahay mid ka hortag ah islamarkaana hadii aan laga dawaynin caruurta ay da'doodu udhaxayso 6 bilood ilaa 15 sano uu keeni karo xanuunada sida nafaqa darada indhaxanuunka iyo xanuuno kale. Sidoo kale waxaa iyana ka hadlay qaarkamid ah mas'uuliyiinta gobolka jarar iyo mas'uuliyiinta mm dhagaxbuur oo sheegay faaiidada uu leeyahay talaalkan.

Dhanka kale waxa uu  ololihii talaalka cudurka jadeecada iyo daawaynta cudarada isku dhafka ah ka bilowday mm qabridahar. Waxaana daahfurka ololahan ka hadlay agaasinka ka hortaga cudurada faafa ee xafiiska caafimaadka DDSI mudane Axmed Cabdulaahi Sugule oo sheegay inuu ololahan talaalkan yahay uu yahay mid muhiim u ah inay qaataan caruurta da'dooda udhaxayso 6 bilood ilaa 15 sano islamarkaana uu talaalkan ka hortag uyahay cururo kala duwan oo kamid tahay cudurka jadeecada. Sidoo kale waxaa iyana ka hadlay qaarkamid ah mas'uuliyiinta gobolka qoraxey iyo mas'uuliyiinta mm qabridahar  oo sheegay faaiidada uu leeyahay talaalkan isalmarkaana waalidiinta ku booriyay inay caruurta keenaan goobaha talaalka.

Imtixaankii Heer Qaran Ee Fasalka 12aad Oo Si Rasmi Ah U Bilowday

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Isniin 5ta  June 2017. Waxaa guud ahaan dalkeena itoobiya ka bilowday imtixaankii heer qaran ee fasalka  12aad oo ah imtixaanka loogu gudbo heer jamacadeed..

Hadaba mas'uuliyiinta xafiiska waxbarashada DDSI oo kormeer ku marayay dugsiyada sare ee mmj ee uu ka socday imtixaanku ayaa waxaa kahadlay wasiirka xafiiska waxbarashada DDSI mudane Ibraahim Aadan Mahad oo kawarbixyay imtixaanaadka heer qaran ee fasalka 12aad ee ka bilowday guud ahaan dalkeena gaar ahaan deegaankeena  ayaa sheegay in imtixaanka heer qaran ee bilowday ee fasalka 12aad ee deegaanka ay ufadhiisteen in kabadan 9000 oo ardayda deegaanka ah islamarkaana ay sanadani tahay sanadii oogu badnayd ee ardayda faslka 12aad ufadhiisteen imtixaanka heer qaran ee fasalka 12aad islamarkaana . Wuxuuna wasiirku intaa kudaray in imtixaanku socon doono mudo 3 cisho ah.

Ugu danbayna wuxuu wasiirku sheegay in imtixaanka heer qaran ee fasalka 12aad ay ardaydu ka keeni doonaan natiijo wax ka ool ah maadaama uu xafiisku ku bixiyay juhdi iyo dadaal badan siday ardayda deegaanku kuwada helilahaayeen jaamacadaha dalka.  

Jidadka Waawayn Ee MMJ Oo 12 Laydhasha Casriga Ah Lagaliyay

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Talaado 6ta June 2017. Waxaa xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga ka socda mashaariico horumarineed oo kor loogu qaadayo bilicda magaalada jigjiga maadaamo xarunta deegaanka lagu qaban doono sanada soosocota xuska magaalooyinka dalkeena.

Hadaba kusimaha maayarka maamulka jigjiga  ahna maareeyaha mmj mudane Fadxi Shugri Axmed oo kawarbixyay mashaariicaha laga wado mmj gaar ahaan mashaariicaha  kor loogu qaadayo bilicda magaalada jigjiga ayaa sheegay in 12 wado ookamid ah wadooyinka waawayn ee mmj lagaliyay laydhasha waawayn ee caasimadaha islamarkaana wax wayn kabadalaya bilicda mmj. Wuxuuna mas'uulku intaa kudaray in mashaariicahan ay bilicda magaalada soosaarayaan islamarkaana lasii xoojin doono maadaama magaalada jigjiga lagu qabanayo sandan soosocota xuska magaalooyinka dalka.

Dhanka kale waxaa isana dhankiisa ka hadlay madaxafiiseedka maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha mmj mudane Khaalid Cabdiraxmaan oo sheegay inuu mashruucan kor looguqaadayo bilicda magaalada ay ku baxday lacag dhan 8 milyan oo birr islamarkaana ay laydhashani wax wayn kabadali doonaan bilicda magaalada jigjiga.

Ugudanbayna waxaa dareenkooda ka hadlay qaar kamid ah bulshada ku dhaqan mmj oo sheegay inay aad oogu faraxsanyihiin laydhashan casriga ah islamarkaana ay laydhashan wax wayn utarayaan dhanka araga iyo bilicda magaalada.

Kulan Lagu Qiimaynayay Adeega Caafimaadka Oo Ka Furmay Jigjiga.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews)Arbaca,7da June, 2017. Waxaa ka furmay magaalada jigjiga gaar ahaan madasha shirarka ee kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI  kulan lagu qiimaynayo waxqabadkii adeega caafimaadka ee 9kii bilood ee sanad miisaaniyeedka 2009TI ee gobolada, maamulada magaalooyinka iyo degmooyinka DDSI islamarkaana lagu diyaarinayo qorshaha caafimaadka ee 2010TI.

Waxaana ka soo qaybgalay kulankan masuuliyiinta ugu saraysa xafiiska caafimaadka DDSI oo uu ka mid yahay wasiirka caafimaadka DDSI mudane xasan ismaaciil cali, madax xafiiseedyada xafiisyada caafimaadka degmooyinka iyo maamulada magaalooyinka, masuuliyiinta xarumaha caafimaadka degmooyinka deegaanka iyo maamulada magaalooyinka.

Waxaana furitaankii kulankaasi ugu horayntii ka hadlay wasiirka caafimaadka DDSI mudane Xasan Ismaaciil Cali ka warbixiyay ahmiyada kulankan islamarkaana sheegay in uu yahay mid diirada  lagusaarayo fulinta qorshayaashii  waxqabadkii sanad miisaaniyeedka 2009TI sida ay u meelmariyeed maamulada caafimaadka ee degmooyinka, gobolada  iyo maamul magaalooyinka  DDSI sidoo kale waxa uu sheegay wasiirku in mudada uu kulankani socdo laysla meel dhigidoona fulinta qorshaha iyo jihooyinka adeegyada caafimaadka ee sanadka soo socda.

Kulankan ayaa mudada uu socdo waxay masuuliyiinta caafimaadka degmooyinka iyo xarumaha caafimaadka degmooyinka deegaanku ku soo bandhigayaan warbixinta waxqabadka 9kii bilood ee sanad miisaaniyeedkan 2009TI  sidoo kalena waxa laysla meel dhigidoonaa fulinta qorshaha ,jihooyinka iyo istaraatajiyadaha  caafimaadka ee sanadka soo socda. Kulankan ayaa  sii socondoonaa maalmaha soo socda


Tababar Kusaabsanaa Nidaamka Gudiga Kobcinta Awooda Ee PSNP Oo Lasoo Gabagabeeyay

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Khamiis 8da June 2017. Tababar Kusaabsan dhisada gudida kobcinta awooda ee shaqaalah PSNP islamarkaana ay kasoo qaybgaleen xafiisyada bahwadaagta la ah iyo hay’adaha bahwadaagta la ah xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiicaga ah ee DDSI ayaa lagusoo gabagabeeyay hoolka shirarka ee isla xafiiska.

Hadaba gabagabdii tababarkan ayaa waxaa ka hadlay iskuxidhaha barnaamijka PSNP iyo xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah mudane Axmednuur Cabdi oo sheegay inuu tababarkan yahay mid lasiinayay qaar kamid ah shaqaalaha barnaamijka PSNP iyo waliba shaqaalaha xafiisyada bahwadaagta iyo hay’adaha bahwadaagta islamarkaana fahan buuxa laga siinayay nidaamka diyaarinta qorshaha iskudhafan oo ka kooban nidaamka hay’adaha iyo dawlada. Wuxuuna iskuxidhuhu intaa kudaray inuu tababarkan ka caawiyeen hay’ada TASSC oo lagasoo gaabiyay (technical assistancw to strength then Capasaty Development) sidoo kale wuxuu tababar qaatayaasha kula dardaarmay inay ficil ahaan ku sameeyaan nidaamkii lagu baray tababarka mudadii uu socday islamarkaana oogasii faaiideeyaan qaybaha kale ee shaqaalaha barnaamijka.

Ugu danbayna waxaa dhankooda ka hadlay qaar kamid ah tababar qaatayaashii oo sheegay inuu mudada uu tababarku socday ay waxbadan ka faaiideen islamarkaana ay ficil ahaan usamayn doonaan oogan faaiidayn doonaan qaybaha kale ee shaqaalaha xafiisyada ay ka kala yimaadeen.

 

Imtixaankii Heer Qaran Ee Ardayda Fasalka 12aadka Oo Si Rasmi Ah U Dhamaaday

$
0
0

Jigjiga (cakaaranews)khamiis 8da june 2017. Waxaa manta oo khamiis ah si rasmi ah u gabagaboobay imtaxaankii heer qaran ee fasalka 12aad kaasoo socday mudo afar cisho ah islamarkaana ay imtaxaanka ufadhiisteen arday tiradoodu kor udhaafayso 9260 arday.

Hadaba, Wasiirka Xafiiska Waxbarashada DDSI mudane Ibraahim Aadan Mahad oo u waramay warbaahinta deegaanka ayaa sheegay in imtixaankii heer qaran ee fasalka 12aad uu si rasmi ah u gabagaboobay islamarkaana uu jawi wanaagsan oo nabadglayo ah ku dhamaaday iyadoo imtaxaankana ay ufadhiisteen in kabadan 9260 oo ardayda deegaanka ah Kaasoo kadhacay 88 goobood oo deegaanka ah islamarkaana uu sanadkani yahay sanadkii ugu badnaa ee ardayda fasalka 12aad ee imtaxaanka ufadhiistay. Wuxuuna wasiirku intaa kudaray in sanadkan ay rajo fiican kaqabaan islamarkaana ay ardayd aad u badan  heli doonaan natiijo wanaagsan taasoo suuragalinaysa inay helaan jaamacadaha dalka iyo culuumaha qaaliga ah ee sida dhakhtarnimo (MD) Engineering iyo culuumta kalae ee sayniska.

Si kastaba ha ahaatee  imtaxaankan heerqaran ee fasalka 12aad ayaa jawi wanaagsan oo farxadi kudheehantahay kusoo gabagaboobay iyadoo laga filayo natiijo wax ku ool ah.

Adeegii Qaliinka Iyo Daawaynta Indhaha Bilaashka Ahaa Oo Ka Furmay Degmada Erar

$
0
0

Erer(Cakaaranews) Khamiis 8da June 2017.Waxaa si rasmi ah ooga furmay Xarunta Caafimaadka Ee  Degmada Erar  ee gobolka siti ololihii Daawayntii Iyo Qaliinkii Indhaha bilaashka ahaa Oo Ay Kafaa,iidaysanayaan shacabka Degmada Erar iyo nawaaxigeeda ee gobolka siti.

Hadaba mid kamida hawlwadeenada adeegani ayaa sheegay in uu adeegani Bilaashka ah ee qaliinka iyo daawaynta indhaha ee caafimaadka DDSI uu ka bilaabmay degmada Erar  islamarkaana loo adeegay bulsho dhan 543 qof oo isugu jira 108 qof oo lagu sameeyay qalniin halka 435 laga daweeyay indhaha, Iyadoo sidii loogu talagalay ilaa wakhti xaadirkani ay hawshu u socota islamarkaana uu maalmahan kasii socon doono isla degmadaas Erar ee gobolka siti, Waxayna kooxdan qaliinka iyo daawaynta indhaha bilaashka ah  ee wareega   ka fulin doonaan adeegan qaliinka iyo daawaynta indhaha bilaashka ah guud ahaanba degmooyinka dhiman ee aan wali laga fulinin adeegan xukuumada DDSI gaarka u ah islamarkaana ooga talagashay siday bulshada deegaanka ku nool ee ka lumay aragoodii indhaha oogusoo celin lahaayeen.

Sidoo kale waxaa isana dhankiisa ka hadlay kusimaha gudoomiyaha degmada erer ahna gudoomiye kuxigeenka degmada erer mudane Saacid Badal oo sheegay inuu adeegani yahay mid muhiim ah islamarkaan uu muhiim uyahay bulshada danyarta ah, Wuxuuna masuulku intaa kudaray inay wargeliyeen dhamaan bulshada ku dhaqan degmada erer iyo naawixgeedaba.

Ugu danbayna waxaa dhankooda ka hadlay qaar kamid bulshada aragooda dib uhelay ee ku dhaqan degmada Erar iyo naawaaxigeeda oo u waramay warbaahinta deegaanka ayaa sheegay inay aad oogu faraxsanyihiin qalitaankan iyo daawaynta indhaha loo sameeyay ee bilaashka ah islamarkaana bogaadiyay howshan caafimaad ee ay bulshadu dib oogu helayaan aragooda indho. Waxayna aad oogu mahad celiyeen xukuumada DDSI oo runtii dadaal dheer ugashay siday bulshada deegaanku uheli lahaayeen aragooda indhaha. Sikastaba ha ahaatee adeegan qaliinka iyo daawaynta indhaha bilaashka ah ayaa ah mid xukuumada deegaanku gaar u ah islamarkaana la rabo in dhamaan laga hirgaliyo degmooyinka deegaanka iyadoo inta badan laga fuliyay deegaanka inta dhiman laga fulin doono.

 

Kulan Lagu Qiimaynayay Mashaariicaha Laydhgalinta DDSI Oo Ka Furmay jigjiga.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews)jumce, 9ka June , 2017. Waxaa ka furmay hoolka shirarka ee xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI kulan lagu qiimaynayay mashaariicaha laydhgalinta deegaanka.

Kulankaasi oo ay ujeedadiisu tahay  sidii loo qiimayn lahaa  tayada adeegyada mashaariicaha dhinaca  laydh galinta deegaanka islamarkaana lagu dar-dargalinayay  fulinta qorshayaasha adeega laydhka ee degmooyinka iyo tuulooyinka DDSI ayaa waxaa  ka soo qaybgal gudiga kaabayaasha dhaqaalaha deegaanka oo ay ka mid yihiin wasiirada xafiisyada horumarinta deegaanka sida xafiiska waxbarashada, xafiiska  maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI , xafiiska  caafimaadka DDSI, Xafiiska ganacsiga iyo gaadiidka DDSI, iyo xafiisyada kale ee horumarinta deegaanka, waxaa kale oo ka soo qaybgalay kulankan gudoomiyayaasha gobolada DDSI iyo masuuliyiinta ugu saraysa shirkada quwada korontada DDSI.

 

Wasiirka xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI mudne Axmed Cabdi Maxamed ayaa warbaahinta deegaanka ugu warbixiyay ahmiyada iyo ujeedooyinka kulankan  wuxuuna sheegay in xukuumada DDSI dadaal xoogan ugu jirto  midho dhalinta istaraatajiyada iyo qorshayaasha horumarineed ee bulshada deegaanka lagaga saarayo saboolnimada laguna gaadhayo  wadamada uu dhaqaalahoodu meel dhexaadka yahay sidoo kalena wasaarada heer faderaal dhankooda looga baahan yahay  in ay dar-dargaliyaan mashaariicaha horumarineed ee deegaanka ay ka wadaan gaar ahaan mashaariicaha laydhgalinta oo qayb-wayn ka ah hirgalinta hawlaha horumarka, wasiirka ayaa intaasi ku daray in kulankan xooga lagu saarayo sidii loo gufayn lahaa gol-daloolada ka jirta dhinaca adeega laydhgalinta gaar ahaan mashaariicaha laydhgalinta ee jigjiga ilaa dhagaxbuur iyo dhamaanbta tuulooyinka iyo degmooyinka DDSI ee  laga wado adeega  laydhgalinta. 

Madaxa Xafiiska Waxbarashada Degmada Erer Oo Kawarbixiyay Imtaxaanaadkii Heer Qaran Ee Ka Dhacay Erer

$
0
0

Erer (cakaaranews)jumce  9ka June 2017.  Madaxa xafiiska waxbarashada Degmada Erer ee Gobolka Siti mudane Cabdi Muxumed Maxamed ayaa sheegay in si farxad leh uu ugu dhamaaday imtaxaanaadkii heer qaran ee fasalada 10aad iyo 12aad islamarkaana ay si nabad ah imtaxaanka u qaateen arday tiradoodu kor u dhaafayso 769 arday oo 419 kamid ahi ay yihiin ardayda qaadatay imtaxaanka 10aadka meesha 350 ardayna ay yhiin ardayda 12aadka qaadatay oo isugujirta arday regular ah iyo arday private ah oo 220 arday yihii lab 139 ka kalana ay yihiin dhadig.

Wuxuuna intaa kudaray masuulku  in imtaxaanka fasalka 10aad ay u fadhiisteen arday tiradoodu kor u dhaafayso 419 arday oo 137 kamid ahi ay yihiin Gabdho meesha 282 ay yihiin wiilal.

Dhankakale, madax xafiiseedka ayaa tilmaamay in imataaxaanaadkani ay kakala dhaceen 5 goobood oo degmada erer hoosyimaada islamarkaana ay hawsha si wada jir ah u fulinayeen wasaarada waxbarashada heerfederal, xafiiska waxbarashada DDSI, iyo waliba shaqaalaha xafiiska wabarashada Degmada Erer.

Sidookale, madax xafiiseedka ayaa tilmaamay in sidookale fulinta shqooyinkan imtaxaanadka ay taageero lodgistic kagaysatay hay’ada bahwadata la ah xafiiska ee save the children laanteeda diredhawa islamarkaana ay baabuur kucaaawisay xafiiska waxbarashada degmada erer.

Ugudanbayna madax xafiiseedka ayaa carabka kudhuftay in uu guul u rajaynayo guud ahaanba ardayda deegaanka gaar ahaan ardayda degmada erer islamarkaana uu rajo fiican kaqabo in sanadkan ay noqon doonaan kuwo guulo wax ku ool ah kakeena natiijada imtaxaanadkan heer qaran.

Viewing all 304849 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>