Jigjiga( cakaaranews ) Khamiis 3 March 2016, Tababaruu soo agaasimay Geedisocodka Maaraynta Xogta Waxbarashada ee Xafiiska Waxbarashada islamarkaana loo hayay xubnaha Vocal-Personska looyaqaano ee ka hawlgala Degmooyinka ayaa ka dhacay Kuliyada Maaraynta iyo Adeega Shacabka DDSI.
Image may be NSFW. Clik here to view.
Hadaba Tababarkan ayaa waxaa shabakada cakaaranews uga warbixiyay Gadhwaeenka Geedi socodka waaxda EMIS ee Xafiiska Waxbarashada DDSI Mudane Cabdiqaadir Maxamed Owa-Aadan isagoo sheegay in tababarkan ay ka soo qaybgaleen 25 xubnood oo ka kala scoday qaar kamida dagmooyinka Gobalka Faafan, Gobaaka Qoraxay, Gobalka Siti, Gobalka Jarar iyo Gobalka Nogob islmarkaana ay ku baranayeen casharo la xidhiidha dhanka maaraynta xogta waxbarashada ee loo yaqaano Education Management Information System (EMIS), iyada oo ay casharada bixinayeen khabiiro u xeel dheer oo ka tirsan waaxda EMIS ee Xafiiska waxbarashada. Ugudanabayna waxa uu masuulku sheegay in tababarkani uusan ahayn kii ugu horeeyay ee waaxdu bixiso iyadoo tababaro horena lasiiyay xubnahan Vocal personska.
Image may be NSFW. Clik here to view.
Dhankooda waxaa iyana kahadlay xubnihii latababarayay oo sheegay inay baranayaan casharo aad muhiim ugu ah islamarkaana faa iido badan ay ka heleen, waxayna sheegeen inay cilmigan ay barteen ay ugu dhaqmayaan sida ugu daacadsan ee ugu wanaagsan.
Image may be NSFW. Clik here to view.Jigjiga(Cakaaranews), khamiis, 3da March, 2016 Kulan lagu qiimaynayay waxqabadkii rubicii labaad ee mashruuca hoos u dhigida dhimashada hooyada iyo dhalaanka ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan magaciisa (RIF) ayaa ka furmay caasimada deegaanka ee jijiga gaar ahaan huteelka xamda.
Kulankan qiimaynta ah ayaa waxaa si wada jir ah u soo diyaariyay xafiiska caafimaadka DDSI iyo ha'ada ACPA . waxaana kulankaasi hogaaminayay masuuliyiinta mashruuca RIF, iyada oo diirada lagu saarayay waxqabadkii rubicii 2aad ee mashruuca RIF. Wixii qorshaysnaa jihooyinkii loo fuliyay, Wixii aan qabsoomin iyo sababta ayna u qabsoomin.
Waxaana furitaankii kulankaasi qiimaynta ah, ka hadlay isku dugaha guud ee mashruuca RIF mudane Shaafici Daahir Muuse oo sheegay in kulankan qiimaynta ah diirada lagu saaridoono waxqabadkii rubicii labaad ee mashruucan si loo dar dargaliyo fulinta rubucyada xiga loona gufeeyo gol daloolooyinkii ka jiray rubucii 2aad. isagoo sheegay hadii shaqo laqabto oo aan la qiimaynin in aan la hubin karin ama la cabiri karin tayada iyo faa'iidada shaqadaasi. Wuxuuna socondoonaa muddo laba maalmood ah
Jigjiga( cakaaranews ) Khamiis, 3,March 2016, Dood-cilmiyeed uu soo agaasimay Xafiiska Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha DDSI ayaa loo qabtay qaarkamid ah Agaasinada, khabiirada Qorshaynta, Xisaabaadyada kuwaasoo ka kala socday Xafiisyada iyo Wakaaladaha Heer Deegaan.
Image may be NSFW. Clik here to view.Dood-cilmiyeedkan ayaa waxaa hadalo muhiima kasoo jeediyay Wasiirka Maaliyada iyo Hormarinta Dhaqaalaha DDSI Mudane Axmed Cabdi Maxamed oo sheegay in dood cilmiyeedkani uu ku saabsanyahay habsami u diyaarinta iyo soo gudbinta Qorshe sanadeedkaSanad miisaaniyadeedka fooda inagu soo haya ee 2009 T.Iiyada oo la waafajinayo jihooyinka siyaasadaha horumarineed iyo yoolasha Qorshaha GTP II ee DDSI iyo ka heer wadan. Wuxuuna wasiirku intaa ku daray in fahan buuxa ay ka qaataan waaxaha Xisaabaadka iyo Qorshayntu.
Image may be NSFW. Clik here to view.
Waxaa sidoo kale furitaankii doodcilmiyeedkan ka hadlay Wasiir kuxigeenka Xafiiska Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha DDSI mudane Jamaal Faarax Warmoogeiyo waliba Gadh/W Geedi/S Qorshaynta, Miisaaniyada, Qiimeynta & Dabagalka Mudane Cabdiraxman Axmed Matan oo sheegay in dood cilmiyeedkan ay kasooqaybgaleen 72 xubnood oo ah khabiirada iyo agaasinada qorshaynta iyo xisaabaadka islamarkaana lagu lafagurayo ahmiyada ayuleedahay hormarka deegaanka habsami u diyaarinta MiisaaniyadaSM.2009 T.I. iyo waliba udub dhaxaad ka ay u tahay hirgelinta iyo ka midho dhalintaQorshaha GTP II. Wasiir kuxigeenka ayaana usoo jeediyay khabiirada iyo agaasinada in inta uu socdo doodcilmiyeedku ay waydiiyaan macalimiinta wax kasta oo kusaabsan nidaamka qorshaynta xisaabaadka sidookalana waxa uu kuladardaarmay inay wakhtiga qorshaynta sanad miisaaniyeedka la ilaaliyo, islamarkaana ladiyaariyo qorshe wax-ku-ool-ah.
Gabagabadii kulankan ayaa waxa la isla tilmaamay tubta iyo hanaanka loo diyaarinayo Qorshe sanadeed iyo Miisaaniyad ka turjumaya ka jawaabida baahida dhabta ah ee bulshada ee SM.2009 T.I.
Jigjiga (Cakaaranews)Jumce, 4ta March, 2016. Waxaan akhristayaasha sharafta leh ku wargalinaynaa in ay akhristaan jawaabaha su’aalihiikabaxay shabakada cakaaranews barnaamijka ISKUDAYQaybta 3aad ee habeenkii khamiista ahaa ee 25kii Bishan February 2016.
F.G waxaan u mahadcelinaynaa dhaman akhristayaaashii iskudayay islamarkaana kajawaabay su’aalaha qaarkood, maadaama shuruudaha shilimaadku ahaa in laga wada jawaabo dhamaan su'aalaha, iyo in qofka ugu hor jawaaba mudnaanta lasiinayo, waxaan idiin rajaynaynaa inaad kajawaabi doontaan su' aalaha barnaamijyada danbe.maadaama oo aan su'aalahan 100% cid kajawaabtay aysan jirin.
FG: dadkii iskudayay su’aalaha dhamaantood marka laga reebo Su'aasha 5, aad ? sigaara ayaan ugu mahadcelinaynaa. waxaana urajaynaynaa guul iyo inay kawada jawaabi doonaan su’aalaha soo socda 7aadkan.
Jawaabaha Su’aaluhuna sidan bay sax kuyihiin :
1. Waxaa xuska qoomiyadaha dalkeena labilaabay taariikhdu markay ahayd 1998 T.I goobtii ugu horeysay ee lagu qabtayna waa caasimada dalka ee Addisababa.
Image may be NSFW. Clik here to view.Adhisababa ( Cakaaranews ) Sabti, 5ta march 2016. Waxaa saaka hoolka shirarka ee xarunta dalka-adhisababa millenium adharaash si rasmi ah uga furmay shir kusaabsanaa horumarka cagaaran iyo nadaafada magaaloooyinka ee heer qaran.
Image may be NSFW. Clik here to view.Shirkan ayaa waxaa kasoo qayb-galay dhamaan hogaaminta sare ee madaxda dawlada federaalka ah oo uu ugu horeeyo raisal wasaaraha dalka mudane Hailemariam Desalegn, hogaaminta sare ee dawlad deegaanada dalka oo uu kamid yahay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, kabineeyada, mayorada, xubno kasocday maamul-magaalooyinka deegaanada, dalka iyo marti sharaf kale.
Image may be NSFW. Clik here to view.Jigjiga(Cakaaranews), Axad, 6da, March, 2016 Waxaa maalinta bari ah guud ahaanba deegaanka si wayn looga dabaaldagi doono munaasabada xuska sanad guurada18aadeeXDSHSItaasi oo si wayn looga dareemayo caasimada deegaanka ee Jijiga u diyaar garowga munaasabadan .
Waxayna indhahaagu markiiba ku dhacayaan sida loo sii qurxiyay wadooyinka, guryaha magaalada calamaan laga lulay wadooyinka waawayn ee maamulka magaalada jijiga, sido kale maamulada 20ka xaafadood ee maamulka magaalada jijiga ayaa kor loo sii qaaday bilicdooda iyada oo boodhadh waawayn oo lagu soo qoray halku dhagyo ka turjimaya guulaha horumarineed ee uu xisbigu soo hooyay iyo hiigsiga hirgalinta himilooyinkiisa horumarineed ay ku qoran yihiin.
Sidoo kale degmooyinka deegaanka ayaa maalmahanba diyaar garow balaadhan ugu jiray soo dhawaynta iyo u diyaargarowga munaasabadan 18aad ee XDSHSI.
Haddaba munaasabadan sanad guurada 18 aad oo ku beegan 28ka yekatiit 2008TI, ayaa waxay ka turjimaysaa aas aaskii XDSHSI soonyaalka taariikheed iyo marxaladihii kala duwanaa ee uu soomaray XDSHSI,
Wuxuuna sanadihii ugu danbeeyay XDSHSI u guntaday taabo galinta isbedalka horumarineed, nabadgalyo iyo maamulka saxar tiran oo damaanad u noqday shacabwaynaha deegaanka. Kaasi oo ay ka go’antahay gaadhsiinta shacabka deegaanka horumar waara oo dhinaca kasta leh, ka jawaabida baahiyaha shacabkeena, kor u qaadida koboca dhaqaalaaha, abuurida ilaha shaqada, la dagaalanka saboolnimada iyo jahliga iyada oo ay hirgalinta qorshayashaasi sal u yihiin ka qayb qalinta shacabka deegaanka. Wuxuuna tir tiray xisbigu sanadihii ugu danbaysay aragtida dulsaarnimada.
Jigjiga( cakaaranews ) Isniin 7,da March 2016, Munaasabada xuskii 18aad ee XDSHSI oo ay ka soo qaybgaleen Mw kuxigeenka ahna wasiirka Beeraha iyo Horumarinta khayraadka Dibiiciga ah Marwo Sucaad Axmed Faarax, Mw kuxigeenka ahna Wasiirka Waxbarashada DDSI mudane Mawliid Hayir Xasan, cabinetka deegaanka, Odayaasha, dhalinyarada, Haweenka, dhamaan shaqaalaha heerarkiisa kaladuwan kooxaha fanka iyo suugaanta DDSI iyo waliba martisharafkale ayaa si heersare ah loogu xusay hoolka shirarka ee Sayid Maxmed.
Image may be NSFW. Clik here to view.
Hadaba munaasabadan XDSHSI ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay madaxwayne kuxigeenka ahna Wasiirka Beeraha iyo Horumarinta khayraadka dabiiciga ah marwo Sucaad Axmed Faarax oo kasoo jeedisay qudbad dhaxalgal ah iyadoo sheegtay in ay 28 magabiit ay tahay maalin aad uguwayn shacabwaynaha DDSI islamarkaana aytahay maalin mudan in laga qisoodo guulaha waawayn ee XDSHSI u horseeday shacabka ddsi maadaama oo uu keenay isbadal horumarineed oo aan la soo koobikariniyo mid nabadgalyo iyadoo carabka ku adkaysay in guulaha la gaadhay ay kow ka yihiin ciidamada liyuu poliska oo salka u dhigay nabada iyo horumarka uu degaanku ku naaloonayo maanta. Ugu-dabayna waxay si gaar ah u xustay inuu xisbigu mudnaan siiyay dumarka islamarkaana uu kor u qaaday heerka siyaasadeed iyo kan hogaamineed ee ay ku leeyihiin dalka iyo deegaankaba.
Image may be NSFW. Clik here to view.Sidookale waxaa ka hadlay madaxwayne kuxigeenka ahna Wasiirka Waxbarashada mudane Mowliid Haayir Xasan oo si qota-dheer ugu hadlay sooyaalkii taariikheed ee dalku soo maray isagoo xusay dhamaan boqortooyooyinkii dalka soomaray lagabilaabo boqor Axmed Najaaj ilaa iyo boqor xayle salaase, kaligii taliskii mingiste xayla maryan, islamarkaana kahadlay dhankoodii xumaa iyo dhankooda fiicnaaba. Sidookale waxa uu intaa kudaray inuu degaanku somaray xaalado xun oo ay sabab u ahaayeen maamuladii hore ee deegaanka oo ahaa kuwo aaminsanaa qabiil iyo fikiro aan shacabka dan u ahayn oo ay kamid ahaayeen fikirkii soomaali wayn a iyo sidookale fikiro nabadiidnimo oo garabka ku hayay UBBO iyo Al-itaxaad. Sidookale waxa uu Mw kuxigeenku xusay in XDSHSI uu ku yimid kadib markii ay midoobeen Xisbigii ONLF iyo Xisbigii LEEGADA. Ugu-danabayna waxa uu tilmaamay in XDSHSIuu maanta yahay mid ay majaraha u hayaan dhalinyar aqoonyahano ah oo aragti hormarineed leh isla markaana meesha kasaaray dhamaan fikiradii xumaa iyo waxyaabo badan oo sabab u ahaa fikiradaa xunxunoo ay kamid ahaayeen badalida Heesta-Calanka, Astaanta-Calanka, Astaanta-xisbiga, iyo waliba astaanta DDSI, iyo inuu dhaliyo dawlad hormarineed oo ka madax banaan dulsaarnimo, eex, musuq iyo fikiro diciifa.
Image may be NSFW. Clik here to view.
Waxaa dhankooda kahadlay odayaashii deegaanka oo uu kamid yahay Garaad Kulmiye Garaad Maxamed Garaad Xirsioo siwayn ogu hadlay qiimaha leedahay 28 magaabiit isagoo xusay inay maalin gaar u ah dhamaan shacabwaynaha DDSI isagoo taabtay xaalada uu degaanku soo maray oo ahayd mid aan hadal lagusoo koobikarin balse aan maanta heysano xisbi ka shaqeeya danta shacabka oo lagu iloobikaro xaaladii xumayd ee degaanku soomaray, waxa uuna intaa kudaray garaadku in ka odayaal ahaaneed ay gabrabtaagan yihiin XDSHSI islamarkaana ay garabtaagnaan doonaan.
Image may be NSFW. Clik here to view.Sikastaba ha ahatee waxaa iyana dhankooda si aan inaba caadi ahayn uga qaybqaatay xuska munaasabada XDSHSI kooxaha fanka iyo suugaanta DDSI oo soo bandhigay heeso wadani ah oo katurjumaya waxqabadkii XDSHSI islamrkaana bulshadii kasoqaybgashay ay aad uladhaceen ugunariyaaqeen.
In kasta oo madhnida foodhida accountka degmada Harawo laga fadhi la’yahay hadana waxa accountka ugu jira dib ayaan idiinka soo sheegi doonaa. Waxaa kale oo aan dib idiinka soo sheegi doonaa accountyada degmooyinka xaraaray, waangay, yaxoob, horshagax iyo cayuun waxa ugu jira.
Hadaba degmooyinka aan sare kusoo sheegnay waxaa looga digayaa qarafaysi iyo waryaa alle wax kudhawray. Taasi oo ay kufashilmi doonaan qurbajoogta kasoo jeeda marka laga reebo degmada bilcilbuur oo ay qurbajoogteedu kaalmaha ugu horeeya kujiraan iyo degmooyin fara kutiris ah.
FG: waxaa digniin lasiinayaa gudiyada qaabdhismeedka kujira ee horay loo shaaciyay maadaama ay shaqadoodii gaabisay iyo qurbajoogtii loo xil-saaray. Waxayna iyaga iyo qurbajoogtu mas’uul kanoqon doonaan ceebta katimaada qarafaysiga iyo yaa alle wax kudhawrayda degmada. Waxaana qormadooda lasoo daabici doonaa maalinta Arbacada ah ee inagu soo aadan.
FG: lacag kasta oo la ururiyo balse aan accountka degmada soo galin waxay noqonaysaa mid shaqsiyaad urursaday. cid mas’uuliyadeeda qaadina majirto xataa hadii ay musuq gasho. Marka waxaan kutalo bixinaynaa in cid kasta oo lacag ururisay ay kurido accountkii loogu talagalay.
FG: kooxaha fanka iyo suugaanta ee deegaanka ayaa waxay soo wadaan riwaayad ay kusoo bandhigayaan xaalada qurbajoogta degmo walba iyo siday uga qayb-qaateen dhisida health centerka iyo dugsiga.
Image may be NSFW. Clik here to view.Jigjiga( cakaaranews ) Isniin 7,da March 2016, Wasaarada Isgaadhsinta Xogaha Casriga ah ee JDFI ayaa aas aastay xarun loogu talagalay in lagu bixiyo dhamaan lacagaha biilasha taasoo loogu magacdaray (Lehulu Kifiya)ama (A bill Payment For All) bixinta biilka adeegyada aasaasiga ah sida korontada iyo Biyaha.
Hadaba xaruntan cusub ee casriga ah ayaa waxaa xadhiga ka jaray Wasiiru Dawlaha Wasaarada Isgaadhsiinta Xogaha Casrigaha ee JDFI marwo Ifrax Cali Muuse oo sheegtay in xaruntani aythay mid aad muhiim ugu ah dalka islamarkaana ujeedadeedu tahay sidii ay dhamanaanba bulshada dalkeenu ay uheli lahaayeen adeega biilasha sida korontada iyo Biyaha oo casriyaysan. Waxayna intaa kudaratay in xaruntani ay tahay midii ugu horaysay ee dalka lagafuro iyadoo lagafuray magaalada maqale ee Deegaanka Tigreeyga, sidookale waxay wasiiradu xustay in dhawaan lagawada furi doono dhamaan Dawlad Deegaanada dalka.
Image may be NSFW. Clik here to view.Ugudanabayna waxa ay wasiiradu tilmaamay in xaruntani ay qayb wayn ka qaadanayso nidaamka maamulka suuban oo ah mid ku salaysan kajawaabida baahida bulshada si ay uhelaan adeeg tayo leh oo dagdag ah.
Image may be NSFW. Clik here to view.Awbre(Cakaaranews) Isniin, 7da march, 2016, Waxa maanta guud ahaanba si meeqaam sare ah looga xusay deegaanka sanad guurada xuska 18aad ee XDSHSI, waxaana ka mid ahaa meelaha sida wayn looga xusay maanta magaalada awbare ee degmada awbare.
Image may be NSFW. Clik here to view.Munaasabadan lagu maamuusayay xuskan oo ka dhacday barxada wayn ee xarunta maamulka degmada ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta maamulka degmada, odayaasha degmada, haweenka, dhalinyarada, ardayda wax ka barata dugsiyada magaalada awbare iyo kooxaha hidaha iyo dhaqanka.
Image may be NSFW. Clik here to view.Waxaana ugu horayntii la hadlay qaybaha kala duwan ee bulshada gudoomiyaha degmada awbare mudane Maxamed Cabdi Faarax oo sharax dheer ka bixiyay taariikhdii iyo soonyaalkii iyo isbedaladii siyaasadeed dhaqaale ee uu soo maray xisbigu isaga oo ka warbixiyay gudoomiyuhu guulaha waawayn ee uu soo hooyay shacabka deegaanka kaasi oo tilmaamay ahmiyada ay leedahay xusitaanka munaasabadandhani.
Dhankiisa waxa isaguna ka hadlay munaasabadaasi madaxa arimaha XDSHSI ee degmada awbare mudane Xikam Axmed Khaliif oo ka warbixiyay ahmiyada guulaha horumarineed iyo nabadgalyo ee uu soo hooyay XDSHSI kana warbixiyay jihooyinkiisa siyaasadeed horumarineed ee uu hiigsanayo xisbigu.
Qaybaha kala duwan ee bulshada oo ka hadashay munaasabadan xuska 18 jirsatay ayaa sheegay in ay siwayn ugu faraxsan yihiin dabaal daga munaasabadan waxayna hooska ka xariiqeen in ay tahay munaasabadani mid ay xusitaankeedu ku wayntahay quluubta shacabka maadaamo oo uu yahay xisbi ka jawaabay dhamaanba baahiyihii shacabka.
Munaasabadan ayaa intii ay socotay kooxaha hidaha iyo dhaqanka ee xaafadaha magaalada awbare ay ku soo bandhigayeen ciyaaro iyo dhaantooyin ka turjimaya ahmiyada ay munaasabadani leedahay
Image may be NSFW. Clik here to view.Baareey( cakaaranews ) Talaado 8,da March 2016, Munaasabad lagu maamuusayay xuska sanadguurada 18aad ee XDSHSI ayaa kadhacday Damada Baareey ee Gobolka Afdheer waxaana kasoo qaybgalay dhamaan bulshada qaybaheeda kaladuwan sida hooyooyinka odayaasha dhalinyarada, Ardayda Dugsiyada iyo waliba maamulka degmadaas.
xuska munaasabadan oo laxuso sanadwalba 28 magabiitayaa waxay kusoo hagaagtay xili ay shacabka dagmada baareey kujireen dabaaldaga degmooyinka gobolada iyo maamul-magaalooyinka cusub ee kusookordhay DDSI gaar ahaan 2da degmo ee u sookoradhay ka dagmo ahaan.
Image may be NSFW. Clik here to view.Hadaba munaasabadan ayaa Waxaa kahadlay kusimaha Gudoomiyaha Degmada ahna Hogaanka Nabadgalyada iyo Maamulka Cadaalada ee Degmada Baareey Calinuur Muuse Cali iyo kusimaha Madaxa Arimaha X.D.SH.S.I ee Degmada baareey Xiis Cabdi Axmed, oo si balaadhan uga hadlay taariikhdii xisbiga iyo waxqabadkiisa islamarkaana isbarbardhigay xaaldihii dhibaatada badnaa ee uu deegaanku soomaray, iyo xaalada uu manta kusuganyahay. Sidookale waxay masuuliyiintu tilmaameen in guulaha Horumarineed, Nabadgalyo iyo Maamulka-suuban ee uu XDSHSI keenay ay tahay mid aan la inkiri Karin ilaahayna ay ugu mahadcelinayaan.
Image may be NSFW. Clik here to view.Sidookale waxaa dhankooda kahadlay odayaal-dhaqameedka hooyooyinka iyo dhalinyarada oo sheegay in 28 magaabiit ay tahay maalin aan la ilaawi Karin islamarkaana kuwayn dhamaan bulshada deegeenka maadaama oo X.D.SH.S.I uu yahay midka keenay nabada iyo horumarka kahanaqaaday deegaanka.
Diridhaba( Cakaaranews ) Talaado, 8da march 2016, madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa saaka hoolka shirarka ee Samrat huteel kafuray shirkii golaha amaanka ee deegaanka oo kadhacay magaalada diridhaba.
Image may be NSFW. Clik here to view.Image may be NSFW. Clik here to view.Shirkan ayaa waxaa kasoo qaybgalay mas’uuliyiinta hay’adaha amaanka oo ay kamid yihiin janaralka ciidanka difaaca qaranka qaybta koonfur bari mudane janaraal Abraham woldemariam, janaraalka guud ee ciidanka gaarka ah ee DDSI mudane Cabdiraxmaan Cabdulaahi Buraale, gudoomiyeyaasha gobolada, hogaamada nabadgelyada iyo taliska kifladoorada.
Hadaba madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo furay shirkan ayaa sheegay in ugu horayn ay muhiim tahay in laga warbixiyo halka ay marayaan qorshayaashii nabadgelyo ee fadhigii hore lagu kala qaatay iyo xaalada guud ee nabadgelyada deegaanku halka ay marayso gaar ahaan dhanka sii xoojinta nabadgelyada xuduudaha dalkeena.
Kadibna, waxaa halkaa la iskula qaatay in 100% ay xaalada nabadgelyada dalka iyo ta deegaankuba ay taam yihiin iyadoo aysan meesha kabaxsanayn in halka ay maanta taagan tahay laga sii sare mariyo oo had iyo jeer adkaynta nabadgelyadu noqoto mid loo taagan yahay.
Ugudanbayna, shirkan golaha amaanka oo ah shir xiliile ah oo lagu qiimeeyo xaalada nabadgelyada deegaanka iyo ta dalkaba ayaa lafilayaa in uu niska danbe ee maanta uu kusoo gabagaboobo guulo wax ku ool ah oo lataaban karo.
Image may be NSFW. Clik here to view.Tababarkan oo ay kasoo qaybgaleen shaqaale kabadan 60, xubnood oo ka kalayimid haayadaha dawliga ah ee heer deegaan ayaa waxaa furitaankiisii ugu horayn ka hadlay Wasiirka Adeega Shacabka iyo Kobcinta Maamulka DDSI marwo Maajida Maxamed Maxamud oo si qodo dheer uga hadashay ujeedooyinka tababarkan iyadoo sheegtay in tababarkan uu yaay mid ay shaqaaluhu ku baran doonaan barnaamijyada dib uhabaynta shaqo sida Barnaamijka looyaqaano Axdig-Muwaadimiinta, Ciidanka-Horumarka, ilaha dulsaarnida iyo sidii loola tacaali lahaa. Sidookale waxa ay wasiiradu xustay in tababarkan lagu baran doono casharo la xidhiidha Maamulka suuban.
Image may be NSFW. Clik here to view.
Ugudanbayna waxay wasiiradu kuladardaaranatay shaqaalaha in ay casharada sifiican uqaataan islamarkaana marka uu tababarku dhamaado uu shaqsi kasta oo kamid ah uu xafiiskiisii u gudbiyo cilmigii uu baratay.
Qabridahar( cakaaranews ) Talaado 8,da March, 2016, Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo kusaabsan Xuska Sanadguurada Maalinka Haweenka Aduunka islamarkaana laga xusayo Maanta dhamaan dunida daafaheed ayaa kadhacday Xarunta Gobalka Qoraxay ee Magaalada Qabridahar.
Image may be NSFW. Clik here to view.Munaasabadan ayaa waxaa hadalo kasoojeediyay masuuliyiinta kala ah Kusimaha Maayorka Maamulka Magaalada Qabridahar mudane Maxamed Isaaq, Kusimaha Gudoomiyaha Gobalka ahna Madaxa Arrimaha Xisbiga Gobalka mudane Axmed Yaasiin iyo waliba Kusimaha Madaxa Xafiiska Arrimaa Haweenka iyo Caruurtamarwo Ardo Urur, waxayna tilmaameen in ay maalinkani tahay maalin mudan in la xasuusto sanad walba 8,da March islamarkaana lagaga hadlo hormarka deegaanka iyo doorka ay kuleeyihiin haweenku sidookale waxa ay sheegeen in haweenku sanadihii udanbeeyay ay si aad usaraysa uga dhaxmuuqdaan hogaaminta sare ee deegaanka iyo waliba golaha baarlamaanka iyagoo aad ugu mahadceliyay XDSHSI ee talada deegaanka haya.
Image may be NSFW. Clik here to view.Sidookale waxaa xuskan iyana dhankooda kahadlay hooyooyinkii iyo ururadii haweenka ee kasoo qaybgalay xuskan iyagoo sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin xuskan islamarkaana carabka ku adkeeyeey faa iidooyinka ay haweenku u leeyihiin bulsho walba oo wadan ku nool.
Image may be NSFW. Clik here to view.Sikastaba ha ahaatee waxaa xusid mudan in xuskan maalinka Haweenka ee 8,da March lag xusay meelo kaladuwan oo kamida DDSI sida Caasimada DDSI ee Magaalad jigjiga.
Image may be NSFW. Clik here to view.Adhisababa ( Cakaaranews ) Arbaco, 9ka march 2016, Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumarayaa shirkii golaha amaanka ee shalay lagu soo gabagabeeyay magaalada diridhaba kadib saaka uga soo ambabaxay dhanka xarunta dalka ee adhisababa isagoo soo cagadhigtay gagida diyaaradaha caalamiga ah ee addis-ababa bole international airport.
Qurbajoogta kasoo jeeda degmada harawo ayaa marka ay xukuumadu ubaxdo wadamada qurbaha ah waxay kamid yihiin dadka ugu daf-dafta badan ee lamaqlo iyagoo dhahaya ‘‘harawo ama dharwanaaje ayaan kasoo jeednaa’’ balse maanta accountkii degmada harawo ee health centerka iyo dugsiga daawaha ayuu kusocdaa. Shacabka reer harawo ee qaran joogta ah ayaana kaxanaaqsan foodhida accountka.
Waxaaba kasii daran, accountka degmooyinka qurajoogta kasoo jeeda gobolka Sitti oo horay udhihi jirtay ‘real estate baan dhisaynaa’ ayaa markii layidhi health center iyo dugsi usoo dhisa degmooyinka cusub ee gobolka oo ay running costga dawladu bixinayso ayaa shir ay yeesheen mudo 3 bari ah kadib waxay accountka kusoo shubeen 50 dollar.
Sdioo kale, qurajoogta gobolka dhaawa oo sheegayay inay kufaraxsan yihiin gobolka cusub iyo degmada qadhaadhumo ayaa kadib markay lacag noqotay lagu dhiso health centerka iyo dugsiga yidhi ‘‘anagu magaranayno’’oo dafiraad keenay. Taas oo kaxanaajisay shacabka qaran joogta ah ee kasoo jeeda gobolka iyo degmadaba oo leh anagaa dhisayna balse dawladu way kadiiday maadaama oo qurbajoogta lagu kala saarayo.
Gobolka Liibaan iyo degmada boqolmaayo iyaga xisaabtaba hakudarin. Xataa soo hadal qaad malaha. In loo maqan yahayna mafilayno. Balse, war aan xaqiiqadiisa lahubin ayaa tibaaxaya in nin England jooga uu accountka kuriday 6 doolar oo udhiganta in kayar 200 oo birr.
Oohinta, ilmada iyo baroorta kadhacaysa accountka degmada Galxamur ayaa waxay indhuhu lacasaadeen shacabka reer bookh. Arintan ayaana ah sheekada ugu hadal hayska badan ee taala magaalada jigjiga.
Hadabakooxahan u baxaya degmooyinka ayaa waxaa shabakada cakaaranews uga waramay Gadhwadeenka Geedi-socodka Damaanad-qaadka Cuntada mudane Lubi Axmed Kaariye isagoo sheegay in kooxahan loo dirayo 28 degmo oo uu kahawl-galo mashruucu si ay uga soo bixiyaan tababar ay ujeedadiisu tahay sahlida isticmaalka qaadashada lacagaha iyo raashinka bulshada kafaaiidaysata mashruuca (Beneficiaries).
Image may be NSFW. Clik here to view.Waxa uu agaasinku intaa kudaray in kooxahan shaqadoodu ay tahay inay ka soo hirgaliyaan 28 degmo softewerka loo yaqaano Payrol Attendence Sheet (PAS) kaasoo sahlaya bixinta raashinka, islamarkaana tababarkan lasiinayo xirfadlayaasha hawl-wadeenada ah ee mashruuca (PSNP)
Ugu danbayna waxa uu agaasinku kula dardaarmay kooxaha inay tababarkan si fiican oo wadaninimo leh usoo bixiyaan si fiicana u fahansiiyaan xirfadlayaasha hawl-wadeenada ah ee qaadanaya cashirka, waxa uuna agaasinku hadalkiisa ku gabagabeeyay in tababarkan uu aad mihiim u yahay maadaama mashruucu uu marayo wajigii 4aad.
Adhisababa ( Cakaaranews ) Arbaco, 9ka march 2016. Waxay xukuumada DDSI iyo XDSHSI soo dhawaynayaan uguna mahadcelinayaan go’aanka uu gaadhay maamulka sare ee xawaalada KAAH ee lacagta khidmada ah lagaga dhaafayo lacagaha ay qurbajoogta deegaanka kasoo jeeda kusoo dirayaan accountyada iskuulka iyo health centerka degmooyinka cusub looga furay xawaalada.
Hadaba, maamulka sare ee xaawalada KAAH ayaa dhankooda sheegay inaysan marnaba kahadhaynin kaalinta kaga aadan horumarinta deegaanka iyagoo lacagaha taageerada ah ee lagu soo dirayo accountyada health centerka iyo dugsiyada degmooyinka cusub kadhigay zero commision’’