Image may be NSFW. Clik here to view.Samara ( Cakaaranews ) jamce, 11ka march 2016. Waxaa saaka si rasmi ah uga furmay xarunta deegaanka canfarta ee samara gaar ahaan hoolka shirarka Agdha and Resort Huteel shirkii qiimaynta waxqabadka kililada taageerada gaarka ah lasiiyo 6dii bilood ee lasoo dhaafay.
Image may be NSFW. Clik here to view.Image may be NSFW. Clik here to view.Hadaba shirkan oo uu hogaaminayay raisal wasaare kuxigeenka JDFI mudane Dhamaqe Mokenin, wasiirka wasaarada arimaha federalka iyo horumarinta xoolo-dhaqatada mudane Kassa Tekleberhan oo saaka si rasmi ah u furmay ayaa galinkii hore ee maanta dhagaystay warbixinada 3 dawlad deegaan oo kala ah: deegaanka canfarta, deegaanka soomaalida iyo deegaanka Gambella iyadoo galinka danbe ee maanta ladhagaysan doono warbixinta deegaanka Binishangul. waxaana ilaa iyo haatan dhanka waxqabadka ugu horeeya deegaanka soomaalida itoobiya.
Ugudanbayna, shirkan qiimaynta waxqabadkii 6da bilood ee kililada taageerada gaarka ah ay dawlada dhexe siiso ayaa lafilayaa inay kasoo bixi doonaan guulo wax ku ool ah oo taabagala.
Image may be NSFW. Clik here to view.Jigjiga(Cakaaranews) jimce 11ka, March, 2016 Kulan lagu qiimayay waxqabadka lixdii bilood ee dhinaca adeega caafimaadka oo uu soo diyaariyay xafiiska caafimaadka loona hayay hay'adaha bah-wadaagta ay yihiin xafiiska caafimaadka DDSI ayaa lagu soo gabagabeeyay caasimada deegaanka ee Jigjiga.
Image may be NSFW. Clik here to view.Kulankan oo muddo laba maalmood ah socday ayaa waxa ay ujeedadiisu ahayd in la qiimeeyo wax qabadka hay'adaha bah-wadaagta la ah xafiiska caafimaadka DDSI ee 6dii bilood ee la soodhaafay, gaar ahaan wax ka qabadka xaaladaha caafimaadka deg-dega ah (Health and nutrition emergency response projects) iyo in la isla meel dhigo fahan midaysana laga qaado hirgalinta jihooyinka qorshaha caafimaadka 5ta sano (Health Sector Transformation Plan).
Image may be NSFW. Clik here to view.Kulankaa oo ay hogaaminayeen masuuliyiinka socday xafiiska caafimaadka ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta hayada ay ka mid yihiin SCI, IRC, MC, MSF-HOLAND, MSF-Spain, SOS, ICAP, Kuwa UN ta ah sida; WHO, UNICEF, iyo waliba OWDA, PC, ACPA.
Image may be NSFW. Clik here to view.Isku dugaha guud ee mashruuca hoos u dhiga dhimashada hooyada iyo dhalaanka ee xafiiska caafimaadka DDSI mudane Shaafici Daahir Muuse oo ka hadlay soo xidhitaankii kulankaasi ayaa sheegay in kulankani intii uu socday ay hay’adahani soo bandhigeen warbixinta waxqabadka dhinaca adeeg bixinta caafimaadka ee ay hay’adahani fuliyaan gaar ahaan waxqabadkii 6 bilood ee aan soo dhaafnay. Sidoo kale waxa uu sheegay masuulku in jihooyin midaysan laga qaatay fulinta qorshaha caafimaadka ee shanta sano.
Samara ( Cakaaranews ) jamce, 11ka march 2016. Waxaa caawa xarunta dawlada deegaanka canfarta ee samara lagu soo gabagabeeyay shirkii qiimaynta waxqabadka 6da bilood ee boordhiga dawlad deegaanada taageerada horumarka gaarka ah lasiiyo oo uu gudoomiye kayahay rasial wasaare kuxigeenka JDFI mudane Dhamaqe Mokenin.
Hadaba gabagabadii qiimaynta warbixinada deegaanada kadib ayuu raisal wasaare kuxigeenku usoo dhigay guriga su’aal ah ‘‘maxaa sabab u ah baad u malaynaysaan horumarka laxaadka leh ee uu gaadhay deegaanka soomaalidu?
Image may be NSFW. Clik here to view.
RW kuxigeenka ayaa islamarkiiba kujawaabay, siday ila tahay‘‘ waa hogaaminta oo kago’naansho leh iyo shacabka deegaanka oo iskaashanaya, iyo waliba hogaaminta oo diyaar u ah inay kafaaiidaystaan taageerada gaarka ah ee xukuumada dhexe iyadoo warbixinta deegaanku soo jeediyay ay tahay mid aan indhahanaga kusoo aragnay iyo mid aan muuqaal toos ah kudaawanay labadaba’’
Mudane Dhamaqe Mokenin raisal wasaare kuxigeenka JDFI ayaa intaa raaciyey in DDSI laga baran karo geesinimada ay kuwajaheen horumarka, nabadgelyada, maamulka suuban iyo xidhiidhka dadwaynaha. Wuxuuna sheegay in hogaaminta deegaanku ay kusifoobeen dabeecada risk takernimada ah ee kamidho dhalinta hogaaminta u ah lafdhabarta. RW kuxigeenka ayaa carabka kudhuftay in deegaanka soomaalida laga baran karo:
Image may be NSFW. Clik here to view.isbadalka uu kakeenay dhanka biyaha oo ay mudnaanta 1aad, 2aad iyo 3aadba siiyeen gaar ahaan ceelasha dhaadheer iyo biyo-xidheenada ay qorshaysteen sanadkan ee fulintoodii lagu jiro oo ah buu yidhi raisal wasaare kuxigeenku, ‘‘mid aan indhahanaga kusoo aragnay.’’
Waxaa kale oo uu raisal wasaare kuxigeenku kunuux-nuuxsaday in deegaanka soomaalida laga baran karo:
Image may be NSFW. Clik here to view.Inay si han-wayn wax u qorshaystaan wakhti gaaban oo ay kudhiiradaan fulinta qorshahooda mudo kooban gudaheed islamarkaana ay natiijo buuxda oo lataaban karo kakeenaan
Mudane Dhamaqe Mokenin ayaa amaanay nidaamka ay xukuumada deegaanku uwajahday biyaha iyo qaababkay uhirgalisay fulintooda oo ay kadanbaysay aas aasida shirkadaha kaladuwan ee ay kamidka yihiin: shirkada dhismaha hawlaha biyaha, shirkada qodida ceelasha, shirkada jidadka iyo shirkada booliska oo dhamaantood fuliyey mashaariico waa wayn khaasatan shirkada dhismaha, iibka iyo adeegyada gaarka ah ee booliska oo lagu xasuusto fulintii mashruuca buundada waangay iyo waliba quarantineka xoolaha oo ay kala wareegtay shirkad mudo waday kadibna mudo 6 bilood ah kusoo gabagabaysay .
Jigjiga( Cakaaranews ) Isniin 14ka March 2016, Tababar ay fulintiisa iska kaashadeen Xafiiska Arimaha Haweenka iyo Caruurta DDSI iyo Wasaarada Arimaha Haweenka iyo Caruurta JDFI islamarkaana ujeedadiisu ahayd sidii loo adkaynlahaa daryeelka caruurta iyo waliba sidii loo ilaalinlahaa Xaquuqda caruurta ee ku aadan dhanka waxbarashada iyo adeegyada kale ee aasaasiga ah ayaa kadhacay hoolka shirarka ee Xafiiska Arimaha Haweenka DDSI.
Tabababarkan ayaa waxaa kasoo qaybgalay Hooyooyinka, iyo sidookale qaarkamida Ururada Haweenka ee kadhisan DDSI waxaana furitaankiisii kahadalay Wasiir kuxigeenka Xafiiska Arimaha Haweenka iyo Caruurta DDSI mudane Cabdifataax Axmed Gamaadiid oo sheegay in tababarkani yahay mid muhiima islamarkaana ujeedadiisu tahay xanaanada iyo daryeelka caruurta oo ah sidii dhamaan caruurta deegaanku mid waalid leh iyo mid aan lahaynba ay uheli lahaayeen waxbarasho iskumida, nabadgalyo iyo waliba in ay xaquuqdoodu iskumid ahaato.
Image may be NSFW. Clik here to view.
Ugudanabyna waxa uu wasiir kuxigeenku hadalkiisii ku gabagabeeyay in kulankani uu san tababar kaliya ahayn balse uu yahay wadatashi iyo khibrad wadaag ay soobandhigi doonaan khabiirada tababarka bixinaya ee kayimid Xarunta Dalka ee JDFI oo ah kuwo soo arkay dhamaan dalka deegaanadiisa ee ugu fiican dhanka daryeelka caruurta.
Image may be NSFW. Clik here to view.Dhankooda waxaa iyana ka warbixiyay tababartayaashii oo sheegay in casharada ay qaadanayaan ay faaiido badan kaheleen islamarkaana ay barteen qodobada tastuurka ee kahadlaya xuquuqda iyo daryeelka caruurta.
Image may be NSFW. Clik here to view.Jigjiga ( Cakaaranews ) Talaado, 15ka march 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa saaka hoolka shirarka ee xafiiskiisa kulan kula yeeshay wafti balaadhan oo uu hogaaminayo wasiirka wasaaradaarimaha gudaha ee somaliland mudaneCali Maxamed Warancade .
Image may be NSFW. Clik here to view.Hadaba madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo waftiga Somaliland ee uu hogaaminayo mudane Warancade ayaa kawada hadlay sii xoojinta arimaha amniga labada dhinac gaar ahaan sii adkaynta amniga xuduuda balaadhan ee u dhaxaysa labada dhinac iyo waliba kor uqaadida xidhiidhka arimaha siyaasada.
Image may be NSFW. Clik here to view.Wada hadal balaadhan kadibna waxaa si kago’naanshiiyo leh la iskula qaatay in hal dhinac looga soo wada jeedsado wax alla iyo wixii caqabad ku ah xaalada nabadgelyo ee shacabwaynaha labada dhinac ay kunaaloonayaan, iyo wixii dhibaato ku ah horumarka iyo xasiloonida ay maanta shacabku hadhsanayaan.
Image may be NSFW. Clik here to view.Kadibna, waxay waftiga Somaliland kormeer indha-indhayn ah oo khibrad kaqaadasho kusoo mareen hoolka sida caalamiga ah loo dhisay ee KALI oo kuyaala xarunta madaxtooyada DDSI iyagoo waftigu ladhacay qaabka loo dhisay iyo waliba wakhtiga lagu dhisay yaridiisa.
Image may be NSFW. Clik here to view.
Ugudanbayna, waxaa waftiga loo sii qaatay guryaha martida ee qaryaan dhoodaan.
Jigjiga( cakaaranews )Arbaco 16ka March 2016. Sida lawada ogsoonyahay taliskii dawladii shuuciga ahayd ee soomaaliya iyo tii dhergiga ee itoobiya waxay sabab u ahaayeen inay colaad dhex-dhigaan qoomiyadaha walaalaha ah ee dagan soomaaliya iyo itoobiya taas oo ay ka danbaysay fikirkii madhalayska ahaa ee soomaali wayn. Waxayna abuureen colaad loo yaqaano soomaali-xabashi.
Hadaba isbadalkii ka dhacay dalka itoobiya 1991dii ayaa waxaa ka dhashay dawlad dimuqraadi ah oo ay hogaaminayso EPRDF iyadoo mudo yar kadib ay burburtay dawladii shuuciga ahayd ee soomaaliya. Shacabwaynihii soomaaliyana waxay u kala qaxeen meelo badan oo caalamka kamid ah sida wadamada suudaan, masar, itoobiya, Kiinya, wadamada carabta, iyo waliba wadamada reer galbeedka.
Hadaba su’aashu waxay tahay dadkii soomaalida ahaa ee qaxay yey taakulayn kaheleen? Waxaa xaqiiqa ah in dawladaha reer-galbeedka sida yurub iyo maraynkanka ay caawiyeen dadkii u qaxay ee soomaalida ahaa iyaga oo aan u eegaynin jinsi, diin iyo midab toona oo ay dajiyeen guryana siiyeen islamarkaanaay u aqoonsadeen muwaadiniin iyaga la siman oo ay siiyeen passportigii dhalashada bini’aadanimo darteed balse aysan kahelin habayaraatee wax taakulayn ah wadamadii kubahoobay Midawga Jaamacada Carabta oo ay soomaaliya xubin ka ahayd, iskadaa in dhalasho lasiiyee soomaalidii u qaxday carabaha waa lasoo tarxiilaa qaarna ilaa hada xabsiyada ayay ku jiraan waxna looma qabanin kuwa hada joogana wakiil ayay ku joogaan ama gabadh. Wax asxaan ah oo islaanimo ah oo ay u sameeyeena ilaa hada majirto. Inta hada joogtana goormaa lagu qaban iyo dhuumasho ayay ku joogaan. Waxaa dhacda in 40 sano dadkii kunoolaa lasoo tarxiilo marka uu aabahood dhinto oo la dhaho wakiil malihid meesha reer galbeedku ay halsano gudahood ku siiyaan dadkii u qaxay dhalashada. Dadkaasina ay xor u yihiin dhaqankooda oo ay waliba diintooda kufaafin karaan.
Markaan eegno dhanka Africa, waxaa ugu wanaagsanaa dalka itoobiya dhanka soo dhawaynta qaxootiga kasoo qaxay soomaaliya. Soomaalidii ku soo qaxday itoobiya lama sheegi karo wax cabasho qaba ama dhib gaadhay. Waxayna itoobiya u noqotay wadankoodii labaad haday qaxooti ku yihiin iyo haday ehelkooda lajoogaan labadaba. Waxayna noqdeen qaxootigii caalamka ugu sharafta badnaa ee loogu ixtiraamka badan yahay. Ilaa hadana taariikhda laguma hayo gabadh qaxooti ah oo lagu kufsaday itoobiya ama cabasho marka laga tago iskudhac yar oo dhexdooda ah.
Dhanka kale ciidamada Amisom-Ethiopia waxay noqdeen ciidamada ugu sharafta badan lagumana sheegin ilaa hada dhac, kufsi iyo boob midnaba. Dagaalka ay galeena wuxuu ahaa mid ay bartilmaamsadeen ururka argagixisada ah ee Alqushaash oo hadii ay masaajid dhexdii kaga soo ridaan aan wax jawaab ah lasiinaynin xurmo ay xurmaynayaan diinta islaamka darted. laakiin qaar kamid ah ciidamada kale ee afrikaanka ah hadii bastoolad lagaga soo rido masaaji waxay ugu jawaabayeen ‘Suu’.
Hadaba ciidamada qaranka itoobiya waxay naftooda, dhiigooda iyo maalkoodaba u hureen inay soomaaliya ka xoreeyaan aragagixisada al-qushaash ilaa iyo hadana way u hurayaan. Shacabka soomaaliyana waxay u bixiyeen ciidamada itoobiya hiil-Alle.
Hadaan u soo noqono nuxurka iyo ujeedada hadalka, ciidamada maraykanka ayaa 9kii bisha March ee sanadkan waxay duqayn iyo dagaal cilmiyaysan oo aan horay loo arag ku qaadeen ubucda ururka alqushaash gaar ahaan xero tababar oo kutaala degmada dheeriyaw.
Sidoo kale waxay degmada aw-dheegle 8dii march ciidanka marykanku ka fuliyeen qorshe aan inaba caadi ahayn oo dhabarka kajabiyay ururada argagixisada ah sida al-qushaash iyo ISIS oo is-bahaystay. Halkaas oo shacabkii goob-jooga ahaa ay sheegayaan in ciidamada maraykanku ay ku guulaysteen mission impossible iyadoo shacabka dagan dheeriyaw iyo aw-dheegle ay khaati bilaah ka taagnaayeen dhibaatada ay alqushaash ku haysay. Tusaale ahaan waxay dileen 4 nin oo 90 jiro ah iyagoo ku eedaynaya kufsi gabdho 15 jir ah balse xaqiiqadu ahayd inay odayaashu dhaheen war dadka dhibaatada ka daaya.
Si kastaba ha ahaatee, waxay mas’uuliyiinta al-qushaash kufsadeen gabdho yaryar oo u xidhnaa islamarkaana ay dil ku xukumeen kadib markay diideen inay guursadaan oo ay dhaheen murtidiin baad tihiin.
Hadaba shacab waynaha soomaaliya ayaa dhibaatadaa lasoo daristay darted ilaahay baryay oo hal mar wada yidhi ‘‘ilaahaw naga soo gaadh oo naga qabo’’. Ilaahayna durba wuu kajawaabay codsiga shacabkii dhibaataysnaa. Wuxuuna u soo diray ciidanka maraykanka oo dagaal cilmiyaysan kaga takhalusay aragagixisadii alqushaash halkaas oo gabdhihii xukunaa ay ku badbaadeen oo xiliigii ay argagixisadu kuwaday inay dilaan gabdhaha ay ciidamada maraykanku ka badbaadiyeen, argagixisadiina hallkaa lagu baabi’iyey.
Fiiq(cakaaranews) Arbaco 16ka March 2016, Tababar ujeedadiisu tahay DabargoyntaCaadooyinka xun xun oo looqabtay Hooyooyinka Degmada Fiiq islamarkaana ay cashaarda bixinayaan khabiiro u xeel dheer ayaa si habsami leh uga bilawday isla Dagmadaas .
Tababarkan oo uu soo agaasimay Xafiska Arimaha Haweenka CaruurtaDegmada Fiiq ayaa waxaa lagu baranayaa casharo ku saabsan ladagaalanka iyo waliba sidii loo dabargoyn lahaa caadoyinka xun xun sida gudniinka fircawniga ah iyo wiixiilahalmaala.
Hadaba furintaankii tababarkan ayaa waxaa ugu horayn ka hadalay Gudoomiyaha Degmada Fiiq mudane Cabdiqaadir MaxamedXasan oo sheegay in dabargoynta caadooyinka xunxun ay lagamamaarmaantahay islamarkaana larabo in Hooyooyinku dhankooda kala dagaalamaan maadaama oo saamaynta ugu wayn uu kuleeyahay dumarkaislamarkaana ay qaybta ugu balaadhan ee ladagaalanka caadooyinka xunxun ay ka qaadan karaan hadii ay tahay gabdhaha lagudayo iyo hadii tahay kuwa gudaya gabdhaha labadaba. Sidookale waxaa kahdlay tababarkan kusimaha Xafiiska Arrimaha haweenka iyo Caruurta Degmada Fiiq Marwo Boosteeye Ismaaciil oo sheegtay in tababarkan ay kasoo qaybgaleen qaarkamidahooyooyinka islamarkaana ujeedadiisu tahay ladagaalan caadooyinka xunxun. Sidookalan iyadoo kula dardaarantay inay sii adkeeyaan ladagaalanka dhaqamada xun xun islamarkaana ay sifiican uga faaiidaystaan casharada.
Image may be NSFW. Clik here to view.Ugudanabayna waxaa dhankooda kahadlay kasooqaybgalaaashii tabaabrkan oo ay kamid ahaayeen hoyooyinkii iyo dhalinyaradii qaadanayay oo sheegay in ay aad ugufarxsanyihiin tababarkan ay qaadanayaan islamarkaana ay casharo muhiima kabaranayan iyagoo balan qaaday in ay dhankooda si firfircawn uga faaiidaysn doonaan iyo waliba inay gaadhsiinayaan bulshadii ay ka kala yimaadeen.
Diridhaba ( Cakaaranews ) Arbaco, 16ka march 2016. Waxaa maanta magaalada diridhaba lagu soo gabagabeeyay shir mudo 3 maalmood ah socdey oo lagaga wada hadlayay nabadgelyo kuwada-noolaanshaha diimaha, kahortaga iyo ladagaalanka argagixisada iyo xag-jirnimada oo lidi ku ah hanaanada horumarka, nabadgalyada iyo maamulka suuban ee shacabweynaha dalku kunaaloonayaan.
Shirkan oo ahaa shir heer qaran ah oo ay hogaaminayeen wasiiru dawlaha wasaarada arimaha federalka iyo horumarinta xoolo-dhaqatada ee JDFI mudane Awol Wogris, directorka guud ee wasaarada mudane xaaji Cali iyo kuxigeenka xafiiska nabadgelyada, maamulka iyo cadaalada DDSI mudane Shugri Badal ayaa waxaa ka soo qaybgalay dhamaan mas’uuliyiinta dhinacyada nabadgalyada, maamulada, xisbiyada iyo mas’uuliyiinta arimaha diimaha ee dawlad deegaanada soomaalida, canfarta, hararida, gobolada oromiya ee dhanka bari iyo ismaamulka diridhaba.
Image may be NSFW. Clik here to view.Hadaba shirkan ayaa kadib soo jeedintii warbixinada iyo talo bixintoodi aragti mideysan oo kadhan ah cadowga gabaad ka dhiganaya diimaha iyo in si wadajir ah loola dagaalamo laysla qaatey
Sidoo kale waxaa aragti wadajir ah lays kula qaatey in la sii xoojiyo nabadgalyo kuwadanoolaanshaha diimaha kaladuwan ee shucuubaha dalka iyo in la sii taabo galiyo horumarkan laxaadka leh ee guud ahaan dalka kahanaqaaday.
Dhanka kale kasoo qaybgalayaashii shirkan ayaa si wadajir ah u balan qaaday in maalin iyo habeen ay u soo jeedayaaan la dagaalanka argagixisada iyo xagjirnimada iyagoo wacyigalin balaadhana u samayn doona qaybaha hadhay bulshada.
Jigjiga (Cakaaranews) arbaco 16 march 2016 Kooxda arsenaloo kamid ah kooxaha horyaalka England ayaa caawa la ciyaari doontanaadiga halista ah ee Barcelona.gunners ayaa kulanka caawa ciyaaraysa lugta labaad ee wareega 16ka champions league iyagoo ku marti ah camp nou islamarkaana u baahan inay dhaliyaan laba gool si ay u helaan fursad ay dhanka kale ugu rogaan guuldaradii 2-0 ee kusoo gaartay Emirates stadium lugtii hore.
Image may be NSFW. Clik here to view.Jigjiga(Cakaaranews) khamiis 17 march 2016 Kooxda Bayern Munich ayaa xalay garoonka Allainz Arena kadhigtay guul isbadal taariikheed ka abuurtay horyaalka kooxaha Yurub ee Champions Leaque-ga kadib markii ay soo laabasho cajiib ah ugu soo baxday wareega sideedaad ee Champions Leaque-ga. Kooxda uu macalinka u yahay Pep Guardiola ayaa u muuqatay in ay ka hadhay Champions Leaque-ga lakiin intii lagu jiray daqiiqo kooban oo ciyaarta lagu daray ayaa Thomas Muller soo nooleeyay rajada Bayern Munich ee Champions Leaque-ga.
Kooxda Juventus ayaa 2:0 ciyaarta ku hogaaminaysay qaybtii hore iyo in badan oo qaybtii ka mid ahayd iyada oo ay Paul Pogba iyo Juan Cuadradoay goolasha hore dhaliyeen. Laakiin RobertLewandowski iyo Thomas Muller ayaa bixiyay jawaabta ay Bayern Munich ku soo laabtaywaxaana amaan wayn barbaraha ku lahaa Muller oo gool qurux badan oo madax ahaa dhaliyaydaqiiqadii 91 aad ee dhamaadkii kulankan taas ookeentay in ciyaarta lagu daro 30 daqiiqo oo dheeri
ah.
Hadaba waqtigii dheeriga ahaa Thiago oo ciyaarta badalku soo galay iyo Kingsley Coman ayaa Bayern Munich u dhaliyay laba gool oo deg deg ah taas oociyaarta ka dhigtay 4:2 ay Bayern Munich kaga guulaysatey Juventus oo u muuqatay inay ugudubto wareega Sideeda ee Champions Leaque-ga
Image may be NSFW. Clik here to view. Sidoo kale waxaa xalay la soo gabagabeeyay wareega 16 kakooxood ee Champions Leaque-ga waxaana kooxihii hore u soo baxay xalay ku soo biiray kooxaha Barcelona iyo Bayern Munich oo ka soo talaabsaday kooxaha Arsenal iyo Juventus sida ayu kala horeyaan. Hadda waxaa la og yahaydhamaan sideeda kooxood ee Chapions Leaque-ga ku tartami doona waxaana isku soo hadhaykooxaha kala ah Atlentico Madrid, Bayern Munchen, Barcelona, Benfica, Manchester City, Paris Saint-Germain, Real Madrid iyo Wolfsburg.
Image may be NSFW. Clik here to view.Diridhaba( Cakaaranews ) Khamiis, 17ka march 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa galabta ka ambabaxay xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga isagoo kadagay gagida diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada diridhaba.
Jigjiga( Cakaaranews ) Jumce 18ka March 2016, Kulan ay yeesheen beel-waynta Gurre oo uu hogaaminayo ugaaska beesha gurre islamarkaana ujeedadiisu ahayd canbaaraynta horumar-diidka korodhka deegaanka iyo waliba taageeraha go’aankii baarlamaanka DDSI ayaa ka qabsoomay xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga.
Hadaba kulankan beesha oo ay kasoo qaybgaleen Salaadiinta, Odayaasha, Aqoonyahanada beesha ayaa waxaa ugu horayn kahadlay ugaaska beesha Gurre Ugaas Maxamed Ugaas-Guure ugaas-Guuleed kana mid ah salaadiinta DDSI oo sheegay in kulankani yahay mid lagaga hadlayo danaha iyo aayaha beesha Gurre ee dagta sadexda degmo ee kala ah Guro-boqosa, Guro-dhaamoole, iyo Qarsaadhuule,oo awal hore kamid ahaan jirayGobolka Afdheer balse hada kalafadhigii baarlaamka DDSI lagu ansixay inay kamid noqdaan Gobolka Liibaan iyadoo xukumada iyo XDSHSI ay isla qaateen xalna u arkeen in sadexdaa degmo aysan kamid ahaan karin gobolka afdheer sababtuna tahay fogaanshaha xarunta gobalka, dhanka jidadka iyo gaadhsiinta adeegyada horumarineed.
Image may be NSFW. Clik here to view.
Sidookale waxa uu ugaasku hadalkiisa kusii daray in ay beesha-Gurre ay kamid tahay beelaha dega degaanka somaalida itoobiya. Goobaha ay daganyihiina ay yihiin kuwo nabagalyadoodu taamtahayhorumarkuna uu ka hanqaaday islamrkaana ay ka jiraan adeegyadii aas asiga ahaa iyo waliba adeegyadii kaabayaasha dhaqaale isagoo ugaasku uga mahdceliyay xukumada DDSI ee uu hogaaminayo madaxwayneCabdi Maxamuud Cumar balanqaadka iyo dadaalka uu ugu jiro horumarka gaar ahaan jidka laamiga ah ee dhawaan lagasamayndoono wadada isku xidha Goro-dhaamoole ilaa jarati. Sidookale wuxuu uguuska carabka ku adkeeyay aadna u canbaareeyay isagoo ku hadlaya codka beesha Gurre dadka hadalada borobogaandada ah ay kasoo yeedhay ee jooga Kenya inaysan matalin beesha gurre islamrkaana aysan aqoonin meel ay sedaxda degmo ay ku yaalaan danta beesha gurana aysan ku xidhnayn qurbo-joog balse ay ku xidhantahay qaran-joogta. Waxaana si buuxda u tageeraynaa go’aanka ay xukuumada iyo baarlamaanka DDSI ku ansixiyeen in sadexda degmo ay kamid noqdaan Gobalka liibaan. Maadaama oo ay dan utahay shacabwaynaha ku dhaqan sadexdaas degmo.
Wuxuuna ugaasku isagoo hadalkiisii siiwata yidhi in ay dadkaas la sheegay ee meelahaa kahadlay ay yihiin fadhi kudirir aan deegaanka waligood arag, islamarkaana dadkii sumcada lahaa ee wadanka kiinya joogay ee beesha Gurre matali kara ay taageersanyihiin go’aanka xukuumada. Waxa uuna uguusku hadaladiisii kudaray in dadka wanaagsan ee taageerada iyo hormarka deegaanka ka qaybqaata ee kiinya jooga ay yihiin dad aad ufarabadan oo beesha ah tusaale ahaana loo soo qaadan karo Xaaji Ismaaciil iyo sheikh Nuuxoo ah dadkii kaqayqaatay dhisida masaajidada iyo dugsiyada degmooyinkaas beeshu degaan.
Ugudanbayna wuxuu ugaasku carbka ku adkeeyay in odayga lagu magaacbo Khaliif Cadaawe, uu yahay oday da’ah oo wax uu ka ogyahayna jirin xaalada deegaanka islamrkaana ku tilmaamay propogaandiste warbaahinta dhaxmarinaya wax aan sal iyo raadlahayn, waxbana aysan ka ogayn dadkii matalayay beesha Gurre ee daganaa wadanka kiinya oo uu soo kaxaystay caruur yarayar oo aan matalikarin beesha.
Image may be NSFW. Clik here to view.
Dhanka kale waxaa isna Madashan kahadlay Cabdiqaadir Rashiid Ducaale oo kamid ah aqoonyahanada beesha Gurre isagoo sheegay inay jiraan dad meelaha qurbaha hadal maalayacni ah oo aan waxba kajirin lataagan, islamrkaana dano gaar ah leh oo aan deegaanka waligood imanin gurina kulahayn aqoonina dagmooyinkaas meel ay kuyaalaan ,namana matalaan dadka beesha matala waa kuwo danta beesha yaqaana. Sidookale waxa uu xusay in ka aqoonyahano ahaan ay aad u taageersanyihiin go’aankii uu ansixiayay baarlamaanka DDSI. Dhankakale wuxuu canbaarayn kulul usoojeediyay isagoo kuhadlaya magaca beesha-Gurre dadka fadhi kudirika ah ee la sheegay inay melahaas ka hadleen. Isagoo waliba diiday in uu magac dhabo ninkaas kuna tlmaamay hadaladiisa kuwo qof waalani yidhi.
Image may be NSFW. Clik here to view.
Gabagabadii kulankan ayaa waxaa isna kahadlay Maxamed Shaqlane Jaamac oo ku hadalaya magaca dhalinyarada sedexda degmo ee ay dagaan beesha gurre isagoo sheegay in dadka kasoo jeeda beesha gure ee isugu jira ganacsatada odayaasha iyo dhaliyarata jooga Kenya ay yihiin kuwa ka dharagsan horumarka deegaanka islamarkaana tageersan go’aankii barlamaanku ansixiyay iyada oo uu goaankaasii uu dan u ahaa bulshada dagan sadexda degmo. Wuxuuna intaa kusii daray in ninka la sheegayo uusan jiko xitaa ku lahayn sadexda degmo islamarkaana uu soo aruursaday ciyaal yaryar oo aan beesha matali Karin.
Sikasataba ha ahaatee waxaa xusid mudan inkulankii maantabeesha gurre ay siwada jir ah uga soo horjeedsadeen islamarkaana canbaarayn kulul u soo jeediyeen nin lasheegay inuu soo galiyay warbaahintahadalo xaqiiqda ka fog oo propogaando ah, isagoo iska dhigayay in uu matalayo beesha Gurre.