Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all 304849 articles
Browse latest View live

Tababar Loo Qabtay Qaarkamida Shaqaalaha Xafiisyada Heer-Deegaaan

$
0
0

Jigjiga( Cakaaranews )Talaado 8,da March 2016, Tabaabar uu soo agaasimay Xafiiska Adeega shacabka iyo Kobcinta Maamulka DDSI islamarkaana ujeedadiisu ahayd kobcinta aqoonta shaqaalaha ee dhanka Barnaamijyada Dib-uhabaynta Shaqo (Public Service Reform Progrms) ayaa maanta kabilawday kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI.

Tababarkan oo ay kasoo qaybgaleen shaqaale kabadan 60, xubnood oo ka kalayimid haayadaha dawliga ah ee heer deegaan ayaa waxaa furitaankiisii  ugu horayn ka hadlay Wasiirka Adeega Shacabka iyo Kobcinta Maamulka DDSI marwo Maajida Maxamed Maxamud oo si qodo dheer uga hadashay ujeedooyinka tababarkan iyadoo sheegtay in tababarkan uu yaay mid ay shaqaaluhu ku baran doonaan barnaamijyada dib uhabaynta shaqo sida Barnaamijka looyaqaano Axdig-Muwaadimiinta, Ciidanka-Horumarka, ilaha dulsaarnida iyo sidii loola tacaali lahaa. Sidookale waxa ay wasiiradu xustay in tababarkan lagu baran doono casharo la xidhiidha Maamulka suuban.

Ugudanbayna waxay wasiiradu kuladardaaranatay shaqaalaha in ay casharada sifiican uqaataan islamarkaana marka uu tababarku dhamaado uu shaqsi kasta oo kamid ah uu xafiiskiisii u gudbiyo cilmigii uu baratay.

Sikataba ha ahaateee waxaa iyana dhankooda kawaramay shaqaalihii tababarka qaadanayay oo sheegay inay casharo muhiima baranayaan oo kusaabsan shaqada iyo qanaca bulshada.


Xuska Sanadguurada Maalinka Haweenka ee 8,da March

$
0
0

Qabridahar( cakaaranews ) Talaado 8,da March, 2016, Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo kusaabsan Xuska Sanadguurada Maalinka Haweenka Aduunka islamarkaana laga xusayo Maanta dhamaan dunida daafaheed ayaa kadhacday Xarunta Gobalka Qoraxay ee Magaalada Qabridahar.

Munaasabadan ayaa waxaa hadalo kasoojeediyay masuuliyiinta kala ah Kusimaha Maayorka Maamulka Magaalada Qabridahar mudane Maxamed Isaaq, Kusimaha Gudoomiyaha Gobalka ahna Madaxa Arrimaha Xisbiga Gobalka mudane Axmed Yaasiin iyo waliba Kusimaha Madaxa Xafiiska Arrimaa Haweenka iyo Caruurta  marwo Ardo Urur, waxayna tilmaameen in ay maalinkani tahay maalin mudan in la xasuusto sanad walba 8,da March islamarkaana lagaga hadlo hormarka deegaanka iyo doorka ay kuleeyihiin haweenku sidookale waxa ay sheegeen in haweenku sanadihii udanbeeyay ay si aad usaraysa uga dhaxmuuqdaan hogaaminta sare ee deegaanka iyo waliba golaha baarlamaanka iyagoo aad ugu mahadceliyay XDSHSI ee talada deegaanka haya.

Sidookale waxaa xuskan iyana dhankooda kahadlay hooyooyinkii iyo ururadii haweenka ee kasoo qaybgalay xuskan iyagoo sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin xuskan islamarkaana carabka ku adkeeyeey faa iidooyinka ay haweenku u leeyihiin bulsho walba oo wadan ku nool.

Sikastaba ha ahaatee waxaa xusid mudan in xuskan maalinka Haweenka ee 8,da March lag xusay meelo kaladuwan oo kamida DDSI sida Caasimada DDSI ee Magaalad jigjiga.

MW CMC Oo Caga-dhigtay A.A.B.I.A

$
0
0

Adhisababa ( Cakaaranews ) Arbaco, 9ka march 2016, Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar   ayaa shirkii golaha amaanka ee shalay lagu soo gabagabeeyay magaalada diridhaba kadib saaka uga soo ambabaxay dhanka xarunta dalka ee adhisababa isagoo soo cagadhigtay gagida diyaaradaha caalamiga ah ee addis-ababa bole international airport.

 

Accountka Harawo Oo Daawaha Kusocda

$
0
0

Jigjiga ( Cakaaranews ) Arbaco, 9ka march 2016. degmada harawo, galxamur, boqolmaayo, goglo, shabeelay, ceel-ogaadeen, m.m.qabribayax iyo waliba m.m.wajaale, gobolka dhaawa, iyo gobolka sitti ayaa kamid ah degmooyinka, maamul-magaalooyinka iyo gobolada  accountgoodu daawaha kusocdo.

Qurbajoogta kasoo jeeda degmada harawo ayaa marka ay xukuumadu ubaxdo wadamada qurbaha ah waxay kamid yihiin dadka ugu daf-dafta badan ee lamaqlo iyagoo dhahaya ‘‘harawo ama dharwanaaje ayaan kasoo jeednaa’’ balse maanta accountkii degmada harawo ee health centerka iyo dugsiga daawaha ayuu kusocdaa. Shacabka reer harawo ee qaran joogta ah ayaana kaxanaaqsan foodhida accountka.

Waxaaba kasii daran, accountka degmooyinka qurajoogta kasoo jeeda gobolka Sitti oo horay udhihi jirtay ‘real estate baan dhisaynaa’ ayaa markii layidhi health center iyo dugsi usoo dhisa degmooyinka cusub ee gobolka oo ay running costga dawladu bixinayso ayaa shir ay yeesheen mudo 3 bari ah kadib waxay accountka kusoo shubeen 50 dollar.

Sdioo kale, qurajoogta gobolka dhaawa oo sheegayay inay kufaraxsan yihiin gobolka cusub iyo degmada qadhaadhumo ayaa kadib markay lacag noqotay lagu dhiso health centerka iyo dugsiga yidhi ‘‘anagu magaranayno’’oo dafiraad keenay. Taas oo kaxanaajisay shacabka qaran joogta ah ee kasoo jeeda gobolka iyo degmadaba oo leh anagaa dhisayna balse dawladu way kadiiday maadaama oo qurbajoogta lagu kala saarayo.

Gobolka Liibaan iyo degmada boqolmaayo iyaga xisaabtaba hakudarin. Xataa soo hadal qaad malaha. In loo maqan yahayna mafilayno. Balse, war aan xaqiiqadiisa lahubin ayaa tibaaxaya in nin England jooga uu accountka kuriday 6 doolar oo udhiganta in kayar 200 oo birr.

Oohinta, ilmada iyo baroorta kadhacaysa accountka degmada Galxamur ayaa waxay indhuhu lacasaadeen shacabka reer bookh. Arintan ayaana ah sheekada ugu hadal hayska badan ee taala magaalada jigjiga.

Degmada kudunbuur ayaa iyada wuxuu shaki kujiraa inay kamid tahay gobolka qoraxey iyo in kale. Degmada kudunbuur iyo degmada Shabeelay ayaana noqonaya degmooyinka ugu taageero hooseeya. In kasta oo degmada Shabeelay ay kahorayso degmada kudunbuur.

Degmada Ceel-ogaadeen iyada wax sheegta oo qurbajoog ah waa lala’yahay ilaa hada. Xataa wax teleefan soo diray oo kahadlaya degmada majiro.

Waxaase layaab iyo yax-yax mudan oo ilaa hada meel ay jaan iyo cidhib-dhigeen lala’yahay qurbajoogta kasoo jeeday degmooyinka gobolka afdheer ee God-god iyo Qooxle. Habayaraatee, wali wax accountkooda kusoo dhacay iyo cid shirkada kala soo xidhiidhay toona majiraan. Waa sida uu xisaabiyaha shirkadu usheegay shabakada Cakaaranews. Waxaaba la is waydiinayaa wax qurbajoog ah oo kasoo jeeda malaha miyaa.

Dhanka kale,  accountka maamulka magaalada qabribayax madhnidiisa ayay qaxootigu kafadhi la’yihiin iyadoo qayladiisuna buuraha gurayska gaadhay. hal shaqsi ah oo qurbajoog ah oo wali kahadlayna majiro.

Maamulka magaalada wajaale isaga haba-sheegin. Wuxuuna noqday maamulka magaalda ugu taageeraha yar. Accountkeeduna wuu qiiqayaa. Daawaha ayuuna kusocdaa.

Waaxda Damaanad Qaadka Cuntada Oo Degmooyinka U Dirtay Kooxo

$
0
0

Jjgjiga (Cakaaranews ) Arbaco, 9ka march 2016, Xafiiska beeraha iyo horumarinta khayraadka dabiiciga ah geedisocodkiisa Damaanad-qaadka cuntada ayaa 3 kooxood u kala diray 28 degmo oo uu kashaqeeyo mashruuca  shabakada wax-soosaarka  cuntada (PSNP)

Hadaba  kooxahan u baxaya degmooyinka ayaa waxaa shabakada cakaaranews uga waramay Gadhwadeenka Geedi-socodka Damaanad-qaadka Cuntada mudane Lubi Axmed Kaariye isagoo sheegay in kooxahan loo dirayo 28 degmo oo uu kahawl-galo mashruucu si ay uga soo bixiyaan tababar ay ujeedadiisu tahay  sahlida isticmaalka qaadashada lacagaha iyo raashinka bulshada kafaaiidaysata mashruuca (Beneficiaries).

Waxa uu agaasinku intaa kudaray in kooxahan shaqadoodu ay tahay inay ka soo hirgaliyaan 28 degmo softewerka loo yaqaano Payrol Attendence Sheet (PAS) kaasoo sahlaya bixinta raashinka, islamarkaana tababarkan lasiinayo xirfadlayaasha hawl-wadeenada ah ee mashruuca (PSNP)

Ugu danbayna waxa uu agaasinku kula dardaarmay kooxaha inay tababarkan si fiican oo wadaninimo leh usoo bixiyaan si fiicana u fahansiiyaan xirfadlayaasha hawl-wadeenada ah ee qaadanaya cashirka, waxa uuna agaasinku hadalkiisa ku gabagabeeyay in tababarkan uu aad mihiim u yahay maadaama mashruucu uu marayo wajigii 4aad.

GO’AANKA SHIRKADA KAAH

$
0
0

Adhisababa ( Cakaaranews ) Arbaco, 9ka march 2016. Waxay xukuumada DDSI iyo XDSHSI soo dhawaynayaan uguna mahadcelinayaan go’aanka uu gaadhay maamulka sare ee xawaalada KAAH ee lacagta khidmada ah lagaga dhaafayo lacagaha ay qurbajoogta deegaanka kasoo jeeda kusoo dirayaan accountyada iskuulka iyo health centerka degmooyinka cusub looga furay xawaalada.

Hadaba, maamulka sare ee xaawalada KAAH ayaa dhankooda sheegay inaysan marnaba kahadhaynin kaalinta kaga aadan horumarinta deegaanka iyagoo lacagaha taageerada ah ee lagu soo dirayo accountyada health centerka iyo dugsiyada degmooyinka cusub kadhigay zero commision’’  

ISKUDAY Qaybtii 4,aad

$
0
0

Jigjiga( cakaaranews ) Arbaco 9ka March 2016, Fadlan adigoo kaashanaya, korodhsanayana aqoonta aad u leedahay guud ahaan dalkeena itoobiya gaar ahaana deegaankeena ISKUDAY inaad kajawaabto su’aalahan hoos kuqoran. Kadibna kuguulayso abaal marin.

Hadaba, wakhtiga loo cayimay kajawaabida su’aalahan waa 7maalmood oo kabilaabanaysa maanta oo Ay taariikhdu tahay 9ka March. Kuna eg 16ka March2016 Waxaadna  kadib cidii kuguulaysatay iyo jawaabihiiba aad kalasocotaan www.cakaaranews.com habeenka Axada ah ee 19ka March 2016

NB. Abaal-marinta waxaa kuguulaysan:

·          Qofka kajawaaba dhamaan su’aalaha.

·          Cidii kajawaabta wakhtiga lacayimay kahor ayaa mudnaanta leh

Su’aaluhuna waa sidan:

  1.  Sheeg tirada iyo magacyada Wabiyada Deegaanka mara ?
  2.  Sheeg demagada deegaanka ugu iskuulaadka badan  iyo degmada deegaanka ugu dugsi sare badan ?
  3.  Doorashadii 1994 tii T.I. dhamaadkeedi ee ka dhacday deegaanka imisa dagmo ayay ka dhacday? Imisa xildhibaan ayaana laga soo doortay?
  4.  Socdaalkii UBBO-Quusis ee Mw CMC kusoo maray deegaanka imisa gobal ayuu ku soo maray? Kuwayse kala ahaayeen?
  5.  Dagaalkii xunayn imisa ayay ahaayeen tirade asxaabta iyo tirada gaaladu labadaba?
  6.  Sheeg dagaalkii ugu horeeyay ee uu galay asxaabigii loogu magacdaray seeftii ilaahay ee Khaalid Binu –Waliid?
  7.  Sheeg ninkii gaalka ahaa ee wakhtigii Nabiga N.N.K.H ilaahhay quraanka ku sheegay inuu diradiraa waliba Garac ah yahay?
  8.  Sheeg tirada qoomiyadaha ee wada-dagan deegaanka Dhabuub ama deegaanka koonfureed (SNNPR)?
  9.  Sheeg ciyaaryahankkii ugu goolasha badnaa tartankii ugu danbeeay ee kubada cagta ee looqabtay sagaalka gobal iyo Afarta Maamul Magaalo?
  10.  Sheeg magaca buurta ugu dheer itoobiya, deegaanka ay ku taalo iyo waliba inta ay kasarayso sinaanta bada  (Above the Sea Level)

F.G. fadlan akhristayaashu maskaxada ha kuhayaan in ay jawaabahooda kusoodiraan  message ahaan barta aan facebook kuleenahay ee www.facebook.com/cakaaranewsface ama E-mailkan cakaarainfo@gmail.com . Hadaba fadlan yaysan jawaabuhu idin kanoqonin  mid lawada arkayo kadib marka barnaamijka iskuday aad ku aragtaan pageka facebooga ee Halagu soodiro ciwaanada korkaku xusan. Aad ayaan ugu- mahadcelinaynaa macaamiisha tirada badan ee kuxidhan Barnaamijkan ISKUDY.

 

 

 

 

Qaarkamida Shaqaalaha Xafiisyada Heer-Deegaaan Oo loo Soo Xidhay Tababar

$
0
0

Jigjiga( Cakaaranews ) Arbaco 9,ka March 2016, Tabaabar u socday mudo 2 maalmood shaqaale kabadan 260, xubnood oo ka kalayimid Hay’adaha Dawliga ah ee heer Deegaan islamarkaana ujeedadiisu ahayd kobcinta aqoonta shaqaalaha ee dhanka Barnaamijyada Dib-uhabaynta Shaqo (Public Service Reform Progrms) ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI.

Hadaba xidhitaankii Tababarkan ayaa waxaa hadalo muhiima kasoojeediyay Wasiirka Adeega Shacabka iyo Kobcinta Maamulka DDSI marwo Maajida Maxamed Maxamud oo si faahfaasan uga hadashay faa'iidooyinkii tababarka iyo casharadii ay kubaranayeen ee ay kamid ka ahaayeen barnaamijyada dib uhabaynta shaqo iyo maamulka suuban. Sidookale waxa ay wasiiradu kula dardaarantahay shaqalihii tababarka qaatay inay xafiisyadii ay kayimaadeen ka saxaan kuwa dhaliisha kaleh dhanka barnaamijyada sida barnaamijka Axdiga-Muwaadimiinta oo ah mid larabo in xafiiskasta ay kamuuqato ku shaqayntiisa, waxaakale oo ay tilmaantay in xafiisyada uu kawada hirgalay barnaamijku ay siiwadaan dadaalkooda.

Sikataba ha’ahaatee waxaa iyana dhankooda kawaramay shaqaalihii tababarka qaatay oo sheegay in ay casharo muhiima barteen  oo kusaabsan  hirgalinta barnaamijyada dib uhabaynta shaqo islamrkaana u mahad celiyay macalimiintii bixinaysay casharada, sidookale waxay sheegeen in ay waxyaabaha ka dhiman xafiisyadooda ee dhanka barnaamijyada Dib-uhabaynta shaqo sida axdiga muwaadimiinta ay ka hirgalinayan hay’adihii ay ka kala yimaaden.


RW kuxigeenka Dalka, MW CMC iyo Canfarta

$
0
0

Samara ( Cakaaranews ) Khamiis, 10ka march 2016, wafti balaadhan oo uu horkacayo raisal wasaare kuxigeenka JDFI mudane Dhamaqe Mokenin oo ay weheliyaan wasiirka arimaha Federalka iyo Horumarinta xoola dhaqatada mudane Kassa Tekleberhan, madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo hogaaminta dawlada deegaanka binishangul, gambella iyo marti sharaf kale ayaa saaka kasoo ambabaxay xarunta dalka ee adhisababa iyagoo kadagay gagida diyaaradaha ee xarunta deegaanka canfarta ee samara.

Kadib waxaa toos loogu dhaqaaqay kormeer indha-indhayn ah oo lagu soo maray biyo-xidheenka wayn ee kuyaala magaalada Loogiya, goobaha dib udajinta lagu sameeyay, warshada ugu wayn waxsoosaarka sonkorta ee Tandhaaho oo ah heer caalami, dhulka masnada beeraha ee wabiga awash kugarab yaala oo ay kabaxeen waxsoosaarka quwaax qasabka warshada loo beeray, cawska calafka xoolaha iyadoo kadibna lagu soo laabtay xarunta deegaanka canfarta ee samara.

Nasasho qado yar ah kadibna, waxaa lagalay shirkii qiimaynta waxqabadka 6dii bilood ee lasoo dhaafay ee kililada taageerada gaarka ah lasiiyo oo kala ah: deegaankeena, canfarta, gambella iyo binishangul.

  

Deegaanka Canfarta Iyo Qiimayntii Kililada

$
0
0

Samara ( Cakaaranews ) jamce, 11ka march 2016. Waxaa saaka si rasmi ah uga furmay xarunta deegaanka canfarta ee samara gaar ahaan hoolka shirarka Agdha and Resort Huteel shirkii qiimaynta waxqabadka kililada taageerada gaarka ah lasiiyo 6dii bilood ee lasoo dhaafay.

Hadaba shirkan oo uu hogaaminayay raisal wasaare kuxigeenka JDFI mudane Dhamaqe Mokenin, wasiirka wasaarada arimaha federalka iyo horumarinta xoolo-dhaqatada mudane Kassa Tekleberhan oo saaka si rasmi ah u furmay ayaa galinkii hore ee maanta dhagaystay warbixinada 3 dawlad deegaan oo kala ah: deegaanka canfarta, deegaanka soomaalida iyo deegaanka Gambella iyadoo galinka danbe ee maanta ladhagaysan doono warbixinta deegaanka Binishangul. waxaana ilaa iyo haatan dhanka waxqabadka ugu horeeya deegaanka soomaalida itoobiya.

Ugudanbayna, shirkan qiimaynta waxqabadkii 6da bilood ee kililada taageerada gaarka ah ay dawlada dhexe siiso ayaa lafilayaa inay kasoo bixi doonaan guulo wax ku ool ah oo taabagala.

Kulan lagu Qiimaynayay Tayaynta Adeega Caafimaadka Oo La Soo Gabagabeeyay.

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) jimce 11ka, March,  2016 Kulan lagu  qiimayay  waxqabadka  lixdii bilood ee  dhinaca adeega caafimaadka oo uu soo diyaariyay xafiiska caafimaadka loona hayay   hay'adaha bah-wadaagta ay  yihiin xafiiska caafimaadka DDSI  ayaa lagu soo gabagabeeyay caasimada deegaanka ee Jigjiga.

Kulankan oo muddo laba maalmood ah socday  ayaa waxa ay ujeedadiisu  ahayd in la qiimeeyo wax qabadka hay'adaha bah-wadaagta la ah xafiiska caafimaadka DDSI ee 6dii bilood ee la soodhaafay, gaar ahaan wax ka qabadka xaaladaha caafimaadka deg-dega ah (Health and nutrition emergency response projects) iyo in la isla meel dhigo fahan midaysana laga qaado hirgalinta jihooyinka  qorshaha caafimaadka 5ta sano  (Health Sector Transformation Plan).

Kulankaa oo ay hogaaminayeen masuuliyiinka socday xafiiska caafimaadka ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta hayada ay ka mid yihiin  SCI, IRC, MC, MSF-HOLAND,  MSF-Spain, SOS, ICAP,  Kuwa UN ta ah sida; WHO, UNICEF, iyo waliba  OWDA, PC, ACPA.

Isku dugaha guud ee mashruuca hoos u dhiga dhimashada hooyada iyo dhalaanka ee xafiiska caafimaadka DDSI mudane Shaafici Daahir Muuse oo ka hadlay soo xidhitaankii kulankaasi ayaa sheegay in kulankani intii uu socday ay hay’adahani soo bandhigeen warbixinta waxqabadka  dhinaca adeeg bixinta caafimaadka ee ay hay’adahani fuliyaan gaar ahaan waxqabadkii 6 bilood ee aan soo dhaafnay. Sidoo kale waxa uu sheegay masuulku in jihooyin midaysan laga qaatay fulinta  qorshaha caafimaadka ee shanta sano.

 

 

RW Kuxigeenka Dalka Oo Kahadlay Horumarka Deegaanka Soomaalida

$
0
0

Samara ( Cakaaranews ) jamce, 11ka march 2016. Waxaa caawa xarunta dawlada deegaanka canfarta ee samara lagu soo gabagabeeyay shirkii qiimaynta waxqabadka 6da bilood ee boordhiga dawlad deegaanada taageerada horumarka gaarka ah lasiiyo oo uu gudoomiye kayahay rasial wasaare kuxigeenka JDFI mudane Dhamaqe Mokenin.

Hadaba gabagabadii qiimaynta warbixinada deegaanada kadib ayuu raisal wasaare kuxigeenku usoo dhigay guriga su’aal ah ‘‘maxaa sabab u ah baad u malaynaysaan horumarka laxaadka leh ee uu gaadhay deegaanka soomaalidu?

RW kuxigeenka ayaa islamarkiiba kujawaabay, siday ila tahay‘‘ waa hogaaminta oo kago’naansho leh iyo shacabka deegaanka oo iskaashanaya, iyo waliba hogaaminta oo diyaar u ah inay kafaaiidaystaan taageerada gaarka ah ee xukuumada dhexe iyadoo warbixinta deegaanku soo jeediyay ay tahay mid aan indhahanaga kusoo aragnay iyo mid aan muuqaal toos ah kudaawanay labadaba’’

Mudane Dhamaqe Mokenin raisal wasaare kuxigeenka JDFI ayaa intaa raaciyey in DDSI laga baran karo geesinimada ay kuwajaheen horumarka, nabadgelyada, maamulka suuban iyo xidhiidhka dadwaynaha. Wuxuuna sheegay in hogaaminta deegaanku ay kusifoobeen dabeecada risk takernimada ah ee kamidho dhalinta hogaaminta u ah lafdhabarta. RW kuxigeenka ayaa carabka kudhuftay in deegaanka soomaalida laga baran karo:

*      isbadalka uu kakeenay dhanka biyaha oo ay mudnaanta 1aad, 2aad iyo 3aadba siiyeen gaar ahaan ceelasha dhaadheer iyo biyo-xidheenada ay qorshaysteen sanadkan ee fulintoodii lagu jiro oo ah buu yidhi raisal wasaare kuxigeenku, ‘‘mid aan indhahanaga kusoo aragnay.’’

Waxaa kale oo uu raisal wasaare kuxigeenku kunuux-nuuxsaday in deegaanka soomaalida laga baran karo:

*      Inay si han-wayn wax u qorshaystaan wakhti gaaban oo ay kudhiiradaan fulinta qorshahooda mudo kooban gudaheed islamarkaana ay natiijo buuxda oo lataaban karo kakeenaan

Mudane Dhamaqe Mokenin ayaa amaanay nidaamka ay xukuumada deegaanku uwajahday biyaha iyo qaababkay uhirgalisay fulintooda oo ay kadanbaysay aas aasida shirkadaha kaladuwan ee ay kamidka yihiin: shirkada dhismaha hawlaha biyaha, shirkada qodida ceelasha, shirkada jidadka iyo shirkada booliska oo dhamaantood fuliyey mashaariico waa wayn khaasatan shirkada dhismaha, iibka iyo adeegyada gaarka ah ee booliska oo lagu xasuusto fulintii mashruuca buundada waangay iyo waliba quarantineka xoolaha oo ay kala wareegtay shirkad mudo waday kadibna mudo 6 bilood ah kusoo gabagabaysay .

Waxaan iyana waxqabadkan kamaqnayn oo amaan mudan ayuu yidhi kuxigeenka raisal wasaaruhu, ‘‘ ciidanka booliska gaarka ah oo kadib markay nabadgelyadii meel saareen uguntaday dhanka horumarka iyagoo suuragaliyay towerada telefanada deegaanka iyagoo lakaashanaya shirkada isgaadhsiinta dalka oo waliba meel-mariyey dhanka isugudubka dhismaha jidadka.

Sidoo kale, wuxuu RW kuxigeenka uriyaaqay isbadalka uu deegaanku kakeenay dhanka waxbarashada oo 4ta milyan iyo 40ka kun ee buug ee ladaabacay ay daboolayso saamiyadii nidaamka baris-barasho sida: saamiga ardayga iyo buuga, saamiga macalinka iyo ardayga IWM. Waxaa intaa dheer, oo uu aad u amaanay mudane dhamaqe guulaha deegaanka soomaalidu kasoo hoyiyey dhanka caafimaadka gaar ahaan kooxda wareegta ee qaliinka indhaha. Arintan oo runtii noqotay mid ay guriga iyo raisal wasaare kuxigeenkuba si wayn u ladhaceen, iyo waliba iskudaygii waynaa ee ay xukuumadu deegaanku kasamaysay kajawaabida abaarta ay saamaynta cimiladu keentay. Wuxuuna hadalkiisii kusoo xidhay isagoo amaanay shacabka deegaanka oo leh dabeecad horumarineed iyo xukuumada deegaanka oo iskaashaday inay guulahani kuyimaadeen sidaa darteed in deegaanka soomaalidu yahay deegaan kudayasho mudan oo ay deegaanada kale waxkabartaan.

Dhanka kalana, wasiirka wasaarada arimaha federalka iyo horumarinta reer miyiga mudane Kassa Tekleberhan ayaa usheegay deegaanada kale inay si ficil ah utagaan deegaanka soomaalida si ay wax uga soo bartaan dhinacyada kaladuwan ee waxqabadka horumarka iyo waliba systemka dhamaystiran ee ay ilaa heer tuulo xukuumadu soomaalidu abuurtay oo ah runtii kuwo kudayasho mudan.

Waxaa intaa dheer, Ergooyinka kililada oo tixraacaya su’aasha iyo jawaabta uu israaciyey raisal wasaare kuxigeenka ayaa codsaday in laqoro taariikhda isbadalka horumarineed ee uu deegaanka soomaalidu mudo gaaban kusoo hoyiyey guulaha laxaadka leh iyagoo dhamaantood kamarag kacay.

Ugudanbayna, madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa sheegay in imaanshaha deegaanka canfarta uu waxtar iyo khibrad kalaqaadasho badan leeyahay gaar ahaan warshada sonkorta. Wuxuuna u mahadceliyay madaxwaynaha deegaanka canfarta mudane siyum awal oo mudadii gaabnayd ee uu xilka qabtay dadaal badan muujiyey. Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar ayaa intaa raaiyey in isbadalka horumarineed ee deegaanku uu ugu horayn ilaahay keenay, marka xigana  uu kuyimid xukuumada deegaanka, shacabka iyo dawlada federaalka ah oo iskaashaday. Wuxuuna kubooriyey boardga in taageerada gaarka ah ee horumarka ee ay xukuumada dhexe siiso deegaanadan lasii xoojiyo.

Qurba-Joogtii Oo Kalahadhay

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Sabti 12ka March 2016, Degmooyinkii cusbaa ee  ay kamidka yihiin Qadhaadhumo, Boqolmaayo, Galxamur, Dharwanaajiye, God-God, Qooxle, Lehel-yucub, Kudunbuur, Gablalu, iyo Eleele ayaa ah kuwo  ilaa hada bilaa tol ah oo  habayaraate wax tol ah oo dibada ujooga uusan jirin waana kuwo daawaha kusocda oo loo qarafayn doono.

MW CMC Iyo Wakhti Xaadirkann

$
0
0

Jigjiga( Cakaaranews ) Sabti 12ka 2016, Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxmuud cumar ayaa saaka kasoo duulay magaalada Samaara ee xarunta deegaanka Canfarta Kadib qiimayntii waxqabadka 6da bilood ee kilalada Boordhiga taageerada horumarka gaarka ah lasiiyo ee uu gudoomiyaha kayahay Raysal Wasaare kuxigeenka Mudane Dhamaqe Mokenan taas  oo uu deegaanku guulo wax ku’ool ah oo lataaban karo kasoo hooyiyay isagoo ujahaystay dhanka xarunta dalka ee Adhisababa kadibna uga sii gudbay xarunta deegaanka.

Hadaba Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxmud Cumar ayaa wakhti xaadirkan ku sugan xarunta deegaanka ee magaalaa Jigjiga.

Xaflada Sagoontinta Safiirka Shan-Wadan Oo African ah

$
0
0

Jigjiga( cakaaranews ) Sabti 12ka March 2016, Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay islamrakaana ujeedadeedu ahayd sagoontinta mudane Mustafe Deeq Cabdisalaan oo ah safiirka dalka JDFI  u fadhiyi doona wadamada kala ah Zimbabwi, Zambia, Mozambique, Angola, iyo mauritius.

Xafladan ayaa waxaa kasoo qaybgalay  Madaxwayne kuxigeenka ahna wasiirka Xafiiska Beeraha iyo Horumarinta Khayraadka Dabiiciga ah Marwo Sucaad Axmed Faarax, Kabinetka-deegaanka maareeyayaasha wakaaladaha  iyo waliba Agaasinada Xafiisyada iyo Wakaaldaha DDSI, sidookale waxaa xaflada iyaguna si adag uga qaybqaatay kooxaha fanka iyo suugaanta DDSI oo soo bandhigay heeso guubaabo ah islamarkaana katurjumaya Horumarka uu deegaanku gaadhay dhankasta.

Hadaba xafladan ayaa waxaa ugu horayn kahadlay Madaxwayne kuxigeenka ahna wasiirka Xafiiska Beeraha iyo Horumarinta Khayraadka Dabiiciga ah Marwo Sucaad Axmed Faarax oo sheegtay in ay aad ugu faraxsantahay xafladan qaaliga ah ee loo sameeyay safiirka da’da yar ee waxbaratay islamarkaana deegaanka udhashay mudane Mustafe Deeq Cabdisalaan, . Sidookale waxa ay xustay in ay horumarka deegaanku uu gaadhay heer-sare islamarkaana lagu garanayo aqoonyahamiinta dadyar ee deegaanka u soobaxaya maalinba maalinta kadanbaysa. Ugudanbayana waxa uu madaxwayne kuxigeenku hadalkeedii ku gabagabaysay sifarxadleh aan u wada sgootino safiirkeena iyadoo sidookalena u ducaysay safiirka in uu noqdo mid xilkiisa iyo waajibaadkiisa kasoobaxa.

Sidookale waxaa isna hadalo muhiima kasoojeediyay xaflada Safiirka Shanta wadan ee Simbaawi, Saambiya, musaambik, Angola iyo Murtania mudane Mustafe Deeq Cabdisalaan oo sheegay in uu aad ugu faraxsanayahay xafladan qaaliga ah ee lagu sagoontinayo, waxa uuna xusay safiirku in ay kagontahay in uu kasoobaxo xilka iyo waajibaadkiisa loo idmaday islamarkaana uu noqon doono mid bulshada DDSI ay ku faraxdo. Sidookale waxa uu safiirku aad ugu mahadceliyay Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, isagoo tilmaamay in uu yahay aabaha horumarka islamarkaana fursadan qaaliga ah  ee safiirka shanwadan uu isagu sababay inay timaado.

Ugudnabayna madaxwayne kuxigeenka ahna wasiirka Beeraha iyo Horumarinta Khayraadka Dabiiciga ah Marwo Sucaad Axmed Faarax iyo waliba wasiir kuxigeenka Xafiiska Maamulka DDSI mudane Deeq Cabdulaahi Buraale ayaa siwada jir ah u gudoonsiiyay hadyad loogu talagalay safiirka shanta wadan mudane Mustaf Deeq Cabdisalaan.


Adhisababa & Munaasabadii Xuska Sanadguurada 18aad Ee Aas-aaskii XDSHSI

$
0
0

Adhisbaba( Cakaaranews ) Axad 13 March 2016, Munasabad kusaabsan sanadguuradii Kasoowareegtay aas aaskii XDSHSI islamarkaana si meeqaamsare leh loo soo agaasimay ayaa ka dhacday Xarunta dalka ee magaalada Adhisababa taasoo ay kasooqaybgaleen masuuliyiin sare oo ay kamid yihiin madaxwayne kuxigeenka ahana madaxa Xarunta Dhexe ee XDSHSI mudane Cabdicasiis Maxamed Cabdi, Golaha XDSHSI ee kadhisan magaalada adhis ababa, Taageerayaasha XDSHSI iyo waliba marti sharaf kale .

Hadaba, Munsabadan ayaa waxaa Ugu horayn kahadlay Madaxwayne kuxigeenka ahna madaxa Xarunta Dhexe ee XDSHSI mudane Cabdi Casiis Maxamed Cabdi oo halkaas kasoojeediyay qudbad dhinacyo badan taabanaysa isagoo sheegay in uu aad ugu faraxsanayahay munaasabada xuska sanadguurada 18,aad ee XDSHSI 28 magabiit, waxa uuna si qodo dheer uga qisooday sooyaalkii taariikeed ee XDSHSI iyo sidookale dhibaatooyinkii soomaray deegaanka, waxa uuna Mw kuxigeenku tilmaamay in waxqabadka iyo guulaha uu soo hooyiyay XDSHSI aan lasoo koobikarin, islamarkaana qofkasta oo jooga wadanka iyo qof kamaqanba uu makhraati kayahay in deegaanku uu yahay mid nabadgalyo ah kadib markii laga cidhib tiray nabaddiidkii ka dhaqdhaqaaqi jiray sida UBBO iyo Al-itaxaad. Ugudanabayna waxa uu tilmaamay in Hormarka deegaanku uu ku socda si xawli ah iyada oo uu xisbigu guulo wax-ku-ool ah  ka keenay adeegyada aas aasiga ah iyo waliba adeegyada kaabayaasha dhaqaale ee lagu hormarinayo dadka iyodeegaankaba.

Sidookale waxaa kahadalay munaasabadan Madaxa Arimaha XDSHSI aa magaalada adhisababa mudane deeq sheikh Cabdi iyo waliba madaxa Arimaha Syaasada ee Magalada Adhisababa marwo muxubo Cali Dhaweed oo iyaguna si faahfaasan ugahadalay xuska sanadguurada XDSHSI iyagoo sheegay in xuska 28 magaabit ay u tahay maalin qaali ah bulshada DDSI  u dhalatay  iyagoo sheegay in aysan marna iloobi doonin waxqabadka XDSHSI ee dhankasta guulaha ka keenay islamrkaana dhankooda ay muujinayaan dadaal balaadhan iyagoo xusay inay kamidho dhalinayaan qorshayasha horumarineed iyo kan nabadgalyo ee deegaanka iyo dalkaba uyaala ee GTP2 qorshaha iyo kobac isbadalka dhaqaalaha wajigiisa labaad.

Sikastaba ha ahaatee waxaa iyana xusid mudan in maalinkii shalay ay Munaasabadan mida lamida ah ay kadhacaday magaalada Diredhaba taasoo si heer sare ah loogu xusay iyada oo ay kasooqaybgaleen masuuliyiin sare oo uu kamid yahay madaxwayne kuxigeenka ahana wasiirka hormarinta magaalooyinka iyo warshadaha DDSI Mudane Cabdixakiin Cigaal iyo waliba wasiiro heerdeegan ah.

Tababar kusaabsan Daryeelka Caruurta

$
0
0

Jigjiga( Cakaaranews ) Isniin 14ka March 2016, Tababar ay fulintiisa iska kaashadeen Xafiiska Arimaha Haweenka iyo Caruurta DDSI iyo Wasaarada Arimaha Haweenka iyo Caruurta JDFI islamarkaana ujeedadiisu ahayd sidii loo adkaynlahaa daryeelka caruurta iyo waliba sidii loo ilaalinlahaa Xaquuqda caruurta ee ku aadan dhanka waxbarashada iyo adeegyada kale ee aasaasiga ah  ayaa kadhacay hoolka shirarka ee Xafiiska Arimaha Haweenka DDSI.

Tabababarkan ayaa waxaa kasoo qaybgalay Hooyooyinka, iyo sidookale qaarkamida Ururada Haweenka ee kadhisan DDSI waxaana furitaankiisii kahadalay Wasiir kuxigeenka Xafiiska Arimaha Haweenka iyo Caruurta DDSI mudane Cabdifataax Axmed Gamaadiid oo sheegay in tababarkani yahay mid muhiima islamarkaana ujeedadiisu tahay xanaanada iyo daryeelka caruurta oo ah sidii dhamaan caruurta deegaanku mid waalid leh iyo mid aan lahaynba ay uheli lahaayeen waxbarasho iskumida, nabadgalyo iyo waliba in ay xaquuqdoodu iskumid ahaato.

Ugudanabyna waxa uu wasiir kuxigeenku hadalkiisii ku gabagabeeyay in kulankani uu san tababar kaliya ahayn balse uu yahay wadatashi iyo khibrad wadaag ay soobandhigi doonaan khabiirada tababarka bixinaya ee kayimid Xarunta Dalka ee JDFI oo ah kuwo soo arkay dhamaan dalka deegaanadiisa ee ugu fiican dhanka daryeelka caruurta.

Dhankooda waxaa iyana ka warbixiyay tababartayaashii oo sheegay in casharada ay qaadanayaan ay faaiido badan kaheleen islamarkaana ay barteen qodobada tastuurka ee kahadlaya xuquuqda iyo daryeelka caruurta.

Gudi Loo Magacaabay Soo Dhisida Qabaleeyada ay Degmooyinka Cusub Kakoobnaan doonaan

$
0
0

Jigjiga ( Cakaaranews ) Arbaco, 2da March 2016. Waxay saaka xarunta dhexe ee XDSHSI ay dhistay gudi loo magacaabay soo dhisida qabaleeyada ay degmooyinka cusub kakoobnaan doonaan.

Sidan ayaana loo dhisay:

1.  Mw kuxigeenka Maxkamada guud ee dhinaca maamulka mudane Axmed Maxamed Shugri-gudoomiyaha gudiga

2.Mw kuxigeenka ahna madaxa xarunta dhexe ee XDSHSI mudane Cabdicasiis Maxamed-xubin

3.   Mw kuxigeenka ahna wasiirka Hawlaha guud mudane Cabdixakiin Cigaal-xubin

4.   Mw kuxigeenka ahna wasiirka xafiiska Beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah marwo Sucaad Axmed Faarax-xubin

5.Mw kuxigeenka ahna wasiirka xafiiska waxbarashada mudane Mowliid Haayir- xubin

6.Wasiirka kobcinta awooda maamulka iyo Adeega Shacabka marwo Maajida Maxamed - xoghayn

MW CMC Oo U Ambabaxay Addis

$
0
0

Adhisababa ( Cakaaranews ) Arbaco, 2da March 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo uu weheliyo Mw kuxigeenka ahna madaxa xarunta ee XDSHSI mudane Cabdicasiis Maxamed Cabdi ayaa saaka kaduulay xarunta deegaanka ee jigjiga oo u ambabaxay dhanka xarunta dalka ee adhisababa iyagoo hogaaminta sare ee deegaankuna barri soo bixi doonaan.

Madaxwaynaha iyo hogaaminta sare ee deegaanka iyo kuwa dawlad deegaanada kale ee dalka iyo madaxda sare ee xukuumada federaalka ah ayaa kaqayb-gali doona shir uu raisal wasaaraha dalka mudane Hailemariam Desalegn hogaamin doono 26ka bishan yekatit oo kubeegan maalinta sabtida ah ee inagu soo aadan. Shirkaas oo lagaga wada hadli doono qorshayaasha cagaaran ee heer qaran.

Xaflad Lagu Taageerayo Degmooyinka, M.M,ka iyo Gobolada Cusub.

$
0
0

Awaare( cakaaranews ) Arbaco 2da March 2016, Xaflad balaadhan oo loogu dabaaldagayo go’aankii geesinimada lahaa ee ay qaateen hogaaminta XDSHSI, iyo Golaha Baarlamaanka DDSI  Islamarkaana ay ku ansixiyeen 25,ka Degmo, 2da  mm iyo 2da Gobal ayaa ka dhacday magaalada Awaare ee Xarunta Degmada Awaare ee Gobolka Jarar.

Xafladan dabaaldaga ah ayaa Waxaa ka soo qaybgalay maamulka Degmada, Odayaasha Haweenka, dhalinyarada iyo Ardayda Dugsiyada waxaana ugu horayntii ka hadlay  Gudoomiyaha Degmada Awaare Mudane Cabdiwahaab Maxamed Shugri oo sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin ansixinta 25, Dagmo, 2 Gobal iyo 2,MM isagoo gudoomiyuhu  ku tilmaamay in arintani tahay hormar balaadhan.oo deegaanka u soohooyday. Waxa kale oo uu sheegay in ay taageersanyihiin, bulshada Ree-Awaarena ay aad usoo dhawaynayso go’aan ka geesinimada leh ee ay qaateen Hogaaminta XDSHSI iyo waliba Golaha Wakiilada Shacabka DDSI. Ugudanabayna waxa uu u hambalyeey dhamaanba bulsha waynta DDSI.

Sidookale, waxaa dhinacooda kahadlay qaarkamida Odayaasha iyo dhalinyarada Degmada Awaare iyagoo sheegay inay aad ugu faraxsanayhiin horumarkan balaadhan ee u soo hooyday deegaanka iyagoo u mahadceliayay dhamaanba hogaamintii kadanbaysay in lahelo 25 dagmo oo cusub,2 maamul magaalo, 2 Gobal oo cusub.

 

Viewing all 304849 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>