Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all 304849 articles
Browse latest View live

Tababar Kusaabsan Xanaanada Hooyada Iyo Caruurta Oo Lasoo Gabagabeeyay

$
0
0

Jigjiga (cakaaranews)Isniin 19ka June, 2017. Tababar uu soo agaasimay ururka horumarinta soomaalida itoobiya islamarkaana lagu baranayay daryeelka hooyada iyo caruurta,  kana sooqaybgaleen 34 xubnood oo ah  xirfadlayaasha kahawlagala 13 xarumaha caafimaadka ah oo kukalayaala deegaanka ayaa lagu soo gabgabeeyay xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga.

Hadaba, tababarkan ayaa waxaa xidhitaankiisii kahadlay maareeyaha ururka horumarinta soomaalida itoobiya mudane  Cabdifaax Siciid oo sheegay in uu aad ugu mahadcelinayo kooxihii kuhawlanaa shaqada tababarkan. Wuxuuna intaa kudaray intababarkani uu socday mudo 12 maalmood ah islamarkaana  kaqaybgalayashu ay kuqaateen casharo laxidhiida badbaadada iyo daryeelka hooyada iyo dhalaanka. Maareeyaha ayaana kula dardaarmay kaqaybgalayaasha in ay sifiican oo wadaniayad leh u gaadhsiiyaan casharadii ay barteen bulshadii ay kayimaadeen iyo xarumihii caafimaadka.

Ugudanbayna kaqaybgalayaashii tababarkan oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin tababarkan islamarkaana ay kaheleen casharo faaiido uleh.

 


238 Arday Oo Ka qalinjabisay Kuliyada Godey Poly-technic

$
0
0

Godey(cakaaranews)Talaado 20ka June 2017. Arday tiradoodu dhantahay 238 arday ayaa kaqalinjabiyay kuliyada Godey Polytechnic kuwaasoo baratay culuumta kala ah barashada caafimaadka xoolaha, waxsoosaarka xoolaha, khayraadka dabiiciga ah, waxsoosaarka beeraha, ICT iyo nidaamka iskaashatooyinka beeraha.

Hadaba, qalinjabintan ayaa waxaa ugu horayn kahadlay gudoomiyha gobolka shabeele mudane Farxaan Cabdi Maajuun oo ugu horayn qalinjabiyayasha uhanbalyeeyay islamarkaana sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay inuu manta kalsooqaybgalo xafladooda qalinjabinta. Wuxuuna kuladaradaamay in cilmigii ay barteen ay uga faaiideeyeen bulshadooda islamarkaana ay noqdaan kuwa diyaar u ah meelwalba oo lagu qoro.

Dhankiisa,kusimaha maareeyaha kuliyada xirfadaha iyo farsamooyinka gacanta ee godey Polytechnic ahna maareeye kuxigeenka kuliyada  mudane  C/qaadir Maxamed Cali ayaa halkaas kasoojeediyay khudbaad dheer oo kahadlaysa taariikhdii kuliyada. Wuxuuna sheegay kusimuhu in ardayda maanta qalinjabinaysa ay tiradoodu dhantahay 238 arday oo isugujira gabdho iyo wiilal. Wuxuuna tilmaamay maareeyuhu in ardaydani ay isugujiraan heerarka 3aad, 4aad iyo 5aad kuwaasoo bartay culuumaha kala ah, barashada caafimaadka xoolaha, waxsoosaarka xoolaha, khayraadka dabiiciga ah, waxsoosaarka beeraha, ICT iyo iskaashatooyinka beeraha.

Masuulka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in kuliyadu ay soo martay marxalado iyo heerar kaladuwan islamarkaana ay kaqalinjabisay arday tiradoodu kor udhaafayso 3762 arday oo baratay culuumaha kala duwan.

 Ugudanbayna qalinjabiyaashii oo dareenkooda cabiraya ayaa sheegay in maanata ay tahay maalin ay aad ufarxasanyihiin islamarkaana ay heleen cnatiijada cilmigii aybaranayeen mmuda 2 sano iyo 3 sano.

Qurba-joog U Dhalatay Deegaanka Oo Kormeer Indho Indhayn ah Ku Tagay Gobolka Qoraxey iyo Doolo

$
0
0

Shilaabo(cakaaranews) Talaado 20ka June, 2017. Wafti balaadhan oo qurbajoog ah oo u dhalatay deegaanka gaar ahaan gobolka qoraxey iyo doolo islamarkaana uu horkacayo maareeyaha wakaalada xidhiidhka qurbajoogta DDSI mudane   Badri Yuusuf Omas ayaa kormeer indho indhayneed kutagay degmooyin kamid ah 2da gobol ee qoraxey iyo doolo si ay u soo indho indheeyeen mashaariicaha horumarineed ee xukuumada deegaanku ka hirgalisay islamarkaana ay doorkooda kaqaataan iyagoo qurbajoogtu dhagax dhigay dugsi hoose, dugsi-sare iyo waliba xarun caafimaad.

Hadaba, maareeyaha wakalada xidhiidhka qurbajoogta DDSI mudane badri yuusuf Omas oo arbaahinta deegaanka u waramay ayaa sheegay in waftigan ay ujeedadoodu tahay si u soo indho indheeyaan adeegyada horumarineed ee laga hirgaliyay degmooyinka iyo tuulooyinka ay kasoojeedaan. Wuxuuna intaa  kudaray in qurbajootani ay aad ugu riyaaqeen adeegyada horumarineed iyo kaabayaasha dhaqalaha ee sida waxbarashada caafimaadka, biyaha nadiifta ah.

Dhankooda, waftigan qurbajoogta ah ayaa sheegay in ay mareen degmooyin iyo qabaleeyo kaladuwan oo kamid ah gobolka doolo iyo qoraxey ilamarkaana ay lakulmeen horumar balaadhan oo kahirgaliyay meelahaas ay taeen haday tahay waxbarasho caafimaad iyo biyo. Waxayna tilmaameen in dawladu kaalinteedii ay 100% kasoobaxday iyaguna ay kaqaadanayaan kaalinta kaga aadan. Waxaya dhagax dhigeen mashruuc dhismo oo ah dugsi hoose, dugsi sare iyo waliba xarun caafimaad.

Sikasatba ha ahaatee, waftigan qurbajoogta ah ayaa socdaalkooda wali ku sii socda qabaleeyada iyo tuulooyinka degmooyinka gobolka qoraxey iyo doolo iaygoo bulshada shirar kalalduwan layeelanaya.

Carwo Bandhigeed Heer Qaran Ah Oo Xadhiga Laga Jaray.

$
0
0

Jigjiga (cakaaranews)Arbaco 21ka June, 2017. Waxaa laga furay caasimada DDSI ee jigjiga carwo bandhigeed heer qaran ah oo ay soo diyaariyeen  ururka fadheraashinka dhaliyarada DDSI taasi oo ah carwo looga gol leeyahay in ay dhalinyarada fadareeshinka heer qaran isku dhaxgalaan islamarkaana dhalinyarada heer qaran ku soo bandhigaan wax soo saarkooda iyo ganacsigooda.

Haddaba, xafladii xadhiga lagaga jarayay carwadan waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin heer deegaan ah oo uu ka mid yahay wasiir ku xigeenka ganacsiga iyo gaadiidka DDSI mudane ahmed shugri, wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha DDSI mudane cabdi bile , wasiir kuxigeenka xafiiskadhalinyarada iyo ciyaaraha DDSI DDSI mudane cabdishakuur cisaan , gudoomiyaha ururka fadareeshinka dhalinyarada  DDSI mudane maxbuub ismaaciil ahmed, maareeye kuxigeenka wakaalada dakhliga DDSI mudane xasan cali iyo masuuliyiin kale.

Waxaana ugu horayntii ka hadlay xafladan wasiir ku xigeenka xafiiska ganacsiga iyo gaadiidka DDSI mudan axmed shugri oo ka warbixiyay ahmiyada ay leedahay carwadani islamakaana ka warbixiyay jihooyinka iyo istaraatajiyadaha u dajisan dalka iyo deegaanka ee ku saysan ka midho dhalinta hiigsiga hirgalinta qorshayaasha horumarineed. Wauuna intaa kudaray  wasiir kuxigeenku in carwadan maanta xadhiga laga jaray ay  qayb ka tahay dadaalada lagu tir tirayo saboolnimada iyo shaqo la’aanta islamar ahaantaana tahay carwo dhiiragalinaysa Ganacsiga dhalinyarada dalka korna u qaadaysa shaqo abuurka dhalinyarada .

Sidookale, waxaa iyana xadhig kajarkana carwo bandhigeeda  ka hadlay wasiirka xafiiskadhalinyarada iyo ciyaaraha DDSI mudane cabdi bile iyo gudoomiyaha ururka fadareeshinka dhalinyarada DDSI  mudane maxbuub ismaaciil xuseen kuwaasi oo ka warbixiyay ahmiyada ay dhalinyarada u leedahay carwadani islamarkaana ay qayb ka tahay qorshayaasha lagu hirgalinayo shaqo abuuritaanka dhalinyarada iyo la dagaalanka shaqo la’aanta waxayna ku soo beegan carwadan balaadhan wakhti si balaadhan loogu diyaar garoobayo munaasabada wayn ee ciidul-fidrida oo ay maalmayari inooga hadhsan tahay.

Ugudanbayntii, carwadan oo halku dhag loogu dhigay waxaan xoojinaynaa kor u qaatidaanka horumarka nabadgalyada, maamulka suuban iyo dimuqoraadiyada ayaa waxaa xadhiga si wada jir ah  uga jaray wasiirka xafiiska ciyaaraha iyo dhalinyarada DDSI mudane Cabdi Bile, wasiir ku xigeenka xafiiskaganacsiga iyo gaadiidka DDSI mudane axmed shugri, maareeye kuxigeenka wakaalada dakhliga DDSI  mudane xasan cali iyo gudoomiyaha ururka faderaashinka dhalinyarada DDSI mudane maxbuub ismaaciil .

 

Daraasaad Kusaabsan Dhanka Dalagyada Kaladuwan Ee ku Haboon Cimilada Deegaanka Oo Lagawado Beercaano

$
0
0

Beercaano (cakaarnews)Khamiis 22ka June 2017. Machadka cilmi baadhista DDSI ayaa daraasaadyo cilmiyaysan oo lagu darsayo Midho badinta dalagyadii horay loo tijaabiyay iyo waliba tijaabooyin cusub oo ku aadan abuurka dalagyada kaladuwan ee laqabsan kara cimilada deegaanka kawada mashruuca waraabka degmada beercaano.

Hadaba, Maareeyaha Machadka Cilmi Baadhista DDSI mudane Guuleed awcali kaahin  oo u waramay warbaahinta degaanka ayaa sheegay in mudo 3 bilood ah uu machadku kawado daraasaadyo kaladuwan oo  ku aadan dhanka dalagyada laqabsan kara cimilada deegaanka. wuxuuna  xusay maareeyuhu in daraasaakan laga wado dhul beereedka degmada beercaano islamarkaana lagu gudajiiro tijaabooyinkii dalagyada kaladuwan ee sida bariiska, qamandida, sinsinta, iyo waliba noocyada khudaarta ee kala ah, canabaha, liinta, mawska iyo saytuunka. Maareeyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in tijaabadan ay isugujirto 2 nooc taasoo kala ah midhihii horay loo tijaabiyay oo midho badin lagu samaynayo iyo midho cusub oo si hor leh loo tijaabinayo islamarkaana lafilayo in lagu guulaysto. Wuxuuna tilmamay in waxyaabaha waawayn ee horumarka keeni kara ay yihiin in si cilmiyaysan looga faaiidasto waxsoosaarka isagoo tilmaamay in hada kahor masagadu ku bixi jirtay 6 bilood, hadana  labeerto mid 3 bilood ku baxda, wakhti xaadirkana ay tijaabadeeda wadaan mid 2 bilood iyo 5 cisho kubaxda.

Wuxuuna carabka kudhuftay in natiijo wax ku ool ah ay kafilayaan daraasaadka iyo tijaabooyinkoodan ay kuwadaan waxsoosaarka dalagyada kaladuwan gaar ahaan tijaabooyinkan cusub ee lagu wado Canbaha oo 3 sano kudhalaya Muuska oo mudo sanad kayar kudhalaya cananis, liin-macaan, liin-dhanaan, muuska iyo waliba dhawr nooc oo calafka xoolaha ah oo uu kamid yahay elephant grass.

Ugudanbayna, gudoomiyaha degmada beercaano ayaa ku aamaanay daraasaadka ay wadaan machadka cilmi baadhistu islamarkaana ahmiyada baaladhan uleh dhamaan shacabwaynaha deegaanka. isagoo sheegay in tijaabooyinkan iyo daraasaayadan intooda badan lagu guulaystay kuwa cusubna laga filayo guulo waxku ool ah.

 

MM Tog Wajaale Oo Deeq Agab Caafimaad iyo Daawooyin Ku Wareejiyay Mas’uuliyiinta Degmada Wajaale Ee somaliland

$
0
0

Wajaale (cakaaranews)khamiis 22ka June 2017. mas’uuliyiinta maamulka magaalada tog-wajaale oo uu horkacayo maayorka maamulka magaalada tog-wajaale mudane maxamuud Cabdi Muxumed ayaa deeq caafimaad oo isugu jirta daawooyinka iyo qalabka adeegyada caafimaadka ku wareejiyay masuuliyiinta degmada wajaale ee daanta soomaliland.

Hadaba, maayorka maamulka magaalada tog-wajaale mudane Maxamuud Cabdi Muxumed oo warbaahinta u waramay ayaa sheegay in deeqdani isugu jirta dawooyinka iyo qalabka adeegyada caafimaadka islamarkaana ay ku caawiyeen shacabka walaalahooda ee dariska la ah deegaank gaar ahaan MM Tog Wajaale islamarkaana ay taageeradani qayb ka qaadanayso xakamaynta iyo tir tirida cudurka shuban biyoodka.

Ugudanbayna, mas’uuliyiinta degmada wajaale ee daanta soomaaliland oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin agabkan ay soogaadhsiiyeen Maamulka magaalada wajaale islamarkaana aya aad ugu mahad celinayaan xukuumada DDSI gaar ahaan masuuliyiinta maamulka magaalada wajaale oo soogaadhsiiyay daawooyin kaladuwan iyo qalab caafimaad oo kaladuwan. Waxayna intaa kudareen. In daawooyinkan ay waxwayn katarayaan xakamaynta cudurka shuban biyoodka.

1,116 Dhalinyaro MMJ Ah Oo Shaqo Abuur Loogu Sameeyay 60 Millyan Oo birr.

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews), jumce, 23ka June, 2017. munaasabad shaqo abuur loogu samaynayay dhalinyaro dhan 1,116 oo ka kooban 86 iskaashato oo lagu tababaray xirfadaha kala duwan ee noocyada  ganacsiga laguna daymiyay/amaahiyay aduun lacageed oo dhan 60 millyan ayaa ka dhacday hoolka shirarka ee Sayid MCX.

Haddaba, munaasabadii dhalinyaradan shaqo abuurka loogu samaynayay ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo uu ka mid yahay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, wasiirka xafiiska madaxtooyada DDSI mudane Cabdimahad Maxamed Cabaase wasiirka xafiiska dhalinyarada iyo ciyaaraha DDSI mudane Maxamed  Bile Xasan , masuuliyin kale oo heer deegaan ah iyo dhamaan dhalinyaradan shaqo abuurka loo samaynayay.

Waxaana ugu horayntii ka hadlay madaxwayne DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo si qoto dheer uga warbixiyay ahmiyada iyo ujeedooyinka munaasabadan taasi oo uu sheegay madaxwaynuhu in ay tahay munaasabad lagu hirgalinayo qorshihii lagu soo  tababarayay dhalinyarada xirfadaha kala duwan ee ganacsiga iyo wax soo saarka noocyadiisa kala duwan taasi oo ujeedada laga leeyahay tahay sidii loo xoojin lahaa abuuritaanka bulsho ku baraarugsan iskuna sharafta shaqada iyo isku filnaanshaha iyo wax soo saarka kana madaxbanaan  fikirada mashaqayste nimada, shaxaadka iyo dulsaarnimada. Madaxwaynaha ayaa sheegay in xirfadaha kala duwan ee dhalinyaradu tahay dhiig joojinta saboolnimada islamarkaana dhalinyaradan maantu ay qayb ka yihiin qorshayaasha lagu tir tirayo saboolnimada. Madaxwaynaha ayaa ku booriyay dhalinyaradan in ay sidii loogu talagalay u hirgaliyaan qorshahan kana ilaaliyaan ganacsigoodo mid sharci darno ah.

 

Dhankiisa wasiirka Xafiiska dhalinyarada iyo ciyaaraha DDSI mudane Maxamed  Bile Xasan ayaa ka warbixiyay xirfadaha kala duwan ee lagu tababaray dhalinyaradan iyo noocyada ganacsiga loo sameeyay  isaga oo sheegay in 86 kan  iskaashato oo ah dhalinyara laga soo kala xulay xaafadaha maamulka magaalada jigjiga  ay lacagtan la amaahiyay maanta oo dhan 60 millyan oo bir islamarkaana ay ku soo celinayaan lacagtan 5sano oo ay ku  ganac sanayaan xirfadaha kala duwan ee ay ka mid yihiin iskaashatooyinka wax soo saarka  beeralayda, naaxinta xoolaha, dhaqashada, digaaga iyo shinida, xoolo shaqato beeralayda iyo iskaashatooyinka  dhismaha biraha iyo alwaaxa.

Komoshineerka Komishinka Booliska DDSI Oo ka warbixiyay diyaar-garowga Munaasabada Ciidal Fidrida.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews),jumce, 23ka June, 2017. Komoshineer komishinka booliska DDSI mudane Farxaan Daahir Barkadle oo xafiiskiisa ugu waramayay warbaahinta deegaanka ayaa sheegay in si qurux badan oo dhinaca kasta leh loogu diyaar garoobay adkaynta amaanka  munaasabada wayn ee ciidal fidrida komishineerka ayaa tilmaamay in hay’adaha amniga DDSI gaar ahaan booliska DDSI  ku hawlan yahay sidii bulshada deegaanku  goobkasta ay ku tukanayo salaada ciidal fidrida ay si farxad leh oo xasilooniya ugu tukan lahaayeen taasina la dhamays tiray diyaar garowgeeda.

Munaasabadan ciidal fidrida ayaa ku soo beegantahay xili uu deegaanka si buuxda uga hirgalay horumar balaadhan iyo xasilooni-taam ah islamarkaana bulshada deegaanku ku ciidayaal horumar iyo xasilooni buuxda.

 

 


MW CMC Oo Munaasabada Ciidul Fidrida Tahniyad Hambalyo Udiray Muslimiinta Caalamka

$
0
0

Jigjiga (Cakaaranews) Sabti, 24ka  June, 2017  Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa  hanbalyo udiray dhamaan muslimiinta caalamka kuwa  dalkeena itoobiya  gaar ahaan muslimiinta DDSI.

Hadaba, Madaxwaynaha ayaa ugu bishaareeyay muslimiinta in ay farxad kuciidaan isaga oo Allaah uga baryay muslimiinta oo dhan  in laga aqbalo  khayraadkii bisha barakaysan ee Ramadaanka. Wuxuuna madaxwaynuhu dhamaan muslimiinta ugu baaqay in maalinta ciida ah  farxada lalawadaago dadka danyarta lana  caawiyo walaalaha muslimiinta ah qofkastana uu kawarhayo muslimiinta danyarta ah gaar ahaan kuwa dariskiisa ah.

 

MW CMC Oo Kulan La Yeeshay Kaabineega Iyo Odayaal Dhaqameedka DDSI

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews), sabti, 24ka June, 2017. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa kulan balaadhan oo lagaga hadlayay hirgalinta qorshaha cusub ee  jidka toobiyaha toosan ee lagu gaadhayo horumar waara oo joogtaysan  la yeeshay  golaha kaabineega DDSI iyo  odayaal dhaqameedka DDSI .

kulankaasi oo ka dhacay madasha shirarka kaali2 ee xarunta madaxtooyada DDSI ayaa Waxa ugu horayntii kulankaasi ka hadlay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo sheegay in ujeedada kulankani tahay sidii loo  hirgalinta qorshaha cusub ee  jidka toobiyaha toosan ee lagu gaadhayo horumar waara oo joogtaysan islamarkaana lagu tir tirayo saboolnimada qorshahaasi oo hal ku dhig looga dhigay  "waan soo celin karaan  isku filnaanshaheenii" ayaa waxa uu madaxwaynaha DDSI tilmaamay  in qorshahaasi ku salaysan yahay  xoojinta iyo meel marinta wax soo saarka beeraha iyo xoolo dhaqatada oo lagu hirgalinayo nidaam casriya oo cilmiyaysan. Madaxwaynaha ayaa ka warbixiyay khayraadka balaadhan ee uu deegaankeenu hodanka ku yahay ee ku haboon wax soo saarka dalaga noocyadiisa kala duwan iyo dhul daaqsimeedka xoolaha kaasi oo u haaban oo kaliya in sidiisa loogu tala galay looga  faa’iidaysto. Madaxwaynaha DDSI ayaa ku booriyay  hogaaminta odayaal dhaqameedka DDSI in ay hormuud ka noqdaan hirgalinta qorshahan si loogu midho dhaliyo ujeedooyinka qorshahan.

 

Dhankooda odayaal dhaqameedka DDSI oo ka hadlay kulankaasi ayaa si wayn u soo dhaweeyay qorshahan cusub  waxayna siwayn ugu mahad celiyeen hogaaminta sare ee Xukuumada DDSI gaar ahaan madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar  dadaalka xoogan ee ay markasta ugu jiraan sidii looga saarilahaa bulshada deegaanka saboolnimada loona gaadhsiin lahaa horumar waara oo aan soo noqod lahayn waxayna odayaal dhaqameedku hoosta ka xariiqeen in ay si buuxda u hirgalinayaan qorshahan cilmiyaysan ee lagu gaadhayo wadamada uu dhaqaalahoodu meel dhexaadka yahay.

Munaasabadii Salaada Ciidul Fidriga Oo Si Meeqaam Sare Ah Looga Ciiday Jigjiga.

$
0
0

Jigjiga (cakaaranews)Axad 25ka June 2017.Waxaa maanta si balaadhan oo farxadi kudheehan tahay looga ciiday guud ahaanba deegaanka soomaalida itoobiya ciida barakaysan ee ciidul fidrida,  iyadoo boqolaal kun oo kunool caasimada jigjiga ay si wada jir ah ugu tukadeen barxada wayn ee garoonka ciyaaraha kaladuwan ee magaalada jigjiga halkaas oo mas’uuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo uu ugu horeeyo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ay ku wehelinayaan afhayeenka golaha xildhibaanada DDSI ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane maxamedrashiid isaaq, golaha wasiirada DDSI  iyo mas’uuliyiin kale oo tiro badan ay kulatagadeen shacabwaynaha caasimada DDSI ee  jigjiga.

Hadaba, kahor intaan salaada lagalin ayuu madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar halkaa kasoo jeediyay hadalo muhiim ah isagoo hambalyo udiray dhamaan muslimiinta caalamka ee nabada jecel gaar ahaan muslimiinta reer itoobiya khaasatan shacabwaynaha deegaanka uguna hambalyeeyay farxada ciida barakaysan ee ciidal fidrida  islamarkaana ilaahay uga baryay inuu sanadkan sanadkiisa kugaadhsiiyo nabadgelyo, barwaaqo, farxad iyo rayn-rayn. Madaxwaynaha ayaa sheegay in cadawga 1aad ee deegaanku yahay saboolnimada taasi ooy xukuumada DDSI dajisay qorshayaashi lagu tir tirilahaa saboolnimada laguna gaadhilahaa horumar waara oo joogtaysan iyo isku filnaansho dhinaca kasta leh. Madaxwaynaha ayaa sheegay in shaqo abuurka dhalinyarada ay xukuumada xooga saartay si loo dabar-jaro saboolnimada iyo dulsaarnimada, dhinaca kale waxa uu madaxwaynuhu sheegay in xukuumada DDSI munaasabada barakysan ee ciidal fidrida darteed u cafisay maxaabiis dhan 1426 xubnood oo maxaabiis ah

Waxaa iyana kahadlay munaasbadii salaada ciida mas’uuliyiinta golaha arimaha islaamka iyo masjidul aclaha oo kawarbixiyey fadaa-isha ay leedahay munaasabadan ciidal fidridu kuwaasi oo shacabwaynaha ugu duceyay in uu illahay ka aqbalo cidaadadii iyo soonkii ay soo guteen kuna booriyay shacabka in ay sii xoojiyaan cidaadada iyo allah ka cabsiga iskuna naxariistaan.

Ugudanbayna, shacabwaynihii salaada ciida isugu yimid oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in nabad ay kuciidaan kadib markii ay sooguteen soonkii bisha ramaadaan ee barakaysnayd.

MW CMC Oo Xadhiga Kajaray Idaacada Dhagaysiga SW Ee DDSI

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Isniin 26ka June 2017. Munaasabad si heer sare ah losoo agaasimay oo xadhiga lagaga jarayay idaacada dhagaysiga SWda ee deegaanka oo ay kasoo qaybgaleen mas’uuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo ugu horeeyo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, afhayeenka golaha baarlamanka ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane maxamedrashiid Isaaq ,Madaxwayne kuxigeenka DDSI ahna Wasiirka xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah marwo Sucaad Axmed Faarax, madaxwayne kuxigeenka ahna Wasiirka xafiiska dhismaha iyo horumarinta magaalooyinka mudane Cabdixakiin Cigaal, Mas’uuliyiinta xafiiska maamulka DDSI, qaar kamid ah goloha kaabineega, Odayaasha deegaanka, heerarka kaladuwan ee shaqaalaha warbaahinta deegaanka kooxda fanka ee ilays-band iyo marti sharaf kale.

Hadaba munaasbadan xadhig kajarka ah ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo khudbad muhiim ah oo dhaxalgal ah kasoojeediyay halkaas isgoo madaxwaynuhu ka warbixiyay waxqabadka warbaahinta deegaanka iyo xaaladihii kaladuwanaa ee ay soo martay warbaahinta kala duwan ee  deegaanku. Wuxuuna madaxwaynuhu intaa kudaray in heerarka kaladuwan ee warbaahinta deegaanku soo martay xaalado kaladuwan iyadoo aysan jiri jirin wax idaacad ah ama TV ah oo afka soomaliga ku hadla oo uu deegaanku lee yahay marka laga reebo ideecada dhagaysiga ee addisababa iyo ideecada dhagaysiga ee Faana oo halsaac kali ah la dhagaysan jiray.

Sidookale, wuxuu madaxwaynuhu xusay in idaacadan SW da ahi a tahay idaacadii ugu horaysay ee deegaanku yeesho wax wayna ka tari doonto dhanka isgaadhsiinta xogoha, islamarkaana ay tahay lafdhabarata horumarka maadaama bulshada deegaanku ay 85% yihiin dad xoolo dhaqato ah oo aan haleelaynin inay daawadaan TV, madaxwaynaha oo hadalkiisii siiwata ayaa sheegay  in waxqabadka warbaahinta deegaanku qabatay tusaale loosoo qaadan karo   waxyaabaha uu hada ka hor xaliyay ESTV sida borobogaandadii nabadiidka uu usheegi jiray shacabka deegaanka gaar ahaan qurbajoogta deegaanka. Maxadwayanaha ayaana mahad celin udiray dhaqmaan TV yada iyo websiteyada taageersan horumarka deegaanka.

Dhanka kale, waxaa isana munaasabada ka hadlay afhayeenka baarlamanka ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamedrashiid Isaaq oo ugu horayn uhambalyeeyay xadhig kajarka ideecada SW oo ah mid lagu faano islamarkaana kaqayb qaadan doonta horumarka ka hanaqaaday deegaanka.

Soojeedin kadibna madaxwaynaha DDSI iyo afhayeenka baarlamaanka ayaa siwada jir ah xadhiga ooga jaray ideecada dhagaysiga  Short Wave (SW) ee mawjadeedu tahay  5.94 KH islamarkaana laga dhagaysanayo dhamaan deegaanka wakhti xaadirkana bilawday shaqadii loogu talagalay.

Ugudanbayna, madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo afhayeenka baarlamanka mudane Maxamedrashiid Isaaq ayaa abaalmarin qaali ah gudoonsiiyay xubnihii hormuudka ahaa ee sida balaadhan ee daacadnimada iyo wadaniyadu ku dheehantahay warbaahinta deegaanka uga soo shaqeeyay oo uu ugu horeeyo maareeyaha wakaalada warbaahinta deegaanka mudane Farxaan Maxamuud Axmed, Isagoo madaxwaynuhu kula dardaarmay shaqaalaha inay dadaalkooda halkaa kasii wadaan.

 

Maareeye Ku Xigeenka Wakaalada Jidadka DDSI Oo Ka Warbixiyay Taaba Galinta Hawlaha Jidadka.

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews),talaado, 27ka June, 2017. Maareeya ku xigeen wakaalada horumarinta  jidadka DDSI mudane Cabdilaahi Maxamed Cabdi oo xafiiskiisa ugu waramayay warbaahinta deegaanka ayaa si qoto dheer uga warbixiyay waxqabadka wakaalada horumarinta Jidadka DDSI ee dhinaca taaba galinta jidadka hal bawlayaasha u ah isku socodka bulshada  gobolada, degmooyinka iyo tuulooyinka DDSI ee qorshaaha GPT2ga.

Maareeya ku xigeenka ayaa sheegay in xukuumada DDSI sanadihii ugu danbeeyay diirada saartay  dajinta iyo fulinta qorshayaasha horumarineed ee ka jawaabaya baahida bulshada, kor u qaadida koboca dhaqaalaha deegaanka iyo kaabayaasha dhaqaalaha DDSI  kuwaasi oo ku salaysan qorshayaasha uu ka mid ka yahay qorshaha isbadalka koboca dhaqaalaha (GTP2ga ) ee dhinaca adeega wadooyinka. Maareeye ku xigeenka oo hadalkiisa wada ayaa ka tilmaamay   ahmiyada jidadku u leeyihiin adeegyada bulshada sida adeega caafimaadka, biyaha wax soo saarka beeraha iyo dhinaca maalgashiga isaga sheegay maareeye ku xigeenku in halkii sanadadii  hore ay ka  heli jireen adeega wadooyinka deegaanka 90 tuulo  oo kaliya ay hadda adeega isku socodka wadooyinka ka helaan in ka badan 1,200 tuulo oo ka mid gobolada iyo degmooyinka deegaanka.taasi qorshaha GTP2ga ah in dhamaanba deegaanka laga hirgaliyo  5tii KM laga hirgaliyo adeega wadooyinka halka ay qorshaha GTP3ga qorshaysan tahay in aan deegaanka 3dii KM laga waayin karin adeega wadooyinka.

Maareeye ku xigeenka mar uu ka hadlayay dhinaca buundooyinka, wadooyinka laamayga ah kuwa jayga ah iyo kuwa la dayactiray ayaa waxa uu sheegay in wakaalada jidadka DDSI iyada oo heshiis la galaysa shirkadaha dawliga ah ee DDSI ee ay ka mid yihiin shirkada dhismaha jidadka DDSI iyo wakaalada dhismaha, iibka iyo adeega gaarka ah ee DDSI ay hirgaliyay samaynta jidadka iyo  buundooyinka ay ka mid yihiin Waangay, Geel-doox,  Buundada kor celis  ee toga faafan iyo buundada  Qooraan, buuntada dhaawa oo isku xidhaysa gobolka liibaan iyo daawo oo kala xidhnaa, buundada qubi iyo  buundooyin kale oo muhiim u ah isku socodka iyo adeegyada bulshada sidoo kalena  ay wakaaladu samaysay wadooyin  la dhamayays tiray  iyo kuwa hadda socda   kuwaasi  fudaydiyay isku socdka bulshada gobolada iyo degmooyinka deegaanka.

Dhinaca jidadka laamayga ah ee ay xukuumada DDSI oo kaashanaysa heer faderaal fulinayso qorshaha GTP2ga waxa uu sheegay maareeye ku xigeenku in ay ka mid tahay jidka laamayga ah ee isku xidha jigjiga danbal diredhawa ilaa jabuuti, jidka laamayga ah ee isku xidha qabridahar ilaa wardheer jidka laamayga ah ee isku xidha goday, qalaafo ilaa feer-feer jidka laamayga ah ee isku xidha baahili fiiq xamaro cayuun Imaybari ilaa goday, jidka laamayga ah ee isku xidha shiniile ilaa dawanle oo hadda meel gabagabo ah maraya,  lamayga ah ee isku xidhaya jarati ilaa hagarmoqor, jidka laamayga ah ee isku xidhaya qoray, goljano, dhagaxmadow, sagag garbo ilaa dhanaan,  kuwaasi oo dhamayntood la hirgalinayo qorshaha GTP2ga aan ku jiro.

ugu danbayntii waxa uu sheegay maareeye ku xigeenku in  22kun oo KM oo isugu jira wadooyinka laamayga ah, kuwa jayga ah iyo kuwa tuulo ilaa tuulo isku xidha laga hirgaliyay deegaanka qorshaha GTP2ga isaga oo sheegay in xukuumada DDSI ay hadda awood u leeyahay hirgalinta noocyada kala duwan ee jidadka haysatana qalab casriya oo ah kuwa lagu sameeyo wadooyinka kala duwan isaga oo intaasi raaciyay in hirgalinta iyo samaynta wadooyinka iyo buundooyinka qaybta ugu muhiimsan hirgaliyeen ciidanka booliska gaar ah ee DDSI ka dib markii ay nabadgalyadii DDSI  hirgaliyeen. 

 

 

Tartanka Kubada Cagta Oo kasocday MM Dhagaxbuur Oo Soo Gabagaboobay

$
0
0

Dhagaxbuur(cakaaranews)Arbaco 28 June 2017. Tartan ciyaareed dhinaca kubada cagta ah oo bishii barakaysnayd ee ramadaan kasocday maamulka magaalada dhagaxbuur islamarkaana ay ku loolamayeen 8 kooxood oo kamid ah kooxaha kadhsian magaalada ayaa si qurux badan u soo gabagaboobay kadib markii ciyaarta kamadanbaysta ah ama finalka isugu soo hadheen kooxda xaafada 2aad iyo Kooxda xaafada 5aad ee MM Dhagaxbuur . iyadoo halkaasna ay guushu kuraacday kooxda xaafada 2aad, kuna badiyay 2­--0.

Hadaba, madaxa xafiiska ciyaaraha iyo dhalinyarada ee MM Dhagaxbuur mudane Cawaale Cabdi Dhicis oo u waramay warbaahinta deegaanka ayaa sheegay in ciyaarahani ay bilowdeen bishii ramadaan islamarkaana ay kooxuha dhanayeen 8 kooxood oo ah kooxaha ugu horeeya maamulka magaalada dhagaxbuur. Wuxuuna xusay madax xafiiseedku in tartankan isugu soo hadheen kooxda xaafada 2aad iyo kooxda xaafada 5aad ee maamulka magaalada dhagaxbuur. Wuxuuna tilmaamay in guusha tartankani ay raacday  kooxda qabalaha 2aad, islamarkaana ay kubadiyeen 2 gool iyo 0, koobkiina  halkaas ku hanteen.

Wuxuuna xusay in ciyaarahani ay yihiin ciyaaro xafiisku uu soo diyaariyo sanad walba, si kor loogu qaado sportiga iyo isdhaxgalka bulshada, faaiido badana ay u leeyihiin dhalinta soo koraysa, masuulka  oo hadalkiisa siiwata ayaa carabka kudhuftay in ciyaarahani ay si farxadleh u soogabagaboobeen.

Ugudanbayna, qaarkamid ah kooxihii guushu raacday iyo kuwiilagaqaaday ayaa sheegay in aad ugu faraxsanayihiin taratankan kubada cagta islamarkaana ay kuqanacsanayeen ciyaarihii oo dhanba.

MW CMC Iyo Golaha Kaabineega DDSI Oo Qaabilay Wafti Heer Federal Ah Oo Kasocday Wasaarada Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha JDFI

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Arbaco 28ka June 2017. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo golaha kaabaneega DDSI ayaa kulan balaadhan kula qaatay hoolka shirarka ee xafiiska Madaxwaynaha DDSI  wafti heer federal ah oo ka socday wasaarada dhalinyarta iyo ciyaaraha JDFI.

Hadaba waftigan oo uu hogaaminayay madaxwaynaha olombikada dalkeena itoobiya mudane Dr Ashabir oo ay ku wehelinaysay orodyahanada caanka ah ee dalkeena itoobiya marwo Derertu Tulu ayaa waxaa ogu horayntii ka hadlay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo uu ugu horayn umahada celiyay imaanshaha waftigan ay yimaadeen deegaanka islamarkaana sheegay inuu ujeedada kulankan yahay sidii loosii xoojin lahaa qaybaha kaladuwan ee ciyaaraha iyo waliba sidii dhalinta loogu boorin lahaa inay sii xoojiyaan qaybaha kaladuwan ee ciyaaraha si ay tartanada caalamka natiijo wax ka ool ah uga keeni lahaayeen. Wuxuuna madaxwaynahu intaa ku daray inay inuu deegaankau ku howlanyahay sidii dhalinta shaqo abuur iyo camal loogu samayn lahaa islamarkaana looga caawin lahaa wax walba oo ay ubaahanyihiin.

Dhanka kale waxaa isana dhankiisa ka hadlay madaxwaynaha olombikada dalkeena itoobiya mudane Dr Ashabir oo ugu horayn umahad celiyay madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar iyo golaha kaabineega islamarkaana sheegay inuu ujeedada socdaalkan uu yahay  sidii loosii xoojin lahaa qaybaha kaladuwan ee ciyaaraha iyo waliba sidii dhalinta loogu boorin lahaa inay sii xoojiyaan qaybaha kaladuwan ee ciyaaraha si ay tartanada caalamka natiijo wax ka ool ah uga keeni lahaayeen. Wuxuuna intaa kudarya inay xukuumadu aad oogu mahadsantahay sida hagar la aanta ah ee ay doonayso inay ku hormariyaan dhalinta deegaanka

Ugu Danbayne waxay madxwaynaha DDSI iyo waftigan Heer federal ayaa si wada jir ah isula qaatay sidii loosii xoojin lahaa qaybaha kaladuwan ee ciyaaraha iyo waliba sidii dhalinta loogu boorin lahaa inay sii xoojiyaan qaybaha kaladuwan ee ciyaaraha si ay tartanada caalamka natiijo wax ka ool ah uga keeni lahaayeen.


Hay’ada MCDO Oo Deeq Agab Ah U Qaybisay Arday Isugu Jirta Agoon Iyo Danyar.

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews), khamiis, 29ka, June, 2017. Hay’ada horumarinta hooyada iyo dhalaanka ee marka afka qalaad la soo gaabiyo loo yaqaano (MCDO) oo kaashanaysa hay’ada CCRD ayaa deeq agab ah oo isugu jirta dhar, buugaag, noocdayada qalimaanta, boorsadaha lagu qaato buugaagta iyo dharka u qaybisay 700 oo ardayda  oo wax ka barata dugsiyada maamulka magaalada jigjiga kuwaasi oo isugu jira ardayda agoonta ah iyo kuwa danyarta ah.

Munaasabadii lagu wareejinayay agabkan oo ka dhacday hoolka shirarka ee kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI ee magaalada jigjiga  ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin ka socday maamulka magaalada jigjiga iyo masuuliyiinka socday hay’ada horumarinta hooyada iyo dhalaanka (MCDO).

Waxaana, ka hadlay munaasabadaasi madaxa xafiiska maayirka magaalada jigjiga mudane Cabdicasiis Mahad oo ugu horayntii u mahad celiyay hay’ada horumarinta hooyada iyo dhalaanka ee deeqdan ugu talagalay in ay soo  gaadhsiiyaan ardayda danyarta ah iyo kuwa agoonta ah ee wax ka barta dugsiyada maamulka magaalada jigjiga isaga ka warbixiyay ahmiyada uu leeyahay agabkani gaar ahaan dhiiragalinta wax barashada ardayda danyarta ah ee wax ka barata dugsiyada maamulka magaalada jigjiga.

Faysa Cabdilaahi Ibraahin oo ka mid ah masuuliinta ka socoday hay’ada horumarinta hooyada iyo dhalaanka oo ka hadashay goobta agabkan lagu qaybinayay  ayaa sheegtay in deeqdan agabka ah oo isugu jirta dhar, buugaag, qalimaan, noocyada kala duwan ee boorsadaha ay u qaybiyeen 700 oo arday kuwaasi oo laga soo kala xulay 10 isguul oo ka mid ah dugsiyada maamulka  magaalada jigjiga gaar ahaan ardayda danyarta ah iyo kuwa agoonta ah ujeedada deeqduna tahay sidii wax barashada loogu dhiiragalin lahaa ardaydan.

Gabagabadii munaasabadan ayaa  waxay masuuliyiinta ka socoday hay’adan horumarinta hooyada iyo dhalaanku ku wareejiyeen deeqdan agabka ah masuuliyiinta ka socday maamulka magaalada jigjiga iyada oo isla goobtaasi loogu qaybiyay ardaydii laga soo kala xulay dugsiyada maamulka magaalada jigjiga.   

Ogaysiis-Ogaysiis

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Khamiis 29ka June 2017. waxaa dhamaan bulshada deegaanka   la ogaysiinayaa in subaxnimada maalinta sabtida ah uu bilaabmayo tartankii iibsashada guryaha gibiyada ah ee kuyaala wadada wajaale qiimahoodii horana hoos loo dhimay.

Hadaba dhismaha guryahan ayaa ah labo nooc oo kala ah kuwa saaran wajiga hore ee wadada wajaale  oo ah darajada 1aad qiimahooduna waa 805,000 (sideed boqol iyo shan kun oo birr ) iyo kuwa darajada 2aad oo ah 690,00 kun ( lix boqol iyo sagaashan kun oo birr)  Wuxuuna tartankan gibiyada casriga ah uu ka dhacayaa goobta ay ku yaalaan gibiyadan casriga ah, Wuxuuna tartanku dhacayaa subaxnimada maalinta sabtida ah  2da saac. Waxaana tartamayaasha gibiyadan la ogaysiinayaa in diwaan galinta gibiyadan ay tahay 10,000 birr oo lacag ah iyadoo cida ku guul daraysatana loo celin doono lacagtii diwaangalinta .

Ugu danbayna waxaa tartamayaasha la ogaysiinayaa inaysan moogaanin hanashada iibsashada guryahan casriga ah ee loo talagalay bulshada deegaanka. Waa wakaalada horumarinta guriyaynta DDSI oo idin leh tartan wacan

Kulan Lagu Soo Bandhigayay Daraasaad Laga Soo Sameeyay Degmooyinka Deegaanka.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews), khamiis, 29ka, June, 2017. Waxaa lagu soo gabagabeeyay magaalada jigjiga gaar ahaan hoolka shirarka ee huteelka city crown kulan lagu soo bandhigayay daraasaad laga soo sameeyay dhamaan degmooyinka deegaanka kaasi oo ku salaysan sidii loo ogaan lahaa xaaladaha ee jiri kara 6 bilood ee soo socda iyo sidii loo hirgalin lahaa qorshaha loogu diyaar garoobilahaa  saamaynta ka imankarta xaaladaah isbadalka cimilada ee 6da bilood ee soo socda.

Kulankaasi oo uu soo diyaariyay xafiiska ka hortaga iyo u diyaar garowga masiibooyinka DDSI ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta xafiisaka ka hortaga iyo u diyaargarowga masiibooyinka DDSI oo uu ka mid yahay wasiirka xafiiska ka hortaga iyo u diyaar garowga masiibooyinka DDSI mudane xuseen maxamed xasan, masuuliyiin ka socda  xafiisyada heer deegaan ee ay bah-wadaagta yihiin xafiiska iyo masuuliyiinka socday hay’adaha aan dawliga ahayn ee ay bah-wadaagta yihiin xafiiska ka hortaga iyo u diyaargarowga masiibooyinka DDSI.

 

Waxaana, ugu horayntii ka hadlay kulankaasi wasiirka xafiiska ka hortaga iyo u diyaargarowga masiibooyinka DDSI mudane xuseen maxamed xasan oo ka warbixiyay ahmiyada iyo ujeedooyinka kulankan isaga oo sheegay in uu yahay kulan socday 2 maalmood oo lagu soo bandhigayay daraasaadyo laga soo sameeyay dhamaan degmooyinka deegaanka kaasi oo ku qotoma soo ogaanshaha xaaladaha baahiyaha jiri kara 6 bilood ee soo socda iyo sidii looga gaashaaman lahaa saamaynta ay keeni karto cimilada isbadashay wuxuuna wasiirku intaasi ku daray in mudada uu kulanku socday lagu qaadaa dhigayay hirgalinta qorshaha wax lagaga qabanayo isbadalka cimilada sidoo kalena lagaga hortagayo dhibaatooyinka ka imankara isbadalka cimilada.

Tababar Ku Aadan Kobcinta Garaadka Aqoomeed Ee Kooxaha Horumarka Ee goobaha Dajinta Ayaa Lagawadaa Degmooyin Kamid ah Gobolada Liibaan, Afdheer iyo Daawa

$
0
0

Dolo-cado(cakaaranews)Jumce 30ka June, 2017. Tababar ay iska kaashadeen xafiiska Adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaala DDSI iyo wasaarada Adeega shacabka iyo Horumarinta cududa shaqaalaha oo ay ujeedadiisu ahayd kor uqaadista garaadka aqoomeed ee xubnaha Golaha ama kooxaha horumarka ee goobaha dajintu kajirto ee gobolada Afdheer, Liibaan iyo Daawa ayaa si habsami leh usocda.

Hadaba, madax kooxeedka kooxaha tababarka fulinaya ahna khabiir sare oo katirsan xafiiska adeega shacabka iyo Horumarinta Cududa Shaqaalaha DDSI mudane Cabdulaahi Ibraahim Cabdi oo u waramay shabakada wararka ee cakaaranews ayaa sheegay in tababarkan fulintiisa ay iska kaashadeen xafiiska Adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaala DDSI iyo wasaarada Adeega shacabka iyo Horumarinta cududa shaqaalaha islamarkaana ujeedadiisu tahay kor uqaadista garaadka aqoomeed ee xubnaha Golaha horumarka ee tuulooyinka dajinta. Wuxuuna intaa kudaray madax kooxeedku in kooxdoodani ay tababarka siinayso  tuulooyinka hoosyimaada degmooyinka Filtu, Boqolmayo, iyo Dollo-Ado. Si lamid ahna ay kooxo kale tababarka usinayaan 10 degmo oo kakalatirsan 3da Gobol ee kor uxusan.

Wuxuuna carabku ku adkeeyay in Tababaradan xubnaha lasiinayo ay yihiin xubno laga aasaasay shacabka dhaxdooda ee tuulooyinka deegaanka islamarkaana lagu magacaabo golaha horumarka liyadoo tababarkana lagu barayo casharo ay ka mid yihiin xilka iyo waajibaadka golaha iyo kooxaha horumarinta goobaha dajinta, xidhmada maamulka suuban iyo ciidanka horumarka  iyo waliba dhamaan shuruucaha maamulka suuban iyo saraynta sharciga. Iyadoo tababarkana lasiinayo guud ahaan xubno dhan 1485 oo ka kala tirsan 99 goobood oo dajin ah ee hoosyimaada sadexda gobol Afdheer, Liibaan iyo Daawa.

Sikastaba ha ahaatee ,tababarkan ayaa waxa uu  si hab samileh uga socdaa  13 degmo oo kala ah Filtu, Boqolmayo, Dollo-Ado, Gorobaqaqsa, Gorodhamole, Dekasuftu, Qarsadula, Mubaarak, Hudet, Hargeele, Jarati & Dollo-bay halkaas oo lagu tababarayo kooxaha horumarka ee goobaha dajinta.

 

MW CMC Oo Garoonka Diyaaradaha Caalamiga Ah Ee Garaad Wiil Waal Ku Soo Dhaweeyay Wafti Balaadhan Oo Uu Hogaaminayo MW Jubaland.

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Jumce 30ka June 2017. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ay wehelinayaan   qaarka mid ah golaha kaabineega DDSI ayaa si meeqaam sareleh  ugu soo dhaweeyay garoonka caalamiga ah ee garaad wiil-waal wafti balaadhan oo uu hogaaminayo madaxwaynaha dawlad goboleedka Jubaland mudane Axmed Maxamed Islaan iydoo waftiga lasii mariyay guryaha Real Stateka   dulqabow ee magaalada jigjiga islamarkaana soo indha indheeyay dhismayaasha xaafadaha dulqabow oo ah dhismayaal casriya sidoo kale waxay waftigu  boodeen  booyadaha cusub ee loogu talagalay in shacabka abaaruhu saameeyeen wax loogu qabto oo tiradoodu dhantahay 200 oo booyadood.

Ugu danbayn Waftigan ayaa waxa la filayaa inta ay joogaan xarunta deegaanka in ay kulamo la yeeshaan masuuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo ugu horeeyo madaxwaynaha DDSi mudane Cabdi Maxamuud Cumar

Viewing all 304849 articles
Browse latest View live




Latest Images