Danbal(cakaaranews)Isniin, 23ka July 2018. Madaxwayne kuxigeenka ahna wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI oo ay waheliso wasiirkuxigenka wasaarada caafimaadka JDFI marwo saxarla cabdulaahi iyo waliba masuuliyiinkale oo heerdeegaan ah ayaa gaadhay senterka Araabi oo katirsan degmada danbal islamarkaana xadhiga kajaray dugsiga sare ee senterka araabi oo balaadhin lagu sameeyay.
Hadaba, waftigan uu hogaaminayay Madaxwayne-kuxigeenka ahna Wasiirka Xafiiska Caafimaadka DDSI mudane Xamdi Aadan ayaa markii ay gaadheen ay bulshadu si wayn ugu soodhawaysay seneterka araabi ee katirsan degmada danbal waxayna si habsamileh xadhiga uga jareen 4 fasal oo lagu daray dugsiga sare ee araabi. Xadhiga kajarka kadibna, mdaxwayne kuxigeenka ahna wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Xamdi Aadan oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanayahay in maanta ay xadhiga kajaraan dugsigan sare ee blaadhinta lagu sameeyay islamarkaana ay iyagu si iskood ah u dhiseen bulshada ree araabi. Wuxuuna madaxwaynuhu ugu mahadceliayay bulshada fulisay dugsigan in ay kaqaybgal wanaagsan sameeyeen islamarkaana ay yihiin muwaadimiin dhab ah.
Sidookale, waxaa iyana halkaas kahadlay Wasiir-Kuxigeenka Wasaarada Caafimaadka JDFI Marwo Saxarla Cabdulaahi Iyo Waliba Maareeyaha Wakaalada Ilaalinta Deegaanka Kaymaha Macdanta Iyo Tamarta DDSI Mudane Mawliid Haayir Xasan. Waxayna sheegeen inay aad ugu faraxsan yihiin kasooqaybgalka munaasabadan xadhig kajarka ah ee ay xadhiga kaga jarayaan balaadhinta dugsiga sare ee santarka araabi ee dagmada danbal. Waxayna intaas kudareen in blaadhintan dugsiga sare lagu sameeyay ay fuliyeen bulshada senetrka ree araabi. Waxayna intaas kudareen in kaqaybgalka bulshadu uu yahay mid aad muhiim ah islamarkaana loo baahan yahay in wanaagan ay sameeyeen ay halkaas kasiiwadaan bulshada ree araabi dal iyo dibadba.
Ugudanbayna, madaxwayne kuxigeenka iyo waftiga uu horkacayo ayaa kulamo kalduwan laqaatay bulshada qaybaheeda kaladuwan ee kudhaqan senetrka araabi ee degmada danbal.