Jigjiga(CakaaraNews ) isniin, 22da February, 2016, waxaa maalintii sadexaad si qurux badan uga socda madasha shirarka xarunta madaxtooyada kulan waynihii wada tashiga shacabka iyo xukuumada DDSI ee ay ujeedadiisu ahayd sii xoojinta hawlaha horumarka, nabadgalyada, maamulka suuban iyo la dagaalanka argagixisada taasi oo uu maanta ka soo qaybgalay wasiirka wasaarada arimaha faderaalka JDFI mudane Kase Tegle Burhan.
Kulan waynahan oo ay hogaaminayeen madaxwaynaah DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo afhayeenka golaha xildhibaanada DDSI ahna gudoomiyaha XDSHSI Maxamedrashiid Isaaq ayaa waxaa khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa ka soo jeediyay wasiirka wasaarada arimaha federaalka JDFI mudane Kase Tegle Burhan oo ugu horayntii qaybaha kala duwan ee shacabwaynaha DDSI u soo jeediyay salaan iyo hanbalyo uu uga wada hogaaminta sare ee xisbiga EPRDF.
Wuxuuna sheegay wasiirku in ujeedada fagaarayaasha kulamada noocan ah yihiin kuwa lagu saxar tirayo maamulka suuban. Waxa kale oo uu wasiirku si qoto dheer uga waramay soonyaalkii taariikheed ee dalka gaar ahaana deegaanka somalida itoobiya taasi oo uu tilmaamay in uu deegaanku intii ka horeysay itoobiyada cusub uu ahaan jiray xiryo ciidan oo kaliya
Wasiirku isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sheegay in deegaanka soomalida itoobiya wakhtiyadii hore la jaan qaadi kari waayay itoobiya cusub dibna uga dhacay dhinacyada horumarka, nabadglayda iyo maamulka suuban islamarkaana uuna ka faa’iidaysan isbedaladii iyo neecawdii horumarineed ee wadanka ka curatay. taasi oo uu ku sheegay in ay sal u ahayd is jiid iiidadka siyaasadeed oo haystay hogaamintii xiligaasi qaarkood aaminsanaayeen aragtida soomali wayn nidaamkaasina sii xoogayey ururadii nabad diidka waxaana intaasi u dheeraa ayuu yidhi wasiirku isku dhaca qabiilada deegaanka soomalida itoobiya oo ragaadiyay helitaanka nabadgalyo iyo horumarka.
Khudbada wasiirka oo ahayd mid aad u dheerayd ayaa waxa uu nurux keedu ahaa in deegaanka soomalida itoobiya oo sanadadii hore ku jiray deegaanada dib uga dhacay dhinacyada horumarka nadabglayada iyo maamulka suuban. wuxuuna sheegay wasiirku in uu hadda ku jiro deeganada hore u maray kana tagay kuwii dib u dhacay.taasina ay sal u tahay markii ay siwada jir ah wax u wada qabsadeen una midoobeen garabyada qaybaha kala duwan ee bulshada iyo garabka xukuumada oo is ku duubni ugu wada jihaystay dhinaca hurumarka, nabadgalyada iyo maamulka suuban. kulan waynahan wada tashiguna yahay kuwa sii xoojinayo hawlahaasi.
Kulan waynahan wada tashiga ayaa maanta halkiisii ka sii socda iyada oo maanta galinka danbe la sugayo in ay ka hadlaan qaybaha kala duwan ee bulshada DDSI.