Qubi,(Cakaaranews), jimce, 19ka February, 2016, Masuuliyiinta maamulka degmada qubi oo uu hogaaminaya gudoomiyaha degmada Qubi ee gobolka Nogob mudane Shaafi Axmed Khaliif ayaa soo kor-meeray biyo xidheenada laga hirgalinayo degmada qubi ee sanad miisaaniyeedkan 2008TI.
Degmada qubi ayaa sanadkan waxaa laga hirgalinayaa 3 biyo xidheen oo ah qorshayaashii ay qaadatay xukuumada DDSI ee dhinaca biyo xidheenada taasi oo xooga la saaray kaydinta biyaha cirka. Waxaana warbaahinta uga warbixiyay heerka ay marayaan biyo xidhaanadaasi, wakhti ay booqanayeen mid ka mid ah biyo xidheenadaasi gudoomiyaha degmada Qubbi mudane Shafi Axmed Khaliif, wuxuuna sheegay in ay 2ba ka mid ah gabagabadii ugu danbeeyay marayaan. Halka uu kan ay hadda booqanayaana shaqadiisu meel fiican marayo islamarkaana dhawaan la soo gabagabayndoona si ay wakhtiyada soo socda u bixiyaan adeegii loogu talagalay.
Gudiga mashaariicaha ee degmada qubi oo kor meerkan ku hehelinayay gudoomiyaha iyo masuuliyiintan kale ayaa sheegay in ay ujeedada kormeerkani tahay sidii loogu kuurgalilahaa geedi socodka shaqo ee mashruucan biyo xidheenka ah islamarkaana loo sii dar dargalinlahaa. Waxayna tilmaameen in ay jihooyinkii loogu talagalay u socdaan mashaariican biyo xidheenada degmada Qubi.
dhankoodan waxgaradka iyo odoyaasha degmada Qubbi, oo qayb ka ahaa kormeerkan ay masuuliyiintu ku marayaan mashaariicahan biyo xidheenada ayaa sheegay in ay bulshada qubi guud ahaanba siwayn u soo dhawaynayaan hirgalinta mashaariicahan waawayn ee kor loogu qaadayo nolosha bulshada ku dhaqan degmada. Waxayna si mug wayn ugu mahad celiyeen xukuumada DDSI ee hirgalinaysa mashaariicahan.