Tuulada Abaaleey( cakaaranews )Arbaco 30ka March 2016, Rijimantiga 33 aad ee ciidanka booliska gaar ka ah ee Liyu-Police islamarkaana kahawlgala nawaaxiga Degmada Feerfeer ayaa beerr ay ka beereen qabalaha Abaaleey ka soo guray Qarre ama Xab-xab tiradiisu kabadantahay700 midh islamarkaana u qaybiyay bulshadii halkaas joogtay kuna dhiiri galiyay bulshadii looqaybinayay in dhulka oo labeerto ay faa iidadaas leedahay.
Hadaba taliyaha ciidamada-Gaarka ah qaybta degan nawaaxiga Feerfeer Shalaaqe Cabdulaahi Aadan oo u waramay shabakada cakaranews ayaa sheegay in beertan ay ciidanku kubeereen dalagyo kaladuwan oo ay kamid yihiin Galayda, Canbaha Yaanyada Mooska iyo waliba qaraha, islamrkaana dhulka ay ka beereena uu dhanyahay 20 higtar.
Wuxuuna shalaaquhu xusay in maanta ay ciidanku soo gureen qarre bislaaday oo tiradiisu kabadantahay 700 midh islamarkaana bulshadii aagaas daganayd ay u qaybiyeen iyagoo sidookalana ku dhiirigaliyay bulshada in dhulka labeerto ay qaybkatahay Horumarka iyo cidhib tirka gaajada.
Dhanka kale waxaa isna u riyaaqay wax soosaarka ciidamada sida gaar ka ah utababaran ee Liyu-police Gudoomiyaha degmada Feerfeer Mudane Maxamed Khadar Faarax oo sheegay in halyeeyada liyuugu ay mudan yihiin in loo mahadceliyo markasta maadaama oo ay Horumarka qaybihiisa kalduwan ka shaqaynayaan islamarkaana ay shacabka lagarab taaganyihiin Hiil iyo Hoo labadaba, kadib markii ay soo afjareen ururadii Nabad diidka ahaa ee UBBO iyo Al-Itixaad iyo waliba Alqushaash oo ay cashar lama-iloobana ay u dhigeen.
Wuxuuna gudoomiyuhu intaa kudaray in guulaha ay markasta soo hooyinayaan ay tahay ducada shacabka DDSI ay u ducaynayaan ciidamada gaar ka ah ee Liyu-Police.