Higlooleey( cakaaranews )Khamiis 31ka March 2016, Wafti uu horkacayo Afhayeenka Golaha Baarlmaanka DDSI ahna Gudoomiyaha XDSHSI Mudane Maxamed-rashid Isaaq ayaa kaqaybgalay daahfurkii iyo dhagxdhigii mashaariicaha degmada cusub ee higlooleey ee katirsan Gobalka Qoraxay.
Hadaba, waftigan uu hogaaminayay afhayeenku ayaa waxaa socdaalka kuwahelinayey xubno sar sare oo ay kamid ahaayeen madaxwayne Kuxigeenka Maxkamada Guud mudane Axmed Maxamed Shugri, wasiirka caafimaadka DDSI mudane Cabdifataax Siciid, wasiir kuxigeenka Horumarinta magaalooyinka iyo Warshadaha DDSI Mudane Asad Cumar iyo waliba masuuliyiin kale.
Sidaasdarteed degmadan cusub ee Higlooleey oo loosamayay xaflad heer sare ah ayaa waxaa ugu horayn lagu furay aayadaha quraanka kariimka ah kadibna waxaa qudbad dhinacyo badan taabanaysa kasoojeediyay Afhayeenka Golaha Baarlamaanka DDSI ahna Gudoomiyaha XDSHSI Mudane Maxamed-rashid Isaaq, oo sheegay in kasooqaybgalka degmadan cusub ee Higlooleey uu aad ugu faraxsanayahay isagoo aadna ugu mahadceliyay sida quruxda badan ee farxadu ku dheehantahay ee ay bulshada ree Higlooleey ay u soo dhawaysay. Sidookale afhayeenka ayaa tilmaamay hormarka balaadhan ee deegaanka ka hanaqaaday shantii sano ee udanabaysay iyo waliba sida uu xawliga ugu socdo horumarka DDSI.
afhayeenka oo hadalkiisii siiwata ayaa xusay in degmadani ay kutaalo meel aad u fiican oo dalsan ah islamarkaana ku haboon wax soosaarka. Ugudanabayna wuxuu masuulku ku booriyay bulshda Higlooleey inay degmada cusub ay maalgashadaan.
Sikastaba ha ahaatee, Afhayeenka Golaha Baarlmaanka DDSI ahna Gudoomiyaha XDSHSI Mudane Maxamed-rashid Isaaq, iyo madaxwayne kuxigeenka maxkamada guud DDSI mudane axmed maxamed shugri ayaa siwada jir ah u dhagax dhigay dhismaha Mashaariic Horumarineed oo ay kamid yhiin iskuulo iyo caafimaad.
Ugudanabayntii waxaa iyaguna dhinacooda kahadlay kaqaybgalayaashii xaflada oo ay kamid ahaayeen cuqaasha , waxgaradka, haweenka iyo dhalinyada oo ka hadlay dareenkooda ku aadan xaflada degmada cusub iyo waliba dhagax dhiga mashaariicaha cusub ee lasamaynayo iyagoo xusay inay hormarinayaan degmadooda islamarkaana ay maalgashanayaan.
.