Jigjiga(cakaaranews)Talaado 4ta July 2017. Xirfadlayaasha beeraha iyo caafimaadka xoolaha oo tiradoodu dhanatahay 192 xubnood islamarkaana kakalayimid 16 degmo oo deegaanka ah ayaa loo xarunta deegaankaa ee magaalad jigjiga loogu bilaabay tababar kaasoo socon doona mudo 20 cisho ah.
Hadaba, tababarkan oo soo agaasimay mashruuca horumarinta reeguuraaga ee looyaqaano PCDP ayaa waxaa furitaankiisii kahadlay wasiirka xafiiska xoolaha iyo horumarinta reerguuraaga marwo Maajida Maxamed Maxamuud oo sheegtay in tababarkani yahay mid xirfadlayaasha lagu barayo casharo laxidhiidha xirfadooda islamarkaana ay muhiim tahay in ay sifiican uga faaiidaystaan tababarku intuusocda kadibna cilmigii ay barteen ay kadhaqan galiyaan goobihii iyo degmooyinkii kakala yimaadeen.
Sidookale, maareeyaha mashruuca horumarinta bulshada xoolodhaqatada ah Mudane Cabdifataax Axmed Ismaaciil oo sheegay in tababarkani uu yahay mid kasocda dhamaan deegaanka oo dhan islamarkaana ujeedadiisutahay in kor loogu qaado aqoonta xirfadakayaasha xoolaha iyo beeraha ee deegaanka. wuxuuna intaa kudaray in tababarkan uu lasocdo qalab korloogu qaadayo awooda goobaha iyo xarumaha caafimaadka xoolaha iyo waliba xafiisyada iyo goobaha xirfadlayasha beeraha.
Sikastaba ha ahaatee, tababarkan ayaa waxaalasiinayaa xirfadlayaal kakalasocda 16 degmo oo kakala tirsan 4 gobol oo deegaanka ah. Waxaana laga filayaa in waxwayn kataridoono awooda fulineed ee xirfadlayaasha