Qabridahar(Cakaaranews) Isniin 3da July 2017.Waxaa si rasmi ah uga furmay magaalada qabridahar ee xarunta gobolka qoraxey tartankii Ciyaarihii kubada cagta ee dhamaan degmooyinka Gobolka qoraxey, Tartankan oo loogu talagalay in lagu xusho ciyaartoydii gobolka qoraxey uga qaybgali lahayd tartanka ciyaaraha kubada cagta ee gobolada deegaanka ayaa maanta la daah furay.
Hadaba tartanka kubada cagta ee degmooyinka gobolka qoraxey ayaa waxaa kasoo qaybgalay Wasiirka xafiiska waxbarashada DDSI Mudane Ibraahim Aadan Mahad, mas’uuliyiinta ugu saraysa gobolka qoraxey oo ugu horeeyo gudoomiyaha gobolka qoraxey mudane Yuusuf Aadan Yuusuf iyo mas’uuliyiin kale. Waxaana ugu horayn tartankan ka hadlay gudoomiyaha gobolka qoraxey mudane Yuusuf Aadan Yuusuf oo sheegay inuu tartankan yahay mid loogu talagalay dhamaan degmooyinka gobolka qoraxey islamarkaana lagu xulanayo ciyaartoy kala duwan oo lagasoo xulay dhamaan degmooyinka uu gobolku ka kooban yahay, Wuxuuna gudoomiyuhu kula dardaarmay ciyaartoyda degmooyinka inay si anshax leh u ciyaaraan mudada uu tartanku socdo islamarkaana iska ilaaliyaan waxyaabaha qaska iyo muranka uu kamid yahay.
Ugu danbayna waxaa halkaas ka furmay tartankii ciyaaraha kubada cagta ee gobolka qoraxey oo lagu furay labada degmo eek ala ah degmada qabridahar iyo degmada dhoobawayn, Iyadoo kooxahan labada degmo isku mari waayay barbaro 2-2 ah. Ciyaartiina ku sidaa ku dhamaatay.